Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

King Khalid iyo heestii Dareen Caashaq.

$
0
0

King Khalid iyo heestii Dareen Caashaq – waxaana lagu sameeyey magaalada Hargeysa oo na gaar u ah Universal TV. Related News: Fanaaniin ay kamidyihiin King Khalid iyo C/xakiin Fara yare oo Xamar ka degay. Nimco Dareen iyo Cali Dhaanto Heesta Gayiga Daawo. Nimco Dareen oo Hees Cusub Kula Ciiday Tageerayasheda. Abdinur S. Jazz – Kalsooni [...]


Daawo Sawirada:Sargaal Sare oo katirsanaa Al-Shabaab iyo Rag kale oo lasoo qabtay Muqdishana lagu soo Bandhigay

$
0
0

Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa Maanta Howlgalo kala duwan waxa ay kasameeyeen Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir kuwaa oo lagu soo qab qabtay Rag katirsanaa Al-Shabaab uu kujiray Nin Sargaal ah.
Howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada Nabad Sugida ayaa si gaar ah uga dhacay Degmooyinka Dayniile ,Hiliwaa iyo Yaqshiid halkaas oo lagu soo qab qabtay ilaa 7-Nin oo katirsanaa Al-Shabaab uuna ku jiray Nin Sargaal sare oo Kooxdaasi katirsanaa.
Taliyaha ciidanka nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag oo Warbaahinta kula hadlay Goobtii Ragaan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in Ragan lagu soo qabtay Hoolgal Bartilmaameed la qorsheeyay sidaana ay Ciidamadu ragaan gacanta ugu soo dhigeen.

 

Daawo Sawirada:Sheekh Shariif oo Goor dhow Gaaray Wadanka Mareekanka Kana Bixin Doona Casharo Jaamacada…

$
0
0

Madaxweynihii hore wadanka soomaaliya ayaa goor dhow gaaray wadanka Mareekanka gaar ahaan Magaalada washington ee shekh shariif sheekh axmed.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in oo qudbad dhinacyo badan taabaneyso kajeedin donaa jaamacad kutaalo magaalada washiton waxaana lasheegay in oga hadli doono qudbadaasi arimo farabadan gaar ahaan dowlad wanaaga.
Sheekh shariif ayaa saacado kahor waxa garoonka Diyaaradaha wadanka Ugandha kusii sagootiyay Madax katirsan dowlada wadanka soomaaliya iyo Dowlada Ugandha oo martida uyahay waxaana lagu wadaa in madax farabadan oo halkaasi kula kulmo inta oo kusuganyahe.



Daawo Sawirada:Raisulwasaare Saacid oo Xafiiskiisa ku qaabilay Laheystayaal u dhashay Syria oo Cadaado laga soo Duuliyay.

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Laheystayaal Sadax ah oo u dhashay Syria.
Laheytayaashaan oo Mudo Labo Sano gacanta burcad badeeda ku jiray ayaa ka soo dagay garoonka Aadan cadde ee Muqdisho.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibootooyinka lagula kacay Laheystayaashaan Mudadadii ay gacanta kooxaha burcad badeeda ay ku jireen.
Waxaa kale oo uu Ra’iisul wasaaraha U mahad celiyay maamulka Ximan iyo Xeeb oo qeyb weyn ka qaatay in Sadaxdaan ruux laga soo bixiyo gacanta kooxaha Burcad badeeda.
Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa daboolka ka qaaday in Mudada La heystayaashaan ay Muqdisho sii joogayaan in Amaankooda ay la wareegeyso dowlada.

