Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dagaalyahanno Al Shabaab ka tirsan oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda ee Gobolka gedo

$
0
0

Garbahaarey(Sh.M.Network)—Gaashaanle Dhexe Aadan Xirsi Rufle oo  ka mida Saraakiisha Gobolka gedo ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda Gobolkaasi Gedo.
Rufle ayaa xusay in ku dhawaad 20 Dagaalyahan oo Al Shabaab ka tirsanaa ay isu soo dhibeen  kuwaasi oo uu tilmaamay in si weyn ay usoo dhaweeyeen Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi Garbahaareey ee Gobolkaasi.
Sidoo Kale Gaashaanle dhexe Aadan Xirsi Rufle ayaa ugu baaqay Dagaalyahannada kale ee udagaalama Al Shabaab in ay isi soo dhiibaan islamarkaana ay ka soo tagaan wax  uu ku sheegay Marin Habaabin hadda ay ku suganyihiin.
Gobolka Gedo ayaa ka mida Gobollada ay ku Dagaalamaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al Shabaab iyadoo Deegaanno iyo Degmooyin  ka tirsan Gobolkaasi ay ku suganyihiin Xarakada Al Shabaab


Ciidamada Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo kaabiga ku haaya Degmada Baardheere iyo Al Shabaab oo ka baxay

$
0
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada Militariga ee Dowladda Itoobiya, ayaa waxay maanta ay kaabiga ku hayaan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Ururka Al Shabaab ayaa waxay isaga baxeyn Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, oo ay Al Shabaab ka arrimineysay shantii sano ee la soo dhaafay. Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa waxay si [...]

Dagaalo culus oo ka dhacay aafafka hore ee Guriga Sheekh Xasan Daahir Aweys

$
0
0

Dagaalo culus ayaa waxay ka dhaceen aafafka hore ee Gurigii Sheekh Xasan Daahir Aweys, Hogaamiyihii Hore ee Ururkii burburay ee Xisbul Islaam. Guriga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddooyinkii dambe ku yaalay Deegaanka Calaamadaha, oo ku yaala inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaalo culus. Ururka Al Shabaab [...]

Raa’isal Wasaaraha oo sheegay inaan Al Shabaab la baryi doonin, oo awood loo adeegsan doono

$
0
0

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaysan jiri doonin wax baryo ah oo loo jeedin doono Xoogaga Shabaab, wuxuuna balan qaaday in awood oo kaliya loo adeegsan doono. Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay Al Shabaab u adeegsan doonto wax walba oo ay [...]

Ciidamada Amisom oo dhacdooyin cusub ka bilaabay Magaalada Muqdisho (Aqriso)

$
0
0

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom oo ay horkacayaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ayaa waxay hawl galo cusub ay ka bilaabeen Magaalada Muqdisho. Ciidamada Booliska ee Amisom iyo Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilliyada habeenkii ah, ay soo dhoobtaan Wadooyinka iyo isgoysyada ku yaala Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa waxay wataan labis labada nooc ah, iyadoo [...]

“Anagu Mucaaridnimada Xisbiga Waddani Waanu Soo Dhowaynaynaa, Marka Aanu Muxaafidka Nahayna In Nala Garaaco Waanu Ogolnahay…”Muuse Biixi

