Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

A Senior police officer killed in Garowe, Puntland

0
0


A senior Puntland police officer was last night killed at Garowe, Puntland province of the Somalia Republic. The deceased who was mentioned as Col. Abdullahi Hussein alias (Gaal-dile) was killed by a group of unknown young men as he came out of Al Rahma Mosque.
 According to an eye witness, Mr Hussein was shot at close range by the gang who drove away very fast.
“He was standing in front of his car when he was shot by the gang of young men holding pistol and who seemed to have been waiting for him,” Said the eye witness.
Through telephone conversion, Hiiraan Online learnt that there has been no arrest so far and the police are carrying on investigation to arrest the culprits.
Garowe town has been notorious in the recent days, there has been a series of attacks targeting the security agents and also local leaders among them are late Col. Abdullahi Salah and Member of Parliament Abdiqadir Mahamud. Al-shabaab fighters have reportedly moved to Puntland in recent months gain ground in their stronghold of in the southern part of the country after the African Union-backed government forces in evicting them from their base in the port city of Kismayu.
This incident comes a day after the Somali president, Hassan Sheikh Mahamud, speaking in Nairobi stated that the Somali government is not going to spare any criminal or anyone who is going to disrupt the peace status in the country.
“The laws in Somalia are clearly stated and there will be no compromise to law breakers and none of those who break the state law will be spared because the law will deal with them accordingly,” Said Mr. President.
He urged the residents to collaborate with the police to help make Somalia a peaceful and change her face before the world.
At the same venue he note that salaries of the security forces will be increased to boost their morale as they carry on their duties of maintaining law and order and ensuring the state’s security.
Source-Hol


Kulan ay Xidhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xaruntooda Muqdisho oo kusoo dhamaaday Natiijo la’aan

0
0


Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaaday miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka 2013, iyadoo xildhibaannadii hadlay qaarkood ay sheegeen inaan la faah-faahin miisaaniyadda.
Miisaaniyaddan oo cadadkeedu yahay $103.893,092 (In ka badan boqol iyo saddex milyan oo dollarka Mareykanka ah) ayay xildhibaanadu sheegeen inaan lagu caddeyn mushaaraadka ciidamada dowladda iyo kharashaadka ku baxaya xafiisyada madaxda dowladda.
Wasiirka maaliyadda, qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Maxamuud Xasan Sulyemaan ayaa su’aalo lagu weydiiyay kuanka maanta oo ay soo xaadireen 156 mudane oo ka mid ah 275 xildhibaan ee uu baarlamaanku ka kooban yahay.
Doodo badan kaddib ayaa wuxuu kulanku isku bedelay buuq iyo sawaxan, iyadoo ay xidhibaannada qaarkood ku qalinayeen erayo ay ku dalbanayaan in dib u habeyn lagu sameeyo miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka 2013-ka.
Xildhibaannada qaarkood ayaa waxay dalbadeen in la yareeyo safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka calaamka, sidoo kalena waxay codsadeen in aad loo yareeyo kharashaadka ku baxa xafiisyada madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoo ku taliyaya in kharashkasa loo adeegsado sugidda ammaanka.
Ugu dambeyn, waxaa kulanka soo xiray guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar oo sheegay in xidhibaannadu ay berrito isku soo laabtaan si looga doodo mar kale miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadka soo socda.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo xildhibaannnada baarlamaanku ay yeeshaan oo buuq ku dhammaada, tan iyo sidii loosoo magacaabay baarlamaanka federaalka Soomaaliya bishii Ogoosto ee sannadkan.
Source-Hol

Garab ka tirsan Jabhadda ONLF oo sheegtay inay Wadahadallo Nabadeed la Furanayaan Dowladda Itoobiya

0
0

Garab ka mid ah jabhadda ONLF ayaa sheegay Axaddii shalay inay raadinayaan sidii ay wadahadallo nabadeed ula furan lahaayeen dowladda Itoobiya oo muddo ka badan 30-sano ay dagaal kula jireen.
Jabahadda xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa tan iyo sannadkii 1980 waxay kula jireen dowladda Itoobiya dagaal ay ku doonayeen in dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya uu noqdo mid ka madaxbannaan xukunka Addis Ababa.
Wakiilka ONLF ee bariga Afrika, Cabdinuur Cabdulaye Faarax ayaa sheegay inuu ku sugan yahay xarunta dalka Itoobiya isagoo rajeynaya inuu wadahadal la yeesheen xukuumadda Itoobiya, mana uusan sheegin cid dhexdhexaadinaysa iyaga iyo Itoobiya.
“Dadka intooda badan waxay aad u doonayaan nabad. Dad aad u yar ayaa hadda taageera jabhadda,” ayuu Faarax ugu sheegay wariyeyaasha garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa. Isagoo intaas ku daray in fikirkan uu salka ku hayo sidii ay dadka ku nool deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku heli lahaayeen nabad.
Garabkan wadahadallada la furayaan dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in 80% ay iyaga hoos-ymaadaan xoogagga ONLF; iyadoo la xusuusto in dowladda Itoobiya iyo garab horay uga go’ay jabahaddan ay wadahadallo nabadeed u furmeen.
“Wadahadallo hordhac ah ayaa ONLF iyo Itoobiya ku dhexmaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya laba bilood ka hor,” ayuu yiri Faarax oo sheegay inay aqbali doonaan shuruudaha lasoo jeediyo.
Garabka ONLF ee uu hoggaamiyo Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa iska diiday inay qayb ka yihiin kooxaha wadahadallada la furaya Itoobiya, iyadoo war garabkan kasoo baxay lagu sheegay in xubnaha sheegaya inay Itoobiya la hadlayaan aysan ka mid ahayn ururka.
Dowladda Itoobiya ayaa muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay u dhameyn lahayd dagaallada ka socda gudaha dalkaas, waxaana ay horay ula heshiiyeen ururkii xoreynta Somali-galbeed, kaasoo si rasmi ah uga mid noqday xukuumadda Addis Ababa.
Source-hol

Daawo: Sidii Ay U Dhacday Doorashadii Meeyarka Ugu Da’ada Yar Somaliland Ee Loo Doortay Degmada Lughaya

Jaamcadda Camuud oo furtay xafiis cusub oo k shaqayn doona adeega sharcigga

“Badhasaabka Maroodi-Jeex Hadda Ayuu Ka Soo Baxay Dambi, Waxaana Ka Qoran Ambiil Ay Xeer Ilaalintu Ka Qaadatay Oo Yaalla, Waxaanad Moodaa In Loo Soo Magacaaday Inuu Hawshan Fuliyo” Xildhibaan Dogox

