Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xisbul islaam oo ku soo biiray masraxa idaacad boobka lana wareegay idaacadii iyo telefishinkii GBC ee maagalada Muqdisho

$
0
0

Xoogag taabacsan Xizbul Islam ayaa saakay xoog ku galay dhismaha idaacada iyo telefishinka GBC ee magaalada Muqdisho iyagoo la wareegay guud ahaanba idaacada.

Xarunta idaacadan codka nabadda ku hadasha oo ku taal deegaanka Ex-Kaantarool Balcad ayaa waxaa hadda ku sugan sida la soo tebinayo ciidamo ad u hubeysan oo ay horkacayaan saraakiil ka tirsan hogaanka ciidamada Xizbul islam.

Qaar ka mid ah shaqaalaha idaacada ayaa horay u sheegay in kal hore la soo gaarsiiyay fariimo ka socda dhanka Xizbiga farriimaaas oo maamulka iyo shaqaalaha idaacadaba loogu sheegayay in ay soo wareejiyaan idaacada si Xizbigu uu ugu adeegto codkiisana ay ugu hadasho.

Alshabaab ayaa caan ku ahaa la wareegista iyo maroorsiga idaacadaha madaxabanaan laakiin Xizbiga ayaa hadda ku soo biiray fagaaraha idaacadaha lagu boobayo iyo weliba af-qabashada saxaafada xorta ah.

halgankanet@gmail.com


Nin Soomaali ah oo lagu xiray Holland

$
0
0

Booliska magaalada Amistardam ee dalka Holland ayaa xiray nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Britain.

Ninkaasi la xiray oo aan magaciisa shaaca laga qaadin ayay ciidamadu kala soo degeen diyaaraddii uu saarnaa oo ku socotay dalka Uganda.

Saraakiisha booliska ee dalka Holland ayaa ninkaasi ka soo qabtay garoonka diyaaradaha ee Schiphol, mana jirto wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen xarigga ninkaasi.

Haweeney SOmali ah oo lagu eedeeyey iney dishay laba caruur ah oo ey dhashay

$
0
0

Hooyo Soomaaliyeed ooi magaceeda lagu sheegay  Ebyan Maxamed Faarax kuna  nool gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo eedeeyey in ay dishay labo carruur ah oo ay  dhashay.
Haweeneydaasi oo ku nool magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ayaa la sheegay iney dhashay shan carruur ah oo labada lagu eedeeyey inay dishay ka mid ahaayeen, iyadoo arrintani argagax ku abuurtaySoomaalida ku nool magaalada Indianpolis.
Inkastoo aan la cadayn sababta ku kaliftay dilkaasi, hadana waxaa isla markiiba goobtaasi gaaray ciidamada booliska oo xabsiga u taxaabay Ebyan iyo labo ruux oo Soomaali ah dhacdadaasi darteed ugu yimid iyadoo mid ka mid ah labadaasi qof uu ahaa adeerka carruurtaasi oo ay haweeneydaasi khadka teleefoonka ku wacday kadib markii ay falkaasi geysatay iyadoo ciidamada boolisku ay kaxaysteen saddexdii ilmo ee kale ee ay haweeneydaasi dhashay.
Waxaan sidoo kale wali la qeexin qaabka ay hooyadaasi Soomaaliyeed u dishay carruurteeda, waxaase la xaqiijiyey in goobta laga wayay waxyaabaha halista ah sida mindi, bastoolad ama qori, waxayna ciidamada boolisku sheegeen in ay baarayaan waxa loo adeegsaday dilka caruurtaasi oo maydkooda la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Indianpolis ee gobolka Indiana ee dalka Mareynkanka

RW Dowlada KMG ah oo sheegay iney dagaal kula wareegi doonaan gobolada koonfureed ee dalka.

