Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada Ammaanka Galmudug Oo Maanta Weerar Kuqaaday Kooxo Jidgooyo Utaalay Wadada Laamiga

$
0
0


 
 
 
 
2ruux ayaa dhimatay 2kalana waa ay dhaawacmeen kadib markii ciidmado katirsan maamulka galmuudg iyo malayshiyaad hubaysan uu iska hor imaad ku dhexmaray wada laamiga ah oo malayshiyaadka ay dhigteen jidgooyo lacago sharcidaro ah looga qaado halka mararka qaarna dhac iyo kufsi ay ugaystaan dumarka saaran gawaarida
Dadka dhintaya iyo kuwa dhaawacmay ayaa  kamdi ahaa kooxihii jidgooyada dhigtay ila markaana iska hor imaad kala hortagay ciidanka galmudug iyadoo sidookalana ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen 4dhalinyari ahaa oo kamdi ahaa kooxihii isbaarada ay utiil waxaana kuwaasi la geeyay xabsiga dhexe ee magalada gaalkacyo ee maamulka galmudug
Taliyaha qaybta booliska galmudug maxamed cali nuur gadaar ayaa sheegay in ciidanku ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha amni darida kawada wada laamiga ah kuwaasi oo taliyuhu ku tilmaamay in ay caadaysteen dhaca kufsiga iyo falalkale oo anshaxa kabaxsan
Maxamad Nuur ayaa sidookale carabka ku dhiftay in falkaan saakay laqaaday ii ahaa mid qorshaysan oo lagu go’aansaday in wax looga qabto kooxoaha dhibaateeya musaafirka isticmaala wada dheer ee laamiga ah wuxuuna balan qaaday in ciidamadu ay wax ka qabandoonaan kooxaha amanka wax udhiba


Qaar Ka Mid Ah Beelaha Waqooyiga Hargeysa Oo Sheegay Inay Qaadeceen Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorshad Doorashada Deegaanka

$
0
0

Qaar ka mid ah hogaamiyaayasha dhaqanka ee beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, ayaa si adag ugu eedeeyay xisbiga talada haya ee Kulmiye in uu boobay codka murashixiin ka soo jeeda deegamadooda.
Kulan ay albaabadu u xidhan yihiin oo madax-dhaqameedkani galabta ku yeesheen guriga Suldaan Xiis Barre , ayaa lagaga wada hadlay sidii jawaab looga bixin lahaa cabashada ay tirsanayaan beelahan,iyada oo duqaydu ay aaminsan in la leexsaday codka raggii u sharaxnaa .
Beelanahn shirka yeeshay oo kala ah Cismaan Xuseen, Makaahiil , Reer Cabane Yaasuf iyo Adaraxmaan Sacad oo ka tirsan beesha Sacad Muuse , ayaa waxa ay sheegeen in boobka lagula kacay codkooda uu masuul ka yahay hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye , iyada oo la soo saaray ragg kale oo uu xisbigu si weyn u danaynayay,laakiin aan helin kalsoonida shacabka .
Markii kulanku dhamaaday waxa la isku afgartay in ergo loo diro madaxda xisbiga Kulmiye iyo xukuumada si loogala hadlo tabashada beelaha, hase ahaate waxa aan la sheegin wakhtiga ay labada dhinac is kulmi doonaan
Magacyada Sallaadiinta shirka ka qaybgashay:
1-Suldaan Xiise Bare.
2- Suldaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf.
3-Suldaan Jaamac Cismaan Aadan.
Sida oo kale waxa madasha ku sugnaa murashixiintii u tartamaysay beelahaas.

Somaliland Oo Ka Hadashay Rabshada Khasaaraha Keenay Ee Ka Dhacay Hargeysa Iyo Cabashad Ururka Xaqsoor

$
0
0

Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay shaqaaqooyinkii shalay iyo habeen hore ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa oo ay ku dhinteen laba qof kuna dhaawacmeen illaa todoba (7) qof.
Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland. Md, Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo maanta u waramay laanta af-soomaliga BBCda,ayaa ka digay khatarta muranka  ka dhashay ee najiitadii doorashada ee habeen hore lagu dhaawaqay.
Wasiir Duur waxa uu sheegay in ay xukuumada ka shaqaysay sidii Sallaadiinta iyo madaxda ururka Xaqsoor u dejin lahaayeen xiisada taagan, waxaana uu dadka taageera ururka ugu baaqay in ay kicin qalalaase, isaga oo ku tilmaamay guddoomiye Muj. Xasan Ciise Jaamac yahay muj. Wadanka  u soo halgamay wax badan u soo qabtay Somaliland, waxaanuu yidhi “Runtii waxa aanu ilaa xalay (habeen hore) ka shaqaynaynay in aanu helno Salaadiinta iyo Hogaanka Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo runtii ah nin dalka u soo halgamay, markaa waxa aanu doonaynay in arrinta halkaas aanu ku dhammayno oo si dublamaasiyadeed arrinta loo dhammeeyo. Xasan Ciisanna waxaan leeyahay samcada haka dilinna, kuwa leh mudaharaad dhiga ee TV-yada ka hadlayana waxaan leeyahay Addeer ka daaya”
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ku baaqay rabshada la joojiyo nabad galyadana la ilaaliyo, waxaanu sheegay in mudaharaadyada lagu baaqay ay sii xumayn doonaan xaalada hadda oo qasan, isla markaana loo baahan yahay in la joojiyo xasaradaha oo wixii khalad dhacayna la soxo, waxanuu yidhi “Waxa lagu dhawaqay natiijadii doorashooyinka, taas oo aan qancin Ururka Xaqsoor, waxaana dhacay rabshado, taas oo ay ku dhinteen hal qof qaar kalena ay ku dhaawacmeen,aad ayaanu uga xunnahay waananu ka tacsiyadaynaynaa wixii dhacay iyo ciddii wax ku noqotayba, waxanu wadnaa sidii loo xallin lahaa arintaas oo dhinaca Ururka iyo dawladaba sidii khaladka loo sixi lahaana waanu soo jeedinayn”

