Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Loolanka Maayarnimada Caasimada, Shir-Doceeyada Socda Iyo Ragga Ugu Cad Cad

$
0
0

 
Maayarnimada Caasimada  Somaliland ee Hargeysa, ayaa la sheegay in loogu jiro loolan aad u adag oo u dhexeeya xubno ka mid ah 25 xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka ee Caasimadu, kuwaas oo damac ka hayo in ay qabtaan jagadaasi.
25-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo maalintii Axaddii Maxkamadda Gobolka Hargeysa si rasmi ah u ansixisay, ayaa la sheegay in xubnaha quudaranaya in ay hogaamiyaan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, ay bilaabeen dhaqdhaqaaq la xidhiidha sidii ay u kasban lahaayeen codadka Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, kuwaas oo la filayo in ay fadhigooda u horeeya yeesheen maalmaha soo socda ka dib marka la dhaariyo.
Maalmihii u dambeeyey, ayaa waxa si weyn u soo shaac baxayey loolan hoose oo ay wadaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, kuwaas oo iyagu yeelanayey kulamo gaar  gaar ah oo ay ku doonayaan in ay ku soo jiitaan Xildhibaanada kale.
Xubnaha ilaa hadda la sheegay inay u taaganyihiin jagada maayirka Hargeysa, ayaa kala ah Eng Yuusuf Warsame Siciid oo ka soo baxay xibiga kulmiye, saleebaan daahir (Dogox) oo ka soo baxay ururka xaqsoor iyo c/risaaq xasan faarax oo ka soo baxay ururka waddani, kuwaas oo hadda wada kala jiidasho xubnaha kale ee golaha deegaanka hargeysa ku soo baxay ah.
HARGEYSA SOMALILAND


“Maanta Nabaddii Waxa Nagu Haysta Nin Macangag Ah Oo Aan Maamul Doonayn Rabitaankiisa Cid Garanaysaa Aanay Jirin” Wasiir Duur

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa sheegay inay wakhtigan Nabaddii dacalka haystaan dad uu ku tilmaamay inay macangag yihiin oo cid af garanaysaa aanay jirin, kuwaas oo uu sheegay in aanay xataa maamul doon ahayn oo ujeeddadooda aan la fahmi Karin.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu  ka hadlayey Munaasidab lagu daah furayey shir lagu falan qaynayey qorshaha nabadda Somaliland oo ay Wasaaraddiisu ku qabatay Huteelka Ambaasadoor ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sidoo  kale sheegay in wakhtigan loo baahanyahay in la iska kaashado sidii ammaanka dalka dhinac looga soo wada jeedsan lahaa.
Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Nabadda iyo xallinta khilaafaadku waxay door weyn lahayd wakhtigii muranku beeraha daaqa, biyaha iyo deegaanka uu ahaa ayey nabadaynta waayeelka iyo wax garadka iyo madasha geedku ay ahayd wax aad u shaqeeya, laakiin maanta nabaddii waxa nagu haysta nin aan gor gortanba gelinayn inuu cidba la hadlo oo macangag ah oo aan maamul doonayn oo rabitaankiisa cid garanaysaa aanay jirin, ayaa nabaddii dacalka haysta”
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Maxamed Nuur Carraale Duur, waxa uu intaas ku daray “Waxana loo baahanyahay in loo fikirro sidii looga hor tegi lahaa, adduuntadii dhib ayaa ku soo korodhay subax walbana nabaddii dhib ayaa ku soo kordhaysa, nabaddiina meel bannaan isma taagayso oo cadaw ayaa ku soo kordhaya, waxanuu qaranku u baahanyahay in haayadaha amniga la taageero, waxaanay Somaliland u baahantahay oo keliya n haayadaha amaanka iyo shacabka la taageero oo la siyo taba barro iyo aqoon korodhsi”
 
 HARGEYSA SOMALILAND

Madaxweyne Siillaanyo iyo ku xigeenkiisa oo ka hadlay rabshadaha iyo Murannada hadheeyey Natiijaddii Doorashada

$
0
0

“Rabshadahaasi Waxa Weeyaan Ayaandarro Wey Oo Dhacday, Aad Ayaana Uga Xumahay” Madaxweyne Siilaanyo
 