$
0
0

Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay Muxaafid ahaan danaynayaan Mucaarid adag oo garaaca ama wax u sheegay, isaga oo tilmaamay inay Mucaarid-nimada Xisbiga Waddani ay soo dhowaynayaan oo ay ku soo dhowaynayaan Saaxadda Siyaasadda, kana filayaan Ciyaar aan xanaaqad lahayn oo si hab sami ah Garoonka Siyaasadda loogu wada ciyaaro, waa  sida uu hadalka u sheegaye Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiya Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta ka hadlayey munaasibad uu Xisbiga Waddani ugu dabaal degayey Guusha uu Xisbiga ku noqday ee uu kaga soo dhex baxay Ururradii iyo Xisbiyaddii la tartamayey, ayaa sidoo kale sheegay in doorashada ay dadweynaha iyo masuuliyiinta reer Somaliland isla qaateen ee xisbiyada badan ay sabab u tahay khasaaraha ka dhashay ay ahayd mid hawl badan, balse la isku ogaa oo raali laga wada ahaa, wakhtiganna aanay ahayn in taas dib looga hadlo.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Waxa uu sheegay inay Xisbiga Waddani Mucaaridnimadiisa soo dhowaynayaan, isla markaana ay Mucaarid ahaan danaynayaan Mucaarid Garaaca ama canaanta oo wax u sheegay, waxaanuu yidhi “ Anagu Mucaaridnimada Xisbiga Waddani waanu soo dhowaynaynaa  oo marka aanu Muxaafidka nahay in nala garaaco waanu ogolnahay, laakiin marka aanu muxaafidka nahay waxaad ogaataan Dawladdeenu waa sadex dhadhaar oo kala ah  garsoorka oo way inoo dhexaysaa, sharci dejinta iyo Fulinta, markaa Sharci dejinta oo uu kow ka yahay Guddoomiyaha Waddani Muxaafid ayaanu nahay oo waanu Ixtiraamnaa,  Waxaanu leenahay HanbalyoHanbalyo, waxaananu idinku Soo Dhaweynayana Garoonka Siyaasadda hadaad waddani tihiin”.
Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay sida ay dadku u fahan sanyihiin Siyaasadda, isaga oo ugu nbaaqay dadweynaha inaan Xisbiyada laga yaacin oo aan haddana la eedayn, waxaanuu yidhi  “Badkeenu waxay iska raacsanyihiin oo ay wada aamin sanyihiin Siyaasaddu waa been waamunaafaqad, waana meesha dalka laga hago, waxaanad arkaysaa iyada oo ay dadkii ahaa iska diidayaan, waxaanad arkaysaa xataa Suldaankii iyo Shee oo leh ma ihi, markaa waxaa yaab leh marka Xisbiyadii looga tago maxaa la yeelayaa ee xagga dambe la wada galo,hadhaw calaacal keeda iyo Xisbiyada ayaa xun uma taag hayno, Xisbiyadiina wa waxaan leeyahay xagga hore ha la soo galo oo talada ha laga qayb qaato ”
Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu dambayntii intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Xi Soo Marnay Doorasho Xanaf Badan leh Oo Dhibato Dhaawacba inaga Soo Gaadhay Walaalayaal Waxaan diiiwaddani waxaan leeyahay ku soo dhowaada Ciyaar hufan oo aan Xanaaq lahayn walaalayaal, Sheegayaa Xisbiyadan badan ee aynu qaadan iyo doorashadii aynu galnay inay ahayd mid hawsheeda leh, taasi oo ahayd mid aad u hawl badan”.
 
Hargeysa Somaliland
 

“Xisbiga UCID Waxa Laga Doonayaa In Cdida Uu Mucaaridka Ku Noqonayo Uu Garto, Waad Soo Yara Deg Degteene…Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo Muuse Biixi-Na Anagu Saaxiib Ayaanu Nahay” Guddoomiye Cirro

