Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dr Tedros: nabadda Soomaaliya waa tan Itoobiya

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Dr Tedros Adhanom, oo booqanaya magaaladatan London ayaa BBC u sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay nabad isla markaana nabad Soomaaliya ka dhacdaa ay tahay nabad Itoobiya.


WAR DEG DEG: Madaxtooyada Magaalada Kismaayo oo ay caawa ku soconeyso duqeymo culus

$
0
0

Duqeymo culus ayaa waxaa caawa lagu garaacayaa Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, oo ay deggan yihiin Masuuliyiinta Jabhadda Raaskambooni. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa caawa laga maqlayaa madaafiic xoogan, oo ku soconeysa Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose. Madaafiicdaan ayaan si dhab ah looga warqabin halka rasmiga ah ee laga soo tuuraayo, hase ahaatee waxaa laga [...]

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Degmada Saylac oo Rabashado ay ka dhaceen

$
0
0

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Saylac oo ay dhawaan ka dhaceen rabshado  sababay khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Inkastoo aan illaa hadda xog faahfaahsan laga hayn socdaalkan ayaa haddan waxay wararku sheegayaan inuu wasiirku u tagay halkaas sidii uu ku qaboojin lahaa xiisadihii ka dhashay mudaaharaadyada khasaraha nafeed dhaliyay.
Socdaalka wasiirku ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay kasoo wereegtay shan casho markii dad lugu laayay degmada Saylac oo ay xukuumaddu aysn kasoo saarin wax hadal ah.
Rabshadaha ka dhacay Saylac ayaa ka dhashay doorashooyinka oo si aad ah loogu murmay, iyadoo dadka shacabka ahna ay muddo hortaagnaayeen in laga qaado degmadaas sanaadiiqdii codbixinta oo ay shacabku tuhmayeen in la musuqmaasuqay.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay berri oo Salaaso ah billaabaan wadahadallo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa rabshadihii dhacay iyo wixii dhaliyay.
Haddanaha HOL waxay idiin ballanqaadaysaa inay si faahfaahsan idin kula socodsiin doonto wadahadalladaas iyo wixii kasoo baxa, iyadoo la ogyahay in wasiirku uusan weli ka hadlin socdaalkiisa.
Wixii ka soo baxa socdaalka wasiirka kala soco idhanka.
Source-Hol

Sheikh Cali Dheere oo maanta shir jaraa’id ku qabtay degmada Buulo Mareer.

$
0
0

Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa wuxuu ka hadlay dagaaladii cuslaa ee laba habeen kahor Ciidamada Faransiiska ay kula galeen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere”, oo gelinkii dambe ee maanta qabtay shir jaraa’id, ayaa wuxuu kaga warbixiyay weerakii [...]

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iyo Madaxtooyadda Somaliland Oo Gaadhay Dalka Imaaraadka Carabta, Akan Hadlay Socdaalkooda

$
0
0

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo u waramayay warbaahinta dawladda  ayaa sheegay inay gaadheen magaaladda Abu-dubia ee dalka Imaaraadka carabta, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan dawladda Isku taga Imaaraadka carabta, sida ay sheegeen.
Wasiirka Arimaha dibedda Maxamed C/laahi Cumar oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu socdaalkayagu la xidhiidhaa inaanu sii xoojino oo ka wada hadalo dawladda Imaaraadka carabta qodobo aanu hore uga wada hadalay oo ay ka mid ahaayeen casriyaynta dekadda Berbera iyo mashaariic kale oo ay dalka ka fulin doonto Imaaraadka carabtu, Waxa kale oo aanu ka wada hadli doonaa sidii kor loogu sii qaadi lahaa iskaashiga iyo cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.”
Hargeysa Somaliland
 

Iska Hor’imaad udhexeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya oo ka dhacay Kismaayo

