Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Natiijooyinka ciyaaraha koobka qaramada Afrika

$
0
0

Group-yada C iyo D ayaa afarta koox ee ka soo bixi doonta la ogaan doonaa maalmaha Tallaadada iyo Arbacada.


War Ded Dega: Dawlada Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Uga Baaqday In Ay Ka Baxaan Somaliland

$
0
0

Dawlada Britain, ayaa dadka u dhashay dalkeeda uga digtay in ay baxaan Somaliland, iyada laga qabso khatar xagga ammaanka ah oo soo food saarta.
Qoraal kooban oo maanta ka soo baxay xafiiska arrimaha dibeda iyo Barwaaqo-sooranka , ayaa muwaadiniinta sida oo kale ugu baaqday in aanay u safrin halkaas, maadaama oo ay dhici karaan afduubyo lagu doonayo dhaqaale oo salka ku hayo dambiyo argagixisnimo .
Laakiin lama faahfaahin sababta rasmiga ah ee ka dambaysa digniinka ka timid xukuumada Britain.
Cadceednews Hargeysa
Hoos Ka Akhri Warbixintan Oo Ingiriisi Ah
Britons urged to leave Somaliland
Sunday, January 27, 2013
All British nationals in Somaliland should leave immediately because of “a specific threat to Westerners”, the UK Foreign Office has said.
It was already advising Britons in Somalia, including Somaliland, to leave, but has reviewed and reissued its advice in light of the threat.
It says kidnapping “motivated by criminality or terrorism” remains a threat throughout Somalia.
Last week, a similar warning was issued for Britons to leave Libya’s Benghazi.
There were a number of non-governmental organisations, staffed by Westerners, that worked in Somaliland, a Foreign Office (FCO) spokesman told the BBC News website.
“We are now aware of a specific threat to Westerners in Somaliland and urge any British nationals who remain there against our advice to leave immediately,” the FCO said in a statement.
It said it would not comment on the nature of the threat.
‘Terrorist groups’
The FCO website warns that in the southern and central regions of Somalia “there is ongoing serious violence, dangerous levels of criminal activity and general internal insecurity”.
It says attacks “could be indiscriminate, including in places frequented by expatriates and foreign travellers”.
And it adds: “Following the death of Osama Bin Laden, terrorist groups operating in Somalia have made threats against Westerners and those working for Western organisations in Somalia, including Somaliland.”
The northern territory of Somaliland broke away from Somalia in 1991 and wants to remain separate from the rest of the country.
But Mogadishu wants Somaliland to be part of a single Somali state.
Somaliland unilaterally declared independence after the overthrow of Siad Barre – who led Somalia’s last functioning national government.
Last week, the FCO urged Britons to leave Benghazi immediately in response to a “specific, imminent threat” to Westerners.
Libya’s deputy interior minister Abdullah Massoud responded by insisting the security problems in Benghazi did not warrant such a response.
The threat of terrorism in Africa was highlighted by a four-day siege at a gas plant near the town of In Amenas, in eastern Algeria, earlier this month which is believed to have left six British hostages dead.
Source: BBC

Dhegayso: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xarunta Madaxtooyada Oo Ka Jawaabay Digniintii Igiriisku Uga Digay Muwaadiniintoodu Iay Ka Baxaan Somalilad

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isla maanta soo gaadhay Hargeysa ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland goor dhawayd wuxuu jawaab ka bixiyey baaqii wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqa sooranka Britainn ku sheegeen maanta in muwaadiniinta Britain ee Somaliland ku sugan ay ka baxaan sababo la xidhiidha kooxaha xagjirka ah oo khatar ku ah ammaankooda, Haddaba hoos eeg Shirka jaraa’id ee Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar si aad u dhegaysato

Guji Barta Cad Oo Ku Dhegayso Mobilekaaga

Shariif Sheekhunaa Maye oo war culus ku dhowaaqay

$
0
0

Muqdisho - Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Gen: Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in booliska Soomaaliya uu xubin ka yahay booliska adduunka ee Interpol.
“Waxan rabaa in fariin aan u dirno dad waynaha ha oggaadaan dambi falayaasha meel kasta oo ay tagaan boolis ayaa jooga mee kasta -meel kasta xittaa meel ay ku dhuuman karaan aduunka majirto saas ha oggaadaan, booliska sidaas ayey habeen iyo maalin u taagan yihiin” ayuu yiri.
“Waxan ka mid nahahay booliska adduunka ee Interpol, ninka Kenyajooga, ninka Italia jooga, ninka America jooga waa isku mid, shaqadeena waan sugeynaa,, waxan sidoo kale ka mid nahay booliska YABKO oo ah booliska bariga Africa oo 12-wadan, qof Africa ku dhuuman kara ma jiro, meelaha kalena waa 165-wadan ayaa nahay waxa la yiraahdo Interpol” ayuu yiri Shariif Sheekhuna Maye.
Booliska waxaa la weydiiyay su’aalo ku saabsan wariyaasha maxaa loo dilaa, oo loo qaban waayay dadka dila?
“Waxaan sheegaa baabuur bas ah oo booliska uu lee yahay 2009 ayaa lala baxsaday, oo bac ah cusub, waxaa la baxsday nin boolis ah, waxa uu gacan galiyay cadowga,waan soo qabanay gacanteena ayuu ku jiraa”.
Wuxuu sii hadlay “ Marka in shaa allah booliska cid kasta oo dil geesta ama wariyaasha dilaan raadaad ayaa jira waana ku raad joognaa waana soo qaban doonaa, laakin dad waynaha naftirkoda waxan u sheegeynaa in ay nala shaqeeyaan”
Mar la weydiiyay labo nin oo lagu soo eedeeyay in ay dileen wariye Xasan Yuusuf Absuge oo hadda ku jira gacanta dowladda wixii sharciga loo horkeeni waayay.
Wuxuu taliyaha boolska ku jawaabay “Laba nin gacanta ayey ku jiraan, waa garsugayaal, arrintooda waa lagali lahaa, laakin maxkamadda ayaa dib u dhigatay waa kiis arrintooda, sababtoo ah, anniga ayaa baaraa nabad sugida ayaan ku wareejiayay, daraad ayaa lagali lahaa, laakin maxkamadda Jowhar ayey aaday ayaa la dhahay, laakin waa ay in oo xiran yihiin.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan adduunka oo suxufiyiinta ka howgalaan, sannadkii hore 18-wariye ayaa lagu dilay, sannadkan hadda billowdana waxa la dilay wariyihii ugu horreeyay.
Dowladda waxa ay mar kasta sheegeysaa in gacanta lagu dhigi doonokooxaha ugaarsada wariyaasha, laakin arrintaas illaa hadda waxbo kama hirgalin.
 

