Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Wasaaradda Duulista Puntland Oo Xilkii La Wareegay Iyo Munaasibad Looqabtay Xil Wareejintaasi

$
0
0


 
 
 
 
 
 
Wasiir ku xigeenka wasaaradda duulista hawada & garoomada Puntland ahna ku simihii hore ee wasiirka C/qani  geelle maxmaed ayaa maanta si’ buuxda xilkii ugu wareejiyay Xuseen Xasan Cabdi (narax) oo ah wasiirka cusub ee dhawaan madaxweynuhu u soo magacaabay xilkaasi.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarun wasaaradda duulista hawada & garoomada puntland ee magaalada garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradaha amniga,duurjoogta,wasiiru dowlayaal & agaasimayaal waxaa ugu horreyn ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda duulista C/qani geelle maxmaed oo muddo saddex bilooda ahaa ku simaha wasiirka isla wasaaraddaasi,isagoo ka war bxiyay shaqadii uu qabtay intuu xilka hayay & hawlaha qabyada u ah ee iminka hor yaal wasiirka xilka kala wareegaya,
Xuseen Xasan Cabdi oo ah Wasiirka Cusub ee wasaaradda duulista hawada & garoomada Puntland ayaa isna u hambal yeeyay ku xigeenkiisa & xubnihii kala shaqeeyay taabbagelinta hawlaha wasaaradda & dedaalkii uu muujiyay intii uu xilka hayay isagoo ka codsaday ineyan keligii ku dhowran hawsha adag ee hortaalla,
 bishii September  ee sanadkan ayay ahayd markii uu wasir ku xigeen geelle xilka si’ ku meel gaar ah kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Cali gamuute .


Kibaki honours soldiers for role in war on Al-Shabaab

$
0
0

Lt Col Jeff Nyaga narrates experiences on the warfront in Somalia during the KDF Day at Nanyuki Garrison on October 14. He is one of the officers honoured by President Kibaki. Photo /FILE NATION MEDIA GROUP
President Kibaki has honoured Kenyan soldiers for their role in the war against Al-Shabaab in Somalia.
 
Also honoured are pilots and crews of a helicopter and aeroplane that crashed outside the war zone while on missions to support Kenya Defence Force operations.
The President also honoured commanders and officers currently on a mission to stabilise Somalia after taking over the port city of Kismayu.
Those currently serving in Operation Linda Nchi who were feted include Col Cyrus Oguna, who has become the face of the army in Somalia through his briefings, and Maj Carolyne Mutisya.
Order of the Burning Spear
Col Oguna, Col Daniel Bartonjo, Col George Ng’ang’a and Col Charles Kahariri have been feted with the Moran of the Order of the Burning Spear Third Class.
Col Bartonjo is the deputy sector commander for Kenyan forces in Somalia, Col Oguna is the KDF officer in charge of information, while Col Dr Ng’ang’a, a surgeon, has operated on most of the casualties flown home from the battlefield.
Col Kahariri has been in charge of maritime forces in the Somali operation.
The Order of the Grand Warrior of Kenya was awarded to Lt Col Seif Rashid, Lt Col Jeff Nyaga, Col Mohamed Hassan, Lt Col Daniel Rorogu, Lt Col Fredrick Lokia, Lt Col Kipngetich, Major Paul Koech, Major Alfred Olenawankas, Major Joel Maiyo, Major Mutisya, Lt Col Chrispin Ongadi and Lt Col John Omenda.
Lt Col Rashid was instrumental in the first days of Operation Linda Nchi. He led the forces in the capture of Ras Kamboni and Kolbio towns.
Lt Col Nyaga led soldiers in liberating Afmadow.
The Silver Star of Kenya was awarded posthumously to some of the troops who died defending Kenya.
Those awarded posthumously include Lt Evans Kipkorir, Lt Edward Okoyo, Lt Anaminyi Webi, Lt Marti Miheso and Privates Ephraim Gachoki, George Mutua, Isaac Tengerei, Raymond Sang, Willie Gitau and Onesmus Juma.
Lt Okoyo and Lt Webi were shot dead at a patrol base in Delbio on January 22. Lt Webi had graduated top of his class in leadership and command. Lt Miheso of the Kenya Air Force died in a plane crash in Lamu on September 1.
He emerged the second best officer cadet in leadership and command and winner of the Cane of Honour during the 2009 passout.
Most respected fighters
The Head of State’s Commendation medals were given to 46 KDF men, among them six officers.
They include Lt Anthony Maina, Maj Ismail Noor, Capt Abdi Galgalo, Capt Mulili Mulwa, Maj Emmanuel Kaliakamur, Maj George Makau and Lt Samson Bwana.
Maj Kaliakamur has been one of the most respected fighters in the battlefield where he was instrumental in the liberation of Dobley, Tabda and Beles Qoqani while Maj Makau is Kenya’s first priest to go to the battlefield.
The president also honoured civilians including DoD spokesman Bogita Ongeri and Kenya YearBook Editorial Board boss Denis Chebitwey with the OGW.

