Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynayaasha labada Sudan oo ku kulmay Addis Ababa

0
0

Labada madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo Selva Kiir Jimcihii ayay soo gaareen magaalada Adis Ababa, waxaa dabadeed gooni gooni ula kulmay dhexdhexaadiyaasha Sudan ee midowga afrika iyo doowlada Ethiopia, waxaa la arkayay hogaamiyaasha Sudan oo la fadhiya RW Ethiopia iyo Tabo Imbeki, madaxweynihii hore ee South Afrika, oo ah dhaxdhaxaadiyaha midowga Afrika ugu qaabilsan labada Sudan, oo wada sheekeeysanaya qoslayana, waxaana wajiyadooda kamuuqday jawi dabacsan.
Waxaana xigay shir socday laba maalin oo ilaa shalay soo gaaray, islamarkaasna fool kafool ay isku horfadhiyeen labada madaxweyne, waxaa wehliyay xubnaha wafdigooda oo ay kamid ahaayeen wasiiradooda gaashaandhiga.
Shirkaan labada maxdaxweyne Addis Ababa ugu soo gaba gaboobay, waxaa looga gol lahaa in lagu dhamaytiro wixii aan kafulin 9-kii heshiis ay horay ukala saxiixdeen labada dal, inkastoo lasoo warinayo in shirka uu dhamaaday hadane wali lagama soo saarin war murtiyeed.
Arimaha ajandaha labada dhinac ugu waaweeyn waxaa kamid ahaa kuwa sii murjinaya xaaladaha labada wadan, sida Saliida koofurta Sudan ee laga dhoofiyo wadanka Sudan oo doowlada Jubba ay joojisay, taasoo dhibaato ku noqotay dhaqalihii labada wadan, waxaa kaloo iyadana jirta muranka dhinaca Soodinta siiba Xadka meelo kamid ah oo lagu heshiiyay markii hore ineey noqdaan goobo milatariga ka caagan iyo iyana in lasyu furo goobaha ganacsiga labada wadan ee Soohdinta ku yaala.
Arinta kale ee Caqabadda noqotay waxay ahayd arinta gobolka “Abyee” oo aad usii kala fogeeysay labada wadan oo jidgooyo ku noqotay sidii horay loogu sii socon lahaa.
Gobolkasi Ciidamada Sudan waxay kabaxeen bishii May ee kalhore, waxaa dabadeed la geeyay Ciidamo kasocda doowlada Ethiopia oo Qaramada midoobay hoostaga.
Hadaba war qoraal ah oo ay wadajir usoo saaren, doowladaha, Mareeykanka, Britain, Norway ayaa waxay kaga hadleen wadahadalada labada Sudan, waxaana ay ku baaqeen in xallagaaro, sidokale waxay ku baaqeen dalalkaan in Ciidamada labada Sudan si deg deg ah looga daadgureeyo Soohdinta labada dal oo ay dhoobanyihiin.
Wadamadaas ayaa waxaa kaloo ay kahadleen dhoofinta Saliida in dib loo soo celiyo oo waxay yiraahdeen: “qiimo weyn ayay labada Sudan ugu fadhidaa dhaqaalahooda in dhoofintii Saliida dib loo soo celiyo iyadoona labada dhinac midna usuan shardi ku xirin”.
Koofurta Sudan waxay ka go’day Sudan inteeda kale olo dal madax banana ay noqotay bishii Julay 2011 sidii lagu gaaray heshiisyadii lagu joojinayay dagaaladii sokeeye ee labada Sudan u dhaxeeyay 1983-2005.


Dhageyso: Odayaasha dhaqanka Puntland oo dowladda Federalka Soomaaliya ugu baaqay soo celinta hantidii Maguurtada ahayd.