Ban Ki Moon oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeyay Somalia

$
0
0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-Moon oo maanta ka hadlaayay shirka midowga Africa ee ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay gargaar caalami ah.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya fursado badan oo laga faa’ideesan karo dib u dhiska dalka ay ka soo baxeen kaddib markii meelo badan dalka laga saaray buu yiri kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu intaas sii raaciyay dabayaaqada bishan in uu u gudbin doono golaha loo dhan yahay ee QM talooyin ku aadan siddii loo xoojin lahaa is-kaashiga iyo wadashaqeynta u dhexeesa midowga Africa iyo QM ee ku aadan Soomaaliya.

“QM iyo midowga Africa waxa ay sii wadaan in ay si dhow uga wadashaqeeyaan arrimaha Soomaaliya, markii Shabaab laga saaray magaalada Kismaayo iyo deeganno kalena waxa ay horseeday nabadgalyadii, waxaana ay gacan ka geesatay dimuquraadiyad ka dhalata Soomaaliya” ayuu yiri Ban.

Wuu sii hadlay Mr. Ban “ Dhammaadka bishan waxan hordhigayaa golaha ammaanka QM qaraar ururka iyo kan midowga Africa kaga wadashaqeenayaa xasilinta Soomaaliya iyadoo la maalgalinayo ciidamada AMISOM”

Dhinaca kale, guddoomiyaha midowga Africa Dalamina Zuma ayaa sheegtay in ay dib u soo cusboonaadeen kooxo islaami ah oo doonaya in ay xukunka ka tuuraan dowalado si shari ah u disnaa.

“Waxa soo badanaya kooxo falaaga ah oo xukunka ka ridaya dowlad si dimuquraadi ah loo doortay, haddaba midowga Africa wuxuu sii adkeenayaa awooda uu yeelan karo in uu difaaco dowladahaas sida dimuquraadiga loo soo doortay, taasina waxa ay ku immaaneysaa ciidamo gaar ah oo si degdeg ah uga jawaaba baahidan oo kale marka ay timaado”

Si kastaba, shirkan ayaa arrimaha hareen doona waxa meel sare kaga jira  khalalaasaha ka taagan dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Maali, iyo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo ah kii 20-aad ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo midowga Africa uu isku diyaarinaayo dabaal degga 50-guuradii ka soo wareegtay tan iyo markii la aasaasay.

Daawo: Haweenka Reer Xariirad Oo Ka Hadlay Doorashadii Ka Dhacday Degmada Zaylac, Xukuumadana Ku Dhaliilay Inay Dhib Ka Wado

shir Guddoonka Golaha wakiilada Somaliland iyo Taliyaha Cidanka Bileyska Oo ka hadkay Warbixinta Ingirisku Somaliland amaankeeda kaga Digay