“Waxa Mudaharaadka Keenay Dulmi Ayaa Dhacay Oo Doorashadii Ayaa Lagu Shubtay, Dadkana Waxaanu U Sheegnay Inaanay Nabadda Iyo Midnimada Somaliland Wax Lagu Doorsad Jirin” Xasan Ciise Jaamac

$
0
0

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ka hadlay rabshaddaha ay taageerayaasha Ururkaasi ka wadaan  Degmadda Axmed-dhagax ee Magaaladda Hargeysa, isaga oo sheegay inuu aad uga xunyahay waxa dhacay ee keenay khasaaraha dhimashada iyo dhaacaba leh, waxaanuu Xukuumadda ku eedeyey in dad shacab ah loo adeegsaday rasaas nool .
Xasan Ciise Jaamac oo u waramayey Idaacadda BBC-da laanteedda Af-Soomaaliga ayaa waxa kale oo uu sheegay in Mudahraadada ay wadaan taageerayaasha Ururka Xaqsoor ay  keeneen boob lagu sameeyay codadkii ururka  Xaqsoor ka helay  qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo deegmooyinka  qaarkood, isaga oo tilmaamay in inay Guddida Doorashooyinku waxba ka qadan wayeen markii ay u sheegeen arintaasi.
Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa dhacay dhalinyaro mudaharaadaysay ayaa waxa lala dhacay Xabad, waxaana loo adeegsaday Ciidamadii Qaranka, shalay iyo Xalay waxa dhintay  hal qof lix rag iyo dumatrba lihina way ku dhaacmeen,  markii ay arintasi bilaabantayna waanu ka hawl galnay xagayaga, waxaananu u guntanay sidii ay nabad gelyadu u soo noqon lahayd, ilaa saqdii dhexe ee Xalay dhalinyarada waan ku dhex jiray oo hogaanka xaqsoor kamuu dhex bixin oo salaadiinta ayaa loo yeedhay, Culimadii ayaa loo yeedhay, hogaamiyeyaashii ayaa loo yeedhay, aada ayaanu uga qayb qaadanay sidii aanu xaaladda u dejin lahayn iyo sidii aanu nabad gelyada u soo celin lahayn, marakaa Subixiina waxaanu kula ballaanay beel fagaare ah oo ah Garoonka Gubadda ee Hargeysa Stadiom, waananu kala hadalnay halkaas oo way noo yimaadeen dadkii, waxaanau ku baraarujinay inaanay jirin wax la siisto nabad gelyada iyo mid nimada Somaliland, maadaama ay dadkan iyo nabad gelyadiisa ay hawl badani naga soo gaadhay, naf iyo maalna loo huray, Taariikh fiican oo baal dahab ahna uu Ururka Xaqsoor ku leeyahay, dadka mudaharadayaana waxay u badanyihiin dhalinradii taageerayay Ururka Xaqsoor”
Xasan Ciise waxa kale oo uu ka hadlay sababta keentay Mudaharaadka waxanu yidhi “Waxa Mudaharaadka keenay wixii keenay Mudahaaradka Masar ka socda ee dumiyey nimadaamkii Xusni Mubaarak, waxa keenay ka ka socda Indunusiya ee dumiyey nidaamkii halkaasi ka jiray iyo ka ka dhacay Suuriya, waxa weeyaan waxa dhacay dulmi heer qaran ah oo la duudsiyey xuquuqdii dadka muwaadiniinta ah, waxaana lagu shubtay Doorashadii bari ilaa galbeed, gobolo dhan ayaana la yidhi Doorashadii kama qayb gelaysaan oo la duudsiyey xuquuqdoodii, kuwaas oo diyaar u ahaa oo aanu nagu diyaar garaynay inay doorashadu ka dhacdo, intii dhexena waa la boobay, waxaana dhaatadii laga waayey Koobiitaradii dhaatada la geliyey, si qaral caadi ah oo badheedh ah ayaana looga waayey, markaas ayaa dhaatooyin dambe la geliyey oo ka yar tii hore”
Guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise oo la waydiiyey inay tallaabiiyin shaci ah u maraan cabashadooda waxa uu yidhi “Tallaabooyinkaas oo dhan waanu qaadnay sidii aanu dacwad ugu gudbin lahayd Guddida Doorashdooyinka oo Ururka Xaqsoor waxa uu u saaray Guddi, waxaanu u geynay qoraal afkana waanu uga sheegnay waanay nala ballan sanyihiin, waana la wadaa, maxkamadahana waanu bilawnay in loo geeyo, dacwadihiina waa laga furay, waana talaabo talaabo oo weli Guddida Doorashooyinki kumay dhawaaqin natiijadii rasmiga ahayd ee her qaran, laakiin waxa lagu dhawaaqay wa degmo degmo, waxaana ka muuqda dulmi fara badan iyo ku shubasho aan xishood lahayn oo cadaan ah waxaana la hayaa muqaal cadaynaya taas, iyada oo waraaqihii lagu gurayo sanaaduuqdii geed hoostii iyo iyada oo gaadhi dushii lagu gurayo, waxaanu haynaa waraaqo la daadiyey oo calaamadsan oo Ururrada qaar loo calaamadiyey”