$
0
0

RW Dowladda KMG ah ee Somalia Cumar C/rashiid Sharmaarke  ayaa waxa uu sheegay in la furayo jiid cusub oo xaga dagaalka ah sida looga hortago kooxaha dowlada ka soo horjeeda oo ku siqa meelo dhowr ah oo ka tirsan Dalka Somalia.

Raysal wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in qorshaha dagaal mar dhow ay ku dhaqaaqi doonto dowlada KMG Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in qorshahaan lagu doonayo in dowlada KMG Soomaaliya ay kula wareegto gobalada koofurta Soomaaliya oo ay haatan maamulaan xoogaga ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaasi ay fulindoonaan ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo dhowaan lagu soo tababaray wadamo dhowr ah oo dalka dibadiisa ah.
Arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili dowlada ay dagaalo xoogan kula jiraan xoogaga ka soo horjeeda kuwaas oo si aad ah u hubaysan.
Sidoo kale arintaan ayaa waxa imaanaysaa xili qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ay ku dhaliilayeen xukuumada in aysan waxba ka qaban xaga amaanka.

Maamulka Galmudug oo sheegay iney ammaanka Gaalkacyo wax ka qabanayaan

$
0
0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in koonfurta magaalada Gaalkacyo ay ku daadin doonaan Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Maamulka xili falal amaan xumo oo aad u sareysa laga soo sheegayo.


Afhayeenka Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in ay diyaariyeen in ka badan 500 oo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska, kuwaas oo dhawaan tababaro dhinac amaanka la xiriira soo qaatay.


Waxa uu intaa ku daray inay xaqiijin doonaan amaanka deegaanada uu ka kooban yahay maamulka Galmudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo xarun ah maamulkooda waxaana maalmihii u danbeeyay Gaalkacyo ka jiray amaan xumo xoogan.


Si kastaba ha’ahaatee maalmihii u danbeeyay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay falal dil ah oo ay geysanayaan Maleeshiyaad ka soo jeeda Maamulka Galmudug mana jiraan cid arintaas loo soo qabtay.

AMISOM oo xalay madaafiic u qeybiyey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

$
0
0

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalda Muqdisho laga dareemayay xaalado deggaansho ayaa haddana mar qura dadka muqdisho waxaa ay habeenkii xalay ku soo baraarugeen Madaafiic cul culus oo ka soo dhacaysa fariisimada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha Magaalda Muqdisho.
Xiliyada ay dhacayeen madaafiicdan ayaan jirin wax iska hor imaad ah ama dagaala ah oo u dhaxeeyey ciidamada Dawladda iyo kooxaha ka soo hor jeeda.
Madaafiicdan ayaa xaafadihii lagu garacay waxaa ka mid ahaa suuqa Bakaaraha oo tiro madaafiic ah ay ku soo dhacday, Hawl wadaag, Hodan, Shibis, Towfiiq, Gubta iyo degaano kala.
Madaafiicdan ayaan geysan haba yaraatee wax khasaare ah iyadoo inta badana la xaqiijiyay in meelo banana ah ay ku dhaceen iyo waqtiga ay dhacayeen oo ahaa waqti dhaq dhaqaaqa dadku aad u yaraa isla markaana ay guryahooda ku ekaayeen.
Ma aha markii u horeeyey ee sedan oo kale ciidamada AMISOM ay u ridaan Madaafiic ay ku garaacayaan qaybo ka mid ah magaalda Muqdisho.
Duqeymahan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa ay soo bilowdeen shalay gabal dhicii in kastoo ay yar hakadeen ayaa haddana waxa ay dib u bilowdeen saqdii dhexe ee xalay oo la maqlayay daryanka madaafiicda ay ridayeen ciidamada AMISOM.
Si kasta ha ahaatee ma jiraan wax warar ah dhibaata sheegaya ee naga soo gaaray goobihii xalay la duqeeyay iyadoon dhamaan goobahaasina ay saaka yihiin kuwo xasilan isla markaana dhaq dhaqaaqa dadku uu yahay mid si caadi ah u socda.