0
0

Xildhibaan  Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox) oo ka mid ah 25-ka Xildhibaan ee Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa uga soo baxay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee 28-kii bishii hore dalka ka dhacday, kana soo baxay Urur-siyaasadeedka Xaqsoor, ayaa ku tilmaamay Maayirka iyo maayir ku xigeenka cusub ee loo doortay Caasimadda Hargeysa qaar aan ku iman doorasho, balse ay yihiin qaar ay Xukuumaddu soo magacawday oo sharciga baal marsan.
Xildhibaan Dogox oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn ugu hanqal taagayey inay ku guulaystaan jagada Maayirka Hargeysa, isla markaana ka mid ahaa 10-kii xildhibaan ee Maalintii dhaarinta iyo Doorashadii Maayirka iyo ku xigeenka ka maqnaa, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumaddu arintaasi shir qooshay oo aan la soo ogaysiinin garabkooda, waxaanuu taas ku eedeeyey Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarji), isaga oo ballan qaaday inuu la shaqayn doono Maayirka iyo Maayir ku xigeenka, waxaanuu  sheegay inuu u tudhay dalka iyo dadka.
Xildhibaan Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox)  oo galabta  shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa waxa uu yidhi “ Maalintii uu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur Hutel Maansoor qadada noogu sameeyey, wax ujeedo ah uu uu ka lahaa noomoo sheegin, hadana Habeenkii Xilli dambe ayaanu maqalnay inay jiraan dad is urursaday oo 15-xildhibaan ah, kuwaas oo la sheegay in maalinta Berri ah (Axaddii) la dhaarin doono, markii aan Badhasaabkii waydiiyey ee aan ku idhi maxay sidaasi ku dhacday waxa uu igu yidhi waxaan moodayey inaad ogtihiin intiina kale, anaguna 10-xildhibaan ayaanu ahayn oo cid na soo ogaysiisay ma jirto, subixii markii aanu soo toosnayna waxaanu ogaanay in Maayir iyo ku xigeen la doortay,  waxaan leeyahay arintaasi waxay u dhacday si xaaraan ah mana jiro maayir la doortay ee waa la magacaabay ayaan aaminsanahay,  waxaana la doonayey in laga faa’iidaysto oo waddanka qas laga abuuro,  aniga (Saleebaan Dogox) maayirka wax naga dhexeeyaa ma jiraan haddii la soo magacaabay waxaan qabaa inuu si ka wanaagsan ku iman lahaa, laakiin waanu la shaqaynaynaa mar haddii la soo magacaabay, mar walbana waxaan aaminsanahay inuu yahay maayir iyo ku xigeen la soo magacaabay oo aan la soo dooran”
Xildhibaan Saleebaan Dogox waxa uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Waxaanu la aamusnayn inaanay waddanka dhibaato ka dhicin oo aan caruuri ku dhiman, qofkuna haddii uu wax isla hayo inuu tartamo ayaa qurux badan, taas ayaanu diyaar u ahayn,  laakiin haddii  uu boob dhacay ciddii boobtay ayey sharaf xumo u tahay anaga laakiin nooma aha,  waxaan sheegayaa inaanay hayan magacaabista Maayirku mid isaga lagu eedayn karayo, laakiin waa mid ay Xukuumaddu ka dambayso,  Dawladdu Badhasaab ayey soo magacawday, kaas oo sida la ogyahay hadda uun ka soo baxay  dambi, waxaana ka qoran ambiil oo ay xeer ilaalintu ka qaadatay oo hadda yaalla oo qoran, maalintii la soo magacaabay maalintii ka dambaysayna fadhi ayaa la qabtay, waxaanad arkaysaa in loo soo magacaabay inuu hawshan fuliyo, meeshana ma gasho in laba nin oo isku reer ah midna Badhasaab loo magacaabo mid Maayir loo habeeyo,  waaxana shaqsi hadda leh dambi ayaa la iga galay oo Xukuumaddu iga gashay oo inta xidhay ayaa hadana la soo magacaabay, Laakiin waxa hawshan oo dhan ku shaqo leh Wasaaradda Arimaha Gudaha”
Xildhibaan Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox)  oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Haddii la doonayo in Somaliland la baabiiyo waxaan leeyahay anagu Somaliland waxaanu nahay aniga iyo Beesha aan ka soo jeedaa kuwii aasaasay, waxaan leeyahay nalooadeegsan mayo bur burka Somaliland, si kale oo loo bur buriyo mooyaane, waxaand moodaa in Doorashada Maayirka Hargeysa lagag jawaabayey tii berbera ka dhacday, dadweynaha reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa in dadka la cabudhinayo oo la leeyahay ha hadlina, yaas oo muujinaysa inaanay Xukuumadani Dimuqraadi ahayn oo haddii aanay Somaliland bur burin inta ay xukuumaddani haysato ay cawaaqib xumo kaga tegi doonto, waxaan u soo jeedin lahaa Xukuumadda inay faraha kala baxaan Doorashada, waxay ahayd in kaga bilaabaan Komishankii dhibaatadan gaystay oo Maxkamad la saaro ayey ahayd waayo dambi ayey galeen, laakiin Ururrada soo baxay waa la magacaabay Maayirada waa la magacaabay wax cadcadeedda loo taagnaa oo doorasho loo galay lama garanayo, waananu la shaqayn doonaa Maayirada la soo magacaabay oo waanu u dhaaran doonaa xilka naloo soo doortay ugana tegi mayno cidda loogu talo galay inay yimaadaan, shaqadana waanu ku ilaalin doonaa”
Xildhibaan Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox)  oo ka hadlayey Madaxweynaha waxa uu yidhi “Madaxweyne Siillaanyo waa nin Aqoon leh oo wax garanaya, laakiin ma aha sidani waxyaabihii laga filayey,  haddii dhexda la isku taagyo oo aan waxba loo gudbin karayn waa dhibaato, waxa u wanaagsan Madaxweynaha inuu ka tago sumcad wanaagsan laakiin sida ay wax u socdaan ka tegi maayo, marka la eego muddadii labada sanno iyo badhka ahayd ee xukuumadani jirto, waxaan leeyahay sida ay Xukuumaddu waddaa waa dad iska hor ken iyo Somaliland dumis ee ha laga daayo”

Daawo Sawiro Qurux Badan oo laga Qaaday Magaalada Muqdisho.