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay rabshadaha is daba joogga ah ee ka soo kordhaya natiidadii ka soo baxday Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dalka ka dhacday 28-bishii ina dhaaftay, iyaga oo sheegay inay aad uga xunyihiin rabshadahaasi, isla markaana ku tilmaamay ayaan darro.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shalay ka hadlay Madaarka Hargeysa markii u sii kcitimayey dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay inuu aad uga xunyahay rabshadahaasi, isla markaan ay Doorashada dalka masuul uga yihiin Komishanka Doorashooyinka Somaliland, isaga oo tilmaamay inay Doorashadaasi hadda dhamaatay oo ay dhacday.
Madaxweyen Axmed Siillanyo oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan uga xumahay dhibaatooyinka dalka ka dhacay, Doorashadaha dalka ka dhacay,  waxaanay ahayd doorasho dalka loogu talo galay, waxa weeyaan ayaan darro wey oo dhacday, hawshaasna waxa gacanta ku hayey Komishanka doorashadiina way inoo dhamaatay waanay socotaa, laakiin waxaan jecelahay in nabadda la ilaaliyo oo wada jir loo ilaaliyo”
Dhinaca Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna shalay ka hadlayey Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Ambaasadoor ee Hargeysa oo ahayd shir lagu dejinayey qorshaha nabadda Qaranka Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay Doorashadii dalka ka dhacy iyo rabshadihii ka dhashay natiijada ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, waxaanuu ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay rabshadahaasi.
Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “doorashidii dhacday waxay ahayd Doorasho aad u adag oo ka adag Doorashooyinkii hore ee salku soo maray oo waxa hadhayey Murashixiin badan iyo Ururo badan, laakin waxa wanaagsan inaynu ku wada qanacno guusha aynu gaadhnay marka aynu eegno baaxaddii doorashada,waxaa jirta inaanay waddamo badan oo oo geeska afrika ah inaanay ka suuro geli karin doorasho xor ah oo xalaal ahi oo inta ay boqolaal qof tar tamaan ay cidi badiso,inaga oo ah dawlad yar oo aan dhaqaalo badan haysanin oo la inagu majeerto dimuqraaddiyadda, inta la ingu canaanayaana waa in inaga dhiman oo dhaqaalihii inaga dhiman yahay oo aqoontii inaga dhiman tahay oo dimuqraaddiyaddi ay qabyaaladi hadhaynayso, hadana marka la eego guul weyn ayaa la gaadhay”
Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo hadalkiisa sii watay  waxa uu intaas ku daray “Waxaan leeyahay ciddii ku dhimatay waan ka tacsiyadaynayaa, intii ku dhaawacantayna waxaan leeyahay ilaahay caafimaad ha siiyo oo waan u ducaynayaa”
 
 
 HARGEYSA SOMALILAND

Mucjiso Rabaani Ah Oo Ka Yaabisay Jamaacada Masaajidka Madiina Munawarah Kadib Markii

$
0
0

Arin si weyn loola yaabay caalamka gaar ahaan masaajidka Nabiga CSW Ee Madiina Munawara ayaa lagu arkay kadib markii jameecada masaajidkaasi soo dhex fariistay qof u eg Malag sida ay sheegeyn wadaada . Muqaalkaan ayaa si weyn looga hadal hayaa caalamka Islaamka ayadoo siweyn ula yaabayn shacabka Islaamka lana yaabanyihiin muqaalkaan rabaaniga ah waxaana ay [...]

MuslimsTogether :: The Tragedy‏

$
0
0

THE SANDY HOOK SCHOOL TRAGEDY

The tragic death of 28 fellow Americans including 20 elementary school children at Sandy Hook elementary school in Newtown, Connecticut is an unspeakable tragedy. It is a traumatic experience and for some it is an unforgettable event for the rest of their lives. The children who survived may live for many years with post traumatic stress disorder. The after effect of such a tragedy may linger for many years to come.
We condemn this senseless killing and pray for those who are killed or injured and offer our deepest condolences for their families and loved ones.

There have been atleast 15 recorded mass shootings in U.S. so far this year. This is the worst shooting in school and exceeds the 13 deaths and 24 injured which occurred in Columbine High School.
Most probably the worst incident was in Virginia Tech University in Virginia where 32 people were killed and 17 were wounded in 2007.
President Obama declare “As a nation we have endured for too many of these tragedies in the last few years”. However many public officials are urging the president to take an immediate action. Mayor Bloomberg of New York said “Calling for meaningful action is not enough. We need immediate action. We have heard all this rhetoric before. What we have not seen is leadership – not for the white house and not from congress.”
The permission to bear arms was the part of civil liberties but it was overlooked these could become more deadly and destructive. It is often said that guns don’t kill people but people kill people. But if they do not have the gun then there is no way that a single person can kill 20 ,30 or 40 people by himself. It is usually said most of these individuals have emotional disturbance or disorder. However many states have laws that the psychiatrist or mental health professional cannot ask the patient who is potentially dangerous whether he has access to gun.
U.S is one of the most civilized countries in the world but unfortunately the murder rate by guns is the highest in the world and our law makers are unable to do anything about this. We have very strong lobby of NRA which oppose any laws restricting or controlling the purchase of guns. Of course they represent the gun sellers who make millions of dollars in profit. Unfortunately we have seen repeatedly that comprise has been made on our values when the question of profit comes. Many law makers believe that if they lose NRA’s support they will lose the election. The American constitution permits the citizen to bear arms. The time when this amendment was passed was centuries ago when people felt insecure and needed to defend themselves. Today we have no such fears. It is very rarely that we see the report that a man has shot an intruder to protect his own life. Today our police are doing an excellent job and people

are much less threatened and have less need to keep the guns in their houses. It is indeed a sad comment when somebody mentions that the school officials must be permitted to carry guns. This may lead to an incentive for an angry student to take the gun from the school and kill somebody. Most of the shooters are not buying the guns illegally but taking the guns from family and friends who legally purchase the gun. How many reports we heard that the children are killed in their own home while playing with the gun?
It is really said to see people believe that the only solution to gun violence is to make sure that everybody is armed with these weapons. They have a fantasy that when some crazy person goes on a killing spree, right –thinking people will kill the shooter without giving him the opportunity to cause the destruction and damage, and the peace and tranquility will prevail throughout the land.
I hope Mr. President and right minded people in the congress will pass the toughest gun control laws with courage and sincerity and without compromising the human values. This will certainly save many innocent people and school children from untimely death and suffering the loved ones for many years.