$
0
0

Shir Guddoonka Golaha wakiilada Somaliland iyo taliyaha cidan Bileyska Somaliland ayaa ka hadlay warbixinta ay dawladda Ingirisku soo saartay ee ay amaanka somaliland ku sheegtay mid khatar ku ah dadka reer Ingiris, taas oo ay sheegeen inaanay la qabain ingiriska oo ay somaliland tahay  mid amaankedu dhamays tiranyahay.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo isaguna Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Golaha Wakiiladda, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay dadka baqdinta ka saarto, waxaanuu yidhi “waxaynu ka war qabnay in iskaashi dhinacyo badani inaga dhexeeyey Ingiriiska, Labaatankii sanno ee Somaliland  jirtayna waxa ay caalamku ka bixinayeen in ay Somaliland tahay waddan nabdoon, waana warbixin laga noxo, Somaliland-na maanta xasilooni darro muuqada ayaa ka jirta Somaliland ma aragno, waxa soo socda oo laga dayriyana maanaan arag, waxaan shacabka reer Somaliland u sheegaya in maanta laga degay nabad gelyo xumo soo socota, markaa waa in shacabku nabadda ilaashadaan, waxaanan u sheegayna caalaamka inay Somaliland ka jirto nabad gelyo darro”
Guddoomiye C/raxmaan Cirro oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan Xukuumadda u sheegayaa inay Safaaradaha Caalamka u gudbiso war bixin dhamaystiran, waayo waxaad moodaa in dhinacaas uu gaabis ka jiro, waxaan Caalamka u sheegayaa oo aan oaysiinayaa inay warbixinaha ay helaan ka xaqiijiyaan Xukuumadda markaa talada haysa, waxaan leeyahay aynu nabad gelyada wada ilaashanno, Somaliland-na Xasilooni ayaa ka jirta, Xukuumaddana waxaan u soo jeedinayaa inay dadka baqdinta ka saarto oo ay war dhab ah siiso ayaa ku waajib ah”
 Dhinaca Kale Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo Isaguna Ka hadlay arintan Ingiriiska, ayaa sheegay inay warbixintaasi tahay mid lagu deg degay oo ay Somaliland Cadayn uga baahantahay Cidda soo saartay.
Guddoomiye ku xigeenka koowaaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa waxa uu yidhi “Sidii aad Xalay warbaahinta ka wada maqasheen ee Wasiirka Khaarajiguna waa kii ka hadlay, marka waxa aanu qabna in dalka Somaliland uu nabad  gelyo yahay oo aanay wax dhibaato ahi jirin waanad aragteen in dadkii Ajaanibka ahaa ay gawaadhidii ay iyagu gacmahooda ku wataan oo suuqyada lugaynayaan, markaa runtu waxa weeyaan Amniga dalkeenu waa sugan yahay,runtiina dawladda Ingiriiska hadii ay iyagu wardheeraad ah hayaan waxa weeyaan iyaga ayaa looga fadhiyaa Warbixin horena waa la odhan jiray oo Warbaahin iyo Internet-ka waxa la dhon jiray dalka Somalia yaan safaradda lagu badan,waxanay ahayd arintaasi digniin iska jirtay hadii ay tahay” 
Baashe Maxamed Faarax Isaga oo hadalkiisa sii wata , waxa uu yidhi “Mareykanka iyo hadii ay tahay Ingiriiska-ba laakiin tan waxa dheer waa markii ugu horeysay dhinaca Somaliland,laakiin waxa aanu ku adkaysaneyna in aanay Somaliland wax haba yaraatee Nabad gelyo darro ahi ka jirin, dadkana waxa aanu u soo jeedinaynaa in aan waxba lagu cabsi gelin arintan imika, waayo Nabad ayaynu haysanaa, Marka waxa weeyaan in aynu nabad gelyadeena ilaashana awal hore Cadawga Somaliland waxa uu ahaa dad Shisheeye ah,laakiin hada waxa soo baxay dad Cadaw ah oo Somaliland khalkhal ku wada una adeegaya dawladda laga dhisay Somalia marka Digniintana waa in Amniga iyo kala danbeynta la ilaaliyo uun oo la adkeeya, mar kalena waxa aan leeyahay wax Naba dgelyo daro ah oo Somaliland ka jira ma jiraan Hadalkan hada soo yeedhayna waxaan u malaynayaa inay uu yahay mid lagu deg degay”
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo isaguna ka hadlay arintani, ayaa sheegay inaanay haynin wax dhibaato ah oo ku saabsan dhinaca amaanka, waxaanuu yidhi “Waxaan ummadda Somaliland iyo caalamkaba u sheegaynaa in Nabad-gelyadda Somaliland tahay mid sugan oo Ciidamadda Booliska iyo kuwa Nabad-gelyaddu ay gacanta ku hayaan, Waxan la sheegayo Annagu ma hayno,  Waxaanu ognahay in Somaliland ammaankeedu sugan yahay oo aanay wax dhibaato ahi ka jirin, Waxaan shacbiga Somaliland iyo caalamkaba ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan Ciidamadda ammaanka Somaliland,”
 

“Inta Ay Madaxda Somaliland Qadiyaddooda Si Weyn Waxa Isaga Bedelayaan Wax Aynu Isku Sheegi Karnaa Ma Jirto…Haddii Wax Isbedelaana Waa Deriskayaga” Cali Khaliif Galaydh

$
0
0

Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ahaa aasaasayaashii  khaatumo, kana mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo si weyn uga soo hor jeeda Qaddiyadda Madax bannaanida Somaliland, ayaa sheegay in ilaa inta ay Madaxda Somaliland qaddiyadooda si weyn wax isaga bedelayso aanay jirin wax lagu wada hadlaa, isaga oo sheegay in cidda aan ogolayn midnimada Somalia uu u arko inay tahay cadow.
Prof.  Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlayey madal ay Su’aalo ku weydiinayeen Jaaliyadda Somaliyeed ee Waddanka Maraykanka gaar ahaan Magaalada Minnesota, isaga iyo Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay arrinta Aqoonsiga Mareykanka ee Somalia, isaga oo sheegay inay Somaliland ka bexeen qaabkii hore ee Xidhiidhka Maamulada Somalia ee Maraykanka, waxaanuu Somaliland ku eedeeyey inay Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag ka wadaan dhibaato saamayn ku leh aqoonsi ay beesha caalamka Somaliland ka hesho.
Cali Khaliif Galaydh oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu ma qabo inay maamulka maanta jira ee Somaliland door ku leeyihiin arrimaha dibedda ee Dawladda Somaliyeed, arimaha dibedda Dawladda dhexe ayaa leh, kamana gedisna sida Maamulada kale ee Ximin iyo Xeeb iyo Puntland, Maraykankuna Fikirkii awal ay wadeen ee ku saabsanaa xidhiidhka Maamulada, waan ku farax sanahay inay ka bexeen, illaa inta ay madaxda Somaliland qadiyaddooda si weyn waxa isaga bedelaysana, wax aynu isku sheegi karnaa ma jirto, Annaguna kamaanaan samrin oo haddii is bedel ku dhaco Somaliland waa deriskayaga oo waa la yaqaanaa”
Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlayey Xukuumadda Somaliland iyo Gobolada Bariga waxa uu yidhi “Waxaanu Xukuumadda Somalia ka rabnaa oo aanu Raysal wasaarada ka rabnaa oo aanu Madaxweynaha ka rabnaa, dadkaas dhimanaya ee Taangiyada la marinayo ee lagu der derayo, ee aanay Ingiriiskii ku dhicin ee Somaliyeed, Axmed ninkaas inta uu taas wado ee isu bogay ee is cajabiyey ee leh waxbaan derderayaa ee leh ilaa Yoocayada ayaan soo qabanayaa,waxaan leeyahay Yooco uu soo qabanayaana ma jirto Aqoonsi uu helayaana ma jirto, haddii aan midnimada Somalia la soo wada gelina ka diidani waa cadawgayaga”
 Hargeysa Somaliland


