Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo Sawirada:Wafdigii dowlada ee tagay magaalada Beledweyne oo la kulmay Maamulk iyo Odayaasha

$
0
0

Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa manta kulan ku layeeshay magaalada Beledweyne odayaasha iyo maamulka gobolka Hiiraan.
Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno kale oo dowlada katirsan ayaa usheegay mamulka iyo qeybaha Bulshada Beledweyne in ay tacsi uga sidaan madaxda dowlada Soomaaliya sida Madaxweyne Xasan Sh iyo Ra’isul Wasaare Dr Saacid Faarax.
C.Kariim Xuseen Guuleed ayaa shegay in gacan ka xaqdaran ay dishay Alla ha unaxariiste Sh Maxamed Xaaji Xuseen “Maracade’ oo ahaa gudoomiyihii odayaasha dhaqanka gobolkas.
Dilkiisa ayaa loo soo qabtay dhowr qof sidoo kalana waxaa la sheegay in loo dilay labo ruux oo kale gudaha magaalada Beledweyne.
Wafdigan maanta booqday magaalada Beledweyne ayaa dhanka kale ku amaanay maamulka iyo shacabka Beledweyne qaabka ay uga soo dhalaaleen la shaqeynta dowlada iyo sugida amaanka.
Waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay qorshe cad usamayn doonto arimaha maamulada dalka, gar haan dhinaca tageerida.
DAAWO SAWIRADA

 


Daawo Sawirada:Bilicda Qurxoon ee Magaalada Cadaado, Xarunta Ximan iyo Xeeb

$
0
0

Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb ayaa kamid ah magaalooyinka ugu bilicda wanaagsan bartamaha dalka iyo guud ahaan Soomaaliya.
Magaalada Cadaado ayaa sidoo kale ah magaalo amaan oo xarun u ah ganacsiga bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Galgaduud.
Hadaba DAAWO SAWIRADA BILICDA CUSUB E CADAADO

AMISOM oo cambaareysay dilkii guddoomiyihii odayaasha Hiiraan Sheegtaynain baaridoonto Dilka

$
0
0

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa cambaareeyay dilkii shalay loo gaystay guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Sheekh Maxamud Sheekh Xuseen.
Taliyaha AMISOM General Andrew Gutti ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelkii, saaxiibbadii iyo bulshada gobolka Hiiraan oo uu ka geeriyooday hoggaamiyaha shirqoolka lagu dilay.
Jeneraal Andrew Gutti ayaa ku tilmaamay weerarka mid lagu doonayay in lagu niyadjebiyo dedaalka ay bulshada Soomaaliyeed uga soo kabaneyso dhibaatooyinkii soo ragaadiyay sanadaha badan, wuxuuna ballan-qaaday in ay AMISOM gacan ka siinayso dowladda Soomaaliya sidii loo soo qaban lahaa kuwii ka dambeeyay dilka Sheekh Maxamuud.
Taliyaha AMISOM ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan tababarka ay siiyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ammaanka  uga adkaadaan,
Wuxuu sheegay in uu Axaddii la soo dhaafay booqday Beledweyne oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qayb ka ah howlgalka AMISOM, wuxuuna xaqiijiyay in ciidamo dheeraad ah la geyn doono halkaas.

Sawirro: Doorashada Somaliland

$
0
0

Dadka Somaliland ayaa safaf dhaadheer u galay codbixinta doorashada degaanada oo ay ku tartamayaan toddobo urur siyaasadeed.

Khaatuma oo sharuud ku xirtay wadada hadal ay la galaan Somaliland

$
0
0

Masuuliyiinta maamulka Khaatuma State Soomaaliya ayaa sharuud adag ku xeray wadahadal ay la galaan maamulka Somaliland kaasi oo aadan in la joojiyo xiisadaha ka taagan Deegaanada Sool Sanaag iyo ceyn.
Madaxweynaha maamulka Khaatuma Maxamed Yuusuf Jaamac oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Xudun ay qaadeen ciidamada maamulkooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in marar badan wadahalo nabadoodeed ay ugu yeereen maamulka Somaliland laakiin sida u sheegay ay ka dhago adeegeen.
Waxaa uu ku eedeeyay maamulka Somaliland inay wada hadalo la galayaan shaqsiyaad uu sheegay inay kasoo jeedaan deegaanada Khaatuma kuwaasi oo aan hishiis gali karin.
“Shaqsiyaad bey wadahadalo la galaan,marka qabaa’il is dagaalo odayaal baa xaliya ,laakiin marka maamulo is dagaalaan shaqsiyaad ma xalin karo marka iyaga sidaa ayay wadaan”ayuu si caro leh u yiri madaxweynaha maamulka Khaatuma.
Ugu dambeyn ayuu sharuud ku xeray madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac wadahadalo nabadeed oo ay la galaan maamulka Somaliland ,isagoo sheegay in gogol la fariisanayaan markey ciidamadooda ay ka baxaan dhamaan deegaanada Sool Sanaag iyo ceyn.