0
0

mulkiile sax
Odayaasha dhaqanka Puntland ee ku sugan Garowe ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Garowe waxay si kulul uga hadleen boob magaalada Muqdisho loogu geysanayo hantida maguurtada ah oo ay inteeda badani leeyihiin dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland.
Odayaasha iyo waxgaradka soo qaban qabaabiyay kulanka oo intooda badani ay kasoo jeedaan gobolka Nugaal ayaa si gaar ah wax ay ucambaareeyeen dhismo hotel ah oo si sharci darro ah loogu haysto magaalada Moqdisho kaasi oo mulkayadiisu uu leeyahay nin ganacsade ah oo kamid ah dadkii kulankaasi soo qaban qaabiyay.
Ganacsade Yuusuf Jaamac degel oo ah ganacsadaha mulkiyadiisa iskaleh Hotelkaasi ayaa sheegay in ay hantidiisu xoog ku hastaan nin ganacasade ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, Waxaana uu sheegay inuu horey codsi ugu gudbiyay dowladdii KMG ahayd iyo maamulka gobolka Banaadir,Iyadoo sheegay inaysan arintaasi waxba ka maqan.
Nabadoon Qaliif Aw Cali oo kamid ahaa nabadoonadii ka qeyb galay kulankaasi ayaa ugu baaqey madaxda Dowladda federalka Soomaliya inay gacan ka geystaan soo celinta hanti maguurtada ah ee sida sharciga ka darugsan loogu haysto magaalada Muqdisho, Waxaana si gaar ah udalbadbaday in loosoo caliyo hotelka uu leeyahay ganacsade Ganacsade Yuusuf Jaamac degel.
Nabadoon Qaliif Aw Cali Waxuu sheegay haddii laga baxay xiligii KMG ahaa Waxaa dowladda Soomaaliya laga rabaa inay soo celiso hantida dadkii Soomaaliyeed ee xiligii burburka Muqdisho uga qaxay,Iyadoona sidoo kale uu ugu baaqay odayaasha Muqdisho inay arintaan waxka qabtaan.
Cismaan Guureeye Kaarshe oo kamid ah aqoonyahanadii kulankaasi ka qeyb galay ayaa ugu dambeyn sheegay in ay ergo uyihiin dowladda Federalka Somaaliya iyo ehelada ninka haysta Hotelka, Waxaana uu sheegay in ay rajaynayaan in la tixgaliyo codsiga waxgaradka iyo odayaasha reer Puntland kasoo baxay.
Hotelka odayaasha Puntland ay sheegeen in si sharci darro ah loogu haysto magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Hotel degel, Waxaana uu ku dhow Hotel Saxafi ee ku yaala KM4 Muqdisho.
Xafiiska wararka Buraannews.com
Garowe

Madaxwenaha Suuriya ayaa qudbad kusheegay in mucaaradka ka so horjeedaa ay yihiin cadowga Ilaahey iyo kuwo kabaha u qaada reer Galbeedka.

0
0

Madaxwenaha Suuriya Bashar Al Asad ayaa qudbad taleefishanka laga sii daayey kusheegay in mucaaradka ka so horjeedaa ay yihiin cadowga Ilaahey iyo kuwo kabaha u qaada reer Galbeedka. Wuxuuse qirtay in dadkiisa reer Siiriya uu dagaal halakeeyey, meel kastana ay daruuri madoobi ka hoganeyso. Qubadiisan oo ah tii ugu horeysay oo uu meel fageere ah [...]

Nin u dhashay dalka Keenya oo iska dhigay si been abuur ah sarkaal boolis ayaa lagu qaday dacwad.

0
0

Joshua Wayganjo oo ah nin Keenya u dhashay oo iska dhigay si been abuur ah sarkaal boolis ayaa lagu qaday dacwad. Jashuwa waxaa lagu helay in uu ka been abuuray in uu sayah sarkaal boolis oo weliba ah kaaliyaha taliyaha booliska muddoo shan sanadood ah. Jashua ayaa beeniyey dacawada loo heysto in uu wax lug [...]

Madaxweynaha Galmudug Oo Siyaasiyiinta Gobalada Dhexe Ugu Baaqay Baallaarinta Maamulka

0
0


Waxaa Hotelka Embassy ee K/magaalada Galkacyo kulan kuwada yeeshay Qar ka tirsan Maamulka Ahlusunna ee  Gobalada Dhexe iyo Madaxda Galmudug iyo Ururada Bulsha Galmudug .
Kulanka Oo ahaa Mid ay Labada Dhinac ee Ahlusunna Iyo Galmudug Shacabka Ugu Soo bandhigayeen Qaabka ay u Midoobayan ayaa waxaa Ka Soo Qayb galay Wafdigii Ahlusunna ee Ka yimid Gobalada Dhexe,Madaxda Maamulka Galmudug iyo Boqolaal Dadweyne Isugu jira Ganacsato,Culumaa,udiin,Odayaasha dhaqanka,Ururada Haweenka iyo Dhamaan Shacabka Galmudug ee Galkacyo.
 