Dadweyne Taageersan Xidhibaanno la sheegay inay ku hareen doorashooyinka oo Mudaharaad ka dhigay Hargeysa

$
0
0

Mudaharaad balaadhan, ayaa ilaa maanta ka socday xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa, gaar ahaan waqooyiga magaaladda, kuwaas oo diidan kala bedel lagu sameeyey xildhibaanaddii soo baxay ee golaha deegaanka, kuwaas oo xildhibaankii ay taageerayeen oo soo baxay lagu bedelay xidhibaanno kale oo marki hore la sheegay inay hadheen.
Dadweynahan  mudaharaadayey ayaa gubayey taayiro, wadadana ku xidhayey dhagxaan, iyago kala xidhay wadooyinka qaar, waxaana goobaha mudaharaadku ka socday ka mid ah waddad Togdheer ee  badhtamaha magaaladda, xaafadaha xisbiga loo yaqaan iyo xaafadda boqol iyo kontonka, kuwaas ku dhawaaqayey in aanay ogolayn in xildhibaankoodii markii hore la sheegay inuu guulaystay in markale la reebo, isla markaana lagu bedelo xildhibaano markii hore la shaaciyey inuu hadhay.
Ciidanka Amaanka ayaa kala eryayey dadka, iyagoo rasaas aad u badan kor ugu ridayey, haseyeeshee marka uu ciidanku ka dhaqaaqo ayey dib iskugu soo urursanayeen oo ay u bilaabayeen inay wadooyinka xidhaan oo ay taayiro gubaan.
Ilaa hadda wax dhibaato ah lama sheegin, haseyeeshee, ilaa saddex wariye ayaa lagu xidhay mudaharaadkaasi ka dib markii ay isku dayeen inay wax ka duubtaan.
Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadkan oo ilaa imika ka socda xaafaddo ka tirsan magaaladda Hargeysa ayaa ka dhashay ka dib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranka ay mar labaad si rasmi ah u baahiyay natiijada doorashadii golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, iyagoo isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanaddii ay hore u sheegeen inay u soo baxeen golaha deegaanka Hargeysa, kuwaas oo laba hore usoo baxay la sheegay inay hadheen, halka labaddii musharax ee ka hooseeyeyna ay kor u soo baxeen, isla markaana xildhibaano rasmi ah ay noqdeen.
Komishanka doorashada, ayaa hore u sheegay inay maxkamadda gobalka Hargeysa u gudbiyeen natiijadii doorashada ee degmada Hargeysa, iyagoo sheegay inay hufid ku sameeyeen xogta goobaha cod bixineed ee degmada Faraweyne oo ay khalad ay ka heleen dib u saxeen. Laakiin maxkamadda ayaa dib ugu soo celisay komishanka si ay ugu dhawaaqaan wixii khalad ah ee ku jira, taasina waxay keentay in komishanku xalay sheego in isbedel ku yimid xildhibaanadii iyo dhibcihi ay kala heleen, waxaana dib u eegistaasi keentay in laba xildhibaan oo hore loo shaaciyey inay doorashada helaan ay dib u waayaan, isla markaana ay booskoodii soo galaan laba  musharax ee ku kala xigay labadan xildhibaan, Tusaale ahaan ururka Dalsan waxa ay hore guddiga doorashadu ugu dhawaaqeen inay golaha deegaanka Hargeysa u galeen Cabdcasiis Aadan Habane iyo Fu’aad Saxardiid Caabi, laakiin waxay maxkamadda u gudbiyeen inay golaha deegaanka u galeen Cabdicasiis Aadan Habane iyo Ilyaas Aw Xuseen Jaamac, waxaana meesha ka baxay Fu’aad Saxardiid Caabi, halka ururka Rays oo ay hore u sheegeen inuu golaha deegaanka u galay Khadar Xuseen Cali, ay hadda maxkamadda u gudbiyeen inuu golaha deegaanka Hargeysa galayo Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi.
Haseyeeshee, labadii xildhibaan ee hore loo sheegay inay heleen ayaan ku qancin isbedelka ku yimid, waxaanay taasi keentay in mudaharaad baladhan ka dhigaan goobo kala duwan oo ay kaga cabanayaan natiijadan dambe ee gudida doorashooyinka ku dhawaaqeen.
Sidoo kale, waxay codad badan ku waayey xisbiyadda kale, iyadoo xisbi walbna dhibco laga jaray, inkastoo aanay saamayn ku yeelan xildhibanadii u soo baxay, waxaana xisbiga KULMIYE dib u tirintaasi dambe ku waayey codad badan oo markii hore u qornaa, haseyeeshee waxba kama bedelin xildhibaanaddii usoo baxay, halka laba urur oo kaliya ay sababtay dib u eegistaasi inay xildhibaano ku waayaan, kuwii ka hooseeyeyna ka dhibco sareeyaan  kuwii hore usoo baxay.
Si kastaba ha ahaatee, waxay komishanku xalayba u gudbiyey natiijadan cusub maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo maxkamadduna dib u eegis ku samayn doonto, isla markaana ama meel marin Doonto ama dib u soo celin doonto.
Source-Hol