Dagaal dib uga bilaowday meelo kamid ah degmada Hodon ee magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya iyo xarakada shabaab ayaa subaxmimadii hore ee saaka ka dhacay qaybo ka mid ah magaalda Muqdisho gaar ahaana degmada Hodan


Dagaalkan oo ku bilowdey hubka fud fud ayaa wuxuu ka dhacayay wadada isku xirta Dabka iyo is goyska Bakaaraha halkaasoo labada dhinac ay is weeydaarsnayeen rasaasta fud fud.


Goob jooga ku sugan xaafadda Kaasa bol bolaare oo waaberigii saaka la hadlay qaar ka mid ah war baahinta ayaa sheegey in dagaalku markii danbe isku bedeley mid ay qayb ka noqdeen Madaafiicda cul culus.


Goob joogahan ayaa sheegey inuu arkay hal ruux oo watay oo Gaari Dameer oo uu madfac ku haleelay xaafadda kaas bol bolaare halkaasna uu ku dhintay ninkii gaari dameerka watay.


Dagalka oo si xawli ah ku soconayay isla markaana gaarsiisnaa illaa tiribuunka oo ay madaafiic xoog lihi ay ku soo dhacaysey ayaa waxaa suurta geli weydey in dhab ahaan khasaaraha intaa dhaafsisan la ogaado.


Dagaalka ayaa qaddar hakaday, waxaase mar kale dib u bilowdey duqeyntii oo haatan ku dhacaysa qaybo ka mid ah degmada Hodan.
Duqeyntan iminka ka soconeysaa qaybo ka mid ah degmada Hodan ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii suuqa ganacsiga ee Bakaaraha iyadoo qaar ka mid ah ganacsatadii suuqaasna ay hakiyeen socodkoodii ay ku soo jeedeen gudaha Suuqa Bakaaraha .
Si kastaba iminkadaas ayaa la maqlayaa madaafiic xoog badan oo ku dhacaysa qaybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo maalmihii u danbeeyey ka nasatay duqeymihii iyo iska hor imaadyadii halkaa ku dhex marayay ciidamada dawladda iyo xogagga ka soo hor jeeda.

Ciidamo ka wada tirsan XIsbul Islaam oo isku rasaaseeyey xarunta idaacada GBC oo ey shalay la wareegeen

$
0
0

Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa xalay isku rasaaseeyay afaafka hore ee Dhismaha Xarunta Idaacada GBC oo ay shalay la wareegeen, iyadoo isku dhacan ka dambeysay markii ay isku qabsadeen sidal la yeelayo qalabka Idaacadu iska leedahay

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka labada ciidan ay socotay muddo 15-daqiiqo, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo xalay la soo deristay cabsi iyo wal wal xoogan.

Is rasaaseyntan ayaa la ogeyn qasaaraha ay dhalisay, iyadoo labada ciidan ay soo kala dhex galeen Saraakiisha Xisbul Islaam.

Xaalada Ex Koontarool Balcad ayaa saaka ah mid degan, iyadoo lagu arkayo Gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Xisbul Islaam, kaas oo ilaalo ka haya Xarunta Idaacada iyo Telefishinka GBC.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Ciidamo uu hogaaminayay Sheekh Xasan Dahir la wareegeen Xarunta Idaacada GBC, oo ay u sheegeen Maamulka Idaacada inay kala wareegeen si uu uga hadlo afka Xisbul Islaam.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa lagu eedeeyaa inay cadaadis iyo dhibaato ku hayaan Idaacadaha madax banaan ee ka jira dalka, iyagoo la wareegay dhowr Idaacadood oo si gaar ah loo lahaa, qaarkoodna ay boob iyo bililaqo u geysteen.


