Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Xubno Al-Shabaab Ka Tirsan Oo Ay Qabteen,Sheegayna In Saraakiisha Kooxdaas Ee Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Yihiin Dambiileyaal Caalami Ah Oo Aan La Cafiyi Doonin

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sheegay inaanay cafiyi doonin Ragga Saraakiisha ah ee hogaamiya Kooxda Al-shaab ee dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isaga oo xusay inay cidda ay cafiyi karaan yihiin dhalinyarada oo uu tilmaamay inay yihiin qaar la khalday.
Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo la hadlay Idaacadda voa-da ayaa waxa kale oo uu sheegay inay amaanka Somaliland heegan geliyeen oo ay isu diyaariyeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen cidii wadda falal amni darro ah, isla markaana aanay cidna uga haybadaysanaynin taasi, waxaanuu xusay inay qabteen Xubno kooxda Al-shabaab ka tirsan oo ay ku qabteen Magaalada Laascaanood.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Guud ahaan Somaliland waa dal soo jiray muddo ka badan Labaatan Sanno oo intaasba ay nabad gelyadiisu ay koraysay oo ay halkii ugu wanaagsanayd ayey maraysaa, Hay’adaha Amaanka Somaliland way dhisan yihiin, Dawladda Ingiriiskuna waxa weeyaan mid Somaliland siisa dhaqaale ay kaga taageerto dhinaca amaanka, waanay dhacdaa mar mar in Hay’adaha war doonka ee UN-ku ay helaan war aanay haynin Hay’adaha Somaliland, waxaanu iska kaashan jirnay taas, markaa Somaliland iyo Hay’adaha amaanka dalka midna kala may soo xidhiidhin, waxaanay ballan qaadeen inay muddo afar cisho gudohood ah ay kaga soo jawaabi doonaan oo ay u tegi doonaan wefti ka socda Somaliland, Hay’adaha amaanka Somaliland way ku filanyihiin sugidda amaanka iyo amaanka Ajaanibka dalka ku sugan, Faysal waxaan u sheegayaa inuu waxa uu sheegayo xaqiiqada jirta, Dawladdii hore ee uu tan maanta jirta bar bar dhigayana waxa dhacay ma jiraan oo dawladii hore qaraxyo ayaa dhacay, laakiin tan wax dhacay ma jiraan cid ajaanib ah oo la afduubayna ma jirto, markaa Faysal waxaan leeyahay horta war raadi oo xaqiiqada jirta ogow, dalkuna waa dal dhismaya oo koraya, ciidanka booliskana ma aha inuu dhaliilo e waa inuu amaanaa, dawladda ingiriiskana inaanu six un ugu jawaabno ma doonayno ee waa inaanu nidhaahnaa side ayey wax u dhexeen, mudaharaadkana waxa samaynayey shacabka oo sheegayey in amaanku yahay mid buuxa, waxaanan jeclaa Faysalow inaad taas tidhaahdo odayaasha dalka ayaad ka mid tahaye waa guul ayey ahayd”
Wasiir Duur mar uu ka hadlayey Al-shabaabta firxadkeeda waxa uu yidhi “Waxa hubaal ah in Al-shabaab lagaga adkaaday Dagaalkii koonfurta Somalia, Dagaal ayaanu kula jirnaa inaanay suura gal noqon inaanay Al-shabaab usoo guurin Somaliland, waxaanyAl-shaab  ka faa’iidaysataa meelaha aanay maamulku ka jirin, waxaynu ognahay goobaha Somaliland Xudduudeeda ka mid ah ee aan laakiin Maamulku gaadhin, meelahaas oo ah Bariga Sanaag ee iga Xudduudda aanu la leenahay Puntland oo ah Maamulkaasna Xadkiisii inay meelahaas isku urursanayaan Xubno Al-shaabaan ah oo ka soo haajiray Koonfurta Somalia, taasna si wayn ayaanu ula soconaa oo waxaanu rajaynaynaa Puntland iyo Somaliland-ba inaanu ka wada shaqayno, waa u halis ama waa u cadaw in Al-shaabaab ay halkaas xarumo cusub ay ka samaysato, taasna taxadirkeeda ayaanu qabnaa, runtiina Hawl gallo aad u ballaadhanna waanu qabanay oo Laascaanood ilaa Sideed qof  oo Al-shabaab ka tirsan ayaanu ku qabanay oo dilaalna fuliyey qaarna ay gacanta kula jiraan, meelaha kale ee dalkana dad badan ayaa hadh iyo habeenba la qab qabtaa, mana soo bandhigno oo waxan ayaanu qabanay ma nidhaahno oo waa masuulayaddayadii, laakiin hawl galladu hadh iyo habeenba way socdaan, taasna taxadirkoodana waanu leenahay”
Wasiir Duur waxa kale oo uu ka hadlay Cafiskii uu hore u sheegay inay u fidinayaan xubnaha Al-shabaab ku jira ee Somaliland u dhashay waxaanuu yidhi “Dhalshada Somaliland kumaan koobin ee waxaan sheegayaa waa dadka caruurta ah ee la duufsaday, Xubnaha Somaliland u dhashay ee Al-shabaab ku jira waxa ka mid ah Hogaamiyeyaal waaweyn oo Hogaamiyeyaasha Al-shabaab ee ugu caansan waxay ka soo jeedaan Somaliland, markaa intii Dunida dambi ka gashay marnaba cafiyi mayno, laakiin sida Somalia ama aduunka kale ka dhacda waxa jira dhalinyaro aan garaadkoodu ku filnayn oo la khalday, kuwaas oo ay waalidkoodna garab socdaan inay gacanta ka soo qabtaan, markaa kuwa aanu u jeednaa waa kuwaas dhalinyarada ah, markaa ma aha kuwa ku can baxay dambiile nimada iyo hogaamiye nimada Al-shabaab oo waanu kala saaraynaa labadaas, inaanu amaankayaga sugnaan ma aha mid aanu cidna abaal kaga doonayno”
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur oo ka hadlayey dhibaatooyinkii ka dhashay Doorashadii deegaanka waxa uu yidhi “Masuuliyiintii tar tamayey Doorashadii Deegaanka Somaliland, ayaa u adeegsaday qaab qabyaalad ah oo dhibku taas ayuu ka dhashay, eeduna waxa weeyaan Masuul tar tamayey oo hadhay oo qabyaalad wax ku raadinaya oo qabiil dabada gelinaya, waana dhibaatooyinka Haysta Somaliland, mana aha in Masuul urur dhacay uu magiciisa sheegto ceeb ayey ku tahay”
Hargeysa Somaliland


Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe oo dhalliilay qaabka ay Somaliland uga jawaabtay dhawaaqii Ingiriiska iyo Mudaharaaddada la dhigayo

$
0
0

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa dhalliilay qaabkii ay Somaliland uga jawaabtay dhawaaqii ingiriisku uu kaga digay amaanka Somaliland, waxaanuu sheegay inaanay ahayn inay si is bar bar yaac ah uga jawaabaan oo ay sida ingiriiska uu hal masuul oo kelyaata ahi uga hadlo, waxaanu ka soo hor jeestay inay mudaharaado la dhigo, isaga oo sheegay inay ahayd in si toos ah loogala hadlo ingiriiska
Boobe Yuusf Ducaale oo ka hadlayey Idaacadda voa-da ayaa waxayidhi “Ilama aha arintaasi waddadii ku haboonayd, oo waa markii ugu horaysay ee ay waxan oo kale nala kulmaan ilaa 1991-kii, mana aha inaynu Ingiriiska Mudaharaad ku tusno sida aynu uga xunnahay arrintan, waxaana jira wax khasbay in ingiriisku sidaas yidhaahdo, waxaanan soo jeedin lahaa inaynu kala xidhiidhno Ingiriiska waxa ka si ah xidhiidhkii labada dal ee uu sheegayey Safiirka u fadhiya Kenya Mark Bowden, sida ay Dawladdu uga hadashay ma ahayn qaab wanaagsan, waxaanay ahayd in masuul ayaa ka hadlay arintaase uu iyagana hal masuul kaliya ka hadlo, Xaqsoor-na waxa looga baahanyahay in wakhtiga uu ku lumiyey iyo war warka ka haya Wasiirka arimaha gudaha oo kale uu ka hayo oo xasan ciise uu sidaas oo kale yeelo, shirka Ingiriisku uu qabanayaana waa mid guud oo waxa la is waydiin doonaa Somaliland ma ka qayb gelaysaa mise kama qayb galayso, amniga Somaliland waxa gacanta ku hayaa”
Hargeysa Somaliland