_________________________________________________________
M. Basheer Ahmed, M.D.
CHAIRMAN EMERITUS, MCC for Human Services
www.mcc-hs.org

DEG DEG: Rasaas lala dhacay Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya

$
0
0

Waxaa goor dhaw rasaas lala dhacay Taliye Ibraahim Iidow oo ka tirsan Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia. Wararka laga helaayo Madaxtooyada ayaa waxay sheegayaan in Taliye Ibraahim Iidow iyo askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya uu soo kala dhex galay murun iyo isqab qabsi. Waxay taasi keentay in uu aad u [...]

Askari Sarkaal ku dhaawacay agagaarka Villa Soomaaliya

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Baraqanimadii maanta ayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya waxa uu afaafka Hore ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku dhaawacay Sarkaal lagu Magacaabo Ibraahim Iidow oo ka mida Saraakiisha Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Goob Joogayaal Ku sugab Xarunta Madaxtooyada ayaa Shabelle usheegay in uu muran dhexmaray Askariga iyo Sarkaalka la dhaawacay taasi oo keentay in Rasaas uu huwiyo Askariga waxaana ay uga dhacday qaybaha kore ee Jirka
Dhaawaca Sarkaalka ayaa loola Cararay Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladdiisa waxaana goobta ka baxsaday Askarigii dhaawaca ugeestay Sarkaalkaan  lagu Magacaabi jiray  Ibraahim Iidow
Xiriiro ay Shabelle la sameysay Saraakiisha Xarunta Madaxtooyada Villa  Soomaaliya si aan wax badan uga ogaano dhaawaca Sarkaalka ayeysan inoo suura galin in aan qadka Taleefanka ku haleelno
Dhawaan ayey ahayd markii Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya uu Muqdisho ku dhaawacay Taliyiha Ciidanka Taraafikada Jeneral Cali Xirsi barre Cali gaab
 
 

Tababaraha Manchester United oo la kulmay Pep Guardiola “Sababtu Maxay Tahay”?

$
0
0

Tababare Sir Alex Ferguson iyo Pep Guardiola ayaa ku kulmay isbuucaan New York, iyadoo weli tababarihii hore ee Barcelona uusan go’aansan mustaqbalkiisa, sida ay qortay The Sun. Tababaraha Manchester United iyo xaaskiisa Cathy ayaa tagay isbuucaan New York, horudhac fasaxooda qaboobaha. Laakiin waxa uu sidoo kale la kulmay Guardiola, kaasoo sidoo kale la fahamsan yahay [...]


Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku baaqay in xeryo tababar loo sameeyo dhalintii isbaarooyinka laga qaaday

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Ka dib kulan ay ku yeesheen Muqdisho Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa dowladda Soomaliya waxa ay ugu baaqeen in ay Xerooyin ku xareyso islamar ahaantaana Tababarro Ciidan ufurto dhalin yaradii Joogtay Isbaarooyinkii Muqdisho oo dowladda Soomaaliya ay qaaday
Kulanka markii uu soo dhamaaday kadib waxaa Idaacadda Shabelle la hadlay Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahiim isagoona dowladda Soomaaliya ugu baaqay in si deg dega Ciidan qaran ay uga dhigto dhalinyaradii Joogay Isbaarooyinkii Muqdisho oo dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay qaado
Xildhibaanka ayaa Xusay mar haddii laga gudbay Xilligii KMG ahaa loona Gudbay dowlad Federaal ah in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in Ciidan qaran ay ka dhigto dhalinyaradii laga qaaday Isbaarooyinkii Muqdisho
Hadalka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Dhawaan dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay qaadista Isbaarooyinka Muqdisho balse dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay shaqooyin u abuurto dhalintii joogtay Jid gooyooyinkii Muqdisho

Puntland oo nabadoono ku xirtay Magaalada Garoowe

$
0
0


Garoowe(Sh.M.Network)—Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa kusoo waramaya in tiro ka mida odayaal dhaqameed ka soo jeeda Maamulkaasi Jeelka loo taxaabay
Nabadoonadaan oo gaarayay  illaa 4 Nabadoon oo ka yimid Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa Ciidamada Maamulkaasi waxa habeenki Xalay ay dhigeen xabsiga
Odayaasha la xiray ayaa la sheegay in ay ku howlanaayeen sidii loo xallinlahaa muran siyaasadeedka ka taagan qaabka loo qaban lahaa doorashada Madaxtinimo ee Maamulkaasi Puntland
Xariga odayaashaan ayaa la sheegayaa in uu ku yimid amar ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulkaasi iyadoonaa loo dhaadhiciyay Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe waxaana lagu eedeeyay in ay lugaha lageleen howlo aan loo dirsan ee maamulkana ka soo horjeeda.
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qartab oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in odayaashaan la xiray aaney ahayn nabadoono balse ay yihiin wax uu ugu yeeray qas wadayaal sida uu hadalka udhigay
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay wadaan howlo kicin umuuqda oo shacabka iyo maamulka ay isaga horkeenayaan iyago usheegaya shacabka in maamulka waqti aanu uharin
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dadaalo ay wadaan wax garadka iyo odayaasha ku dhaqaan magaaladaasi oo ku aadan sidii loo sii deyn lahaa Nabadoonadaasi Maamulku Jeelka dhigay

Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay oo ka gadooday Mushaar la’aan

$
0
0

 
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo tiradooda lagu sheegay in ka badan boqol askari ayaa sameeyay gadood, kuwaasoo sheegay inaysan wax mushaaraad iyo xuquuq ah ka helin dowladda Soomaaliya muddo bilooyin ah.
Taliyaha booliiska gobolka Bay, Mahad C/raxmaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay sameeyeen gadood, wuxuuna sheegay inay ka cabanayaan xuquuq la’aan dhinaca dowladda Soomaaliya ah.
“Way jiraan in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ay sameeyeen gadood, waxay sheegayaan inay musharaaad iyo xuquuqo kale ka helin dowladda muddo toddoba bilood ah,” ayuu yiri Col. Mahad.
Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa isbaaro dhigtay maanya-fuulka oo dhinaca bari kaga beegan degmada Baydhabo, waxaana saraakiisha hoggaaminaya ciidanka ay sheegeen inaysan ciidamadu helin wax daryeel ah, taasna ay keentay inay gadoodka sameeyaan.
Isbaarada ay ciidamadan dhigteen ayaa waxay gaadiidka kaga qaadanayaan lacago iyadoo tani ay dhabar-jab ku noqonayso howlaha ay dowladdu ku doonayso inay ku sugto ammaanka guud ee dalka, kuna dardar-geliso dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Tallaabada ay ku dhaqaaqeen ciidamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya maalmo ka hor tagay degmada Garbahaarreey isagoo sheegay in ciidamada gobolkaas ku sugan loo billaabayo mushaar iyo inay helaan xuquuqdooda bil walba.
Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya horumarka ka gareen tan iyo billowgii sannadkan, waxayna hadda gacnta ku hayaan afar degmo oo gobolka Bay ka tirsan.
Source-Hol

How refugee entrepreneurs help themselves and their host country

$
0
0

Wednesday, December 19, 2012 By Astrid Zweynert

 
 
 
 
Refugees from eastern Congo prepare to board buses at Nyakabande refugee transit camp in Kisoro town 520 km southwest of Kampala, July 10, 2012. REUTERS/James AkenaLONDON (AlertNet) – Ali, a Somali refugee living in Uganda’s capital Kampala, has a thriving mini-supermarket selling rice, canned food, ice cream and soap among other items, while Martin, a Congolese refugee, runs a busy tailor’s shop.
 
The two men are lucky because Uganda allows refugees to work as part of a “self-reliance” strategy based on the simple logic that this is better for the host nation’s economy than putting them into camps where they have to rely on aid handouts.
Martin employs two people, a Ugandan and another Congolese refugee. Ali, who set up his business with financial help from his brothers in Britain after he was forced to flee war-torn Somalia, employs local people and buys his goods from Ugandans.
None of this would have been possible if they had been stuck in a camp, or if Uganda, like neighbouring Kenya, prohibited refugees from working.
“We tend to think of refugees as a homogenous group but they are extremely diverse and their skills are very diverse….but we often suppress those skills and talents when we insist that refugees need to be in camps or settlements, “ Alexander Betts, a lecturer in refugee studies at Oxford University, told AlertNet.
The particular experience of being a refugee means many of them are “natural entrepreneurs”, he added. “Refugees are people who have had to struggle and adapt in order to survive. They’ve had to travel to a foreign country and apply and use their skills in a new context, usually outside the mainstream economy”.
This entrepreneurial drive is even noticeable in refugee camps, Betts said. In Kenya’s sprawling Dadaab camp, with an estimated 460,000 refugees, people trade in food, household items and services.
But their ability to make a sustainable living out of it is severely restricted compared with Uganda, where refugees have the right to work and some freedom of movement.
SUSTAINABLE SOLUTIONS
Betts launched the Humanitarian Innovation Project (HIP) last month with the aim of tracking and documenting how refugees in countries like Uganda have thrived through their own entrepreneurial drive coupled with the right to work.
The project will also look at innovative measures needed to help refugees expand their enterprises and stimulate the economies of their host countries, such as access to education, credit and incubators to make it easier to start up a business.
“Our hope is that by documenting that it works in a country like Uganda, it can help to change attitudes among other governments,” said Betts.
HIP works in partnership with the United Nations refugee agency (UNHCR) and “Return on Innovation”, a U.S.-based non-profit organisation. The project is funded by Texan oil millionaires Stephanie and Hunter Hunt.
With more and more refugees living in camps for many years, UNHCR is struggling to find funds for long-running refugee problems as more acute crises, such that in Syria, where tens of thousands of people are fleeing the civil war every month, attract more attention from the public and donors.
As a result the UNHCR has increasingly been promoting self-reliance, but many projects lack adequate resources to capitalize on refugees’ skills and ambitions, said Olivier Delarue,  head of the UN refugee agency’s private sector partnership scheme, which is supported by the IKEA Foundation, the charitable arm of the Swedish furniture maker.
The role of the private sector in helping refugees, in particular in protracted crises, is only gradually being recognised, Delarue told a recent “Refugee livelihoods, innovation and the private sector” conference in Oxford, organised by HIP.
“We have very complex issues ahead of us,” said Delarue. ”It makes sense that we don’t reinvent the wheel but take ideas from the ground, from people who are already there in those situations.”
One example of successful private sector involvement is Uganda’s Technology for Tomorrow, a private company that has formed a partnership with the UNHCR to provide a sustainable livelihood for refugees.
Using local materials and employing refugees as well as Ugandans, the company produces the Makapad, an environmentally friendly sanitary towel. It sells the pads to the UNHCR to be distributed in refugee settlements in Uganda.
*Martin and Ali are not the real names of the refugees mentioned in this story. They took part in a case study by Refugees Study Centre at Oxford University, published in November 2012. Find out more here.
 