Siyaasi Ka Soo Jeed Bariga Sanaag Oo Puntland Uga Digey Faro Gelin Ay Ka Wado Deegaamada Bariga Somaliland

$
0
0

Siyaasiga Prof: Axmed Maxamuud Nuur oo ah Siyaasi gobolka Sanaag ka soo jeeda oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ahaana Guddoomiye xigeenkii Saddexaad ee urur Siyaasadeedkii laga guulaystay ee Umadda ayaa Maamul goboleedka Butland ku Eedeeyay inay faro gelin ku hayso Deegaano Somaliland ka mid ah oo bariga Somaliland ku yaala” Prof:Axmed Maxamuud Nuur ayaa sheegay in ay si wayn ula socoto Xukuumadda Somaliland dhaq dhaqaaqyada uu sheegay inay Maamulka Butland ka wado bariga Gobolka Sanaag halkaas oo uu shagay inay joogaan Wasiiro ka tirsan Butland oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland,waxa uu sido kale Siyaasiga Axmed Maxamuud uu umadda reer Somaliland ku booriyay in aanay u dheg dhigin aqoonsiga dhawaan Mareykanku dawladda Somalia siiyay isago ku tilmaamay aqoonsigaasi mid durbaan meel cidla ah laga tumayo, Prof:Axmed Maxamuud Nuur oo Waraysi siiyay Wargeyska Saxansaxo isaga oo arimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxa aan uga digayna Maamulka Butland dhaqdhaqaaqa ay ka wada Sanaag barri gaar ahaan magaaladda badhan halkaas oo sida ay sheegayaan wararka aanu ka leyno Deegaankaasi ay ku soo wajahan yihiin qaarkoodna aabay joogaan iyago u gogol xaadhaya urur dhawaan lagaga dhawaaqay Maamulka Butland ee Koonfurta Somalia iyado arintaasi ay Tuurta ku sitaan Niman Wasiiro ahi oo u dhashay Gobolka Sanaag ee waliba ah reer Somaliland,marka waxa aanu digniin ka siinayna Nimanka ku hawlan arintan iyo wixii la nooc ah inay Faraha kala baxaan anaguna hadii aanu nahay ka Maamul ahaan Somaliland waanu ka soo hor jeedna,waxanan ugu digayna arimahan ay faraha kula jiraan ee Foosha xun ee Maamulka Koonfurta Somaliya ee Butland ay ku soo fara gelinayso Xuduudaha Somaliland iyado aanay ahayn markii koobaad ee ay arimaha faragelinta ah ee noocan ah ay ku dhaqmaan balse ay marar badan oo hore ay ku kaceen arimo noocan oo kale ah,anaga oo uga digayna dhamaan Koonfurta Somalia iyo Maamulka Putland-ba inay fara gelinta ka wada joojiyaan oo faraha kala baxaan Dawladda Somaliland iyo Xuduudaheeda ay la leedahay Somalia si ay u noqdaan laba dawladood oo jaar ah. Prof: Axmed Maxamuud Nuur oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dawladda Somaliland ma arki karto wax Xisbi la yidhaahdo oo ka soo talaabay Koonfurta Somalia iyo Maamulka Butland xata hadii uu meel kale ka yimaado oo sifo aan sharci ahayn uu u soo galo Gobol ka mid ah dalka yaga adeer ma ogolin, marka arintaasi aad ayaanu uga digayna oo Caalamka gaar ahaan IGAD u ogaysiinayna wixii halkaas ka soo baxa ee isku dhac ah in Masuuliyadeeda ay qaadi doonaan Maamul Gobolka Putland, Prof:Axmed Maxamuud Nuur ayaa raaciyay in Colaada Putland bariga Somaliland ka hurinayso ay dabada ka riixayaan Aqoonsiga uu sheegay in Waddanka Mareykanku siiyey dawladda Somalia waxanu yidhi “Waxa aanu u arkayna inay arintan dabada ka riixayaan Durbaanka imika Wishiongton mareykanku uga tumay Somalia kaas weeyaan sida ay ila tahay waxa arintan halkaasi ka socota dabada ka wada iyado ay tahayna wax iska khiyaali ah waayo run ahaantii hadii aanu nahay dawladda Somaliland waxa aanu mar walba ka soo horjeedna in Xuduudahayaga Somaliland hal talaabo lagu soo xad gudba oo sifo sharcidaro ah si dhuumaalaysi ah layskaga soo galo taasna adeer dal ogolaanaya in dalkiisa layska soo galo waynu ognahay in aanu jirin,waxana laga wada war qaba in Qadiyadda Somaliland iyo gooni isku taageedu yihiin lama taabtaan aanu wax muran ah iyo Gorgortantoona cidna laga yeelayn,iyado qodobka ugu muhiimsanina yahay in aan lagu soo gaban durbaanka Mareykanka laga tumay ee sheegay in Ictiraaf Somalia la siiyay iyado anaga ka siyaasi ahaan aanu ahaynba mid mudan inay Umaddayada reer Somaliland aanay iskuba mashquulin,waayo horeba ilaa iyo Sh Shariif ka hore kolba Ictiraaf ayuu Maraykanku Muqdisho keenayay wax ka socdayna may jirin”
Hargeysa Somaliland

Imaatinka Ra’isul Wasaare Saacid ee Garoowe oo laga digay.

