Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Taliska Ciidamada Kenya oo sheegay in Uganda aysan kala hadli doonin Maxaabiista Al Shabaab

0
0

Nairobi  (Sh.M. Network) —Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhigeeda Uganda aaney kala hadli doonin sii deynta Rag Ka tirsan Ururka Al Shabaab oo gacanta ugu Jira dowladdaasi Uganda.
Afhayeenka Ciidamada Kenya ee Ku sugan Soomaaliya Cyrus Aguna oo La hadlay Warbaahinta gaar ahaan Wakaaladda Wararka ee Xinwa ayaa waxa uu sheegay in dowladda Kenya Marnaba aysan isku dayi doonin in Uganda ay kala hadasho siideynta Kooxa Ka tirsan Al Shabaab oo Uganda Gacanta ugu Jira.
Aguna ayaa Tibaaxay in dowladdiisa ay isku dayeyso in ay soo furtaan Muwaadiniinta dalkaasi Ka soo Jeeda ee Gacanta ugu Jira Ururka Al Shabaab isagoo intaasi  ku daray in Al Shabaab ay u soo gubiyeen Codsi ku aadan sii deynta Maxaabiis uga kala Xiran dalalka Kenya iyo Uganda.
Afhayeenka ayaa isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay u fidiyaan dowladda Soomaaliya ee ladagaalanka Ururka Al Shabaab oo uu tilmaamay in ay qatar ku yihiin ammaanka dalkaasi Kenya.
Afhayeenka Ciidamada Kenya ayaa ugu dambeyn beeniyay warar ay sheegeen Al Shabaab oo ku aadan in Kenya ay ka codsatay sii deynta lahastayaasheeda gacanta uga Jira Ururkaasi


Sawirro: Koonfur Afrika

0
0

Sawirro ku saabsan cayaaraha koonfur Afrika iyo Soomaalida deggan dalka Koonfur Afrika.

Al-Shabaab oo laga xiray booga twitter-ka

0
0

Kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa boggii ay ku lahaayeen twitter-ka maanta la xiray. Xarakada Al-Shabaab oo sameeysay boggaas sanadkii 2011 ayaa waxaa ku xirnaa tobanaan kun oo qof oo la socon jiray wararka ay soo geliyaan.

Kenya Oo Qaramada Midoobay Ka Dalbatay In La Siiyo Kharashkii Kaga Baxay Howgaladii Somalia

0
0

Dawladda Kenya ayaa qaramada midoobay ka codsatay in la siiyo kharashkii kaga baxay hawl galkii ay ciidamada Mellateriga ee Kenya ka sameeyeen dalka Somalia, sida  uu sheegay Danjiraha Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Macharia Kamau, kaas oo uu dalka Kenya sheegay inuu kaga baxay dhaqaale dhanilaa 98-milayan oo Dollar.
Dawladda Kenya oo kulan ka yeelatay arintaasi, ayaa sheegtay inay magdhow ahaan u heshay lacag gaadhaysa 28-milyan oo doollar, taas oo ay qaramada midoobay hore ugu ballan qaadeen inay siinayaan kharash dhan 131 Millyan oo Dollar, taas oo ay Qaramada Midoobay bishii July ee sannadkii la soo dhaafay u ballanqaaday  Kenya inay  siinayso, balse ay heleen 941,000 oo dollar oo aanay wada helin lacagtaasi.
Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Kenya Macharia Kamau oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dhaqaalahan wuxuu ahaa mid loogu talogalay in ciidamada Kenya lagu diyaariyo looguna iibiyo qalab ay ciidamadu ku howlgalaan,”
Hargeysa Somaliland

Bartii al-Shabab ee Bogga Twitter oo la Xiray

0
0

Bartii al-Shabab ay ku lahayd bogga Twitter ayaa la xiray oo hawada ka baxay. bartan oo ahayd @HSMPress ayaa ururku uu ku soo bandhigay maydka askari Faransiis ah iyo maxaabiis Kenya u dhashay.

Magaalada Muqdisho inta ay sidani tahay nabad ma ahee, dowladdu nabad haka dhigto.…!!(Warbixin Xasaasi ah)