Daawo Sawirada:Xeebaha Magaalada Sydney oo casaan noqday “Dhacdo Layaab Leh

$
0
0

Xeebaha Magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa waxay noqdeen kuwo isu bedelay Casaan/gaduud, iyadoo baaritaano xoog leh ay wadaan Saynisyahanada Wadanka Australia.
Inta u dhaxeyso 2 ilaa 4km Xeebaha ku teedsan Magaalada Sydney ayaa waxay noqdeen kuwo uu midibkoodu uu isbedelo Arbacadii shalay, waxayna tani baqdin badan ku keentay shacabka reer Australia.
Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Australia ayaa waxay Khamiistii maanta ay dadka uga digtay inay ku dabaashaan Xeebaha Magaalada Sydney, ilaa inta laga ogaanaayo waxa sababay isbedelkaan, maadaama ay sheegeen inaysan aqoon waxa keenay arintaan, isla-markaana ay soconayaan baaritaano.

Qormo Aan Caadi ahayn oo kahadleyso Xalka Muqdisho oo sheegayso Dhawaaqii Rasaasta Dhawaaq baa bedelay!

$
0
0

Muqdisho (Xeebta Jazeera)- Dadka qaar riyo maalmeed ayey la tahay in aysan madaafiic ka dhaceyn Muqdisho, rasaas wiifeysa aysan dad jidadka ku dileyn misena  iska-hor-imaadyo beeleed aan warbaahinta laga sii deyneyn.
In dagaal oogayaal aysan xaafado u xirneyn, kaabbo mooryaano awood badan lehna aysan jirin, jidadkuna ay taagan yihiin Booliis iyo taraafiko ma ahan mucjiso, balse dadka qaar waxay u tahay arrin ugub ku ah taariikhda Muqdisho.
Idaacadaha qaar barnaamijyada doodahooda waxay ku soo qaataan barnaamijyo ay ka mid yihiin “Side loo hagaajin karaa xaaladda suuqyada Muqdisho? Maxaa hor taagan in uu sharcigu shaqeeyo? Iyadoo idaacadda Barkulan ay ku dhiiratay in ay barnaamij dhan ku soo qaadato foorida iyo sida ay Soomaalida u adeegsato taas oo ay bud dhig uga dhigayeen foori cajiib ah oo laga duubay nin xoolihii dhaafeen oo yara qafiifay, kaddibna foori ku ciil baxay.
La laab bogii guduudnaa ee wararka dagaalka, xasarad iyo welwelka leh uu lagu qori jiray, waxaana bedelay bog cad oo rajo xambaarsan walow uu wato su’aalo weli jawaab u baahan.
Marka aad dhex mareyso xaafadaha Muqdisho daryanka iyo shanqarta is wada qabsanaya mar qura eek a yeereysa guryaha dib loo dhisayo kama tiro yara shanqartii magaalada ka dhaceysay xilligii ay caasimada ay dhan walba kaga hoobanayeen Madaafiicda aan loo meel dayin.
Hase yeeshee bulshadu si dareen la’aan ah ayey ku joogtaa xaafadaheeda mana jirto dhiilo colaadeed iyo welwel midna. Bal aan dhahno waa horumar laga gaaray dhanka nabada caasimadda.
Si ay taasi kuugu cadaato, aan ku siiyo tusaalooyin. Dhawr bilood ka hor, marka aad cagta saarto wadada dabka waxay indhahaagu qaban jireen guryo burbursan oo aan laga heleyn mid aan laheyn raadadka dagaalada ee isugu jiray madaafiicda iyo rasaasta raadadkeeda oo ahaa kuwo u ek in goobtaas muddo qarniyo ah lagu dab rid baranayey.
Kala duwan shalay iyo manatee! Meeshii sidaas ahayd waxaa haatan lagu diimayaa guri dunsan ama derbi kaliya ee laga arki karo raadadkii madoobaa ee dagaalada sokeeye.
Marnaba ha iga beensan haddii aan ku iraahdo in ka badan 6 hoteel oo cusub oo shaqeyneysa ayaa maanta ka dhisan inta u dhexeysa baarkii shaqaalaha illaa isgoyska dabka oo ah masaafo aan ka badneyn 1-2km oo kaliya, dhammaan hoteeladaasna waxaa la dhisay muddo 12 bilood gudahood ah.
In kastoo hoteelka wadadaasi ugu caansan uu ahaa Hotelkii Maka Al Mukarama ee uu lahaa Cali Mahdi Maxamed, haatan waxaa ku soo biiray hoteelada kala ah Hotel Barwaaqo, Hotel Kuweyt, Tourist Hotel, Hotel Nahru Niil, Hotel Xaaji Raage iyo Hotek Maka Al Mukarama oo isna dhisme iyo dayactir yaab lihi ku socdo, dhawaanna la filayo in uu hawl galo.
Waxaa intaas wehliya, carwooyin waaweyn oo laga dukaameysto, maqaayado raashiin macaan, dukaamo lagu iibiyo qalabka kooraanka ku shaqeeya (Electric) iyo farmashiyeyaal. Doobi (Dry cleaner) casri ah oo indhaha saxaafadda caalamka soo jiidatay ayaa laga furya isla wadadaasi.
 