$
0
0

Gollaha Samatabixinta Puntland ayaa ku hanjabay hadii lagu kalifo inay dagaal galaan inay u diyaarsanyihiin Ciidamo tababaran isla markaasina waxay xuseen Ciidamadoodu inay joogaan deegaano ka tirsan Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland.
Maxamed Cilmi Cabdalla Gudoomiyaha gudiga Samatabixinta Puntland oo Caawa oo Isniin ah 28-Janaayo-2013 Waraysi gaar ah siinayay Warbaahinta  warkii.com  Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Xukuumadda uu hormuudka u yahay Madaxwayn Faroole inay fiirin wayday danaha Puntland, wuxuuna ku goodiyay dhawaan inay go’aan cad ka qaadan doonaan arinta Puntland.

Wuxuu sheegay Maxamed Cilmi Ciidamadda gollaha Samatabixinta Puntland inay ku suganyihiin deegaanada Puntland oo dhan isla markaasina ay kaliya fiirinayaan danaha Shacabka reer Puntland, wuxuuna intaasi raaciyay Ciidamadoodu inay awood u leeyihiin iska dhifaacidda culays walba oo kaga yimaada dhinaca Maamulka Faroole, isla markaasina wuxuu ku baaqay in sharciga la ilaaliyo hadii howshu sidaan ku socotana gacmaha la iskula tagi doono.
Maxamed Cilmi Cabdalla ayaa Dhanka kale  ka digay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu Arbacada soo gaaro deegaanadaPuntland wuxuuna xusay arintaasi inay Muraalka u toosinayso Xukuumadda Faroole oo uu sheegay Shircigii u yaalay Puntland inay  ku tumatay.
“Ra’iisul Wasaare Wadanku waa kala qayb sanyahay Puntland waa kala qaybsantahay Dimuquradiyadna kama jirto marka ceebay kugu tahay adigoo qarankii Soomaaliyed Matalaya meel aysan dimuwuraadiyad ka jirin oo saxaafadii xor ahayn inaad wafdi ku timaadid arintaasi wa arin Ceeb ah” Ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga Samatabixinta Puntland oo la hadlayay warkii.com  isgaoo ku sugan Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Dadweynaha Reer Buuhoodle Oo Dhigay Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Maamulka Puntland

$
0
0

 
Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee Somaliland, ayaa shalay dibad-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Madaxwaynaha Puntland iyo siyaasiyiinta reer Buuhoodle ee u addeega ka dhacay magaaladda Buuhoodle.
Dadwaynahan oo isugu jiray guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Buuhoodle, ayaa Mudaharaadkan ka dhigay garoon ku yaala Magaalada Buuhoodle, iyagga oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin weedho lid ku ah Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo doonaya inuu Buuhoodle ka hirgaliyo hanaanka xisbiyada badan oo Puntland u wareegtay dhawaan.
Mudaharaadayaasha ayaa si gaar ah carrabka ugu badinayey Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre, oo ay sheegayeen inuu Buuhoodle ka wado dhaqdhaqaaqyo guracan oo siyaasadeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in xisbiyo laga sameeyo.
Mudaharaadayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo haween, ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo horjeedaan isla-markaana ay ka mudaharaadayaan in Madaxwayne Faroole oo addeegsanaya ku xigeenka Cabdisamad Cali Shirre uu xisbiyo Puntland leedahay laga sameeyo Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada.
Mudaharaadkan ayaa yimid ka dib markii shalay ay Buuhoodle gaadheen wefti ka yimid Magaalada Garoowe, kuwaasi oo doonaya inay halkaasi kaga dhawaaqaan xisbi siyaasadeed.
Hore waxa Magaalada Buuhoodle u yimid xubno ka mid ah guddida doorashada Puntland, kuwaasi oo olole ka dhex bilaabay dadka deegaankaasi si ay u samaystaan xisbiyo siyaasadeed oo ka qayb-gala doorashadii la doonayey inay Puntland ka dhacdo, inkasta oo Madaxwayne Faroole muddo hal sano ah korodhsaday.
Si kastaba wax ha u jiraane, ururadda siyaasadda ee Puntland ayaa deegaanada bariga ka furtgay xafiisyo, iyagoo bariga Sanaag degmooyinkiisa laga furay xafiisyo ay dadweynuhu soo dhoweeyeen, haseyeeshee magaaladda Buuhoodle ayaa noqonaysa magaaladii ugu horeysay ee laga hor yimaaddo siyaasadda mamaulka Puntland
Source-cadceed