Photo By Maxudiin Macalin Cabdule

Lex Vander oo ah qabiirka dhigay Cowska Artifishalka ee Garoonka Stadium Banadir oo baaq Culus Udiray FIFA

$
0
0

Lex Vander oo ah khabiirkii cows-ka Artifishalka ah ku goglay garoonka kubada cagta Stadium Banadir muddo lix todobaad ah oo uu joogay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA in uu ahmiyad gaar ahaaneed siiyo dalka Soomaaliya
oo uu sheegay in uu yahay dal ay ka go’antahay horumarinta kubada cagta wax badana kaga duwan wadamadii uu horay u tagay.
Mr. Lext Vander oo dalkiisa dib ugu labatay xalay kaddib markii uu si guul ah kusoo dhameystiray dhigista cowska garoonka ayaa xaflad sagootin ah oo loogu sameeyay baarka weyn ee Lido Sea Food shalay waxaa uu ka sheegay in maamlo aad u wanaagsan oo farxad leh uu ku qaatay dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in masuuliyiinta xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo ay ka go’antahay in horay loo dhaqaajiyo kubada cagta dalkan oo kasoo kabsaneysa in ka badan 20 sanadood dagaalo socday oo dib u dhac dalka oo dhan ku keenay.
“Waxaan rabaa in aan halkan mahad celin uga diro ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo xil weyn iska saaray horumarka kubada cagta Soomaaliya, marka labaadna waxaan u mahad celinayaa madxadxa kubada cagta dalka Soomaaliya gaar ahaana xoghayaha gud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fiulinta xiriirka Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo maalin kasta ila joogay tan iyo markii aan dalka imid, si weyn oo hufana iila shaqeeyay”ayuu munaasabada sagootinta ka sheegay Lex Vander.
“Waan la socda ain FIFA ay Soomaaliya markasta siineysay ahmiyad gaar ahaaneed laakin waxaan hadana ugu baaqayaa FIFA in ay sii laba jibaarto dadaalkeeda , sababtoo ah waxaan halkan kula kulmay madax ay ka go’an tahay horumarka kubada cagta—dhamaan dalalkii aan booqday madaxdoodu sidan ma ahayn”ayuu yiri Lex Vander.
Waxaa uu sheegay in tan iyo markii uu shaqada bilaabay muddo iminka 6 todobaad laga joogo aysan marnaba ka tagin xoghayaha guud Cabdi Qani iyo Cali Cabdi Maxamed taasina ay tahay arrin isaga si weyn u farxad gelisay.
“Shaqadan oo kale wadamo fara badan oo Africa ku yaala ayaan kasoo qabtay, laakin waxaa ay idinku noqoneysaa la yaab hadaan idin iraahdo waligey ma arkin dad madax ah oo sidiina oo kale maalin kasta garoonka u taagnaa—-Soomaaliya runtii aad ayay iisoo jiidatay”ayuu Lex Vander ka sheegay munaasabadii sagootintiisa ee ka dhacday Lido Sea Food.
Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay shirkada Green Fields in ay caawiso Soomaaliya intii karaankeeda ah maadaamabuu yiri Soomaalidu ay yihiin dad fir fircoon hadana ay kasoo kabsanayaan dagaalo muddo dheer socday oo wax kasta dib u dhac u keenay dalkan.
“Waxaa aad iisoo jiidatay markii aan arkay xoghayaha guud Cabdi Qani oo garoonka ka sameystay xafiis guur-guura oo uu shaqo maalmeedkiisa ku watay, taas waxaan u dareemay in uu xil weyn iska saaray amaankeyga iyo habsami u socodka shaqada”ayuu Mr Lex Vander ka yiri munaasabadii sagootintiisa ka hor intii isaga iyo madaxda xiriirku aanay u dhaqaaqin dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo uu ka raacay diyaarad ay leedahay Shirkada Turskish Airlines isagoo xalayna si nabad ah ku gaaray dalkiisa.
By Shafi’i Mohyaddin Abokar

warbixin daawo dugsiga tayo hose dhexe oo termkii u farisaty

$
0
0

badhan {buraannews} dugsiga hoose dhexe ee tayo imtixankii teramkii kowaad u bilowaday

Madaxweynaha Somaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo u amba baxay dalka Maraykanka, xilli uu ku sugan yahay Shariif Sheekh Axmed

$
0
0

(AXAD, Janaayo,13 , 2013 Muqdisho, Soomaaliya) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku gaarayo dalka Maraykanka. Waxaa safarkaan Madaxweynaha ku wehliyo Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan, iyo la taliya-yaasha Madaxweynaha. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa [...]

