Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo Sawirada:Sida loogu Soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho Safiirka Dowlada Kenya Ufadhinaayo Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqihii aqoonsiga danjiraha Kenya u fariisan doona magaalada Muqdisho Josphat Maikara.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed oo warbaahinta la hadlay qaabilaadda kaddib ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweysay danjiraha Kenya.



Amb. Nuur Cadde oo si Sharci darro ah Diplomaasi ugu dhigaya nin horey Driver u ahaa (Dukumenti sir ah oo la helay)

$
0
0

Safiir Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa weli sii wada ku tagri falka Awoodeed ee uu kaga faa’ideesanayo xilka Safiir-nimo isagoona xilliyadii ugu danbeeyay ku dhaqaaqayay falal aan sharciga Safiirnimo waafaqsaneen, isla markaana ah ku tagri fal iyo ku tumasho Hantida Qaran, Waxa uuna xilligaan Qorsheenaya in Xoghaye 2aad ee Safaarada Soomaaliya Talyaaniga uu ka dhigo Wiil Soomaaliyeed oo horey u ahaa Wade Gaariga Safaarada (Driver).
“Nuur Cadde waxa uu dhawaan la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo, waxa uu u sheegay in uu doonayo inuu Diplomaasi ka dhigo nin horey wade gaari ugu ahaa safaarada, balse wasiirada waxa ay ku war gelisay in Diplomaasi aan laga qadan karin dalka dibadiisa, isla markaana sharciga dhigaayo in Diplomaasiga laga soo Magacaabo gudaha dalka Soomaaliya, iyadoona ku war gelisay in Wiilka loo diro Soomaaliya si Wasaarada usoo xaqiijiso in uu xilkaasi qaban karo iyo in kale isla markaana soo Magacawdo hadii loo baahan yahay, Balse Nuur Hadalkaasi wuu ka dhaga adeegay welina waxa uu ka daba wareegayaa wasaarada Arrimaha Dibbada Talyaaniga si uu wiilkaas ugu helo Kaarka Aqoonsiga” Sidaasi waxaa yiri Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta ku dhaw Xafiiska Nuur Cadde oo codsaday in Magaciisa lasoo xigto.

“Waa wiil Soomaaliyeed oo la xaqiijiyay in Markiisa horeyba uu Sharci la’aan Wade gaari ugu ahaa Safaarada, balse uu Nuur Cadde xilligaan doonayo in sharci darro uu ugu dhigo Xogheyn 2-aad, balse waxaa nasiib ah in xilligaan Arrinta wiilkaan ay la socoto Wasiirada Arrimaha dibada, inkastoo aaynu ognahay in waxyaabo badan oo dhacaya la iska indha tiray oo dowladii iska indha tirtay hadana waxaan sugeynaa waxa ay ka yeelayaan shaqsigaan oo hadaba loo gacan geliyay Passaporka Diplomasiga” Ayuu hadalkiisa raaciyay.
Warqad uu Amb. Nuur Cadde u diray Wasaarada Arrimaha dibada Talyaaniga iyo mid uu u diray Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxa uu ku kala qoray 2 Taariikh oo kala khalifsan, taasi oo shaki gelineysa ka run sheegida shaqsigaan uu nuur cadde la damacsan yahay Xogheyn 2-aad ee Safaarada Soomaalida Talyaaniga.
Talaabada Nuur Cadde oo ku jibinayo Hadalkii kasoo baxay Wasiirada Arrimaha dibada ee ah sharci ahaanshiyaha soo magacaabida qof noqonaya Diplomasi ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer oo horey uu Nuur Cadde ugu tuntay sharciga, isla markaana ku tagri falayo Hantida Qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay dalka Talyaaniga, iyadoona ay dhiinaca kale isa soo tareyso Qeylo dhaanta iyo baaqa ay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Talyaaniga u jeedinayaan Dowlada Soomaaliya si wax loogu qabto Arrinta ka taagan dalka Talyaaniga.

Deg deg:Xulka qaranka Soomaaliya oo Goor dhow ku dur duriye Xulka qaranka Burundi Ogana Adkaaday

$
0
0

Wiilasha kubadda kolayga Soomaaliyeed ayaa si sharaf leh uga adkaaday dalka Burundi oo ay ku muquuniyeen 98 jeeso halka Burundi oo laga sarreeyay ku dhowaad 20 jeeso ay urursatay 80 jeeso oo qura.
Xulka kubadda kolayga Soomaaliyeed oo ka kooban xidigo ku wanaagsan ku xirfadeeynta kubadda kolayga ayaa kulankii hore kasoo adkaaday dalka aanu deriska nahay ee Kenya oo dabcan ka mid ah dalalka ugu adag geeska Afrika ee dhanka kubadda kolayga waxayna haatan si xarago leh ugasoo bexeen wareeggii ay kujireen ee Group A.
Xulka Soomaaliya ayaa sidaa daraadeed haatan taagan nus-dhamaadka isreebreebka ZONE 5 iyagoo kulanka soo socda hadii ay badiyaan usoo baxaya finalka tartankan oo laga doonayo dalalka mandiqadda 5-aad u meteli lahaa koobka qaramada Afrika ee kubadda Kolayga.
Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ahaan jiray dalalkii lagu qadarin jiray kubadda kolayga kahor burburkii nidaamkii dhexe ee dalka adigoo ka garan kara wacdaraha ay ka dhigayaan garoomada caalamiga ah wiilal iyo gabdhaba dhanka kubadda kolayga.X