Israel gave birth control to Ethiopian Jews without their consent

$
0
0

By ALISTAIR DAWBER
Source: The Independent
Israel has admitted for the first time that it has been giving Ethiopian Jewish immigrants birth-control injections, often without their knowledge or consent.
The government had previously denied the practice but the Israeli Health Ministry’s director-general has now ordered gynaecologists to stop administering the drugs. According a report in Haaretz, suspicions were first raised by an investigative journalist, Gal Gabbay, who interviewed more than 30 women from Ethiopia in an attempt to discover why birth rates in the community had fallen dramatically.
One of the Ethiopian women who was interviewed is quoted as saying: “They [medical staff] told us they are inoculations. We took it every three months. We said we didn’t want to.” It is alleged that some of the women were forced or coerced to take the drug while in transit camps in Ethiopia.
The drug in question is thought to be Depo-Provera, which is injected every three months and is considered to be a highly effective, long-lasting contraceptive.
Nearly 100,000 Ethiopian Jews have moved to Israel under the Law of Return since the 1980s, but their Jewishness has been questioned by some rabbis. Last year, the Prime Minister, Benjamin Netanyahu, who also holds the health portfolio, warned that illegal immigrants from Africa “threaten our existence as a Jewish and democratic state”.
Haaretz published an extract from a letter sent by the Ministry of Health to units administering the drug. Doctors were told “not to renew prescriptions for Depo Provera for women of Ethiopian origin if for any reason there is concern that they might not understand the ramifications of the treatment”.
Sharona Eliahu Chai, a lawyer for the Association of Civil Rights in Israel (ACRI), said: “Findings from investigations into the use of Depo Provera are extremely worrisome, raising concerns of harmful health policies with racist implications in violation of medical ethics. The Ministry of Health’s director-general was right to act quickly and put forth new guidelines.”
Source-Wadhafnews- The Independent

Dhacdo La Yaab Leh oo ka taagan Magaalada Muqdisho. “Aqriso”

$
0
0

Nin ka mid ah dadka dibadaha ka yimid ee dhowaan ku soo laabtay magaalada ayaa farsamooyin uu la soo shir tagay, kuna beer laxawasanayay haweenka ku dhaqan magaalada maraya iminka heer la isu tilmaamo, inkastoo dhowr kale uu horay u sii laaday.
Ninkani oo lagu magacaabo Cabdi Salaam Torino ayaa u sheega Dhamaan dadka uu la sheekeysanayo inuu yahay nin ganacsade ah oo doonaya inuu mashaariic ka sameeyo dalka, maadaama dadaalo maalgashi ah ay bilowdeen.
Dhowr haweenka ah oo uu la sheeko wadaagay ayuu uga sheekeeyay arrimahan, isagoo dhinaca kalena balanqaadyo lacageed iyo inuu Ingiriiska u qaadayo u sameeya.
Hawenkan qaarkood ayuu hami geliyay, isagoo heer guur ah kula heshiiyay, kadibna uu meel cidlo ah uga dhaqaaqey, sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah.

Dowlada Turkiga oo kafarxisay Ciidamada Amisom Kana Nixisay Shacabka Soomaaliyeed.

$
0
0

Dowlada Turkiga oo kamid ah dalalka kujira ururka NATO, kuna jirta dowladaha dunida ugu dhaqaalaha badan ayaa waxa ay kubiirtay dowladaha bixiya qarashaadka ciidamada nadab ilaalinta midawga Afrika ee Soomaaliya jooga.
Qarashka Turkigu ay kubixiyeen howlgalka midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay $1mn (Hal Milyan oo doolar), kaas oo wasiirka horumarinta Turkiga oo tegay Addis Ababa uu jeeg ahaan ugu wareejiyay madaxaha golaha amaanka iyo nabad gelyada midawga Afrika.
Turkiga ayaa waxa ay laga soo bilaabo xilligii abaaraha kahowl gelayeen Muqdisho iyada oo ay yaraayeen beegsiga Alqaacidada Soomaalliya ee ka dhanka ah Mawaadiniinta Turkiga ee dalka, waxaana marag madoonta ah in mawaadiniin Turki ah oo ilaaladoodu yartahay amaba aan ilaala wadan ay gaadiidka raaxada magaalda kudhex wateen.
Arintaasi waxa ay muujineysaa in Shabaabku aysan wax didid ah aysan kaqabin, hasa yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in Shabaabku ay arintaani hadal kasoo saaraan maadaama Xarakada Shabaab iyo AMISOM aysan wax xariir ah laheyn qarash AMISOM lasiiyana uu yahay dagaal Shabaab lala galay.
Horay Shabaab waxa ay ugu goodiyeen dowlado kulug leh kaabida ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga, hasa yeehsee waxaa laga war dhowrayaa go’aanka Shabaabku ay kasoo saaraan arintaani.
 

Waxii aan kusoo Arkay Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho. “Warbixin”