$
0
0

Kismaayo(Sh.M.Network)—Iska Hor’imaadkaan oo udhexeeyay Ciidamada Kenya ee Ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose iyo Kooxo ka tirsan Ururka Al shabaab ayaa waxa uu xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Iska Hor’imaadka ayaa yimid kadib weerar ay ku soo qaadeen Al Shabaab Fariisimo Coodan oo Ciidmada Kenya ay ku leeyihiin Magaaladaasi Kismaayo.
Iska hor’imaadka ayaa la tilmaamayaa in ay ka dhasheen khasaaro isugu Jira dhimasho iyo Dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac walow aan la cayimin khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay Iska Hor’imaadkaasi.
Xiriiro aan la sameynay Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo Kuwa Maleeshiyaadka Raas Kaambooni ee Magaaladaasi Kismaayo ayeysan noo suura galin hase ahaatee dad deegaanka ah ayaa inoo sheegay in saakay halkaasi howl Gallo ballaaran ay ka socdaan

Puntland oo wacad Ku martay in ay deegaanadeeda ka sifeyn doonto Al Shabaab

$
0
0

Boosaaso(Sh.M.Network)—Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Max’ud Ceydiid Dirir oo ka hadlayay dhibaatooyinka ka jira Buuraleyuda Galgala ee Gobolka Bari halkaasi oo ay ku suganyihiin Dagaal yahanno ka tirsan Ururka AL Shabaab ayaa sheegay in Maal maha soo aadan halkaasi ay ka sifeyn doonaan Kooxahaasi Ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Wasiirka oo dhinaca kale ka hadlay weerar dhawaan  la sheegay in Al Shabaab ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland kaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen Askar Maamulkaasi ka tirsan ayaa waxa uu meesha ka saaray Jiritaanka arrintaasi isagoo ku nuux nuuxsaday in arintaasi ay tahay Been abuur ay faafiyeen qaybo ka tirsan warbaahinta.
Mr Dirir ayaa dhanka kale ka hadlay dad uu sheegay in ay dhibaato kala soo darseen Xagga Buuraleyda Gal gala kuwaas oo kaga imaanaya kooxahani ka tirsan AL shabaab in ay gaareen deegaanka laad ee isla Gobolkaasi Bari isagoo wacad ku maray in dadkaasi si nabadoon ay ugu noqon doonaan Guryahooda Maalmo yar kadib.
Buura Leyda Gal ayaa inta badan waxaa dagaal uu ku dhexmaraa Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland kuwaasi oo geesta khasaarooyin kala duwan.

Faah Faahin ka soo baxeysa Weerar xalay Ka dhacay Gaarisa

$
0
0

Nairobi(Sh.M.Network)—Weerarkaan Xalay Ka dhacay Waqooyi Bari dalka Kenya Gaar ahaan Magaalada Gaarisa ayaa waxa uu udhexeeyay Ciidamada Buliiska Kenya oo ku sugnaa Meel bartamaha Magaalada ah iyo Kooxo hubeysan.
Isku dhaca Ciidamadaan ka tirsan Buliiska Kenya iyo Kooxaha Hubeysan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen mid ka mida Hoteelada Ku yaalla Magaaladaasi Gaarisa ee Gobolka W/Bari waddankaasi Kenya halkaasi oo la tilmaamay in markii uu weerarku dhacayay ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya.
Rasaasta ay kooxaha Hubeysan Ku fureen Hoteelka ayaa dad deegaanka waxa ay Idaacadda Shabelle usheegeen in ay geesatay khasaaro Isugu Jirta Dhimasho iyo Dhaawac.
Inta la xaqiijiyay 5 Ruux oo uu ku jiro Saraakiisha Kenya ee Xabsi ku yaalla Magaaladaasi Gaarisa ayaa ku dhintay ku dhawaad 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ka ag dhawaa goobta weerarkaasi lagu qaaday.
Kooxaha weerarka fuliyay ayaa la tilmaamay in Goobta ay isaga Baxsadeen walow la tilmaamay in Ciidamada Kenya Xalay oo dhan  ay baadi goob ugu Jireen Kooahaasi.
Xaladda Magaalada Gaarisa ayaa saakay ah mid Degan inkastoo Magaalada Gaarisa ay ka mid tahay Magaalooyinka inta badan ay ka dhacaan Weerarada ay Geesataan kooxahaasi hubeysan.

                       Muxuyidiin Xasan Max’ed Xusni


Wasaaradda warfaafinta Puntland oo diyaar garow ugu jirta Xuska maalinta warbaahinta Soomaaliyeed.