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Qorshe-Howleedka ay ku shaqeynayaan 2013 iyo 2014

$
0
0

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qorshe howleedka ay labada sano ee soo socota ku shaqeyn doonaan, iyadoo saddex mudane oo ka mid ah kuwii kulankaas soo xaadiray ay diideen qorshaha.
Qorshe-howleedkan ayaa waxaa soo diyaariyay guddoonka baarlamaanka iyadoo loo saaray guddi shan xubnood ka kooban oo dib eegis ku sameeya, iyadoo maanta laga dooday qoshaha ugu dambeynna la ansixiyay.
“Aad baan ugu faraxsanahay idin kuguna bogaadinayaa sida looga dooday qorshaha waana arrin dhiirri-gelinaysa in qorshayaasheenna ay noqdaan kuwo aan wadaagno oo aan innagu leennahay,” ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray: “Ujeedda loo sameeyay qorshahan waa inaan baarlamaanka loo yeerin wuxuu sameynayo, uuna baarlamaanku gaaro go’aannadiisa gaarka ah.”
Mudanayaashii fikirradooda ka dhiibtay qorshahan ayaa waxay soo jeediyeen in lagu sameeyo qodobbada qaarkood wax ka bedel, kuwaasoo ay sheegeen in dhadhanka wax ka bedelayaan, waxaana xubnaha
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu dambeyn mudanayaashii kulanka goobjoogga ka ahaa kulanka oo tiradoodu ahayd 152 ka dalbaday inay u codeeyaan qorshe howleedka uu baarlamaanku ku shaqeynayo.
“Kulanka waxaa soo xaadiray 152 mudane, waxaa ogolaatay qorshahan 149, saddex mudane way ka aamuseen, sidaa daraadeed qorshahan waa mid ansax ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay anaixiyay guddi-hoosaadyada baarlamaanka iyadoo ansixinta qodobbadan ay kusoo beegmayso xilli lagu wado in baarlamaanku uu galo fasax qaadanaya muddo laba bilood ah.
Source-Hol