0
0

Maalinba maalinta ka horeeysa waxaa isa soo taraya Quruxda iyo Bilicda Magaalada Caasimaddda ah ee Muqdisho waxaa ka soconayo Magaalada Dib u dhisid iyo dib u soo celinta Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Muuqaalo indhaha u roon oo marka aad aragto aad ku farxeyso ayaan maanta idiin soo gudbineynaa waxaadna arkeysaa Magaalada Muqdisho oo bilicdeedii Bariisamaadka aheyd dib ay u soo noqoneyso.
Daawo Sawiradaan laga soo qaaday qeybo ka mid ah Daarada ugu qurxoon ee magaalada ayaan idiin soo gudbineynaa waana Shirkada Barakaad ama Horumuud ayaa ka mid ah Daarahaan aad arkeysaan ee nala daawada.

Maraykanka oo Ciidamo u Diraya Afrika

0
0

Warbaahinta ayaa qoraysa in Maraykanka uu 4-kun oo ciidan u dirayo 30 waddan oo ku yaalla qaarada Afrika si ay tababar u siiyaan ciidamada waddamada dagaalka kula jira kooxaha argagixisada.


‘Xukuumadda oo dhaqaale badan ku bixinaysa dhismaha ciidamada’

0
0

Xukuumadda Federaal-ka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhaqaale badan ku bixin doonto dhismaha ciidamada qaranka.
Wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan oo maanta xildhibaannada ay su’aalo ka waydiiyeen miisaaniyadda sanadka soo socda ee dowladda ayaa sheegay in miisaaniyadda ay mudnaan gaar ah siinayso ciidamada.
Wasiirka waxa uu sheegay in dhaqaalaha ku xusan miisaaniyadda xukuumadda ee ciidamada loogu talagalay aanay ku koobnaan doonin xisaabta la gudbiyay, balse ay ku bixin doonaan dhaqaale kale oo dheeraad ah, si ay u suuragasho sugidda ammaanka iyo difaaca qaranka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii labaad uga dooday miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya u gudbisay, iyadoo ay maanta xildhibaannada si gaar ah uga doodeen dhaqaalaha ku baxaya xafiisyada madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale dhaqaalaha ku baxaya ciidamada qaranka.

Maxaad u baahantahay in aad ka ogaato maalmaha loo yaqaano Boxing Day ee Premier League

0
0

Boxing Day waxaa si kooban loogu maneyn karaa dhanka mashquulka ciyaaraha marka laga eego Maalmaha lagu nasto fiirsiga Ciyaarha Ingiriiska oo si isdaba joog ah u dhaca marka fasaxa ciida Kirismiska lagu jiro.
Waa maalmo mashquulka Ciiyaaraha kubada cagta Ingiriisku uu gaaro meelaha ugu sareeya waxaana wada kasta oo maagaalooyin ay ka dhisnayihiin kooxaha waaweyn ka mid ah aad ku arkeysaa taageerayaa Jabeysa oo koox koox u taagan kana sheekeysanaya waxii soo dhacay iyo waxa la filan karo.
Taageerayaasha aan firaaqada badan u heli jirin in ay fiirsadaan Ciyaaraha qaar ayaa heliya fursad weyn oo ay ciyaaha ku daawadaan maadaama fasaxa ciida Kirismiska laguda galay.
Waxaa sidoo kale isbadalaya qaab ciyaareedka kooxaha England waqtigan oo kale oo waxa ay kooxkasta dooneysaa in ay badbaado guuldaro soo gaarta maaxaayeelay kumada la ciyaarayo ayaa ah kuwa isku xig xiga.
Intabadan kulamadan oo kale waxaa ka baxsada kooxaha ka badbaada dhawacyada iyo kuwa heysta ciyaartoy badal wanaagsan ah oo ay qaar nasin karaan qaar kalana ay ciyaarsiin karan.
Hada horyaalka England waxaa fooqa sare uga jira Kooxda Manchester United waxaana ku soo xigta Kooxda ay isku Magaalada ka dhisanyihiin ee City dagaalka horyaalka xoogiisu waxa uu yaalaa Manchester inkastoo Chelsea oo 8-gool ku adkaatay todobaadkan aan la dhayalsan Karin.
Marka laga soo tago taageerayaasha jadbeysan iyo sida kooxu isku ceyrsanayaan waxaa jira faa’iidu weyn oo soo galeysa kooxaha iyo Xiriirka maamula kubada cagta England ee FA, taasi oo ah dhaqaalaha ka soo galaya garoomada oo ay ku soo xaadiri doonaan taageerayaal kabadan kuwii hore.
Diyaar garowga Boxing Day waxaa laga dareemi karaa xitaa Magaalada Muqdisho oo ay dhaliyarada daneyaa Ciyaaraha siweyn u hadal hayaan qaar kood oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay in ay farxad tahay in iyagoo qaarkood iskuulada u xiranyihiin ay ku soo aadaan kulamadan Boxing Day.
Waxkastoo ay ahaato kulamada ugu horeysa ee Boxing Day waxaa la ciyaari doonaa bari oo Arbaco ah taariikhduna ay tahay 26-ka December.
 
 

Wasaarada Horumarinta Adeegga Bulshada oo maanta qalab caafimaad gudoon siisay Isbital kuyaal Muqdisho

0
0

Wasaarada Adeega Bulshada ayaa maanta qalab caafimaad oo ay soo dhiibtay dowladda Jabuuti ku wareejisay Isbitaka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Adeega Bulshada Maryan Qaasim Axmed ayaa sheegtay in maanta ay deeg caafimaad oo isu jirtay qalabka caafimadka iyo dawooyin ay gudoonsiiyiin Isbitalka Kedsaney ee Magaalada Muqdisho.
Maryan Qaasim Axmed ayaa tilmaamtay in qalabka caafimaad ee ay maanta ku wareejiyeen Isbitalka Keydsaney ay soo dhiibtay dowlada Jabuuti islamarkaana ay ka guddontay guddoomiyaha barlamanka dalkaasi oo dhawaan booqasho ku yimid Magaalada ee Caasimada Soomaaliya.
Wasiirada ayaa hoosta ka xariiqday in qalabkan loogu talagalay in shacabka loogu adeego islamarkaana ay rajeneyso in Maamulka Isbitalka Keydsaney uu howshaasi dadka rayidka ah u qabandoono.
Dhinaca kale maamulka Isbitalka ayaa ka gudoomay deeqada caafimaad ee ay wasarada Horumarinta Adeega Bulshada ee dowlada Soomaaliya soo gaarisiiyeen waxaana ay kaga mahad celiyeen sida wanaagsan ee ay wasaaradu u dooneyso in ay wax ugu qabato shacabka Soomaaliyeed.
 