$
0
0

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa guddi farsamo u magacowday qaban qaabada xuska maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ee ku beegan 21 bishaan.
Guddigaan waxay wasaaraddu ka dhex xushay xubno katirsan wasaaradda warfaafinta iyo wariyayaasha Puntland, Iyadoona shaacisay sanadkaan in si weyn loo xusayo laguna soo qaadayo wariyayaashii Soomaaliyeed ee sida arxandarada ahi loogu laayay Soomaaliya gudaheeda.
Inkastoo wasaaraddu udiyaar garoobayso xuskaan ayaa dhinaca kale waxaa jira qilaaf xoogan oo udhaxeeya wasaaradda warfaafinta iyo wariyayaasha Puntland kaasi oo qotomo hadal dhawaan kasoo wasiirka warfaafinta Puntland En. Maxamuud Caydiid Dirir oo sheegay inuusan aqoon sanayn wariyayaasha Puntland ee aan ka diiwaan gashanayn wasaaaradda warfaafinta Puntland.
Wariyayaasha Puntland waxa ay hadalkaasi u arkayeen mid wasaaraddu ka leedahay dano gaar ah oo la xiriira xeer qabyo ah oo wasaaraddu udiyaarisay in lagu dhaqo warbaaahinta Puntland dhawaana la horgeeyay golaha barlamaanka Puntland.
Wariyayaashu waxa ay sheegeen in xeerkaasi aan lagala tashan dhinacooda wax aragtiyana aysan kula hayn, Waxayna barlamaanka Puntland ugu baaqeen in ay xeerkaasi ka fiirsadaan meel marintiisa.
Todobaadkaan bilowgiisa dallada ay ku midaysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ee Puntland {Punsaa} ayaa waxay kulan uqabatay xubno katirsan wariyaaasha ku sugan Garowe kuwaasi oo ay kala hadlaysay sidii loo dhameyn lahaa qilkaafka wariyayaasha iyo wasaaradda warfaafinta Puntland.
Xafiiska wararka Buraannews.com
Garowe

Golaha Amaanka Midowga Afrika oo ka hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, dalbadayna in…

$
0
0

Golaha nabadgelyada iyo amaanka ee hoostaga ururka Midowga afrika oo kulankoodii 350-aad ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa  war saxafadeed ka koobnaan 9-qodob oo khuseeya intooda badan arrimaha dalka Soomaaliya ka soo saaray, kaas oo ay uga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo ciidamadooda jooga gudaha gobobolada dalka.
Shirka oo ugu horeyn warbixino looga dhageystay wakiilada ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyo midka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa si weyn loogu amanay horumaradii ugu dambeeyay ee dhinacyada siyaasadda iyo midda ciidan ee laga sameeyay gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu markale ku celiyay dardargelinta dedaalka uu ku bixinayo taageerada uu siinayo xukumadda Soomaaliya, iyadoo loogu baaqay xukuumadda inay sii wado dedaalada ay ku dooneyso xal u helidda xaaladda dalka Soomaaliya.
Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Goluhu uu markale ku celinaayo in dowladaha xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika iyo shirkadaha calamiga uu ugu baaqayo in la dhameystiro taageerada lagama maarmaanka u ah in la siiyo xukuumada Soomaalia si loo xaqiijiyo amaanka dalka, gar gaarka bini’aadanimo iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo ka badan 22-sano ay ka socdeen dagaalo wejiyo badan leh.
Golaha ayaa amaanay Guddiga ururka Midowga Afrika ugu magacaabeen Soomaaliya  ee uu hogaaminayo Prof Ibraahim Gambari, wuxuuna Goluhu intaasi ku daray inuu ka shaqenayo sidii Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay isaga soo dhawaan lahayeen sidii beesha calamka loogu cadaadin lahaa taagero balaran oo la siiyo dowladda Soomaaliya.
Warsaxafadedka laga soo saaray Golaha nabadgelyada iyo amaanka ee Midowga Afrika  ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay in 6-bilood oo cusub loogu daro mandateka ama waqtiga ay Soomaaliya joogayaan ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga ka dib marka ay arrimahaasi watatashiyo ay ka sameeyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Horey ayaa Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya uga wadahadleen arrimo ku saabsan sidii waqtiga loogu kordhin lahaa ciidamada AMISOM, inkastoo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin waxay isku afgarteen, haddana waxaa la sheegay in qodabada ay isku raacaan loo gudbindoono Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, iyadoo markaasi ka dib go’aamada 3-daasi dhinac la hordhigidoono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo isna go’aan kama dambeys ah ka gaaridoona arrinta ku saabsan waqtiga ay ciidamadaasi joogayaan dalka Soomaaliya