Jidkan tusaale uun baan u soo qaataye, meel ka mid ah Muqdisho oo aan ganacsigu ku baahin ma jirto, marka laga reebo goobo daafaha ah oo weli baqdini ay ka jirto. Xaafadiihii ay deganaayeen hormuudka Bulshada ee dhanka dhaqan-dhaqaale, sida Xamarweyne, Shangaani iyo Xamar Jajab ayaa iyagiina naftu ku soo noqtay oo laga sameeyey goobo ganacsi oo noocyo kala duwan leh, misena adeegyo loo aayey u qabta bulshada.
Jidadka sidaas ganacsiga ugu camirmayo waxaa buux dhaafiyey gaadiidka yaryar ee lagu raaxeysto, ha yeeshee ma shaqeeyo sharciga waddooyinka, mana laha Samaafarooyinka (Traffic lights) ama astaamihii hagayey wadayaasha gaadiidka isaga gooshaya gudaha caasimadda iyo gobalada ku heeran.
Badashada gawaarida waxaa dhiirigeliyey iyadoo ay yeraatay kala dhicii gawaarida, taas oo bulshada aan hubeysneyn ee Soomaaliyeed ka hor istaagi jiray inay iibsadaan gaadiid mid shaqo iyo mid raaxo intaba.
Wax yaabaha uu is bedelku ku yimid waxaa ka mid ah magac ay Muqdisho caan ku aheyd oo ahaa “Magaalada ugu halis-san dunida” kaas oo uu bedelay sifaha cusub ee Muqdisho haatan lagu qeexo oo ah “Magaalo ka soo kabanaysan dagaaladii sokeeye” isla markaasna uu ka socdo ganacsi bulaalaya. Magacaas ma aheyn mid Muqdisho la iska siiyey ee way aheyd meel halis ah.
 
