Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ururwaynaha Samafalka TAWFIIQ Oo Maanta Deeq Lacaga Gaadhsiiyay Mid Ka Mid Ah Bukaanada Danyarta Ah Ee Ku Nool Boorama+SAWIRO

$
0
0

Ururwaynaha Samafalka ee Tawfiiq ee ka hawlgala Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ayaa maanta deeq lacaga gaadhsiiyay mid ka mid ah bukaanada danyarta ah ee ku nool magaalada Boorama kaas oo magaciisa la yidhaahdo Idiris in mudo ahna ku xanuunsanayay Mid ka mid ah xaafadaha dadka danyartu galaan ee Magaalada Boorama.
Munaasabadii gudoonsiintan lacagtay ayaa waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee ururwaynahan oo ay ka mid ahaayeen Hooyo Basra Jirde Shiil, Hinda Cadoosh Aare iyo Suldaan Mahdi Aadam Riiraash(Guray) waxa ayna sheegeen in Idiris oo ka mid ah bukaanada danyarta ah ee ay ka warhayaan ururkoodu ay soo gaadhsiiyeen lacag dhan $200 Laba Boqol oo Doolarka Maraykanka oo ay sheegeen in ay ka timid dad muxsiniin ah oo jecel khayrka ayna gacanta ka galinayaan Idiris si loogu siiyo Jal iyo wixi Dawo Ah.
Mas’uuliyiintan ayaa ugu danbayn waxa ay umadda Muslimka iyo Soomaalida ka codsadeen in wiilkan dhalinyarada Ah la soo taakuuleeyo cid ala cidii wax uu ka soo gaysan kartana sida ugu dhaqsaha Badan ula soo xidhiidho ururkan TAWFIIQ,waxaana ay kala soo xidhiidhi karaan telefoonadan Hoos ku qoran.’
+252-2-4452-028 (Suldaan Mahdi Aadam Riiraash)

Source-BOA


Marwo Amina Hersi Mooge, Oo Ka Mid Ah Tobanka Maalqabeen Ee Ugu Qanisan Dalka Uagnda Oo Martiqaad U Samaysay Madaxdii Dalka Uganda Iyo Shaaqalaaha Kambanigeda.+SAWIRO

$
0
0

Marwo Amina Hersi Moghe, oo ka mid ah Tobanka maalqabeen ee ugu qanisan uguna hantida badan dalka Uagnda dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ku dhalatay dalka Kenya ayaa..
dhawaan martiqaad heer sare ah oo qado sharaf ah u samaysay madaxdii dalka Uganda iyo shaaqalaaha kambanigeda kuwa ugu sareyaa iyo dhaman dadka ajinabigaa ee daagan guuryaheeda qalabaysan ee (laburnum courts)

xafladan ayaa ahayd miid ay kuso bandhiigaysay guryaheda qalabaysan eek u yalaadalka Uganda casimada kampala marwo amina hirsi moge waa gabaadh somaliland oo ku dhalatay dalka kinya gar ahanaa bangoma
 Marwo Amina Hersi Moghe, oo ku guulaysatay abaal marinta maalqabeenada ugu maalgashiga badan dalka Uganda iyada oo mashaariic aad u tiro badan oo kala duwan oo ay ku jiraan dhismayaal casri ah oo ay ka shaqeeyaan kumanaan qof oo ay ku baxday Malaayiin Dollarka Maraykanka ahi ka fulisay badhtamaha suuqyadda ,ganacsiga ee caasimada dalka Uganda ee Kampala
Waxaa xaflda kaso qayb gaalay dhamaan dadka ugu magac iyo maamuska wayn dalka uganda dhamaan dakan oo ku hanbeelyey waxqabaadka iyo horu marka dalka uganda ay ka wado,
 Dadkan xaflaada ay u dhiigtay ayaa uu baadna dad ajinabiiya sida jaynis ,hindi ,carab, filibina, jaban, xaflada kadiib ayaa waxay amina soo jediisay war bixiin iyo sheeko ku sabsaan sidii ay horu marka uu gaadhay,
 Hadalaadedi waxaa kamid ahaa sidan,”anigu waxaan ku dhashay dalka kinya kuna so barbaray waxbarshaadaydina kuso qaatay dalka uganda marki an iimi waxa iso dhaweeyay dad anu saxiibo nahay oo ugandis ah dadka oo rabaay inay lacaagta an sitoo iga fuurtaan  tasoo an ogaa aniguna waxaa ay damacsan yihiin iyaago lahaa waxkastaa anagaa ayaa ku qabanaayna madaxda dalka uganda anaga kugu tagayna anigaa rabay inan is araag, Lakiin an sii hoos ahanaa ku bartaay dadka sar saree ee dawladaa kadiibna dadki uguso dhaweey marki an gaanacsi xoora samaystay ay  xasiidnomoo iyo inay dad igusoo diran sameyen  xaata gadhiigayga laa igu rasaaseyay oo labadi qof ee ila socdayba ay dhawaacmeen alkn an anigu ka baadbaday daarawlkaygi gadhiiga ii wadaay iyo askariigi ii ilaalinay.
 Halkn aad hadaa aad fadhiidaan ee aad uu qurux baadan waxay ahaayd mel kayna oo dhiir ka buxdoo marki an ibsaanayay  waxaa ay igulaa taliyeen dadka rer uganda aba asxaabtaydii an islaa wax ayay kulaa qabaanayan in meeshani tahay meel halisaa oo lagu diilayo lakn waxaa uma dhaag dhigiin wan uu calool aadaygay hadana waata ay dagaan yihiin hayda, safirada,iyo madaxda dalk uganda ,
 Xafladan ayaa waxaa kaso qab gaalay safirka dalka kinya u fadhiiya uganda iyo wasiiro aad u badan tasoo xafladaa ay ku sugnayen .

