Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo Sawirada:Madaxda Dawlada oo Kulan La Yeeshay Ururada Bulshada Rayidka Kana Hadlay Joojintii Shirkii Xuquuqda Aadanaha

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa galabta kulan xarunta madaxtooyada kula yeeshay ururada bulshada rayidka ee ka hawlgala dalka.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka Muxyidiin Maxamed Kaalmooy iyo xubno kale oo ka tirsan dawlada qeybaheeda kala duwan.

Ujeedada kulankan ayaa lagu micneeyay sidii wadatashi ay u yeelan lahaayeen madaxda dawlada iyo ururada bulshada rayidka gaar ahaan doodii ka dhalatay kulan ku saabsanaa Xuquuqda Aadanaha Soonaaliya oo ay dawladu joojisay maalinimadii Sabtii ee 08/12/2012 kaasoo Dwoalda war ay soo saartay ay kusheegtay ın shırkaası ka walaacsantahe.


Dhanka bulshada rayidka waxaa kulankan ka soo qeybgalay dalladaha bulshada rayidka sida ururada haweenka, dhalinyarada iyo kuwa nabadda u ololeeya oo qeyb ka ahaa ururada wax ka qabanqaabiyey kulankii ay dawladu joojisay maalinimadii Sabtida kaasoo ururada bulshada rayidku ay aad uga xumaadeen.

 

Intii kulankan uu socdayayaa waxaa dawlada madaxdeeda ay cadeeyeen inay rabaan inay talooyin ka qaataan bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii dalka horumarkiisa ka qeybqaadanaya.
Waxaana ugu dambeyntii ururada bulshada rayidka iyo dawladu isku fahmeen in horey loo wado badbaadinta dadka Soomaaliyeed lana helo wada shaqeyn u dhexeysa bulshada rayidka iyo dawlada.


Dhanka kale kulankan ayaa waxaa uu dhacayaa iyadoo maalinimada Isniinta ee 10-ka Disembar oo berito ku beegan magaalada Muqdisho lagu qaban doono munaasabada caalamiga ee maalinta Difaaca Xuquuqda Aadanaha oo caalamka oo dhan ka dhacaysa.  Waxaana lagu wadaa in munaasabadaasi ay ka wada qeybgalaan Ururada Bulshada Qaramada Mıdoobe . mıdowga Yurub iyo masuuliyiin ka socota dawlada Soomaaliya.

 

 

 


Baaq Ay odoyaasha beelaha Awdal ay ka soo saareen Codka ka soo yeedhay galbeedka Somliland ciisaha

Dhacdo Yaab Badan: Nin Mobil uu ka Goostay Miino ku Muteestay Xabsi.

$
0
0

Miino nooca la hago ah oo la dhigey dhowaan agagaarka xeebta Liido ayaa la fashiliyay, iyadoo qof sheegay in uu ka furtey Mobile ku xirnaa, ka hor intaan la fashilin miinadana la xiray.
Ninkani ayaa noqdey qofkii ugu horeeyay ee arka miinadan xilli subaxnimo hore ah, waxaana ku xirnaa oo la dul saaray labo mobile, oo mid ka mid ah uu ahaa noocyada Smart-iga ah. Isagoo aan ogeyn waxa ay yihiin alaabtan la dul saaray mobeylada ayuu ka qaatey mid ka mid ah mobile=dii, kuma qarxin ilaah Amarkiis. Wuuna iska tagay.
Dad ka mid ah dadka xaafada oo ninkani laf ahaantiisa ka mid ahaa ayaa u tagay ciidamada booliiska oo ay ku wargeliyeen in ay arkeen miino, ciidamada markii goobta ay soo gaareen oo ay arkeen xajmigeeda, ayay dadka ku amreen in ay goobta ka fogaadaan, dhamaan agagaarka ayayna xireen si ay u fashiliyaan.
Laakiin ninkii Mobile-ka ka furtay oo ka war helay in meeshii uu mobeylka ka qaatay ay ahayd Miino culus ayuu yaabay, waxaana ka soo baxsatay, “Anigaa saakay Mobeyl ka furtay….”.
Hadalkaas ayaa sababay in la xiro ninka, ciidamadana ay wataan.