Faaqidaadda: Digniinta Britain Iyo Jawaabta Somaliland

$
0
0

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa uu ku saabsan yahay digniintii Britain ee ka dhanka aheyd amaanka Somaliland iyo Jawaabta ay Somaliland ka bixisay digniintaas.

Amoud Foundation Annaul Fundraising‏

$
0
0

Amoud Foundation Annaul Fundraising

Annual Fundraiser

 We Invite You to Join Us:
“Touching Lives Through 15 Years
of Giving and Caring”
Tickets $25 – Childcare provided
March 9, 2013 – 6:30 to 9:00 pm
  
Embassy Suites DFW South
4650 W. Airport Fwy, Irving, TX 75062
Keynote Speaker
Prof. Seleban Ahmed Guled
President of Amoud University
 
Motivational Speaker
Mounzer Taleb

 
ENTERTAINMENT
Baba Ali, Comedian                  Hossein Behizad, Poet
www.ummahfilms.com                       www.spokenwordz.com
  

‏ 

  

 
   
Click on donate buttonto support Amoud projects 

Video Blog #1: Funny Things You See During Jummah (Pilot)

 YouTube
Video Clips
of Entertainers

Spokenwordz – For My Muslim Wifey

    
www.amoudfoundation.com
Toll free 1-866-926-6831
 
Who We Are

Amoud Foundation is a non-profit organization based and incorporated in the State of Texas. Amoud Foundation’s mission is to relieve the suffering of the poor in Horn of Africa by supporting the establishment of hospitals, educational facilities, orphanages, community wells, and providing other relief services such as, emergency food and shelters to victims of famine and natural disasters.  Amoud Foundation was founded in 1998 in Irving, TX.

Join Our List

 

Contact Us

972-871-8297
TOLL FREE 1-866-926-6831
  
  Mail Donations to:
Amoud Foundation
PO Box 165614
Irving, TX 75016

Amoud on Facebook

Like us on Facebook!

  

Weekly Newsletter
January 31, 2013

Amoud Foundation for Education and Development

 

Annual Fundraiser
 We Invite You to Join Us:
“Touching Lives Through 15 Years
of Giving and Caring”
Tickets $25 – Childcare provided
March 9, 2013 – 6:30 to 9:00 pm
  
Embassy Suites DFW South
4650 W. Airport Fwy, Irving, TX 75062
Keynote Speaker
Prof. Seleban Ahmed Guled
President of Amoud University
 
Motivational Speaker
Mounzer Taleb
 
ENTERTAINMENT
Baba Ali, Comedian                  Hossein Behizad, Poet
www.ummahfilms.com                       www.spokenwordz.com
  

Thanks You to our supporters at local Masajid in

 Edmond, Lewisville, Irving,
  Denison, and Syracuse, NY 
Amoud Foundation would like to thank our sisters and brothers in the following communities for supporting our orphan and hospital projects in January 2013!
  
Islamic Society of Edmond  *  Texoma Mosque
Islamic Association of Lewisville-Flower Mound
Valley Ranch Islamic Center  *  Syracuse, NY

 

 

IBRAAHIM ROOMBE: “Guul Taariikhi ah ayaa laga soo hoyay Tartankii Kubadda Kolayga Ee FIBA Zone

$
0
0


 
 
 
 
 
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga  Ibraahim Xuseen Cali [ Roombe] ayaa xusay in guul taariikhi  laga soo hoyay  ciyaarihii Zone V ee Koobka Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, kaas oo xulka wiilasha Kubadda Koleyga  uu sheegay  inay ka keeneen guul  iyo sharaf  u soo hoyatay guud ahaan bahda isboortiga  gaar ahaanna Kubadda Koleyga dalka.
 