DAAWO: Sawirada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo booqday deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose

0
0

C/xakiin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Ammniga Qaranka oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa ay maanta booqdeen goobo larumeysanaa in Al Shabaab ay weeraro kaga soo qaadijireen Ciidamada dowlada ee isticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Mas’uuliyiintan oo markii hore booqday degmada Afgooye ayaa waxa ay uga sii gudbeen deegaan lagu Magacaabo Saqiira oo la sheegay in Al Shabaab ay weeraro ka soo qaadi jireen.















Warar Sheegaya İn Kulan Xasaasi yeeshayn Xasan Sheekh İyo Sheekh Shariif Ogana Hadlay Arimo ay kamidyihiin

0
0

Kulan saacado badan qaatay ayay habeenkii xalay ku yeesheen Hotelka magaalada Kampala ee dalka Uganda madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
 Kulanka ayay labada nin uga wada hadleen xaalada dalka Soomaaliya uu marayo iyo sidii loo dardar gelin lahaa waxyaabo badan oo dowladda cusub horyaala.
Sidoo kale waxay kawada hadleen in la sii wado howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab si dalka oo dhan looga xoreeyo, isla markaana si dhab ah loogu sugi lahaa amaanka caasimadda ee Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho uu u daayo xilkiisa, balse waxaa la sheegay in Tarsan labada jago mid loo deyn doono, inkastoo aan dhab ahaan loo hubin warkaas.

Nin Saddex Bilood ku Dul Noolaa Geed, Soona Degay Markii Xaaskiisu ka Raaligelisay Khalad uu ka Tirsanayey

0
0

Nin ka soo jeeda dalka Hindiya ayaa sagaalkii bilood ee u dambeeyey ku noolaa geed dushii, kaasoo loogu kari waayey inuu dhulka u soo dege, balse dhulka u soo degay, kadib markii xaaskiisu ka raaligeliyey khiyaamo uu ku eedeeyey inay kula kacday.
Raalligelintan ayaa uu xaaskiisa ka sugaayey sagaalka bilood ee uu geedka ku dul noolaa, balse ninkan oo magaciisa la yidha Sanjay oo 25 waxa uu wali hoy u ah geedkii, isagoo shuruud ka dhigay in xaaskiisa oo la yidha Tara ballanqaado inaanay khalad dambe ka galayn.
Mr. Sanjay oo gabadhan ay is guursadeen sannadkii 2011, balse sannad maalin maalmaha ka mid ah uu ku soo noqday guriga xaaskiisa oo la kaftamaysa nin ay jaar yihiin.
Ninkan waxa uu intaa kadib xaaskiisa ka dalbaday inay raalligelin ka bixiso xumaanta uu ka tirsanaayo, balse way ka diiday, waxaannu ku celiyey xaafaddii uu ka soo guursaday si khilaafkooda loo xaliyo, balse haweenaydaasi waxay ku adkaysatay go?aankeedii, iyadoo ku adkaysatay inay tagto magaalada Mumbia ee dalka Hindiya.
Sanjay waxa uu iska degay geed dushii oo ku yaalay xafadda uu gabadhan ka soo guursaday, waxaannu sheegay inuu soo degaayo haddii xaaskiisu raalligelin siiso, kana toobad keento khaladaadka uu ka tirsanaayo, gurigeedana ku soo laabato.
Sanjay waxa uu iska jaray dhammaan cuntadii oo dhan, isagoo cuni jiray caleenta geedka ka baxday, balse markii sagaal bilood sidaas ku dhafeen, waxa loogu yeedhay xaaskiisa, taasoo ka raalligelisay khaladkii uu ka tirsanaayey.
?Waxa uu geedkan fuulay March 9, dedaal kasta oo aannu u galnay inaannu soo dejinana wuu naga diiday, waxaannu noogu hanjabay inuu is dilaayo, waxa uu cuni jiray, seexan jirayna geedka,? ayey wargeyska The Asian Age u sheegtay Sanjay hooyadii oo la yidha Kushma Dev
Ibraahim khadar Sa?ed

Daawo Video Madaxweyne Hassan oo Saxaafada kula hadlay Garoonka.

0
0

Waxaan idiin soo gudbineynaa Muuqaal ku saabsan Soo laabashadii Maanta ee Madaxweynaha Somalia Hassan Sheekh Mahamuud oo dalka dib ugu soo laabtay Booqasho 4 maalmood ahna uga maqnaa dalka.
Madaxweynaha ayaa socdaal ku tagay Labada Wadan ee Kenya & Uganda halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxda Dalalkaasi oo uu sheegay in uu kala hadlayay arimo quseeya labada dal iyo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:


Siyaasi Cabdullaahi Cali Barre (Ciddi Liibaax) Oo Maanta Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax U Tartami Doono Xilka Madaxweynaha Puntland