Madaxweyne Mahama ayaa guuleystay

$
0
0

Guddiga doorashada dalka Ghana ayaa sheegay in Madaxweynaha hadda talada haya ee John Mahama, uu ku guuleystay wareegga koowaad ee doorashada madaxtinimada, laakiin xisbiga mucaaradka ee ugu weyn ayaa dood ka qaba natiijada.

Mucaaradka Masar oo Ku Baaqay Dibad-baxyo waaweyn

$
0
0

Mucaaradka dalka Masar ayaa ku baaqay dibad baxyo waaweyn, iyadoo shan maalmood ay ka harsantay, afti u qaadista dastuurka dalkaasi

Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaan Yuusuf Xasan oo kasoo Reeyneysa (SAWIRRO)

$
0
0

 

 
 
 
 
 
Waxaa soo hagaageysa xaaladda caafimaad ee xildhibaan Yuusuf Xasan oo uu dhawaan dhaawac kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay afaafka hore ee masjidka Al-hidaya oo ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Xildhibaanka oo ay maanta saxaafadda ku booqatay isbitalka Aga-khan ayaa ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad, wuxuuna xildhibaanku sheegay in dhaawacyo ay kasoo gaareen labada lugood iyo gacmaha, imikana laga daweynayo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in inta isbitalka uu ku jiro ay sii socon doonaan howlihii uu degmada ka hayay, isagoona xusay in uu dhisay guddi sii wada howlahaasi.
“Qaraxu wuxuu igaga dhacay labada lugood iyo gacanta, saan isbitalka u imid waa layga daweeyay waana fiicanahay, nasiib wanaag ma jiro dhaawac iga soo gaaray xagga dusha ama madaxa, imika waa lafo jabay waana la kabayaa, waxaana rajeynayaa sida ugu dhaqsaha badan inaan isbitalka uga soo baxo,”  ayuu xildhibaanku yiri.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii xildhibaan Yuusuf Xasan uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xaafadda Islii, waxa isbitalka ku qulqulayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadda Islii, kuwaa oo aad uga xumaaday dhibaatada soo gaartay xildhibaanka.
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa wax weyn ka qabtay degmada laga soo doortay ee Kamakunji, waxaana mudadii uu xilka hayay uu isbadal ku sameeyay dhinacyada, ammaanka, dhismaha wadooyinka iyo weliba nadaafadda xaafadda, oo inta aan la dooran kahor ahayd mid aad u liidata.
Xildhibaan yuusuf Xasan oo baaq u jeedinayay shacabka ku dhaqan xaafadda Islii ayaa yiri “Anigu dadka waxaan oran lahaa heegan ahaada, qofaan sharciga jabin amase aan danbi geysan askartu wax ma yeeleyso, aniguna waxaan ku rajo weynahay ilaahay inuu ii gargaaro, dhawaanna isbitalka kasoo baxo, howlihii aan u hayay iyo kuwo ka badanna aan usii qabto.”

Masuulkani ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlihii ka socday xaafadda, wuxuuna xusay in uu u sharaxanyahay kursiga marka la gaaro xilliga doorashada.
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ku dhaawacmay qarax 7-dii bishan aynu ku jirno lagula eegtay afaafka hore ee masaajid u kusoo tukaday salaadda cishaha, xilli uu halkaasi kula hadlayay dadweeyne fara badan oo goobta ku sugnaa, waxaana qaraxaasi uu sababay dhimashada lix qof iyo dhaawaca in ka badan 20 qof.
source-Hol
 

Aasiya oo ka awood badan doonta US iyo Yurub

$
0
0

Hey'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa saadaaliyay in labaatan sano hadda kadib qaaradda Aasiya ay yeelan doontaa awood ka badan tan Mareykanka iyo Yurub oo la isku daray.

Madaxweynaha Puntland oo furay mashruuc lagu dhisayo Runway-ga garoonka diyaaradaha ee Boosaaso (SAWIRRO)

$
0
0


 
 
 
 
 
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu daah furayey mashruuc lagu ballarinayo garoonka magaalada Boosaaso oo ah kan ugu weyn deegaanada Puntland.
 