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Oo Kulanka  ka hadlay ayaa Sheegay In la Furi Doono Shirweyne Lagu Midaynayo Dhamaan Qaybaha Ku abtirsada Galmudug isla Marlkaana ay ugu Baaqayaan dhamaan Qaybaha ka Biyadiidsan maamulka in ay ka soo qayb galaan Shirweynaha lagu Midoobayo  ayna u tagi doonan cidkasta oo dhaliil Tabanaysa.
 
Wuxuu Sidoo kale   Qaybdiid ayaa intaa Ku daray In Ay Galmudug iyo Wafdiga Ahlusunna  ay kulankoodii Hore uga wadashireen sidii loo wajihi lahaa Midaynta Gobalada dhexe ee Soomaliya looguna Samayn lahaa Maamul ay Ku Midooban mana jirto Cid Galmudug Si gaara Isku Xijinaysa waxaana Maamuli Doona Cidii ay Doortan Dadweynaha Gobalada Dhexe markii ay u midooban qaabkii ay Hal Hogaan u yeelan lahayeen anakuna Xila waa Dhigaynaa Oo Isku Dhajin mayno Hadii Hogaan Kale La doorto ayuu yiri Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.
 
Dhanka Kale waxaa Isna Qudbad ka Horjeediyay Boqolaalkii dadweynaha ahaa ee Kulanka ka soo Qayb galay  Hogaanka Wafdiga Ahlusunna Sh.Ibraahim Sh.Max’ud Guureeye wuxuuna Ka hadlay Fikirka ay ka qabaan Midowga Galmudug iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Galmudug wuxuuna yiri,waxaan Si weyn U soo Dhaweyneynaa Midaynta Gobalada Dhexe  Maamulka Ahlusuna markasta Wuxuu Diyaar u Yahay In lamidoobo lakin waa In Galmudug Iyo Ahlusunna Iyo dhamaan Qaybaha Gobalada Dhexe ay Si hor fariistan Isla Markaana la doorto Hogaan Cusub oo loo Sameeyo Maamulka Galmudug kuna Midoobaan dhamaan Gobalada dhexe waxayna Ku Imaan Kartaa Wada tashi,Iskaashi,Is qancin iyo In la Qabto Shirweyne lagu Midoobayo arinkaana waa Socdaa Galmudugna Siweyn ayay noo Soo Dhaweysay Anakuna Waxaan Filayaa In aan Dhankeena si dookale Samayn doono Marka ay Yimaadan Qaybaha Kale ee Gobalada dhexe Ayuu Yiri Sh.ibraahim Sh.Max’ud Guureeye .
 
Sidoo kale waxaa Madasha Ka hadlay Siyaasiyin ,Waxgarad iyo ururada bulshada kuwaa oo Dhamaan Soo Dhaweeyay  Midowga Gobalada Dhexe iyo Balaarinta Galmudug  waxayna hidi diilo Wanaagsan Ka Muujiyeen Qabsoomida Shirweyne lagu Midoobo.
Si Kastba Waa markii ugu horeysay ee Madaxda Galmudug shaaciso in ay Xilka u dhiibayan Cidkasta oo ay doorato Dadweynaha Gobalada taa oo imaanaysa Xili kulamadii dhexmaray Ahlusunna Iyo Galmudug looga sharqamiyay in Galmudug Lagu Faafinayo Dhamaan Gobalada Dhexe Hadana Lama Oga suurta galnimada Arinkaa iyo in Galmudug ku talaabsato Isku keenida iyo Midaynta Gobalada Dhexe taa Oo Mudo ay ka dhawaajinayeen Madaxda Galmudug Hadana aan Wali Mira Dhalin.

