Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kismaayo oo xariga dadka weynaha iyo qaraxyada ay isbarbar socdaan

$
0
0

Ku dhawaad 20 ruux kuwaasi oo ay soo qabqabteen ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Kismaayo ayaa xalay ku hoyday xabsiga magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ka hor inta aan la qabqabn dadkaa Waxaa magaalada ka dhacay qarax lala eegtay ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kaasi oo keenay inay sameeyaan baaritaano.
Tirada rasmiga e ay sheegayaan dadka deegaanka kuwaasi oo la dhigay saldhiga magaalada ayaa gaaraya 16 ruux kuwaasi oo lagu qabqabtay baaritaanada ay sameeyeen ciidamada ku sugan Kismaayo.
Inkastoo saraakiisha ciidamada DOwlada ee ku sugan magaalada aysan ka hadlin arintaan haddana waxaa la sheegayaa inay socdaan baaritaano lagu sameynayo si loo kala ogaado dambiyadooda.
Wararka kale ee aan ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamad amaamulka kumeel gaarka ee Kismaayo ay jirdilo u geysteen dad rayid ah oo ku sugan magaalada.
Xaalada magaalada Kismayo ayaa saaka ah mid wanaagsan waxaana walli saldhiga magaalada ku xeran dadkii la xeray qaraxii ka dhacay magaalda ka dib.


Alshabaab oo sheegay in dagaalkii hore ay badaleen Qaabkee?

$
0
0

Ururka Alshabaab ee dagaalka xoogan kula jira ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku dhawaaqay inay badaleen naqshadii dagaalka ay kula jireen ciidamada Dowlada.
Afhayeenka dhanka howlgalada ee ciidamada Alshabaab ayaa sheegay inay badalen qaabkii dagaalka ay kula jireen ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa xusay in ciidamada Alshabaab marnaba aysan joojin doonin dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowlada Soomaaliya laakiin ay sii wadi doonaan dagaal kale.
Wuxuu sheegay in dagaal dhanka warbaahinta ay bilaabi doonaan kaasi oo uu sheegay inay u adeegsanayaan Warbaahinta ay leeyihiin Ururka Alshabaab.
Hadalkiisa ayaa laga dheehan karay inay warar ku faafin doonaan barta ay ku leeyihiin Twitter-ka iyo Warbaahinta Alkataa-ib oo Alshabaab warbixinadooda baahiya.

Xiisado maanta ka taagan duleedka Degmada Laascaanood

$
0
0

Wararka ka imaanaya Duleedka Degmada Laascaanood ayaa sheegaya in xiisado ay ka taagan yihiin duleedka degmadaasi.
Xiisadaha ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada maamulka Khaatuma kuwaasi oo maalmahaanba xiisadooda ay kacsaneyd.
Wararka aan helayno ayaa saaka sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada maamulka Khaatuma ay isku hor fadhiyaan deegaan duleedka ka ah degmada Laascaanood sida ay wararka ay sheegayaan.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada maamulka Khaatuma oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in xiisadaha ay timid markii ciidamada maamulkooda ay dhaqdhaqaaq sameeyeen.
Maalmo ka hor dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada Khaatuma ayaa ku dagaalamay deegaanka Xudun kaasi oo dhacay maalintii ay bilowdeen olalaha doorashada golaha deegaanka ee Somaliland.
Xiisadaha labada maamul ayaa maalmahaan u muuqdo kuwa hawada isku shareeraya .

“Qofkii jibiyaa amarka madaxweynaha iyo R/wasaraha sida layeelayo”Warsame Joodax

$
0
0

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka eemaamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan Joodax oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in jidgooyo dambe ay kusoo laabato magaalada Muqdisho.
Warsame Joodax ayaa xusay in ciidamada dowlada ay ku guuleysteen inay qaadeen dhamaan goobihii isbaarooyinka ahaa ee yaalay degmooyinka gobolka Banaadir.
Isaga oo hadalkiisa sii watta ayuu cadeeyay in marnaba aysan aqbali doonin cidii soo celisaa dhibaatada lagu hayay dadka shacabka ee isticmaala wadooyinka magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ka hadlay isbedelka dhanka amaanka ee laga filayo maamulka Gobolka Banaadir,isagoo xusay in wax badan ay isbadali doonaan sanadkaan.
“Waxaan doonaynaa in qof walbaa beertiisa si nabad ah u ku tacbado,qof walbaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helaa amaan”ayuu yiri warsame Joodax.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay inaysan jirin cid ka hor imaan karta amarka uu soo saray madaxweynaha dalka iyor/wasaaraha dalka Soomaaliya ayna isku raaceen saraakiisha ciidamada dowlada iyo maamulada Degmooyinka.