Daladda Dal-harso Oo Kubaaqday In Maamulada Galmudug Iyo Puntland Ay Kahortagaan Xiisadda Kajirata Miyiga Gobalka Mudug

$
0
0


 
 
 
 
 
 
 
Dalad ay ku midoobeen ururada Dhalinyarada iyo Haweenka ee gobolka Mudug islamarkaana lagu magacaabo Dalharso ayaa waxa ay ka hadleen colaado ka bilowday gobalka mudug kuwaasi oo ay sheegeen in ay u dhexeeyaan dad reer miyi ah oo kasoo kala jeeda maamulada ka jira gobolka ee Puntland iyo Galmudug.
Kulan ay ka soo jeedinayeen baaqa ayaa maanta ay ku yeesheen xubnaha ku jira ururkan Magaalada Gaalkacyo  iyagoo sheegay xili ay saxaafada la hadlayeen in aan la joogina baahanyahay xalisooni iyo wada noolaansho dadka wada dagan gobalka mudug wada dagan
Waxay ugu baaqeen dhinacyada ay xurguftu u dhexeyso in ay joojiyaan colaada waxyaabaha iyo dhalinkara xiisadaha colaadeed isla markaana ay waxgaradku ay u’istaagaan wax ka qabashada saan saanta colaadeed ee ka dhaxmuuqta reer miyiga gobalka mudug
 
Xaliimo Jaamac Cilmi waa gudoomiyaha Daladan ay ku midoobeen Dhalinyarada iyo Haweenka waxaana dadka labada dhinac iyo masuuliyiinta maamulada ugu baaqday in ay qaadaan talaabo looga hortagayo colaada miyiga gobalka mudug kasoo cusboonaatay
 
Sikastaba ha ahaatee baaqa ka soo baxay daladan waxa uu ku soo aadayaa xili ay jiraan xiisado colaadeed oo soo kala dhexgalay dadka reer miyiga ah ee kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug iyadoo dhawaan meel aan sidaa uga fogayn gaalkacyo ay ka dheceen weerar ay geysteen malayshiyaad reer miyi ah oo kasoo jeeda maamulka galmudug
 

Kenya oo sheegtay in ay soo qab qabatay dad la rumeysanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii xalay

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Booliska Magaalada Nairobi ee Caasimada dalk Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhgeen 9-qof oo lagu tuhun sanyahay in ay ku luglahaayeen qaraxyadii bambaanooyinka nuuca  gacanta laga tuuro ahaa ee xalay ka dhacay Xaafada Soomalidu ay ku badnayihiin ee Islii.
Dadka la qabtay ayaa boolisku waxa ay sheegen in ay ku jireen 8-ruux oo u dhashay dalka Yemen iyo qof Soomaali ah oo la tilmaamay in uu waardiyaynayay dadkaasi.
Ciidamada booliska Nairobi ayaa sheegay in dadkan laga soo qabtay dhisme ku dhagan goobta uu qaraxu ka dhacay taasi oo sidoo kale dhawr mitir u jirta Masjidkii qaraxa lala eegtay Isbuuc ka hor.
Taliyaha Ciidanka booliska Magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa xaqiijiyay in 9-qof la xiray islamarkaana su’aalo la xiriira tuhunka laga qabo la weydiin doono.
Xafaada Islii ee katirsan Kamakuja ee Magaalada Nairobi ayaa maalmihii danbe waxaa ku soo kordhayay qarayda ka dhacaya kuwaasi oo waxyeelo xoogan u geysanayay dadka kunool halkaasi.