Daawo Sawirada:Shabaab oo Goor dhow Soo Bandhigtay Ajaaniib Kaqeyb Sadeen Mid kamid ah Wadamada Ciidamada Kajogaan Soomaaliya

$
0
0

Waxa Goor dhow xarakada Shababa soo bandhigtay Mquaal iyo waliba sawiro si toos oga turjumaayo shaqsiyaad kenyan ah oo Gacanta kuhayeen Mudooyinkaan danbe.

 

Wasiirradii Somaliland ee ku sugnaa Degmada Saylac oo looga yeeray Jabuuti iyo dareenno kasoo cusboonaaday Degmadaas

$
0
0

Wafdigii wasiirrada ahaa ee Somaliland oo ku sugnaa degmada Saylac ee gobolka Selel ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti oo lagu tuhunsan yahay inay ka dhaqaaqi la’ayd arrinta Saylac ee laba wajiilaha noqotay .
Waxayna socdaal dhulka ah kaga gudbeen wafdiga magaalada Lawya-caddo ee ku tuulla xuduudka kala qaybiya maamulka Somaliland iyo Jabuuti.
Wariyeyaasha ka hawlgala degmada Saylac ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) uu ku qanciyay labada wasiir ee kale in xallinta khilaafka ka dhashay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Saylac uu xalkeedu ku xiran yahay in lagala soo xaajoodo dalka Jabuuti, taasoo ujeeddada socdaalkooda uu salka ku hayay.
Dhinaca kale, waxaa ka dhashay socdaalka ay saaka saddexdaa wasiir ku tageen magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaasi Jabuuti ayaa daaha ka rogtay in Jabuuti ay gacan weyn ku lahayd mushkiladda ka aloosnayd degmadaas, iyadoo sida la sheegeyna diiddan maamulkan cusub ee golaha deegaanka degmadaas.
Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa ah mid waji cusub lasoo baxday iyadoo magaalada Jabuuti uu kaga sii horreeyo wafdigan, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.
Xaaladda degmada Saylac ayaa tan iyo markii ay dhaceen doorashooyinkii golaha deegaanka Somaliland sannadkii hore, iyadoo weli uu jiro muran ku saabsan cidda kusoo baxday doorashadaas.
Source-Hol

Daawo Sawirada:Dhalinyaro Fagaare lagu Dal dalay kadib markii Danbi Ay Sameeyeen Ku Baahiyeen You Tube-ka

$
0
0

Xukuumada Iiraan ayaa xukun del delaad ah ku fulisay laba dhalinyaro ah oo shabakada Youtube ku baahiyay, muuqaal fidiyow ah oo muujinaya, nin ay garaacayaan oo xoogna ay kaga qaateen waxyaabo uu sitay, muuqaalkaas oo markii lagu baahiyay internet-ka dalkaas ka abuuray xiisad iyo cadho dadweynuhu kaga jawaabeen.
Dhalinyaradan oo lagu kala magacaabi jiray, Alireza Mafiha iyo Mohammad Ali Sarvari, ayaa la sheegay in da?doodu ahayd afar iyo labaatan jiro, kuwaas oo maalintii axadii lagu del delay fagaare la soo buux dhaafiyay oo ku yaala magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan.
Sidoo kale waxa iyagana min toban sanadood oo xadhig ah iyo afar iyo todobaatan jeedal lagu xukumay midkiiba, labo ruux oo kale oo lagu eedeeyay inay ka caawiyeen anshax xumadaas ay kula kaceen dhibanahaas lagu garaacay jidka badhtankiisa ee haddana muuqaalkii laga duubay lagu baahiyay shabakada youtube.
Wakaalada wararka ardayda Iiraan oo baahisay sawirada iyo fulinta xukunkaas lagu fuliyay afarta dhalinyarada ah, ayaa sheegtay in maxkamada sare ee kacaanka Islaamiga dalka Iiraan ay xukunkan ku riday dhalinyaradaas iyada oo u cuskatay xad gudub iyo gabood fal ka dhan ah shareecada Islaamka oo ay kula kaceen dhibanaha.
Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayay ahayd sida wakaaladu sheegtay markii dhalinyaradaasi ay muuqaalka galaaftay naftooda ku baahiyeen Youtube, wakhtigaas oo sirdoonka iyo ciidamada daba galka danbiyada ee dalkaasi balan ku qaadeen inay sharciga hor keeni doonaan danbiilayaashaas.
Nimankan ayaa del delaadooda loo adeegsaday qalabka waxyaabaha cul culus lagu qaado ee wiishashka, halkaas oo inta xadhig qoorta loo sudhay ka dibna kor loogu del delay, waxa goobtaas oo lagu magacaabo beerta qaranka ee Tehran isugu soo baxay kumayaal qof oo daawanayay, halka dadka badankooduna ay telefoonadooda gacanta ku duubayeen sidii del delaada dhalinyaradaasi u dhacday.
Dalka Iiraan ayaa waxa uu ka mid yahay waddamada faro ku tiriska ah dunida ee ilaa wali ku dhaqma xukunka deldelaada, taas oo ay jirto kala qaybsanaan culimada iyo dadka arrimaha sharciga iyo garsoorku ka qabaan sida del delaadu u waafaqsan tahay shareecada Islaamka oo jidaynaysa in deg deg nafta looga qaado oo looga raaxeeyo wax kasta oo la dilayo, dad iyo duunyo intaba.
Faysal Maxamed Xasan