Khasaaraha ka dhashay mudaharaadayaal iyo ciidamada amaanka hargeysa oo isku dhacay maanta iyo habeen hore

$
0
0

Mudaharaad rabashado watay oo habeen hore ka bilawday Degmadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa ayaa maantay dib uga soo cusboonaaday, kaas oo ay dhigayeen taageerayaasha Urur siyaasadeedka Xaqsoor oo ka cadhaysan natiijada hor dhaca ah dhaawac, ka dib markii ay isku dheceen Mudaharaadayaashaasi iyo Ciidamada Amaanka Hargeysa oo ka hor tegayey mudaharaadkaasi.
Mudaharaadkan ayaa inta la ogyahay ilaa hadda waxa ku dhintay Sadex qof oo isugu jira Rag iyo Gumar, kuwaas oo ay laba ka mid ahi mudaharaadkaasi ku dhinteen maanta, halka uu midka kalena ku dhinta Habeen hore, waxaana ku dhaawacmay in ka badan Todoba Qof oo la dhagay Cisbitaallada Adna iyo dhakhtarka weyn ee Hargeysa oo lagu daweynayo.
Rabshadahan oo bilaabmay daqiiqado ka dib ku dhawaaqidii natiijadda doorashadda ee degmooyinka Hargeysa, ayaa waxay ka bilaabeen xaafado ka mid ah degmadda Axmed ee Caasimadda Hargeysa, iyagga oo dhalinyaradda rabshadan samaynayaa ay dhagaxaan la dhaceen gaadiid badan oo wakhtigaasi marayey jidadka degmada Axmed Dhagax, iyada oo  ciidamadda booliska  ee RRU iyo SPU-da ah ayaa rabshadahan kaga hor-tagay rasaas nool oo ay kor ugu ridayeen dhalinyarada rabshadahan samaynayey, iyadda oo dhalinyaradu taayiro ku gubay meelo ka mid ah degmadaasi.

Raaf Aad U balaaran oo haatan kasocda Xaafada İslii İyo Kala Cararkii Ugu darnaa oo kabilowday

$
0
0

Sıda oo haatan soo shegaayo wakııl wareedka Shabakada Buraannews.com ee magaalada naırobı waxa kabılowday xaafada ıslıı raaf aad u balaaran kasoo lagu soo qab qabanaayo soomaalıda halkaası kudhaqan.
Raafkaası ayaa lasheegay ın goor dhow kabılowday halkaası ayadoo losoo qab qabtay dadweyne farabadan waxaana wraraka shegayaan ın cııdamada wadooyınka waa weyn soo dhıgteyn gawaarıda waa weyn.
Gawaarı waa weyn ayaa kusıı qul qulaayo xaafada ıslıı sı loogu daabulo dadyowga lasoo qab qabtay waxaana jırın wax ganacsı ah ayadoo dhamaan lawada xıray .
Muuqaalka xaafada ayaa haatan ah mıd aad u kacsan ıyo kala carar ayadoo dadka laamıyada ku goonayaan Orad xoogan kana baqayaan ın lagu qabto.
Warıyaha ayaa sheegaya ın cııdamada kasoo galeyn sadax jaho kuwaası oo durbadıı qab qabtay dad aad u afarbadan ıskana dhex mushaxaaye xaafadaası waxaana la ogeyn ın xaafadaha ıyo Hotelada sıı gelı donaan.
Ugu danbeyntıı Tanı ayaa kusoo beegmeyso xılı  habeenkıı xalay oo dhacay qarax aad u xoogan laguna eegtay Xıldhıbaanka degmada kaamkunjı oo haatan dhaawac lajııfa ısbıtaalka Akha khan ıyo shacab kale.
Wıxıı kusoo kordha wararkeyna danbe haduu Rabı Idmo

Daawo Sawirada:Dowladda Turkiya oo gudoonsiisay Hadiyad Qaali ah oo aad u Culus Madaxwaynaha Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii ay safarro shaqo ku tageen dalka Turkiga.
Inta uu Soo Safrin Madaxwaynaha Soomaliya Ayaa waxaa lagu Doonsiiyay hadiyad Qaali ah oo aad u Culus waxaana Hadiyadaas gudoonsiiyay Duqa Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiya kadibna madaxwynaha waxaa loo sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Istanbuul si uu Dalkiiisa Dib ugu laabto Wuxuna madaxweynaha dadka reer turkeya ku tilmaamay walalo dhab ah oo shacabka soomaliyeed garab tagan.
Dhanka kale Wagfdiga Madaxwaynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Istanbuul kasoo sagootiyay Safiirka Soomaaliyeed ee Dalka Turkiya Ambasadoor Mursal Abdirahman iyo Ibrahın Cumar Mahadale Dhuxuloow (Ibrahın Dheere) iyo Qaar kamdi ah wafdiga Madaxwanaha oo Caawa kasoo Safraya Magaalaada Istanbuul ee dalka Turkiya .

Baarlamaanka Galmudug Oo Labalaarinayo Iyo Beelo Kusoo Biiray Galmudug

$
0
0

 
 

 
 
 
 
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Hayl Oo Maanta lahadlay Waraabaahinta islamarkaana soo saaray wareegto uu ku sheegay in wax laga badalay Qodobka 38 oo sheegayay in xubnaha baarlamaanka ay ku ekaayeen 25balse hadda laga dhigay 30xubnood
Balaarinta Baarlamaanka ayaa ka dambeeysay kadib kulamo is daba joog ahaa oo maal mahaan usocday baarlamanaka galmudug iyadoo horayna loogu dhawaaqay in mamaulka galmudug labalaarindoono lana gaarsiindoono deegaanda uusan wali gaarin xukunka maamulka galmudug
HOS KA AQRI WARQADDA BAARLAMAANKA GALMUUDG UU SOO SAARAY

 


Muqdisho: Qarax Bam oo Dad ku Dhintay.