dhaman dadka jeceel guurya lagu raaxaystoo oo nockasta yaalo waxaa aad ka heelaysa laburnam corts oo ay leedahay amiina hirsi moge sido kale waxaa kugu yalaa jiimki oo si casri ah loo qalaabeyay sunadi oo caja ibaa hoteladi cuntada oo aad ka heeli kartiid african food iyo asia food iyo barkadii daabashaa oo sida ay u samaysan tahay an lagu araag dalka uganda  waxaa ay dhinacaa ku haysa madaxtooyada dalka uganda halkaas oo amiineguda ay ilaaliyan askarta ilaalisa madaxtooyada iyo madaxwaynaha yuweri k musavani .
Source-BOA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Somalia waa dal khayraad badan leh, waxaa loo baahanyahay oo keliya in Ammaanka la sugo

$
0
0


Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay wasiirka horumarinta dowladda Norway, Heikki Holmas iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa safiirka Nowray ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in labaatankii sanno ee lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya lagu qarash-gareeyay lacag aad u fara badan, balse nasiib-darro aan la arag horumar badan oo la taaban karo, sida iskuulo ama isbitaalo ay maamusho dowladda Soomaaliya si ay shacabku loogu faa’iideeyo.
“Soomaaliya waa dal kheyraad badan leh, loona baahan yahay oo kaliya in amniga la sugo si ay shacbka uga faa’ideystaan kheyraadkaas, arrinkaas waan ku gudo jirnaa madaamo uu kow ka yahay lixda tiir siyaasadeed ee dowladdu ay ku shaqeyn doonto,” ayuu madaxweyne Xasan sheegay u sheegay wafdiga ka socday Norway.
Ugu dambey, madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha caalamka looga fadhiyo in ay la shaqeeyaan wasaaradda ay isku shaqada yihiin si ay dowladda ay horumar u gaarsiiso shacabka meel walbo ay joogaan.
Wasiirka horumarinta Norway iyo wafdiga la socday ayaan ka hadlin kulankii ay la yeesheen madaxweynaha, iyadoo wafdigan uu qayb ka noqonayo wafdiyo dhowr ah oo ka socda dalka Norway oo Muqdisho ku yimid socdaallo kala duwan iyagoo kala hadlay dowladda Soomaaliya dhinaca horumarka.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay ku sugi lahayd ammaanka caasimadda iyo deegaannada kale ee ay gacanta ku hayso, sidoo kale waxay madaxda dowladdu sheegeen inay u qorsheysan tahay inay dalka oo dhan dib u dhis ku sameeyaan kaddib 20-sano oo burbur iyo colaado ay socdeen.
Source-Hol

Is-rasaaseyn Khasaaro Dhalisay oo gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmartay ciidamada ammaanka iyo kooxo Hubeysan

$
0
0

Israsaaseyn xooggan ayaa gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ku dhexmartay kooxo hubeysan oo jidgooyo dhigtay xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo iyo ciidamada ammaanka degmadaasi.Goobjoogeyaal ku sugan xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo oo ah halka ay israsaaseynta ku dhexmartay labada dhinac ayaa HOL u xaqiijiyay in iska-horimaadkii maanta uu sababay dhimashada shan qof oo katirsan dhinacyadii dagaalamay iyo dhaawaca lix kale oo sedex kamid ah ay ahaayeen dad rayid ah.
“Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayaa weerar kusoo qaaday ciidamo ay isbaaro u taallay wadada laamiga ah ee marta xaafadda V-afmadow, dagaal xooggan ayaa labada dhinac dhexmaray,” ayuu yiri goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo oo qadka teleefonka ugu waramay HOL.
Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni C/naasir Seeraar Maax oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay in israsaaseynta ay u dhexeysay ciidamada ammaanka degmada Kismaayo iyo kooxo uu ku sheegay mooryaan.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxahani ay isbaaro dhigteen xaafadda V-afmadow, haseyeeshee wuxuu xusay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay qaadaan isbaarada isalarmaaskina ay kala ceyriyaan kooxihii dhigay.
Masuulkani ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay is-rasaaseyntii maanta, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay goobtaasi ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Warar hoose oo ay shabakadda HOL  ka heleyso degmada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxaha jidgooyada dhigtay ay ahaayeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo gadoodsanaa kuwaasoo ka cabanayay mushaar la’aan.
Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dhaqdhaqaaqa raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaan ilaa imika yeelan maamul rasmi ah, wallow uu jiro maamul KMG ah oo ay dhiseen saraakiisha labada dhinac, waxaana imika gudaha magaalada Kismaayo ka soconaya shir uu soo agaasimay urur goboleedka IGAD kaasoo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Jubooyinka.
Source-Hol

Taliska Booliiska Puntland ee Gobolka Mudug oo ka Warbixiyey Qaraxyo Xalay ka dhacay Gaalkacayo iyo Miinooyin ay qabteen