 

Madaxweyne Xassan Sheekh Mamaxmuud oo eedeyn u soo jeediyay madaxda dowladihii kahoreeyay.

$
0
0

Madaxweynaha Jmahuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka qeyb galay kulan lagu taageerayo aqoonsigii Mareykanka uu siiyay Dowlada Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay Hoteelka City Plaza ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jmahuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Golaha Wasiirada, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad iyo qeybaha Bulshada Rayidka ah.
Khudbado qiimo badan ayaa laga jeediyay kulanka, waxaana dhamaan dadkii hadlay ay sheegeen in Heshiiska uu yahay mid aad u wanaagsan oo lagu farxo mar hadii ay Dowlada Soomaaliya heshay aqonsi caalami ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay Kulanka, wuxuuna sheegay in aqoonsiga Mareykanka uu siiyay Dowlada Soomaaliya uu yahay mid taariikhi ah, wuxuuna tilmaamay in heshiiska ay galeen Soomaaliya iyo Mareykanka uu qiimo weyn ugu fadhiyo Shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Obama ay suuragal tahay in Madaxweyne Obama uu yimaado Magaalada Muqdisho, Maadaama ay ku soo wada hadleen aqalka cad ee Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Musuq maasuqa ragaadiyay Dowlada Soomaaliya, wuxuuna carabka ku adkeeyay inaysan u dulqaadan doonin Dowladiisa musuq maasuqa.
Sidoo kale Khudbada Madaweynaha oo dheereed ayuu kaga hadlay dilalka lagu hayao Saxafiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay falalka guracan ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in laga qaban doono dadka dilalka saxafiyiinta ka dambeeya.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in wadamada caalamka ay ka sugayaan inay qaadaan Talaabada uu qaaday Mareykanka oo iyagana ay dhankooda ka aqoonsadaan Dowlada Soomaaliya oo mudo kadib saaxada caalamka ku soo laabatay.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in wali ay socdaan baaritaanada la xiriira dilalka ka dhacay Muqdisho, wuxuna sheegay in aan la isaga hari doonin.
Munaasabada maanta ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana soo abaabulay maamulka Gobolka, iyadoo ku soo idlaatay jawi nabadeed.
 

Faroole: Madaxweyne Xasan Sheekh Guul Taariikhi ayuu u soo Hooyay Umadda Soomaaliyeed

$
0
0

Boosaaso (Sh.M. Network) —Madadweynaha Maamulka Puntland oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa uu sheegay In Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud uu Guul Taariikhi ah u soo Hooyay Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay kadib Markii dowladda Mareekanka ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu sheegay in Markii hore ay Jireen Heshiisyo diblumaasiyadeed iyo Safiiro waddanka Dibaddiisa ku sugnaa Kuwaasoo Marnaba gudaha u soo Galin Soomaaliya Laakiin waxa uu tilmaamay Markii  Laga baxay KMG  Madaxweyne Xasan Sheekhna  uu talada la wareegay ay is Fur furtay Siyaasadda Dowladda Soomaaliya ee Caalamka.
Faroole ayaa tilmaamay in Wadamada Asia Europe  iyo qaybaha Kale ee Caalamka haatan ay u soo Jeesteen dalka Soomaaliya Taasina ay tahay Guul uu umadda Soomaaliyeed u soo Hoyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Faroole ayaa Carabka ku adkeeyay in mar haddii dowladda Soomaaliya ay aqoonsi ka heshay dowladaha Caalamka islamarkaana ay u soo Jeesteen la shaqaynteeda Loo baahanyahay in iyana ay Garabsiiso Maamulada Gobollada dalka.
Tan iyo Markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu qabtay Hoggaanka dalka ayaa waxaa sii kordhayay dowladaha Caalamka ee quud dareenaya in ay Iskaashi Buuxa la sameeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya


Ciidamada dowladda ee Sh/hoose oo amar lagu siiyay in ay soo qabtaan kooxaha caqabadda ku ah ammaanka

$
0
0

Marka  (Sh.M. Network) —Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya Cabdi qaadir Max’ed Nuur Siidii oo La hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Hay’adaha ammaanka Gobolkaasi uu amar ku siiyay in La soo qabto Cid kasta oo isku dayda in ammaanka ay qal qal Geliso.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Sidoo Kale Ciidamada uu amar ku siiyay in ay ka hortagaan Kooxa ka tirsan Al Shabaab oo weeraro ka fuliya deegaanno ka tirsan Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale amar ku siiyay Ciidamada ammaanka Gobolka Sh/Hoose in ay Galaan dhulka Howdka ah oo ay ku suganyihiin Dagaalyahanno ka Tirsan Ururka  Al Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale Sheegay in ay Fashiliyeen Weeraro qaraxyo ah oo ay damacsanaayeen Kooxda Al Shabaab Kuwaasi oo ladoonayay in lagu carqaladeeyo ammaanka deegaanno iyo degmooyin Ka tirsan Gobolkaasi sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo Kale tilmaamay in Saraakiil Boolis ah  loo xilsaaray xaqiijinta ammaanka degmooyinka dowladda ay Ka Maamusho Gobolka Sh/hoose kuwaasi oo uu tilmaamay in ay fashiliyeen qarax lala damacsanaa.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa haatan Deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gacan ku heyntooda ku loolamaya Ururka Al Shabaab  iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Garabsanaya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Xukuumada Oo Ku Fashilantay Inay Xakamayso Qiimaha Maceeshada Ee Cirka Isku Shareeray Iyo Qoysaska Danyarta Oo Saamayn Ay Ku Yeelatay

$
0
0

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku guuldaraysatay inay wax ka qabato qiimaha sarifka lacagta dollarka iyo qiimaha maceeshada ee cirka isku shareeray, taas oo qoysaska danyarta ah ay saamayn ku yeelatay noloshooda. Qiimaha lagu iibiyo maceeshada oo kolba inta qiimaha ay doonaan ganacsatadu ku iibiyaan badeecadaha daruuriga ah ee dibadaha ay ka soo waaridaan, ayaanay awoodin qoysaska danyarta ahi qiimaha ay ku iibinayaan ganacsatadu ee isbadbadalka badan kaga ganacsada raashinka daruuriga ah, taas oo ay saamayn ku sii yeelatay in markasta oo xukuumadu cashuur kordhin ku samaysa-ba ay ganacsataduna badeecadahaasi dibadaha ay soo waaridaan qiimaha ay ku iibinayaan ay ku kordhiyaan bulshada.
Qoysaska danyarta ee ku nool xaafadaha kala duwan ee caasimada Hargeysa ayaa qiimaha cirka isku shareeray samayn ku yeeshay nolol maalmeedkooda oo ay ka jirta in saddexda wakhti ee wax la quuto inay wakhti kaliya dhariga shitaan, ka dib markii ay waayeen hoos u dhac ku yimaada qiimaha maceeshada. Wakhtigan xaadirka ah ayaa qoysaska danyarta ah waxaa soo waajahay duruco adag oo la xidhiidha noloshooda, taas oo keentay in bulshada reer Somaliland ay u kala qaybsamaan saddex qaybood qaar badhaadhay, qaar busaarad la il-daran iyo kuwo iskaga haajiray dal-ba. Dhinaca kale wasaarada ganacsiga ayaan wax talaabo ah ka qaadin waajibaadkii saarnaa ee hawlaha ganacsiga ee ay u xilsaaran tahay inay wax ka qabato qiimahada marba marka ka dambeeya hawada isku shareeraya ee badeecadaha kala duwan, taas oo lagu dhaliilo inaanay waxba ka qabanin inay xakamayso, sidaasi waxa yidhi wargeyska Haatuf ee Hargeysa ka soo baxa oo warbixintan qoray.
Hargeysa Somaliland
 

Hay,adda MSF Oo Sheegtay In Ay joojin Doonto Adeegyadii Caafimaad Ee Isbitaalka Istarliin Guriceel

$
0
0


Hay’adda dhaqaatirta aan Xuduuda Lahayn ee  MSF ayaa maanta sheegtay in ay soddonka bishan Janaayo joojin doonto howlihii ay ka wadday isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda gobolka Galgaduud, maamulka Ahlu Sunna iyo dhaqaatiirta isbitaalka Istarliin, waxaynaka qeyb galayaashu muujiyeen dhibaatada ay yeelan karto inuu isbitaalku xirmo.
Agaasimaha isbitaalka Istarliin Cali Cumar Tarabbi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu isbitaalka ka kooban yahay dhowr qeybood, wuxuuna xusay in sanadkii hore dhowr kun oo qof loogu sameeyay adeegyo caafimaad oo kala duwan.
Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Ciyow ayaa mahadcelin u jeediyay hay’adda MSF oo muddo toddobo sano ah gacanta ku heysay isbitaalka, isagoo sheegay in baahi caafimaad ay ka jirto gobolka Galgaduud, isla markaana ka codsaday hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, Soomaalida qurbaha joogta ee ka soo jeedda gobolka iyo ganacsatada Soomaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii uu u sii shaqeyn lahaa isbitaalka Istarliin.
 