 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [Roombe]

Guddoomiye  Ibraahim Roombo ayaa isagu muujiyay in iskaashi balaaran ay ku timid guusha la gaaray wuxuuna xusay inuu  u Mahadcelinayo  inta kala qeybqaadatay Xiriirka  taabagelinta ka qeybgalka ciyaaraha  Zone V  ee ka dhacay dalka Tanzania, sidoo kale wuxuu  tibaaxay in XSKK ku tashan doono  Xiddigihii guusha lama iloobaanka horseeday.
 
 
“In Ciyaaryahano awood sare muujisay garoonka aan la shir-tagno Semi-Finalna soo tiigsadaan waxay ku timid iskaashi ku dheehan wadaniyad, hiil iyo hooba, waxaan rajeynaynaa in mar walba aan muujino ka xiriir ahaan wadashaqeyn sareysa  oo aan la yeelano dadka jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed  meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waad la socotaan  Xiriirka wax dhaqaale kama helo Xiriirka Caalamiga FIBA, ma jiraan meel uu  XSKK si rasmi ugu tashan karo marka Xulka Qaranka uu ka qeybgalayo Tartamada Caalamiga. Laakiin waxaan hubaa haddii si wadajir la isku kaashado sida tan aan dhowaan ka qeybgalnay oo kale natiijo wanaagsan ayaa noo soo baxaysa, waana ku talinayaa in sharafta Kubadda Koleyga u baahan yahay in loo wajaho iskaashi  ka yimaada dal iyo dibadba -  Dhanka  kale waxaa ii farxad ah inaan wax yar ka hor aan FIBA AFRICA  ka helnay  warqad Hambalyo ah iyagoo muujinaya sida wanaagsan ee uu ka qeybgalkeenu ahaa iyo xiisaha xulka Kubadda Koleyga Soomaaliya ay u yeeleen guud ahaan Tartankii  ZONE V ee socday 21-26 Janaayo 2013″
 
“Sidoo kale waxaa guul Taariikhi ah Record-kii galay diiwaanka [FIBA HERITAGE RECORDS] ee uu dhigay ciyaaryahan Faysal Jaamac, ciyaartii 11aad  ee ay Soomaaliya kaga hortimid Rwanda taasi  oo uu xaqiijiyay hal kulan  59 dhibcood, iyadoo horay uu u haystay Rikoorkan ciyaaryahan reer South Korea ah laguna magacaabo Hur Jae oo isagu dhaliyay 54 dhibcood hal kulan” ayuu Guddoomiyaha XSKK ugu  warbixiyay saxaafadda.
 
Si kastaba, Guddoomiyaha XSKK  Ibraahim Xuseen Cali [ Roombe] ayaa  ugu baaqay bahda Isboortiga ee jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliya inay muujiyeen isku-xirnaan, isla markaana gacanta ay ka geysteen ka qeybgalka ciyaarahii [Zone V] ay sidoo kale  gacan lixaad leh ka geystaan kuwa kale ee ku soo fool leh. wuxuuna tibaaxay in xiriirkiisu  dhabarka u xiranayo horumarinta Kubadda Koleyga marxalad kasta oo uu dalku marayo uuna diyaar u yahay  mar walba wixii talo iyo tusaaleyn ah ee kor loogu sii qaadayo ciyaaraha Kubadda  Koleyga Soomaaliyeed.
Source-Hol

Subject: The Trial of the Somali Journalist, Abdiasis Koronto Started in Mogadish