Macalimad badbaadisay caruutii ay macalinka u ahayd kadib markii ay nafteeda u hurtay

$
0
0

Victoria Soto oo macalimad ka aheeyd iskuulka Sandy Hook ee caruurta dalkaasi Maraeykanka lagu xasuuqay ayaa waxaa ay noqotay gabar caalamka dhan u noqotay tusaale halyeeynimo kadib markii ay badbaadisay ardaydii fasalkeeda dhiganeysay. Victoria oo ah 27 jir ayaan ka baxsan fasalkii ay baraha ka aheyd xiligii ay rasaasta ama toogashada uu iskuulka ka bilaabay [...]

Qodobo kuu sahlaya farxada qoyskaada soo aqri

$
0
0

Waxaa hubaal ah in qof walba oo inaga mid ah jecelyahay inuu helo Reer Faraxsan ku qanacsan Nolosha waxaase lama huraan ah in Dadaal la sameeyo si loo gaaro Guusha & Macaanida Nolosha. Hadaba waa kuwaanaqodobadii ee aqriso HA MURMIN BADAN : Muranka iyo Ereyga joogtada ah waxa uu qalbiga qofka ku abuuraa Niyad jab [...]


Ciidamada Dowladda Kenya oo gacanta ku dhigay Hogaamiyihii ugu sareeyay Al Shabaab ee dalka Kenya

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa waxay daboolka ka qaaday inay gacanta ku dhigtay Hogaamiyihii Xoogaga Shabaab ee dalka Kenya, kaasoo u dhashay dalkaasi Kenya. Ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya oo hawlgalo culus ka fuliyay Magaalada Mombasa, ayaa waxay gacanta ku dhigeen ilaa afar nin oo uu ku jiro Sarkaalkii ugu sareeyay dalka Kenya ee Al Shabaab Hamadi [...]

Wadaad xume yaa naga waabiya!‏

$
0
0

Geelleydu marka ay diriraan, ama Geelba la dhaco, ama dhib dhaco, dhimasho iyo dhaawacna ka dhasho, waxaa ku baxa ODOYAAL magacyo badan kala leh, hal xirfadse wadaaga, oo ah NABADEYN iyo XASILIN, XAAL iyo XUMAAN bixin ama qaadid ayeyna ku soo xiraan gulufkii dhacay iyo godobtii la gaystay. Waxaa is weydiintu tahay, ODAYA DHAQAMEEDKU ma [...]

Sarkaal Nabad sugida ka tirsan oo lagu dilay Muqdisho

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Sarkaalkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Aflow ayaa maanta Dabley Hubeysan  waxa ay ku dileen Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir Sarkaalkani ayaa ka tirsanaa Sida Idaacadda Shabelle ay u sheegeen dad Goob Joogayaal ah Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.
Goobta Dilka uu ka dhacay ayaa durbadiiba Waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ka billaabay halkaasi Howl gallo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay falkan dilka ah oo maanta loo geestay Sarkaalkaasi ka tirsanaa Hey’adda Nabad Sugida Soomaaliyeed.
Goob Joogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa intaa sii raaciyay in Rag la qab qabtay ay jiraan kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dilka Sarkaalkaasi Ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida dowladda Soomaaliya ee Magaciisa la oran jiray Aflow walow aan la xaiijin karin in ragaan ay ku lug leeyhiin  falkaan dilka ah ee ka dhanka ahaa Sarkaaslkaasi.
Goobtaa oo Muddo daqiiqada ay Xireen Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa markii dambe loo furay isku socodka dadka iyo gaadiidka halkaasi isticmaala mana aha markii ugu horeysay oo Magaalada Muqdisho lagu dilo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad sugida dowladda Soomaaliya iyadoo dilka Sarkaalkaan uu ku soo beegmayo xilli saraakiisha ammaanka dowladda ay ku cel celiyaan in ay wax ka qaban doonaan falalkaasi amni darri