Axmed Yuusuf Xasan Ciyow ayaa sidoo kale wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ka codsaday in ay qeybteeda ka qaadato sidii uu u sii shaqeyn lahaa isbitaalka.
Hay’adda MSF ayaa ka howlgaleysay isbitaalka Istarliin tan iyo sanadkii 2006, waxayna sheegtay sababo dhaqaale dartood in ay u joojin doonto howlihii ay ka wadday isbitaalka Balse aysan Jirin waxyaabo MSF ugaara.
Hay’adda waxay horay u joojisay howlihii Caafimaad ee ay ka wadday Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Beledweyne iyadoo laga Yaabo in ay Adeegyada Caafimaad ka joojiso Meelo kale Oo ay Ka Howl gali jirtay

Daawo Sawirada:Xaflad aad u qurxoon oo ka qeyb Galeen Madaxda Dalka Oo kadhacday Mid kamid ah Hotelada Muqdisho

$
0
0

Ayadoo maanta xaflada aad u balaaran laguna weneynaaye ictiraafkii dowlada soomaaliya oo siiye mareekanka ayna kaqeyb galeen madaxda dowlada ayaa kadhcay mid kamid ah horelada muqdisho waxaana kahadlay madaxda dalka.











 





Dhacdo La yaab iyo Amagaag leh oo lagu arkey Wadanka Sacuudiga Kuna wajahan Soomaalida

$
0
0

Haddii ay aad Maqli jirtey Dad Soomaali ah baa Madaxfurasho loogu Haystaa Liibiya, Koonfur Afrika , Yaman, Koofurta Suudaan, Kenya , Musaambiik, Tansaaniya, Angola, Zaambiya iyo Wadamo kale , waxayna dadka Soomaaliyeed Madaxfurshadaasi ku bixiyaan lacag aad u fara badan, si loo siidaayo la Haystayaasha , iyadoo taasi jirto ayaa dhacdo la yaab leh waxaa laga soo Calaamadeeyey mid ka mid ah Wadamada ugu Xasiloonida badan Dunida oo aan laga fileyn in Dhacdo Noocaas ah ka Dhacdo.
“Anigaa ku jira Goob laga Xawilo lacagaha ayaa waxa ii so galey Haweeney aan si wanaagsan isku Garaneyney ,markaan iska qaadney Salaantii ayey Xoogaa Afka Moroojisey , markaas baa ku iri “ Hooyo Sidee waxa u jiraan , Markaasey igu tiri “iska aaamus wax la yaab leh baa soo kordhey,waxay sii daba dhigtey Tanina ma ii Harsaneyd ,reer Xamarka ayaa yiraahda “Cimrigaada oo Dheeraaday Geel Dhalaa ku Tusiyaa”
Inta soo fariisiyey ayaa isi hoose u iri “Hooyo maxaa dhacay , markaas baa iri “ Ma yara waxa kaa yaabiyey ee Hooyo ii waran “ Markaas bey tiri “ Nin aan yaabin ayaa ku leh waa yaabey” waxay sii raacisey “Ma fududda waxaan maanta i keeney Xawaaladaan” Markaas baa ku iri “Sow hore uma imaan jirin “ Maya ..Maya oo Maxay yihiin waxa maanta halkaan ugu soo Muraadeey waxayna tiri.
Wiilkeygii oo Sacuudiga Jira ayaa Xaley i soo wacay markaasuu yiri “Hooyo waan Xiranahay,marka waxaa la iga rabaa Lacag MadaxFursho ah? Markii uu Wiilka hadalkaasi i yiri “ Taleefoonkii baa tuurey oo aan iiri “Hoogayeey .. Hoogayeey .. Hoogayeey , ma maantaa Sacuudigii ka bilaabantey in Soomaalida lacag Madaxfursho looga qaato walee waa yaab”
Waxaa weydiiyey Hooyo Lacagta Madaxfurashada ah waa imisa . waxay ku jawaabtey waa “Sideed Boqol oo Doolar” .waxaan sii weydiiyey oo Hadii lacagtaasi la bixiyo ma la siideynayaa Wiilka “ Waxay tiri “haa”waxay sii raacisey Isaga keligiis ma aha waa dhowr Qof oo loogu hanjabey in haddi aysan lacagtaasi bixin Tarxiilka lagu dari doono”
Hooyo Wiilka ma weydiisey Cidda ay u xiran yihiin oo Madaxfurashda ka dooneysa,waxayna ku jawaabtey “War waa Soomaali iyo Sacuudiyaan isku jira arrimaha noocaan oo kale ka bilaabey Sacuudiga “ Hooyo maxaad u oran weydey Wiilka Tarxiilka ii soo raaciya inta aad bxin lahayd lacagtaas faraha badan “waxay tiri ‘ Hadda ayuu Saucudiga galey marka Calaacalkii buu igu badiyey marka waan ku qasbanaadey in aan bixiyo lacagtaasi “
Waxaa weydiiyey armuusan Xirneyn oo uu Lacagta si kale kaaga doonayaa.waxayna ku jawaabtey “ Waa wax dhici kara ,Wiilkeyga Run baan ku aqaaney u maleyn maayo in sidaa wax ku raadinayo,marka dadka Wiilkyeyga haysta waa Soomaali iyo Sacuudiyaan iyagaa ila soo Hadley mid af Soomaali buu ku hadlayey,waa kii noo kala Dab qaadayey midna Afka Carabiga ayuu ku hadlayey, aniga kiligeyga maahina dad baa Wiilkeyga la xiran oo Madaxfurasho laga doonayaa”
Laba maalmood ka dib ayaa Hooyadii wacay waxaan ku iri “ Wiilkaadii ma laguu soo daayey “ waxay tiri “Hooya haa.. waa la ii soo daayey , waa Ilaah Mahadii haddi Wiilkeygii Xoryahay , waxaan Dowlada Sacuudiga ugu baaqayaa in arrimaha Sacuudiga ku soo kordhey ay wax ka qabtaan oo Baaraan, maadaama ay tahay dowlad aan ogoleyn dhacdooyinka noocaan oo kale ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Daawo Sawirada:Sida loo Sugo Nabad Gelyada Xiliyada Habeenkii ee Magaalada Muqdisho