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network) Somali journalists gathered at the regional court on Saturday morning, February 02, 2013 both to show solidarity and report the trail of the Somali Journalist, Abdiasis Abdinur Ibrahim (Koronto) who was accused insulting state institution and fabricating a false story, following his interview he conducted with a Somali woman who said that she was raped.
The hearing started at 12:35pm local time and the precede judge, Ahmed Adan announced that the court is open and asked the Attorney General, Abdulkadir Mohamed Muse to present witnesses and evidences in support of the charges against the journalist and the four held in connection with the rape case.
The prosecuting attorney who is the Somali Attorney General, Abdulkadir Mohamed Muse presented the interview of the journalist conducted and his job accreditation card provided by Ergo Radio and four witnesses against the alleged rape victim. Though the preceding judge said that “these are not enough for your charges”.  This is contrary to the earlier claims of the Attorney General following his last week’s media conference in which he declared that the file has been successfully completed.
The Attorney general requested two days to bring more witnesses and evidences and  the preceding judge announced that the court is closed and will resume on Tuesday morning,  5 February, 2013 at 8:00am in the morning for the next hearing.
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is disappointed about the continued detention of the journalist, which is in detention since January 10 and call for the Somali government to urgently drop the charges against the journalist and respect the freedom of expression and the press.
“Keeping the journalist in jail for a long time, for only interviewing a woman allegedly gang raped by members of the state security and charged for insulting the state institution and fabricating a story, is a matter is great concern among the Somali media practitioners.” Mohamed Ibrahim, NUSOJ Secretary General said, “The government must drop the charges and release the journalist and call for respect of the freedom of expression and the freedom of the press, which is currently at stake and bring the journalists’ killers to justice”
Somali journalists are confident that the journalist, Abdiasis Koronto has nothing to do with the alleged charges and reiterated that to interview a victim is not a crime and are very hopeful that Abdiasis be released soon.
The journalist, Abdiasis Koronto was arrested on January 10, 2013 and was accused of interviewing a woman, who alleged being raped by state security forces. The interview has not been published on any media outlet. At the same time, the Somali Police claims that this journalist is the author of a reportage that appeared on Al Jazeera/Universal TV. The police searched Abdulasis’s home twice, took his laptop and digital voice recorder.

For further information, contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Press House, Taleex Street, KM4 Area, Hodan District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944,
e-mail: nusoj@nusoj.org.so / newsletter@nusoj.org.so
Internet: http://www.nusoj.org.so

War-Saxaafadeed: Xisbiga UCID Oo Somaliland U Soo Jeediyey In Maalinta 2-Bisha February Loo Aqoonsado Maalinta Hub Ka Dhigista Somaliland

$
0
0

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Mucaaridk ah ee UCID ayaa waxa uu ku sheegay in loo  baahanyahay in 2-da bisha February loo aqoonsado Maalinta hub ka dhigista Somaliland, ka dib markii Ciidamadda Somaliland qaar ka mid ah la siiyey derejooyinka kala duwan ee ay ku kala sareeyaan.
War-saxaafadeed kan oo uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee Xisbigaas Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa isaga  oo dhamaystiran  waxa uu u dhignaa sidan “Marka hore talaabada ay xukuumadu qaaday ee hirgelinta derejada ciidamada Somaliland Xisbiga UCID wuu soo dhawaynayaa. Waa talaabo aan hore loogu dhiiran. hadii sida ay dadka qaar qabaan ama ka baqayaan ay wax ka qaldan yahiin  ama aanay wada sax ahayn waxa aanu u aragnaa kolay ba in ay tahay talaabo loo qaaday dhinacii saxa ahaa.
2.    Sagaal iyo toban sanadood ayaa ka soo wareegay markii ay xoogagii ugu horeeyay Ciidankii Xoraynta EE SNM ay dhamaan hubkoodii waawaynaa ku wareejiyeen gacanta dawladda Somaliland. Waxay ahayd 1dii bisha February 1994kii markii guutadii ugu horeysay –Gt 10aad- ay hubkeedii dawladda gacanta u gelisay,.taas oo keentay in intii kale na ku dayato oo si is daba joog ah ugu dhiiradeen in ay hubkooda ku wareejiyaan dawladda.
Hub dhigiistii xoogaga SNM iyo dhamaan maleeshiyooyinkii beelaha waxa dunida looga yaqaan “ MUCJISADA SOMALILAND”, waayo waxa ilaa iyo hadda aan dad badani fahmi Karin sidii ay Inoogu suurto gashay, iyada oo la ogyahay in bulshada caalamku gacmaha ka laabteen  oo aanay wax ba inaga tarin.
Xukuumadaha kala dembeeyay ee Somaliland waxay hub dhigista ka dhigtaan wax ay ku faanaan marka Somaliland ay uga xog waramayaan cid shisheeye ah. Lakiin 19 sanadood mar keliya lama xusin hub-dhigistii oo ay nu wada ognahay qiimaha ay ugu fadhido geedi socodka qaran dhiska Somaliland
Sidaa darteed, Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka (UCID) waxa uu Somaliland ku baraarujinayaa in bisha February la xuso hub ka dhigistii kooxaha hubaysan iyada oo 1da bisha February na loo aqoonsado MAALINTII HUB DHIGISTA SOMALILAND.,
 