Sanadkii 2011-da kaliya, xusuusaha aan iloobi doonin ee igu soo maray Muqdisho waxaa ka mid ah in rasaas soo hoobaneysay ay jebisay koobkii uu shaaha ku cabayey mid ka mid asxaabteyda xilli galab ah, in xabad guriga noogu soo gashay, ku dhacday saqafka guriga, kaddibna dib ugu soo dhacday miis aan wax ku cuneynay anaga oo 12 qofood ah, raashiinkii oo dhamina ciid noqday.
Qolkii aan jiifay oo aan salad subax in aan dukado aan uga soo baxay ayaan u soo laabtay isaga oo dhinac dhan ka dunsan oo uu galtaan habow ah haleelay, laakiin dagaal ayaa ka socday goob aan aad uga fogeyn meesha aan deganeyn.
Xilligaas markii uu qofku doonayo in uu baxo guriga uu ku nool yahay, ama hoteelka uu degan yahay waxaa caado aheyd in aan  irridda la furi illaa la hubiyo dadka banaanka jooga iyo waxa ay yihiin. Haddii qof aan la garaneyn uu ku jiro dadka banaanka jooga ma sahlanayn in la baxo. Weliba haddii bac, daasad ama kartoon aan meesha horey u oolin lagu arko taxadar gaar ah ayaa loo yeelanayey si loo hubiyo in ay ku jiraan wax qarxi kara oo la soo diyaariyey.
Dilalka qorsheysani waxay ka mid ahaayeen nolol maalmeedka waxayna ka dhacayeen goob walba oo magaalada ka mid ah. Madaxtooyada oo aheyd meesha loogu waardiyeynta badan yahay ayey irriddeeda ka dhacayeen dilal qorsheysan.
Hade la soco! Marna kuuma aan xusin asxaabteydii saxaafadda ee xaq darrada lagu laayey. Kama aan hadlin ardaydii lagu xasuuqay hargaha iyo saamaha, haweenkii iyagoo jidad qashin ka xaaqaya la laayey iyo marasta jidadka lagu gawracayey ee inta teleefoonada lagu duubo la isugu dirdirayey midna.
Daliilaha loo cuskan karo in uun isbedel ku yimid waxyaabo badan, xaaladda Muqdishana ay horseed u tahay arrimahaas waxaa ka mid ah sawir gacmeedkii Amin Arts ee inta badan ku saabsan arrimaha dagaalada waxaa bedelay TAXANAHA cusub ee ISMA LAHEYN ee uu dhawaan soosaaray rugcadaa Amiin Caamir Maxamed oo bulshadu ay ku xasuusan doonto kaalintiisii hagar la’aaneed ee iftiiminta, toosinta iyo sixiddaba isugu jirta.
Aan kaftankana jalleecee! Mar baan is iri qormooyinkii Abukar Albadri iyo Faallooyinkii Cabdulqadir Dulyar waxaa bedelay Facebook, falanqeyntii BBC waxaa bedelay Paltalk dhawaqii Rasaastee ay Muqdisho caanka ku noqtayna waxaa bedelay shanqarta dubaha lala dhacay masaamiirta iyo Laamayeeriga, kuwaas oo magaalada oo dhan ka socda.
Waxaa xusuus gaar ah mudan in hab maamuuskii ay madaxda Itoobiya kula dhaqmi jireen madaxda Soomaalida uu is bedel ku yimid, taas oo laga dheehan karay sida loo soo dhoweeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida Sharafta iyo Karaamada huwan ee uu Calanka Soomaaliyeed ugu salaamay Magaalada Addis Ababa xilli uu salaam sharaf ka qaadanayey ciidan lagu diyaariyey garoonka diyaaradaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo dul socday roogga guduudan ee loo dhigay ayuu marka uu la soo sinmay calanka Soomaaliya mar qura intuu si halaasi ah isu weeciyey, calanka abbaaray, si qushuuc badan leh u hor qotomay, salaan qaran siiyey calanka Soomaaliyeed oo uu kor u haayey mid ka mid ah askarta itoobiyaanka ah ee salaam sharafta bixinayay.
Bal adigana wixii iska kaa bedelay iyo fikirkaaga ku soo hagaaji qalin1@gmail.com

War Culus:Shariif Xasan oo dadaal ugu jira hergalinta Dowlada Goboledka Konfur Galbeed State

$
0
0

Gudomiyihi hore ee Barlamanka Somalia  Shariif  Xasan Sh Adan ayaa waxaa uu mudoyinka danbe laba jibaray dadaal uu ku doonayo in  Gobolada Konfureed ee Somalia  samaystaan hal Maamul Goboleed.
Shariif  Xasan oo qorshaaan in mudo ah soo waday ayaa waxaa uu  caqabaado badan kala kulmay  Sh.Adaan Madoobe oo asagana mar horay u soo noqday Gudomiyaha Baralamanka Somalia islamarkana donayay in uu Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State Madaxweyne  u ka noqdo.
Warar  laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa waxaa tibaxayaan in ugu danbeyn labadaas masuul ay is afgarteen  islamarkana ay xaliyeen  khilaafki hortagna dhisida Maamul Goboleedka  Konfur Galbeed State.
Shariif Xasan  Sh Adan oo  ah  hada Musharaxa rasmiga ah ee Xilka Madaxweynaha  Dowlad Goboledka Konfur Galbeed State ayaa waxaa uu wada dagaal siyaasadeed uu ku bur burinayo maamulka Jubbaland State waxuuna arinkaasi la kaashanaya  qaar ka mid ah Masuuliyinta beelaha  daga Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba Qurbajoogta ka soo jeeda deeganadaasi.
Maamul Goboleedka Konfur Galbeed State ayaa waxaa la shegay in uu ka kooban yahay  6 gobol oo kala ah  Bay, Bakool, Sh.dhexe  Jubbada hoose  , Jubbad dhexe iyo Gedo ayadoo dadka Goboladaasi dagana aysan la dhacsanayn Qorsha  Maamul usameynta 6 da Gobol ee uu wado Shariif Xasan.
 