Waxaana kasoo qayb galay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaa sidoo kale joogey xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Ganacsatada, waxgaradka iyo haweenka.
 
Madaxweynaha oo isagu ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu dhismaha Airport-ka Boosaaso soo maray iyo waxyaabaha ka dhiman, wuxuuna sheegay in garoonka horay loo qorsheeyey in loo sameeyo dhabaha ay diyaaradaha waaweynka ahi kusoo degaan (Runway), haseyeeshee ay suurtagal noqon weydey, kadib markii loo bilaabay qaab aan sax ahayn.
 
Dr. Faroole ayaa ugu danbeyntii sheegay in garoonka loo hayo lacag gaareysa 3.6 Milyan oo Yuuro, lacagtaas oo ay ku deeqday dowladda Talyaanigu, islamarkaana loo adeegsan doono sidii Runway-ga garoonka Boosaaso loogu dhisi lahaa.
 
Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayuu ugu baaqay inay gacan ka geystaan mashruucan, mar uu taas ka hadlayeyna wuxuu yiri: “wax aynaan waxba ku darin cidi inoo sameyn mayso, kulli waa inaynu wax ku darnaa, aduunyadi waa is bedeshey maanta, wax aadan qayb ka qaadan cidi kuu sameyn mayso”.
 
Gossipy oo isagu ka socdey dowladda Talyaaniga ayaa intaas kadib hadalka qaatay, wuxuuna ugu horeyn sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa magaalada Boosaaso, isagoo intaas raaciyey in mashruucani uusan sidii loogu tala galay u hirgeli doonin, hadii la waayo taageerada bulshada.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Siciid Xuseen Ciid oo isna ku hadlayey magaca ganacsatada ayaa ugu danbeyntii sheegay in ganacsatu ay diyaar u yihiin in ay si kal iyo laab ah uga qayb qaataan dhismaha Airport-ka, maadaama uu ganacsigoodu u baahan yahay garoon weyn oo caalami ah.
 
Airportka magaalada Boosaaso oo isagu ah kan ugu weyn deegaanada Puntland, ayaan ah mid aysan diyaaradaha waaweyn ee xamuulku soo caga dhigan karin, waxaana haddii Runway loo sameeyo uu noqon doonaa mid qayb weyn ka qaata koboca dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan dalka.

Source-Hol
 
 


Kastamka Cashuuraha Gobalka Awdal Ee Borama Oo Dhisme Cusub Oo Loo Dhisay Xadhiga Laga Jaray

Daawo Sawiro Qurux Badan & Boqashadii Wasiirka Gaashandhiga Magaalada Jowhar. “SAWIRO”

$
0
0

Waxaa maalintii shalay Booqasho ku tagay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabelada Dhexe Wasiirka Gaashaandhiga Abdihakiin Xaaji Mahamuud Fiqi Iyo Wafdi uu hogaaminayay.
Booqashada Wasiirka Gaashaandhiga ayaa timid kadib Qabashada Maalin kadib Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabelada Dhexe oo ay la wareegeyn gacan ku heyntooda Ciidmaada Huwanta oo is garabsanaya.
Hadaba Muuqaal ahaan daawo Sawiro laga soo qaaday Booqashadii Wasiirka ee Magaalada Jowhar.

Wax Badan oo aadan Ogeeyn ka Ogoow Amaanka Jowhar. “XOG”