Prof. Jawaari:- Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxay qeyb ka yihiin qorshaha qaran ee aanu dooneyno in…

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan {Jawaari} ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso wadahadalo walba oo nabadeed, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ku soo biiraan qorshaha nabadeed ee dalka, Guddoomiyaha ayaa warkan sheegay xilli uu wareysi siinayey wakaaladda wararka Iiraan ee FNA, wuxuuna sheegay inay dowladda Soomaaliya soo dhaweynayaan shirka bisha May ee sanadkan lagu qaban doono magaalada London e dalka Ingiriiska.
“Wadahadalada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland waxay ka mid yihiin qorshaha qaran ee dib u heshiisiinta, sanadkan waa sanadkii midnimada, barwaaqada, isku tiirsanaanta iyo walaalnimada, sidoo kale waa sanadkii iscafinta iyo isa-saamixidda” ayuu yiri Prof. Jawaari oo sidoo kale intaasi ku daray “Waxaan dooneynaa inaan dhisno Soomaali mid ah, dowladda Soomaaliyana waxay soo dhaweyneysaa wadahadlalada lagu qaban doono London bisha May”.
Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya iyo Baarlamaankuba ay taageerayaan qorshayaasha lagu xallinayo arrinta Al-shabaab iyo sidoo kale qorshaha lagu dagaalamayo Al-Qaacidada ku sugan dalalka Afrika, xubnaha ururka Al-Qaacida ee ku sugan gudaha dalka ayuu sheegay inay dowladdu ugu baaqay inay hubkooda dhigaan ayna aqbalaan qorshaha nabadeed ee qaran.
Maamulka Somaliland ayaa horay uga qeybgalay shirkii Feberaayo 2012-kii lagu qabtay dalka Ingiriiska, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen inay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland yeeshaan wadahadalo ay arrimahooda siyaasadeed ku xallinayaan, dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Somaliland ay qeyb ka noqoto dowladda Soomaaliya, halka ay Somaliland oo ku dhawaaqday gooni isku-taaggeeda sanadkii 1992-dii ay weli dooneyso inay noqoto dowlad gooni ka ah Soomaaliya inteeda kale.

Daawo Sawiradii ugu Dambeeyay ee laga soo Qaaday Baledweyne.

$
0
0

Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne waa Magaalo Muuqaalkeeda marka aa daawato aad arkeeyso in magaalo dib u dhis xoogan ay ka soconeyso oo aad ka dareemeeyso in Bilicdeda ay aad u qurxoon tahay.
Sawiradaan laga soo qaaday waa kuwii ugu dambeeyay Muuqaalka Magaalada Baldweyne waa magaalo qurux badan marka aa daawato ee nala daawo Quruxda Magaaladaan adaa arki doono Quruxdii Magaalada Baledweyne.

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay aqoonsaneyso maanta dowladda Soomaaliya ka didb 21sano oo…

$
0
0

Maamulka Barack Obama ayaa aqoonsanaya maanta dowladda Soomaaliya mar labaad muddo 20-sano ka badan oo kala go u dhexgalay, waxaana Soomaaliya loo aqoonsaday inay horumar ka gaartay ka hortegidda kooxaha mayalka adag sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Mareykanka.
Johnnie Carson oo u qaabilsan xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka arrimaha Afrika ayaa sheegay in ictrifaaku ka dhacayo maanta oo Khamiis kana dhacaya xarunta arrimaha dibadda ee Mareykanka marka Madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmayo Hillary Clinton xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaan aqoonsaneyn dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay ka curteen dagaaladii sokeeye ee bilowday sanadkii 1991-dii, waxaana kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Johnnie Carson uu sheegay in Midowga Afrika iyo Mareykanka oo dhaqaale ku kaalmeynaya ay keeneen isbedel weyn, kaas oo ku riixay sida uu yuiri in Al-shabaab inay baneeyeen goobo badan waa sida uu yiri.
Mr. Carson ayaa sheegay in ictriaafka la siinayo Soomaaliya uu  wax weyn ka bedelayo arrimaha dalka Soomaaliya, isla markaasna sida uu yiri la kordhin doono taareerada la siindoono dalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in tan iyo markii la riday xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre waxa dalka Mareykanku ula dhaqmayey Soomaaliya sida kooxo oo kale isagoo xiriir la lahaa dhinacyo badan oo siyaasadda Soomaaliya metalayay.