Shariif  Xasan ayaa waxaa  dhawaan lagu wada in uu boqasho ku taago Magaloyinka  Baydhabo ,Marka, iyo Luuq halkaas oo uu ku qaban doono shirar lagu dhiri galinaayo dhismaha Maamul Goboleedka Konfur Galbeed Somalia waxa sido kale uu sakiintisi caanka ahayd u isticmaali doona dadka dagan Goboladaasi si ay u garab istagaan Howlaha u wado.
Ma cada sida u ku hergali karo  Maamulkaan ka kooban 6da gobol xili dadka daga  Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ay ku heshiyeen in ay Maamul sameystan isla markana  ay guda galeen oo ay Dasturkiba  qorteen Shirweynihi lagu soodooran laha Madaxweynahana dhawan la filaayo in uu ka furmo kismaayo.


Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh oo Diyaarad ku kexeeye Adis Ababa booqdeyna Xarunta Ethiopian Arlines

$
0
0

Akhristayaal waxaan halkaan idin ku gu soo gudbineynaa Sawirada madaxweyne Xasan shiikh oo booqanaayo Xarunta Ethiopian Arlines

Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu Sidaan iigu galaa Miyuu Bini’aadam aheyn “Qeybtii 17-aad”.

$
0
0

Waxaa suurta gashay in ay wada kulmaan labada dhinac, hasa ahaatee dood iyo muran dheer kadib kulankoodii wuxuu noqday hal bucaad lagu lisay waxba kama soo bixin in la isku sii xanaaqa ma ahan, adeeradeyda waxaa looga hanjabay in aan ay soo wareejiyaan gabadha, hadii kale meesha uu ka dhici doono wax aan la filan kar ama aan hore uga dhicin magaalada Muqdishu.
Waxaan ka baqnay guriga aan ka daganeen degmada Xamar Wayne in nalagu soo weeraro gabadha qasab la iiga wato waxaan u guurnay degmada Shibis si aan uga nabad galno cadowga jaceylka, intii aan dagnaa degamada Shibis, gabadha reerka ay ka soo jeedo waxay dileen laba ka mid ah adeeradeyda, xaalada labada reer wuxuu noqday mid dil iyo ismashamid uu ka dhaxeeyo,  ehelkeyga inta badan waxay iga codsadaan in iin iska furo naagto maadaama iyada darteed aan ku waynay adeero qiimo iyo tix galin kuleh reerka dhexdiisa, waxayna ii sheegeen in intaan kabadan aysan i difaaci doonin, masalaxada nabad lagu helo karo ay tahay in  gabadha loo celiyo reerka.