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhawaac oo ka dhacay meel ku dhow Bacaad weyn

$
0
0

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen kadib Markii shil Gaari uu galabta ka dhacay inta udhaxeysa degmada Bacaadweyn iyo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Shilka gaari waxaa galay gaari nuuca raaxada ee loo yaqaano Rocky kaasi oo ka yimid dhinaca Magaalada Hargeysa, Waxaana uu kusii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ruuxa dhintay wuxuu ahaa qof haweenay ah oo kamid ah rakaabka saarnaa gaariga shilka galay kaasi oo ku qalibmay meel ku dhow degmada Bacaadweyn.
Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi waxaa loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.
Warbaahinta Buraannews.com oo isku dayday inay xiriir la sameyso saraakiisha caafimaadka isbitaalka Gaalkacyo ayaa usoortoobin inay ogaato tirade iyo xaalada dadkii loo qaaday isbitaalka Gaalkacyo sababo la xiriira taleefoonadooda oo qaarkood hawada ka maqnaa.
Xafiiska wararka Buraannews.com
Garowe.


Man United Oo Liverpool Kabadisay Ciyaartii Galabta Ka Dhacday Old Traffod

$
0
0

 
Kooxaha Man United Iyo Liverpool ayaa galabta ku kulmay garoonka Man United ee Old Traffod Ciyaar katirsanayd PREMIER LEAGUE taasi oo ahayd mid aad uxiisa badan
Ciyaarta ayaa labada naadi waxa ay galabta umuuqdeen kuwa usoo diyaar garoobay ciyaarta adeg hasa ahaatee guuli laba kama qosli so oo waxaa guushii galabta la hoyday Kooxda Man United iyadoo ku adkaatay 2-1
Kooxaha ayaa soo bandhigay cayaar wanaag waxaana cayaarta qaybteeda hore la’iska dhaliyey 1gool oo uu dhaliyey ciyaar yahanka Van Persie
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa markii laga soo laabtay nasiinada waxaa ay Liverpool raadisay in ay soo gudo goolka lagu leeyahay has ahaatee manoqon taasi oo waxaa gool labaad ka dhaliyey Evra iyadoo ay Liverpool ay iska baadi goobtay xoog ayaa waxaa usuurtagashay in ay la timaado hal gool oo kaliya waxaana gaalkaasi udhaliyey ciyaar yahanka Sturridge halkaas ayaan looga baddiyey Liverpool
Kulankaan maanta kii ka horeeyay ayaa Liverpool looga badiyey 2-1 waxaana taasi ay muujinaysaa tabar yarida Liverpool iyo Siifogaanshaha Hogaanka Man United ay ku hayso PREMIER LEAGUE

Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Oo Sheegay Inay Booqdeen Dhaawicii Salayc Ee Jabuuti La Geeyey.

$
0
0

 
Wasiirka wasaaradda arimaha dibedda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar, ayaa sheegay inay weftigii Somaliland ee ka qayb galay aaskii guddoomiyihii baanka jabuuti jaamac maxamuud xayd ay booqdeen dhaawicii saylac ee la geeyey dalka jabuuti.
Wasiirka oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa waxa uu yidhi “Waxaan galabta Aniga iyo Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ahayn weftigii Madaxweynaha ka wakiilka ahaa ee ka qeyb galay aaskii Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud (Xayd), aanu cisbitaalka Jabuuti ku booqanay sideed qof oo ku dhaawacmay rabashadihii ka dhacay Saylac kuwaasi oo lagu dabiibayo cisbitaalkaas.waxaanu ka xog-waraysanay dhakhaatiirta dawaynaysa. Waxaana na loo sheegay inay dhammaantood xaaladoodu ka soo raynayso oo dhaawaca ay qabaan ay ka bogsan karaan.”
“Sidoo kale, waxaanu waraysanay dadkan dhaawacmay laftooda oo aanu ILAAHAY uga barinay inuu shaafiyo isla markaana u sheegnay in xukuumadda Somaliland ay taakulo iyo gacan ka geysanayso caafimaadkooda, Waxaanu u tacsiyadeynay Madaxweynaha, Raysal wasaaraha Jabuuti, Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay marxuumku. Waxaanan ILAAHAY uga barinay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumka, qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Jabuutina samir iyo iimaan ka siiyo,”
 