$
0
0

Shaneemo lagu daawado ciyaaraha kubadda cagta oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdihso ayaa bam gacmeed lagu tuuray waxaa ku dhintay hal qof 3kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Man charged with Birzebbuga shooting

$
0
0

Times of Malta
Saturday, December 08, 2012
A 63-year-old man from Birzebbuga was remanded in custody today after he pleaded not guilty to trying to kill a Somali at the his flat in Triq l-Ghannejja, Birzebbuga, on Wednesday.
Antonio Sultana was also charged with carrying a firearm and damaging Abdulaziz Abdikadir Hasan’s property.
Magistrate Carole Peralta told the accused, who was accompanied by neighbours, that he understood the problems he was going through, namely that his wife was terminally ill in hospital and was completely dependent on him.
At this point Mr Sultana asked to speak and said that he could not quite believe  he was being charged with attempted murder because he never meant to hurt Mr Hasan.
He said that he was having dinner at Mr Hasan’s house and showed him his gun, which he fired to prove it worked.
But police inspector Kevin Pulis told the court that this was only half the story and that Mr Sultana had told the police in his statement that he “did not trust black people”.
Had it really been an accident he would not have charged Mr Sultana with involuntary homicide but the fact that the victim ran out of the apartment and a second shot was fired pointed in the opposite direction.
The magistrate remanded Mr Sultana in custody but sent a recommendation to the prison director to allow him out, accompanied by a warder or policeman, for an hour every day to visit his wife.
Source-Times of Malta

Dadkii ku Dhintay Qaraxii Islii oo la Aasay iyo Madax sare oo katirsan Dowladda Kenya oo Booqday Xildhibaan Yuusuf Xasan [SAWIRRO

$
0
0

Waxaa maanta qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi lagu aasay qaar kamid ah dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay masaajid ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Dadkan oo gaaraya ilaa shan qof ayaa lagu kala aasay qabuurayaasha lagu aaso dadka muslimiinta ah ee ku yaal Langatta iyo Kariakor.
Dhinaca kale madax sare oo katirsan dowladda Kenya oo uu hogaaminayo madaxweeyne ku xigeenka dalka Kenya Kolonzo Musyoka ayaa booqday dhaawaca xildhibaan Yuusuf Xasan oo yaal isbitalka Aga Khan ee magaalada Nairobi.

 
Booqashada madaxweeyne ku xigeenka ayaa waxa ku wehlinayay masuuliyiin iyo xildhibaano kale oo katirsan dowladda Kenya oo uu kamid yahay Xildhibaan Max’ed Cabdi Afeey.
Madaxweeyne ku xigeenka oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee isbitalka ayaa sheegay in ay isbitalka ay u yimaadaan si ay u eegaan xaaladda caafimaad ee xildhibaanka, wuxuuna u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay xaafadda Islii.
Xildhibaanka ayay inoo suurogeliweysay in aan isbitalka ku booqanno, haseyeeshee xoghayaha xildhibaan Yuusuf Xasan oo lagu magacaabo Max’ed Ismaaciil Shiine ayaa HOL u sheegay in xaaladda caafimaad ee xildhibaanku ay aad u wanaagsantahay.

Xildhibaan Max’ed Cabdi Afeey oo kulanka kadib aan ka wareysannay xaaladda Xildhibaanka ayaa sheegay in caafimaadkiisu uu aad u wanaagsanyahay islamarkaasina dhaawaca gaaray uusan ahayn sidii loo maleynayay, wuxuuna xusay in dhaqtarka uu u xaqiijiyay in xaaladda xildhibaanku tahay mid aad u wanaagsan.
XIldhibaanka ayaa sheegay in ay soconayaa baaritaanno la xiriira ciddii ka danbeeysay weerarka, wuxuuna xusay in dowladda ay ugu baaqeen in ay qaado tallaabo deg-deg ah oo ku aadan qaraxii ay dadka badan ku waxyeeloobeen ee ka dhacay masaajidka Al-hidaaya ee xaafadda Islii.
“Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Islii in weerarkani aysan u  qaadan arin Soomalida iyo Kenyanka u dhexeysa, Soomaalida waa dad wadanka u dhashay cid looga baryayo arintaasina ma jirto, marka waxaan ugu baaqayaa in ay is dajiyaan,” ayuu xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.
Ugu danbeyn xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan xaafadda Islii in ay la shaqeeyaan booliska islamarakaasina ay kusoo wargeliyaan wixii macluumaad ah oo ay hayaan.
Ciidamo aad u tiro badan oo katirsan Booliska Kenya ayaa maanta lagu soo daadiyay xaafadda Islii, waxayna ka wadaan baaritaanno gur-guri ah, kuwaasoo ay ku qabqabteen dad badan, waxaana howlgallada ay fulinayaan ciidamadu ay cabsi ku abuureen Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

 
Source-Hol
 

Puntland oo Kordhisay xilliga Furashada Xisbiyada Siyaasadeed iyo Qiimihii Diiwaangelinta oo hoos loo dhigay