0
0

Saxafigu waa run sheegaha mar waliba ka hadla xaqiiqada dhabta ah ee jirta, inkastoo ay jiraan dad diidan in runta la sheego oo jecel in wax la maldaho haddana runta waa lagama maarmaan, run sheegidduna waa arrin ay diinteena muqadaska ahi ina fareyso.
Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, in ay nabad noqoto waanu wada jecelnahay, waana rajo aanu wada sugeyno, laakiin marka xaqiiqda dhabta ah laga hadlo Muqdisho nabad lagu kalsoonaan karo kama jirto haatan.
Waxaa wax muuqda ah in Muqdisho ay sidii hore soo dhaamayso waana mid aan la dafiri karin in ay sii yaraanayaan rasaastii Muqdisho caanka ku ahayd ee mar waliba la maqli jiray, macnaha way yaraatayna waxay ka dhigan tahay weli kama dhammaan oo marmar qaraxyo iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlaa, waxaase dhawaaqii faraha badnaa ee rasaasta haatan beddelay oo la maqlaa dhawaqa burus iyo musmaar isku dhacaya, waana dadkii guryahoodu ku burbureen colaadihii Muqdisho oo dib guryahooda u dayactiranaya, taasna macnaheedu ma aha Muqdisho ayaa nabad noqotay amaba ah. Kaliya waxaa la oran karaa Muqdisho waddadii nabadda ayay higsanaysaa oo ay ku taagan tahay.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya Muqdisho si buuxda ugama wada taliso awooddeedana kuma aysan baahinin, waa ay jirtaa in awooddii kooxda Al-shabaab ee Muqdisho la maquuniyay balse weli Al-shabaab Muqdisho way joogtaa hubkii waaweynaa ayay dhigeen mooyaane Muqdisho kama aysan bixin.
Waxaa tusaale cad inoogu filan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Muqdisho waxa uu xarunta madaxtooyada u jiraa dhowr kiilo-mitir, haddana xildhibaan ama shaqaale dowladeed tagi karaa ciidan la’aan ma jiro oo way ka baqanayaan, iskaba daa madaxda kale ee dowladdee, taasna macnaheedu waa Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
Ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-shabaab xilliyada habeenkii waxa ay isku dhex burbursadaan xaafadaha Suuqa Xoolaha, Towfiiq, Gubta iyo xaafado kale oo Muqdisho ka mid ah, waxaana askarta dowladda la isugu soo ururiyaa waddooyinka laamiga, ma dhaafi karaan agagaarka xeryahooda, fasiraadda taasina waa Muqdisho weli nabad kama jirto.
Meelaha la xusi karo ee Muqdisho nabad ka ah, dadkuna habeenkii ku fiidsadaan waa inta ka soo bilaabata xeebta liido ilaa agagaarka Isgoyska Zope ee xaafadda Buula-xuubey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, intaasna waa halbowlaha ay ciidamada dowladdu ku xooggan yihiin, waxaana isku xira waddada muhimka ah ee Maka Al-mukarama ee loo maro xarunta madaxtooyada ee dowladda laga maamulo, inta kale ee Muqdishana nabad lagu taami karo kama jirto oo casirkii guryaha ayaa lagu xaroodaa, masaajidyaduna way maran yihiin kalsooni nabadeed oo lagu aadi karaa Muqdisho kama jirto.
Nabaddu ma aha in sarkaal dowladeed ay la socdaan ciidamo hub culus wata iyo askarta AMISOM ay socod gaadiid ku marmarid ah ku tagaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo weliba aan ku sii nagaan karin waayo waxay halis u yihiin Bam lagu tuuro ama rasaas arbushaad loogu samaynayo lagu weeraro, ciidamaduna ay markaasi ridaan rasaas xooggan oo waxyeeleysa dad shacab ah oo aan waxba galabsan ee muhimaddu waa in shaqsiga dowladda u shaqeeya ha ahaado shaqaale caadi ah, xildhibaan amaba mas’uul kalee uu dhex mushaaxi karo xaafadaha Muqdisho oo dhan isagoon cidna ka baqanaynin.
Sidoo kale nabaddu ma aha dhismo dabaq ah oo laga taago waddada Makka Al-mukarama ama guryo cusub oo la dhistaa amaba xeebta Liido oo lagu tamashleeyo ee waa in Muqdishoo dhan si kalsooni leh loogu wada dakeeyo min shacab ilaa mas’uul dowladeed.
Sida lawada ogsoon yahay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar wasiirrada xukuumadda ka mid ah Gaadiidka qafilan ee ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu sugaa amnigooda oo xitaa ma aamini karaan askarta dowladda, taasina macnaheedu waxa weeye Muqdisho weli nabad ma aha.
Inta xildhibaan ama shaqaale dowladeed amaba oday dhaqameed dowladda ku lug leh uusan xaafadaha Muqdisho si xor ah u wada marmari karin uguna dhex mushaaxi karin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
Inta madaxda dowladdu ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika oo Gaadiidka qufulan ku dhex jiraan, xildhibaanka, saxafiga, odayaasha dhaqanka ee Baarlamaanka soo dhisay iyo shaqsiyaadka kale ee muhimka ahna ay dareen ku joog Muqdisho ku yihiin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
· Inta askari ka tirsan dowladda ay shacabku ka baqanayaan ogow Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
· Inta saxafi Muqdisho lagu dhex dilayo, shaqsigii dilayna aan la soo qabanayn ogow Muqdisho nabadi kama jirto.
· Inta ay kufsi samaynayaan askarta dowladdu, wariyihii warkaasi baahiyana la xirayo ogow weli Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
· Inahaas iyo ina kaloo badanba inta ay Muqdisho ka jiraan ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
Si kastaaba dowladdu waa inay xoogga saartaa amniga Muqdisho oo ay nabad buuxda ka dhigtaa caasimadda, isla markaana ay wax ka qabataa dhammaan arrimaha ka jira ee nabadda Muqdisho caqabadda ku ah, waayo Muqdisho waa muraayaddii laga daawanayay Soomaaliya oo dhan, waxayna u baahan tahay nabad buuxda oo dhammeystiran, dowladda haatan talada dalka heysa ayaana looga baahan yahay inay wax ka qabato amniga Muqdisho oo ay nabadeyso, shacabkana waxaa laga doonayaa inay dowladda ku garab siiyaan nabad ku soo dabaalidda Muqdisho oo gacmo wadajir ayay wax ku gooyaane ay dowladda ula shaqeeyaan si hagar la’aan ah.
W/Qoray: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Galmudug Oo Suxufiyiinta Galmudug Hadiyad Gudoonsiiyay