Isbaaradii ayaa inoo rooneyd,sanado waxaan oo kale ma arag”Warbixin”

$
0
0

Tan iyo markii ciidamada Dowlada Soomaaliya ay bilaabeen qaadida isbaarooyinka sharci darada ah ayaa waxaa soo badanayay qeylo dhaanta ay muujinayaan dadka shacabka ah.
Magaalada Muqdisho maalmahaan waxaa kusoo kordhaya dhibatooyin dadka mar sii horaysay ugu dambeysay taasi oo ay iloobeen.
Habenimadii xalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dhacdo dadka ay iloobeen oo aheyd dhaca Moobeylada iyo dadka oo lagu waxyeeleeyo aalada Tooreyda.
Mid ka mid degmooyinka gobolka Banaadir oo dhawaan laga wada qaaday isbaarada ayaa waxaa xalay ka dhacay dhacdo naxdin leh markii qof rayid ah Toorey lagu dhacay kadibna lagu dhaawacay.
“Waxaan oo kale mar hore ayaa noogu dambeysay,sidiinii ayaa noo dhaantay,isbaaradii ayaa noo rooneyd,walaahi waan ilownay waan ka nasanay,isbaaradii ayaa ka roon sidaan”Sidaasi waxaa tiri mid ka mid haweenka ku dhaqan Muqdisho iyadoo ka gaabsatay magaceeda iyo halka ay ku sugan tahay.
Habeen ka hor ayaa waxaa ka dhacay degmada Wadajir dhac loo geystay guri ku yaala xaafada Buulo xuubeey.

Kulan looga hadlayey maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka oo ka dhacay Muqdisho iyo Guddiyo cusub oo…

$
0
0

Iyadoo uu sii xoogeysanayo muranka iyo kala aragti-duwanaanta ku aadan maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa soo shaacbaxaya shirar iska soo horjeeda oo magaalada Muqdisho lagu qabanyo iyo shirar kale oo ka socda Kismaayo iyo Nairobi, kuwaas oo dhammaantood lagu doonayo in maamul loogu sameeyo magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka.
 Shir sedex maalin soconaya oo shalay uga furmay magaalada Muqdisho xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa looga hadlay qaabka maamul dadka oo dhan u dhanyihiin loogu sameyn karo, waxaana furitaankii shirkaasi ka hadlay Gen. Cabaas Maxamed Cadow uu sheegay in maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka looga dameeyo dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, wuxuuna intaasi ku daray inaysan marnaba raali ka noqon doonin sida uu yiri in dad dusha looga keenay Kismaayo ay maamul u sameeyaan, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya inay arrinka Jubbooyinka ay u deyso dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, isla markaasna ay iska deyso la safashada shaqsi gaar ah amaba koox gaar ah sida uu yiri.
Dhinaca kale Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa magacaabay Guddiyo kala duwan, isla markaasna ku dhawaaqay ergooyin ka kala imaanaya sedexda gobo ee labada Jubba iyo Gedo, waxayna Guddiyada ay magacaabeen ay kala yihiin sida tan: Guddiga Amaanka, Guddiga doorasha, Guddiga xulista, Guddiga dhaqaalaha iyo gaadiidka {Farsamada} iyo Guddiga wacyigelinta, waxaana Guddi kasta uu ka koobanyahay 11-xubnood, sidoo kale xubnaha maamul u sameyn gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in ergooyin gaareysa 485-ergo ay ka imaanayaan, waxayna sheegeen in gobolka Jubbada Hoose ay ka imaaneyso ergo gaareysa 185 ergo, Gedana 165-ergo, halka Jubbada dhexana ay ka imaanayaan 135-ergo.

Shir dhexmaray Carabta iyo Turkiga oo si weyn looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya

$
0
0

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo Turkiga ayaa lagu soo gabagebeeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaas oo si weyn looga hadalay arrimo ay ka mid tahay xaaladda dalka Soomaaliya iyo Falstiin iyo weliba dalal kale.
 Shirka oo  dhanka Soomaaliya uu uga qeybgalay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda cusub ee Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa qodabadii laga soo saaray waxaa si weyn loogu taageeray arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan sidii Soomaaliya loo siinlahaa taageero dhan kasta ah.
Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa khudbad uu ka jeediyay xiritaankii shirkaasi waxa uu ka hadlay arimmo badan oo khuseeya Soomaaliya iyo guud ahaanba dalalka carabta gaar ahaan isbedeladii ka dhacay soomaaliya  iyo sidii Soomaaliya loo taagrilahaa.
Xoghayaha koobaad ee safaaradda Soomaaliya ee Turkiga C/qaadir Maxamed Nuur  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aanada shirka ka soo baxay ay ugu horeeyaan taageero loo siiyo  Soomaaliya, iyadoo shirkana lagu go’aamiyey in dowladda loo taageero si wadajir ah sida uu yiri.
Sidoo kale shirka Carabta iyo Turkiga ayaa isku raacay in la siiwado taageerada shacabka Soomaaliyeed la siinayo iyagoo go’aamiyey in hay’adaha ka socda dalalka shirka ka qeybgalay ay labanlaabaan deeqaha ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena dowladda shirka ka qeybgalay ay taageero muuqata siiyaan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya sababaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga baaqday booqashadii uu ku tagi lahaa dalka Kenya

$
0
0

Iyadoo lagu waday in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay booqasho dhowr maalmood qaadata uga bilaabato dalka Kenya maalintii shalay ayaa si kedis ah uga soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo ka soo duulay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu dhowr maalmood uu ku sugnaa, isla markaasna uu wadahadalo kula yeeshay madaxda dalkaasi.
 Lama oga illaa iyo hadda sababta uu Madaxweynuhu u baajiyey safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya sababaha loo baajiyey safarka, kuwaas oo ay qaarkood ay sheegayaan in dowladda Kenya ay ka cudur-daaratay safarka Madaxweynaha, isla markaasna ay codsatay in dib loogu dhigo, halka warar kale ay sheegayaan in kala aragti duwanaansho iyo madmadow siyaasadeed uu soo kala dhexgalay labada dowladood, taasina ay sababtay in booqashadii uu ku tagi lahaa Kenya uu baajiyo Xasan Sheekh.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha Kenya oo balantu aheyd inay kulmaan isaga iyo Xasan Sheekh uu safar ugu amababaxay dalka Tanzania oo uu uga qeybgalayo shir ay yeelanayaan dalalka Bariga Afrika, isla markaasna uu Madaxweynuhu tagi doono todobaadka soo socda dalka Kenya si uu wadahalka halkaasi uga sii wado.
Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf ayaa horay u sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku tagi doono dalka Kenya, iyadoo markii dambe ay u ambabaxday wasiiraddu dalka Itoobiya oo ay Madaxweynuhu iska soo raaceen, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn jadwalkii hore waxa bedelay.