$
0
0

Sawirradan waxaa ay ka tarjumayaan qaabka ay ciidamada booliska u howlgalaan xilliyada habeenkii iyo qaabka ay u sugaan amniga caasimadda Muqdisho.

Xog Culus:Shariif Xasan oo haatan Ladaala dhacaayo Qorshayaal Madaxiisa kaweyn Kuna aadan maamul Usameynta Gobolada…

$
0
0

Sida ay lee yihiin illo lagu kalsoonaan karo, guddoomiyihii hore ee golaha baarlamaanka Soomaaliya haddana ah xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan la filayaa in uu ku dhawaaqo maamul gobaleed ay ku midoobeen gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Qorshahaas ayaa hadda la sheegayaa in uu maraayo meel gabogabo ah, waxana madaxweyne ka noqon doona Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaa tan iyo markii uu ku guul dareestay in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya bishii September sannadkii hore, markaas oo doorashada ay dhacday waxaa uu billaabay in uu sameesto maamul uu isaga madax u yahay.
Shariif Xasan kama soo qeybgalin inta badan kul fadhiggii koobad ee baarlamaanka uu bishii hore ugu soo dhammaatay Muqdisho.
Wuxuu sheegay in dan iyo heelo uusan ka lahayn fadhiyada baarlamaanka isla markaana uu  ku maqan yahay barnaamijyo isaga gaar u ah sidaas waxa sheegay xubin ka tirsan baarlamaanka oo magaciisa diidday.
Shariif Xasan marka uu ku dhawaaqo maamul gobaleedka muxuu sameen doonaa?
Wuxuu sameen doonaa in uu durba la xiriiro dowladda Ethiopia oo uu ku yiraahdo ciidamada ka jooga Baay Iyo Bakool yaan la bixin isla markaana tiradooda hala soo kordhiyo si ay qayb uga qaataan ammaanka maamulka uu yeelanayo seddaxdan gobal.
Shariif Xasan waa nin saaxib dhow la leh dowladda Ethiopia, waana meesha ugu horreysa ee uu taageero ka helaayo marka uu ku dhawaaqo maamul gobaleedkaas.
Si kastaba, maamulkan ayaa loo bixin doonaa maamulka gobalada/Gobolada Koonfureed.
Sidoo kale waxa la lee yahay wuxuu wadaa Shariif Xasan qorsha ah in uu sameeyo maamul shan gobal ka kooban kuwaasoo kala ah:- Shabeelaha Hoose, Jubada Dhexe,  Gedo, Baay iyo Bakool .
Maamulkaas ayaa lagu dhawaaqi doonaa bisha February  2013-ka.
Magaalada Baydhabo waxa hadda ka socda shir looga hadlaayo sida uu noqonaayo maamulkaas, waxana halkaas hadda ku shiraya 50 oday, kuwaasoo ay ka soo jeedaan gobaladaas.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa ku celisay in maamul u sameenta magaalooyinka iyo gabalada laga xoreeyay Al-Shabaab ay masuul ka tahay dowladda gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha.