Shir looga hadlayo arrimaha amaanka Soomaliya oo maanta ka furmaya dalka Turkiga iyo wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadlay

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo uu wehliyo taliyaha ciidamada xoogga dalka S/Gaas C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa shalay u safray magaalada Ankara ee dalka Turkiga halkaas oo maanta oo ah khamiis uu si rasmi ah uga furmi doono shir looga hadlayo sidii ay beesha caalamka uga taageeri laheyd Soomaaliya dhanka amniga.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Xaaji Fiqi ayaa saxaafadda u sheegay in qorsheyaasha ay la hortagayaan shirkaasi  ay ka mid tahay sidii dib u dhis balaaran loogu sameyn lahaa ciidamada xoogga dalka, loogana caawin lahaa dhinacyada Logistikada iyo tababarada.
Kulanka ayaa socon doono labo cisho, iyadoo ay ka soo qeybgalayaan diplumaasiyiin ka socota beesha calamka, waxaana shirkaasi oo ay dowladda Turkigu martigelinayso la filayaa in go’aano muhiim u ah dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo saaro marka uu dhamaado shirku.
Waa markii labaad ee uu wasiirka difaaca C/xakiim Fiqi safar shaqo ku aado dalka Turkiga tan iyo markii dib loogu magacaabay xafiiskiisa, iyadoo wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ay dhawaan kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca ah kaas oo la filayo in Baarlamanka Soomaaliya uu meelmariyo si loo hirgeliyo.

Taliska ciidanka AMISOM oo sheegay inay baarayaan dadkii ay ciidamadoodu ku laayeen magaalada Leego

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dad shacab ah oo ay ciidamada AMISOM ku xasuuqeen doraad magaalada Leego gobolka Shabeelada Hoose, qaabka dilkaasi u dhacay ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay inay rasaas ay weydaarsadeen ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab kadibna uu yimid dilka dadka shacabka ah.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Leego oo 120-km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ku dhintey dad isugu jira caruur iyo haween, halka qaar kale ku dhaawacmeen rasaastaas, waxaana lagu yiri  warka “AMISOM waxaa waajib ka saaranyahay inay yareyso khatarta ka dhalan karta howlgaladooda, waxaana hadda ku mashquulsanahay sidii loo heli lahaa wixii dhacay oo dhab ah loona ururin lahaa xaqiiqada, sida arrintaas murugada leh u dhacday iyo waxa sababay”.


Dhageyso: Wasaaradda warfaafinta Puntland oo xustay maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed.