$
0
0

Guddiga doorashada Puntland ayaa saddex toddobaad oo dheeraad ah ku kordhiyay mudada furashada xisbiyada oo xiligii horay loogu qabtay uu dhammaad ku dhow yahay.
Maxamed Xassan Barre oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sabab uga dhigay muddo kordhinta codsiyo uu sheegay inay kaga yimaadeen shacabka Puntland qaarkood iyo inay socdaan abaabullada lagu furanayo xisbiyada.
Puntland oo dhawaan ku dhawaaqday inay u guurtay hannaanka xisbiyada ayaa waxaa lagu dhawaaqay saddex xisbi oo keliya, kuwaasoo uu ku jiro xisbiga Horseed oo uu guddoomiye u yahay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.
Gudiga doorashada waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay qiimo dhimis 50% ah ku sameeyeen lacagaha lagu diiwaangeliyo xisbiyada taasoo horay u ahayd 15,000 oo dollar, balse hadda laga dhigay 75,00 oo dollarka Mareykanka ah.
Furshada xibsiyada ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili uu dhamaad ku dhow yahay afartii sano ee madaxweyne Faroole loo doortay inuu xilka hayo, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in la qorsheynayo in hal sano oo dambe uu xilka sii hayo Faroole.
Maamulka Puntland ayaa weli ka mid ah Soomaaliya, waxaana dhawaan loo sameeyay dastuurkii ugu horreeyay oo ku saleysan hab-dhaqanka xisbiyada, iyadoo maamulka Puntland ay sheegeen inay tani tahay fursad ay Puntland kaga gudbayso hab-beeleedkii awooda lagu qaybsan jiray.
Source-HOl

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Xukun Xabsi daa’in ah ku ridday Taliyihii Ciidanka Asluubta

$
0
0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa xakun xabsi daa’in ah ku ridday maanta oo Sabti ah taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) kaddib markii lagu eedeeyay inuu xabsiga dhexe kasii daayay 14 maxaabiis oo Al-shabaab ka tirsanaa.

Maxkamaddu waxay sidoo kale isla maanta xukunno ku ridday eedeysanayaal kale oo uu ku jiray agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo mid ka mid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab oo la sheegay in la qorsheyay in lasii daayo.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Col. Liibaan Cabdi Yaroow ayaa sheegay in taliyhii hore ee ciidamada Asluub Soomaaliyeed lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaanno Qaran taasoo ahayd inuu sii daayay maaxabiis Al-shabaab ka tirsanaa oo ay maxakamadda ciidamadu horay xukunno kala duran ugu ridday.
Sidoo kale, agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xasan Axmed Cali (Xasan Liibiya) ayaa isna lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falka lagu sii daayay maxaabiista ka tirsan Al-shabaab, taasna ay keentay in la xukumo.
“Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay ku xukuntay, Cabdi Maxamed Ismaaciil xabsi daa’in, kaddib markii ay ku cadaadeen eedeymo loosoo jeediyay oo ahaa inuu sii daayay 14-xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, sidoo kale maxkamaddu waxay ku xukuntay Xasan Liibiya shan sano oo xabsi ciidan ah, kaddib markii lagu helay in uu gacan ku siiyay taliyaha khiyaanada qaran ee uu sameeyay,” ayuu yiri taliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.
Taliyaha la xukumay ayaan ku sugnayd goobta uu xukunku ka dhacayay, waxanaa hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya amar lagu siiyay inay soo qabtaan Jen. Ismaaciil, iyadoo sidoo kalena la sheegay inuusan wax xil ah ka qaban karin dowladda lagana qaaday dhammaan darajooyinkii uu lahaa.
Dhanka kale, taliyuhu wuxuu sheegay in Muuse Ciise Nuur oo ka tirsanaa Al-shabaab oo la qorsheyay in lasii daayo uu dhameysanayo xabsigii horay loogu xukumay oo ahaa sideed sano oo xabsi ciidan ah.
Ugu dambeyn. taliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Col. Liibyaan Yaroow ayaa ku dhawaaqay in C/qaadir Maxamed Axmed oo ku eedeysnaa inuu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya lasii daayo, kaddib markii lagu waayay dambiga loo haystay.
Source-Hol

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Go’aansaday In Dib Loo Tiriyo Codadkii Musharixiinta Magaalada Hargeysa

$
0
0

 
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Ciise Xamari ayaa shir jaraa’d oo u qabtay ku sheegay inay Hakiyeen natiijadii Ku meel gaadhka ahayd ee Degmadda Hargeysa isla markaana ay dib ugu noqonayaan Tirinta Codadkii Musharixiintu kala heleen.
Eng Ciise Xamari waxa uu sheegay sababta keentay arrintaasi inay tahay tabashada ay Musharixiintii tartamaysay ka keeneen Codadkoodii iyo sidii loo Bogsiin lahaa Rabshadaha Dhiigu ku daatay ee ay keentay arrintaasi.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ciise Xamari waxa uu ilaahay uga baryay dadkii ku dhintay inuu Naxariistiisa jano geeyo, kuwa ku dhaawacmayna uu Caafimaad ugu bedelo, isagoo guud ahaan shacabka Reer Somaliland iyo Qoysaskii ay ka baxeen uga Tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay Natiijadaasi.
“waanu ku kalsoonahay Natiijadii laakiin si loo hubiyo loona qanciyo Musharixiinta waxaanu go’aansanay inaanu dib ugu noqono, sidaasna waxaanu isla qaadanay Xisbiyada iyo Ururada oo dhan” ayuu yidhi Ciise Xamari oo la hadlay warbaahintu
Source-Hol

Madaxweyne Mursi oo Wareegtadiisii ka Noqday

$
0
0

Wareegtadan oo muran badan dhalisay ayaa ugu dambeyn lagu heshiiyey in la joojiyo, iyada oo aftidii dastuurka loo qaadi lahaa ay sideedii ahaan doonto