$
0
0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa Guddoomiye-nimada Faysal Cali Waraabe ee Xisbiga UCID ku tilmaamay mid ka soo hor jeedda Distoorka Dalka u yaalla gaar ahaa Xeer No 14, kaas oo uu sheegay inuu dhigayo inaanuu Guddoomiyaha Xisbigu laba jeer wax ka badan isku soo taagi karin jagada Guddoomiye nimo, isla markaana uu Faysal Cali Waraabe markii sadexaad qabsaday Guddoomiye nimada Xisbiga UCID, taas oo uu sheegay in Guddida Diiwaan gelinta laga sugayo talaabada ay ka qaadi doonaan, madaama oo ay iyagu sharciga Axsaabta ilaalinteeda u xil saaranyihiin
Guddoomiye Cirro oo maanta  ka hadlayey munaasibad uu Xisbigiisu ugu debaal degayey Xisbi nimadiisa, ayaa waxa uu Jamaal Cali Xusen uga digay inuu kenba qabto ama rido qori uu nin kale cabaystay, isaga oaamay in Xisbiga UCID yahay mid mucaarid ah oo loo baahanyahay in ay Faysal iyo Jamal gartaan meesha ay Mucaaridka ku yihiin, waxaanuu yidhi “Madaxweynaha Saxiib ayaanu nahay iyo Muuse Biixi. Waxaanu soo bandhigi doonaa siyaasad cad oo aanu u sheegayno xukuumada wixii khalada, waxaanu dhamaan aqoonyahanka u sheegaynaa inuu Waddani yahay madal la is kugu imanayo. Waxa soo baxay Xisbiyo Qaran”
Guddoomiye Cirro mar uu ka hadlayey Xisbiyada soo baxay waxa uu yidhi s“Xisbiyada soo baxay qaar waxaad moodaa inay caytamaan oo ay shahaado toban sano ah u heleen sidii ay u caayi lahaayeen cid kale, waxa jira qodobo dastuurka ku qeexan oo aan la isku qaban Karin, qaranku waxa uu ka kooban yahay sadex waaxood sharci dejin, garsoor iyo fulin, waxaanay cadeeyeen inay kala madax banaan yihin, ninka maanta wasiir noqda waxa sharci ah inuu iska casilo haddii uu golaha wakiilada ku jiro, su’aal baa jirta ay dadka xisanayay ay ku wareereen, guddoomiyaha golaha wakiiladu xaq ma u leeyahay inay qabsadaan xisbi, sanadbay loyara qabsadeen , waxa ay u tageen xisbiyada waxa ay yidhaahdeen meel la isku hayn karo ma hayno, laakiin waxa ku qoran sharciga Somaliland inaan guddoomiye xisbi laba jeer wax ka badan guddoomiye xisbi noqon Karin, waxa jira dad xeerka jabiyey oo sadex jeer guddoomiye isku sharaxay , waanad iska wada garanaysaan baan u malaynayaa, qolada diiwaangalintu waxa ay lahaayeen xisbiyada waxaanu ku ilaalinaynaa inay sharciga ilaaliyaan, ninbaa sadex jeer guddoomiye isku sharaxay sadexda jeerba Hargeysa ayaa lagu doortay, waxaan u malaynayaa saaxiibkay guddoomiye Faysal dastuurka wuu ka soo waayey, barigii hore waxa ku jirtay ah kaliya, waxaan u sheegayaa ah kalena inaan ku darayo, guddoomiyaha golaha wakiilada, ahna guddoomiyaha Waddani ahna musharax madaxweyne”.
Guddoomiye Cirro Oo Digniin u diraya Musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu yidhi “Kalmad baan ku darayaa silsilad xaydha la yidhaahdo ayaa jiri jirtay oo niman isku deegaan ah ayaa soo dhex galay, dabadeedna nin kale ayaa soo dhex galay oo guuleed xawaashe ayaa soo dhex oo iyagiibaa yidhi maxaa ninkaasi ina soo dhex galiyey, waxaan saaxiibkay Jamaal u sheegayaa in uu arinkaasi ku xiiqay sanad dabadeedna cid ka nasisa ayuu doon doonayo Jamaal ayuu ku yidhi iga nasi, laakiin Jamaal mar kale waan la taliyey oo waxaan ku idhi qori nin kale cabeeyey ha ku xiiqin, waxaanan u sheegayaa arin nin kale ku xiiqay iskaga tag”.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa waxa uu sheegay inay deg degeen xisbiga UCID oo loo baahan yahay inay gartaan cida ay mucaaradka ku noqonayaan “Xisbiga UCID waa xisbi mucaarid ah waxa la doonayaa in cida uu mucaaridka ku noqonayo inuu garto, waad soo yara deg degteene mucaaradadiinu waxa ay ahayd inaad mucaaradaan Muuse Biixi iyo saaxiibkay Axmed Siilaanyo oo labadeena waxa la inaga rabay inayynu isku kaashano”
C/raxmaan Cirro waxa uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Walaalayaal waxaan ku darayaa intaasi laba kalmadooda ta koowaad wax weyeen nabadgelyada oo badeecad qudha ayeynu iibinaa oo waxa qudha ee aynu haysanaa waa nabadgelyada, waxa aynu galnay doorasho waxa ka soo baxay qaladaad badan, waxa ka soo baxay markaanu qiimaynay doorashadii dalka ka dhacday oo ay Komishanka Doorashooyinku qabteen maamul xumo baahsan, taasi oo lumisay kalsoonidii shacabka, waxa kale oo cabasho badani ka soo baxday markii la dooranayey maamulada goleyaasha deegaanka in xukuumadda Somaliland farogalisay, waxa aynu u baahanahay inaynu hagaajino khasaaraha ka dhashay oo  waxa inagaga dhintay dad, qaar kalena way inagaga dhaawacmeen, waxaan ILAAHEY ka baryayaa inay inuau intii ku dhimatay naxariistii jano ka waraabiyo, maanta waxa aynu dooranay goleyaal deegaan wax aynu u baahanahay in aynu fursad siino oo ay hawshooda u madax banaanaadaan, waxa aynu u baahanahay in garsoorka la tayeeyo oo shacabka ayaa aad uga cabanaya ee dib u eegis lagu sameeyo”
Guddoomiyaha Waddani oo ka hadlayey Siyaasadda Arimaha Dibedda waxa uu yidhi “Siyaasadda arrimaha dibada Waddani waxa uu aaminsan yahay in siyaasada arrimaha dibada u tahay tiir dhexaad, xukuumadda Somaliland waxa looga baahan yahay inay ibo bixiso siyaasad cad oo lagu horumarinayo siyaasadda arrimaha dibada Somaliland, dawladuhu waxa ay ku dhismaan cashuurta muwaadin kasta waxa ku waajibaya inuu cashuurta ku waajibtay iska bixiyo, waxa loo baahan yahay inaynu samayno nidaam maalgashiga hirgalinaya, waxa aynu u baahanahay inaynu siyaasad lacageed samayno, waxa aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa inay samayso nidaam dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dawladduhu waxa ay ku caan yihiin inay wax kala iibsadaan laakiin inaga Somaliland waxa aynu Itoobiya ka iibsanaa Jaad badan, waxa aynu u baahanahay inay samayno wixii aynu u iib gayn lahayn, waxa aynu u baahanahay inaynu samayno nidaam shaqo loogu sameeyo dhalinyarada Jaamacadaha ka soo baxaysa nidaam shaqo loogu sameeyo, waxa aynu u baahanahay inaynu samayno nidaam aynu ku horumarino dalkeena”.
Hargeysa Somaliland