Guddoomiyaha gobolka banaadir ee dowlada KMG ah oo ku eedeeyey kooxaha islaamiyiinta iney boobayaan hantida shacabka Muqdisho

$
0
0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa ka eedeeyey ururada Islaamiyiinta iney boobayaan hantiyada shacabka magaalada Muqdisho isagoo sheegay iney damacsan yihiin inay bililiqeystaan Shirkadaha Xawaaladaha iyo kuwa Isgaarsiinta ee ka howl gala magaalada Muqdisho waa sida hadalka uu u yiriye.

Tarzan ayaa sheegay in ifafaalo u noqon karto wixii lagu sameeyay Idaacadaha ee shalay ay kula wareegeen Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam labo idaacadood oo qaarkood ay boob u geysteen.

"Maanta hadii Idaacadihii la boobay, maxaa sugnaa marka waa ku xigaya Shirkadaha Isgaarsiinta iyo xawaaladaha"ayuu yiri Tarzan oo intaa ku daray in Shirkadaha ay yihiin hadda ah kuwa yoolka saaran yahay.

Waxaa uu ugu baaqay inay ka soo guuraan meelaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha ka soo horjeeda, si hantidooda ay ugu bad baado, isagoo xusay in
Shirkadaha haatan laga qaado lacago baad ah sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli Shabaab ay la wareegeen Idaacadii Horn Afrik, isla markaana qaateen qalabkii Idaacada, halka Xisbul Islaam dhankooda la wareegeen Idaacada lagu magacaabo GBC oo haatan ay ku dhex jiraan Ciidamadooda.

War deg deg ah: Qarax ka dhacay agagaarka madaxtooyada villa somalia

$
0
0

Nin nafta soo huray ayaa la sheegayaa inuu isku Qaraxiyey agagaarka  Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya kaasi oo qal qal galiyay
dhamaan saraakiisha Dowlada ee ku sugan Xaruntaasi iyadoo laga maqlay xaafada ku dhow dhow xarunta madaxtooyada.

Warar kale  ayaa sheegaya in uu ahaa
qaraxaasi mid la soo abaabulay oo lagu farsameeyay Gudaha Xarunta Villa
Soomaliya walow aan la xaqiijin arrintaasi

Laakiin warar hor dhac ah ayaa sheegaya in uu qarxani fuliyay nin
naftii hora ahaa oo xirnaa wal xaha qarxa oo soo dhaafay dhoor
Koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidmada Dowlada iyo kuma AMISOM .

Saraakiisha madaxtooyada ayaa sheegay in qaraxani uu san dhalin wax khasaaro ahi asigoo ku micneeyay in ay haatan goobta qaraxa ay isku
geedaamay Ciidamada AMISOM oo dhinac ka dagan Xarunta.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa bamkaasi, oo ku soo
beegmay khilaaf xoogan oo ka dheexya Masuuliyiinta ugu sareesa Dowlda
KMGH ee Somaliya .

Si kastaba ha ahaadee Saaka ayaa waxaa xafiiska Ra’iisul Wasaare
Cumar Sharma’arke laga soo saaray qoraal sheegaya in ay TFG-du
damacsantahay weeraro ka dhan ah Shabab .

Dhanka kale galabta ayaa iska  hor imaad hubaysan uu ku dhexmaray Dkm oo ay
caawinayaan ciidamada AMISOM iyo Xoogaga Hubaysan ee ka soo horjeeda
gaar ahaan Xisbul Islaam. Waxaana dagaalaka inta la ogyahay ku dhimatay
dad gaaraya 5 ruux oo rayid ah.

Waxaana ku dhaawacantay dad ka badan 10 ruux.Waxaana dagaaladu ay
dhceen degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Taleex.Waxaana jiray iyana
madaafiic ay lagu garacay meelo ka baxsan halka dirirtu ka dhacday.