0
0


Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada Iyo Sportska Galmudug Mudane Saadaq Daahir Mire ayaa Maanta Magaalada Galkacyo Hadiyado Kala Duwan Ku gudoonsiiyay Suxufiyiinta Galmudug ee Galkacyo Ku Sugan.
Saadaq Daahir Wasirka Dhalinyarada Sportska Galmudug Oo Dhawaan Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safaro uu Ku gaaray Yurub Iyo Amerika ayaa Suxufiinta U qaybiyay Hadiyado Isugu Jira Qalabka Ay Wariyayaashu  isticmaalan  iyo Funaanado ay Ku Xardhantahay Magaca Galmudug Oo uu Wasiirku Wariyayaasha Uga Soo Sameeyay Magaalada Lodon ee Cariga Ingiriiska Wuxuuna Wasiirku Kadib kolkii uu Hadiyadahan Wariyaasha u Qaybshay kula dar daarmay In ay Si Wanaagsan Oo Cadaalada Dadka Iyo Dalku ku jirto U  Shaqeeyan.
Suxufiyiintii Uu Wasiirku Gudoonsiiyay Hadiyadaha ayaa Uga Mahad  Celiyay Mudane Saadaqa Daahir Mire Sida Wanaagsan ee Uu u Garab taaganyahay Bahda Suxufiyiinta Galmudug iyagoo Wasiirka Ku amaanay in uu ka qayb qaadano Dhiira galinta iyo horumarinta Saxaafada Gobalk.
Hadiyadahan uu Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Galmudug Maanta Gudoonsiiyay Suxufiyiinta Galmudug ayaa Noqona Kuwa wax ku ool ah Marka loo eego Qaabka Wasiirku uu Saxaafada ugu Dadaalayo iyadoo Suxufiyiinta Galmudug aysan Jirin Wax Mushaara oo ay Ka Qaatan Maamulka Galmudug Iyo Wasaarada Warfaafinta,Isla markaana Saadaq daahir Mire uu Noqonayo Masuulikii ugu Horeeyay ee Suxufiyiinta Galmudug Godoonsiya Hadiyad Dhiira galin ah inkastoo ay Jiraan Qaar Ka mida Masuuliyinta Maamulka Galmudug oo Mararka Qaar Suxufiyiinta Siiya Xogaa Agab ah Balse Tani ay Tahay Mid Ka duwan.

Madaxweyne Hassan Sheekh oo ka dagay Magaalada Addis Ababa.

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa caawa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa ka qaybgalaya shirka 20-aad ee madaxda midowga Africa oo berri ka furmaya xarunta Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu ka hadlo kulankaas, isagoo soo bandhigi doona wax yaabaha u qabsoomay dowladiisa muddadii ay jirtay.
Madaxweynaha waxa kaloo uu la kulmi doonaa madaxda waddamada ciidamada u soo diray Soomaaliya, sida Kenya, Uganda iyo Djibouti.
Madaxweynaha waxa kaloo uu aadi doonaa shir ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu ka dhacayo shir ay lee yihiin waddamada midowga Yurub.
Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdiga la socda waxa ay ka qaybgali doonaan shirka waddamada iskaashiga Islaamka OIC.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahan ka bixi la’ safaro xagga dibedda ah kuwaasoo aqoonsi iyo taageero loogu raadinaayo dowladda Soomaaliya.


Self-Image Psychology - Sh. Yassir Fazaga

0
0


Self-Image Psychology - Sh. Yassir Fazaga

ShanHore Islamic Channel Presents: Self-Image Psychology - Sh. Yassir Fazaga Insha Allah, I hope all of you will benefit from this lecture, Please make dua for the Sheikh. Please also include me and the Muslim ummah in your dua's. Barakallahu Feek May Allah unite the Muslim Ummah. Ameen Kala soco ShanHore Islamic Channel: Diinta Muxadarad - cusub Tafsiir - Quraan - Tariikhda Saxaabada - Anashiid - macarikad jihadi ah ama dacwatul Islam Muxaadaro Sheekh Dhikrullah Zikrullah Quran Koran Prophet Sheikh Imam Ramadan somali arab arabic muslim Lecture Dawah Tawfiq Barakada Culimada Insha Allah.
From:
IslamicShanHore
Views:
0

0
ratings
Time:
01:21:57
More in
Education

muxaadaro: 
See video

Dowlada oo lumineeyso mid ka mid ah Astaamaheeda Qaranka?