Wasiirka Britain u Qaabilsan Afrika Oo Maanta Kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen

$
0
0

Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana ay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga Ingiriiska.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu fursad u helay oo uu Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, warbixin dheer ka siiyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee 28-kii bishii November ee la soo dhaafay ka qabsoomay dalka, taasi oo uu tilmaamay in qaranka Somaliland ku muujiyay sii xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu uga mahad celiyay dawladda Britain kaalintii dhaqaale ee ay ka geysteen doorashooyinka Somaliland, isaga oo Wasiirka Khaarajiga Somaliland ku ammaanay dawladda Britain dhaqaalaha ay ku bixiso sidii loo sii xoojin lahaa dhinacyadda ammaanka iyo doorashooyinka.
Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay dawladda Britain-na uga mahad celiyay siday u fududaynayso jawiga ay ku wada hadlayaan labada dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inay Somaliland diyaar u tahay inay la sii wado wada hadaladii labadaas dal dawladda Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya oo imika uun dhisay dawladiisii.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu dawladda Britain u cadeeyay inay Somaliland Sii wadayso la dagaalanka Budhcad badeedda iyo argagixisadda Geeska Afrika.
Wasiirka Afrika ee dawladda Ingiriiska Mr. Simmonds, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladiisu sii wadayso taageeradda kala duwan ee ay Somaliland kaga saacido dhinaca horumarinta.
Mr. Simmonds, waxa uu sheegay inay dawladda Britain ku faraxsan tahay inay fududayso wada hadalka u dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya.
Warkan oo ahaa war-saxaafadeedka kooban oo Wasiirka Arrimaha dibaddu caawa soo saaray waxa lagu sheegay in labada Wasiir ay kaga wada hadleen kulankaasi sidii kor loogu qaadi lahaa in Ingiriisku maal-gashu ku sameeyo wadanka Somaliland, waxaanuu Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku marti-qaaday Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain inuu socdaal rasmi ah ku yimaado Somaliland si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda guud ee Somaliland.
 Hargeysa Somaliland


Click

$
0
0

LG oo bilowday aqbalaadda dalabaadka telefishinadeeda OLED 55 iyo warar kale.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo la kulantay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain William Hague (Daawo Sawirada)

$
0
0

Raa’isal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ku sugan Magaalada London ayaa waxay maanta kula kulantay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain William Hague. Kulankan oo ugu horeyn ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday ay si wada jir ah saxaafada ula hadleen. [...]