Hargeysa Somaliland

Somaliland oo shuruud ku xirtay sii socoshada Wadahadallada Xal-doonka ah ee ay kula jirto Dowladd Soomaaliya

$
0
0

 
Somaliland ayaa sheegtay inay ka qayb-geli doonto wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya iyada iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ka digtay in lagu soo daro xubno matalaya Soomaaliya mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka hadlay wadahadlalada furmi doonaan ayaa sheegay inay dhankooda aad u soo dhaweynayaan, balse aysan ogolaan doonin in lagu soo daro xubno kasoo jeeda maamulkooda oo ka socda dowladda Soomaaliya.
“Ma ogolaan doonno in wadahadallada ay kasoo qaybgalaan xubno kasoo jeeda dhankeenna oo matalaya Soomaaliya. Waxayna Wadahadalladan daba-joogaan wadahadalladii ka dhacay London iyo Dubai sannadkii hore,” ayuu yiri Cumar.
Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sannadkii hore bartamihiisa waxay wadahadalladii ugu horreeyay muddo labaatan sano ka badan uga furmeen magaalada London, iyadoo madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweynihii hore, Sheekh Shariif ay iyaguna isku arkeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta iyagoo ku baaqay inay wadahadalladu sii socdaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa wuxuu hadalkiisan kusoo beegmay xilli ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon uu isna shaaca ka qaaday inay dib u billaaban doonaan wadahadlaldii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.
“Rajo weyn ayaan ka qabaa inay wadahadalladaas kasoo bixi doonaan natiijooyinka wanaagsan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo intaas ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin inay la hadlaan walaalahooda Somailland.
Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadanayso shuruudda ay ku xirtay Somaliland wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Somalia iyo Somaliland, iyadoo la ogyahay in wasiiradda arrimaha dibadda Somaila,Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ay kasoo jeeddo Somaliland.
Somaliland ayaa waxay ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day sannadkii 1992-kii, iyadoo tan iyo xiligaas dadaal ugu jirtay in loo aqoonsado dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya, balse taasi ma hirgelin.
Source-Hol

Xarun lagu tababarayo in lagu tababaro Shaqaalaha laanta Socdaalka oo lagu kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