$
0
0

Taliska ciidamada Booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa ka warbixiyey qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo howlgal ay ciidamadu sameeyeen oo dad lagu soo qabtay.
Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska ee gobolka Mudug oo maanta war-baahinta la hadlay ayaa sheegay in Bunbooyin nooca gacanta laga tuuro ah xalay lagu soo weerary saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin xaafadda Garsoor.
Wuxuuna intaas ku daray in qaraxyadaas aysan cidna wax ku noqon, isagoo xusay in baaritaan ay ciidamadu goobta ka sameeyeen qaraxa kadib, ay kusoo qabteen nin looga shekiyey in uu falkaas ku lug leeyahay.
“Iskuulkii umadda agtiisa meel ah oo aan ka sameyney barkantarool ayaa waxaa lagu soo tuuray Bunbooyinka gacanta, cidina wax kuma noqon” Taliyaha ayaa yiri.
Dhinaca kale wuxuu intaas raaciyey in ciidamadu ay qabteen Bumbo lagu qariyey meel kudhow goobta ay xalay qaraxyadu ka dhaceen, isagoo tilmaamay in ay ku raadjoogaan dad looga shekisan yahay in ay arintan wax ka ogaayeen.
Taliska Booliska Puntland ee Mudug ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay bulshada gobolka in ay gacan ka geystaan sidii ammaanka loo sugi lahaa, maadaama aysan ciidamadu shaqadooda si fiican uga soo bixi Karin hadii aysan helin taageerada dadweynaha.
Inkasta oo qaraxyada xalay magaalada Gaalkacayo ka dhacay aysan wax khasaare ah geysan, waxaa hadana si weyn looga dareemay dhamaan magaalada, waxayna kusoo aadayaan xilli amaanka Gaalkacayo uu bilihii u danbeeyey ahaa mid aad u wanaagsan.
Source-Hol

Markab sida saanad Milatari oo ku soo xirtay Dekada Kismaayo

$
0
0

Sida ay ku waramayaa ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheeaya in xalay Dekada Kismaayo uu ku soo xirtey dekada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose markab sida saanad ciidan.
Qaar ka mid ah shaqalaha dekada oo u waramey mid ka mid ah warbaahinta muqdisho ayaa u sheegey in xalay halkaasi uu ku soo xirtey markab wada saanad Ciidan iyo Saraakiil sida la sheegey u dhashatey wadanka Sirloin oo ah wadamada qeybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta Amisom.
Sriloone  ayaa waxa Soomaaliya ka joogo oo ka qeyb qaadanaya Howlgalka loogu magic darey Amisom ee nabad ilaalinta Ciidamo aan la garaneyn tiro ahaan inta ay gaarayaan waxayna haatan joogaan cidiankaas oo tiro ahaan sida la sheegey aad u yar magaalada muqdisho.
Magalaada kismaayo ayaa shalay iyo xalay waxaa ka dhacay dagaalo wajiyo kala duwan leh waxa ayna xiligan ay ku soo aadeysaa iyadoo magaalada kismaayo aad u kacsantahay xiisado dagaal oo ka jira iyadoo xalay fariisimo fara badan oo ay huwanta ku sugan kismaayo leeyihiin ay soo weeraaryen Ciidanka Alshabaab.

Kenya oo waan waan ka dhex wada Raas kaambooni iyo Dowladda

$
0
0


Kismaayo(Sh.M.Network)—Wararka Naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku soo waramayaan in Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaaladaasi ay waan waan ka dhex wadaan Maleeshiyaadka Raas Kaambooni iyo Ciidamada dowladda ee shalay halkaasi isku fara saaray.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in maanta gabi ahaan lagu guuleystay in la kala qaado  labada dhinac walow aan weli xal buuxa laga gaarin khilaafka labada dhinac hase ahaatee masuuliyiin ka qayb gashay kulamadaasi waan waanta ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in inta laga soo afjarayo xiisaddaasi ay sii socon doonaan kulamadaasi
Wadahadaladaan ayaa Masuuliyiinta ka qayb galeysa waxa ay idaacadda Shabelle usheegeen in saacadaha soo socda la filayo in ay ka soo baxaan qodobo la taaban karo oo wax ku ool unoqda Xaaladda  Magaaladaasi Kismaayo
Saraakiishaan Kenya ee isu taagay in ay kala qaadaan labada Ciidan ayaa la sheegay in si’aada ay uga xumaadeen dagaalkaan dhexmaray labada dhinac iyagoo sheegay in ay ka go’antahay in ay kala dhex galaan  oo ay xaliyaan khilaafka labadaasi Ciidan ee kuwada Sugan Magaalada Kismaayo.
 

Madaxweynaha Somaliya oo markii ugu horeysay gaaray Magaalada Nairobi “Siyaasad Xasaasi ah”

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu markii ugu horeysay uu gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya, tan iyo markii 10-kii bishii September ee sanadkaan loo soo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayay, oo maanta ka amba baxay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, ayaa waxay gaareyn Magaalada Nairobi. Madaxweyne Xasan [...]