$
0
0

Wariye Madax Banaan oo lagu magacaabo Ali Daacad oo aan la xiriirnay ayaa inooga sheekeeyay Amaanka Magaalada Xarunta u ah Gobolka Shabelada Dhexe ee Jowhar in amaankeeda uu yahay mid xili kasta laga baqayo dagaal gaadma ah iyo qaraxyo dhaca.
Wariye Ali Daacad waxuu inoo sheegay in Magaalada Jowhar weli aysan si toos ah Shabaabka uga Bixin asagoo inoo sheegay in ay Shaatiga badasheeyn oo ay dadka dhinac uga jiraan waxuu yiri Wariye Ali Daacad oo ka hadlayay Arintani.
“Shalay Maleeshiyada Alshabaab indhaha ayaa u xirnaa maantana dhinacooda ayeey dadka kaga jiraan yaa ka garan karo Magaalada waa meel cabsi xoogan ay ka jirto taasna waxaa kugu cad Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom Qoryahooda Amaanka ayaa uwada furan feejignaan xoogan ayeey ku jiraan”
“Shalay Booqashada Wasiirka waxaa ka war helay in la fashiliyay Qarax lala dhamacsanaa oo ahaa is miidaamin balse Saxaafada ma aysan Ogaan oo waa mid aan si hoose ku ogaaday” ayuu inoo sheegay Wariye Ali Daacad.
Dhanka kale Wariyahaan madaxa banaan waxuu kaloo inoo sheegay in Magaalada Jowhar ay weli si toos ah Ciidmada dowlada howl galo aysan uga sameyn ayagoo weli ku sugan badi Koofurta magaalada welina uma gudbin dhanka beriga magaalada oo baqdin ay ka qabaan.
Isku soo wada duub gacan ku heynta Magaalada Jowhar waxaa haatan gacanta ku haya ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom walina howl galo dhanka amaanka ah magaaalada lagama sameyn tan iyo markii maalintii Sabtida ay Shabaabka ay kala wareegeyn Ciidamada Huwanta.

Raiisul Wasaarihii Mali ayaa is casilay

$
0
0

Raiisul Wasaarihii, dalka Mali, Cheikh Modibo Diarra, ayaa is casilay. Waxa uu is casilaadda uga dhawaaqay telefishinka dowladda saacado kadib markii ciidankii afganbiga sameeyay ay gurigiisa ka xireen.

Howlgallo ka socda Magaalada Jowhar

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexde ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi Howlgallo ay kawadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya .
Howlagallada ayaa saakay Waaberigii Ciidamada dowladda waxa ay ka billaabeen xaafadaha  Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe
Mid kamida dadka Kunool Magaaladaasi oo lahdlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in saakay degmadaasi uu ka socdo Howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaaladaasi Jowhar
Sidoo kale Goob joogaha ayaa waxa uu tilmaamay in Howlgalladaasi aysan jirin cid illaa iyo haatan lagu soo qabtay .
Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa dhawaan waxaa lawareegay gacan ku heynteeda Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM Magaaladaasi oo in muddo ah ay maamulayeen Ururka Al Shabaab

Kenya oo adkeysay ammaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay tilmaamayaan in ciidamada dowladda Kenya ay si’aad ah u adkeeyeen ammaanka xuduudaha udhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidamada dowladda Kenya ayaa waxa ay isku fidiyeen dhammaan xuduudaha ay laleeyihiin Soomaaliya gaar ahaan inta udhexeysa Liboya Kenya iyo Liboya Soomaaliya si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa dadka isaga kala gudbaya Xuduudahaasi.
sida uu shabelle usheegay mid ka mida dadka kusugan Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose waxaa ay arintaasi Soomeyn kuyeelatay Soomaali badan oo qaarkood doonayay in ay ugudbaan dalkaasi Kenya
Arrintaan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli dhawaanahani Qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo khasaara geestay ay kadhacayeen Magaalada Nairobi iyo W/bari dalkaasi Kenya