-WA BILAAHI TAWFIIQ-
 
G/xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID
 Cali Maxamec Yuusuf (Cali gurey)
 
Hargeysa Somaliland

Israel oo ka hadashay weerarka Suuriya

$
0
0

Israel ayaa ka hadashay markii ugu horaysay weerar diyaarad ee ay ku qaaday toddobaadkan Suuriya.


Wicitaanka: Garyaqaan Ceydiid Cabdullaahi (Ilka Xanaf)

$
0
0

Barnaamijka waxa maanta marti ku ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalia, Garyaqaan Ceydiid Cabdullaahi (Ilka Xanaf)

Urur-siyaasadeedkii Doorashadii deegaanka ku hadhay oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye + (Sawirro)

$
0
0

Urur-siyaasadeedkii ku hadhay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee Dabayaaqadii sannadkii tegay ka dhacday Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ula midoobay Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, kaas oo maanta munaasibad ballaadhan loogu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargrysa, waxaana m









unaasibaddaasi  ka qayb Galay Masuuliyiinta labada dhinac oo ay kala hogaaminayaan labada Guddoomiye ee labada dhinac.
Hargeysa Somaliland
 

wasiirkii Hore ee Maaliyadda Somaliland oo ka hadlay Derejooyinka la siiyey Ciidamadda.