Ma’ahan markii ugu horeysay ee dagaal dhexmaro xoogaga hubaysan iyo
DKM.Waxaana caado noqotay dagaal la aan goolo lataaban karo aan lagu
kala gaarin laakiin ay dad badani oo Soomaali ah ay ku
waxyeeloobaan.Waxaan la orankaraa dagaalada ka dhaca Muqdishu ayaa u
muuqda kuwo lagu macneyn karo kuwa aan wax faa’iido ah aan laga dhaxlin
laakin ku dhamaada maalin walba natiijo la’aan.

MUXAADARO

Dagaal iyo duqeymo daba socday oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaalo ayaa waabarigii saaka mar kale ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo daba socday dagaalo shalay duhurkii ilaa galabnimadii ka dhacay, iyadoo dagaalka saaka ahaa mid goos goos ahaa oo la maqlayay Madaafiicda la is dhaafsanayay.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka saaka ayaa ka dhacay Xaafadaha Taleex ilaa Tarbuunka iyo Xaafada Siigaale, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Ururka Xisbul Islaam oo aagaas ku jira.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Xisbul Islaam mar kale ay soo weerareen fariisimaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin xaafadaha Hodan, oo ah meelo cidlo ah oo dadkii degenaa ay ka qaxeen.

Dagaalka saaka ayaa si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geystay, inkastoo Ciidamada AMISOM ay dagaalka kaga qeyb qaateen Madaafiicda goobta oo ay ka ridayeen fariisimahooda.

Saraakiil u kala hadashay labada dhinac ayaa waxay guulo ka sheegteen dagaalkii shalay, iyadoo sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda uu cadeeyay in ay ka dileen tiro askar ah oo ay ka reebeen Meydadkooda.
Hoyga wararka Somaliyed

Yaa u sharaxan jagada RW dowladda KMG ah kadib markii sharmarke tegay

$
0
0
Madaxweynaha DKMG ee Somalia Shariif Sheekh
Axmed ayaa si diiran u soo dhaweeyey tallaabadii uu isku casilay
ra'iisal wasaarihii xukuumadda Cumar Cabdirashiid Sharmaake, wuxuuna ku
tilmaamay mid muujineyso kartinimo, isagoo ugu mahad celiyey waqtigii
adkaa ee ay labada mas'uul iyo dowladuba soo wada qaateen.

“Waan aqbalay Istiqaalada Wasiirka 1-aad; sida uu dhigayo Axdigu FKM
anna bil gudaheed ayaan ku soo magacaabi doonaa Ra’iisul Wasaare cusub,
intii taas laga gaarayana waxaa ku-sime sii ahaan doona, oo hawshii
Xukuumadda sii wadaya R/Wasaare Ku Xigeenka Mudane cabdulwaaxid Cilmi
Cumar (Goonjeex) Sidoo kale Wasiirada hadda jira, Wasiir kasta
shaqadiisa ayuu sii haynayaa inta R/Wasaare iyo wasiirro cusub laga
magacaabayo oo ay xilka ku wareejinayaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Sheekh
Shariif

“Waa uu ku mahadsan yahay R/wasaare Cumar Cabdirashid sida uu
khilaafkii dowladda uu qaab tanasul ah ugu soo af-jaray, waxaana hubaal
ah in khibraddiisa iyo aqoontiisa uu Qaranka uga sii faa’iideyn
doono.”ayuu yiri Madaxweyne Shariif, isaga oo dhanka ugu baaqay
Xil-dhibaanada in hadda wixii ka danbeeya xoogga la saaro midnimo,
wada-shaqayn iyo iska-caabinta cadowga dibadda.

Isaga oo tilmaan ka bixinaya qaabka uu arku in loo wejeho xilliga u
haray dowladda FKM ah, waxa uu Madaxweynuhu  tilmaamay, “Beelaha
Soomaaliyeed dhammaan Baarlamaanka ayay ku jiraan, haddaba si qaran
Soomaaliyeed loo soo celiyo waxaan u baahan nahay in aan helno xukuumad
kooban, oo tayo leh, oo dadka Soomaaliyeed iyo adduunkuba ay u soo
is-taagaan, xukuumaddaas oo qabata shaqooyinka loo baahan yahay in la
qabto.”