Ethiopia oo Soomaali xirtay

$
0
0

Hay'adda sirdoonka dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in ay xirtay shan iyo toban qof oo looga shakisan yahay qorshaynta in ay weeraro ka fuliyaan gobolka Soomaalida Ethiopia iyo gobolka Harar.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Foosiya Oo La Kulantay Dhigeeda Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaasi Ingiriiska William Hague

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda ahna Raysalwasaare kuigeen-ka ee Soomaaliya Fawsiya Yusuf Xaaji Adam oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Ingriiska ayaa la kulantey wasiirka arrimaha dibadda ee Britain William Hague maanta oo Khamiis ah, kulanka ayaa ka dhacay xafiiska William Hague.
William Hague ayaa sheegay in UK ay noqoneyso saaxiib adag oo dadka Soomaaliyeed yeesho, waxa uu balan qaadey in la dedejin doono soo celinta xiriirkii adkaa ee Soomaaliya iyo Ingriiska isla markaana taageero la taaban karo ay la imaanayaan sanadkan 2013. Dalka Britain ayaa hadda ah Madaxa dalalka la isku dhaho G8, waxaana William Hague sheegay in ay xooga saari doonaan ka hortaga kufsiga ka dhaca dalalka dagaaladu ka jiraan, isla markaana ay arrimahaas kala kaashan doonaan Dowladda Soomaaliya.
Qorshaha Wasiirka arrimaha dibaddaee Soomaaliya ee UK ayaa waxaa kamid ahaa sidii qunsuliyaddii Soomaaliya dib looga furi lahaa UK.
Wasiir Fawsiya ayaa sheegtey in ay dawlad ahaan doonayaan in ay dib u sheegtaan hantidii Soomaaliyeed ee xanibneyd mudda 21 sano ah, taas oo ay kala hadleyso dawladaha ay khuseyso
Soure-BOA

Wasiirka Britain u Qaabilsan Afrika Oo Maanta Kulan la yeeshay Wasiirka Arr. Dibadda Somaliland

$
0
0

Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana ay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga Ingiriiska.
 Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu fursad u helay oo uu Wasiirka  dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, warbixin dheer ka siiyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee 28-kii bishii November ee la soo dhaafay ka qabsoomay dalka, taasi oo uu tilmaamay in qaranka Somaliland ku muujiyay sii xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.
 Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu uga mahad celiyay dawladda Britain  kaalintii dhaqaale ee ay ka geysteen doorashooyinka Somaliland.
 Waxa kale oo uu Wasiirka Khaarajiga Somaliland ku ammaanay dawladda Britain dhaqaalaha ay ku bixiso sidii loo sii xoojin lahaa dhinacyadda ammaanka iyo doorashooyinka.
 Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay dawladda Britain-na uga mahad celiyay siday u fududaynayso jawiga ay ku wada hadlayaan labada dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inay Somaliland diyaar u tahay inay la sii wado wada hadaladii labadaas dal dawladda Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya oo imika uun dhisay dawladiisii.
 Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu dawladda Britain u cadeeyay inay Somaliland Sii wadayso  la dagaalanka Budhcad badeedda iyo argagixisadda Geeska Afrika.
 Wasiirka Afrika ee dawladda Ingiriiska  Mr. Simmonds, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladiisu sii wadayso taageeradda kala duwan ee ay Somaliland kaga saacido dhinaca horumarinta.
 Mr. Simmonds, waxa uu sheegay inay dawladda Britain ku faraxsan tahay inay fududayso wada hadalka u dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya.
  Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kooban  ee Wasiirka Arrimaha dibaddu caawa soo saaray waxa lagu sheegay  in labada Wasiir ay kaga wada hadleen kulankaasi  sidii kor loogu qaadi lahaa in Ingiriisku maal-gashu ku sameeyo wadanka Somaliland.
 Ugu dambayn waxa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku marti-qaaday Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain inuu socdaal rasmi ah ku yimaado Somaliland si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda guud ee Somaliland.
Source-BOA