$
0
0

Shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta dambi barista booliska ee CID-da ee magaalada Muqidsho
Shirka jaraa’id oo uu ku saabsanaa soo bandhigis dad ay ku jiraan dhallinyaro ku jirta ciidamada dowladda oo dhac iyo falal burcadnimo ah u geesta dadka rayid iyo xubno la sheegay in xiriir la lee yihiin Al-Shabaab.
Intii la soo bandhigaayay askarta iyo dadka la soo eedeeyay, waxa loo qeybiyay dhowr qeybood, markii la tusay wariyaasha ayaa lagu amray in la xareeyo.
Maxaa Dhacay?
Waxa dhacay in ay isku milmaan eedeesanayaasha, laakin durba qaylo ayaa yeertay oo ah “ISOO CELI QOLADEYDII, AAWAY ,LIX AYAAN LEE YAHAHAY, MAYA AFARTAN ANNIGA AYAA LEH HA LA II SOO CELIYO” wariyaasha meesha joogay ayaa hal mar yaab ka soo haray, waxana ay isweediiyeen meesha maxaa ka jira.
Mid ka mid ah illaalada joogay xarunta CID-da ayaa noo sheegay in qayb loo lee yahay maxaabiista meesha ku jira, oo lagula xisaabtamo.
Waxaa meesha nooga muuqday in dadka si gooni-gooni ah loo heesto, isla markaana si yaabo kala duwan loola dhaqmo maxaabiista.
Wax yaabaha kale ee aan argnay waxaa ka mid ah.
Maxaabiista qaar waxa loo oggolaaday in ay hadlaan kuwa kalena hadalka ayaa lagu celinaayay oo waxa ay u muuqdeen kuwa la juujuubaayo.
Tusaale ninka la sheegay in laga soo qabtay koonfurta Sudan ee markii uu dil ka geestay Muqdisho u baxsaday halkaas, dhowr jeer ayuu ku celceliyay anniga falkaas ma sameenin, mana jirto cid aan la hadlay oo ma aqaano luuqada waddankaas iyo xittaa Ingiriis, laakin markii uu hadalka badiyay ayaa si saxaafadda aysan ula hadlin waxa si halhaleel ah loogu celiyay xasbiga.
Mar la waydiiyay taliyaha boliska in ay jiraan dad falal dilal ah am aka tirsan Al-Shabaab oo marka la soo xiro la sii daayo? Ayuu sheegay in arrintaas aysan jirin.
Waxa uu tusaale u soo qaatay nin boolis ah oo labo cisho ka hor qof rayid ah ugu geestay degmada Deyniile in uu hadda ku jiro xabsiga CID-da sharcigana la horgayn doono.
Si kastaba ha ahaatee, waxa jira weli qaladaad badan oo ka jira xumaha ciidamada, taasoo ah in dadka la iska xiro iyadoo wax xukun ah aan lagu ridin.
Waxa kaloo dhowr jeer la sheegay in ay dhacday dad la soo qabtay oo ka tirsan Al-Shabaab si fudud loo sii daayay markii ay bixiyeen lacago.


Arday Soomaali ah oo Turjumaan ahaan loogu qabtay Burcad-baddeed Somali ah.

$
0
0

Garsooraha qaadayo dacwadda loo haysto Burcad-baddeeda lagu maxkamadeynayo dalka Hindiya ayaa dalbaday in 70 badmaaxiin horey afduub loogu haystay inay Maxkamadda hor yimaadeen.
120-badmaax oo Soomaali ah ayaa waxay dacwadeeda ka socotaa Maxkamad degmadda Sweri ee dalka Hindiya, iyadoo lagu soo oogay fal-dembiyeedyadda Burcadnimo, Afduub, Dil iyo dagaal ay la galeen Hindiya.
Garsooraha waxa uu u yeeray Badmaaxiintaasi horey looga soo badbaadiyey Burcad-baddeeda Soomaalida, iyadoo Badmaaxiintaasi u kala dhasheen dalalka TurkeyIranThailand,PhilippinesMyanmarBangladeshiiiyo Pakistan.
Badmaaxiintaasi, ayaa waxay horey qoraal ahaan u saxiixeen inay ku markhaati furi doonaan Burcad-baddeeda marka la maxkamadeynayo, iyadoo dhegeysiga Maxkamaddu bilaabantay bishan 21-da.
Hadal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in qoraallo loo kala ditay Qunsulliyadda Toddobadda da[ ee ay ka soo kala jeedaan Badmaaxiinta horey u afduubnaa ee Markhaati ahaanta looga doonayo Maxkamadda.
Dhegeysiga Dacwadda loo haysto 120-ka Burcad-baddeedda Soomaalida,ayaa ku soo beegantay iyadoo Koox ka tirsan Burcad-baddeedda ka codsadeen in la soo daayo Burcad-baddeeda saaxiibadooda si ay iyagana u sii daayaan 46 Badmaaxiin u dhalatay Hinidi oo ay afduub u haystaan.
Dhinaca kale, Labo arday oo Soomaali ah ayey Boliska Hindiya ka codsadeen inay Turjumaan u noqdaan Burcad-baddeeda inta ay dacwadda ku socoto, iyadoo Ardaydaasi Maxkamadda hor tegeen.
Ardaydaasi ayaa lagula heshiiyey in midkiiba la siiyo lacag dhan Rs 3,000  ([acagta Rubbiga Hindida) halkii mar ee ay Maxkamaddu dhegeysanayso dacwaddaasi.
W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Soo Xuliddii Golaha Deegaanka Dhanka Galmudug Oo Dib Udhacay Iyo Guddigii Loo Xilsaaray Oo Kawaramay Sababta

$
0
0


 
Guddigii loo xilsaaray Diyaarinta Golaha Deegaanka  Degmada Galkacyo ee maamulka Galmudug ayaa maantay waxay shaaciyeen in Howlihii Diyaarinta uu dib udhac kuyimid Kadib markii Caqabado ay kazoo wajeheen habka waxqaybsiga Golaha Deegaanka
Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Kuxigeenka Loo xilsaaray Diyaarinta Golaha Deegaanka Oo Maanta Shir Jaraa,id Si wada jira ugu  Qabteen  Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegeen in intii ugu badnayd ay diyaariyeen Golaha Deeganaka hase ahaatee ay dib uga dhacayso waqtigii loo qabtay in ay dhacdo Doorashada Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Dhanka Galmudug
C/wali  Sh. Cali Gudoomiyaha Gudiga ayaa sheegay in 29bishaan loo balansanaa dhamaystirka Golaha deegaanka 1da Febraayo ay ahayd in ay dhacdo Doorashada Duqa balse waqtigaasi ay waxba suurtagal noqon waayeen ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga
 
Gudoomiya Kuxigeenka Guddiga Diyaarinta Max’ed Mahad Gaaraxo ayaa  Xusay in ay Wadaan shaqadii loo igmaday Isla Markaana loo Baahanyahay in wax kasta loo Maro Habkii loogu tala galay  Balse  aan la deg degin wuxuu kaloo xusay in uu MaamulkuWado  qorshayaal kale oo ay Ku Doonayan in ay Degma kasta Oo Galmudug katirsan ugu Samaynayaan Gole Deegaan Oo iyagu Iska Soo dhexdoorta Gudoomiye  taa oo Hada Laga Bilaabay Galkacyo  Samaynta Gole deegaan Oo doorta gudoomiyahoda waa Talaabo loogu tala galay In Shacabku Keensadaan Shaqsi ku Yimaada Rabitaankoda ayuu Yiri Max’ed Mahad Gaaraxo gudoomiye Ku xigeenka Guddiga diyaarinta Golaha deegaanka Degmada Galkacyo.
 