Seddexdii qaraxyo ee ka dhacay Magaalada Nairobi oo loo soo qab qabtay niman u dhashay dalka Yemen

$
0
0

Kadaal markii seddex qaraxyo ay ka dhaceen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxay Ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya ay gacanta ku soo dhigeen niman u dhashay dalka Yemen. Nimankaan ayaa waxaa si’aad ah loogu tuhmayaa seddexdii qaraxyo ee xalay lagu weeraray Baarka ku yaala Xaafada Islii, iyadoo Baarka la weeraray xilli ay ku caweynayeen [...]

Sonakshi Sinha waxay xamaasad u qabtaa la shaqeynta Shahid Kapoor

$
0
0

Atariishada da’da yar ee Sonakshi Sinha ayaa sheegtay inay sugi la’dahay wada shaqeynta iyada iyo Shahid ee filinka ‘Namak’ oo lagu wado in la bilaabo Febaraayo sanadka soo socda. Run ahaantii waan ku faraxsanahay filinka maxaa yeelay waa ku jiraa Dance badan aad ayaana uga helaa cayaarta, sidoo kale Shahid ayaa nala jooga ayay tiri [...]

Connecticut: Obama oo la Hadlay Dadkii laga Dhintay

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa wacad ku maray in awooddiisa oo dhan uu u adeegsan doono sidii ayna dib ugu dhici lahayn musiibadii ka dhacday gobolka Connecticut oo kale.

Filinka Saif ee ‘Go Goa Gone’ oo lagu beegay siideyntiisa maalinta Jacaylka.

$
0
0

Maamulaha filinkaan ‘Go GOA Gone’ Raj ayaa ka dhawaajiyay in lasiidey doono filinka 14-ka Febaraayo oo ku beedan ciida maalinta Jacaylka. Raj ayaa yiri waxaan qorsheynay inan sii deyno 14-ka Febaraayo ee sanadka cusub laakiin weli si dhameystiran layskuguma raacin balanta. Waxaan isku dayi doonaa inaan sii deyno taariikhdaas filina, waxaana hogaamiye ka ah Sanif [...]


Baaq ku wajahan Prof. Jawaari iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

$
0
0

Markahore waxaan idiinka mahadcelinaynaa habsamida aad uhogaaminaysaan siyaasadda dalka iyo dadkeena Soomaaliyeed xiligaan xaaladda adag lagujiro. Sida aan wada ognahay dalkeenu waxuukabaxay xiligii kumeelgaarka waxuuna galay xili uu caalamku utexgalin sida doowladaha caalamka kajira ookale. Haddaba waxaa muhiim ah in aad la’imaataan taxadar dheeraad ah, waxii qaldaad ahaa ee horay udhacay in aad waxkabarataan kuna [...]

Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda oo la toogtay, xilli ay dhacayeen shacabka reer Muqdisho

$
0
0

Waxaa caawa la toogtay laba ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Banaadir, xilli ay dhac u geysanayeen shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho qaarkood. Labadaan askari ayaa waxaa lagu dilay dhabarka dambe ee Saldhig Galbeed ee Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, xilli ay baaranayeen dad rayid ah oo maraayay dhabarka dambe ee Saldhg Galbeed. [...]

Nuxurka Hadaladdii Ay Madaxweyneyaasha Somalia, Jabuuti Iyo Somaliland Ka Yidhaahdeen Furitaankii Xuska Sannad Guuradii 40-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Qoridda Afka Somaliga