$
0
0

Munaasabad xariga looga jarayay xarun cusub oo loogu talo-galay in lagu tababaro shaqaalaha laanta socdaalka iyo jinsiyasaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax iyo saraakiil ka tirsan dowlada oo ay ka mid ahaayeen: wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, taliyaha booliska Soomaaliya, Jen. Shariif Shiikhunaa Maye, taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, Jen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud, safiirka dowladda Japan u fadhiya Soomaaliya, Takato Kashisa, dublamaasiyiin shisheeye ah iyo saraakiil ka tirsan hay’adda IOM.
Dhismahan oo ka kooban dhowr qaybood ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Japan iyo ha’yadda duulimaadyada caalamiga ah ee IOM; sida uu sheegay taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, Jen. Gaafow oo munaasabadaas ka hadlay.
“Dhismahaan cusub wuxuu ka kooban yahay qaybo ay ka mid yihiin meelo loogu talo-galay inay ku nastaan shaqaalaha laanta socdaalka ayna sidoo kale ku nastaan ayna shaqaaluhu isku bedelaa, sidoo kale waxaa jirta qayb loogu talo-galay in aqoonta shaqaalaha waaxda socdaalka sare loogu qaado,” ayuu yiri Jen. Gaafow oo intaa ku daray in dhaqaale badan uu ku baxay dhismaha xarunta cusub.
Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas ka hadlay safiirka Japan u fadhiya Soomaaliya, Takato Kashisa oo sheegay in dowladdiisa ay weligeed garab taagneyd Soomaaliya ayna sii xoojin doonaan taageerada ay ku bixinayaan dib u dhiska Soomaaliya, isagoo amaanay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca ammaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Guuleed oo xariga ka jaray xaruntan cusub ayaa u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Japan iyo weliba hay’adaha gacanta ka geystay hirgelinta dhismahan oo uu ku tilmaamay mid wax badan ka bedeli kara habsami u socodka howlaha hoggaanka socdaalka iyo jinsdiyasada Soomaaliya.
“Dowlada Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa inay dalka ka abuurayso jawi nabadeed oo dalku uu galo si dowladaha caalamka ee Soomaaliya saaxiibka la ah ay ugu soo dhiirradaan inay nagala qayb-qaataan dib u dhiska dalka iyo inay gacan naga siiyaan hirgelinta mashaariicdan oo kale oo baahi weyn loo qab,o” ayuu wasiirku ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabadda.
Madaxdii ka qayb-gashay munaasabaddaas ayaa kusoo wareegay dhismaha cusub iyo qaybaha uu ka kooban yahay, waxayna u kuur-galeen qalabka yaalla iyo xafiisyada loo sameeyay; waxayna warbixinno ku saabsan habka ay ku shaqeynayso xaruntan cusub ka dhageysteen howl-wadeenada
dhismahaas.
Source-Hol

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii ay Ciidamada Faransiisku ka furliyeen Deegaanka Buulo-Mareer

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii fashilmay ee ay ciidamada Faransiisku ka geysteen deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ka taliso Al-shabaab.
Kulan deg-deg ah oo ay golaha wasiirradu ku yeesheen xalay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay uga hadlayeen howgalkii ay ciidamada kumaandooska Faransiisku ka sameeyeen Buulo-Mareer kaasoo ay ku furan lahaayeen sarkaal Faransiis ah oo muddo sannado ah afduub ahaan loogu haystay Soomaailya, iyagoo sheegay in duqeyntii dhacday ay waxyeelleysay dad shacab ah oo ka goobta agteeda ku sugnaa.
“Xukuumadda Soomaaliya waxay cambaareynaysaa aadna uga xun tahay ayna muujinayso inaysan raalli ka ahayn duqeymihii uu Faransiisku ka geystay deegaanka Buulo-mareer ee ay waxyeelladu kasoo gaartay dadka shacabka ah,” ayay tiri wasiirradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya markii uu kulanku soo xirmay.
Wasiirraddu waxay sheegtay inaysan dowladda Soomaaliya dhiirri-gelinayn afduubyada, balse ay kasoo horjeeddo in weerarro waxyeello u geysanaya shacabka laga geysto gudaha dalka.
“Tacsi ayaan u diraynaa dhammaan dadkii halkaas ku dhintay ee Soomaalida ahaa iyo kuwii Faransiiska ahaa,” ayay wasiiraddu hadalkeeda ku sheegtay, iyadoo hadalkan uu noqonayo mid muujinaya in dowladdu aysan wax war ah u hayn howgalkaas uu Faransiisku ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalkan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo isugu jiray dad shacab ah, ciidamadii Faransiiska ee howgalka fuliyay iyo weliba xoogaggii Al-shabaab ee afduubka ku haystay sarkaalka Faransiiska ah oo ay hadallo kala duwan kasoo baxayaan inuu nool yahay inuu dhintay.
Dhinaca kale, wasiiradda ariimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dowladda Soomaaliya guulo ka gaartay burcad-badeedda iyadoo loo maray hab wadahadal ah, ayna suurogelisay in si shuruud la’aan ah lagu soo daayo shaqaale afduub lagu haystay ayna howshaas ka tanaasulaan burcadadeed ka badan boqol qof.
Source-Hol

MadaxwMadaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horeeyay Maanta ugu Ambabaxay Dalka Mareykanka eynaha Dowladda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horeeyay Maanta ugu Ambabaxay Dalka Mareykanka

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka Mareykanka, waxaana safarkan ku wehliya, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo la taliya-yaashiisa gaarka ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmi doono madax sar-sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, uuna kala hadli doona sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya.
“Boqashadan waa mid muujinaysa sida ay uga go’an tahay madaxweynaha Soomaaliy adkeeynta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalka Maraykanka,” ayaa lagu yiri warsaxafadeeka madaxtooyada kasoo baxay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarro ku tagay dalalka geeska Afrika iyo dalka Turkiga oo ku yaalla Yurub, isagoo dhammaan dalalkaas lasoo saxiixday heshiisyo ku aadan horumarinta amniga Soomaailya.
“Si loo hubiyo horumarka la gaaray iyo inaan dib loogu laaban bur-burkii uu dalku soo maray ayuu madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka, si looga gudbo caqabadaha hor-taagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kosoo baxay madaxtooyada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo loo doortay xilkan 10-kii bishii Setember ee sannadkii hore ayaa wuxuu safarkiisan noqonayaa kii 10-aad oo uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo, iyadoo weli ammaanka dalka uu yahay mid aan la isku halleyn karin.
Ugu dambeyn, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in madaxweynaha uu kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo kaalinta koowaad kaga jira lixda qodob ee uu madaxweyne Xasan  Sheekh u dajiyay inay dowladdiisa ku shaqeyso afarta sano ee soo socota. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka Mareykanka, waxaana safarkan ku wehliya, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo la taliya-yaashiisa gaarka ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmi doono madax sar-sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, uuna kala hadli doona sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya.
“Boqashadan waa mid muujinaysa sida ay uga go’an tahay madaxweynaha Soomaaliy adkeeynta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalka Maraykanka,” ayaa lagu yiri warsaxafadeeka madaxtooyada kasoo baxay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarro ku tagay dalalka geeska Afrika iyo dalka Turkiga oo ku yaalla Yurub, isagoo dhammaan dalalkaas lasoo saxiixday heshiisyo ku aadan horumarinta amniga Soomaailya.
“Si loo hubiyo horumarka la gaaray iyo inaan dib loogu laaban bur-burkii uu dalku soo maray ayuu madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka, si looga gudbo caqabadaha hor-taagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kosoo baxay madaxtooyada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo loo doortay xilkan 10-kii bishii Setember ee sannadkii hore ayaa wuxuu safarkiisan noqonayaa kii 10-aad oo uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo, iyadoo weli ammaanka dalka uu yahay mid aan la isku halleyn karin.
Ugu dambeyn, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in madaxweynaha uu kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo kaalinta koowaad kaga jira lixda qodob ee uu madaxweyne Xasan  Sheekh u dajiyay inay dowladdiisa ku shaqeyso afarta sano ee soo socota.
Source-Hol

Meeyarka Magaalada Borama, Qaarka Mida Xildhibaanada G/Deegaanka Iyo Dadka Degan Xafada Bariga Borama Oo Sameeyay Olole Nadaafadeed


Daawo Sawirada:Kulan soo dhoweyn ah oo Wasaaradda A Dibadda u sameysay Diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya.