Nidaamka Diyaarinta Golaha deegaanka Degmada Galkacyo ayaa Dhawaanahan ka socday Magaalada waxaana jira Tiro Musharixin ah oo utaagan Qabashada Xilka Maayarka Magaalada wallow Shuruudo adag La Hor dhigay Shaqsiga doonaya In uu Noqdo Duqa Degmada.
 

Ruuxii Isku Qarxiyay Madaxtooyada oo la aqoonsaday.. “Daawo Video”

$
0
0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka hashay qarixii nin isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu ka fuliyey aqalka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan meel ku dhow Safaaradda Dowladda Itoobiya ee Muqdisho iyo hoyga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo goordhawayd shir jaa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in qaraxaas uu fuliyey nin nafti halige ah, islamarkaana ay fashiliyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya aya hadalkiisa intaa ku daray ka hor inta uusan ninkaasi is qarxin uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kaddibana uu qarxay.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO WASIIRKA OO KA HADLAYA ARINTANI:

Wasiirka Warfaafinta ayaa carka ku dhuftay in ninka is qarixiyey uu horay uga tirsanaa Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya balse haatan waxa uu sheegay in shaqadii laga ruqseeyey.
“Qaraxaas khasaaraha ka dhashay haddii aan idiin faah faahin waxaa ku dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, Saddex kalena dhaawacyo ayey qabaan, waxaana qaraxaas ka dambeeyey oo soo abaabulay kooxaha nabaddiidka ah balse ciidamada Dowladda ayaa fashiliyey” ayuu warbaahinta u sheegay goordhawayd Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda ma jiro Cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi Ismidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay meel ku dhow guriga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xaalad Dagaal oo ka dhex Taagan Shacabka Bu’aale & Alshabaab.

$
0
0

Wararka imaanaya Magaalada Bu’aale ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal,taasoo laga cabsi qabo inay dhexmarto Dadka deegaanka iyo Xarakada Alshabaab.
Xiisadan ayaa timid kadib markii Alshabaab ay Jimcihii la soo dhaafay ay ku dileen Duleedka Bu’aale Nabadoon Daahir Ceydiid, waxaana Nabadoonka uu diiday inuu bixiyo Zakada, iyadoo Alshabaab ay dileen marki dambo kana qaateen wixi uu heystay.
Alshabaab ayaa dilka kadib waxa ay bilaabeen inay la hadlaan Nabadoon kale oo ay isku heyb yihiin Nabadoonka ay dileen, kaasoo ay rabeen inay kala xaajoodaan dilka ay u geysteen Nabadoon Daahir Ceydiid, balse waxa ay Nabadoonada sheegeen inaysan xal la galayn Alshabaa, taasoo hadana sababtay in Alshabaab ay xabsiga dhigaan 3 Nabadoon oo caan ka ah Bu’aale.
Hadana Ehelada Nabadoonada iyo Beesha ay ka soo jeedaan ayaa bilaabay inay Hub aruuris galaan, waxayna saacidihii ugu dambeeyay heleen Hub badan,waxaana laga cabsi qabaa inay fooda isdaraan Dadkaasi careysan iyo Alshabaab.
Wararka laga helayo Bu’aale ayaa sheegaya in shacabka ay Alshabaab ku tilmaameen inay si isla weyni ku jirto ay ku dileen Nabadoonka, kuna xirteen kuwa kale, iyagoo sheegay inaysan u dulqaadaneynin oo ay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah Alshabaab.
Saraakiisha Alshabaab ee ku sugan Bu’aale ayaa wali ka hadlain arintan Hub aruursiga ah iyo xaalada kacsan ee ka jirta magaaladaasi, waxaana suuragal ah in Alshabaab ay la xaajoodaan Dadla deegaanka.

Tuugii ugu Weynaa Wadama Reer Yurub oo Gacanta lagu dhigay.

$
0
0

Ciidamada Booliiska dalka Spain ayaa ku guuleeystay in ay soo qabtaan ninkii ugu weeynaa Mafiyada kaas oo in mudo ah laga baadi goobayay dalal ku yaala Qaarada Yurub. Ninkaan oo u dhashay dalka Ruushka waxaa la la qabtay 3 nin iyo hal Dumar ah.
Ninkaan oo dhanka Tuugnimada iyo kala iibsiga Hubka gacan loogu taagay waxa uu sidoo kale Xariif weeyn ku ahaa isaga oo dalalka Yurub soo galin jiray Lacag EURO Buk ah ka dibna waxa uu ka dal dalan jiray Lacagta nadiifka ah kaas oo la sheegay in ay dhankiisa ku maqan tahay Aduun kor u dhaafaya 56-Milyan oo Euro.
Ninkaan Mafiyada ah ayaa waxaa la shaaciyay in ay adkeed si lagu qabto maadaama uu aad u taxadar badnaa waliba ahaa Tuug hubeeysan oo waliba sameeystay rag saaxiibadiis ah oo kor ka waardiyeeya.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live