$
0
0






wasiirka warfaafita
Wasaaradda warfaaffinta Puntland ayaa maanta qabatay munaasabad lagu maamuusayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed oo sanad walba ku began 21 Janaury.
Munaasabada lagu maamuusayay sanad guuaradii 40aad waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin isugu jiray heer wasiiro, xeer xildhibaano, Wariyayaal iyo xubno kale oo ka socday qeybaha bulshada.
Dhinacyadii kala duwanaa ee kahadlay sanad guuradaan ayaa hambalyo diiran hawada umariyay wariyayaasha Soomaliyeed ee ku sugan meel walba oo dunida ka tirsan, Waxay dhinaca kale murugu iyo mahadho ka muujiyeen suxufiyiintii si xaq darada ahi loogu loogu dilay gudaha Dalka Soomaaliya.
Wasiirku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Puntland C/laahi Faarax Axmed ‘Aswad’ oo furey munaasabadaan ayaa sheegay in ku faraxsanyihiin la qeybsiga wariyayaasha Soomaaliyeed sanad guuradii 40aad ee aas aaskii Warbaahinta Soomaaliyeed oo kusoo beegmatay waqti uu sii kordhayo tacadiga Wariyayaasha.
Gadoomiye ku xigeenkii hore ee Ururka Suxufiyiinta ee MAP oo ku hadlayay magaca suxufiyiinta Puntland Maxamed Daahir Saalim ayaa sheegay suxufiyiinta Puntland inay door muhiim ku leeyihiin horumarka Puntland, Iyagoona raaciyay inay ku shaqeeyaan daruufo adag oo dhinac walba ah.
Wasiirka Udowlaha maamulka Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo isuguna munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay inaan la dafikarin doorka wariyayaasha Puntland ay ku leeyihiin dhinaca nabad galyada, Waxaana uu wax laga xumaado ku tilmamay dilalka wariyaasha ee noqday kuwo aan joosgi lahayn.
Wasiirka warfaafinta Puntland En Maxamuud Caydiid Dirir oo soo xiray munaasanada lagu maamuusayay aas aaskii warbaahinta Soomaaliyeed ayaa sheegay wasaaradda Warfaafinta Puntland inay dareen santahay waxqabadka suxifiyiinta Puntland iyo daruufaha adag oo ay xiligaan ku shaqeeyaan, Waxaana uu sheegay in dhawaan kor uqaadis ku sameenayaan aqoonta iyo xirfada wariyaasha Puntland.
Wasiirka warfaafinta wuxuu dhinaca kale si weyn ula dar daarmay wariyaasha Puntland, Isagooa ku booriya inay ka fogaadaan wararka been abuurka ah ee kasoo horjeeda amniga Dalka, saameyna ku yeelanaya wariyaha nafsadiisa.
Qabashada munaasabadaan ayaa ku soo beegmaysa, Xilli maanta gobolada Soomaaliya qaarkood laga dhigaya sanad guurooyin lagu maamuusayo
Xafiiska wararka Buraannews.com
Garowe

Howlgal Lagu Helay Bam Baanooyin Kuwajahnaa Luuq

$
0
0

 
Ciidamada ammaanka degmada Luuq ee waqooyiga gobolka Gedo ayaa maanta xiray afar nin oo gaari dameer ay wateen laga dhex helay shan bambo gacmeed.
Taliyaha ammaanka degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidankooda ay istaajiyeen nimanka iyo gaari dameerka ay wateen, kadidbna baaritaan lagu sameeyay laga helay bambooyinka.
Kaliil wuxuu sheegay in mid ka mid ah ragga la xiray uu qirtay inuu yahay milkiilaha bambooyinka, isagoo intaas raaciyay in la rabay in loo isticmaalo weerarro lagu bar-tilmaameedsan rabay mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay inay sii wadi doonaan fashilinta weerarrada iyo qaraxyada lagu doonayo in lagu dilo madaxda dowladda iyo xubnaha muhiimka ah ee ka tirsan bulshada.
Qaarkamid ah bulashada Luuq ayaa soo dhaweeyay howlgalka ay ciidanka ku heleen Ban Baanooyinkaan ladoonayay in lagu weeraro meelo kamid ah luuq

Wasiir Xaabsade Oo Nasiib Darro Ku Tilmaamay Eedaysaneyaasha Laascaanood Laga Soo Qaado Ee Hargeysa La Keeno,

$
0
0

“Waxa Jirta Inay Dhinteen Dad Badan Oo Madax Ka Ahaa Dawladda Oo Wax Yar Mooyaane Aan Raad  Loo Haynin, Waana Nasiib Darro Taasi” Wasiirka Hawlaha Guud
 