Xubin ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo sheegay inuu xilkii iska casilay

$
0
0

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay inuu warqad u qoray Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, taas oo uu ku ogeysiinayo sida uu yiri inuu ka tanaasulay xubinimadii Baarlamaanka Puntland oo sida uu yiri waqtigiisu ahaa ahaa 2008-da illaa 2012-ka.
Xildhibaankan iscasilay oo lagu magacaabo C/weli Muuse Shire ayaa ku sababeeyay inuu xilka ka tago arrimo uu ugu yeeray inay dhibsadeen saaxiibadiis hadalada uu isagu warbaahintu ka sheego, sidaas awgeed uu go’aansaday inuu xilkaasi ka tanaasulo oo uu iska casilo.
Xildhibaankan ayaan sheegin howsha kale ee uu qabanyo iyo inuu gebi ahaanba ka fariistay siyaasadda iyo in kale, wuxuuna hadalkiisa ku soo koobay inuu ka tanaasulay xubinnimadii Baarlamaanka Puntland, sidaasina waxa uu u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta maamulka Puntland.
Maamulka Puntland ayaan ka hadlin hadalka ka soo yeeray xildhibaankan, wuxuuna noqonayaa haddii uu dhab ahaan xilka ka tagay xildhibaankii ugu horeeyay ee xilka iska casila, xilligan oo uu taaganyahay kala aragti-duwanaansho u dhaxeysa maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta aan maamulka hadda ku jirin, kaas oo salka ku haya mudada uu shaqeynayo maamulka hadda jira, iyadoo maamulka uu sheegayo in waqtiga uu heystaa ay tahay shan sano, haddana ay u harsantahay hal-sano afar sanana uu soo shaqeeyay, halka siyaasiyiinta Puntland ee doonaya inay u tartamaan xilka Madxtinimada Puntland ay sheegayaan inuu dhamaaday waqtigii oo uu ku egyahay bisha Janaayo ee soo socota.

Faroole:- Masjid uusan maamulku ogeyn lagama dhisikaro Puntland hadda ka dibna waxaa…

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud {Faroole} oo magaalada Boosaaso safar ku tagay ayaa shir oo uu saxaafadda u qabtay kaga hadlay arimo badan, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inay jiraan qeybo ka mid ah warbaahinta oo buunbuuniya wararka xunxun ee Puntland liddiga ku ah.
Si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay shaqaalaha ka howlgala Idaacadaha caalamiga ah ee Af-sooomaaliga ku hadla sida BBC-da iyo VOA-da, wuxuuna tilmaamay inay si xun wax u faafiyaan, mar uu taas ka hadlayey wuxuu yiri “Dhacdadii Qardho oo ay Idaacadaha qaarkood buunbuuniyeen iyagoo qaba colaad qabiil, gaar ahaan Idaacadaha waa-weyn ee aduunka nimanka ka shaqeeya ah oo la garan la’yahay waxay ula jeedaan”.
Mr. Faroole waxaa kale oo uu sheegay in Puntland aysan afka qaban warbaahinta, hase yeeshee aysan raali ka noqon doonin wax walba oo sharciga ka hor imaanaya, warbaahintana laga rabo inay noqoto mid anshax leh, wuxuuna dhinaca kale sheegay in Puntland ay maxkamad la tiigsan doonto Idaacadaha waa-weyn, isagoo ku eedeeyay inay farriin khaldan ka gudbiyaan Puntland iyaga oo soo xiganaya dad uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo raqiis ah.
“Ma deyneyno waan dacweyneynaa, looyarraan u qabsaneynaa, dowladahoodaan ku dacweyneynaa, hadda ka horna waan dacweynay markey buunbuuniyeen Al-shabaab, markii dagaalku buuraha ka socdey, hadal ma noqoneyso dhowr ciyaal ah oo intay meelahaas ku ururaan yiraahda waxaa afka la qabtaa warbaahinta, warbaahintu waa inay anshax iyo akhlaaq leedahay, ninna kama weyna” ayuu yiri Froole.
Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaan Masaajid dambe laga dhisi doonin Puntland kaas oo aysan ka war heyn Puntland, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay u xilsaareen wasaaradda cadaaladda ee Puntland, wuxuuna sheegay inuu fikrad ahaan qabo in Masaajida laga dhiso tuulooyinka yaryar ay xumo u yihiin kooxo ka tirsan Al-shabaab, isla markaasna ay yihiin kuwa ka furtay Masaajida deegaanadaas “Aanagu waxaan qabnaa Masaajida yaryarka ah ee tuulooyinka laga dhiso inay xarumo yihiin oo Al- Shabaabku meelahaas ka furteen iyagu kuwa Argagaxisada ah wax ku qarsadaan oo Imaamaamad waa-weyn oo dalka u dhashay ay joogi karin mid yar oo meelahaasi lagu soo lamaaniyey uu ku qarsoonyahay oo meelahaas hadhow miino geliya” ayuu yiri Faroole.