0
0

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magalada Nairobi, ayuu uga dhawaaqay mudane Cabdullaahi Cali Barre (Ciddi Liibaax), inuu u tartami doono qabashada xilka madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland marka la gaaro bisha January ee sanadka soo socdo.
Musharaxa ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dhawaanahaan ka dhacayey deegaanno ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin dad la xir-xiray, kuwa lagu xad gudbay xuquudooda iyo falal amni darro oo ku soo badanayey deegaanno ka tirsan Puntland, isagoo  sheegay iney ka dhasheen dhibatooyinkaas oo dhan Maamul xumo iyo xil gudasha la’aan dhinaca maamulka ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaad la sooctaan in Puntland hadda ay ka jirto xaalad aad u adag, waxaana  maalin kasta la xiraa oday-dhaqameedyo  iyo siyaasiyiin, waxaa la dilaa dad aanan waxba galabsanin, iyagoo kuwa kalana loo diiday wixii ay xaqa u lahaayeen, anigoo taas aad uga xun ayaan leeyahay waxaa arrintaas keenay maamul xumida hadda Puntland ka jirto” ayuu yiri Musharaxa madaxweynaha Puntland Mudane Ciddi Liibaax oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magalada Nairobi.
Dhanka kale Musharaxa, ayaa barnaamijyada siyaasadeed ee lagu hoggaamiyo hannaanka axsaabta faraha badan ku sheegay iney yihiin kuwa anan hada hana qaadi karin asagoona sheegay in aynan hada ka jirin Puntland arrimaha ay ka mid yihiin; tirakoob dadweyne, kala xadaynta xudduudaha deegaannada doorashooyinka, diiwaan-gelinta muwaadiniinta xaqa u leh codaynta, aqoonsiga muwaadiniinta iyo arrimo kale ee  lagama maarmaan u ah dimuqraadiyadda, sidaas awgeed, ayuu siyaasigu hadalkiisa ku xusay in xilligan dooraashooyinka lagu qalo qaabkii soo jireenka ahaa ee golaha shabacka iyo Golayaasha heer deegaan  ku salaysan caddaladda iyo horumarinta bulshada, ayna saldhigga u tahay  nabad galyo in lagu xaqiijiyo rabitaanka dadweynaha Puntland.
Mar uu ka hadlayey xilli kordhinta maamulka haatan jiro uu ku hawllan  yahay, ayaa  wuxuu musharuxu sheegay inaysan marnaba suuragal ahayn in la kordhiyo, muddada maamulka imminka jira, taasoo uu sheegay inay lid ku tahay jiritaanka amniga iyo xaqiijinta hadafkii maamul-goboleedka Puntland lagu dhisay, uuna muddo ka badan 14 sano ku soo shagaynayey, ayuu yiri mudane Cabdullaahi Cali Bare “Ciddi Libaax”
Mar uu ka hadlayay qaabka ugu wanaagsan ee doorashada soo socota u dhici karto, ayaa wuxuu yiri “Doorashada waa in ay u dhacdaa si la mid ah sidii horay ugu dhici jirtay oo barlamaanka codeeyaan, markaas kadibna loo gudbto nidaamka ah in qof walba oo reer Puntland ah uu codkiisa si xor ah u dhiibto.
Musharaxa, ayaa sidoo kale cod dheer ku sheegay maanta in haddii loo doorto jagada madaxweynaha Puntland inuu wax weyn ka qaban doono arrimaha asaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, ammaanka, Shaqo abuuris iyo hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Puntland.
Wuxuu kaloo musharuxu sheegay inuu si hufan u  taabbagelinta doono dhismaha mujtamac caafimaad qabo oo ku dhisan caddaalad, islamarkaana dhiirrigelin doono isku-dheellitirka dheddig-labaadoodka iyo sidii ay haweenku ku heli lahaayeen xuquuqdooda dhinaca shaqada, daryeelka caafimaadka iyo inay ragga la wadaagaan jaangooyada dhismaha qaranka  iyo go’aan qaadashada, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu horseedi doono nidaam la iska -dhex-arki-karo oo hufnaan iyo la xisaabtan ku shaqeeya, si adagna ula dagaallami doona musuq maasuqa iyo ku xad gudubka hantida  dadweynaha.
Musharax Cabdullaahi (Ciddi Liibaax) ayaa sheegay inuu dib u dhis casri ah ku sameyn doono Kaabayaasha dhaqalaha sida Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha, is-gaarsiinta, quwadda xoogga korontada, kobcinta Suuqyada waaweyn ee ku yaallo Puntland iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa waaxyaha  wax soo saarka asagoo sheegay inuu ku dhirrigelin doono Wadamada deeqda bixiya iyo guud ahaan beesha caalamka inay maal-galin xoogan oo ku sameeyo ilaha dakhliga Puntland.
Ugu dambeyntii musharax Cabdullaahi Cali Barre, ayaa ballan qaaday inuu dib u dejin u sameyn doono dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku soo barakacay ee loo yaqaano IDP’s, uuna ka shaqeyn doono mideynta
shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay adduunka ka joogaan, labadarraadle dadweynaha reer Puntland, isagoo sheegay inuu dhallinyarada u abuuri doono barnaamijyo isugi jiro dhaqan-celin iyo xirfado ay ku shaqaystaan, ayna ka qeyb qataan dhawrista karaamada iyo sharafta dadlkooda.
Abdullahi Ali Bare (Ciddi Liibaax) waa ganacsade dhaqaaalo-yahan iyo siyaasi ah oo aad looga yaqaano bariga Africa iyo Waddamada  Khaliijka, islamarkaana ku takhsusay kobcinta dhaqaalaha, horumarinta Siyaasadda, ilaalinta xaquuqul insaanka iyo horumarinta arrimaha bulshada, wuxuuna hada si toos ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u tartami doono xilka Madaxtinimada Maamul gobaleedka Puntland marka lagaaro doorashada la filaayo iney dhawaan ka dhacdo deeganada Puntland.

Wafdi ka socda Masuliyiinta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo ka dagay Magaalada Balad Xaawo

0
0

Waxaa manta Magaalada Balad xaawo ee Gobolka gedo soo garay Wafdi balaran oo u hogaaminayo Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh . Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax ayado Wafdigaan ay ka mid ahayeen Masuliyin ka tirsan Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
 
Wafdigaan ayaa waxaay saka diyaarada qaas ah ka soo qaday Garoonka Diyaaradaha  Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose  waxaana ay manta galabnimadi  soo gareen  Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka gedo.
 
Wafdigaan oo ka kooban Xubno mudoyinki ugu danbeyay ku mashquulsana  Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxa  Magaalada Baladxaawo ku soo dhaweyay   Maamulka Ahlusunnada Waljamaaca ee Magaalada Baladxaawo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dagmada Balad Xaawo oo ay horkacayaan Ururada Haweenka iyo kuwa arimaha Bulshada.
 
So dhaweyn ka dib ayaa waaxa Wafdiga lo galbiyay  Hoygi logu tala galay in wafdigaani  Balad xaawo ka dagaan  waxaana halkaas durba ka biloway kulamo  kala warqaadasho ah oo ay yeelanayaan Saraakisha Ahlusunna Konfuured iyo Gudomiye Sh. Maxamed Aw-libaax.
Daawo
Ma cada waxaa  Shirarka u bilowday Masuliyinti Maamulka Balad xaawo iyo Gudomiyaha Ahlusunna Waljamaca ay ku saabsanyihiin balse warar hoose oo ay heshay warbaahinta ayaa waxaay  shegayaan in Gudomiye Aw-libaax u saraakisha Maamulka Balad xaawo ka waraysanayo sida ay u socdan howlaha Maamulka Balad Xaawo Sido kale  Aw-libaax ayaa waxaa uu Warbixin  ku sabsan waxaa uga soo qabsomay socdalki u ku tagay Kismaayo siinaya Saraakisha Ahlusunnada Konfureed.
 