Nin dilay shaqaalo ka tirsanaa MSF oo Musuq maasuq lagu sii daayay

0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Guddoomiyaha Maxkamadda sare Abuukaatee Caydiid ilka Xanaf oo wareysi siiyay Iadacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in si Musuq Maasuq ah  lagu sii daayay Gacan ku dhiigle Muqdisho ku dilay shaqaale ajnabi ah oo ushaqeynayay Hey’adda MSf.
Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa waxa uu sheegay in Seddex Garsoore oo ka tirsanaa Maxkamadda Sare ay sii daayeen  Gacan ku dhiiglahaan waxaana uu intaasi ku daray in Guddiga Garsoorka ay ka fariisteen Seddexdaani Garsoore islamarkaana Go’aan lagu gaaray in laga qaaado darajooyinka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xunyahay in hey’adda MSF ay isaga baxdo Gobollo ka tirsan Soomaaliya Maadaama uu sheegay in ay caawin Jireen Sooamalida.
Sanadkii aan ka soo Gudubnay intii aan ku guda Jirnay ayaa nin ka tirsanaa ilaalada Hey’adda MSF waxa uu ku dilay Xarunta Hey’addaasi ee Magaalada Muqdisho dad ajaanib ah oo  ka tirsanaa Hey’addaasi MSF.

Bashaar Al Assad Oo Ku Hanjabay In Ciidamadiisa Weli Awood Leeyihiin Oo Cagta Marin Doonaan Kooxaha Ka Soo Horjeeday

0
0

Madaxweynaha qululatooyinku dul hoganayaan ee dalka Suuriya Bashaar Al Assad, ayaa toddoba bilood ka dib mar kale khudbada u jeediyey dadka Waddanka Suuriya oo uu ugu baaqay barnaamij cusub iyo isbedal maamul.
Bashaar Al Assad oo khudbad u soo jeediyey koox taageerayashiisa ah oo ku sugnaa Tiyaaterka Magaalada Dimishiq, ayaa sacab iyo erayo dhiiri gelin ah lagu soo dhaweeyey, markii khudbadiisa ku bilaabay khasaaraha dadka Suuriya ka soo gaadhay dagaalada iyo amni xumada dalkiisa ka jirta.
Bashaar Al Assad ayaa eeda oo dhan dusha ugu tuuray waxa uu ugu yeeray kooxo shisheeye oo diin kusoo gabanaya asagoo sheegay in weligiid aysan jirin kala qeyb sanaan dhanka diinta ah oo ku timid bulshada Siiriya, walow uu illaaway inuu ka hadlo xasuuqii uu horey Aabishiis Xaafid Al Assad u geystay dadka Sunnida ee dalkaasi ku dhaqan, xasuuqa hada ay ciidamadiisa ka wadaan magaalooyinka ay u badan yihiin dadka sunnida ah.
Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al Assad waxa uu sheegay in kooxda ka soo horjeeda u socdaan dil iyo dhac, Dawladdiisana ay ku khasban tahay inay dalka iyo dadka Difaacdo. Bashaar Al Assad ayaa waddamada reer Galbeedka ku eedeeyey inay doonayaan xiisada ka taagan gudaha Suuriya inay u adeegsadaan danahooda gaarka ah, balse wuxuu u mahadnaqay dalalka Ruushka iyo Shiinaha oo uu sheegay inay garab istaageen Waddankooda Suuriya.
Bashaar Al Assad ayaa ku goodiyey inuu Dawladdiisa ay weli awood leedahay isla markaana ay taariikh u dhigi doonaan kooxaha ka soo horjeeda.  Bashaar Al Assad ayaa sheegay in aanay jirin cid ay hada wadahadal la galaan oo wadada kaliya ee u furan ay tahay in ay dalka difaacaan.
Khudbadan ayaa kusoo beegmaysa xili dagaal uu ka socdo dalka Suuriya in ka badan 21 bilood, waxaana inta badan magaalooyinka wadankaasi burbur xoogleh u geystay dagaalada oo ay ka qeyb qaadanayaan hubka culus iyo diyaaradaha Bashaar Al Assad ciidamadiisa adeegsanayaan.
 
Hargeysa Somaliland

Maamul Goboleedyadda & Hantidii Dowladii Hore ee Xaniban.

0
0

Marka hore hadii aan kala qaado hantida qaranka oo aan ka bilaabo dhanka lacagta xaniban waa dhab waa la xanibay waagii dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ay dhacdey ayaa la xanibey waana ahayd waana wax aduunka ka dhaca, hadii aan saas layeelina maanta la iskuma soo gaareen oo waxa la boobayo ayey [...]