Top News: Maxaa Xalay ka dhacay Madaxtooyada oo aadan Ogeyn…

$
0
0

Habeenkii xalay ahaa waxaa Kulan aan la ogeyn waxa looga hadlay ku dhex maray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia Ra’isul Wasaare Saacid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Proff Jawaari, Wasiirka Arimaha Dibada Dr Fowsiyo iyo Xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha oo kulan casho ah ku wada qaatay Aqalka dalka looga taliyo ee Villa Somalia.
Cashadaan oo uu sameeyay Ra’isul Wasaare Saacid ayaa ula jeedkeeda waxaa si hoose inoogu sheegay Sarkaal ka tirsan Warfaafinta Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo ka gaabsaday magaciisa in aan sheegno ayaa yiri mar uu ka hadlayay kulankii xalay.
“Waa run kulanka xalay ee cashada wuu ka dhacay Madaxtooyo waxaana sameeyay cashadaasi Ra’isul Wasaare Saacid waxuuna ahaa mid Gudoomiyaha Baarlamaanka laga la hadlaya Arinta Wasiirada looga yeeray Baarlamaanka in dib loo dhigo ilaa sanadka cusub bisha labaad hadii ay taasi macquul tahay”
“Laakiin ma xaqiijin karo waxu uu codsigaasi ka yiri Proff Jawaari Inkastoo laga deyrinaayay Warkaas sababo in Proff Jawaari uu yahay nin go’aankiisa uu adag yahay anan ku deg degin go’aan qaadashada” ayuu si hoose inoogu sheegay mas’uulkaasi diiday magaciisa in la sheego.
Si kastaba ha ahaatee Hadalkani ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay aheyd in Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ay hor imaan waayeen Xubnaha Baarlamaanka oo sugayay si ay uga jawaabaan su’aalo baqdin gelisay Xukuumada Cusub ee 10 wasiir ee uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Saacid oo aan weli kasban kalsooniga Barlamaanka tan iyo markii la ansaxiyay oo ay si dabacsan ay ku shaqo biloowday.


General Dhaga Badan oo markale caawa ka badbaaday qarax lala eegtay

$
0
0

General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaa wuxuu caawa ka badbaaday weerar qarax oo lagu doonaayay in lagu qaarajiyo, inkastoo ay tiisu wax ka dhineed.
Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan) iyo Saraakiil kale oo ku sugnaa Xaruuntii Dalxiiska ee Magaalada Jowhar, ayaa waxaa caawa lala eegtay qarax bambaano.
Niman dhalinyaro ah ayaa waxaa la sheegay inay bambadaan ku soo korooseen goobtii uu ku sugnaa General Dhaga Badan, iyadoo uu ujeedkoodu ahaa inay wax yeelo ugu geystaan.
Hase ahaa General Dhaga Badan ayaan wax khasaaro ah ka soo gaarin qaraxaasi, isla-markaana Ciidamada Dowladda ayaa waxay fureyn rasaas xoogan.
Balse Ciidamada Dowladda uma suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kuwii qaraxaan ka dambeeyay, oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, oo laba cisho kahor lagala wareegay gacan ku heynta Magaalada Jowhar.
Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), ayaan weli ka hadlin qaraxaan oo sameeyay sawaxan xoogan, waxayna dadka qaarkood u heysteen qarax miino in uu yahay.

Fanaaniin ay kamidyihiin King Khalid iyo C/xakiin Fara yare oo Xamar ka degay.

$
0
0

Khaalid Shariif Ahmed oo loo yaqaano King Khalid iyo labada fanaan ee kala ah C/xakiin Fara yare iyo Xasan Cujeyri Cajame ayaa saakay ka degan magaalada Muqdisho, waxaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka Adan Cade.
Fanaaniintaan ayaa marti qaad ka helay sida la sheegay Hey’adda wada hadalka Bulshada ee CCD, waxaana loo sameeyay soo dhaweyn aad u heersareysa.
King Khalin oo weriyeyaasha kula hadlay qolka nasashada ayaa ka dhawaajiyay in 20-sano wax ka badan uu ka maqnaa Muqdisho, isagoo dhinaca kale tilmaamay inuu ku faraxsanyahay imaashiyaha Muqdisho.
Khalid ayaa wax aan la iloobi karin ku sheegay qaabka loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna balan qaaday inuu soo bandhigi doono heesihii uu caanka ku ahaa.