$
0
0

Kulan soo dhoweyn ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamigaay shalay ugu sameysay Safari Hotel ee Muqdisho qaar ka mid ah Diblomaasiyiintaka howlgala Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya ay ku leedahay dibadda,kuwaasoo dalka dib ugu soo laabtay kadib markii wasaaraddu ay u dirtay fariin kubaaqeysay inay Xarunta ku yimaadaan ugu dambeyn 10-ka bishan January, ayaa waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Mas’uuliyiin kala duwan oo Wasaaradda ka tirsan .
Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhoweyn kadib waxa ay tiri “.
Diblomaasiyiintu waa inay la jaan-qaadaan isbadalka cusub ee dalka ka socda,wasaaradeeduna waxa ay aheyd wasaaradaha ugu sareeya geeska Afrika ,waxaanu dooneynaa inaan baabi’inno magac xumada Soomaalida loogu yeero ee ah argagaxiso iyo burcad badeed”.
Wasiirku waxa ay intaa ku dartay “ Guddi Diblomaasiyiin ah ayaan u xilsaaray dib u habeynta howlaha Wasaaradda ,waxaana ay dib u qaabeynayaan howlaha shaqo iyo shaqaale ee Gudaha iyo Dibadda , waxa ayna dhaqan gelinayaan Sharciga shaqada Dibadda “ Foreign Service Law”, safaaraduhuna waxa ay ka mid yihiin cududa dowladda iyo indhaheeda, waa inaan ka soo dhalaalnaa kaalinteena”.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa isaguna ku booriyay diblomaasiyiinta inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo dib u habeynta Wasaaraddu ay hiigsaneyso.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Eng. Maxamed Aadan Axmed ayaa madasha ka sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay soo celin doonto sharafta iyo heybadda muwaadinka Soomaaliyeed, ayna horseed u noqon doonto isbadalka cusub ee dalka .
Waxaa kaloo xafladda ka hadlay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Maxamed Shariif Maxamuud , Gudoomiyaha Guddiga dib u habeynta Danjire Yuusuf Xasan ibraahim (Yuusuf Dheeg) iyo Xubnaha Guddiga ee kala ah Danjire Maxamed Muuse Tareey iyo Danjire Maxamed Jaamac Cali ( MJ) , waxa ayna ka hadleen howsha loo igmaday iyo guulaha ay rajeynayaan mustaqbalka dhow, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.
 
 
 
 
 
 

Daawo Sawirada:Al-Shabaab oo soo Bandhigtay Meydka Sargaal Faransiis ah iyo Hub badan ay ka Qabsadeen Farnasiiska

$
0
0

Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhaw soo Bandhigtay Meydka Sargaal Faransiis ah ay ku dileen Dagaal Culus oo Labo Habeen kahor ka dhacay Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose kadib markii Ciidamada Kumaandooska Faransiiska Weerar Qorsheesan kusoo qaadeen Saldhig Shabaab ku lahaayeen Deegaankaasi..
Meydka Askarigan katirsanaa Kumaandooska Faransiiska ayey horey Shabaabku u shaaciyeen in ay qabteen isaga oo dhaawac ah balse markii Dambe uu u geeriyooday Dhaawicii soo garay oo halis ahaa kadib markii lagu guul dareestay in la daweeyo.
Faransiisdka ayaa horey u qirtay in Weerarkii Buulo Mareer ku qaadeen in ay ku waayeen Labo Askari oo ciidankooda katirsanaa sidoo Kale Al-Shabaab ay qaarijiyeen Sargaalkii Faransiiska ahaa ee AFduub ahaanta u heesteen.

 

Safaaradda dowladda Yaman ee Soomaaliya oo ka digtay iibsiga dhismo Kuyaalla Degmada X/weyne

