Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Mid ka mid ah dowladaha Afrika ugu tunka weyn oo sgeegtay inay ciidamo u soo direyso Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka hadlay

$
0
0

Dowladda Nigeria oo ka mid ah dowladihii Afrikaanka ahaa ee hadda ka hor balanqaaday inay ciidamo u soo dirayaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa hadda waxay shaa ka qaaday in askar ay u soo direyso gudaha dalka Soomaaliya si ay uga qeybqaataan nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliuya, isla markaasna ay uga mid noqdaan howlghalka ciidanka Midowga Afrika ee ku howlgala magaca AMISOM.
Agaasimaha nabad-ilaalinta ee ciidamada Nigeria Mr. Kayode Aderanti sheegay in hadda ay qorsheen inay ciidamo si gaar ah u tababaran inay u soo diraan Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada ay u soo dirayaan Soomaaliya ay yihiin boolis, balse aysan xilligan diyaar u aheyn inay ciidan militeri u soo diraan gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay agaasimuhu in ciidamada booliska ah ee ay soo dirayaan ay ka horlgeli doonaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
“Askar gaareysa 140-askari oo boolis ah ayaan u u direynaa gudaha dalka Soomaaliya sanadka cusub, ciidamadii la diri lahaa qalabkooda waa u dhameynay waana diyaar, ciidankaasi waxaan siinay tababar gaar ah oo ay uga hortagaan falalka amaanka lidiga ku ah, ciidankeenu waxay qeyb ka yihiin ciidamada booliska ee ka socda Yugandha ee jooga Soomaaliya, waxayna noqonayaan kuwo isku xuquuq ah” ayuu yiri Agaasimaha nabad-ilaalinta ee ciidamada Nigeria Mr. Kayode Aderanti.
Sidoo kale Agaasimaha nabad-ilaalinta ee ciidamada Nigeria Mr. Kayode Aderanti waxa uu sheegay in ciidamadan booliska ee ay u soo dirayaan Soomaaliya ay ka dambeysay ka dib heshiis laba geesood ah oo dhexmaray dowladda Nageria iyo hogaanka nabadgelyada ee ururka Midogwa Afrika oo uu sheegay inay isku afgarteen in ciidan ka socda Nageria la geeyo gudaha Soomaaliya, isla markaasna loo baahanyahay in balqaadyadii la fuliyo.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika Ramtane Lamamra oo ka hadlay heshiiska dhexmaray Midowga Afrika iyo dowladda Nageria ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in Nageria ay si rasmi ah uga mid noqoto howlgalka AMISOM, isla markaasna ay dalka Soomaaliya u dirto Nageria ciidamo isugu jira boolis iyo militeri, wax aan intaasi aheyn aan laga ogolaan doonin sida uu yiri.


Odayaasah dhaqanka Kismaayo:- Madaxweynaha waa inuu joojiyaa damaciisa ku aadan maamul u sameynta Jubbooyinka, waana inuu ilaaliyaa dastuurkii lagu wada heshiiyey

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa waxay kulamo kala duwan la qaateen maamulka KMG ah ee Kismaayo, siyaasiyiin xilal horay uga soo qabtay dowladihii hore, Odayaal dhaqalmeed iyo culimaa’udiinka gobolada Jubbooyinka, kuwaas oo ay kala hadlayaan maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay dadka deegaanka in loo sameyn doono maamulka ay u baahanyihiin, sidoo kalana waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay badbaadinta dadka shacab ah, halka qaar ka mid ah waxgaradka dadka deegaanka ee kulanka ka hadlay ay sheegeen in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu ka daayo faragelinta iyo ishortaaga tooska ah iyo midka dadban ee uu ku hayo maamul u sameynta gobolada Jubballand.
“Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dhowraa qaaanuunka dalka xafiiskiisa awoodda qaanuunka uu siiyey waa ay caddahay kuma ay jirto in maamul uu u sameeyo ama uu qasbo dad dhulkooda ka xoreeyay cadow, waxaana ka digeynaa taas waa in Madaxweynaha joojiyo damaciisa ee ku aadan maamul u sameynta Jubbooyinka, waana inuu ilaaliyaa dastuurkii lagu wada heshiiyey ee Madaxweynaha lagu doortay” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa dadkii waxgaradka ahaa ee ay la kulmeen wafdiga ka socday dowlada Fedraalka Soomaaliya ee tagay magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Caaqil Axmed Dheere oo sheegay in dadka deegaanka ay mas’uuliyiinta dowladda ay u cadeeyeen mowqifkooda ku aadan maamulka ay doonayaan, waxaa kale oo uu sheegnay welwelka ay ka qabaan in dalka fadqalalo cusub la galsho iyadoo laga maarmi karo ayaa waxa uu yiri “Wafdiga ka socda dowladda waxaan u sheegnay taageerada ay shacabka badankiis u hayaan, maamul u sameynta jubbooyinka ee dhawaan looga dhawaaqi doono Kismaayo dadka deegankana inay ku qanacsan yihiin, waxaa kale oo aanu dhaliilnay sida dowladda ay u abaartay jubbaland runtiina waan la socodsiinay inaanu aragno mid dalka dib ugu celin kara dagaaladii sokeeye ee dadka deegaanka dhibka loogu geystay” ayuu yiri Caaqil Axmad Dheere.