“Wakhtigan Suurto Gal Maaha In Mudaharaad Lagu Baaqo, Taageerayaasha Xaqsoor-Na Waxaan Leeyahay….” Xasan Ciise

$
0
0

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac,  ayaa iska fogeeyey inuu ku baaqay Mudaharaad ka dhan ah Natiijaddii hordhaca ahayd  Doorashaddoo Goleyaasha Deegaanka Somaliland.
Xasan Ciise Jaamac waxa uu sheegay in aanay wakhtigan Suurto gal ahayn in ay la dhigo Banaan-baxyo salmi ah.
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo  arimahaasi ka hadlaya waxa yidhi “Waxa aan doonayaa in aad shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay caalamka ka joogaan iga gaadhsiiso in aanan ku baaqin mudaharaad, waxaanan leeyahay wakhtigan Suurtogal maaha in mudaharaad lagu baaqo, afkaygana kama soo bixin.”
Guddoomiyaha Xaqsoor oo Hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Kii hore (Mudaharaadkii Hargeysa Ka dhacay) ayaa dhaawaciisii iyo dhimashadiisii ay jiraan, markaa wxa aan leeyahay Taageereyaasha Urur siyaasadeedka Xaqsoor wax mudaharaad ah ha samaynina”
 Hargeysa Somaliland

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Iyo Ka Komishanka Doorashooyinka Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yeeshay

$
0
0

Guddoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), Iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan Ayaa Shalay Shir Albaabadu U Xidhan Yahay Oon Saxaafadda Loo Ogolayn Ku Yeeshay Xarunta Golaha Guurtida Somaliland,
Shirkan Albaabadu u xidhnaa ee ay labada Guddoomiye yeesheen ayaan wax xog ah oo dheeraada Saxaafadda loo sheegin iyado markii ay kulanka ka soo baxeen Gudoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Koomishanka Somaliland ay Saxaafadu isku dayday inay wax ka waydiiso waxa ay ka wada hadleen labadada dhinac, saxaada oo isku dayday inay wax ka waydiiso Guddoomiyaha Koomishanka Somaliland  Cali Xamari ayaa ka gaabsaday inuu la hadlo Saxaafadda,
dhinaca kale  Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal kooban oo saxaada uu daaqada gaadhigiisa uga kula hadlay waxa uu yidhi “Saw Guddigii Doorashooyinka kamay wareegin oo Maxkamadaha umay wareegin aynu sugno, anigu rebshad taagan ma arko ee illaahay hayna gargaaro”
si kastaba ha ahaate waxa si wayn loo sugaya dad waynaha reer somaliland-na u dhegtaagayaan xiliga lagu dhawaaqidoono natiijada kama dambaysta ah ee laga sugayo koomidhanka doorashooyinka oo dhawaan u gudbiyay maxkamada sare ee dalka hase yeeshe hada ay maxkamadu dib ugu soo celisay koomishanka doorashooyinka somaliland,

 Hargeysa Somaliland

Faah Faahin Qarax Caawa Ruxay Magaalada Jowhar & Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qaraxa.

$
0
0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo caawa ka dhacay Magaalada Jowhar oo Xarun u ah Gobolka Shabelada dhexe oo Maalintii Sabtida ee la soo dhaafay ay la wareegeyn Gacan ku heynta Magaaladaasi Ciidamada Dowalda iyo kuwa Amisom oo is garab sanaya.
Qaraxa oo ah nuuca dhulka lagu aaso ee laga hago ramuud contarool ayaa markii ugu horeeysay lala bartilmaameed saday Ciidamda Dowlada oo mudo 4 maalmood kaliyah gacanta ku haya Magaalada Jowhar.
Goob jooge ka gaabsaday Magaciisa oo ka dhawaa Halka uu qaraxa ka dhacay oo ah Dhanka Buundada ayaa Shabakada Balcad.com oo aan la xiriirnay waxuuna inoo sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xoogan…
“Qaraxa waxuu ahaa sida aan filaayo Miino kuwa dhulka lagu aaso oo ah nuuca ramuud kontorolka laga hago waxuuna ahaa Qarax xoogan oo aan weli nuuciisa laga maqal Magaalada Jowhar”
“Walaahi ma sheegi karo Qasaaraha waxuu ahaa Qarax xili habeen ah dhacay balse Goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaa haatan isku gadaamay oo baaritaan ka wada Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amsiom”
Si kastaba ha ahaatee ma cada Qaraxa cid wax ku noqotay waana xili habeen ah oo aan la sheegi karin qasaaraha dhabta ah ee Qaraxa uu sameeyay…
Waxii Faah Faahin ah kala soco Wararkeena Dambe…

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live




Latest Images