Isaga oo Madaxweynuhu intaas ku daray “Soomaaliya xilligan uma baahna wasaarado badan oo dad lagu qancinayo waxayse u baahan tahay wasaarado qabta shaqada taal.”

 Haddaba
waxaa soo baxeyso hadal heyn ku saabsan cidda uu madaxweynuhu markan ka
dhigi doono ra'iisal wasaare, dad badan waxay farta ku godayaan in uu
ka iman doono Puntland, maadaamaa laga cabsi qabo in maamulkaas uu
taageerada kala laabto dowladda haddii nidaamka awood qeybsiga laga siin
waayo mid kamid ah jagooyinka ugu sar sareeya TFG, madaxweynaha ama
ra'iisal wasaare midkood sida ay ku doodaan.


 Laakiin
haatan arrin ka duwan taas ayaa taagan, inkastoo aan laga gudbi karin
galaangalka xoogga badan ee beesha Caalamku ku leedahay dowladdan aan
tabarta badan laheyn haddana waxaa la'leeyahay waa suurtagal aad loogu
badaniyo in midkood uu xilka ra'iisal wasaarenimada helo raggan hoos ku
qoran:-


Cabdiwaaxid Cilmi Gonjeex


Iraad Xasan Nuur (Eng: Warsame)


Axmed Sheekh Maxamed Fiqi
Cabdillahi Oomaar


 Goonjeex
wuxuu ahaa ra'iisal wasaare ku xigeenkii iyo wasiirkii tamarta iyo
petrol-ka ee xukuumaddii maanta uu ra'iisal wasaaraheeda is-casilay,
isaga waa loo maleyn karaa in uu qabto xilkan maadaamaa ay isku dhow
yihiin Mr Shariif.


 Ragga
kale waa aqoonyahanno siyaasayiin ah, aad looguma yaqaano siyaasadda
is-bed-beddelka badan ee Somalia, hase yeeshee muddaba badan hamigoodu
wuxuu ahaa in ay ummaddan hagaan, saddex waxay ka soo jeedaan
gobolada Jubbooyinka mid kalena waqooyiga somalia.


 

 Isku
soo wada-duuboo waxaa la sugaaba waa tallaabada tan xigta ee uu
madaxweynuhu ku dhaqaaqo iyo cidda uu ra'iisal wasaare u magacawdo.

Madaxweyne Shekh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo dalka ka dhoofay.War-saxaafadeed.

$
0
0

Madaxweynaha dowladda FKM mudane Sheekh
Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayo Ayaa galabta ka dhoofay
garoonka Diyaaradaha Ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa
ayaa waxa ay ku sii jeedaan Xarunta QM Ee new yourk oo uu ka dhacaayo
Kulan waynaha Ay sanadkiiba mar yeeshaan hoggaamiyaasha caalamka.

Madaxweynaha waxaa ku whliya safarkiisa
Xubno Ka tirsan Golaha Wasiirada Oo uu ku jiro Wasiirka Bay'ada Dowlada
KMG Mudane Burci Maxamed Xamza, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga  iyo
qorsheynta Mudane Musdaf Shekh Cali dhuxulow, Sidoo kale waxaa uga sii
horreeya Xarunta QM R/wasaare ku xigeenka Ahna wasiirka Kaluumeysiga iyo
khayraadka Badda Mudane C/raxmaan Xaaji Aadan IBBI, Wasiirka Arrimaha
Dibadda Mudane yuusuf Xasan (Dheeg) Iyo wasiirka Maaliyadda Mudane Xusen
Cabdi Xallane.