$
0
0

 
Madaxeyneyaasha Waddamada Somalia, Djabuuti iyo Somaliland, ayaa maanta furitaankii Xuska 40-tan Guuradii ka soo wareegtay  markii la aasaasay qoridda Luuqadda Afka Somaliga oo maanta ka furmay waddanka Djabuuti, kuwaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay Afka Somaligu iyo sida loogu baahanyahay in la soru mariyo.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  oo halklaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi
“Afka Somaligu waa waxaas koraya oo dhalin yaradii, Khuburadii iyo aqoonyahankii ka hadlayey hal abuurka ee Akaadamiyada ahaa ee ka soo shaqeeyey caalamka ayaa sharxayey, waana waxaas koraya ee maalin walba wax lagu biirinayo, insha  Allaahnu waxay noqon doontaa Luuqadda Afka Somaligu ta ugu wayn Caalamka, dadka Somaiyeedna waxa isku xidhaya dhaqankiisa iyo noloshiisa, Amaankisa iyo noloshiisaba inay noqoto insha Allaah,waxaanan rajaynayaa inuu Ilaahay inagu guuleeyo oo ay noqoto Luuqad dadkeena iyo Diinteenaba anfacda, waxaanan aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, doorka ay ka qaateen hawshaas iyada ah, anaguna waxaanu ballan qaadaynaa wixi hawshaas nagaga soo hagaaga inaanu dhinacayaga ka qabanno”
 
Madaxweynaha Somalia Xasan sheikh Maxamuud oo isaguna khudbad ka jeediyey hakaasi, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa
“Waxaan halkan talo ahaan iyo fariin ahaan ka soo jeediyanaa ka shaqaynta dib u soo noolaynta adeegsiga far Somali sal dhigta, daryeelka Aqoonyahanka iyo Abwaanka Somaliyeed  ee ku hawlan hour marinta looqadda afka Somaliga, dib u soo noolaynta Akaadamiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, khaasatan dhinaca Somalia, joogtaynta qabashada dood Cilmiyeedyada iyo cilmi baadhista lagu hour marinayo Afka Somaliga”
Madaxweynaha wadaanka DJabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu dambayntii ka hadlay shirkaasi, ayaa ku dheeraaday luuqadda Afkla Sonaliga iyo sida loogu daahan yahay in la horumariyo, waxaanuu yidhi
“Waxa loo baahanayahy in loo sal dhigo oo waddo loo sameeyo Afka Somalia oo kii lagu hadlayey iyo kii lagu shaqaynayey la sameeyo ayaa loo baahanyahay, taasina waxay u baahan tahay dad is ogol oo meel ka soo wada baxa, kuwaas oo tix raac leh ayaa loo baahanyahay, waxa loo baahan yahay in dadaal la sameeyo oo nin waliba inuu dadaalkiisa sii kordhiyo ayaa loo baahan yahay”
 
HARGYSA SOMALILAND

“Inta Aan Noolahay Kama Tanaasulayo Kursigayga, Komishanka Ayaana Khiyaamo Adeegsaday” Khadar Bohosha