Faysal Cali Waraabe:- Xasan Sheekh wuxuu naga dhigayaa maamul goboleed hoostaga dowladdiisa, isagoo ay Xamar ku ilaalinyaan Yugandheys &

$
0
0

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Ucid ee maamulka Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey sida uu u arko inay wadahlo markale dhexmaraan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Somaliland ula dhaqmeyso sidii maamul goboleed oo kale, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku soo maqantahay sidii ay Somaliland u kala tuuri laheyd, wuxuuna taasi ku sababeeyay in xil sare loo magacaabay haweenay ka soo jeeda Somaliland.
“Waad maqlayseen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu yiri dekedda Berbera howlaan ka qabanynaa, wuxuu inaga dhigayaa maamul goboleed hoostaga dowladdiisa, isagoo Xamar ay Yugandheys iyo ciidamo shisheeye ku ilaalinyaan ayuu rabaa inuu ina maamulo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale Guddoomiyaha Ucid waxa uu ka hadlay dad uu sheegay inay magaalada Muqdisho ay xilal ka soo raadsadeen ay qasayaan Somaliland, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya sida tan “Su’aashu waxa weeye in la ogaado waa la inagu soo maqanyahay, waxaad ka garaneysaa in nagalu soo maqanyahay dadka la magacaabay ee wasiirada sare laga siiyey dowladda Soomaaliya, dadku hore Muqdisho ma u aadi jirin waa maya, haddana waa loo kala dheerayaa aadisteeda, halkaas ayey ka hilaacday baa la leeyahay, waxaana la leeyahay way is heystaan oo burburayaan, waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay arrinkaasi ka hortagto”.
Ma aha markii ugu horeysay oo siyaasiyiin ka soo jeeda maamulka Somaliland ay sheegaan in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland, isla markaasna ay xilal u magacaabeyso dad u dhashay Somaliland si ay u burburiso Xukuumadda Somaliland, balse taasi waxaa beeniyay odayaal ka tirsan Somaliland oo sheegtay inaysan jirin cid Soomaali ah oo kala maaranta.

Sheekh Axmed Madoobe:- Dowladda iyadaa u madaxbanaan maamul u sameynta Kismaayo, laakiin waa inay ogaataa inaan dhiig u soo daadinay oo…

$
0
0

Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo gacanta ku haya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta afka Soomaaliga wax ku qorta oo sheegayey inuu khilaaf xoogan ka dhex jiray muddooyikii la soo dhaafay khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha ururka Raaskambooni ahna Guddoomiyaha KMG ah ee Kismaayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe}.
Guddoomiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe oo ka hadlayey kulan uu la qaatay wafdiga wasiirada ah ee ka socda dowladda Soomaaliya ee booqanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in saxaafadda Soomaalida qaarkeed ay buunbuuniyeen khilaaf inuu u dhaxeeyo isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna intaasi ku daray inuusn weligiis wax khilaaf ah uusan dhexmarin isaga iyo Xasan Sheekh, isagoo sheegay in wafdigii dowladda ee hadda ka hor laga celiyey Kismaayo ay ku dhacday cilad farsamo.
Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale sheegay in iyagu aysanba dhankooda la socon khilaafka ay saxaafadda qaarkood ay sida weyn u baahinayeen muddooyinkii dambe, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda iyada ay xaq u leedahay inay maamul u sameyso gobolada Jubbooyinka, laakiin ay muhiim tahay inay ogaado inuu dhiig badan uu u soo daadiyey qabashada magaalada Kismaayo iyo gobolada ee Jubbooyinka.
“Waxaan hortiina ka sheegayaa oo aan ka cadeynayaa adinkoo ah wasiiradii Xukuumadda Soomaaliya inuusan wax khilaaf ah nagala dhaxeyn dowladda dhexe ee Soomaaliya, dowladda iyada ayaa u madax banaan maamul u sameynta Kismaayo, laakiin waa muhiim inay la socotaa inaan dhiig badan u soo daadinay oo aan nafteena u hurnay sidii gacanta looga dhigi lahaa, waana inaan taasi la iloobin marnaba” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo sidoo kale sheegay inuu qaatay dhaliishii loo jeediyay.
Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee booqashada ku jooga magaalada Kismaayo oo u badan wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Garsoorka, Wasiirka Warfaafinta, Xildhibaano iyo Saraakiil kale, waxaana wafdiga hogaaminaya wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guutaale.
Tan iyo intii magaalada Kismaayo laga saaray xoogagii horey u heystay ee Al-shabaab, ayaa waxaa soo baxayey murrano u dhaxeeyay kooxda Raaskambooni iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna muranka uu salka ku hayey maamul u sameynta gobalada Jubbooyinka iyo waliba maareynta illaha dhaqaalaha ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan Dekkada iyo Airporka magaaladaasi.