Madaxweynaah ayaa waxaa la filayaa in uu
khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doono Xarunra QM wuxuuna
diiradda ku saari doonaa Xaaladaha Kala duwan ee hadda ka jira Somaliya,
Sido kale Madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynayaal
Iyo wafuud heer caalami ah,Inta uu joogo Madaxweynuhu wuxuu la kulmi
doonaa Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Waxaan idiin Ballan qaadi doonnaa Insha Allaah in aan idiin Soo gudbin doono Safarka madaxweynaha.

Xafiiska warfaafinta madaxtooyada

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Shariif oo ku dhawaaqay magaca ku-simaha ra'iisal wasaaraha

$
0
0

Ka dib markii uu shaqada ra'iisal wasaarenimada maanta ka fariistay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa waxaa uu madaxweynuhu jagadaas si ku meelgaarnimo gaaban ah ugu magcaabay nin ka so jeeda gobolka Gedo.

Cabdiwaaxid Goonjeex oo ka mid ah ku-xigeenada Ra'iisal wasaaraha ayuu Madaxweyne Shariif u magacaabay in uu jagada Ra'iisal wasaarenimada sii hayo ka hor inta uu Ra'iisal wasaare soo magacaabayo.

Khilaaf gaamuray oo markii dambe qarxay ayaa sababay in uu maanta is-casilo Ra'iisal wasaarihii hore, Sharma'arke waxaase la eegayaa ninka xiga ee uu Madaxweynuhu soo magacaabi doono.

halgankanet@gmail.com

 


Ciidamada Xisbul Islam oo maanta barakacayaal ku sugnaa dhismaha Jaamacadda Lafoole sii barakiciyay

$
0
0

Waxaa maanta barqadii iyagoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka xoog ku galay gudaha Dhismaha weyn ee Ex Jaamacaddii Lafoole Ciidamo ka amaqarqaata Xisbul islam.

Ciidamadan oo aad u fara badnaa ayaa waxay bilaabeen in ay gudaha Jaamacadda Barakacayaal ku barakacsnaa sii barakiciyaan oo halkaas xoog uga raraan.

Ka sokoow barakicinta ciidamadan ayaa xirxiray tira dad ah oo xoog ku barakicintan isku dayay in ay ka soo horjeestaan sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ahna dadkaas waxaa loo dhaadhiciyay saldhiga Booliska degmada Afgooye.

Guryo aad u nugul ah oo ka sameysnaa Bacyaal iyo baakato dadkan barakacayaashaahina ay deganaayeen ayaa la xaqiijiyay in ciidamadu xoog ku burburiyeen islamarkaana dhulkana la simeen.

Dadkii halkaas laga sal-ka-kiciyay iyo bulshada rayidka ah ayaa talaabadan ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo dhabar wareen ku ah dadkan masaakiinta ah ee xaqoodi sida Xisbigu sheegto uu u halgamaayo.

halgankanet@gmail.com

Afhayeenka Ciidamada AMISOM; "Saldhig cusub ayaan magaalada Muqdisho ka degnay kuwa kalena waan degeynaa"

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo warbaahinta qaarkood la hadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu isku ballaarinayaan magaalada Muqdisho iyagoo saldhig cusub ka degay qeyb magaalada ka mid ah.

Afhayeen Bahoku wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ay saldhig ka sameysteen Cusbitaalka Guud ee Digfeer sidaas si la mid ahna ay dacalada magaalada Muqdisho saldhigyo kale ka sameysan doonaa waa siduu hadalka u dhigaye.

AMISOM ayaa bilowday in ay isku ballaariso magaalada Muqdisho ka dib markii bishii Ramadan ee aanu soo dhaafnay xoogaga Mucaaradku si weyn culeys weerar u saareen saldhigyada cayiman ee ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.

halgankanet@gmail.com

Afhayeenka Xisbul islam "Mas'uuliyadda weerarkii Madaxtooyada innaga ayaa ka dambeynay, ruuxa watay qorshahana wuxuu ka tirsan yahay Xisbul Islaam, waxaana lagu magacaabaa Muuse Cali Cabdulle Khayre"

$
0
0

Maxamad Cismaan Caruus, afhayeenka Xisbul Islam ayaa daboolka ka qaaday in qarixii dhicisoobay ee ka dhacay afaafka hore ee Villa Somali iyo ninkii qaraxaas doonayay in uu fuliyo ay iyagu waa Xisbul islaame ka dambeeyeen.