Ahlu Sunna oo sheegtay in ciidamadooda ay la wareegtay dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka sae ee ururkaasi oo sheegay….

$
0
0

Hoggaanka Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, iyagoo sheegay in la mideeyay dhammaan dhinacyadii kala duwanaa ee ku abtirsanayay magaca Ahlu Sunna Waljamaca.
 Guddoomiyaha Fulinta Ahlus Suuna Waljameeca oo mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan Isla Ururka  oo shalay  saxaafadda shir ugu qabtay garoonka diyaaraha Aadan Cabdulle xilli ay safar ka ahaayeen magaalada Muqdisho oo ay ku sii jeedeen gobollada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan  oo ay ugu horreyso hanaanka wada shaqeyn ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warfidiyeennada u sheegay in iminka ay socdaan shirar ay leeyihiin dhammaan Ahlu Sunn, isagoo hoosta ka xariiqay in dhawaan Muqdisho uu ka howlgali doono xafiis ay ku mideysan yihiin guud ahaan Culumada Ahlus Sunna si ay u dar-dargaliyaan wada shaqeyn dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Guddomiyaha Fulinta Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Xeefoow ayaa tilmaamay in shacbiga Soomaailyeed oo idil ay yihiin Ahlu Sunna, ciidamada ahlu sunna ay ka mid yihiin ciidammada dowladda Soomaaliya  ee dagaalka kula jira xarakada al-shabaab, isla markaan xaquuqdooda ay ballan qaaday in ay bixineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda wixii ka dambeeya mushaar siin doonto ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan gobollada dhexe ee Soomaaliya, Sheekh Guureeye ayaa hadalkan ka sheegay Guriceel mar uu shalay ka noqday safar muddo 3-bilood ah uu ku joogay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulamo kula qaatay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay sidoo kale dhawaan dowladda Soomaaliya wafdi u soo diri doonto gobolka Galgaduud, kuwaas oo qiimeyn ku sameyn doona xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ballan-qaadday inay wax ka qabaneyso adeegyada guud ee ay u baahan yihiin dadka ku nool gobolka Galgaduud.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland oo amar culus la duldhigay ka dib markii…

$
0
0

Maamulka Somaliland ayaa amar culus duldhigay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee maamulkaasi C/laahi Maxamed Ducaale, kaas oo lagu amaray inuu si degdeg ah uga baxo isaga iyo qosyskiisuba dhisme u dhow Madaxtooyada maamulka Somaliland oo ay laheyd dowladdii hore ee Soomaaliya ee dhacday.
Sida warku sheegayo amar ka soo baxay wasiirka howlaha guud ee maamulka Somaliland isla markaasna uu ogyahay Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa lagu amray in Mr. Ducaale iyo qoyskiisuba ay si degdeg ah uga guuraan dhismahaasi, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee arrintaasi ka dambeysa, waxaana la sheegay in labo jeer ooh ore ashtako loo geeyay wasiirku aanu ka jawabin, hase ahaatee hadda ka la siiyey digniintii ugu dambeysay.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in taliska ciidanka booliska ee maamulka Somaliland ayaa laga dalbaday in si dhaqsi leh looga saari dhismaha guriga uu degan yahan haatan wasiirkii hore arrimaha dibadda maamulka Somaliland, waxayna warqadda haatan soo baxday ay daba-socotaa warqad uu horay u soo saaray wasiirka howlaga guud iyo guriyeynta ee maamulka Somaliland.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland ayaa la faray inay qeyb lixaad leh ka qaadato fulinta howshan, isla markaasna ay booliska kala shaqeyso sidii uu meel mar u noqon lahaa go’aanka ka soo baxay wasaaradda howlha guud ee guriyeynta maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in wasiirkii hore ee la doonayo in guriga laga rabo uu maqanyahay, haddana ay guriga joogaan xaaskiisa iyo caruur uu dhalay oo keliya.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in in go’aan laga gaarayo goboladii iyo degmooyinkii ay magacowday dowladdii KMG aheyd

$
0
0

Wasiirka arriamaha gudaha ee dowladda cusub ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay markii ugu horeysay in go’aan kama dambeys ah laga gaari-doono goboladii iyo degmooyinkii ay magcawday dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku in Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay arrintaasi go’aan ka gaari-doonaan, isla markaasna uu jiri-doono sida uu yiri nidaam cusub oo loo sameynayo gobolada iyo degmooyinka dalka.
 Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha ku saabsan waaxda socdaalka gaar ahaan wararka ku aadan in baasaboorka Soomaaliya uu gacanta u galay dad ajnabi ah iyo saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxaana isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yiri wasiirku “Baasaboorka Soomaaliya waa mid la isku haleyn karo hadda, wuxuuna buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa, markii la i magacaabay goobihii ugu horeeyay ee aan tagay waxaa ka mid ahaa waaxda socdaalka waxaana baaritaan ku sameeyay sida uu u shaqeeyo baasaboorka Soomaaliya iyo eedaymaha loo jeedinayo waaxda socdaalka, waxaana ogaaday in Baasaboorka Soomaaliya uu yahay xilligan mid la isku haleyn-karo”.
Wasiirku wuxuu difaacay dhaqaalaha ka soo xarooda baasaboorka oo uu sheegay in sanduuq gaar ah oo ay dowladdu leedahay ay ku dhacaan, isla markaasna aysan jirin lacago la lunsado, isagoo aan soo hadalqaadin eedaymo horay loogu jeediyey in lacagaha dowladda qaarkood la lunsado, gaar ahaan kuwa baasaboorka.
Dhinaca kale wasiirka mar la weydiiyey arrinta magaalada Kismaayo oo uu muran badan ka taaganyahay maamul u sameynteeda ayaa waxa uu sheegay in Jubbada hoose iyo gobolada kale ee dalku ay isku mid yihiin, isla markaasna loo wajihi-doono maamul u sameynta Kismaayo sida gobolada kale ee dalka loo wajaho, gaar ahaan kuwa soo gala gacanta dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka loo sameynayo Kismaayo ay ka tashanayaan dowladda iyo dadka goboladaasi degan.