Madaxda dalka oo ka qeyb galay kulan Villa Somalia ka dhacay + Daawo Sawirada

$
0
0

Xaflad qurux badan ayaa waxay maanta ka dhacday Qasriga Madaxtooyda ee Villa Somalia, oo Xaruun u ah Madaxda Dowladda Soomaaliya ee xilligaan tallada dalka haaya.
Xafladaan oo uu soo qaban qaabiyay Naadiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh, Raa’isal Wasaare Saacd, Gudoomiye Jawaari, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo qeybaha bulshada.
Kulankaan oo looga hadlaayay xiriirka Dowladda iyo bulshada, ayaa waxay Madaxda Dowladdu ka jeediyeen hadalo ay si weyn ugu muujinayaan inay taageerayaan Ururada Bulshada Rayidka Somaliyeed.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay in Dowladiisu ay la shaqeyneyso Ururada Bulshada Rayidka ah ee dalka ka hawl gala, isagoona ku booriyay inay Dowladda la shaqeeyaan.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid’, ayaa dhankiisa muujiyay in Xukuumadiisu ay diyaar u tahay inay la socoto, lana shaqeeyo Ururada Bulshada Rayidka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa wuxuu tilmaamay in bulsho kastaa ay nabadda hormuud u tahay, isagoona bulshada Somaliyeed ku booriyay inay nabadda kala shaqeeyaan Dowladda.








Carruur Caawa ku baaba’day Qarax ay ku ciyaarayeen gudaha magaalada Muqdisho

$
0
0

Xaafada Towfiiq ee dhinaca degmada Dayniile xigta ayaa waxa caawa qarax xoogan uu kula qarxay Carruur ku ciyaareysay kaasi oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaaray.
Qaraxa oo ka dhacay halka loo yaqaano Orbit ayaa waxa la sheegay in carruur ay wadada dhinaceeda kasoo qaadeen hoobiye aan qarxin kadib markii dhagax ay ku garaaceen ayuu ku qarxay waxaana ku dhintay labo carruur ah.
Carruurta geeriyootay oo walaalo ahaa ayaa mid gabar ahayd halka labo kalena carruurta dhaawac kasoo gaareen qaraxaasi kuwaasi oo lagu dabiibayo dhaawacooda cusbitaalada muqdisho qaarkood.
Qaraxa oo laga maqlayey Xaafado badan ayaa waxa la sheegay in carruurta geeriyootay oo hooyadood maqneyd meesha laga soo qaaday kuwaasi oo caawa meyd bari ah.
Guri ay meydka carruurtaasi ku jiraan ayaa laga dareemayaa murugo hooyada dhashay labada carruurta ee caawa maqribkii ku geeriyootay qarax ay ku ciyaarayeen iyadoo dad badan oo dariska ahna ku qancinayaan alle inay ugu sabarto dhimashada carruurteeda.
Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho Carruur waxyaabo ay ku ciyaarayeen ku qarxaan iyadoo dhowr jeer sidaan oo kale muqdisho uga dhaceen carruur badana dhimasho iyo dhaaacba kasoo gaareen.

Habdhaqanka Qaar kamid ah Maamul Goboleedyada Dalka oo noqday ‚Teyda Lihi Taadana Kula Lihi

$
0
0

Waxaan rabaa inaan maanta halkaan ku soo gudbiyo fikir in badanmaskaxdeeda ka guuxeysay oo aan u maleenayo in badan oo aqristayaasha kamidna ay ila qabaan .
sida lawada ogyahay wadan keena waxaa uu yeeshay dowlad faderal ah oo anagu cusub ,waxaana ka horeyay dowlado KMG ah 2000 ilaa iyo hada ,faderalku shacabka somaliyeed waa uu ku cusubyahay wax badana kama yaqaanaan , micnaha waxaa uu yahay in waxii labo gobal iyo bar ka badan inay noqon karaan maamul goboleyd.
Hadaba koofurta Soomaaliya ilaa iyo hada wax maamul goboleeyd ah lagama hirgalin , mana u jeydno dhaqdhaqaaq maamul loo gu sameenayo ,waxaan ognahay in kofurta Somaliya ay tahay meesha ugu dhaqaalaha badan somaliya hada uguna dadka badan ,waana dad jecel dowladnimada iyo somalinimada ku weytahay ,ayadoo taas jirto hadana waxaa loo baahanyahay in ay gobolba gobalka udhow inay maamul sameystaan si ay sharuudaha fedaralka u soo buuxiyaan oo ay awood qeybsigooda u helaan waxay xuquuq u leeyihiin muwaadiniintaas soomaliyeed ..
hadan u soo daadagao dulucda mowduuca ayadoo lawada ogsoonyahay in soomaaliya ay ka jiraan ilaa dowr maamul goboleeyd ilaa iyo hada sida puntland iyo galmudug iyo jubbaland oo hada qorshaheeda lagu jiro in ladhiso walaw ay dadka deegaanadaas shakiyo badan ka muujinaayaan .
waxaa dowlada federalka somaliya caasimad u ah muqdisho waxaan dhamaan heyadaha dowlada ku shaqeynayaan muqdisho .,muqdiso waxaa ku yaalo dakada ugu weyn somalia iyo eiraporka muqdisho oo asna somaliya ugu weyn hada waxaa ka soo xarooda qarashaad aad u fara badan oo ay ka baahan yihiin dadka xaqa u lahaa mana la oga halka ay ka baxaan laakin daqliga ka soo xarooda waxaa qaata maamulka dowlada federalka somalia .
waa in badan ay la socdaan in daqliga ka soo xarooda dakada boosaaso ay qaadato maamulka puntland oo kaliya oo aanan dowlada dhaxe waxna ka siinin oo ay kaligeyd is ku koobtay .,
Dakada kismaayo ayada waa dakadaha dalka ugu waaweyn dhaqaalo badana ka soo xarooda ayaado la ogyahay in dhaqaalaha dad gaar ah ay gacanta ugu jirto marka haday rer muqdisho dhaqalahooda soomaali oo dhan ay leedahay kan boosaaso iyo kismaayo-na dad gaar ah ay leeyihiin taas jawaabteeda waxaa la rabaa dowlada fedaralka iyo reer muqdisho ?!!!
Talo : waxaan ugu talinayaa reer muqdisdo iyo nawaaxigeeda ha tashtaan hana sameystaan dowlad goboleyd si ay dhaqaalahooda gaar ugu naqoto waxii dowlada hoosana ugu baahato diyaar ha u noqdaan si ay asaagooda ula jaan qaadaan .
W/Q Abdulkani Hassan Salad
Switzerland(Zürich)