"Mas'uuliyadda weerarkii Madaxtooyada innaga ayaa iska leh, ruuxa watay qorshahana wuxuu ka tirsan yahay Xisbul Islaam, waxaana lagu magacaabaa Muuse Cali Cabdulle Khayre" Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Mr. Caruus mar uu faahfaahin ka bixinayay ninkaas ismiidaamiyay balse aan gaarin goolkii uu hiigsanayay.

Mr. Caruus wuxuu sidoo kale ku hanjabay in weerarada noocan oo kale ay sii soconayaan islamarkaana uu weerarkani fariin u yahay dowladda halka weerarada tooska ahna ay sidoodi hore iyo si ka sii badan u sii socon doonaan.

Ninka la toogtay balse damacsnaa sida la sheegayo in uu isqarxiyo ayey saraakiisha amaanka Madaxtooyadu da'diisa ku sheegeen Labaatan jir waloow ay ka gaabsadeen in faahfaahin intaas ka badan ay bixiyaan, waxayna warkiisa ku u daayeen Baaritaano socda iyo ciidamada baaritaankaas gacanta ku haya.

Xisbul Islam ayaa markii ugu horeysan sheegtay qarax ha dhicisoobo ama ha fulee ismiidaamineed oo dowladda ka dhan ah laakiin Alshabaab ayaa qaraxyada noocan oo kale caan ku ahaa.

halgankanet@gmail.com  

Taliyaha Ciidamada AMISOM; "Maalinta nabadda adduunka darteed Alshabaab waxaan leenahay daagalada naga daaya aan nasanee"

$
0
0

Nathan Mugisha, Taliyaha ciidamada AMISOM ee sheegta in ay nabad-ilaalin u oogaan Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay maalinta nabadda Adduunka oo ka dhacday Dugisiga Tababarka Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa xoogaga ka soo horjeeda ugu baaqay nabad iyo dagaal joojin si buu yiri ay ciidamadooda xabbada uga nastaan.

Taliyuhu wuxuu ku celceliyay in dagaal aan wax guul ah laga gaareyn isagoo dhanka kalena meesha ka saaray oo aad u dafiray duqeynta ay ciidamadiisu goobaha shacabku ku badan yahay ka geystaan gaar ahaan Suuqa Bakaaraha iyo deegaanada ku xeeran.

Nathan wuxuu ugu dambeyntii xoogaga ka soo horjeeda ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan haddii nabad la helana aysan sii joogeyn ciidamadiisu dalka Soomaaliya oo sida ay sheegtaan Hawlo nabad ilaalineed u jooga Muqdisho.

halgankanet@gmail.com  

Laba askeri oo dowladda ka tirsan ayaa dhimatay Shacab kalena waa dhaawacmeen ka dib weerar Bambaano oo Buulo Xuubeey ka dhacay

$
0
0

Laba ka mid ah ciidamada Dowladda ayaa dhimatay sadex qofood oo rayid ahina waa dhaacmeen ka dib markii xalay iyagoo meel ku qayilaya weerar bambaano oo rasaasi ka damebysay lala beegsaday.

Weerarkan dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhacay deegaanka Buulo Xuubeey oo ka mid ah goobaha ay dowladu ka taliso balse ammaankooda aan la isku haleyn karin gaar ahaan xiligga mugdiga ah.

Mas'uuliyadda weerarkani weli ma jirto cid hdbarka u ridatay laakin sida la rumeysan calaamadaha weerarakan waxaa caan ku ah xoogaga dowladda ka soo horjeeda.

halgankanet@gmail.com 

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live