 

A Kenyan- Somali province has been listed last for having the least number of registered voters, ahead of the 2013 general election

$
0
0

By Zahra Rashid
Wednesday, December 19 2012
 
Nairobi, Kenya -
North Eastern Province of Kenya, densely populated by members of Somali community recorded the least number of voters registered a head of 4th March 2013 general elections.
 
 
 
According to the latest data from the Independent Electoral and Boundaries Commission (IEBC), the Somalis populated province had the least, standing at 30% with 320,000 out of 1,077,273 estimated registered voters.
The three counties, Mandera, Wajir and Garrisa had registered 23%, 34% and 35% respectively making them top of the the bottom five counties country wide.
According to the commission’s chairman, Mr. Issack Hassan the turn out of the three counties within the province was acceptable but not good enough.
“We expected to register about 1,077,273 voters but the turn of the whole province was 320,000, not half of the estimated number, classifying it among the province with the least registered voters,” He said.
Mr. Hassan said that there will be no extension of days for registration, stating that the one set for the exercise was enough.
Marking the end of 30 days of voters registration exercise, in the report there is an indication that the registration data could fall nearly at the same level as the 2007 roll that stood at 14.3 million.
According to the Independent Commission of Inquiry into the last General Election, the number of registered voters in 2007 represented 71 per cent of the 19.8 million people aged over 18.
Of that, the commission pointed out that the voter register had a low and biased coverage.
Even so Kenyans living in the EAC countries; Tanzania, Uganda, Rwanda and Burundi also continued registering, in the registration exercise which started on Friday and expected to end on Christmas day.
In Tanzania, registration is taking place in Dar-es-Salaam and Arusha while in Uganda, Rwanda and Burundi, booths have been stationed at missions in Kampala, Kigali and Bujumbura respectively.
 
Source-hol
Zahra
Nairobi, Kenya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Inaan Cabashada Murrashaxiinta Iyo Ururradu Waxba ka Beddelayn Natiijada Koomishanka Doorashooyinka ku Dhawaqeen