0
0

Dadka Soomaaliyeed waxay yiraahdan “ Dhar Aaddan lahayn Dhaxan Kaama Celiyo” , waxaana Murtidaan u soo qaatey markii ay ii soo baxdey arrimo aan is dhihi karo Khatarteeda ayey leedahay oo Halis gelin kara Jiritaankeennii , iyadoo taasi ay jirto ayaa Dal marka uu ka mid noqonayo Qaramada Midoobey waxaa uu Diwaangeliyaa Dhowr Arimood mid waa Astaanta Calanka oo uu Dalkaasi leeyahay gaar ahaan Midabkiisa si uusan u qaadan Dal kale oo Xoriyad qaadanayo, sidoo kale waxay Diwaangelisaa, Tirada Dadka ku nool Wadankaasi (Population).
Waxaa kale oo Qaramada Midoobeey ay Diwaangelisaa Xuduudaha uu Wadankaasi la leeyahay Wadamada Deriska la ah ha noqoto dhinaca Dhulka iyo Badda, waxaa kale oo iyana ay Qaramada Midoobey ay Diwaangelisaa Nooca lacagta uu isticmaalyo Wadankaasi, waxayna Dhamaan Astaamahaasi ay noqonayaan kuwa lagu garto Qaran qaatey Xornimo.
Hadaba aan soo qaadano Astaana Lacagta oo ah Middda ugu muhiimsan ee uu Qaran leeyahay waxaan Soomaaliya Qaramada Midoobey uga Diwaangashan lacag lagu Magacaabo SHILIN oo weliba lagu Xardhaa hadba waxaa uu dalka Taariikh u leeyahay, hadaba lacagtaasi waxaa lagu jaan gooyaa wax kasta oo uu Wadankaasi leeyahay gaar ahaan marka ay timaado wax kala iibsiga iyadoo Lacagta Shilin Soomaaliga uu soo marey heerar kala duwan.
Markii aan qaadaney Xoriyada waxaa Qarankii markaasi jirey ay isku qabsadeen magaca ay qaadanayso lacagtaasi, hase yeeshee, waxaa markii dambe la go’aamiyey in aan qaadano magaca lacagta SHILIN-ka,waxaana Xiligi Xoriyadda la daabaxay Lacag shilin Soomaali ah oo dadka qaar ay noo sheegeen waxaa ugu weynaa Labaatan Shilin , kadib ayaa waxaa la soo daabacay Boqol Shilin .hase yeeshee dadka waxay si aad ah wax ugu iibsan jireen , Taanno, Kumi , Nushilin, Shilin,Shan shilin, Toban Shilin ilaa…
Markii ay Dhalatey Dowladii Miltariga waxay damacdey in ay wax ka badesho Qaabka lacagta Tiradadooda iyo Naqshadeeda , waxaana Dowladu ay dhowr jeer soo Dabaacdey noocyo lacago kala duwan , waxaana ugu dambeeyey lacagtii Kun Shilin iyo Shan Boqol , balse waxba kama badelin Nooca lacagta ee Shilinka , Dagaaladii Sokeeyey ayaa waxaa Dalka la soo geliyey lacag N20, N50,N100 balse waa uu sii jirey Magacii Shilinka .
Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa isaga soo daabacdey lacag gaar ah hase yee Shiilin-ka ma lumin, waxaana markaad tagtid Hargeysa maqleysaa lacagtooda oo la raacinayo Magaca SOMAALILAND SHILIN , xitaa Miisaaniyadooda kuma Sargoooyaan Doolar ee waxay ku Gooyaan lacagta Shilinka , waxaan dadka qaar ay ii sheegeen in Maamulkaasi uu damcay in uu Magaca Shilin bedelo balse loo diidey oo loo sheegey in Magaca Shilin uu Soomaaliya oo dhan uu ka dhaxeeyey waana midaas in ay gadaal ka raaciyaan SOMALILAND SHILIN .
Dhinaca koofurta , Markii ay sii dhaceysey Dowladii Milatariga ay soo daabacdey Lacagta Shanta Boqol iyo Kunka Shilin , balse Dagaaladii Sokeeye waxay lacagtii noqotey ama ku soo ururtey Kun Shillin , waxayna arrintii noqotey “ Lacag Kunaa u weyn Kunaa u yar” ,hase yeeshee waxaa moodaa in Waqtiyadaan dambe in uu meesha uu ka sii baxayo Kunkii Shllin oo isugu u taagnaa Astaanta Qaranka, waxaana wax weliba lagu Sargooyey DOOLAR oo ah lacag uu leeyahay Wadan kale oo uga Diwaangashan Qaramada Midbbey , wuxuuna Doolarkii uu noqdey mid wax lagu kala iisado .
In aan qormadan Qoro waxaa iigu dhaliyey markii aan maqley Miisaaniyadii Dowlada Federaalka ee Sannadka 2013 waxaa lagu Sargooyey Doolar iyadoo Baarlamaankii Ansaxiyey laga waayey Qof keliya oo yiraahda “Ma Ansaxineyno Miisaaniyada lagu Sargooyey Lacagta Doolar ,ee lacagteenna ha lagu Sargooyo haba badnaatee si ay u sii jirto Astaanteennii Qaranka , maadaama aan leenahay lacag noo gaar ah iyadoo
Mas’uulkii Wasaarada Maaliyada ay afkiisa ka dhaamaan weydey “Qolo heblo Miisaaniyadeedi waa intaas Milyan oo Doolar,“ waxay ahayd in ay yiraahdaan “War ma adigaa Doolarka iska leh marka aad wax weliba ku Sargoonysid aawey lacagteennii waxaa ka sii yaab badan markii aan Boor ku yaala Wadooyinka Muqdisho aan ku arkey “Cashuurta Bixi”, waxaana Boorka ku sawiran Doolar sidoo kale Darbiyada Dukaaamada Waxaa ku sawiran Doolar waxayna Soomaalida mararka qaar Doolarka yiraahdaan “Abuu Bidaarle” mar haddii lagu Salaaxo Madaxa waa Fahmeysaa “Waa Doolar Ma haysaa”waa Astaan ay isku yaqaanaan dadka ay marka ay Qarinayaan Doolarka.
Mar aan tagay Wadanka Marooko Hotelkii aan degeneyn ayaa waxaa noloo sheegey in Ciddii wadata Doolar aysan kala bixi Karin Hotelka , marka waxaan ku qasbanaaney in uu hotelka noo Sarifo si oo aan Magaalada uga soo Dukaameysano lacagta wadankaasi ,sidoo kale Wadanka Suudaan oo aan tagey Xitaa waxaan weyney Cid noo Sarifta anagoo ka baanhan Doolarkii aan haysaney ayaa dib ugala soo laabaney Magaalada Muqdisho ,waa yaab anagana wax weliba ayaa lagu kala iibsadaa , waxaana in Doolar uu magac yeesho u sabab ah Shirkada Lacagaha ku Xawili Mobile-ka (Mobile Money Transfer ) oo Xitaa waxa uu gaarey in Koob Shaah lagu kala iibsado Doolar,waxayna Islaanta Shaaha iibisa aad Mobile -ka ugu Tuureysaa 10 Cent oo Doolar ah oo u dhiganta Saddex Kun Shillin Soomaali , marka waxay ahayd in Shirkadaha in ay Isticmaalaan Lacagta Shilin Somaaliga ah si ay u taagnaato Astaantii Qaranka Soomaaliyeed.