Caasimada Hargeysa Oo Bac La Ciirciiraysa Iyo Waxyeeladeeda Oo Saamayn Ku Yeelatay Ilaa Noolihii Badda

0
0

Magaalooyinka dalka Somaliland ayaa waxa deegaan kasta lagu arkaa bacda ay dadku adeegsadaan hadhaageeda, taas oo xashiish ahaan marka loo tuuro fool xumo weyn iyo waxyeelo ku keenta deegaanka iyo bilicda magaalooyinka, isla markaana dhirta kala duwan caleemahooda ka wada lulata marka dabayshu qaado, iyadoo xataa dhirta ku keenta inay caleemaha yaryar isku duubto oo ka xidho nafaqadii caleentu heli lahayd ee xididadu geedku u soo gudbinayeen, ayaa caasimada Hargeysa goobkasta oo qashin qub ah waxa ugu badan bacda, taas oo inteeda badan laga soo waarido wadamada dibadaha, ayaa sanado farabadan ay shacbiga Somaliland u adeegsadaan inay ku ritaan alaabooyinka yaryar iyo raashinka qaydhiin iyo bisilba qaarkood, taas oo marka banaanka la dhigo ama goobaha xashiishka lagu rido dhibaato weyn ku haysa dadka iyo deegaanada kala duwan ee dalka, Waxa kale oo bacda dhibatadeedu gaadhay marka laga yimaado magaalooyinka iyo deegaanada miyiga dhibaatada faraha badan ee ay ku hayso xitaa inay dooxyada biyaha marayaa qaadaan xilli roobaadka, isla markaana noolaha badda ku jira ay waxyeelayso o dhibaato ba’an ku keenta kaluunka iyo noolaha kala duwan ee badda ku nool, ayaa loo baahan yahay in laga hawlgalo sidii bacda dibadaha laga soo waaridyo loo yarayn lahaa ama waxyaalo kale loogu badali lahaa adeegsiga bacda dhibaatada ku haysa deegaanka   iyo dadkaba, isla markaana laga nadiifiyo magaaloouinka iyo deegaanada ay waxyeelada ku hayso, sidoo kale golaha deegaanka ee cusub ee caasimada Hargeysa, ayaa waxa horyaala caqabado badan oo isbarkaday oo u baahan waxqabad, kuwaas oo laga rajaynayo inay waxqabad dhab ah ku wajahan hawlaha loo igmaday inay caasimada ka qabtaan.
Hargeysa Somaliland
Xigasho Wargeyska Haatuf

Madaxweynaha Somalia ayaa ka qaybgalay munaasabad lagusoo xirayay kala fadhigii 1aad ee baar…

0
0

Madaxweynaha Somalia ayaa ka qaybgalay munaasabad lagusoo xirayay kala fadhigii 1aad ee baarlamanka kadib markii ay soo afmareen kulamo dhowr ah oo ay ku ansixiyeen golaha wasiiradda iyo miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqaynayso sanadka 2012. Related News: (Video) Madaxweynaha Somaliya oo xilligaan kulan la qaadanaaya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dowladaha T… Marwooyinka Madaxweynaha oo deeq [...]

Maraykanka Oo Hadalkii Bashaar Al-Asad Ku Tilmaamay Qorshe Uu Ku Doonayo Inuu Awoodda Ku Sii Adkaysto

0
0

Dowladda Mareykanka ayaa ku gacansayrtay qorshaha nabadda ee ku baaqay  Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad shalay , kaas oo uu maraykanku ku tilmaamay  inuu yahay qorshe cusub oo uu Madaxweynaha uu qalalaasaha siyaasadeed ku socdo ee Bashaar Al-asad ku doonayo inyy ku sii adkaysto awoodda .
Afhayeenka  wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka Victoria Nuland oo la hadashay warbaahinta, ayaa sheegtay in maamulka Madaxweyne Asad uu lumiyay dhamaan sharci ahaanshihii umadda Suuriya, iyada oo ugu baaqday inuu xilka madaxweyne nimo ee lagag soo horjeedo uu ka dego, ka dib markii uu Bashaar Al Aasad la hadlay taageerayaal magaalada Dimishiq ku sugnaa , kuwaas oo  uu u soo bandhigay qorshe lagu soo afjarayo dagaalka uu dhiiga badani ku daatay ee weli ka socda waddankiisa.
Waxaanay taasi ka dambaysay, ka dib markii uu Bashaar Al-asad ku tilmaamay kooxa dagaalka kula jira inay yihiin daba dhilifka waddamada reer galbeedka iyo Maraykanka oo aanay marnaba la hadli doonin kooxahaasi.
Hargeysa Somaliland