$
0
0


 
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md, Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa daboolka ka qaaday inaanay cabashooyinka ururrada iyo murrashaxiinta u tartamayey golayaasha degaanka waxba ka beddeli doonin natiijadii  Guddida Doorashada Qaranka ku dhawaqeen.
Wasiir Duur waxa uu khaladaadkii doorashada dusha ka saaray diiwaangelin la’aanta shacabku ku galeen doorashada, taasoo uu ku tilmaamay inay cabaqad ku keentay, waxaannu xusay in shacabka Somaliland aannu u bislan nuxurka dhabta ah ee doorashada.
“Waddadan aynu xaadh-xaadhanay ee dimuqraadiyada ha iska rafad badnaatee, dhammaan xilalkii qaranka waa lagula kala wareegay, xasiloonina way dhashay, intii doorasho ee soo dhacday tan maantu ha u rafad dambaysee, golayaal degaan oo cusub uun baa fadhiisan, nin kasta oo maanta hadal, qaylo iyo aflagaado ka daba keenaana waxba ka beddeli mayso natiijadii ay koomishanku ku dhawaqeen, waxay qaribaysa uun qofka sumcadiisa iyo karaamadiisa, waxaana wanaagsan, mar haddaad garta cid u dhiibatay inaanad waxba ka daba keenin, rafadku waxba kuu tari maayo, waana inay hambalyeeyaan.
Waxa aan u mahadnaqaya ururradii tartanka ka qaybgalay ee hambalyeeyey, waxaan ugu baaqaya kuwa wali buuqa ,shirarka jaraa’id iyo waxaan waxba ka caanaysnan ugu yeedahaya inay hambalyadooda shacabka u gudbiyaan oo yidhaahdaan si fiican u dhacday oo natiijada waannu aqbalnay, sidaasa u sharaf badan, dhammaan xilalkii soo dhacayna si xarago leh baa loola kala wareegaayey oo cidii loogu dhawaaqay baa la wareegaysay,” ayuu yidhi Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur).
Wasiirka Daakhiligu oo  khudbad ka jeediyey shir ay Wasaaradda Daakhiigu isugu yeedhay aqoonyahannada iyo waxgaradka Somaliland oo lagaga arrinsanaayey diiwaangelin cusub oo dalka laga hirgelin doono ayaa  murrashaxiinta iyo ururrada cabashada wada u soo jeediyey inay aqbalaan guul darrada, isla markaana hambalyeeyaan, waxaannu yidhi; “Dhammaan golayaasha degaanka waxa is beddeli doona kuwii hore, kuwa loogu dhawaaquun baa fadhiisan, waana nidaamka sharciga ah, ha iska rafad badnaato, buuqeeda ha yeelato, dhib kasta ha ku xeernaato, laakiin natiijada kama dambaysta ahi waxay noqonaysa in bulshadani xilkii kula wareegto doorashadaas dhacday, waana lagula kala wareegaya, kuwii horena waa lagula kala wareegay, si nabadgelyabay u dhacday si fiicana way u dhacday, shacabka xaggiisa iyo hay’adaha amniga, cidii hawsha wadayba dedaal ba ka yimi. Ninka  nuxurka guul darrada aan qaadaynow, tartanka waxba ha u tafaxaydan oo ha ka qaybgelin, sababtoo ah ninka  aan guuldarrada ogolowayn ee marka la yidha waad dhacday aan odhanayn waan sagootinaya oo waan hambalyeynaya shacabkiyow, ha ka qaybgelin  tartanada, kuwa dambena iska daa, kana ka jog,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Duur waxa kale oo uu ka hadlay shirkan ay ugu gogol xadhayeen, isla markaana ay kaga tashanaayeen sidii dalka diiwaangelin looga samayn lahaa, waxaannu isagoo arrinta ka hadlaya yidhi; “Diiwaangelintan macne weyn baa ku jirta, waana mid aan khusayn oo kaliya, doorashadan ina jahwareerisay ee miyirkeenii iyo maankeeniiba rogtay ee aad ogtihiin maanta raadka taban ee ay ka tagtay, iyadoo doorasho lagama maarmaan tahay ayaad haddana mooda inaanay bulshadeenu wali aanay u bislaan kalmada nuxurka doorasho ku hoos jira oo ah guul iyo guul-darro waa laba is barkan, markaad nuxurka doorasho ku hoos jira umay bilsaan, laakiin  kalmada doorasho waa wax ina galay oo aynu qaadanay, meelo badana kaga soo gudubnay, haddana marka hoos loogu daadago nuxurka ku jira oo guul iyo guuldarro ah, waxaad mooda inaanay shacabkeenu u bislaan.
Haddaba, diiwaangelinta madaniga amma shacabku waxay noqonaysa qayb laftigeedu daawo weyn ka noqota qaabka doorashadu u dhacayso, laakiin waxaynu doonayna inaynu waddada shicibnimo ku bilawno, dadku isu diiwaangeliyaan sida adduunyada kaleba isu diiwaangeliso oo ah dhalasho muwaadinimo oo aan khusayn oo qudha doorasho, waa go’aan diiwaangelinta muuwaadiniinta ay go’aansadeen oo kaliya dalalka Afrikanku.
Marka aan inaguna waxaynu go’aansanay inaynu qaadano in dadweynaheena aynu diiwaangelino lagama maarmaan noqotay, waxaan qaba inay maanta riyo tahay, waayo markaan tamarteena eego, markaan eego inaanay wali jirin taageero la inagu caawiyey, diiwaangelintu waxay noqonaysa wax maanta riyo ah, marka maanta halkan riyeynu ku haynaa, haddii Ilaahay yidhaahdana  waxaan rajaynaya inay bari inoo rumawdo, waayo riyada keenta in runta la gaadho, dhaqaale la inagu caawiyey oo diiwaangelinta shacabka meel u taala ma jirto, laakiin waxaynu doonayna inaynu fulino diiwaangelintaa.”
Md. Duur waxa uu si rasmi ah u sheegay in xukuumaddu diiwaangelinta dambe miisaaniyada 2013 ku dartay, isla markaana aan doorashooyinka soo socda diiwaangelin la’aan lagu galayn, waxaannu ku tiraabay; “Xukuumaddu waxay ku dhiiratay in miisaaniyadda 2013  loogu daro saami dhaqaale diiwaangelinta madaniga ah, marka waxay ka  mid tahay go’aannada xukuumaddu qaadatay in saamigaas lagu darro, waana lagu daray, waanay muuqan doonta, dhaqaalaha loogu darayna maaha dhaqaalaha ballaadhan ee diiwaangelinta shacabku u baahan tahay, laakiin waa ku talagal iyo muujin xukuumaddu muujinays rabitaankeeda, sidoo kalena dawladahan hoose siday ugu kala dhaqaale badan yihiin bay ugu diyaargaroobeen inay habeeyaan shaqaalihii iyo goobihii diiwaangelinta.
Sidoo kale diiwaangelinta waxay noqonaysa qayb wax weyn ka tarta dejinta iyo jahwareerka ku jira doorashooyinka, sanduuqan ina wareeriyey marka la garanaayo inta qof ee isu diiwaangelisay iyo goobta uu sanduuqaasi yaalo marka la garto ee la garto waynu ka tegayna beentaynu isku mededaalinayno ee qof kasta uu leeyahay  inuu yahay kii sanduuqa ugu codka badnaa oo sanduuq kasta oo meel yaalay qof kasta wuxuu leeyahay  kaygiibuu ahaa oo kaygaas uun bay wax ku dhaceen oo cod baan ka helay amma waxba kamaan helin, marka.”
Wasiirka Arrimaha Gudahu waxa uu khasaare weyn oo aan ahmiyadiisa la fahmi ku tilmaamay diiwaangelintii la laalay, waxaannu yidhi; Sidaynu ognahay waxa dalka ka xumaaday diiwaangelintii codbixiyayaasha oo lacag badani ku baxday, qaabkii loo maamulay ha noqoto, sidii dadku u fikireen ha noqoto, xamaasadii dadka la galiyey ha noqoto, qalabkii dadka lagu diiwaangeliyey ha noqot, waxaanay keentay in dhaqaale badan oo inaga baxay iyo kaadhadhkii dadku samaysteen halkaa ku khasaareen.
Waxaynu doonayna inaynu dhisno diiwaangelin aan beddelkeedu u eegayn badso, beelnimo iyo codka, balse ay noqoto midaynu ku binayno qoyska, degenaanshaha iyo tirada dadka, iyadoo la tabanaayo albaab walba oo dadka si rasmi ah loo diiwaangelinaayo  oo aan ahayn in inta dadka meel koombuyuutar loo dhigo, dadku kaana ka qataan, kana ka qataan.”
Source-cadceed