Wafdigaan oo asagu ku sugnaan doona gobolka mudo ayaa waxaa lagu wada in ay dhawaan ka hadlaan ujeedada Socdaalkooda  iyo Halka ay marayso Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo ayadu  dib lo dhigay ila inta laga xoreynaayo deegano hada ka maqan gacanta  Dowlada Somalia.

Daawo:Wasiirka Maaliyada iyo qorsheynta Xukuumada Somalia oo Maanta Waji gabax kala kulmay Baarlamaanka

0
0

Wasiirka Maalıyada ıyo qorsheynta Xukumada Soomaalıya oo maanta wajı gabax xoogan kala kulmay mudanayaasha barlamaanka soomaalıya kadıb markıı oo mısaanıyada dıb ugu soo celıyeed ayadoo madasha kusoo dhamaatay fashıl daawo
HALKAAN KADAAWO

 
 

Daawo sawirada:Dekumintiya cadeynaya Lahaanshaha Suuqa Ceelgaab iyo Tarzan oo ka dhiganana Suuqa Goob uu gaar u leeyahay.

0
0

Ganacsatadii dowladii ka caanka ay siisay Suuqa Ceelgaab sida suuqyada kale ee caadiga ah ayaa waxa ay soo bandhigeen deuminti cadeynaya in dowlad waliba oo dalkaan soo martay ay siineysay cadeymo muujinaya in dhulkooda ay u madax banaanyihiin oo dowlad iyo shaqsi gaar ah toona aysan ku qabsan karin.
Cali Ugaas Cabdulle, Duqii hore ee magaalada Muqdisho ee xilligii dowladii kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre, Allaha u naxariistee ayaa waxa uu ogolaaday in Barxadda Ceelgaab laga dhigo Suuq Soomaalidu ku ganacsato dowladuna ku canshuurto, waxa uuna ugu jarjaray Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu sheegay 2016 min 2m*2m, iyada oo canshuurna looga qaadi jiray.
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa lasheegay in uu barxadaan ka dhigi rabo baarkin uu leeyahay Hoteelka SYL oo xaaskiisu ay kireysatay, dooneysana in ay ku shaqeysato, iyada oo hoteelka iyo barxada Ceelgaabeed ay u dhexeyso oo kali ah wada gaadiidku maro.
Dadka dhulkaasi dowlalda Hoose ay u ku canshuuri jirtay hada intooda badan waxa ay maalin ama laba maalin kadib isugu yimaadaan barxadda oo darbi lagu wareejinayo albaabka horana looga dhejejiyay tabeelle lagu qoray (Beerta Nabadda).
Halkaan ka daawo sawirka Tabeelaha irirda looga dhejiyay Suuqa Ceelgaab ee derbiga lagu wareejinayo iyada oo leeska indha tirayo qeylada ka soo yeereysa Shacbka Soomaaliyeed.

Dowladii hore ee Allaha u naxariitee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa madaxdii gobalka Banaadir xasuusisay xuquuqda Suuqa Ceelgaab.
Halkaan ha fiir warqad uu qoray wasiirkii hore ee arimaha Gudaha, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere) oo uu u dirayo gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Allaha u naxasiirstee Maxamad Cumar Xabeeb (Maxamed Dhdeere) oo uu ugu sheegayo in xuquuqda Suuqa Ceel gaab ay leeyihiin ganacsadata Soomaaliyeed ee tiradoodu yahay 2016.

Madaxdii gobalka ee xilligaas iyana maxey kariraahdeen?
Halkaan ka aqri warqad iyana uu ku cadeynayo lahaanshaha Suuqa Ceel Gaab gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Allaha u naxasiirstee Maxamad Cumar Xabeeb (Maxamed Dhdeere).
Masuuliyiintii wax katiri waxaa kamid ahaa taliyihii hore ee Police-ka Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid. Fiiri isna warqada uu uaga hadlayo xuquuqda dhulkaasi.
src=’images/news/tttpgbcqt.jpg’ alt=” style=’margin:5px’ align=’left’ />
Maxkamada Gobalka Banaadir waxa ay kamid aheyd hey’adaha soo fara geliyay arinta.

Agaasimihii waaxda suuqyada ee gobalka Banaadir isna waa kahadlay xuquuqda lahaanshaha Suuqa Ceelgaab.

Golaha deegaanka ee degmada Waaberi ayaa iyana gobalka warqad ay uga hadlayaan Suuqaan u qoray.
Maxamuud Eestaro oo kamid ah odayaasha Suuqaasi laga duudsiinayo ayaa waxa uu sheegay in markii ay u tageen dhowr mar gudoomiyaha gobalka uu si cad ugu sheegay in uu jecelyahay in uu xilkiisa ku waayo intiii dhulkaasi uu siin lahaa dadkii lahaa, arintaas oo muujineysa danta Tarzan dhulkaan ka leeyahay in ay tahay mid feel fog kutaalla.
Suuqaan Ceel Gaab oo Tarzan uu sida bareerka ah uga duudsiinayo Shacabka leh isga oo kursiaga uu ku fadhiyo kutakri falaya ayaa horay waxaa loo oran jiray Suuqa Sablaale sida ay ku warameen kooxda ku doodeysa milkiyadiisa ee iyana laga yureynayo.
Maxamuud Cabdulle Maxamed (Cijooy) oo kamid ah dadka u taagan mitirada yar ee ay suuqaasi ku lahaayeen ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Tarzan uu diiday warqad kasoo baxday Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed oo lagu marayo in uu joojiyo Dhismaha Sharci darada ah ee uu kawado Suuqa Ceel gaab.
Halkaan kafiiri warqad ay qortay xeer ilaalinta dalka oo ay u diresyo taliska Police-ka Soomaaliyeed oo amar lagu siinayo in ay ka joojiyaan Tarzan in uu dhiso Suuqa Ceel gaab wixii dacwo uu qabana uu layimaado.
Taliyaha Police-ka Soomaaliya ayaa warqadaasi u diray Tazsan iyada oo Tarzan markii ay gaaraty uusan meel kasoo qaadin taas oo ku qasabtay taliyaha Police-ka Shariif Shiikhunaa Maye in uu warqad cabasho ah ku celiyo xeer ilaliyaha guud isaga oo ku wargelinaya in ay Tarzan u taag waayeen hadii ay wax ka qaban lahaayeenna arintu ay qabiil isu bedeleyso.
Cali Cabdi Wardhere waxa uu kamid yahay dadka ku jaha wareersan sida xun ee Tarzan uu isagu ula wareegay dhulka intaa la eg ee ay wada leeyihiin shacbaka 2000 kabadan, waxa uuna sheegay in aysan udul qaadan karin in Tarzan dhulkooda uu ka dhigto Baarkin ay isticmaalaan dadyooga kusoo hiranaya hotelka Xaaskiisa.Halkaan kadaawo sawirada dadka dhulka u doodaya oo geed kuyaala bartamaha suuqa kusugan iyo Hoteelka SYL ee ladoonayo in Suuqa Ceel Gaabeb in barxadii gaadiidka loodhigi lahaa ee lagu kaabi lahaa looga dhigo oo gadaashooda kamuuqanaya.