Madaxweynaha Kenya oo sheegay in amni darada Kenya ka jirta laga soo qorsheynaayo Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Kenya oo lagu xanto in uu yahay nin isbed bedel badan, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dhibaatada ka jirta dalka Kenya, ay u sabab tahay dalka Somaliya oo uu sheegay in laga soo abaabulaayo. Madaxwayanaha dalka kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in dalka kenya ay ka dhaceen weeraro argagixiso oo laga soo [...]

Cidamada Puntland oo howl gal dad badan lagu soo qabtay ka sameeyay waqooyiga Gaalkacyo

$
0
0


Gaalkacyo(Sh.M.Network)—Howl galkani oo maanta Ciidamada Maamulka Puntland ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan waqooyiga Magaalada Gaalkacyo sida Horseed,Israac,New Baqdaad iyo Horumar ayaa waxa ay ku soo qabteen  kooxo ka tirsan AL shabaab oo falal dhibaato ah ka sameynayay Magaaladaasi Gaalkacyo
.Howlgalkani ayaa waxa uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Gaalkacyo Gaar ahaan xaafadaha waqooyi ee Magaaladaasi oo hoostaga Maamul Goboleedka Puntland
Howlgalladaani ayaa yimid xilli muddooyinkii dambe deegaanada Maamulkaasi ay ka dhacayeen dhibaatoooyin kala duwan oo ubadan weeraro lagu qaaday Ciidamada ammaanka Maamulkaasi Puntland
Howlgalkii ugu dambeeyay ee ciidamadu ay ka sameeyeen Magaalada ayaa waxa ay ku soo qabteen rag ay sheegeen in ay qayb ka ahaayeen falalka ammaan darri ee maalmihii dambe ka taagnaa Magaaladaasi
Taliye  ku xigeenka Ciidamada ammaanka Maamulka Puntlan oo Gaalkacyo warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadka ay soo qabteen ay dhigeen xabsiga dhexe ee Magaaladaasi

Ururada Siyaasadeed ee isu diyaarinaya ka qayb galka doorashada Puntland oo sii kordhaya

$
0
0


Garoowe(Sh.M.Network)—Illaa labo Urur Siyaasadeed  oo ka mid noqonaya dhinacyada isu diyaarinaya in ay Hogaamiyaan Puntland ayaa looga dhawaaqay qaybo ka mida deegaanada Maamulkaasi Puntland.
Ururadaan Siyaasadeed oo  lagu kala Magacaabaa Talo wadaag iyo Gaheyr ayaa waxa ay ka mid noqonayaan Ururada Siyaasadeed ee Kaqayb gali doona doorashada Maamulka Puntland
Madal lagu soo bandhigay Magacyada Xubnaha Ururadaan ayaa waxaa Masuuliyiin ka soo qayb galay ay sheegeen in magacaabista iyo ku dhawaaqista Ururadaan looga golleeyahay  in ay kaalintooda ka qaataan doorashada Puntland oo dhawaan la filayo in ay dhacaan
Madaxda Hogaamineysa Ururadaan ayaa shaaciyay in ay wax ka bedeli doonaan arimaha adeega Bulshada deegaanada Maamulka Puntlan
In dhawanahaanba waxaa isi soo tarayay Ururada Looga dhawaaqayo Deegaanada maamulka Puntland taas oo  ah tallaabo looga gudbayo habka qabaa’ilka doorashooyinka puntland horay looga qayb gali jiray

Amnesty oo ka hadashay go'aanka Kenya

$
0
0

Hey'adda xuquuqd aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay mid aan sharci ahayn go'aanka dowladda Kenya ee dhammaan dadka qaxootiga ee ku nool magaalooyinka lagu geynayo xeryaha.

Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Kenya “Daawo Sawirada”

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashu ku tagay Kenya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxeey kulan la yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki. Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa waxuu ka kooban yahay Wasiiro, Safiiro iyo Diblomaasiyiin. Labada Madaxweyne iyo Wasiiradda labada dal ayaa waxeey galeen kulan uu albaabadda u [...]

Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q1AAD: by Bashiir M. Xersi

$
0
0

Inta faraxsan kuma jiro, inta hambalyeynaysa kama mid ihi, inta
jadbaysanna haba igu soo qaadin, maxaa iga reebay? Adaa ogaan doonee, bal ila
sii dhiraandhiri qormada. Jabuuti baa kulan ka dhacayaa, maanta looga hadli
maayo sidii Soomaali loo NABADYN lahaa, ee waxaa loo fadhiyaa
af Soomaaliga, af Soomaali aa? Haa, af Soomaali baa loo joogaa,.

Imisaad maqashay shir dib u heshiisiin baa Jabuuti ka dhacay? Meeqo
ayaad maqashay Madaxweynaha Jabuuti ayaa arrimaha Soomaalida ka hadlay? Ma
yara, mana la soo koobi karo, haddana, maanta si kale baa xaalku yahay, dhan
walba, heer Jabuuti ciidan u soo dirtay gudaha Soomaaliya, wax walba waa lagu
sheegi karaa, balse, waan u soo laaban doonaa.

Maanta waxaa loo fadhiyaa shir AF ku sheegan, waxaa fadhiya gadaahiibtii,
xeeldheerayaashii; Dhaqanka, Hiddaha iyo Afka Soomaaliyeed
. Soomaalida
dhexdeedana magac ku leh, ayna ka mid yihiin:
Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame
"Hadraawi" Xuseen Sheekh
Axmad "Kadare" Aw Jaamac Cumar Ciise, Abwaan Cabdillaahi Macallin
"Dhoodaan" Abwaan Xasan "Ganey" Prof Siciid Saalax Axmed,
Prof Cabdalla Maansuur, Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Prof
Giorgio Banti, Axmad Faarax Cali "Idaajaa" Dr Jaamac Muuse Jaamac,
Cabdillaahi Sheekh Axmed, Prof Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw
Geeddi, Maryan Caarif IQB.