Daawo:Maamulaha Kastamka Cashuuraha Borama Iyo Badhasaabka Oo Ka Warbixiyay Dakhliga Ka Soo Xerooda Iyo Kastamka Oo Loo Raray Xuduuda Itoobiya

Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasaaraddaha Madaxtooyadda iyo Hawlaha Guud faray Dejinta Qorshe Qaadhaan Loogu Ururinayo Wadooyinka

0
0

 

 Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo hogaamiyo ayaa Qorshe Hawleedkeeda Siyaasadeed ee ay ku dhaqayso Miisaaniyadda 2013-ka ku soo bandhigtay qorshe cusub oo ay doonayso inay wax kaga qabato Wadooyinka Dalka, si koboc dhaqaale u Abuurmo.
Siyaasadda Miisaaniyadda sanadkan waxyaabaha ugu badan ee ay fulinyasana waxa ugu waaweyn qorshayaal Wadooyinka loo dajiyay “Waa in Dakhliga Fuel Levy-ga, Road Levy-ga iyo License Levy-ga ay galaan Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, isla markaana Dakhliga Fuel Levy-ga ee 2013 loogu soo Iibiyaa qalab Wadooyinka, laguna daraa qaybta Mashaariicda Horumarinta.
Sidoo kale, waa in kharashkii daryeelka wadooyinka ka baxsan magaalooyinka mudnaan la siiyaa Miisaaniyadda 2013. Si loo Horumariyo wadooyinka, waa in wasaaradda Madaxtooyadda iyo Wasaaradda Hawlaha
Guud ay diyaariyaan qaab suurtagalinaya in wadooyinka halbawlaha ah la dhigo nidaamka Qaadhaanka lagaga Ururiyo wadooyinka (Toll Collection Fee), iyadoo wixii sharci nidaamiye ah loo gudbin doono Golayaasha Sharci dejinta, wixii farsamo ahna loogu diyaarin doono sida ugu fiican” ayaa lagu yidhi Siyaasadda Miisaaniyadda ee sanadkan oo uu Mdaaxweyne Siilaanyo dhaqan geliyay 1/1/2103
Qorshahan cusub ee ay Xukuumaddu wado ayaa sida ka muuqata noqon doona mid Dakhli dheeraad ah lagaga qaadi doono gaadiidka mara wadooyinka siyaasadda lagu sheegay isla markaana buuri doona dhaqaale lagu Horumariyo Jidad waaweyn oo fududeeya isu socodka Goboladda iyo Degmooyinka Dalka oo ay qaarkood imika go’doon galaan Xilliyadda qaarkood sida Gobolka Sanaag iyo Deegaanada Hawdka iyo Waqooyiga
Source-Cadceed

Guddoomiyahii Bangiga Jibouti Mudane Maxamuud Jaamac Xayd Oo Muddo Aan Lagu Arag Xafiiskiisa Iyo Wergeyska Indian Ocean Oo Tibaaxaya In Xaalad Caafimaad La Soo Daristay