Ururka Adal ee Gobollada Awdal/Selel Iyo Gabilley oo deeq raashin ah maanta gaarsiiyay dhakhtarka dhimirka Boorama (SAWIRRO

$
0
0

 

 
 
 
 
 
Ururka Adal Unity & Development ee Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ayaa maanta deeq raashina soo gaadhsiiyay Dhakhtarka dhimirka Boorama, deeqdaas oo ahayd lacag dhan $550 oo Dollarka maraykanka ah, taasoo  loogu badaly raashin dhan 34 Kiish oo Bariis ah oo ay kiishkiiba ku jiraan 25Kg. Deeqdan Raashinka ah ayaa waxaa ay ururkani soo wakiisheen kana mid ah ururkan guddoomiye C/qaadir Aadam Nuur oo ah xidhiidhiyaha Qurbo-joogta iyo guda-jooga Gobollada Awdal/selel
 
Waxaa qaybinta deeqdan ku wehelinayay sarkaal sare oo isna ka tirsan ururwaynaha Samafalka TAWFIIQ Suldaan Mahdi Aadam Riiraash(Guray. Munaasabaddii deeqdaan lagu qeybinayay ayaa waxaa ka hadlay Xaaji C/qaadir Aadam Nuur Iyo Dr. C/raxmaan Gurguurte, waxayna sheegeen in deeqdani ay soo gaadhay dhakhtarkan waqti bukaanada Jiifo ay aad ugu baahan yihiin waxa ayna mahadnaq aan la soo koobi karin u direen ururkan Adal Unity And Development sida wanaagsan ee ay u soo xasuusteen walaalahooda u baahan taakulada.
 

Dhanka kale Dr C/raxmaan Gurguurte ayaa farriin u diray cid walba oo ka damqanaysa dadkan bukaanka ah ee ku jira dhakhtarkan dhimirka ama dawada Banaanka ka qaata oo uu sheegay in ay gaadhayaan 200, qof kuwaasoo ay dawooyinkii bilaashka ahaa ee ay siin jireen dhammaadeen ama gabaabsi yihiin loona baahanyahay in laga wada qaybqaato sidii dadkaas bukaanka ah loogu heli lahaa dawo jooga ah oo bilaasha. Halkan Hoose Ka Daawo Hadaladii munaasabadaas raashinka lagu gudoonsiinayay oo ka dhacday dhakhtarka Dhimirka Boorama.
Source-Hol
 

Waxaanu Taageero Siyaasadeed Waydiisanay Dalal Ay Ka Mid Yihiin Britain Iyo Kenya, Shirka Bari Aanu Ku Balansanahay Dawladda Maraykanka Waxaanu Ku Dalban Doonaa In USA Ay Cadayso Mawqifkeeda Siyaasiga Ah Ee Ku Aadan S/Land”Wasiirka Khaarajiga S/Land

$
0
0


 
 
 
 
 
Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa mar uu xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Xafiiska Shabakadda  Caalamiga ah ee Halbeegnewsee Magaaladda Hargeysa, isaga oo ku sugan xarunta dalka Ethiopia ee Adis-ababa sheegay inay wufuud ka socotay dalalka Britain, Kenya iyo Masar oo halkaas u jooga ka qaybgalka shirka Midawga Afrika ee ka socda Adis-ababa inay Somaliland siiyaan taageero siyaasadeed iyo mid amniba.
Wasiirka Khaarajiga Maxamed C/laahi waxa kale oo uu sheegay in wufuud sare oo dawladda Maraykanka ka socda ay maanta ku balansan yihiin shirgaar ah, kaas oo uu xusay inay xukuumadda Maraykanka ay kaga dalban doonaan inay cadayso mawqifkeeda siyaasadeed ee ku aadan Jamhuuriyada Somaliland. Ugu horayna Wasiirka oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee uu dalka Ethiopia ka bilaabeen isaga iyo Safiirka Somaliland ee Magaalada Adis-ababa Aadan Nuux Dhuule, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Wasiirku “Mudadii aanu soo gaadhnay dalkan Ethiopia waxa aanu kulamo la yeelanay aniga iyo Safiirka Somaliland ee Magaalada Adis-ababa qaar ka mid ah wufuudii ka timid dalal dunida ee ka qaybgalayey shirka AU-da ee halkan ka socda, madaxda aanu la kulanay waxa ka mid ah Wasiirka Khaarajiga dalka Kenya, waftigii ka socday dalka Masar iyo xubnihii ka socday dawladda Ingiriiska, waxaananu ka wada hadalnay qadiyada siyaasiga ah ee Somaliland iyo xaaladaha siyaasiga ah ee ka jira dalalka ku hareeraysan Somaliland. Waxaanu ka codsanay wadamadaas inay taageero siyaasadeed na siiyaan iyo waliba inay waliba dhinaca nabadgalyada iyo horumarinta ka caawiyaan Somaliland”.
Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi mar uu ka hadlayey kulan ay Maanta u balansan yihiin wufuud ka socda dawladda Maraykanka, waxa uu yidhi “Waxa aanu maanta dalbanay inaanu kulan la yeelano waftiga ka socda dawladda Maraykanka ee shirkan Midawga Afrika ka qaybgalaya, waxaana naloo sameeyey balan inaanu bari shir jilbaha isku darno wufuudaas ka socda dalka Maraykanka. Waxaananu shirkaas ku waydiin doonaa dawladda Maraykanku inay cadayso mawqifkeeda siyaasiga ah ee ku aadan Jahmhuuriyada Somaliland, marka dhinacyo badan laga eego iyo xidhiidhadii hore uga dhaxeeyey labada dhinac halka ay ka taagan yihiin iyo waliba mawqifka xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka halka ay ka taagan yihiin, waxaanan rajaynayaa inaanu bari Isfahan ka gaadhi doono arimahaas, isla markaana ay dawladda Maraykanku cadayn doonto heerka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka ay la leedahay Somaliland”.
Source-Halbeegnews