Xaaska aan qaba markasta way ku niyad sameed in uu arinkaan dhamaan doono, waxay aheed mid Allah markasta tala saarta kana barida sidii uu arinkaan u noqon lahaaa mid hagaaga marmarka qaar saaladaha ka bacdi waxay dhihi jirtay:
Dunidaan aad arkaysaan waa imtixaan aan dhamaan oo laga wayin dhibaato Jaceylka markuu garay gurasho mirihii bislaadeen hadu waalid yimado gacanto ku dhufto dhibato iyo ayan daro nafatda aday kuu bugtan walidna kama go’o dunida maka hayaamaa Midkaan jeclaaday su’aal layga keenay labadii walid haday sixun iigu sifeeyeen samaan badanahii naftayda allow sahal iga dhig sinama uguma marmo labada daran mid doraa ihaysato allahayow ii sahal.
Waxaa ka soo baxay uur mar 3aad, waxay noqotay gabadhii mid nolosha ku silicda xiliga dhalmada, caloosha ayaa iska buuran, xanuunka kama dago 24 ka saac, dhaqtar kasta waan ugeenay, daawooyin culus hadii la soo qoro waxaa wax yeeloobaya caruurta, xaaskeyga ma ogolo in caruurta wax yeeloobaan, dhalmadaii ayaa ku adkaatay, qof usoo gurmanaya malahan, ehelkeeda ayaa habaaray siiba aabaheed oo yiri ku silac foosha, markii ay xaalada adkaatay ayaan waxaan geeyay hospitalka xayaat, waxaan wacay reerka gabadha waxaan dhahay gabadha way xanuunsaneesaa mudo laba bil ah xaaladeeda sidaas waaye, gabadha aabaheed ayaa yiri ha dhimato waliba si silac ha u dhimato ilaah ayaan kaga baryay aniga oo aabaheed ah dhalay ayee iga raaacday nin aan aniga u rabin, taas ubadkeyga ma ahan, mana soo booqanayo, cadaawada aabaha waa mid banaanka taala, balse hooyada gabadha ayaa gurmad lama ilaawaan ah ka qaadatay u gargaarista gabadha, aniga iyo gabadha hooyadeed (sodohdeyda), waxaa nalaga saxiixay in hadii qaliin la ga sameeyo ay ku dhimato operation kaas lawada in ay gabadha cafis tahay diyo iyo wax kale la waydiin doon, xaalada adag ay ku jirto gabadha waa dhimasho iyo nolol la aan, hishiiskii ayaan saxiixnay inaga oo eegeena xaalada caafimaad, qaliin dhanka caloosha ah ayaa lagu sameeyay, caruurta mataano ayaa ahaayeen waa kuwa mar hore dhintay, alxamdulillah iyada way ka bad baaday xaalada adag, marba marka ka dambeeso xaalkeeda wuu soo hagaagayay inkastoo aysan jirin qof qaraabadeeda ah oo gacan qabtay.
Markii ay caafimaad heshay, anigane ay igu naceen reerkayga gabadhaas darteeda iyada ahelkeeda ay u naceen aniga dartayda, markii dambe ayaan ku iri suuqa waxaan galineenaa waan is furnay, adiga cidaada ku laabo ku dheh maadaama aad ii diideen ninkii waxaan ka codsaday in uu ifuro si aan u helo ducadiina, aniga hadii aan dhaho waan furay way iga furmanee balse waxaan ku dhahaa dadka calafkii ayaa iska soo dhamaaday.
Markii ay reer keeda ku laabtay ay arinkii u sheegtay, aad bay usoo dhaweeyeen, cunu qabteenta iyo midab takoorka lagu hayay way ka qaadeen, waxaana la soo jeediyay gabadha in ay Muqdisho laga wado loona wado Adisababa Ethiopia  si ay leen dacwa looga bilaabo halkaas, ujeedka sidaa loo sameenayo ayaa ah in la kala qariyo nolosheena, tilaaba kasta oo nolosheeda ku soo biirta waa mid i war galiso,  waan u ogaaladay safarka in ay baxdo, waxayna soo jeedisay in aan kala harin oo aan Adisababa isku raacna ama aan ka daba imaado, waxaan ku iri waan kaa daba imaanayaa anigana faamilkeyga ayaan ka codsanaa in leen la ii raadiyo hadii aan waayane in aan Xamar iska sii joogo, waxay tiri hadii laguu diido lacagta aniga la ii soo diray ayaad iigula noolaanee dhib malahan noloshaada waxaad cuni laheed, muhiimada waa in aan xagga isla wada joognaa, waxaan ku iri inshaAllah arinka kheyr ayuu ka dhumaan doonaa, waxayna iga codsatay mududa aan sii joogo Xamar in aan naago kale xiriir la sameen iska daaa in aan guur sado naag kale, balantii waan u qaaday in aan qof aan iyada aheen aan damac u qaadi doonin, inkastoo aan jeclaa subixii ay duuleesay in aan sagootiyo, hadane ma aan sagootin diyaarada kuma wehlin sababa jiro aawadeeeda, markii ay duushay aad baan utabay naxariisteedii, waxaa noqday mid markasta taba, waxaan caraf san jiray dharka ay gurigeena uga tagtay, habeenkasta laabta ayaan gashan jiray dharka iyada ay leedahay, anigane waxaan codsaday in leen la ii raadiyo aan Adisababa tago, hooyo way diiday dalabkeygii ahaa Adisababa, hadii aad leen rabtid Kenya ayaan kuu dirayaa ayee dhahday.
La soco qeybta 18 aad Jimcaha Soo socda Haduu Alle Idmo.
 W/Q: Daalac Daahir Shoot
 E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com