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ka hadlay halka ay marayso baadhitaanka uu muddooyinkii ugu dambeeyey Hanti-dhawrka Guud ee Somaliland ka wado Wakaaladda Laydhka ee Magaaladda Hargeysa, waxaanuu sheegay Wasiirku inay baadhistaasi ilaa hadda socoto oo ay jiraan waxyaabo badan oo khaladaad ah, isaga oo sheegay inay shaqo joojin ku sameeyeen Maareeyihii Wakaaladda Laydhka Hargeysa Weli Axmed Xaawo, kaas oo uu sheegay inay fasexeen inta uu baadhitaankaasi dhinac u dhacayo.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade oo shalay si gaar ah ugu warramayey Telefishanka Somalichannel iyo Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Xaaladda Gobolka Sool, isaga oo sheegay inay nasiib darro tahay in dadka dambiyada ka gala halkaasi loo soo qaado dhinaca Hargeysa, isaga oo sheegay inaanay jirin sababa hadda kellifaysa in dadka eedaysaneyaasha ah jeelasha hargeysa loo soo qaado oo uu gobolkaasi leeyahay jeel wax lagu xidho iyo Maxkamad dambiyadooda lagu qaado.
Wasiir Xaabsade oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Baadhistaasi way jirtaa Wakaaladda Laydhka ee Magaaladda Hargeysa, waxaana loo diray Wasiirka Hawlaha Guud, Hanti-dhawraha Guud, Xisaabiyaha Guud iyo  Wasiirka  Maaliyadda, kuwaas oo loo diray inay warbixin ka keenaan sida ay wax u socdaan, inay is bixin karayso iyo inaanay is bixin karaynin iyo Cilladaha haysta, waxbadan oo khaladaad ahina way soo bexeen oo wali baadhitaankiina wuu socda, wayna soo bixi doontaa ee kama hor dhacayo, Maareeyahana fasax ayaanu siinay oo wax shaqo ah oo aanu ka joojinay ma jirto, inta uu baadhistu socoto ayaa hakad la yara geliyey oo waa maareeyihii Wakaaladda laakiin inta ay badhistu socoto ayaa la yara hakiyey, haddii ay waxba ku soo bixi waayaanna maariiyihii ayuu ahaanayaa, Wakaaladdiina waxa hadda gacanta ku haya Wasiirka Hawlaha Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dharaha Guud ayaa si ku meel gaadh ah gacanta ugu sii haya wakaaladda Laydhka Hargeysa”
Axmed Cabdi Xaabsade oo ka hadlayey shaqooyin ay Wasaaraddiisu waddao hadda waxa uu yidhi “Waxaanu wadnaa oo aanu u gudbinay Garyaqaanka Guud sidii aanu u casriyeyn lahayn Liisanadda Baabuurta oo aanu doonayno inay noqdaan qaar Electronic ah, waxaanay dhamaanaysaa arintaasi oo ay  hir galaysaa ilaa bisha Sadexaad, waxanu sidoo kale wadnaa Geerashkii baabuurta Dawladda lagu hagaajin lahaa oo hadda dhamaad ah, waxaanan qabaa inuu muddo sided cisho ah ku dhamaan doono,Wasaaradduna waxay leedahay waaxyo badan oo aan dhamaan tood wada shaqashyadynayn markii aan Wasaaradda imid ilaa boqol Babuur ayaa yaalla geerashyada shacabka oo marka ay meel yari xumaato ayaa meel la iskaga tuuraa, waxananu wadnaa in geerashka aanu wadno lagu wada hagaajin doono, waxaanan filayaa inay sannadka Soo socda inay dhamaan hawlaha Wasaaraddu isku duba dhici doonaan”
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayey Su’aal ahayd sida uu u arko xaaladda Gobolka Sool, waxa uu yidhi “Waxa jirta inay dhinteen dad badan oo Madax ah oo ahaa Madaxdii Dawladda oo aan wax yar mooyaane cid loo haynin, waana nasiib darro taasi, run ahaantii waa wax hore u dhacay oo markii hore way jirtay in maxaabiista halkan la keeni jiray  oo waxaan jirin xabsi dadka lagu hayo oo ka ku yaalla Laascaanood waxa uu ahaa mid burbursan oo xataa rag dambiyo culus loo haystay way ka baxsadeen oo ahaa afar ilaa shan nin, hase yeeshee waxa uu Madaxweynuhu sameeyey Xabsi cusub oo heer caalami ah oo amaan fiican leh oo lacag xad dhaaf ah lagu bixiyey oo boqolaal kun ahayd, xabsigii wuu dhisan yahay ayaa hadana waxa dhacda in Maxaabiistii halkan la keeno  mana garanayno  sababta halkan loo keeno, iyada oo xabsigii dhisanyahay oo kiiskii halkii uu ka dhacay ninkii oo lagu hayo hadana Hargeysa ama Mandheera la keeno garan mayno, waana sabab aan diiwaanka ku jirin oo aanaan garanayn oo dadkiina way yaabanyihiin dadkaas la soo qaadayo, sharcigiina waxa uu leeyahay meesha uu kiisku ka dhacay waa in lagu qaadaa eediisa, jelkiina wuu ku yaalla Maaxkamaddina way tahay, markaa ma garanayno sabaabta loo soo qaadayo dadka dambiyada ka gala gobolka Sool, waxaana ka jawaabi doonta cidda soo qaadda eedaysaneyaasha, Xabsi laga baqaana ma jiro”
Xaabsade oo la waydiiyey sababta uu arintaas isagu uga hawl geli waayey, maadaama uu yahay Wasiir ka soo jeeda Gobolka Sool, waxa uu yidhi “Waxaana arintaas ku shaqo leh Wasiirka Arimaha Gudaha oo ah Wasiir dhigayga ah, laakiin anigu waxan ahayn wasiirka Hawlaha Guud oo wixii Wasaaradayda quseeya ayaan ka haw geli karaa”
Hargeysa Somaliland