Yaa ka dambeeya rabshadaha ka dhacaya xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi iyo Koox…

$
0
0

Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee ay Soomaalida ku badan tahay ayaa noqotay xaafad ay ku soo noqnoqdeen rabshadaha, qaraxyada, dilalka iyo falalka nabadgelyo xumida, iyadoo ciidamada Dowladda Kenya ay ka sameynayaan mar kasta oo rabshad ka dhacdo xaafadaasi howlgallo baaritaan oo natiijadooda aanay weli helin.
Haddaba su’aasha ay isweydiinayaan dad badan ayaa noqotay “Yaa ka dambeeya rabshadaha ka dhacaya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi?”, hase yeeshee waxaanu u kuur galnay xaaladad dhabta ah ee ka jirta xaafadda Islii ee ay degaan Soomaalida, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo ganacsiga.
Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaa ka soo ifbaxay dhallinyarallo lagu magacaabo “Super Power” kuwaasi oo xiriir la leh ururka Al-Shabaab, hase yeeshee kooxahaan dhallinyarada ah iyagu si dhab ah ugama tirsana ururka Al-Shabaab balse waxaa ka dhaxeeya xiriir wada shaqeyneed.
Dhallinyarada lagu magacaabo Super Power oo ah kooxaha ka dambeeya rabshadaha ka dhacaya degaanada ay Soomaalidu ku badan yihiin ayaa noqday wadada ururka Al-Shabaab u soo maro falalka ay ka geysanayaan wadanka Kenya.
Ciidamada Booliska wadanka Kenya uma babac dhigi karaan dhallinyarada Super Power oo ah nolol iyo geeri ay isku mid u tahay, waxayna howlgaladooda yihiin kuwo dhibaatooyin miiran ah oo ujeedadoodu tahay inay helaan dhaqaale meeshii ay ka helaanba.
Kooxahaan dhallinyarada ah ee dhibaatooyinka ka wada xaafadda Islii oo ah dhallinyaro Soomaali ah, waxay saldhigyo iyo fariisimo ku leeyihiin degaanada ay Soomaalidu degto, hase yeeshee dadka xog-ogaalka u ah dhacdooyinka ka dhacaya xaafadda Islii ayaa ka welwelsan xaaladda kooxaha dhallinyarada Super Power la baxay oo iminka qarka u saaran inay af xayaas ku dhacaan mar haddii kooxo argagixiso caalamku doondoonayo uu dhaqaale ka soo galo.
Sarkaal u hadlay hay’adda la dagaalanka kooxaha argagixisada ah oo ka tirsan Dowladda Kenya ayaa mar uu ka hadlayay xaaladda xaafadda Islii waxa uu sheegay in dhallinyarada Soomaalida ah ee iyagu la baxay “Super Power” ay ka war hayaan, isagoo sheegay in kooxahaasi ay la shaqeeyaan qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida iyo urur kale oo ka jira wadanka Kenya, kuwaasi oo xiriir la leh madax ka tirsan Dowladda Kenya.
Ugu dambeyntii ammaanka degaanada ay Soomaalidu ka degan tahay wadanka waxaa iminka soo weajahay xaaladii ugu darneyd oo la xariira dhinacyada ammaanka iyo joogitaanka wadanka Kenya, iyadoo hay’adaha ammaanka wadankaasi iyo shacabka Keenyaatiga ah ay iminka qarka u saaran yihiin inay Soomaalida ku sameeyaan midab kala sooc iyo takoor dhinaca jinsiga ah, taasi oo suuragal ay tahay inay dhici karto haddii aanay labada dowladood iska kaashan sidii looga hortegi lahaa kooxaha dhibaatooyinka ka wada labada wadan.
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

Daawo Sawirada:Shirkada Gawaarida Volvo oo soo saaraysa baabuur casri ah oo shilalka ka hortagaya