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Waqooyiga Gaalkacyo

$
0
0


Muqdisho(Sh.M.Network)—Wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay ku soo warmayaan in Magaaladaasi gaar ahaan Xaafadda Israac ee  Waqoooyiga Magaalada Gaalkacyo kooxo hubeysan ay ku dileen Nabaddoon caan ka ahaa Magaaladaasi.
Nabaddoonka oo lagu Magacaabi jiray Goobe aadan ayaa la tilmaamay in isagoo ka soo baxay Masjid ku yaalla Xaafadda Israac ee Waqooyiga Magaaladaasi dabley Bastoolado ku hubeysan ay halkaasi ku weerareen kadibna uu udhintay weerarkaasi.
Xaafadda dilka Nabadoonkaan uu ka dhacay ayaa waxa ka soconaya baaritaanno xoogan oo Ciidamada ammaanka Maamulkaasi Puntland ay ka wadaan halkaasi, kuwaasi oo baadi goob ba’an loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii falkaasi ka dambeeyay
Lama oga jidka iyo Jihada ay ubexeen Kooxihii weerarka geestay hase ahaatee Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in ay ka  go’antahay in ay gacanta ku soo dhigaan dableydii falkaasi Geesatay.
Nabadoonkaan ayaa ka mida Nabadoonada ugu Caansan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo mana aha markii ugu horeysay ee dil ceynkani oo kala ah uu ka dhaco Magaaladaasi Gaalkacyo

Qaraxyo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Jowhar, Marka iyo Afgooye iyo khasaarooyin ka dhashay

$
0
0

Wararka naga soo kala gaaraya magaalooyinka Jowhar, Marka iyo Afgooye ee gobolada Sh/dhaxe iyo Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in magaalooyinkaasi ay xalay siyaabo ka kala duwan uga dhaceen qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro ah, waxaana la sheegay in qaarkood ay sababeen khasaarooyin kala duwan.
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in weeraro bambaano oo xalay lagu qaaday xafiiska Guddoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhaawacmay sida la sheegay saraakiil iyo askar isugu jirta, askarta iyo saraakiisha ku dhaawacantay weerarka ka dhacay xafiista Guddoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag ee degmada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa sedex ruux, inkastoo aan la kala cadeyn inay askar ahaayeen iyo inay saraakiil ahaayeen iyo inkale.
Dhinaca kale qaraxyo bambaano ayaa xalay iyana lagu qaaday xarunta nabad sugidda ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Afgooye, waxayna dadka deegaanka sheegeen inay maqleen qaraxyo kala duwan iyo rasaas ka dambeysay oo la sheegay inay fureen ciidankii la weeraray, lama sheegin khasaare ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday xarunta nabad sugidda ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Afgooye.
Dhanka kale qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, waxaana la sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu dhaawac ka soo gaaray ciidamo kale, kuwaas oo aan la ogeyn tiro ahaan inta ay la’egyihiin.

Qaraxyo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Jowhar, Marka iyo Afgooye iyo khasaarooyin ka dhashay

$
0
0

Wararka naga soo kala gaaraya magaalooyinka Jowhar, Marka iyo Afgooye ee gobolada Sh/dhaxe iyo Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in magaalooyinkaasi ay xalay siyaabo ka kala duwan uga dhaceen qaraxyo loo adeegsaday bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro ah, waxaana la sheegay in qaarkood ay sababeen khasaarooyin kala duwan.
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in weeraro bambaano oo xalay lagu qaaday xafiiska Guddoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhaawacmay sida la sheegay saraakiil iyo askar isugu jirta, askarta iyo saraakiisha ku dhaawacantay weerarka ka dhacay xafiista Guddoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag ee degmada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan illaa sedex ruux, inkastoo aan la kala cadeyn inay askar ahaayeen iyo inay saraakiil ahaayeen iyo inkale.
Dhinaca kale qaraxyo bambaano ayaa xalay iyana lagu qaaday xarunta nabad sugidda ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Afgooye, waxayna dadka deegaanka sheegeen inay maqleen qaraxyo kala duwan iyo rasaas ka dambeysay oo la sheegay inay fureen ciidankii la weeraray, lama sheegin khasaare ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday xarunta nabad sugidda ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Afgooye.
Dhanka kale qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, waxaana la sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu dhaawac ka soo gaaray ciidamo kale, kuwaas oo aan la ogeyn tiro ahaan inta ay la’egyihiin.