Golaha Deegaanka Ee Degmada Saylaca Oo Maalinta Bariya La Dhaarinayo

$
0
0


Kadib doorashadii xaqa, xalaasha iyo xorta ahayd ee ka dhacday Somaliland gaar ahaana degmada Saylaca ee ka tirsan gobalka Awdal ayaa waxaa ay xildhibaanadii ku guulaystay iyo shacabkuba sugayeen dhaarinta la dhaarinaayo xildhibaanada iyo sidii ay u dooran lahaayeen Xildhibaanka u noqonaaya meeyarka degmada Saylac oo lagu wado in uu noqondoono mid kamida xubnihii ku guulaystay.
Gudoomiyaha maxkamada Gobalka Awdal iyo masuuliyiin kale ayaa maalmihii u danbeeyayba ku hawlanaa sidii ay u dhaarinlahaayeen xildhibaanadii soobaxay ee ku guulaystay golaha deegaanka, iyada oo lagu wado in bari ah la dhaarin doono 17 xildhibaan ee ku guulaystay golaha deegaanka degmada Saylac. Wararka ka imanaya Degmada Saylac  ayaa sheegaya in badhasaabka Selel uu arrintani ka war-wareegaysanayo oo hada kaba niyadjabsan in uu sii hayo xilkaasi.
Hadaba sida ay u sheegeen dad ku dhawdhaw arimaha golaha deegaanka ayaa waxaa ay soo sheegayaan in xaalada magaalada Saylaca ay tahay mid aad iyo aad u xasiloon, iyada oo ay taasina ay kutilmaameen dadka deegaanka oo ah dad inbadan sugaayay xaqoodii uu madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale uu dhaafiyay balse maanta ay gacantooda iyo fartooda ku soo ceshadeen.
Inkasta oo uu yahay xaalka degmada Saylac mid dadka u dhashay deegaanada gobalada Awdal iyo Salal kuwa ay ku farxeen,  ayaa hadana waxaa is hoos socda arimo badan oo ay xukuumada Madaxweyne Geele ku dhex laaqanayso gobalada Awdal iyo Salal, inkasta oo uu madaxweyne Geele in badan ka bixiyay lacago aad u farabadan sidii uu u helilahaa gobal uu ku darsado Jabuuti ayaa hadana arintani ayaa waxaa ay noqonaysaa mid uu ku hungoobay.
Source-cadceed


Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Alle Ha U Naxariistee Guddoomiyihii Hore Ee Baanka Somaliland Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay aas balaadhan oo loo sameeyey Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum- Cabdiraxmaan Ducaale oo shalay galab ku geeriyooday Hargeysa, kaas oo maanta lagu aasay Magaaladda Hargeysa.
Aaskan qaran ee loo sameeyey Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, Marxuum C/raxmaan Ducaale, ayaa waxa kale oo ka qayb galay masuuliyiin aad u tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirada Somaliland, qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha Axsaabta Siyaasada, xildhibaano iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha kala duwan ee Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo arbaahinta kula hadlay goobta uu aasku ka dhacayey, ayaa ilaahay uga baryay marxuumka in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo, isaga oo sheegay in marxuumku ahaa aqoonyahan kaalin mugle ka soo qaatay hanaankii dib u dhiska dalka dawladda Somaliland.
Masuuliyiinta kale ee ka qayb galay aaskan ayaa dhambaalo tacsi ah uga diray qoyskiisii, kana waramay shakhsiyadii marxuumka Shirgudoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo axsaabta siyaasadda dalka.
C/Raxmaan Ducaale waxa uu hore dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya muddo dheer ka soo shaqeynayay kana mid ahaa saraakiishii baankii Muqdisho. Waxa kale oo uu ahaa muddo toban sano ka badan Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, waxaana xilkaasi laga qaaday markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo awooda la wareegtay Bishii dab-yaaqadii 2010-kii, waxaanuu shalay si dar Ilaahay ah ugu geeriyooday Magaaladda Hargeysa oo maanta lagu aasay.
 
Hargeysa Somaliland
 

HRW oo ka Digtay Ku-celinta Qaxootiga ee Dhadhaab

$
0
0

Jeri Simsom oo ah cilmi-baare ka tirsan Hay'adda Human Rights Watch ayaa walaac ka muujiyey talaabada dawladda Kenya ay ku dooneyso in dad qaxooti ah ay ku celiso.

Moment of Silence for Sandy Hook Victims on Dec. 21 at 9:30am EST

$
0
0

Please join in a national moment of silence in honor of the Sandy Hook victims called for by Connecticut Governor Dannel Malloy. At 9:30 a.m. EST, spend several minutes reflecting quietly on this terrible tragedy and take a five minute pause from all online activity.
If you have a website or blog, please spread the word by placing this badge on your page and observing online silence in your own way.
In the coming weeks and months, we must come together around common-sense solutions that will prevent the gun violence that has become all too frequent in communities across the country. 2013 is the year to take meaningful action; observing this moment of silence on Friday, we can signal our resolve to stop senseless deaths like these from happening again.
Please use the Twitter hashtag #momentforSandyHook to let your friends know the importance of participating in this tribute to the Sandy Hook victims and committing to reduce future gun violence. Thank you.
Source-STOP CHILD PORNOGRAPHY via Causes <no-reply@causesmail.com>
3:49 AM (5 hours ago)
to me
 

Moment of Silence for Sandy Hook Victims on Dec. 21 at 9:30am EST
December 18 · Invite Friends·
Reposts 71
 

Add a badge for the “National Moment of Silence” event
Choose the badge you’d like to feature, and then add the corresponding embed code into your blog, Tumblr or website. We’ve got three different sizes to pick from: small, medium and large.

  • Small: 125 x 125

  • Medium: 200 x 200

  • Large: 300 x 300

Observe a moment of silence on Friday, Dec. 21 to remember the victims of Sandy Hook. It’s time to do something about gun violence.
I will joinAfter the global moment, you’ll receive a thank you message and next steps for getting involved in the campaign to end gun violence.

Thank you, .
Invite FriendsThank you for joining the Moment of Silence on Friday, Dec. 21 at 9:30am ET.
Please invite your friends to take part.

 

150,000

79,417 people took the pledge

 

  • Memorial for the Sandy Hook Elementary tragedy

 
Please join in a national moment of silence in honor of the Sandy Hook victims called for by Connecticut Governor Dannel Malloy. At 9:30 a.m. EST, spend several minutes reflecting quietly on this terrible tragedy and take a five minute pause from all online activity.
If you have a website or blog, please spread the word by placing this badge on your page and observing online silence in your own way. 
In the coming weeks and months, we must come together around common-sense solutions that will prevent the gun violence that has become all too frequent in communities across the country. 2013 is the year to take meaningful action; observing this moment of silence on Friday, we can signal our resolve to stop senseless deaths like these from happening again.
Please use the Twitter hashtag #momentforSandyHook to let your friends know the importance of participating in this tribute to the Sandy Hook victims and committing to reduce future gun violence. Thank you.

Is-rasaaseyn ka Dhacday Magaalada Kismaayo

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in unugyo ka mid ah ciidanka dawladda oo gadooday ay taasi keentay iska horimaad ka dhacay magaalada.

Madaxweynaha Puntland Faroole oo loogu baaqay in uu is Casilo.

$
0
0

Madaxweynaha Maamula Goboleeda Putland Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole  ayaa waxaa isi soo tarayey Siyaasiyiinta  iyo waxgarad uga baaqaya inuu iska casilo xilka Madaxtinimada ee uu ka haayo Puntland.
Xildhibanada horey uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Maamulka Puntland ayaa ugu ugu baaqay Madaxweynaha Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole In uu iska Casilo Xilka Madaxtinimo.
Siyaasiyiintaan ayaa sheegey in waqtigiisa uu dhamaadey faroole ayna tahay in uu ka dego xilka madaxtinimada waxayna wax garadkan sheegeyn in faroole uu doonayo haatana uu sameeysto muddo kororsi aaney raali ka aheen shacabka Maamulkaasi.
Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole  ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey Siyaasiyiin  iyo waxgaradkaan ka ay wadayn qorshayaal ay ku doonayaan in xilka uu isaga dago.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live