Saan Saan Dagaal Oo Laga Dareemayo Deegaano Hoos Yimaada Lowyacado Kadib Maleeshiyo Beeleedyo La Sheegay Inay Isku Urursanayaan Tuulada Qalaan-qa

$
0
0

WAR DEG DEG AH
Wararka Xogogaal  oo aanu ka helayno deegaanada Lawyacado ku yaala xuduuda u dhaxaysa Jabuuti iyo Somaliland, ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyo beeleed isku urur sadeen tuulada la yidhaa Qalaanqalay oo ilaa 5km u jirta Lawyacaddo.
Waxaanay ku taal gudaha Somaliland ee xuduuda Jabuuti, maleeshiyada ayaa la sheegayaa in ay ka imanayaan dhanka xuduuda Jabuuti ee tuulada Cali-Coon, wararka ayaa intaasi raacinaya in ciidamo ka mid ah Somaliland oo degen Bariisle ay u tegeen maleeshiyada isku urursatay jiidaa Qalaanqalay, ka dibna maleeshiyada ayaa rasaas ooda kaga soo qaaday 8 Askari oo ka mid ah ciidan goobtaasi tegay ee Somaliland.
Dadka deegaanka Lawyacado ayaa u noo xaqiijiyay in xaalad cabsi ah ay dareemayaan dadka ku dhaqan magaalada lawyacado, waxaanay ka cabsi qabaan in iskudhac iyo dagaal ka cusboonaado jiidahan u dhexeeya Jabuuti iyo degmada Saylac.
Sidoo kale warar ku dhawdhaw saraakiisha ciidanka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland lagu amray in aanay weerarin maleeshiyada jiidahaasi ku sugan.
Dhanka kale waxaa jira shirar degdeg ah oo ay ku leeyihiin madaxdda dhaqanka Awdal and Salal gudaha Magaalada Boorama ayana kaga arinsanayaan xaalada ka soo korodhay deeganadaasi, taas oo loo malaynayo in ay iyaguna diyaariyaan maleeshiyo ka hortegta kuwa laga cabsi qabo in ay soo weeraraan deegaanada degmada Saylac.
Si kastaba ha ahaatee, Arintan ayaa imanaysa xili dhawaan la doortay gudoomiyihi iyo k/xigeenkii golaha deegaanka ee degmada Saylac oo muran badani ka taagnaa isla markaasina ay magaalooyinka Gob olka Awdal mudaharaadyo hadheeyeen
Idhanka

Soomaaliya waxay u baahantahay miisaaniyad xambaarsan isbeddel siyaasaddeed.

$
0
0

Soomaaliya waxay u baahantahay miisaaniyad xambaarsan isbeddel siyaasad dhaqaalle, si Dalka loo gaarsiiyo dib u dhis dhab ah Soomaaliya waxay kusoo jirtay kuna jirtaa dhaqaalle xumo qoto dheer. Waxaana taasi usii dheerreed wax is daba marin. Hoos u dhaca ku imaan jirayna miisaaniyadda wuxu ahaa mid aad iyo aad u weyn, taasoo sidoo kale sii [...]