Dood adag ka dib Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod gacan tag ah ku ansixiyey wasiir ku xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha, sheegayna…

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay xaruntooda golaha shacabka ee magaalada Muqdishi ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey wasiir ku xigeenada iyo wasiiru-dowlayaashii uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} kuwaas oo ka koobnaa 35-xubnood.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ansixinta ka hor waxay dood adag ka yeesheen sida laga yeelayo wasiir ku xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha, dooda oo aheyd mid xiiso gaar ah laheyd ayey xildhibaanadu ku muujiyeen kala fikir duwanaasho adag, iyagoo ugu dambeyntiina cod la geliyay xubnaha cusub ee golaha wasiirada lagu ansixiyey, waxaana xildhibaanada ka hor-hadlay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay maamul u sameynta Jubbooyinka iyo wadahalkii ay la laheyd dowladda maamulka Somaliland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan {Jawaari} oo kulanka shir gudoominayey ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta isagoo sheegay in 138 mudane ay ogolaadeen wasiir ku xigeenada iyo wasiir u dowlayaasha inay shaqadooda qabsadaan, iyadoo ay diideen 12-xildhibaan oo keliya, mana jirin cid aamustay.
Si kasta oo ay ahaataba Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, wasiiradiisa iyo ku xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha uu magacaabay ayaa la kala ansixiyey sadex jeer, waxayna ansixintii shalay ay noqoneysaa in markii ugu horeysay uu Baarlamaan Soomaaliyeed sadex jeer kala ansixiyo Golaha wasiirada oo uu ku jiro Ra’isul wasaaraha.


Maamulka Somaliland oo amar ku bixiyey in la xiro siyaasi kasta oo isku daya inuu u socdaalo magaalada Muqdisho ka dib markii…

$
0
0

Maamulka la baxay Somaliland oo ka hadlay siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulkaasi ee xilalka kala duwan ka qabanaya dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta kale ee ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho ee doonaya inay xilal ka qabtaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in la xiri-doono cid kasta oo ka tirsan maamulka Somaliland oo isku dayda inay safar ku aado magaalada Muqdisho, gaar ahaan siyaasiyiinta.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Mr. Duur oo wareysi siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu ku sheegay in la xiri-doono siyaasi kasta oo ka tirsan maamulka Somalilamd oo isku dayda inay u dhoofto magaalada Muqdisho si ay xilal uga raadsadaan, wuxuuna wasiirku sidoo kale uu warkiisu ku sheegay inay hadda horistaageen labo siyaasi oo doonayey inay u dhoofaan magaalada Muqdisho.
Wasiir Duur waxa uu sheegay in garoomada diyaaradaha ee maamulka Somaliland dhammaantood la dhigay sida uu yiri amaro ciidanka loogu sheegay in siyaasi iyo oday dhaqameed kasta oo u sheega inuu u dhoofayo Muqdisho inay ka diidaan oo ay horistaagaan, ka dibna ay xiraan si looga baajiyo safarada xil raadiska ah ee ay ku aadayaan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayuu yiri wasiirku.
“Garoomada diyaaradaha ee Somaliland go’aan amar ah ayaa yaala oo ah inaan madaxda ururada ama xisbiyada iyo siyaasadiyiinta iyo madax dhaqameedka inaanay u safri karin kana imaan-karin magaalada Muqdisho oo ah goob aynu siyaasadda ku kala duwanahay oo uu ka dhisanyahay maamul ina sheeganaya, xukuumadda Somaliland wadahadal ayey kula jirtaa dowladda Soomaaliya, markaas waa inaanu doc kale ka socon isu socodkii siyaasiyiinta, madaxda ururada iyo xisbiyada iyo madaxdhaqameedka oo ah mas’uuliyiin tusaale u noqon kara shacabka Somaliland, markaas go’aankaasi waa go’aan garoomada yaala, cid kasta oo ka timaada ama tagtana lagu qaadayo” ayuu yiri wasiir Duur.
Isagoo Wasiirka daakhiligu ka sii hadlaya hadalkii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ku sheegay inay marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamuud Jirde bixisay amarka diyaaradda lagaga soo reebay wuxuu Wasiir Duur yidhi “Waxa kale oo jira sida wax loo dhigay iyo xajiimaynta qof aan hawl-maalmeedka dawladeed meelna ka soo gelin sida marwada oo ah maamus qaran. Marwadu Maamulka dawliga ah amar kuma leh, ee maamuus ayay ku leedahay, Marwadu amar ma bixiso, mana bixin karto meelna kama soo gasho, imanay amrin, imana amri karto. Markaas waxaan leeyahay marwadu qaranka maamuus mooyee maamul kuma laha, waxba imay farin, imana fari doonto, ciddii warskaas tidhina waa cid aan xishoonayn oo aan dhaqanka iyo maamulka iyo milgaha midna garanayn, markaas arrinkasi ma jirin mana jiri karo, mana dhicin, mana dhici karo”.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo eedayn kulul u jeediyay hay’adaha samafalka, digniin culusna u diray shirkado uu sheegay…