$
0
0

Khadar Xuseen Cali (Bohosha) oo ka mid ahaa Murashixiintii Doorashadii Golaha Deegaanka Somaliland ee 28-kii bishii hore dalka ka dhacday Degmada Hargeysa uga tar tamayey Urur-siyaasadeedka Rays, isla markaana ka mid ahaa Xubnihii ay Komishanka Doorashooyinka Degmada Hargeysa Natiijadii hor dhaca ahayd ee la hakiyey lagu sheegay inuu ku soo baxay ka mid noqoshada Golaha Deegaanka Caasimadda ee cusub, ka dibna natiijadii dambe ee dib loogu noqday codadkii degmada Hargeysa lagu sheegay inuu waayey xubin nimadii markii hore loogu dhawaaqay oo  uu bedelay Ismaaciil Jaamac Xirsi (Caga-yare) oo markii hore ahaa kaalinta labaad ee Ururka Rays, ayaa sheegay in la musuqmaasuqay codadkiisii.
Khadar Bohosha oo shalay u waramay Telefishanka Universal, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay Komishanku masuul ka yihiin arintaasi, isaga oo sheegay inaanay waxba ka jirin natiijada dambe ee ay komishanku soo saareen, isla markaana ay natiijadii hore ee hordhaca ahayd tahay midda saxda ah, isaga oo sidoo kale tilmaamay inay jiraan qaab loogu talo galay in la rido oo la dhaafiyo ninkii uu markii hore ka codadka badnaa.
Khadar  Xuseen Cali (Bohosha) oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Aniga oo ah Khadar Xuseen Cali kana mid ahaa Xildhibaanadii laga soo doortay Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo ka sharaxnaa Ururka Rays, waxaan cadaynayaa in kursigii Xildhibaanimo ee aan ku guulaystay  uu halkii yahay, balse uu Komishanku khiyaamo adeegsaday, waxa la ii soo doortay si dimuqraadiyad ah, waana la iigu dhawaaqay oo codkaygii waan ku helay  inaan ka mid noqdo Golaha deegaanka Hargeysa, aniga oo waliba tabanayey in codkaygii uu Boqol kiiba Lixdan maqan yahay, hadana waxaan ku qancay natiijadii Komishanku soo saareen ee ay ku sheegeen inaan soo baxay, anga oo taas ku qancay ayaa hadana la ii shiray oo waxaan moodayey inaynu dimuqraadiyad gaadhnay, laakiin weli maynaan gaadhin”
Khadar Bohosha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Waxaan qabaa inay sheekadaasi beel ku salaysan tahay, waxa weeyaan nin marka horeba loogu talo galay inuu kaalinta labaad ku soo boxo oo rag kale la soo dhaafiyey, ayaa markii la waayey kaalin labaad lagu bedelay kaalintii Kowaad ee aan ku soo baxay, go’aan kaygu waxa weeyaan la igama qaadayo inta aan noolahay kursigayga,cidda qaladka samaysay way garanaysaa aniguna wax qalad ah maan samaynin oo hannaankii dimuqraadiyadda ayaan maray, waxaanan ku soo baxay cod midaysan oo codkaygii ayaa inqilaab loo sameeyey oo loo shiray, markaa anigu wax khalad ah maan samaynin ee ciddii qaladka samaysay ayaa waxaas oo dhan ka masuul ah”
 
 HARGYSA SOMALILAND

Obama Oo Sheegay In Maraykanku Ku Fashilmay Sugida Ammaanka Caruurtiisa

$
0
0

Maddaxweynaha  Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in Dalkiisu ku guuldaraystay inuu sugo Ammaanka Caruurta Mareykan.
Maddaxweyne Obama oo ka hadlayey Dhacadii ka dhacday Gobolka Connecticut ee Dalka Maraykanka ee ninka Hubaysani ku dilay 26 ka Qof oo 20 ka mid ahi ay Caruur ahaayeen, ayaa sheegay in Maraykanku aanu sidii loo baahnaa ugu hawl galin sugida Ammaanka Caruurtiisa.
Maddaxweyne Obama oo ka hadlay Dugsi ku yaala Degmada Newtown, ayaa waxa uu sheegay in ay Masuuliyada Dawladda ay tahay sugida ammaanka Caruurtu, waxaanu yidhi  “Waxaan cadaynayaa Masuuliyadaya ilmo kasta, tani waa Qorshahayaga, waxaanu u ooyeynaa Caruurtyadii, taasi waa shaqadayada, hadii aynaan Helin sida saxda ah, ma hali doono wax sax ah.”
Maddaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay in Dalkiisu uu samayn karo qorshe wanaagsan oo lagu sugaya Ammaanka Caruurta waxan uu yidhi  “Hubaal waynu samayn karnaa mid ka wanaagsan tan.”
Maddaxweyne Obama ayaa waxa uu hadladani ka jeediyey xus loo qabtay 26 qof oo caruur u badnaa oo maalintii Jimcaha ee Todobadaadkii hore uu Nin hubaysan oo Qori sitay  uu qaabka Milatariga Rasaas ugu furay Caruur yaryar oo Dugsi ku jiray ka dibna is dilay.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live