Maxamed Kuus Shariif ayaa isna sheegay in rejada kaliya ee ay leeyihiin ay tahay in Wasiirka Amaanka qaranka Soomaaliya uu amar kusiiyo gudoomiyaha gobalka in dhulkaasi uu faraha kaqaado oo uu u daayo shacabka ku shaqeysan jiray.
Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo ah nin si aad ah ugu dheeraaday isdaba marinta iyo Musuqqa ayaa waxa uu doonayaa inta uu gobalka uu ku suganyahay uu sii abuurto ilo dhaqaale uu iskumareeyo Mustaqbalka marka laga xayuubiyo xilka uu hadda Hayo ee hantida badan u kulunsanayo.
Tarsan waxa uu horay u iibsaday Bacadlaha suuqa Xamar Weyne, isaga oo lacagihii uu kabixiyayna dhigtay Bakiga Salaama, halkaasi oo uu ku xareestay lacagtii dhan oo uu kabxiyay Bacadlaha, ayaa hadana waxa uu usoo jeedaa sidii wax kasta oo uu maleynayo in uu boobi karo uu jeebka ku shubto.

Imisa Muwaadin Soomaali Ah ayaa Sanadkan Tagay (2012) Lagu Dilay Koofur Afrika ? ( Warbixin Xasaasi Ah )

0
0

Kadib Baartiaan Dheer Iyo Xog Uruurin Aynu Ka Sameynaya Magalooyin Kala Duwan Oo Ku Yaala Dalka Koofur Afrika Si Aan Wax Badan Ugu Ogaana Dadkii Soomaaliyeed Ee Sanadkii 2012 Lagu Laayay Koofur Afrika Ayaan Halkan Idiin Kugu Soo Koobeynaa

Ku Dhawaad 100 Qof Oo Ganacsato Soomaali Una Badan Dhalanyaro Ayaa Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika Magalooyin Kala Duwan Oo Ku Yaala Tiro Ku Dhaw 127 Dhawacyao U Badan Mindiyo Iyo Rasaas Ayaa La Gaarisyaya Halka Kuwa Kalane Dab La Qabadsiyay Iyago Oo Nool Kuwa Oo Dhibaato Murug Leh Lo Geysatay
Sanadkii Tagay 2012 Dadkii Ugu Badna Ayaa Waxa Lagu Dilay Tuulooyin Hoos Yimaada Magalada Cape Town Ee Dalka Koofur AfrikaHalkan Ka Aqrisa Qaar Kamid Ah Magacayada Dadkii Soomaaliyeed Ee Sanadkii 2012 Lagu Layay Koofur Afrika
January “27, 2012- Cape Town Waxa Lagu Dilay Marxuum Axmed Xuseen Oo Ganacsada Ahaa
Janury 10-2012 Buracad Hubeysan Ayaa Dhawacay Muwaadin Soomaaliyeed Degaanka Fahalaburg Ee Ka Tirsan Cape Town
January 21  2012-Ganacsade Soomaali Ah Oo Magaciisa Lagu So Gaabiyay maxamed ayaa lagu dhex toogtay dukaankiisa, Oo Ku Yaala uleedka Magalada Cape Town Ee Dalka Koofur Afrika .
Feb-7-2012 Rag Hubeysay Ayaa Dilay Marxuum Farhaan Oo Dagaana Degaanka Khaalija Ee Cape Town Waxan Isla Goobta Lagu Dhawacay Sadax Wiil Oo La Joogaty