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Al-xayaat ayaa waxa uu eedayn kulul u jeediyay hay’adaha gargaarka iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya iyo kuwa fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna ku eedeeyay inay danahooda gaarka ah ka qabsadaan Soomaaliya, isla markaasna aysan marnaba la shaqeynin dowladda Soomaaliya, ayna iska dhegatirayaan codsiyo kala duwan oo ay u jeediyeen.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku eedeeyay hay’adaha caalamiga ah inaysan la shaqeneyn mamulada maxaliga ah ee ka jira Soomaaliya iyo dowladda intaba, wuxuuna intaasi ku daray in hay’adaha aysan fulin qorshihii ay dalka u yimaadeen, isagoos heegay inay wataan oo keliya danahooda gaar ah ah ee daahsoon, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in loola tacaamulo xukuumaddiisa inay tahay mid sharci ah oo mudan in loo aqoonsado dowlad rasmi ah oo ka jirta bariga qaaradda Afrika.
“Hay’adaha gargaarka ee isugu jira caalamiga iyo kuwa aan caalamiga aheyn waa ay ka gaabiyeen la shaqeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo taakuleynta shacabka Soomaaliyeed, waxaad moodaa in hay’ad kasta ay fiirsaneyso oo keliya danaheeda gaarka ah, runtii taasina na qabato mana-yeeli doono, sidoo kale dowladaha caalamka waxaa looga baahanyahay in dowladda Soomaaliya loola shaqeeyo si ka duwan sidii hore maadaama aysan aheyn KMG oo ay tahay rasmi” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
“Xukuumadda kama warheyso wxyabaha ay sameenayaan hay’adaha, waan kala hadalnay arrimhaasi qaarkood ayaa ogoladay inay mowqifkooda ay wax ka bedelan balse waxaan sugeynaa natiijada ka soo baxa, cid kasta oo aan u hogaansamin awaamiirta dowladda oo hay’adahaasi ka mid ah tilaabo ayaan ka qaadi-doonaa, mana ogolaan doono inay sameystaan wixii ay doonaan iyagoo magaca Soomaaliya wax ku soo qaata” ayuu yiri markale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo intaasi ku daray in shirkado caalami ah inay dalka Soomaaliya ka wadaan mashaariic aysan kala tashan dowladdiisa, kuwaas oo uu sheegay inay iyaguna si gaar ah ula xisaatami-doonaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxa uu ugu dambeyntii wareysigiisa ku sheegay in haddii aysan dhicin in dowlddiisa loola tacaamulin sida dowlad rasmi ah aysan noqon doonin dowlad rasmi ah oo ka jirta Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in beesha calamka deeqaha lacaged ee lagu tageero Soomaaliya inay u gacangeliyaan oo ay soo marsiiyaan 17% hay’adha caalamka oo uu sheegay inay ka soo goostaan lacagtaasi 4%.

Dowladda South Afrika oo muwaadiniin Soomaaliyeed u diiday inay Muqdisho u soo dhoofaan ka dib markii…