Arrin la Yaab leh oo Shalay ka Dhacday Eastleigh…

$
0
0

Nairobi:  Waxaa Shalay oo ay Taariikhdu aheyd 05 January 2013, ayaan waxaan Goob joog ka ahaa ee arrin ka dhacday EASTLEIGH gaar ahaan wadaada 6 street ka dib markii ay soo galeen Ciidamada loo yaqaan AP oo wata Baabuurta loo yaqaan Cabdi bile oo darbaal leh waxaana hoggamineysay Qof Dumar ah oo caan ka ah Eastleigh, ka dib waxay Bilaabeen Ciidamadii in ay Qabqabtaan dadkii ku sugana 6 Street, ayadoo Baabuurka ay horey ugu jireen dad Soomaali ah oo meelo kale laga soo Qabtay, Nasiib wanaag markuu hor marayo Albaabka Masjidak 6 Street hortiisa waxaa ku soo yaacay Soomaalidii meesha joogtay oo dhan oo Baaburkii wadada ayaa laga xirey Dhagxaan waa weyn ayaa la hor dhigey waana lugu mudahaaradey.
Waxaana Cidamadii lugu Qasbay in ay sii daayaan dadkii oo dhan oo ay Xirxirteen. hase yeeshe Waxaa dhacday in Ciidamadii goobta ka baxsadaan oo ay ka cararaan Xaafadda Eastleigh maxaa yeeley Shacabka Eastleigh deggen waxay sameeyeen Geesinimo iyo howl karnimo wanaagsan.
Baabuurkaas Cabdi Bile aha oo ah Nooca ay Isticmaalan Ciidamada AP waxaa uu ahaa Baabuur caan ka ah EASTLEIGH , waxaana  Ciidamadda saaran tiradooda lugu Qiyaasey 11 Askari waxaana Taliye u ah Gabar , Ciidmaddan oo caado ka dhigtay in Habeen iyo Maalin in ay Guryaha galan  oo weliba dadka Jidka maraya lacag ka qaata ama xiraan ayadoo dhibkaan muddo badan ay ku hayeen Xaafadda Nasiib wanaag waxaa sura gashey in looga hortagey Dibad bax iyo Buuq ka dhacay 6 Street, halkaas oo qorshahooda oo dhan lugu fashiliyay Dadkii u xirna oo dhan 14 qafood Soomaali ah ay Xornimadooda dib u heleen.
Dadka Soomaalida waxaa looga baahan yahay Geesinimo iyo Midnimo in ay wax walba ku qasadaan.

Wafdi uu hogaaminayo Axmed Madoobe oo ku soo fool leh magaalada Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya…

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in wafdi uu hogaaminayo hogaamiyaha jabhadda Raaskambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe} inuu ku soo fool leeyahay magaalada Muqdisho si uu kulamo ula qaato madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya oo la sheegay inuu kala hadli doono arrimaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo uu muran badan ka taaganyahay.
Sida warku sheegayo wadi uu hogaaminayo Axmed Madoobe oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi uga qeybgalayaa kulan looga hadlayo maamul u sameynta Jubbooyinka, wuxuuna kulankaasi ka dib uu u soo dhoofi-doonaa sida la sheegay magaalada Muqdisho oo uu ku dhameystiri doono maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka kulamada looga hadlayo.
Shirka ka socda Nairobi ee uu Axmed Madoobe ka qeybagalayo ayaa sidoo kale waxaa la sheegay joog ka yihiin siyaasiyiin ay ku jiraan kuwo wax ka soo qabtay hogaanka dalka, odayaal dhaqameed, culimo-awdiin, aqoonyahan iyo qaar ka mid ah indheer garadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ayaa Sh. Axmed wuxuu kaga hadlay maxsuulkii ka soo baxay kulankii ay wada galeen wafuuddii dowladda ka socday ee ay ku kulmeen Kismaayo.
Sheekha Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu is faham dhexmaray maamulka uu Guddoomiyaha u yahay iyo wasiiraddii ka socday dowladda Soomaaliya ee booqday magaalada Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray inuu qorshaynayo inuu haatan uu socdaal ku tegi-doono magaalada Muqdisho, si ay u sii anba qaadaan wada xaajood dhexmara xubnaha ugu sareeya dowladda oo markaasi uu oola jeeday Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.
“Dhawaan waxaan doonayaa inaan safar gaaban ku tago magaalada Muqdisho si aan kulamo ula soo yeesho madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, kulamada aan la yeelanayo waxaa looga hadlayaa sidii maamul lagu mideysanyahay aan ugu wada-sameyn laheyn gobolada Jubbooyinka, runtii delaalo nagu dhexjiray annaga iyo dowladda Soomaaliya oo diidanaa in xal la gaaro ayaa hadda meesha ka baxay, waana ilaah mahaddiis haddii aan is fahamnay dowladda Soomaaliya madaxdeeda” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in safarkiisa Muqdisho uu noqon doono kii maamul loogu sameyn lahaa gobolada Jubbooyinka sida ay rajadu tahay sida ayuu yiri.

Assad oo ku Baaqay Shir Dib-u-heshiisiin ah

$
0
0

Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad oo jeediyay khudbaddiisii u horreysay tan iyo bishii June ayaa sheegay in ay la dagaalamaan argagixiso dibedda laga maalgeliyo. Asad wuxuu soo jeediyay in la qabto shir-weyne dib-u-heshiisiin ah.