Halkan Ka Dhagayso Waraysi Xiisa Badan Oo Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar Lalayeeshay Kana Hadlayo Arimo Badan Oo Ay Ku Jirto Somaliland Iyo Soomaaliya

Shirkii Midawga Afrika Uga Socday Addis-ababa oo mar dhaw soo geba gaboobay iyo nuxurka Qodobada laga soo saaray .

$
0
0

shirkii midawga afrika uga socday magaaladda Addis-ababa ee xarunta waddanka Itoobiya, ayaa goordhaweyd si rasmi ah u soo gaba gaboobay, shirkan oo ahaa mid aan caadi ahayn oo shalay ka furmay xarunta ururka midawga Afrika ay ku leeyihiin magaalada Addis-ababa oo ahaa mid lagaga hadlayey arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda somalia.
shirkan midawga afrika ee la soo geba gebeeyey maanta gelinkii dambe, ayaa waxa Kulanka oo ay ka qayb galay guddiyo laga kala xulay ururka midnimada Afrika, urur-goboleedka IGAD iyo beesha caalamka, ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayey xaaladda Soomaaliya iyo aqoonsiga maraykanku siiyey Somaliland, ayaa dood-dheer oo lagaga hadlay intii uu shirakaasi socday ka dib hoosta laga xariiqay in shirkan kiisa labaad lagu qaban doono waddanka ingiriiska bisha May ee soo socota .
markii uu kulankaasi soo dhamaaday, ayaa waxa warbaahinta la hadashay foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah Ku-xigeenka R/wasaaraha Somalia ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dawladda federaalka oo ka qayb gashay gahay shirkaasi, waxaanay sheegtay in shir saxaafadeed lagu soo bandhigay waxyaabihii la iskula meeleeyey shirka Addis-ababa, iyada oo xustay inay waddamada gobolku aqbaleen qorshihii dawlad ahaan ay shirkaasi hordhigeen, kaas oo baalmarsanaa hannaan horay loo qoondeeyey, loona ballansanaa shirkaan in lagu falanqeeyo, isla markaana la sameeyey intii KMG-ka lagu jiray oo hafdda lagha guuray.
wasiirka arimaha dibedda Somalia Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxay sheegtay in ay shirka u soo gudbiyeen qorshaha dawladda federaalku ku wajahayso xaaladda waddanka iyo waddamada gobolku waxayaabaha ay uga baahan yihiin, isla markaana ay mudnaanta koowaad siiyeen amniga, dhisidda ciidamada qaranka, iyada oo sheegtay inay dalbadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya in aanay dalka ka bixin illaa ciidamada Soomaalidu ku filnaanayaan ammaanka waddanka, qodobadaasi oo la ogalaaday sida ay warsaxaafadeedka ku sheegtay Fawsiyo Xaaji Aadan.
Hargeysa Somaliland

DAG DAG -Kooxo Hubaysan Oo Nabadoon Siweyn Looga Yaqaan Jubbada Dhexe Dilay

$
0
0


Koox hubeysan oo gaaraya 3dhalinyaro ah ayaa galabta oday dhaqamayd waxay ku dileen deegaanka Hargaanti oo 40 km u jira magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada ujira
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Daahir Caydiid. Raggii dilay waxaa lagu soo warramayaa inay baxsadeen goobta hasa yeeshee waxaa goobta isla markiiba gaaray Ciidamo katirsan Kooxda Alshabaab .
Lama oga sababta loo dilay nabaddoonka iyo cidda dishay, hase yeeshee qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegaya in loo aanaynayo dilka nabadoonka kooxda alshabaab kadib markii uu dhawaan sida lasheegay nabadoonku uu alshabaab kadiiday xoolo sako ahaa oo ay kazoo dalbadeen
Deegaanka Hargaanti wuxuu ka mid yahay deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab ee ku yaalla gobolka Jubbada dhexe halka deegaanadakale ay faarujiyeen shabab.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live