Sida magacyadaba laga garan
karo, meesha waxa looga hadlaa waa af iyo dhaqan, ee siyaasad iyo
sad kursi midna ma yaalliin, haddana, iyaduba siyaasad kaba marnee, aan wax yar
ka dhaho sida xaalku yahay iyo meesha loo socdo, ee aan marna ka marnayn dan
gaar ah, yaa se leh?

Maalintii afka Soomaaliga
la qoray ama la qorayey, marna maanka lama galin in Jabuuti marti looga noqon
doono, haddana, waa adduun iyo xaalkiise, oo danuba tiri.  Saday u dhacday dawladdii Soomaaliya,
waxaa la dumay waxyaabo badan oo aan dawlad iyo maamul la’aan hore u socon
karin, ee maalintaa maxaa dhacay?

 

Shirkii Jabuuti 1991

 

Maalintii dawladdii dhacday
shirkii u horreeyey ee Soomaali loo qabtay wuxuu ka dhacay Jabuuti, dhacayna
bartamihii bishii Maarso gugii 1991-dii. In kasta oo aan wax weyn ka so bixin,
haddana, waxaan dhihi karaa, wuxuu ahaa shirkii Soomaali kala shiilay, waxaana
laga garan karaa kii xigay sida wax u dheceen, oo qabsoomay bishii Luulyo isla
hilaadadaa, oo Cali Mahdi Maxamed
loogu soo doortay Madaxweyne KU MEEL GAAR ah.

Waxaa mudan in la xuso Cali Mahdi Maxamed kama mid ahayn raggii
u soo Jabhadeeyey sidii Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre
xilka looga qaadi lahaa, haddana, sidee ku dhacday, raggii Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre
qori caaraddiis uga saaray Madaxtooyada iyagoo Muqdisho jooga inaan shirkaa
laga qaybgalin? Adba ugeedka laga lahaa halkaa ka garo.

Sida caadigaa ama maangalka
ah waxay tahay, inay kala mudan yihiin nin arrin u soo dhabar jabay iyo
nin  maanta soo isgaatay, ee aan
waxba u soo qaban. Kuma lihi Cali Mahdi
lug kuma lahayn talada xilka looga qaadayo Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre, balse,
Jabuuti taa baddalkeed baa ka dhacday, oo waxaa shirkaa lagu abaalmarshay rag
aan u soo dhibaatoon sidii Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre
xukunka looga tuuri lahaa, kaaga darane, waxayba u badnaayeen raggii shalay
baallaha uga jiray Rajiimka, waxaa
xusid mudan, in ay Muqdisho ka dheceen mudaharaadyo looga soo horjeedo shirkaa
iyo natiijada ka soo baxdayba.

Shirkaa waxaa laga dhaxlay
dagalkii ugu horreeyey ee dhacay maalintii Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre
isaga baxay dalka, wuxuu ku caan noqday DAGAALKII AFAR BILOODKA, wixii ka
dhacayba ka sheekayn uma baahna, oo Cali
Mahdi Maxamed
iyo Gen. Maxamed Faarax
Caydiid
ay hormuud ka ahaayeen, sida loogu riiqmay iyo rafaadka ka dhashay
wali way dambayeen.

Haddii dibiritaa nagu
dhacday, Al Xaji Jabuutina sabab u
ahaa, illeen qof lagu yiraa madax baad noqonaysaa si uu ku diidaa waa adag
tahaye, waxaa tihaa lagu jiray toban
sanoo dhalatay oo dhammaatay
, intaa Jabuuti bannaanka ayey ka eegaysay,
maba ahan dawladdii shalay masuulka ka ahayd inayd macmalka KU GEERKA
soo samaysay.

 

Shirkii Carta 200

 

Haddii halkaa toban sano ku dhammaatay, oo Waqooyi
gooni isu taagay, Bari maamul beeleed laga sameeyey, walina leh waxaan ku dhex
jirnaa Soomaali, aanse dhaqankeed lahayn, ayaa waxaa mar kale lagu qabtay
Jabuuti shir dib u hishiisiineed, shirkaa oo ku caan baxay SHIRKII CARTA, madaama
lagu qabtay tuulada magaceedu yahay CARTA, wuxuu ahaa shirkii ugu
ballaarnaa ee Soomaali loo qabto, sidii ay u dhacday dalwaddii, illeyn waxaa
jiray shirar ka dhacay Addis Ababa iyi Qaariha.

Shirkaa wuxuu ahaa aafadii
labaad ee Jabuuti Soomaali u gaysto. Adba
ila eeg. Waxaa jirta xan hoose oo ku aaddan Madaxweyne
Ismaaciil Cumar Geelle
, oo ah inuu ka mid yahay KOOX DIIMEEDKA loo yaqaan
TABLIIQ,
oo u dhaqdhaqaaqda qaab DACWADEED aan ku jirin rabshad iyo
qas, inay run tahay iyo in kalaba, Geelle
wuxuu awood qaybsiga Siyaasadda Soomaalida ku soo daray
laba cunsur oo qatar ku ah, kaliya mahane, dimoqoraadiyaddana dhan ka ah, ooba
cuuryaamiyey.