Gudoomiyaha Iskaashatada Gaadiidleyda oo ku Baaqey in Gaadiidleyda Ay Sameeyaan Qiimo Dhimis

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Gudoomiyaha Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir Daahir Maxamuud Dirir oo la Hadley idaacada Shabelle ee magaalada muqdisho ayaa sheegey in gaadiidleyda looga baahan yahay in qiimo dhimis ku sameeyaan lacagaha lagu raaco Gaadiidka ka dhex shaqeeye Degmooyinka Gobolka Banaadir .
Daahir Maxamuud Dirir Gudoomiyaha Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa waxa uu tilmaamey in loo baahan yahay in la yareeyo qiimaha lagu raaco Gaadiidka BL-ka ah maadaama sida la sheegey la qaadey isbaarooyinkii yaaley muqdisho ee lacagaha looga qaadi jirey gaadiidka ka howlgala Maagalada caasimada ah ee Muqdisho.
Iyadoo dhawaan inta badan isbaarooyinkii yaaley muqdisho la qaadey ayaana hadana wax is badal ah ku imaan lacagaha lagu raaco Gaadiidka BL-ka ah ee ka howlgala xaafadaha kala duwan ee magaalada muqdisho.

Odayaal iyo Wax Garad Ku Baaqey in La joojiyo Dagaalada ka socda Deegaanka Baalaldheere

$
0
0

Ka dib Dagaal dhiig fara badan ku daatey oo ku dhex marey maleeshiyo beeleedyo walaalo ah Deegaano ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa odayaasha iyo wax garadka bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka soo jeeda gobolkaasi waxa ay baaq ugu jeediyeen beelaha ku dagaalamaya halkaasi in ay joojiyaan colaada.
Nabadoon xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ah odayaasha iyo wax garadka gobolada dhexe oo la hadley Shabelle ayaa waxa uu baaq u jeediyey maleeshiyo beeleedyada dagaalka uu ku dhex marey Deegaanka baalaldheer oo qiyaastii 100 km u jirta Degmada Dhuuse Mareeb.
Bashiir Axmed Xeyle oo isna ka mid ah nabadoonada ka soo jeeda Gobolka Galguduud ayaa sheegey in Dagaalka uu Qasaaro weyn ka dhashay wuxuuna ugu baaqey beelaha wada dega ee walalaaha ah in ay ka wada shaqeeyaan nabada isla markaana ay joojiyaan dagaalka .
Mid ka mid ah dhalinyarada ka soo jeeda Gobolkaasi oo sina la Hadley idaacada Shabelle ayaa Dowladda waxa uu ugu baaqey in ay ka qeyb qadato daminta Colaada ka dhex aloolsan maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamey deegaanka Baalaldheere.
Maleeshiyo beeleedyo wada dega gobolka Galguduud ayaa shalay iyo xalay waxa uu ku dhex marey deegaanka Baalaldheere dagaal xoogan oo qasaaro geestey iyadoona la sheegey in ay ku dhimatey inta la ogyahay 30 ruux ku dhawaad lixdan kale ay ku dhaawacmeyn.


Banaanbax balaaran oo ka dhacay degmada Cabdicaziiz ee G/Banaadir

$
0
0

Banaanbax balaaran oo ay dhigayaan dadweyne badan ayaa iminka ka socda Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir,waxaana banaanbaxaa uu yahay mid ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxay ku dhawaaqayaan erayo ay ku muujinayaan sida ay u taageersan yihiin qaadistii isbaarooyinka ee laga sameeyay degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa kasoo qeyb galay banaanbaxaasi masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Cabdicasiis iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir,wuxuuna ka socdaa xarunta Degmada Cabdicasiis.
Sidoo kale goobta banaanbaxa ka dhacaya waxaa goob joog ah qaarka mid ah bahda Fanaaniinta kuwaasi oo qaadayo heeso lagu dhiiro gelinayo qaadistii isbaarooyinka.
Walli ma jiro wax masuul ah oo hadlay waxaana socda qaban qaabada xaflada lagu dhameyn lahaa iyadoo dadka ay daawanayaan fanaaniinta oo qaadaya heesaha guubaabada ah.
Wariyaha Balcad.com ee ku sugan goobta uu banaanbaxa ka dhacaya ayaa sheegaya in walli qaban qaabada ay socoto lana sugayo masuuliyiinta dowlada qaar.
 