0
0

Wergeyska The Indian Ocean ee wax ka qora arrimaha sirdoonka laga soo xigto xaruntiisuna tahay magaalada Paris ee dalka faransiiska ayaa sida uu cadadkiisii maanta daabacay wuxuu ku sheegay in Guddoomiyaha Baanka Jibouti Mudane Maxamuud Jaamac Xayd oo ay walaalo yahiin marwada koobaad ee dalka Jibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd aan la arag muddo bilo ku dhaw isagoo aan ka soo xaadirin shaqadiisa waxaana wergeysku tibaaxaya in Guddoomiye Xayd ay la soo daristay xaalad caafimaad.
Wergeyska The Indian Ocean wuxuu qormadiisa ku sheegay in Maxamuud Jaamac Xayd xaalad caafimaad loo geeyey dalka dibadiisa iyadoo dawladda Jibouti ay qarisay sida xaaladiisa caafimaad tahay, wergeysku wuxuu sheegay in Maxamuud Jaamac Xayd oo ahaa miisaan weyn oo dawladda Jibouti ka tirsani in muddo ahba aanu goob joog ka ahayn golaha sare ee maamulka Jibouti looga talliyo.
Wergeyska the Indian Ocean wuxuu tibaaxaya in si ku meel gaadh ah loogu wareejiyey maamulka Baanka Jibouti isla markaana lagu wareejiyey isla qof ka soo jeeda qoyska reer Maxamuud Xayd nin la yidhaahdo Mahdi Maxamuud Jaamac.
Dhinaca kalana warkani uu daabacay wergeyska the Indian Ocean Newletter ee ka soo baxa dalka faransiiska ayaan si madax banaan loo xaqiijin karin iyadoo aanay haba yaraate dawladda Jibouti ka hadal arrintani.
Source-Halbeegnews

Messi Oo Markii 4aad Oo Isku Xigta Ku Guuleystay Abaalmarinta FIFA Ballon d’Or “Daawo Sawirada”

0
0

Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa ku guuleystay markii afaraad oo isku xigta xiddiga ugu fiican sannadka kubada cagta adduunka ee abaalmarinta FIFA Ballon d’Or ka dib xaflad caawa ka dhacday Zurich. Messi ayaa abaalmarintan ka qaaday xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo saaxiibkiisa kooxda Barcelona Andres Iniesta. Lionel Messi ayaa helay codadka ugu badan ee [...]


DAAWO SAWIRADA: Ku dhawaad 100 burcad badeeda ah oo ka tanaasulay falalkoodii burcad badeednimo

Sababaha MSF ay uga baxday gobalada dhexe oo la shaaciyay (Aqri Xog rasmi ah)

0
0

Iyada oo siyaaba isku mid ah ay uga bexeen Shaqaalaha MSF oo kahowl gelayay Beledweyne iyo Guri ceel ee gobalada Hiiraan iyo Galguduud ayaa waxaa soo baxay arin cajiib ah oo lagu tilmaamay sababta rasmiga ah ee ay uga bexeen goobahaasi.
Ceydiid Ilka Xanaf, gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya oo ka hadlay bixitaanka MSF ee Guriceel iyo Beledweyne ayaa waxa uu sheegay in sababta keentay bixitaankooda ay tahay gacan ku dhiigle horay ugu dilay shaqaale MSF gudaha Muqdiso oo gaaray Guriceel MSF-na ay kawar heshay.
IlkaXanaf ayaa yiri, “Nin gacan ku dhiigle ah oo horay u dilay laba Shaqaale ah gudaha Muqdisho oo si musuq maasuq ah xabsiga looga daayay ayaa tegay oo kunool Guri Ceel, waxaana arintaasi ka dhashay in hey’adda MSF ay joojiso howla muhiim ah oo ay u heysay shacabka Soomaaliyeed”.
Gudoomiyaha maxkamada Sare ee Soomaaliya ayaa siideysmada ninkaasi waxa uu darajadoodii hoos ugu dhigay dhowr sarkaal oo kamid ah golaha garsoorka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay galeen denbiya qaran.
Ceydiid Ilka xanaf ayaa waxa uu sheegay in ninkaasi uu ku xukunaa 30 sano oo xarig ah sii deysmadiisuna ay kamid tahay dhibaato shacabka Soomaaliyeed u soo hoyatay maadaamada hey’adihii shacabka u shaqeynayay ay dalka dartii uga huleelayaan iyaga oo naftooda uga baqaya.
Axmed Nuur ayaa bartamihii sanadkii tegay waxa uu dilay laba shaqaale ah oo u shaqeynayay Hey’adda MSF Belgium arintaas oo sababaty in xabsiga ladhigo inkasta oo ugu danbeyn xabsiga laga sii daayay.
Inkasta oo Ilka Xanaf uu sheegay in ninkaasi Musuq lagu siidaayay ayaa eheladiisu waxa ay ku tilmaameen been abuur aan sal iyo raad toona lahey oo Axmed Nuur xabsiga si sharciga waafaqsan uu uga baxay.
Si kastaba waxa aan aheyn mid daah saaranyahay in bixitaanka MSF ee Beledweyne iyo Guriceel uu kusoo beegmay tegitaanka Axmed Nuur ee degmada Guriceel ee gobalka Galguduud.
MSF iyadu kama hadlin bixitaankeeda hasa yeeshee waxa ay warar hoose shegayaan in lagu war geliyay in deegaanada ay ku shaqeynayaan uu gaaray gacan kudhiiglihii asaxaab ay jeclaayeen Muqdisho ku khaarijiyay.