Guntii iyo Gabagabdii haddii Dowladii Miisaaniyadeedii uu noqdey Doolar, Xildhibaanadii Mushaarkoodii uu noqdey Doolar , Ciidamadii Mushaarkoodii uu noqdey Doolar , Canshuurtii Dekeda iyo Garoonka uu noqdey Doolar , Ganacsatadii iyana ay doonayaan Doolar, Baasaboorkii uu noqdey Doolar ,oo Shirkadihii Mobilada iyana wax aan hayn Doolar wax ku dooneyn halkee loo socdaa.
Waxaa iigu yaab badneyd markii aan damcay in aan 50 Doolar wax ku iibsado ayaa ninkii aan wax ka iibsanayey igu soo celiyey oo i yiri “Saaxiib lacagtaan meel yar bay Garaafo ku leedahay” “ ee mid kale ma haysaa,markaas baan iri “Adiga miyaa leh Doolarka aad igu soo celineysid “Arrin aan ugu Garaabey ayuu ii sheegey ah “ Saaxiib Cid iga qaadanmayso” waa hoos iska iri “Lacagtaan sidaan loogu Waashey sow Dal kale ma laha oo Hadhow uu oran karo “ Lacagaheygii Doolarka waan bedeley ama Cid isticmaali karta ma jirto .
Marka Dowlada Federaalka ayaa laga doonayaa in ay Dhiirigeliso Shillinka maadaama uu u yahay Astaanteedii Qaranka, waxaana u Mahadcelinayaa Maamulka Soomaaliland sida uu ugu weli ugu dhegan yahay SHILLN-ka ,sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa iyana waxaa laga doonayaa in Dhulka ka qaadan Shillinka Soomaaliga oo ay joojiyaan Xayeysiinta ay u sameynayaan DOOLARKA.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Muxubo Cabdi: “Si aan gambasho laheyn ayaa naloo faraxumeeyaa Anaga..”

0
0

Muxubo Cabdi Cali oo kamid ah maxaabiis Soomaaliyeed oo iyaga oo tahriibaya ay ciidamada dalka Liibiya ku xireen duleedka magaalada Taripoli ee xarunta dalkaasi ayaa waxa ay kawar bixisay dhibaatooyin aad u badan oo lagu hayo.
Gabadhaasi ayaa waxa ay hoosta ka xariiqday in maxaabiistaasi oo 18 kamid ah ay haween yihiin halka 110 kalana ay rag yihiin, kuwaas dhibaatooyinka lagu hayo ay ugu daranyihiin kufsi ciidamada Liibiyaanku kula kacaan haweenka intey iska soo galaan xabsiga ay kujiraan.
Waxa ay intaa sii raaisay in ragana lagu shaqeesto oo guryaha lagu dhisto beeraha lagu falo kadibna iyaga oo duruufeysan lagu soo celiyo xabsiga.
Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa waxa ay kawar bixisay waqtiga ay xabsigaasi galeen iyo halka laga qabtay, iyada oo hoosta ka xariiqday in bishii sagaalaad ee sanadkii hore iyaga oo laga qabtay saxaraha xilli ay dalkaasi Liibiya gelayeen.
Maryan ayaa waxa ay kacodsatay safaarada Soomaaliya ee liibiya si arintooda wax looga qabto oo xuriyadooda dib loogu soo celiyo.
Soomaali badan ayaa waxa ay ka buuxaan xabsiya badan oo ku yaalla dalalka aduunyada kuwaas oo tacadiyo kala duwan loogu geesto, inta badanna Soomaalidaasi waxaa laqabtay iyaga oo tahriibaya oo baadi goob ugu jira in ay helaan nolol uga wanaagsan tii Soomaaliya ay ku heesteen.

Faransiiska oo qabsaday Gao

0
0

Ciidamada Faransiiska ayaa sheegay inay ka qabsadeen islaamiyiinta magaalada Gao oo ah magaalada ugu dadka badan waqooyiga Mali.

Daawo:Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo U Riyaaqay Sariiro Casri Ah Oo Ay Sameeyeen Maxaabiista Jeelka Borama

Muqdisho inta ay sidani tahay nabad ma ahee, Dowladu ha Ogaato?