Maqaamka Falastiiniyiinta ee QM oo Kor Loo Qaaday

$
0
0

139 Dal oo ka tirsan Golaha guud ee QM ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday in kor loo qaado darajada Falastiiniyiintu ay ku leeyihiin Qaramada Midoobay lagana dhigo dowlad goob-joog ah.

Falastiin ayaa loo oggolaaday korjoognimo

$
0
0

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa aqlabiyad ugu codeeyay in Falastiin ay korjooge ka ahaato Qaramada Midoobay. 138 dal ayaa u codeeyay qaraarka loogu oggolaaday Falastiin doorkaasi. 9 dal ayaa diiday, halka 41 dal ay ka aamuseen.

Daawo Video: Qudbadii Xasaasiga aheyd ee uu M/weyne Hassan kaga hadlaya Xaalada Guud ee Dalka.

$
0
0

Madaxweyne Hassan Sheekh Mahamuud oo markii ugu horeeysay la hadlay Shacabka tan iyo markii la doortay asagoo ka hadlaya arimo fara badan oo ku saabsan xaalada dalka uu marayo waqtigaan.
Madaxweynaha waxuu ka hadlayaa arimah amniga iyo Dowladiisa cusub wax yaabaha raba in ay ka qabtaan xaaladaha guud ee dalka, Waxuu kaloo ka hadlayaa Xaalada Gobolada Dalka iyo Maamul u sameynta Gobolada sida Jubooyinka iyo qaar kale oo ka mid ah Gobolada.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO QUDBADA:

Click

$
0
0

Cabasho laga muujiyay Facebook iyo warar kale oo tiknoolajiyada ku saabsan.

Tirinta codadka doorashooyinka

$
0
0

Weli waxa socota tirinta codadka doorashooyinka Somaliland ee dhacay Arbacadii. Doorashada ayaa waxa ku tartamaya toddobo urur siyaasadeed oo ka jira Somaliland.


Kareena: manoqon doono soo saare iyo Production waligey.

$
0
0

Atariishadaha sida Lara Dutta iyo Dia Mirza waxay u jaheysteen dhanka Production-ka, laakiin Kareena Kapoor waxa ay sheegtay inay ku faraxsantahay inay ahaato kaliya atariisho, niyadna aysan u heyn inay gasho soo saarinta filimada.
Anigu waxaan jecelahay kaliya inaan ahaado atariisho, taas ayaana rabaa inaan sameeyo, ma aadi doono soo saaris iyo wixii lamida, maxaa yeelay waa maskax daalis iyo dhib ayay tiri Bebo.
Kareena Kapoor ayaa tilmaantay inay jeceshahay inay kusii dhax jirto filimada xilyada soo socda, iyadoo ka dhawaajisay in guurkeedu waxba u dhimi doonin shaqadeeda aflaamta.

Tartanka Koobka Qaramada Qaaradda Africa ee South Africa

$
0
0

Cayaaraha koobka Qaramada Qaaradda Africa waxay ka dhacayaan bilowga sanadka soo socda magaalooyin kala duwan oo dalka Koonfur Africa ah.

Banaanbaxyo ayaa ka socda Qaahira

$
0
0

Tobanaan kun oo reer Masar ayaa ku banaanbaxaya magaalada Qaahira, iyaga oo ka soo horjeeda Madaxweyne Maxamedd Morsi iyo dastuurka cusub ee qabyada ah oo Golaha Dastuuriga ee u badan Islaamiyiinta ay si deg deg ah ku ansixiyeen.

HIV/AIDS oo Maanta oo Kale Dunida Laga Xuso

$
0
0

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, qiyaastii 34 million oo qof ayaa dunida oo dhan la nool HIV, iyadoo maanta la xusayo maalinta Aidska

Moon oo ka deyriyay xaaladda Suuriya

$
0
0

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in dagaalka Suuriya uu gaaray heer cusub oo naxariis aan lahayn.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live