$
0
0

Dowladda koonfur Afrika ayaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonayey inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho u diiday inay u soo dhoofaan ka dib markii ay sheegtay in baasaboorka Soomaaliya uu yahay mid isku dhexyaac badan ay ka muuqato, isla markaasna aysan ogolaan karin sida ay ku dooday inay dadkaasi ku dhoofaan, maadaama ay shakiyo ka muujisay.
Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in qof Soomaali ah uusan ka bixi karin dalkooda illaa iyo inta ay ka helayaan safaarad si sax ah u kala saarta baasaboorada ay wataan dadka Soomaaliyeed inay saxyihiin iyo in kale, wuxuuna sarkaalkaasi intaasi ku daray inay si aad ah ugu jahwareereen dadka Soomaaliyeed oo kala wata baasaboorka cusub ee E-ga loo yaqaano iyo baasaboorkii hore ee Soomaaliya ee cagaarka ahaa, isla markaasna iyagu ay ku wareereen midka saxda ah ee ay dowladda Soomaaliya ogoshahay isticmaalkiisa.
“Runtii waa arrin la yaab noqonotay oo aan si weyn ugu jahwareernay baasaboorada kala duwan ee ay dadka Soomaaliyeed la yaacayaan, inta ay kuu yimaadaan ayey ku leeyihii noo fiiseeya dalkeena ayaan rabnaa inaan aadno, markii aan kala bixin-weynay saxnaanshiyaha baasaboorada kala duwan ee ay la yaacayaan dadka Soomaaliyeed ayaan gebi ahaanba joojinay in dad Soomaali ah oo wata magaca baasaboor Soomaaliya inaysan dalkeena ka dhoofin, runtii wax kale uga baqeyno oo argagixisinimo ayaan ugu baqeynaa” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan dowladda South Afrika ee ka tirsan waaxda socdaalka dalkaaasi.
Dhinaca kale dadka Soomaaliyeed ee loo diiday inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan ayaa baaq cabasho ah u diray dowladda Soomaaliya oo ay ka dalbadeen inay si degdeg ah safaarad uga furto dowladda Koonfur Afrika oo ka mid ah meelaha ay sida weyn ugu qaxday Soomaalida, isla markaasna ay ku leedahay ganacsiga xoogan, sidoo kalena waxay dadka loo diiday inay Soomaaliya u soo dhoofaan ka dalbadeen dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah arrinkooda u furdaamiso si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, isla markaasna ugu sameyntaan maalgashiyo kala duwan, maadaama ay nabad noqotay magaalada Muqdisho.

Dr. Sheekh Yuusuf Suudaani oo shaaca ka qaaday in uu helay daawada cudurka HIV Aids

$
0
0

Dr. Sheekh Yuusuf Suudaani oo ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed kuwooda ugu magaca weyn leh, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu helay daawada cudurka HIV Aids. Dr. Sheekh Yuusuf Suudaani oo Xaruun Caafimaadeed ku leh Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu helay daawada loo adeegsado cudurka dilaaga ah ee HIV Aids. [...]

Magacyada dadka Somaliyeed ee Jimcihii ku dhintay dalka Liibiya oo la helay (Aqriso magacyada)

$
0
0

Xilli maalin ka hor dalka Liibiya ay ku dhinteen Soomaali badan oo tahriibayaal ah ayaa safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya waxa ay shaacisay magacyada Soomaalida ku dhintay gaariga ay saarnaayeen ee shamiindada waday ee kusoo dumay. Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya C/qani Maxamed Waceys oo la hadlay Idaacada Voa-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa wuxuu sheegay [...]

Diyaarad laga lee yahay dalka Ruushka oo ku burburtay wado ay isticmaalaan gawaarida “Daawo Video Layaab Leh”

$
0
0

Diyaarad laga lee yahay dalka Ruushka ayaa waxay Sabtidii shalay ay ku burburtay wado ay isticmaalaan gawaarida, iyadoo diyaaradaan uu si layaab leh uu uga baxsaday gaari nooca raaxada ah. Diyaarada oo uu ku yimaaday cilad xumo ayaa waxay danta ku khasabtay inay soo caga dhigatay wado ay isticmaalaan gawaarida, iyadoo sidoo kalana ay diyaaradaan [...]

Qarax culus oo gil gilay duleedka Magaalada Marka iyo khasaarooyin kala duwan oo ka dhashay

$
0
0

Qarax culus ayaa waxaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dhinaca kalana ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan. Xilli Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay fadhiyeen maqaaxi ku taala Degmada Shalambood ee duleedka Magaalada Marka, ayaa waxaa lala beegsaday qarax miino oo khasaaro badan geystay. Ilaa laba askari oo [...]


Article 9

$
0
0

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay sanadka cusub ay si rasmi ah u bilaabi doonto canshuur qaadista  dalka, waxaana warkan sheegay wasiirka maaliyada Xukuumada Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan, wuxuuna wasiirku intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya ay ku mashquulsaneyd sidii ay u bilaabi laheyd canshuur qaadista magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee ay gacanta ku heyso xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday dhammaan hay’adaha kale ee dowladda oo ay quseyso canshuur qaadistu inay kala shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda qaabka ugu haboon ee loo bilaabi lahaa canshuur qaadista dalka guud ahaan, wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay dhameystiri doonto shuruucda canshuur qaadista  ayna sidoo kale dhiseyso hay’adaha canshuur qaadista.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaadista canshuuraadka dalka ay dowladda Soomaaliya ka daboooli doonto duruufaha dhaqaale ee heysta xukuumada Soomaaliya oo xilligan inta badan ku tiirsan dhaqaalaha ay bixiyaan wadamada deeq bixiyaasha ah, wuxuuna ballan qaaday wasiirka maaliyadda xukuumada Soomaaliya in lacagaha ka soo xarooda canshuuraadka dalka ay ku dhici doonaan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo intaas raaciyey in lacagahaasi dib loogu dhisi doono dalka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee mudada dheer ka socday dalka Soomaaliya.
Amar dhawaan ka soo baxay   shirka golaha wasiirada ayaa lagu mamnuucay qaadista canshuuraha dalka waxaaana amarkaas ku xusnaa in cidda keliya ee awoodda u leh qaadista canshuuraha dalka inay tahay wasaaradda maaliyadda oo xilligaas loogu baaqay inay si degdeg ah u bilowdo canshuurta dalka.