0
0

Saxafigu waa run sheegaha mar waliba ka hadla xaqiiqada dhabta ah ee jirta, inkastoo ay jiraan dad diidan in runta la sheego oo jecel in wax la maldaho haddana runta waa lagama maarmaan, run sheegidduna waa arrin ay diinteena muqadaska ahi ina fareyso.
Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, in ay nabad noqoto waanu wada jecelnahay, waana rajo aanu wada sugeyno, laakiin marka xaqiiqda dhabta ah laga hadlo Muqdisho nabad lagu kalsoonaan karo kama jirto haatan.
Waxaa wax muuqda ah in Muqdisho ay sidii hore soo dhaamayso waana mid aan la dafiri karin in ay sii yaraanayaan rasaastii Muqdisho caanka ku ahayd ee mar waliba la maqli jiray, macnaha way yaraatayna waxay ka dhigan tahay weli kama dhammaan oo marmar qaraxyo iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlaa, waxaase dhawaaqii faraha badnaa ee rasaasta haatan beddelay oo la maqlaa dhawaqa burus iyo musmaar isku dhacaya, waana dadkii guryahoodu ku burbureen colaadihii Muqdisho oo dib guryahooda u dayactiranaya, taasna macnaheedu ma aha Muqdisho ayaa nabad noqotay amaba ah.  Kaliya waxaa la oran karaa Muqdisho waddadii nabadda ayay higsanaysaa oo ay ku taagan tahay.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya Muqdisho si buuxda ugama wada taliso awooddeedana kuma aysan baahinin, waa ay jirtaa in awooddii kooxda Al-shabaab ee Muqdisho la maquuniyay balse weli Al-shabaab Muqdisho way joogtaa hubkii waaweynaa ayay dhigeen mooyaane Muqdisho kama  aysan bixin.
Waxaa tusaale cad inoogu filan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Muqdisho waxa uu xarunta madaxtooyada u jiraa dhowr kiilo-mitir, haddana xildhibaan ama shaqaale dowladeed tagi karaa ciidan la’aan ma jiro oo way ka baqanayaan, iskaba daa madaxda kale ee dowladdee, taasna macnaheedu waa Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
Ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-shabaab xilliyada habeenkii waxa ay isku dhex burbursadaan xaafadaha Suuqa Xoolaha, Towfiiq, Gubta iyo xaafado kale oo Muqdisho ka mid ah, waxaana askarta dowladda la isugu soo ururiyaa waddooyinka laamiga, ma dhaafi karaan agagaarka xeryahooda, fasiraadda taasina waa Muqdisho weli nabad kama jirto.
Meelaha la xusi karo ee Muqdisho nabad ka ah, dadkuna habeenkii ku fiidsadaan waa inta ka soo bilaabata xeebta liido ilaa agagaarka Isgoyska Zope ee xaafadda Buula-xuubey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, intaasna waa halbowlaha ay ciidamada dowladdu ku xooggan yihiin, waxaana isku xira waddada muhimka ah ee Maka Al-mukarama ee loo maro xarunta madaxtooyada ee dowladda laga maamulo, inta kale ee Muqdishana nabad lagu taami karo kama jirto oo casirkii guryaha ayaa lagu xaroodaa, masaajidyaduna way maran yihiin kalsooni nabadeed oo lagu aadi karaa Muqdisho kama jirto.
Nabaddu ma aha in sarkaal dowladeed ay la socdaan ciidamo hub culus wata iyo askarta AMISOM ay socod gaadiid ku marmarid ah ku tagaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo weliba aan ku sii nagaan karin waayo waxay halis u yihiin Bam lagu tuuro ama rasaas arbushaad loogu samaynayo lagu weeraro, ciidamaduna ay markaasi ridaan rasaas xooggan oo waxyeeleysa dad shacab ah oo aan waxba galabsan ee muhimaddu waa in shaqsiga dowladda u shaqeeya ha ahaado shaqaale caadi ah, xildhibaan amaba mas’uul kalee uu  dhex mushaaxi karo xaafadaha Muqdisho oo dhan isagoon cidna ka baqanaynin.
Sidoo kale nabaddu ma aha dhismo dabaq ah oo laga taago waddada Makka Al-mukarama ama guryo cusub oo la dhistaa amaba xeebta Liido oo lagu tamashleeyo ee waa in Muqdishoo dhan si kalsooni leh loogu wada dakeeyo min shacab ilaa mas’uul dowladeed.
Sida lawada ogsoon yahay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar wasiirrada xukuumadda ka mid ah Gaadiidka qafilan ee ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu sugaa amnigooda oo xitaa ma aamini karaan askarta dowladda, taasina macnaheedu waxa weeye Muqdisho weli nabad ma aha.
·        Inta xildhibaan ama shaqaale dowladeed amaba oday dhaqameed dowladda ku lug leh uusan xaafadaha Muqdisho si xor ah u wada marmari karin uguna dhex mushaaxi karin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
·        Inta madaxda dowladdu ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika oo Gaadiidka qufulan ku dhex jiraan, xildhibaanka, saxafiga, odayaasha dhaqanka ee Baarlamaanka soo dhisay iyo shaqsiyaadka kale ee muhimka ahna ay dareen ku joog Muqdisho ku yihiin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
·        Inta askari ka tirsan dowladda ay shacabku ka baqanayaan ogow Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
·        Inta saxafi Muqdisho lagu dhex dilayo, shaqsigii dilayna aan la soo qabanayn ogow Muqdisho nabadi kama jirto.
·        Inta ay kufsi samaynayaan askarta dowladdu, wariyihii warkaasi baahiyana la xirayo ogow weli Muqdisho nabad buuxda kama jirto.
·        Inahaas iyo ina kaloo badanba inta ay Muqdisho ka jiraan ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.
Si kastaaba dowladdu waa inay xoogga saartaa amniga Muqdisho oo ay nabad buuxda ka dhigtaa caasimadda, isla markaana ay wax ka qabataa dhammaan arrimaha ka jira ee nabadda Muqdisho caqabadda ku ah, waayo Muqdisho waa muraayaddii laga daawanayay Soomaaliya oo dhan, waxayna u baahan tahay nabad buuxda oo dhammeystiran, dowladda haatan talada dalka heysa ayaana looga baahan yahay inay wax ka qabato amniga Muqdisho oo ay nabadeyso, shacabkana waxaa laga doonayaa inay dowladda ku garab siiyaan nabad ku soo dabaalidda Muqdisho oo gacmo wadajir ayay wax ku gooyaane ay dowladda ula shaqeeyaan si hagar la’aan ah.
W/Qoray:  C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
caaqildalmar@gmail.com
caaqildalmar@hotmail.com

Garoonka Aadan Adde oo isku badalay qaab aan horay loo arag.