March 15/2012-Cap Town Laba wiil oo Soomaaliyeed isla markaana walaalo ahaa ayaa nolosha lagu gubay, xilli ay ku sugnaayeen goobtooda ganacsi oo ku taalla tuulada Paarl oo hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.Aabbaha dhalay labaadan wiil oo murugo fara badan ay ka muuqatay wajagiisa, oo aan la kulanay ayaa ka  codsaday  dowladda Soomaaliya inay kala hadlaan dowlada Koofur Afrika wax ka qabashada  dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaasi
April 12-2012-Cape Town Gaar Ahaan Degaanka West Bank Waxa Lagu Dilay Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Salaad Xusen Ganey
Jun 21 2012 -Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray C/Laahi Xersi C/Laahi, ayaa waxaa lagu dilay Deegaanka Malmesbury ee Magaalada Cape Town, iyadoo ay dilkiisu geysteen seddex nin oo madow ah, oo u dhashay dalkaasi Koonfur Afrika.
June 18- 2012 Waxaa La Dilay Ganacsade Soomaali Ah Oo Lagu Magaacabi  jiray C/laahi Jiin Gudbaaye Xili Uu Ku Sugnaa Dukaankiisa Oo Ku Yaala  tuulada Phillipi ee duleedka magaalada Cape town
Tuesday, June 19 2012  Ilaa Sabtidi Maalmo kooban gudahood oo Koonfur Afrika lagu dilay Shan ruux oo Soomaaliya Waxa Kaloo La Jir Dilay Kuwa Kale Oo Badan
July 5, 2012-Cape Town Gaarn Ahaan Degaanka Yanga Ayaa Lagu Dilaya Ganacsade Lagu Magacaabi Jiray Axmed Coley Isla Habeenkaas Waxa Sido Kale La Dilay Wiil Dhalanyara Ah
July 13, 2012.-Cape Town-1-qof ayaa dhintay halka 2-kalana waa la dhaawacay markii kooxo hubeysan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ay beegsaden ganacsato Soomaaliyeed.
August 19, 2012 Cape Town Burcad Hubeysan Ayaa Toogatay Marxuum daahir macalin xaashi Oo Ku Sugnaa Dukaankiisa Ganacsi Oo Ku Yaala Magalada Cpe Town
September 17, 2012-Port Elezaberth Dhacdo Naxdin Leh Kadib Markii Gabar Yar Oo Soomaaliyeed Misane Uur 9 bilood Ah Laheyd Ayaa Inata La Kufsaday Kadib Marag Ama Ceejo Lagu Dilay Sida Uu Warbaahinta U Xaqjjiyay Yusuf Oo Ahaa Seyga Gabadha La Dilay Oo Aan La Hadalnay
Isla  Bisha September Burcad Madow Ah Ayaa Khaarijiyay Ganacsade magaciisa lagu Soo Gaabiyay “jano Gale” Marxuumka ayaa waxaa ku wehliyay Dukaankiisa Labo wiil kale dhawac ayaa soo gaaray
September 25, 2012.-Cap Town Labo Dhalanyaro Soomaali Ah ayaa La Toogtay Xili Ay Goob Gnacsi Oo Ay Jogeen Ku Suganayeen Degaanka Filipi Ee Duleedka Magalada Cape Town
9 Oct 2012 –Burcad Koofur Afrikaan Ah Ayaa Gnacasade Soomaaliyeed Ku Dilay Dukaanskiisa Gnacsi Oo Ku Yaala Xaada Khaalija Ee Magalada Cap Town Wiilkaas Ayaa Magaciisa Lagu Sheegay Ciise Waxana Uu Ahaa Shaqaale Dukaanka Ka Shaqeynay
October 9, 2012.-Port Elizepeth-Koox Burcad Madow Ah Ayaa Toogtay Alaha u Naxariistee Muwaadinka Lagu Magcaabi Jiaray Rooble Faarax xili uu ku suganaa afaafka hore ee goobtiisa ganacsi
October 11-2012 -Cape Town Degaanka Isku Raranka Ee Kaaliija Ayaa Lagu Dilay Muwaadin Soomaalia Oo Lagu Magacaabi Jiray Liibaan Kaasi Oo Dilkiisa Toorey Isticmaalay Xili Dad Ehelkiisa Ah Ay Shegeen In Qudha Torey Loga Jaray Dilka Oo Dhacay Xili Habeen Ah Ayaa Police-ka Koofur Afrika Oo Soo Gaaray Goobta Dilka Uu Ka Dhacay Baritaan Ay Smeyeen Ayey Maalimo Kadib Ehelka Weelka La Dilay Ku War Galiyeen Inay Qabteen Ninkii Dilka Geysatay Sharcigane Ay Hor Geyn Donaan balse ma jirta cid dabagashay hadalka police-ka
October 12, 2012 -Burcad South African ah ku dilay tuulada Khaliija ee duleedka magaalada Cape Town nin ganacsade Soomaali ah kadib marki ay ka waayeen lacago ay rabeen in ay ka dhacaan.Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Maxamed Cunshur
Octobar 20, 2012 “King Wilmes Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Koonfur Afrika ayaa la dil ugu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa u adeegsadeen tooreey ama billaawe.
Nov 22, 2012 Cape Town Koox burcad koonfur African ah ayaa ku dilay muwaadin Soomaaliyeed Degaanka Khaalija Kaasi Oo Lagu Magacaabi Jiray Bashiir
Nov 2012/08- Cape Town-Laba ganacsato Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray Bashiir Sheekh Suufi iyo Cabdi Tifow ayaa lagu dilay tuulada Valhalaburg ee duleedka magaalada Capetown ee wadanka Koonfur Afrika.
Dec 07-2012 Preoria Burcad Koofur Afrikan Ah Ayaa Si Arxan Dara Ah U dilay Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Cali Jano Gale Xili Dilkiisa Ay Dhalo U Isticmaaleen Oo Ay Ku Qaarijiyeen
Dec 14, 2012 -Koox Burcad Koonfur afrikaan ah ayaa Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Cabdi Xasan Geedi Ayaa Lagu Dilay Degaanka Filiibi Duleedka Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur afrika Iyadoo Xiliga Dilka Uu Dhacayay Uu Marxuumka Dhintay Watay Gaari Yar waxana burcada ay u gashay jidka kadibna raas ay ooda ugu qadaanen iyago halkasi ku dilay marxumka dhintay mid kalene dhawac uu soo gaaray waxana burcada ay ku dhaqaqen dilka kadib fal aad u fool xun iyagoo gaariga marsiyaya Marxuumxka
December 20-2012 Koox madow koofur afrikan ayaa xili fiid habeen ah kaliija ku dilay muwadin soomaaliyeed oo lagu magaacabi jiray Osmaan shamuuq
      Boobkii Lo Geysay Dukaamaha Ganacsiga Soomaalida Koofur Afrika 
Feb- 17th, 2012-Rustenburg Gaar Ahaan Deegaanka Sun Rise In ka badan 19 dukaan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa boob loogu geystay tuulooyinka hoos taga magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee waddanka Koonfur Afrika.Dadkaas Hanida Laga Boobay Ayaa Naftooda Kala Baxsaday
July 10, 2012- Deegaanka Fahluburg oo duleedka kaga began magaalada Cape town ayaa kooxo Burcad ah oo udhashay South Africa galinkii Waxay Boob Baahsan Kula Dhaqaqeen In Ka Badan 30 Dukaan Oo Ay Ganacasto Soomaalliyeed Lahayeen Kuwaa Oo Ay Dhamaan Cagta Mariyeen Xili Goob Joog Ay Ahaayeen Police-ka Koofur Afrika Oo Ay Shegeen In Aysan Bad Baadin Karin Hantida La Boobaya Balse Ay Bad Baadinayaan Nafta Gnacasatada Leh
Nov 16, 2012- Dad Careeysan Oo Koofur Afrikaan Ayaa Cagta Mariyaya Oo Boobay Ku Dhawaad 5 Dukaan Oo Ay Soomaali  Lahaayeen kuna yeelay Deegaanka swellodom kaasi Oo Qiyaastii Sadax boqol (300km) Ujira Magaalada Ceptown Ee Dalka Koonfur Afrika.Mana Jirta Cid Ka Hadashay Boobkaas.
Si Kastaba Beegsiga Lagu Haya Soomaalida Ayaa Wali Sii Socda Madaama Wadanka Koofur Afrika Soomaalida Ku Nool Lagu Qiyaasay In Ka Badan 50 Kun Una Badan Dhalayaro Shaqeeysata Balse Ilaa Haatan Ma Aysan Helin Cid La Difaacada Dhibaatooyinka Lagu Haya
W/Q Wariye Omar Kiyow

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live