 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in uu fahansan yahay qorshaha Al Shabaab

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu fahamsan yahay qorshaha Xoogaga Shabaab, kuwaa oo shalay wadada u galay gawaari uu la socday.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sharaxaad uu ka bixiyay weerarkii shalay lagu soo qaaday gawaaridii uu la socday.
Xilli Wasiirka uu ku sii jeeday Magaalada Marka ayaa waxay Xoogaga Shabaab u galeen Deegaanka Buufow oo 3km oo kaliya u jira Magaalada Marka Cadey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in Al Shabaab ay dooneyso oo kaliya in Idaacadaha laga sheeg sheego, si loo dhaho buu yiri waxay xaalad khatar badan ay gelisay nolosha Wasiir hebel.
Taasi ayaa wuxuu sheegay inaysan wax mustaqbal ah u ahayn Al Shabaab, wuxuuna kooxda Al Shabaab uu ugu baaqay inay hubka iska dhigto, waxna la qeybsato buu yiri dadkeeda.
Al Shabaab ayaa waxay shalay ku faantay in uu si dirqi leh uu uga badbaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya, markii ay weerar dhaba gal ah u sameeyeen gawaari uu la socday.

QAYLO-DHAAN: “Waxaan cod dheer ku leeyahay ma jiro Jacayl ee danaysi ayaa jira”

$
0
0

Magacayga waxaa la yiraahdaa Nasro Daa’uud Cali, waxaan ka mid ahay akhristayaasha Web Site-ka AARANNEWS.COM, waxaana leeyahay HAMBLAYO, waadna ku mahadsan tihiin sida aad Webka u tayeyseen , waxaana idiin leeyahay dedaalkiina sii wada, si gaar ah waxaan idinkula dardaarmayaa inaad sii xoojisaan boggaga ARRIMAHA BULSHADA  oo aan dhihi karo waa tiirka Nolosha.
Intaa kabacdi waxaan rabaa inaan halkan qeylo-dhaan jacayl ku muujiyo, waxaana cod dheer ku leeyahay ma jiro Jacayl, haddii uu jirana waa mid ku dhisan danaysi, tusaalaha qeylo dhaanteydana ila arka, runtana ka sheega, akhristayaasha ayaana xaqsoorayaal ah ee garsoor dhab ah ka noqda akhristayaashow, waana tan qisadii:
Waxaan is baranay wiil dhalinyaro ah xilli aan arday kawada ahayn iskuul Luqadaha lagu barto, aniga waxbarashadii meel dhexe ayaan uga haray, laakiin isagu in muddo ah ayuu sii waday ilaa uu  heer wacan ka gaaray.
Wiilku wax shaqo ah ma heynin oo wuxuu la noolaa reerkiisa oo iska liitay, laakiin aniga shaqo ganacsi ayaan ka bilaabay Suuqa Bakaaraha, inkastoo waalidkey ay lahaayeen lacagaha aan ku shaqeynayay haddana waan u madax banaanaa, maadaama aan si daacad ah u shaqeeyay oo dhaqaalo badan aan reerkeena soo geliyay waana la i aaminay oo talada guriga iyo midda ganacsiga ayaan kaalin weyn ku yeeshay.
Wiilkii aanu is jeclayn oo isagu aanu wax shaqo ah heynin anigaa lebiskiisa iyo tarisboorkii dabari jiray oo inuusan asaagiis ka liidan ka shaqeeyay, isaguna aad buu ii jeclaa runtii, anna daacadnimada aan ku arkay ayaa i gaarsiisay inaan si gaar ah uga taxadaro.
Kol dambe ayay reerkeygu igu soo hadal qaadeen guur, waxayna i saareen cadaadis ah inaan guursado, laakiin waxay ku fiicnaayeen nin ayaan kuu heynaa ima aysan dhahaynin oo way i qadarinayeen, inaan aniga keensado ayayna iga sugayeen.