0
0

Qaar ka mid ah Wariyaasheena oo maanta booqday garoonka diyaaradaha Muqdisho Aadan Cabdulle Cismaan ayaa waxa ay soo arkeen mashuul ballaaran oo ka socda garoonka.
Garoonka ayaa wixii ka dambeeyay daba yaaqadii sannadkii hore, markaas oo inta badan magaalada Muqidsho ay noqotay mid ammaan ah, waxaa ku soo badanayay diyaaradaha immaanaya, kuwaasoo qaar kood ka yimaada waddamada Yurub.
Garoonka Muqdisho ayaa maalintii waxa soo caga dhigta ugu yaraan 45-diyaaradood oo qaar kood ka yimaada waddamada Yurub .
Diyaaradahan ayaa badankood waxa ay sidaan rakaab doonaya in ay dalka dib ugu soo laabtaan iyo kuwa soo qiimeenaya isbadalka ka dhashay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka AMISOM Col : Cali Aadan Xumad ayaa dhawaan sheegay in garoonka maalintii ay soo cagadhigtaan illaa afartan diyaarad oo badankood ah kuwa raab wada.
Inta badan waxa dadka ka keenta Yurub diyaaradaha Turkish Airline oo ah diyaarad laga lee yahay dalka Turkiga.
Diyaaradan waa diyaarada kaliye ee duulimaad caalami ah ka sameesa Soomaaliya tan iyo markii sannado badan uu dagaal ka socday Muqdisho.
Diyaaradan ayaa toddobaadkii waxa ay magaalada Muqdisho timaadaa labo jeer, waxana dadka raaca iyo kuwa ay keento aad u badan kuwa ay sido.
Sidoo kale waxa jira dhowr diyaaradood oo iyana ka yimaada Africa, iyo waddamada Asia , waxana ay keenaan magaalada Muqdisho rakaab aad u badan.
Dadka ugu badan ee magaalada Muqdisho yimaada waa kuwa ka soo cararay waddanka Kenya oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Kenya ayaa dhawaan ku amartay Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka in ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, kuwaasoo ay buux dhaafeen isla markaana go’doon ah.
Dadka ku soo qulqulaya magaalada 
Magaalada Muqdisho waxa soo buux dhaafiyay qurba joog fara badan kuwaasoo doonaya in ay dalka maalgashi ku sameestaan.
Waxa qaali noqday qiimaha lagu kireesto guryaha, waxana magaalada ka billowday dib u dhis ballaaran.
Qaar badan oo dadkaas waxa ay magaalada ka sameeyeen xarumo ganacsi iyo hotello waaweyn oo aan horrey aan loo dhisin.
 Gawaari ku soo badanaya magaalada 
Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku soo badanaya gaadidka noocyadooda kala gadisan,kuwaasoo loo aaneenaayo ammaanka magaalada waayahan dambe ku soo kordhay.
Isbadalkaas iyo baabuurta badan waxa ay keeneen in magaalada la ciirciirto baabuur iyo dad ka yimid qurbaha, waxana soo kordhay shilalka gaadidka.
Inta badan baabuurta dad waynaha iyo kuwa sida gaarka loo lee yahay ayaa isticmaal waddada kaliye ee magaalada ugu mashquulka badan ee Makah Al-Mukaramah.


Madaxweyne Xasan sheekh oo Xasaasi layeeshay Madaxweynaha wadanka Kenya Kuna Sugan Adis Ababa

0
0

Madaxweyneha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Mwai Kibaki ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo uu ka socda shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.
Wada-hadallada labada madaxweyne ayaa daba socda qodobbadii looga hadlay kulan ay dhammaadkii sanadkii hore ku yeesheen magaalada Nairobi, kaddib booqasho madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku tagay.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxaafadda la hadlay markii uu kulanka dhammaaday kaddib ayaa sheegay inay isaga iyo madaxweyne Kibaki isla soo qaadeen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.
Sidoo kale, waxay labada madaxweyne isla soo qaadeen hormarka xagga nabadda iyo xasiloonida ee ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsaday.
Madaxweynaha Kenya ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto inay ka taageerto xukuumadda Soomaaliya dadaalkeeda dib u dhiska dalka, isagoo muujiyey inuu ku faraxsan yahay in la adkeeyey xiriirka laba waddan.
Labada madaxweyne ayaa ugu dambeyn isku raacay in dhammaadka sanadkan la qabto shir goboleed looga hadlayo dhibaatooyinka qaxootiga haysta.

Xeer IIaaliyaha Guud ee Maxkamadda Sare oo Garan Waayay Qiimaha Ay Leedahay Hooyada Soomaaliyeed!!