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Shir Jara’idd oo uu Maanta qabtay Qunsulka Dowladda Yaman ujooga Soomaaliya Cali Al Taar ayaa waxa uu kaga hadlay in Guri Ku yaalla Xaafadda Via Rome ee Degmada X/Weyne aan La iibsan karin ama la kireysan Karin illaa iyo Fasax looga helo Qoyska Reer Al Qarbi Kuwaasi oo uu Wakiil uyahay Abuu Bakar Cabdalla Al Qarbi oo ah Wasiirka arrimaha Dibadda Dowladda Yaman .
Gurigaasi oo Saxaafadda lageeyay ayaa waxa uu ahaa Dhismo aad uballaaran oo ka kooban qaybo badan kaasi uu sheegay Qunsulku in dhismahaasi ay iska Leeyihiin qoyska Reer Al Qarbi islamarkaana qaar ka mid ah ay Joogaan Magaalada Muqdisho.
Dhinaca Kale Guddoomiyaha Jaaliyadda Yaman ee Soomaaliya oo isna Goobta ka hadlay ayaa waxa uu isna Sharaxaad ka baxshay Gurigaasi iyo waxa uu Yahay isagoo dhanka kalena sheegay in Gurigaasi aan la iibin karin ama la kireyn karin ka hor awaamir ka  fushay qoyska Reer Al qarbi.
“Dr abuu bakar Al Qarbi la’aantiisa lama iibin karo lamana Kireyn Karo “Sidaasi waxaa Yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Yaman ee Soomaaliya
Si kastaba Masuuliyiinta Safaaradda Yaman ee Soomaaliya ayaa Maanta Joogay Guriga Reer Al Qarbi ee haatan safaaraddu Masuuliyaddiisu qaatay

Guddiga amniga Baarlamaanka oo ku baaqay in Xukuumadda ay la xisaabtanto dowladda Faransiiska

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Guddiga Amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda ugu baaqay in ay kala Xisaabtanto Dowladda Faransiiska Howl Galkii Fashilmay ee Faransiisku ka sameeyeen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xildhibaan Max’es Ibraahim Xabsade oo ka tirsna Guddiga amniga Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya oo Lahadlayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahanyahay in aysna Uga Harin dowladda faransiiska Dhibaatadii ay ka geysatay Gudaha Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/hoose.
“ waxaa wax qalad ah iyadoo Ciidamada Faransiiska ay doonayaan in ay Bad baadiyaan Muwaadin Faransiis ah in ay dilaan dad Shacab Soomaaliyeed oo dowladdu ay Masuul ka tahay ” Sidaa Waxaa Yiri Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade.
Xildhibaanka ayaa Xukuumadda ku tar tarsiiyay in loo baahanyahay in ay la xisaabtan dhab ah kala Sameyso Faransiiska dhibaatadii gaartay dadka Shacabka ah ee uu saameeyay Weerarkii Kumaandooska Faransiiska ay ka geesteen Gudaha dalka.
Xildhibaan Xaabsade ayaa dhinaca kale qalad weyn ku tilmaamay in howl galku uu dhacay iyadoo aan lagu soo wargelin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sabtidii aanu ka soo Gudubnay Xilli Habeen Barkii ah ayaa weerar ay Fuliyeen Ciidamo Kumaandoos Faransiis ah waxa uu ka dhacay Deegaanka Buulo Mareer Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo Faah faahin Ka bixiyay Howl Gallo ay ka sameeyeen Xaafadda S/xoolaha

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)—Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Howl gal maanta Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen Xaafadda Suuqa Xoolaha Degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.
Axmed Xasan Maalin Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo wareysi Siiyay Idaacadda Shabelle ayaa Faah Faahin ka bixiyay dadkii ay ku soo qabteen Howl galkaasi.
Taliyaha ayaa Xusay in in ka badan 400 oo qof ay ku soo qabteen Howl Galkaasi oo qaar ka mid ah la sii daayay markii wax dambi ah lagu waayay.
Axmed Xasan Maalin Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa Carabka ku dhuftay in haatan ay ka reebeen dadka la soo qabtay illaa 149 qof kuwaasi oo ay ka midyihiin Rag la yaqaanno oo ka tirsan Ururka Al Shabaab inta kalana la sii daayay kadib  Baaritaanno  lagu sameeyay.
Hadalka Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa imaanaya Xilli maanta Howl Gal ballaaran ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir sida Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmadaasi.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live