$
0
0

Shirkada gawaarida farsameysa ee Volvo ee fadhigeedu yahay wadanka Sweden hase yeeshee mulkiyadeeda Shiinuhu la wareegay ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay soo bandhigayso baabuur cajiib ah oo ah loogu tala galay in uu yareeyo khasaaraha dhimashada & dhaawac ee ay sababaan shilalka gawaarida.
Shirkadu waxay sheegtey in gaarigan uu leeyahay qalab casri ah oo suurtagal ka dhigaya in uu ka hortago waxyaabo badan oo sababa shilalka gawaarida sida in uu socdo hadii qofka darawalka ah (shufeerka) uu hordoodo, in uu diido hadii si qalad ah loo kaxeeyo iyo in uu bixiyo digniin marka ay u soo dhawaadaan baabuur, dad ama waxyaabo kale oo uu ku dhici rabo.
War laga soo xigtey Volvo waxay ku sheegeen in gaarigan uu suuqyada dunida soo gali doono sanadka 2020-ka, iyadoo mudadaasi ka hor lagu soo bandhigi doono suuqyada gawaariada ee shirkadaasi.
Anders Eugensson oo ah masuul ka tirsan shirkada Volvo wuxuu ku macneeyey hindisaha gaarigan in lagu yareeyo dhimashada & dhaawaca ka yimaada shilalka gawaariada, waxaana uu ku tilmaamay in gaarigan loo aqoonsan doono “Dhimasho La’aan” waa sida hadalka uu u dhigaye, waxaana uu xusey in suuqyada bandhiga gawaariada (Show Room) ee shirkada lagu soo bandhigi doono gawaaridan sanadka 2014-ka, balse si rasmi ah loo beecin doono 8 sano ka dib.’

Shirkada Volvo oo ay haatan la wareegtey shirkada Geely Group ee Shiinaha laga leeyahay waxay ku sheegeen gaarin shilalka ka dheer in uu xitaa uu leeyahay xakameyn magaalooyinka dhexdooda uu ku soconayo 31 mph (Mile per hour)
Qorshaha soo saarista gawaaridan waxay qayb ka tahay tartan ka dhex aloosan shirkadaha gawaariada farsameeya sida Volvo, Ford, Mercedes-Benz, BMW, Vauxhall & waliba shirkada Google ee Internet-ka kuwaasi oo ku tartamaya soo saarista baaburta Is-wadda kaligood oo darawalka iyo rakaabka kale ay isku mid yihiin.

Shirkada Volvo oo 85 sano jir ah gawaaridan casriga ah ee ay soo wado waxay leeyihiin faa’idooyin kala duwan waxaana ka mid ah qalabka ku xiran.
Ka hortaga in gaarigu qof ku dhaco ama uu Jiiro
Gaariga waxaa ku xiran qalab loogu magac darey (Pedestrian Detection) oo loola jeedo in uu muujiyo in gaarigu ku dhaw yahay qof wadada ku dhaw ama soo galey, waxaana qalabka uu suurtagal ka dhigayaa in shilkaasi ka hor in gaarigu si automatic ah isku xanibo ama u istaago (break).
Ka hortaga Xayawaanka:
Sidoo kale gaarigan wuxuu leeyahay qalab lagu magacaabo (Animal Detection) oo digniin ka bixinaya hadii jidka gaarigu ku socdo uu ku soo dhaw yahay xayawaan sida Deero, iyadoo hadii shil arinkaasi ku aadan uu gaarigu ku dhaw yahay uu baabuurku is istaajinayo.
Masaafada baabuurku u jiro kuwa kale:
Gaarigan waxaa ku rakiban qalab raadar ah oo lagu magacaabo (Adaptive Crouse Control) kaasioo loogu tala galay in uu muujiyo gawaarida ka horeysa ama ka dambeysa inta gaarigan u jiraan, isagoo isla markiiba isku hagaajinaya (adjust) xawaaraha uu jiro gaariga ka horeeya ee loogu tala galay in masaafo ahaan ay isku jiraan.
Ka hortaga in uu gaarigu shil galo ama ku dhaco gaari kale:
Gaarigan ay soo wado shirkada Volvo wuxuu leeyahay qalab kale oo lagu magacaabo (Collision Avoidance) kaasi oo ah qalab gaarigu isla markiiba iskiis isku joojinyo ama ku qabsanayo break, hadii uu dareemo in uu shil gali rabo ama gaari kale ku dhici doono.
Waxyaaba kale oo uu leeyahay gaarigan
A: Caamiro afka hor ee baabuurka ku xiran oo u suurtagalinaysa darawalka in uu arko geesaha laamiga, ama marka uu soo gaaro wax uu gaari ku dhici karo oo aanu si caadi ah u arki Karin darawalku.2: Qalab Sensor ah ama dareen leh oo baabuurka digniin ka bixinaya in uu ku dhaw yahay wax uu ku dhici rabo sida dad, baabuur kale ama gidaar.
B: Qalab kale oo Sensor ah oo sheegaya ama digniin ka bixinaya gawaarida ku soo dhaw ee kula socota jidka, isla markaana qalabkan wuxuu gaariga ku xadidayaa xawaaraha loogu tala galay jidka uu ku socdo.
C: In iskiis u galo halka gawaarida la dhigo (Parking), qalab ka hortagaya in gaarigu ka baxo halka loogu tala galay in uu gaarigu la dhigo ama in uu ka baxo jidka.
D:Wuxuu leeyahay gaarigan qalab loogu tala galay in uu iskiis isku wado, iyadoo qofka gaariga darawalka ka ah uu iska galayo in uu journal iska aqristo, in uu lap top isticmaaloam in uu cunto iska cuno, gaariga oo ku socda wadooyinka waa weyn qaarkood.
Heshiiskii la magac baxay Vienna Convention ee dawladaha aduunka iyo shirkadaha gawaarida farsameeya ayaa cadeynaya in dhamaan xanibaada laga qaado caqabadaha ku hor gudban in la soo saaro baabuur si buuxda ugu shaqeysa automatic.
Vienna Convention wuxuu dhabaha u xaaraya in meesha laga saaro mucaahadada la isku raacsan yahay ee dunida ah ee in Darawalku (Shufeerku) masuul ka yahay dhamaan maamulka gaariga mar kasta.
Mowliid Xaaji Cabdi

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live