Shirkii Carta ee Jabuuti waxaa ka soo qaybgalay qaybo badan oo ka mid Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada
Bulshada, Abwaaniin, Fannaanin
iyo dabcan Odayo dhaqameed. Shirkaa
wuxuu ahaa shirkii u horreeyey oo qaab BEELEED looga qaybgalo, intii hore shirar
la qabtay, dhammaan kuwii waxaa lagu tagi jiray magac URURSIYAASADEED, dabcan
badankood waa qabiil la siyaasadeeyey, balse, sida shaarka looga siibay hore
uma dhicin.

Shirka waxaa looga
qaybgalay qaab BEELEED, waaba la ogaa in shirka dhexdiisa UGAASYO aan waligood la
maqal lagu magacaabay, qaar kale, shirkaa ka dib ayey samayasteen UGAAS
guud
, oo aan sooyaalka lagu sheegin, waad iska garan kartaa, waa boos
buuxin iyo magac bug ah.

Cunsurkaa liita ee ah BEELO
in shirka looga qaybgalo, waxaa sii dheeraa inay mar kale Soomaali u horseedeen
dhibaato lixaad leh, haddii awalba uu jiray dhaqan
xun
oo la xiriira HAYB SOOC iyo ISIR TAKOORBEELAHA
qaar lagu hayo, sidee loo soo qaatay ama loo maaniyey in BEELO badan inta la isku
daro laga dhigo hal beel? Middan waxay ahayd tii labaad ee Jabuuti Soomaali ku dhabarjabiso.

Waligeed Soomaali lagama
maqal wax la yiraa AFAR iyo BAR, waxaa laga dhaxlay Shirkii Carta, oo dad badan oo Soomaali
ah u arkaan Shir XALAAL ah, aniguse aan dhihi karo wuxuu ahaa shirkii ugu XAARAANsanaa,
maadaama u horseeday HAYB SOOC kii ugu darnaa ama ugu
xumaa.

Nacaybka Xabashi ama Kenya loo qabo, yeysan naga qarin inta xumaan noo qooshtay Jabuuti, isagama kacsani oo dhirif gaar
ah ima hayo, balse, waxa aan ka hadlayaa waa dhacdooyin iyo taariikh qoran,
qaarna wali taagan yihiin, oo aanba dhammaan, lase qori doono.

Waxaan jeclaan lahaa inaan
sii xoojiyee, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, inuu
Soomaali kala qaybshay ee waliba kala fadilay kuma ekaynsan, ee wuxuu la soo
baxay wax aan siyaasad iyo sirteed ku shuqul lahayn, markii Baarlamaankii la dhisay, ayuu la haray magacaabidda toban Xildhibaan, la yaabku
wuxuu ahaa markuu ka dhigay TOBAN WADAAD, xisaabta ku darsada, xilligaa
Muqdisho waxaa si xawli ah uga socotay wixii dib ka noqday MIDAWGII MAXKAMDAHA, una
sii xuub siibtay ALSHABAAB.

Waa iga su’aale, tobankaa Xildhibaan ma waxay matalayeen Beesha Jabuuti? Dabcan inaysan magaca Beesha Jabuuti ku soo galin way caddayd,
haddana, qofkii jago aadan mudnayd kuu dhiiba, xil gaar ah baa idin ka dhexeeya!
Aanba si kale u dhigee, yey mataleen tobankaa, marka laga soo tago in la yiri; Madaxweyne Geelle ayaa lagu sharfay?
Anigu ma garan.

Midda kale, maxay ka
walaxtay in Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu kali la noqdo magacaabista toban Xildhibaan oo Soomaali ah? Kaba xune, oo haddana, ka dhigay  toban
wadaad
, meesha ma xil siyaasadeed baa lagu qaybsanayey, ma xil wadaad, ma
xil beelo kala mudan yihiin, mise waxaa lagu dhisay dawlad Soomaali [Koofur iyo Waqooyi]? Run ahaan,
dhacdadaana wax ka gadooday ama ka hadlay ma jirin, iyana sidaa ayey ku martay.

Aan ku xasuusiyo, shirkii
Soomaali u horseeday colaadda dagaalka sokeeye, ee ah dhismihii Dawladdii MANIFESTO ee Cali Mahdi Maxamed looga dhigay Madaxweyne, ee uu ka gadooday Gen Caydiid iyo xulufadiisii ay isla soo
jabhadeeyeen, toban sano ka dibna, AFAR iyo BAR ayaa Jabuuti noogu deeqday, kuma ekaysane,
waxay ku takri fashay inay u madax bannaanaatahay magacaabista qayb ka mid ah Baarlamaanka.

 

Shirkii Jabuuti 2008

 

Siddeed sano ka dib, waxaa mar kale shir la isugu tagay Jabuuti, ee kala
dhacay horraantii iyo dabayaaqadii sanadkii 2008-dii. Maalintaa shaarka AFAR
iyo BARKA
waxaa ku wehliya mid kale oo ka sii dacar badan, waana SHAAR DIIMEED, ha
illoobin shirkii Carta baa waxaa ku
jiray toban Xildhibaan oo Mudane
Geelle Magacaabay, oo dhammaan wada ahaa WADAADDO. Maanta waxaa shirka jooga
kuwo magac Diimeed ku yimid, aqriste,
maxaa kuu baxay? Isku xir fiican ma samaysay?.