Waxaan go’aan iskey ah ku gaaray in wiilka aan jacayl wadaaga nahay si uu noqdo mid mustaqbal leh inaan dhaqaalo u abuuro, waxaan kula taliyay inuu ganacsiga ku soo biiro, laakiin wuxuu ii sheegay inuusan ganacsi waxba ka aqoon, wuxuuna igu yiri Sacuudiga ayay saaxibaday u wada bexeen oo halkaas ayay shaqo ku heystaan, haddii aad Tikid ii heli karto halkaas ayaan inooga soo shaqeynayaa oo wixii aan shaqeeyaba adigaan kuu soo diraa ee noo aruuri, kadib Sacuudiga ayaan u diray anigoo bixiyay qarashka diyaaradda uu ku raacay.
Run ahaantii wuu dedaalay oo bilihii ugu horreeyayba lacag fiican ayuu soo diray, anna waan u keydiyay, Labo sano markii uu maqnaa ayuu dib u soo laabtay isagoo isku filan, waxaana lacagtiisa ugu daray shirkad sanadkiiba dhaqaalo buuran uu ka helayay.
Nasiibkeenu markaas wuu fiicnaa oo wiilkii reerkeena ayuu iga soo doontay, aroos wacana ii dhigay, anna qeyb baan ku lahaa arooskaas iyo qaabayntiisa, laakiin maxaa dhacay.
Sanad iyo bar markii aan is qabnay, isla markaana aan wax uur ah weli u qaadin ayay fowdo iyo buuq inaga dhex oogantay, dad ehelkiisa ah ayaa hadallo doc ka yeernimo ah igu bilaabay, isna warkooduu dhegta u dhigay, waxayna dadku ku dhahayeen Naagtan ma dhashada ah maxaad waqtigaaga isaga luminaysaa, ma gablan inaad noqotid baad rabtaa iyo hadallo kale oo kala geysnimo ah.
Aniga mar waliba qalbiga ayaan u dajinayay, waxaana dareensiinayay in Ilmaha uu Ilaahay bixiyo ee qofna uusan gacantiisa ku samaysan karin, laakiin weji fiican kama dareemeynin oo nin jecel in ilmo aan u dhalo, haddii kale aan baabi’ino jacaylkii aan sharkada ku ahayn ayuu u muuqday.
Sanadkii Labaad markii uu inoo buuxsamay ayuu ninkii igu bilaabay hadallo gunuunac ah, labo sano ayaan is qabnaa wax ilmo ahna nooma aysan dhalan ee maxaan sameynaa ayuu mar waliba i dhahayay, anna waxaan ku dhihi jiray aniga iyo adiga jacayl baan isku guursanay, ballantii guurkeenana ma ahayn ilmo iyo arrimo kale oo wax shuruud ah ku xirneyn, ilmo dhalinstuna waa awood naga weyn oo dadna Ilaah ilmo wuu siiyaa, dadna ma siiyo oo gablan ayuu ka dhigaa, taasna waa mucjisada iyo cibaaro-qaadasha Alle, samir baa nalooga baahan yahay ee Jacaylkeena mugdi hanaga gelin ayaan ku guubaabin jiray.
Labo sano iyo bar markii aan is qabnay ayuu igu yiri “Walaalay samirkii wuu iga sii dhammaanayaa, aniga Ilmo doon baan ahay naag kale baan guursanayaa haddii aad sidaas raali ku ahayna waan ku furayaa, markiiba furiin afkiisa uu soo mariyay ayaan anna ka quustay oo murugi ii soo hoyatay, waxaan ku iri “Walaal aaway jacaylkii iyo waqtigii dhibka badnaa ee aan isla soo qaadanay” wuxuu igu yiri “Jacayl ma jiro wuuna jiraa, Jacaylka jira waa mid dan ku xiran, haddii Ilmo la waayo jacaylka daaqadda ayuu ka baxayaa”.
Yaab iyo amakaag ayaa ii yimid waxaan xisaabiyay Todobo sano oo jacayl aan soo jilaynay iyo saddex sano oo aan is qabnay, sanado iga qasaaray inay ahaayeen ayaan qalbiga ku qoray, waayo hadduuba jacaylku danaysi yahay maba aan jileen, waqtigeyga qaaliga ahna isagama lumiyeen, kadibna wuu iska kay dalaaqay, kadibkiisna ma aanan haweysan nin kale oo 7 sano ayaan hadda garoob ahay, marka waxaan cod dheer ku leeyahay Jacayl ma jiree danaysi baa jira, taasi ma beentey baa, akhristayaasha iyo qorayaasha AARANNEWS.COM ayaan jawaabta ka sugayaa.
caaqildalmar@hotmail.com