Qaraxyo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Xarakada Al-shabaab oo sheegtay…

$
0
0

Qaraxyo kala duwan ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxyadaasi ay geysteen khasaarooyin soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya ee weerarka lagu qaaday, iyadoo ciidamadu ay fureen rasaas badan qaraxyada ka dib.
Illaa sedex qarax oo loo adeegsaday bambooyinka nooca gacanta laga tuuri ah ayaa xalay lagu qaaday isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in weerarkaasi ay ka dhasheen khasaarooyin dhaawac oo soo gaaray ciidankii weerarka lagu qaaday ee isgoyska ku sugnaa, inkastoo aan la sheegin askarta ku dhaawacantay qaraxyadaasi inta ay la’egyihiin.
Sidoo kale qaraxyo dhowr ah loona adeegsaday iyaguna bambooyinka nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray fariisin ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin isgoyska Carafaaf, gaar ahaan guri halkaasi ku yaala oo la sheegay inay deganyihiin saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya, waxaana qaraxyada ka dib ay ciidamadu fureen rasaas badan oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay, howlgalo ay sameeyeen ciidamada ayaana la sheegay in lagu qabqabtay dad kala duwan oo looga shakiyey inay weerarka iyagu ka dambeeyeen.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Yuusuf Kaba ku dukade oo la hadlay warbaahinta afka Al-shabaab ku hadasha ayaa sheegay in qaraxyadii ay habeen hore ka geysteen gudaha magaalada Jowhar ay khasaarooyin xoogan ugu geysteen sida uu yiri saraakiil iyo askar ay ku sugneyd xafiis ku yaala lanta afaraad ee xaafadda Hanti-wadaag, inkastoo ay warkaasi beeniyeen maamulka gobolka Sh/dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Gen. Tigle:- Dowladda Itoobiya marna diyaar uma aha inay aqoonsato maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ee ay horkacayaan…

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay si cad uga hortimid shir looga hadlayey maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ka qeybagaleen saraakiil ka kala socotay dowladda Soomaaliya, Odayaasha dhaqanka sedexdaasi gobol iyo saraakiil Itoobiyaan ah.
Sida warku sheegayo shirka oo socday muddo 2-maalin ah ayaa gebagebadii qodobo laga soo saaray oo qeexayey qaabka loo sameynayo maamulada la doonayo in loo sameeyo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa ka horyimid saraakiishii ka socotay dowladda Itoobiya oo sheegay inaysan ku kacnacsaneyn qaabka wax loo maamulay iyo xubnaha shirka horboodaya ee ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Odayaasha sedexda gobol oo ay Itoobiya sheegtay inaysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Tigle oo shirka ka qeybgalay ayaa gaashaanka ku dhuftay in dowladdiisu ay ogolaan karto maamul ay hormuud ka yihiin saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa gobolka Gedo iyo Odayaal ka soo jeeda goboladaasi, inkastoo uusan sheegin sababta uu ku diidanyahay saraakiishaasi inay hormuud u noqdaan maamulada la doonayo in loo sameeyo Jubbooyinka iyo Gedo waxa ay tahay iyo dhibaatada ay tuhunsantahay dowladdiisu ee ay wadaan Odayaasha iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya.
“Dowladda Itoobiya marnana diyaar uma aha inay aqoonsato maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ee ay horkacayaan Odayaasha iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ku sugan, saraakiisha iyo Odayaasha waxay wataan dano gaar ah ee ma aha arrinkooda in maamul loo sameeyo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxayna u adeegayaan dowlado kale oo aanan raali ka aheyn” ayuu yiri sarkaalkan lagu magacaabo Tigle ee ka tirsan dowladda Itoobiya.
Dhinaca kale Odayaashii iyo saraakiishii ka qeybgalay kulanka fashilka ku dhamaaday ee la doonayey in maamul loogu sameeyo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee ka dhacay degmada Doolow ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah maamul ugu sameyso gobolada uu muranka ka taaganyahay ee Jubbooyinka, waxayna u sheegeen madaxda dowladda inay iyagu u taalo maamul u sameynta gobolada Jubooyinka oo aysan u oolin Itoobiya iyo Kenya midkood amaba cid kale oo aan dowladda aheyn sida ay yiraahdeen.