Tobankii Xildhibaan ee shirkaa Geelle magacowday,
maanta waxay ku yimaadeen iyagoo koox hubaysan ah, ha moodin inay tobankii
yihiin, balse, toban aan tolnimo lagu siin, ee Geelle loogu deeqay ayaa waxaa ka dhashay toboneeyo kale, xaggee
xaal ku dambeeyey?.

Shirkan dambe, wuxuu isna horseeday in lagu ansixiyo tiradii ugu badnayd
ee Baarlamaan Soomaali yeesho intii Dawlad Soomaali jirtay, waxaana taa
keenay ka dib markii ay meesha yimaadeen tiro aan yarayn oo magac diin ku
socoto, horana ay u joogeen 275 magaca AFAR iyo BAR
ku joogay.

Waxaa lagu go’aan saday in tiridaa beelaysiga xun ah lagu daro intoo
kale oo WADAADDO ah, ee haddana, iyaguna qaab BEELEED ku sii qabsaday.
Midda la yaabka ah baa ahayd, SHARIIF SAKIIN goormuu WADAAD
noqday, illeen kuwaa ayaa ku soo galay magacaaye? Kaba darane, ma garan waayeen
marba haddii awood qaybsi la joogo, in labada BALAAYO mid laga
taqalluso, ee kala ah BEELAYSI iyo DIIMAYSI, oo ay mid uun
qaataan?! Dhibka baase ahaa inay labadii BELO ay wada qaateen, ayna sababtay
in Baarlamaanka la gaarsiiyey 550, oo
aan u baxshay: TIRO BADNE, TAYO YARE!

Qaybaha soo socda waxaan ku eegi doonnaa kaalinta Jabuuti Soomaaliya ku
lahayd afartii sano ee u dambaysay, anoo ku soo xiro doono shirkan afka ku
saabsan iyo sida wax yihiin.

 

F.G: Fisha qaybta xigta ee qormada.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

Djibouti’s President war against democracy under the world’s nose Hide


Daawo Sawirada:Ahlu Sunna oo Beenisay Warar shegaaye İn khilaaf kala dhaxeeyo Dowlada

$
0
0

Shir Jaraa’id oo ay maanta si wada jir ah ugu Qabteen magaladda Muqdisho Af-Hayeenka Golaha sare ee Ahlu sunaha waljamaca Sheekh C/qaadir Maxmaed Sheekh Soomoow, Gudomiyaha Ahlusunah ee Gobolka Banaadir sheekhkh Axmed Sheekh Aadan Dheere( Shuqul) iyo Gudoomiye ku xigeenka Golaha sare ee Ahlu sunnah Sheekh Axmed Cali Osmaan ayey kaga hadleen Mawqifkooda ku aadan Golaha sare ee ahlu sunah iyo doorka ay ku leeyihiin siyaadadda dalka Soomaaliyeed iyo taageeradda buuxdda e ay u haayaan dawladda Soomaliyeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Masuulyiintu waxay kaloo ay shirkoodda ku faah faahyiyeen dadaalka Ahlu sunnah ee la xiriira nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya iyo ka xureynta Kooxdda Al -Shabaab ee weli ku sugan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan ka qeyb qadashadda arintaasi.
Mas’uuliyiinta waxay kaloo ay si cad u qeexeen inaanu wax khilaaf ah kala dhaxeynin dawladda Federaalaka Soomaaliya ayna isku ujeeda ka yihiin mar haddii ay hal meel uga soo wada jeeddaan cid kasta ee dumineysa qaranimadda dalka Soomalaiya, waxayna hoosta ka xariiqeen in hadalkii dhawaan ka soo yeeray Sheekh Maxamuud Macalin Xasan uu yahay hadal isaga ku kooban oo aysan jirin cid uu ku matallo ama la wadaagta, Golaha sare ee Ahlu Sunanna aysan qof kaligiis ah ku hadli Karin magacooda.
Xubnahaasi maanta shirka jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sidoo kale waxay sheegeen in Ahlu sunna aysan marnaba dawladda federaalka Soomaliya ku ahayn qodox taagan ayna diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan horumarka iyo iskaashiga la xiriira sidii dalka iyo dadka Soomaliyeed loo gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo.
Guluhu wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacbiga Soomaliyeed inay gacmaha is qabsadaan oo ay la shaqeeyaan dawladda federalaka Soomaaliya, kana hortagaan cid kasta ee dib u dhigeysa hanaanka nabadda ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu samatabixinaayo.

Daawo:Madaxweynihii Hore Puntland oo Gaaray Boosaaso İyo Faroole oo Kanaxay

$
0
0

Waxaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaaray Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi ( cade Muuse ) kaa oo mudooyinkan ku maqnaa Dalka dibadiisa.
Jem Cadde Muuse Waxaa Magaalada Boosaaso kusoo dhaweeyay dadweyne fara badan oo ku farxasanaa imaanshiyihiisa xiligan adag Puntland , isagoona Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayuu sheegay in uu u yimid maslaxada Puntland sidii uu uga shaqeyn lahaa.
HALKAAN KADAAWO

Dood: khilaafka siyaasadeed ee Puntland

$
0
0

Maamul-goboleedka Puntland waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh iyadoo ay soo dhowdahay waqtigii ay xafiiska joogi lahayd xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaam Sheekh Maxamed.