AMISOM oo ka warbixisay Waxqabadkeedii sanadkii Hore ee 2012

0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Afhayeenka Ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumad oo maanta shir Jara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay waxqabadka Sanadkii hore ee Ciidanka AMISOm isagoo sheegay in Ciidamada AMISOM ay goobo badan oo horleh oo ay kala wareegeen Xarakada Al Shabaab ay isku faafiyeen ayna ka sameeyeen Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mida Gobollada Dalka Horumar ballaaran oo xagga Nabad Galyada ah.
Korneel Cali Aadan Xumad ayaa hoosta ka xariiqay in Sanadkaan cusub 2013 ay dar dar galin doonaan sida dalka oo dhan uu uheli lahaa xasilooni buuxda taasoo uu tilmaamay in kaalinta ugu weyn ay ka geysan doonaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee nabada ilaalinta ujooga Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa dowladda Gacan ka siiya Howlgaladeeda ka dhanka ah Ururka Al shabaab iyo xoojinta amniga Deegaanada ay Maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

MSF oo ka Hadashay sii deynta Nin Dil u Geystay Shaqaalaheeda

0
0

Hay’adda MSF ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay sii deynta nin horey loogu helay inuu ka dambeeyey dilka laba shaqaale ah, bishii Diisambar 2011-kii, kuwaas oo xafiiska Muqdisho ka tirsanaa .

Rag dareeska dowladda labisan oo dad Shacab ku boobay Afgooye

0
0

Afgooye(Sh.M.Network)—Rag watay Dareeska Ciidanka dowladda iyo Gaadiid dagaal ayaa maanta dhac baahsan ugeestay Beeraley ku sugan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Illaa 26 Million oo shilin Soomaali ah ayaa la tilmaamayaa in Kooxahaasi ay ka dheceen Deegaanka Alifow ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka dhacani loogeestay oo qaarkooda la soo xiriiray Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay kooxaha falkaasi dhaca ah kula dhaqaaqay iyagoo tilmaamay  ciidamo aad ufara badan oo watay gaadiid dagaal ay  maanta qal qal galiyeen dadka ku nool deegaankaasi.
Dadkaan ayaa ka codsaday Masuuliyiinta dowladda Sida Madaxweynaha ,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isal Wasaaraha in ay wax ka qabtaan falalkaani soo noq noqday ee ka jira degmada afgooye
Maalmihii dambe ayaa Degmaadasi Afgooye waxaa ka Jiray Falal isugu Jira dhac,Kufsi,Handadaad iyo Gabood fallo kale oo ka dhana dadka Shacabka ah ee halkaasi degan
Dhinaca kale Sida uu ku soo waramayo Wariyaheenna Cabdi Casiis Max’ed Cali Xaaji oo maanta raacay Wafdi dowladda Ka socda oo halkaasi gaaray ayaa soo sheegaya in howl gallo maanta ay halkaasi ka sameeyeen Ciidamada dowladda ay dad ku soo qabteen kuwaasi oo la tuhun sanyahay in ay qayb ku leeyihiin falalka ammaan Xumi ee ka jira Degmadaasi
Sidoo kale Wariyeheennaa Xaaji ayaa tilmaamay in maanta halkaasi uu ka socdo kulan Masuuliyiinta Maamulka Degmadaasi iyo Saraakiil dowladda ka tirsan oo ka socda Buliiska iyo Xeer ilaalinta oo ka tagay Muqdisho ay kulan ku leeyihiin kaasi oo looga hadlayo arrimo ubadan ammaanka Degmada afgooye iyo waxa laga yeelayo dadka loo soo qabtay in ay ka dambeeyaan caqabadaha amni xumi ee ka taagan Degmadaasi

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live