Magacyada tahriibayaashii Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday shilkii baabuur ee ka dhacay dalka Liibiya

$
0
0

Iyadoo dhawaan gudaha dalka Liibiya ay ku dhinteen tahriibayaal Soomaaliyeed oo saarnaa gaari nooca xamuulka qaada ah oo ku dumay ka dib markii lagu raseeyay dadkaasi qeybta hoose ee baabuurka oo ay dusha sare ka saarneyd shamiinto taas oo ku duntay, keentayna inay dhintaan ku dhawaad 20-ruux.
Safaaradda dowladda Soomaaliya ee dalka Liibiya oo tan iyo markii ay mashaqadaasi dhacday isku howshay sidii ay u heli laheyd magacyada dadkii ku dhintay shilkaasi ayaa waxay shaacisay magacyada dadkii ku dhintay shilka gaari, halka ay safaaraddu sheegtay inay si aad ah u liitaan dadka qaba dhaawacyada.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya C/qani Maxamed Wacays oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magacyada dadka la helay aysan qaarkood aheyn kuwo dhameystiran, balse ay soo bandhigi doonaan sawiradii laga qaaday si ay waalidiintood u aqoonsadaan sawirrada, wuxuuna safiirku magacyada dadkii dhintay oo gaarayey 15-ruux uu ku kala sheegay sida tan:- Cali Cabdulle Xirsi, Xasan Cusmaan Jeylaani, Maxamed-deeq Barkhad Cali, Cabdiraxiim, Askar, Muuse, Sugaal, Siciid, Axmed, Axmed-khadar, Sacdiya Maxamuud Xasan, labo gabdhood oo watay magaca Saamiya, Yaasmiin, Xaawo, Aasiya Cusmaan iyo Dahabo.
Sidoo kale danjiraha Soomaaliya ee dalka Liibiya waxa uu sheegay inay la socdeen dadka Soomaalida ah todoba qof oo u dhalatay dalka Ertirea, kuwaas oo laba ka mid ah ay ku dhinteen shilka, inta kalena ay dhaawacyo soo gaareen, wuxuuna intaasi ku daray in gebi ahaanba dadka dhaawacmay ee Soomaalida ah lagu dabiibayo hal isbitaal oo ku yaala gudaha dalka Liibiya, wuxuuna qaarkood xaaladoodu uu ku sheegay mid halis ah.
Si kasta oo ay ahaataba shilkan gaari ayaa wuxuu noqonayaa khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Liibiya, waxaana maydadka dadkii ku dhintay shilka ee Soomaalida ahaa qaarkood shalay lagu aasay deegaankii uu shilku ka dhacay oo 150-km dhinaca bari ka xigta magaalada Tripoli ee ah caasimadda dalka Liibya, wuxuuna imaanayaa shilkan naxdinta leh ee ku dhacay tahriibayaasha Soomaaliyeed iyadoo dowladda Liibiya ay amar ku bixisay in la joojiyo dadka tahriibka ah ee dalkeeda ku soo qulqulaya.

Kulan lagu wado inuu dalka Ingiriiska ku dhexmaro wafdiyo ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyo warar dheeraad ah

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxay sheegayaan in kulan uu magaaladaasi ku dhexmari doono wafdi ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kuwaas oo ay kala hogaaminayaan wasiiradda arrimaha Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar, kaas oo looga hadlayo sidii fikir mid ah looga qaato kala aragti duwanaashiyaha u dhaxeeya labada dhinac.
Sida warku sheegayo kulan ay yeelanayaan wasiirada arrimaha dibadda labada dhinac ayaa waxa uu daba-joogaa wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Somaliland iyo maamulka Somaliland, sidoo kalena waxaa la sheegay in kulankan uu gogol xaar u yahay kulan isna magaalada London ee dalka Ingiriiska ku dhexmari doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} si loo sii ambaqaado wadahalkii labada dhinac u dhaxeeyay.
Guddoomiyaha xisbiga Ucid ee maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa si hordhac ah saxaafadda ugu warbixiyey kulanka dalka Ingiriiska ku dhexmari doona wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo kan maamulka Somaliland ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi uu shaki-gelinayo sida uu yiri aqoonsi raadiska Somaliland, maadaama ay dowladda Soomaaliya sheegayso ayuu yiri in kulanka uu yahay mid looga hadlayo midnimo markale dhexmarta labada dhinac, wuxuuna ka digay arrinkaasi.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live