Ergo ka socotay Jubooyinka oo gordhow gaarey Garowe.

$
0
0


Waxaa Garowe gor dhaweyd soo gaarey ergo ka socotay gobolada Jubooyinka.
Ergadaan ayaa waxay Saakay kasoo amba baxeen magaalada Gaalkacyo , Waxaa Garowe kusoo dhaweeyay xubo ka tirsan Puntland oo kaga hor tagay meel duleedka Koonfureed ka ah Garowe.
Ergadaan waxaa lagu wadaa in muddo maalmo ah ku sugnaadaan Puntland, Iyagoo qorshuhu sidii loo taageeri lahaa maamul loogu magic daray Jubba laan oo la qorshaynayo in lagaga dhawaaqo gobolada Jubooyinka.
Puntland ayaa horey usheegtay in ay taageerayso maamulka Jubba laan hadii goboladaasi uu ka hirgalo kaasi oo kamid ah noqonaya maamul goboleedyada Federalka ah
Xafiiska wararka Burnnews.com
Garowe

Af-Hayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegay Inaanuu Aqoonsiga Maraykanku siiyey Somalia Waxba Ka Bedeli Karin Qadiyadda Somaliland

$
0
0

Af-hayeenka Somaliland Axmed Somaliland Axmned Saleebaan (Dhuxul), ayaa sheegay inaanay Waxba ka bedeli karin qadiyadda Somaliland Aqoonsiga ay Dawladda Maraykanku siiyey Dawladda Somaliland, isaga oo tilmaamay inay taasi ka wayntahay rabitaanka shacabka reer Somaliland oo ah inay ka go’antahay qadiyadda Madaxbannaanida Somaliland.
Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey munaasibad lagu furayey Wargeys Madax bannaan oo Hargeysa lagaga dhawaaqay oo la magac baxay Somalilandtoday, kaas oo ka mid noqon doona Wargeyskayada tirade badan ee Hargeysa ka soo baxa.
Af-hayeenka  Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Beryahan dambe waxa aad loo hadal hayey arinta Aqoonsiga Maraykanka ee Somaliland, waxaan idiin sheegayaa inaanay Somaliland Mawqifkeeda waxaba ka bedeli Karin  arinta Maraykanka ee Aqoonsiga Somalia,waxaana  loo baahanyahay inaynu wada ogaanno oo shacabka reer Somaliland ay la socdaan in waxa aynu doonaynaa uu ka waynyahay waxaas oo dhan”
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka hadlayey saxaafadda waxa uu yidhi “Waxaad moodaa inay Saxaafadda Somaliland dadaalkii ay intaas soo wadday ay bur burinayso iyadu, waxaana loo baahanyahay inaynu ka wada shaqayno sidii aynnu qarannimada Somaliland meel uga soo wada jeedsan lahayn”

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live