Qayb Lagu Xanaaneyo Dadka qaba Xanuunka Dhimirka oo Lagu Siyaadiyay Xarunta Isbitaalka Nasrulaah

$
0
0

 
Xaflad Balaaran oo Lagu furayay Qaybta dhimirka kana Dhacday Xarunta weyn ee Isbitaalka Nasrulaah Magaalada Galkacyo  ayaa waxaa ka Soo Qayb galay Madaxweyne Kuxigenka Galmudug C/samad Nuur Guuleed,Wasiirka Caafimaadka Dr.C/laahi Xasan Cilimi (Jeemis),W/Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Axmed Shariif Cumar Max’ud,Maamulaha D/sare ee Mudug Secondary Siciid Cosoble iyo Marti Sharaf kale oo Xaflada lagu Casuumay .
Furitaanka Xarunta ayaa waxaa Ugu horay ka hadlay wasiirka Caafimaadka Dr.C/laahi Xasan Cilmi wuxuuna sharaxay Muhiimada ay leedahay Hirgalita Goob lagu Daryeelo dadka qaba Xanuunka Dhimirka isagoo sheegay in ay tahay Talaabo aad Muhiim u ah oo mar hore loo Baahnaa in la sameeeyo ayna Wasaaradu Si weyn u soo dhaweynayso kalana shaqayn doonto dhinacyada adeega Caafimaadka,wasiirka ayaa intaa ku daray in Furitaanka Xarun gaara oo ay sameyan Isbitaalada Privetka ah tahay mid horumar ah isla markaana  ay dowladu dhankeeda wado qoshe lagu xaraynayo Dadka dhimirka looga jiro Balse hadana Xarunta Gacan weyn siin doonan Maadama ay Dhalinyarada iyo Maamulka Isbitalka Nastulaah isku Xilqaameen arinkaan.
Waxaa Isna Xaflada Ka hadlay Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug C/samad Nuur Guuled oo Marha hore u Mahad celiyay Maamulka Isbitaalka iyo Dadkii soo qabanqabiyay kadibna wuxuu sheegay inay Galmudug soo dhaweynayso shaqsi kasta oo ku soo kordhiya adeeg horumar ah  isla markaana ay taagero buuxda uFidin doonan Xaruntan wuxuuna ku Booriyay in ay wadaan dadaalka Dhinaca Caafimadka ah.
Sidoo kale waxaa sharaxaad ka Bixiyay Furitaanka Qaybta Dhimirka Maamulaha Isbitaalka Nasrulaah C/raxmaan Macalin (Nadaara) oo sheegay in ay wadeen qorshaha ay ku hirgaliyeen Xaruntan Mudo 3bilood ah ayna ugu tala galeen in ay ku soo aruurshan Dadka Xanuunka Maskaxda ama dhimirka qaba kadib markii aan  aragnay in ay jiraan baahi weyn oo ka jirta dhanka Dhimirka isla markaana ay jiraan dad aad u farabadan oo qaba Xanuunkan ayan go,aan sanay in aan u Samayno Qayb u gaara iyo Dhaqaatiir ku taqasusay ma jirto cid ilaa iyo hada gacan naga siisay kaliya waxaa qaban qaabada iyo hirgalinta Xarunta nagala qayb qaaatay Ururka Caafimaadka Galmudug basle waxaan ilaah ka rajaynaynaa in aan u Samayno Xarun weyn oo u gaara ayuu Yiri Mr.Nadaara Maamulaha Isbitaalka Nasrulaah.
Waa Markii ugu Horaysay ee Xarun Xanaanada Dadka ay Haysato xanuunka dhimirka Laga hir galiyo Magaalada Galkacyo Qaybta uu Ka arimiyo Maamulka Galmudug waxayna noqonaysaa Talaabo Muhiima oo ay Bilaaben Maamulka Isbitaalka Nasrulaah waxaana Adeegan lagu Caawinayo dadka xanuunsan soo dhaweeyay Shacabka Galmudug

Nabadoono Lasiidaayey Iyo Kuwa Lagu Xiray Xabsiga Garoowe

$
0
0

 
Wararka hada naga soo gaaraya Degmada Garoowe ee casimadda puntland ayaa sheegaya in goor dhaweyd lasoo sii daayey qaar kamdi ah nabadoono ku xirnaa xabsiga garoowe kuwaasi oo loo xiray hadlo kadhanka ah maamulka oo ay ku dhaliilayaan mudda =da halka sano ah ee maamulka madaxweyna faroole uu ku darsaday
 
Waxgaradka lasii daayey ayaa waxa ay kala ahaayeen Nabadoon Shirwac. Sahal cabdisalaan. Shoombe Maxamuud afcase.
Dhankakake waxaa wali xiran oo xabsiga kujira Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.
Waxaa kaloo xabsiga caawa la dhigay Eng Cabdirisaaq Burgal Xaaji Xassan oo kamdi ahaa dadka sida wayn looga yaqaan Gobolka Mudug.kaasi oo  aan la ogayn sabata loo xiray hasa ahaatee waxaa jira warar sheegaya in uu sicad udiiday in uu taageero muddo kordhinta

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live