0
0

Waxaa Maalintii Shalay ahayd Xabsiga loo gudbiyey Wariye Cabdicasis Maxamed Nuur (Koronto) ka dib markii isaga iyo Dhowr Qof oo ay Booliiska ku eedeeyeen ina ay ka Been Abuureen Fal kufsi ah hase yeeshee Cabdicasiis Korornto iyo Dadkaasi ayaa igu ku andacoonaya in aysan sameeyn wax been abuur ee ku aadan Falkaasi Kufsiga ah.
Markii shaley Tagey Halkii uu Warbxinta ku dhiibayey Xeer IIaaliyaha Guud ee Qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse ee Maxkamadda Sare ayaa mar waliba Indhaheyga qabanayeen Haweeneey Xambaarsan Canug yar oo marka qaar ay ka soo baxyeen ereyo ay ka mid ahaayeen “ Hooyo Aaamus .. Hooyo Aaamus “Markii aan u kuur galey haweeneydaas ayaa waxaa la ii sheegey in ay Tahay Haweeneydii la sheegey in la Kufsdey ,.
Markii aan Ogaadey in ay tahay Haweeneydii La kufsdey ayaa waxaan Bilaabey in aan si hoose u wareysto in kastoo aan la ogoleyn in lala hadlo haddana waxaan ku dadaaley sidii aan u heli lahaa Xogteeda , waxaan War Wareego mar ay Mashquulsanyeen Ciidamadii ilaalinayey ayaa u soo dhawaadey waxaan iri “ Adiga Miyaa Haweeneyda la sheegey in la kufsdey , markaas bey si hoose ii tiri “ Haa aniga waaye” Ma daneyneyn iyada ee waxa aan aad u daneyneyey Canuga yar ee ay Dhabta ku wadey markaas baan iri’ Canuga ma adigaa Dhalay” waxay ii gu jawaabtey “ Haa Aniga ayaa Dhalay.
Hadalkaasi marka ka maqley aad baan u Jirirricoodey waayo” Mar Cunaga yar waa la istaageysey marna waa la Fariisineysey ,Marna waa Nuujineysey “ waxayna Hooyadaas ahayd qof aan la socon wax meesha ka socda iyo Warbxinta uu Xeer Ilaaliyaha uu jeedinayey ,waxay ku Mashquulsaneyd Canuga ay Dhabta ku siday, waxaan weydiiyey ma weydey Canuga Cid kaa reebta inta u kiiskaada meel u dhacayo , waxay ku jawaabtey” Haa waxaan waayey Cid iga reebta marka waan ku qasbanaadey in aan Xabsiga kula jiro” .
Waxaan damcay in aan sawir ka qaado Hooyo Luul iyada iyo Canugeeda hase yeeshee iima Suurta gelin , balse waxaa ii suura galey in aan ka qaado Sawiir guud iyo dadka la xiran ee uu ku jiro Wariye Cabdicasiis Koronto , waxaana mar kale weydiiyey sida ay u aragto Xabsiga ay ku jirto mudda labada Tododbaad ah waxay ku jawaabtey ” Waad garan kartaa Haweeney uu Nuugayo Canug yar , Cunto igu filan ma helin , iskaa daa Jiif oo Habeenkii oo dhan baa soo jeeda waa mar aan aamusninaya Canuga yar iyo mar isagaa Naaska u dhigayaa, Walaahi Runtii Xaalad adag ayaan ku noolahay.
Hooyo Luul Cali Cismaan waa dhibane oo aan dhihi karo waxaa Dhibkeedii loogu darey dhib kale , waayo Waxay Xabsiga kula jirtaa Canug yar oo Bilooyin jira oo ay nuuijineyso , Sidoo kale waxaa Xabsiga kula jira Ninkeeda Muxyadiin oo Qareenada u doodaya dadkaan ay sheegeen in ay aad u la yaaban yihiin waxa uu Xabsiga uu ugu Xiran Muxyadiin maadaama Haweentiisa la Kufasdey sidoo kale waxay aad ula yaabeen in Haweeney oo markii hore Dhibane ahayd in iyadoo Canug Nuujineysa ay Xirnaato muddo 17 Maalmood ah waxayna Qareenada ay ku qaylinayeen” Meesha Cadaalad ma taal” Ma waxay Xeer Ilaalinta Qaran waayeen in Hooyo Luul in ay Damiin ku sii daayaan maadaama ay tahay Hooyo Ilmo nuujineysa , oo markii loo baahda loo yeero.
Layla Maxamuud Cabdulle oo ah Haweeney u dooda Xaquuqda Aadanaha gaar ahaan Bahda Saxaafadda iyo Xasan Cali Geeseey oo ah Agaasimaha Idaacada Dalsan oo Warbaahinta kula hadlayey Afaafka hore ee Maxkamada Sare ayaa Cadaalodarro ku tilmaamey in Dad aan la Xukumin in Xabsiga loo taxaabo ,waxayna Dowalada Federaalka ay ka Codsadeen in ay Deg Deg wax uga qabtaan Xariga Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Dadka kale ee la xiran.
Hooyo Luul waxay ka Codsaneysaa Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka in ay soo Farageliyaan Kiiskaan waayo waxay sheegtey in ay tahay qof Dhiban oo lagu Xadgudbey , weliba waxay sheegtey in ay u sii dheer tahay in ilmo yar oo ay dhashey ku Nuujinayso muddo 17 Maalmood ah Xabsiga Gudihiisa welibana uu ninkeeda la xiran yahay waxayna is weydiisey waa kee Sharciga Dhigaya in sidaa loo galo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo markii hore Dhib loo geystey .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Koox wasiiro ah oo kulan aan hore loo arag laqaatay Dhalinyarada Magaalada Muqdisho

0
0

Waxaa maanta magaalada muqdisho kulan waqtidheer ku qaatey maanta Dhalinyaro iyo Qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumada somaaliya xildhibaano iyo gudoomiyaasha qaar kamid ah degmooyinka G/banadir waxaana looga hadlay sidii dhalinta somaaliyeed ay kaga qeyb qaadan la haayeen hormarka dalkooda hooyo.
Bashiir Maxamed Goobe oo ah wasiir ku xigeenka Wasaarada Adeega bulshada xukuumada soomaaliya ayaa sheegay in dhalinta soomaliyeed looga bahan yahey iney ku dadaalan arimaha nabada si buu yiri loo helaa wadashaqeyn dhexmarta shacabka iyo dowlada isagoo dhanka kale cadeeyay in wasaaraad ahaantooda dhalinyarada ay ugu yigleynayaan qaar ka mid ah degmoyinka banaadir garoomo ay ku ciyaaraan cayaaraha Cod-
Waxa sidoo kale dhalinyarada somaaliyeed lagu dhiira geliyay inay kawada shaqeeyaan hormarka dalka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada soomaaliya C/shakuur cali mire ayaa carabka ku dhuftay in dhalinyaradu masaxdooda la dhacay ka dibna ay wayeen fikkirka maanta ay qabaan oo ah sidi wadankoodu u hormarin lahayeen taana uu sheegey in ay cadeyn u tahey sida ay ugu ooman yihiin nabada .
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waayay doorkii taageeranimo ee dowlada waxaana qaarkood danta ay ku qasabtay in qori ay wax ku raadiyaan kuwana waa ay ka tahriibeen dalka.

Xukun deg deg ah oo lagu soo rogay Port Saciid

0
0

Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi ayaa ku dhawaaqay hal bil oo xukun deg deg ah magaalada Port Saciid kadib banaanbaxyo rabshado watay.

Isbitaal carruur oo laga furay Hargaysa

0
0

Isbitaalkan cusub oo ku dheggan cisbitaalka guud ee Hargeysa waxaa dhismihiisa iska kaashaday Dr Maxamed adam sheekh oo ahaa dhakhtar caan ahaa oo Soomaali ah iyo dawladda.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live