War Deg Deg Ah:-Dagaal ka Socda Gal-gala iyo Taangiyo ka Qeyb Qaadanaaya…

$
0
0

Warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab uu ka qarxay Buuraha Gal-gala kaa oo Taangiyada Puntland ay ka qeyb qaadanaayaan.
Dagaalkaan ayaa holcay kadib markii ciidamada Puntland ay ka warheleen in halkaa looga soo abaabulaayo dagaalo iyaga ka dhan ah, waxaana ay qaadeen weerar looga hortagaayo ciidankaa Al-shabaabka ah.
Magaalada Boosaaso gudaheeda waxaa gil gilay dhawaqa rasaasta iyadoo weli la ogeen qasaaraha halkaa ka dhashay dagaalka oo socdo awgeed.

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyey inay dib u dhigeen xeritaanka kala fadhiga koobaad ee Baarlamaanka ka dib markii…

$
0
0

Guddoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay  shaaciyey in dib loo dhigay xeritaanka kala fadhiga koobaad ee mudanayaasha Baarlamaanka oo horey loogu qorsheeyey maanta inuu xirmo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xeritaanka kala fadhiga koobaad ee Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta  horey loogu qorsheeyey dib loo dhigay illaa maalinnimada Isniinta ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegantahay 07-January.
Dib u dhigistan ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ku micneeyay inay sabab u tahay dhameystirka howlaha sameynta Guddiyada Baarlamaanka oo maalmahanba ay Xildhibaanadu ku mashquulsanaayeen, waxaana uu xusay in howlahaasi lagu dhameyn doono maanta oo axad ah islamarkaasina lasoo xiri doono haduu Alle idmo kala fadhiga Koobaad maalinta Isniinta.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagu si joogta ah u shaqeynayey tan iyo intii uu u furmay kala fadhiga koobaad iyadoo xeritaanka kala fadhiga uu ku ekaa bishii December 20 keedii ee sanadkii aynu ka soo gudubnay balse uu intaan kala fadhigu ku soo gaaray howlo si isdaba joog ah ay Xildhibaannada Baarlamaanka la haayeen  sida uu yiri Guddoomiyaha Baarlaamnka.
Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee  shalay  oo ay soo xaadireen 170 xildhibaan ayey guddi-hoosaadyada Baarlamaanku waxay ku doorteen Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha, iyadoo Guddiga doorashada galay ay ka mid ahaayeen  Guddiga difaaca iyo Guddiga xuquuql insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimda.
Guddi hoosaadyada baarlamaanka oo 15  ah ayaa guddi walba uu ka kooban 18 xubnood, waxaana kalafdhigii shalay shir guddoominayay ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.iyadoo Guddiyada illaa hadda doortay mas’uuliyiinta hoggaaminta ay kala yihiin:
1. Guddiga beeraha, hormarinta reer miyiga, xoolaha iyo kheyraadka Badda,
2. Gudiga xaquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimada,
3. Guddiga wacyigalinta, dhaqanka, boostada iyo isgaarsiinta,
4. Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha,
5. Guddiga xeer-hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada
6. Guddiga Difaaca
Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo loo doortay guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimada ayaa sheegtay inay billowdeen doorashada guddi-hoosaadyada baarlamanka, iyadoo sheegtay in iyada loogu doortay guddoomiyaha guddiga ay ka tirsan yahay si aqlabiyad ah.
Xuseen Carab Ciise oo isagana loo doortay guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xilkaas loo doorto, wuxuuna xusay inuu ka shaqeyn doono arrimaha difaaca dalka oo uu sheegay inuu sannadkii ugu dambeeyay ka shaqeynayay arrimaha difaaca.
Inta badan doorashada guddi-hoosaadyadu ay ku dooranayaan guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye ayaa waxay socon doontaa illaa maalinta berri ah, iyadoo lagu wado in baarlamaanku uu fasax galo marka la dhameystiro guddi hoosaadyada baarlamaanka.
Dhinaca kale, waxaa maanta lagu hordhaafiyay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho wasiir u dowlaha madaxtooyda Soomaaliya, Faarax C/qaadir oo ka maqnaa dhaarintii wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha xukuumadda Soomaaliya.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live