Maankeenka kama go’in Muragadii Hotel Shamow Warbixin Kooban

$
0
0

Xili Barqo ah ayey aheyd saacadu xilligaa dadka goobjooga ka ahaa xaflada waxa ay ku sheegeen qayaas ahaan 11:15-daqiiqo ah maalin khamiis ah ayaana masuuliyiinta jaamacada ay kusoo aadiyeen xaflada si ay ugusuuro gasho dhamaan dadka Soomaliyeed ee shaqeeya maalmaha kale si ay kaga soo qeybgalaan.
Xafladu waxa ay aheyd mid siweyn loo soo agaasimay waxaana ku sugnaa goobta ay ka dhaceysay xafladaasi Wasiiro,arday,Aqoonyahano,Xildhibaano,wariyaal.dhaqaatiir,iyo waalidiin muddo kusoo tacab iyo tiir beelay inay mar un arkaan caruurtooda oo shahaadooyin qaadanaya.
Inkastoo jawagi goobta uu ahaa mid aan laga sheekeyn karin ayaa hadana waxaa ardayda ka muuqatay farxad aad u sareysay waxaana arday walba uu ahaa mid isaga ku kalsoon shahaadada uu maalintaa qaadanayey.
Ismarxabeyn,dhoolacadeyn,iyo farxad gooni ah ayaa sawir ahaan laga dheehan karay dhamaan dadka Xafladaasi kasoo Qeybgalay.
Waxaa dhamaan soo xaadiray goobta dadkii lagu casuumay iyada oo aanay jirin cid ka maqned goobta sida guddiga qabanqaabada Xafladaasi ay sheegeen.
Waxaana Guddiga qaban qaabada xaflada uu ku dhawaaqay in lagudo galayo xaflada maadama waqtigeedii lagaaray dhamaan dadkana ay soo wada xaadireen.
Markii ay gudiga qabanqaabada ay ku dhawaaqeen in lafuri karo xaflada lagu soo dhaweeyey mid kamid ah dadkii kasoo qeyb galay si uu aayadaha quraanka ugu furo xaflada.
Furitaanka xaflada kadib ayaa waxaa laguda galay soo jeedinta qudbaha ay ku qornaayeen masuuliyiintii madasha ku sugneyd.
Allaha unaxariistee Wasiirka Tacliinta Sare, Prof Ibraahim Xassan Caddow, ayaa nasiib u yeeshay inuu qudbad kooban oo ku tacluqda dhinaca diinta halkaasi ka jeediyay waxaana uu kula dardaarmay ardayda inay u dhabar adegaan xilliga adag oo ay waxkubaranayaan.
Hotelka Shaamow oo xafladaasi ka dhaceysay waxaa sidoo kale ku sugnaa Ciidamada baanbeyda Soomaliyeed oo halkaasi kusoo bandhigayey Astaanta qaranka Soomaliyeed oo ay ardayda ku dhiirogalinayeen wadaninimada maadama ay ahaayeen arday Soomaliyeed oo waxbartay.
Waxaa Sidoo kale marka laga yimaada masuuliyiintii xaflada ku sugneyd goobta fadhiyey arday niyad ahaan marayey meel sare kuna jiray maalintii ugu farxada badneyd noloshooda inkastoo waxkasta qadar Alle ay aheyd mid kamid ah masuuliyiinti Jaamacada Banaadir ayaa ka sheegay goobta inay tahay maanta maalin weyn ardaydana xiligaani wixii ka dambeeya ay yihiin dhaqaatiir Soomaliyeed oo bulshada usoo baxday.
Qayaas ahaan Xaflada waxa ay socotay wax kayar 50-daqiiqo markii marqura uu isbadal jawigii goobta oo noqday dhiig,hilib,qeylo,holac iyo wax qofwaliba oo goobta ku sugnaa aanu si toos ah ugu sheekeyn karin Xiligaana waxaa loo yeeray oo masraxa saarnaa Dr Dufle oo kamid ahaa Macalimiintii.
Marqura ayaa waxaa la maqlay dhawaqa qof isqarxiyay oo galaaftay nolosha dad badan oo goobta ku sugnaa,halkii xaflada ka socotayna waxa ay noqotay goob isku bedeshay ooyin iyo dhiig.
Qofwaliba oo ku sugnaa goobta xaflada marti sharaftii iyo ilaaladii goobta xafladaba mid kastaba waxa uu aaminsanaa in wax un gaareen maadaama Qof waliba dhiig iyo hilbo go.go,an uu korkiisa ka arkay.
Xaalada xiligaasi kajirtay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho ma aysan aheyn mid laga sheekeynkarayo waxaana Goobtaasi isku waayey saaxiibo mudo wax isla baranayey kuwo isku shaqo ahaa iyo waalidiin Soomaliyeed oo ardaydoodii kuwaayey Goobta.
Inkabadan 30-arday ayaa lasheegay inay goobta ku dhinteen kuwaa oo ubadnaa kuwii shahaadoyinka lagudoonsiinayey waxaa sidoo kale naftooda Goobtaasi kuwaayey Wasiiro.Wariyaal,Dhaqaatiir iyo Waalidiin kasoo qeybgalay xaflada.
Dadkii kabadbaaday qaraxaasina ilaa iyo hada waxaa ay sheegaan inuu xusuus Gooni ah uu kulahaa qaraxaasi.
Masuuliyiin ku geeriyooday waxaa kamid ahaa goobta wasiiro ay kamid ahaayen Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan iyo Wasiirka Waxbarashada Axmed Cabdullaahi. Iyo Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare Pr Cadow.
Waxaana sanad walba maanta oo kale shacabku ay xusaan maalintaas oo ay waayeen arday .Wariyaal,Masuuliyiin,,Macalimin,Dhaqaatir iyo Waalidiin kuwaa oo dhamaanba ku sugnaa goobta xaflada qalin jibinta.
W/D Xasan Cabdi Axmed

Xildhibaan Nac-Nac Oo Xalay Gurigiisa Lagu Weeraray, Ka Dib Markii Uu U Jawaabay Masuuliyiinta Xaqsoor

$
0
0

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac, ayaa xalay fiidkii gurigiisa ay ku weerareen kooxo dhalin yaro ah oo ka gadoodsan, hadal uu ugu jawaabay ururka xaqsoor, kuwaas oo la sheegay inay wax soo gaadhsiiyeen guriga Xildhibaanka oo ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye, si weynnna ugu ololeeya Xisbigiisa.
 
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Nac-nac xalay saqdii dhexe ay amaanka gurigiisa la wareegeen ciidamada amaan oo  ay ka dabbaadiyeen kooxahaasi soo weeraray.
Xildhibaan Nac-nac, ayaa hadalka uu Xaqsoor ugu jawaabay uu daba socday eedo loo jeediyay xisbi xaakimka KULMIYE, waxa uu yidhi “Waxaan cadaynayaa in aanay jirin wax ku shubasho ah oo uu xisbigayaga KULMIYE ku dhaqaaqin,degmo, tuulo iyo gobol qudha. Waxa aan leeyahay haddii uu tartan dhaco cid uun baa guulaysata, cidna way guul daraysataa, Doorashadu waxay inoogu qabsoontay hanaan nabad-gelyo ah, Marka la shaaciyo natiijadda doorashooyinka Golaha Deegaanka sadexda urur siyaasadeed ee ay Komishanku shaaciyaan ku guulaysteen doorashadda oo ay xisbiyo noqdeen haloo haneeyo, Waxaan leeyahay ku qanca oo yaanay nabadgalyadeenu inaga xumaanin”
Taas ayaa sababtay inay kooxahan dhalinyarada ah ee taageersanaa ururka xaqsoor ay weeraraan oo ay wax soo gaadhsiiyaan guriga xildhibaanka.
 
Hargeysa Somaliland

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live