$
0
0

Haddii aan ku horeeyo, Qaab-Dhismeedka Qaranka: “Qod. 37-2. Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka……., Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay”.
Waa ku talagal is-dheelitir ah. Qoraalkani, wuxu ku saabsan yahay, sidii loo sixi lahaa gafafkii is-biirsaday ilaa1991. Sida musuq-maasuqa baahay iyo Dastuurka, la baal-maray. kuwaas oo halis ku ah horumarka Dalka.
Waxana maamulka la toosin karaa, marka lagu dhaqanka sharciyada Dalka. Kuwaas oo Sal u ah: Cadaaladda, Nabad-galyada, Kobcinta dhaqaalaha & horumarka dalka guud ahaa ba. Waxa Dalka soo maray affar Madaxweyne, oo lagu dhaariyay:
DASTUURIGA Qod.129. “Waxaan Ilaahay Ugu Dhaartay In Aan U Noqonayo Daacad Diinta Islaamka, Dalkayga Somaliland, Dadkiisana Ku Maamulayo Sinnaan Iyo Caddaalad Inta Aan Xilka Hayo”. Haddii aan ku bilaabo, dhaqaaluhu waa laf-dhabarka Dawladi ku tamariso. Waa In la kobciyo kharashkana la dhimo, si dalka u dhismo dadweynuhuna daryeel u helaan. Waa arrin muhim ah, oo mudan ku talo galkeeda. Affarta Madaxweyne ee hogaanka Dalka soo maray, laba way geeriyootay ( A H N). Labada NOOL ayay faaladani khusaysaa, oo wadaga:- Burinta Dhaarta, Baal-maridda Dastuurkaiyo ku Tagrifalka hantida Qaranka. 1.Madaxwene Rayaale, muddadi xilku waxa ay kaga dhamaatay, adduun urursi iyo Daaro iibsi. Waxa kale oo laga dhaxlay, deyn ka badan, (U.S.D. toddobaatan milyan ($ 70 milyan), oo ayna ku jirin, daarihi iyo dhulkii Dawladda ee ay iibiyeen. WuxuRayaale TAHLI waayay, inuu bixiyo affar bilood Mushaharkii shaqaalaha, kii ciidamadana laba bilood. Waxa kale, oo deyn badan lagaga yeeshay: Raashinkii jeelasha, cusbataalada iyo ciidamada. Kharahkii hawl socodsiinta Jan-July 2010 oo ahaa; $ 22 milyan, dawladana bixisay. Xukuumadda Rayaale ma gaadheen bishii Sept. 2010, haddii aan doorashadii ka soo gaadhin.2. Madaxweyne Ahmed Maxamed wuxu yidhi, waxba uraacimaayo, hantidii Rayaale iyo Xukuumaddisii lunsatay.Ilaalinta hantida Qaranku waa waajib saran Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Waxanay ku caddahayDastuurka Qod.96-t.Ku xad gudub Dastuurka.
Mudnaanta Siyaasadda A. Dibadda, Daryeelka Dadweynaha Iyo Horumarka Dalka.
Aqoonsigii Somaliland ee 26 June 1960, halagu raadiyo, siffo sharci. Khudbaddii Madaxweyne Axmed ee 30 Jan 2013 qaybtii A. Dibaddu aad bay u fiicnayd. Balse waxa ay noqon, hal-bacaad lugu lisay, haddii laga qaybgalo shirka Somalia loo qaban doono May2013, ee Somaliland loo aqoonsan yahay, dawlad goboleed Somalia ka mid ah. Waa KHAYAAMO QARAN KA QAYB-GAL KEEDU. ARRINTA Somaliland way ka culus tahay, sheekaysii laba Madaxweyne, isu hor fadhiistaan. Waa in wada hadalku ahaado mid, innaga iyo iyaga ah, oo ka baxsan shirka goboleed Somalia. La soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland waa GO’AAN AFTI- DADWEYNE. Waa in garyaqaano caalamiya iyo xog loo urursado, wada hadalada. Hay’adaha ajnabiga ee Dalka ku jooga, magaca Somalia, waa marag ,qiraal ah in aynu qayb ka nahay Somalia. Hay’aduhu ka joogeen Dalka magaca Jamhuuriyadda Somaliland ama DHAKHSO ha innoo dhaafeen. Baahiyaha iyana xusidda mudan:- In miisaaniyadda lagu daro waxa ka mid ah, dawada Umulaha oo ANGELA GORMAN- British, inagu caawiso, sidii loo yarayn lahaa dhimashada umulaha. Laba iyo tobankii UMULOOD ba (1/12) mid GEERIYOOTO. Dawooyinkaa umuluhu waa:- MAGNESIUM SULPHATE. Qiimuhu yahay: Ampoul sls 10,000 ama 1 tab 2,000 sls iyo MISOPRTOL 1 tab. sls 5,000 Umushii ba. Waa wax jaban. In miisaaniyadda lagu daro, $ 240,000 sannadkii, si bukaan-jiifka kalyuhu fadhiistaan, looga dhimo kharashka dawada. “HAANI GUNTAY KA TOLANTAA”. Xukuumaddu, xil ha iska saarto daryelka, Shaqaalaha iyo ciidamada. Sannadkii 2011 waxa loo kordhiyay mushaharka 100%. Talagalku wuxu ahaa, 100 % kale, in loo kordhiyo. Shanti sano ba, lagu jaan-gooyo maceshadda Dalka. Qod. 20- 3. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan…. Qod. 20- 5 shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.TALA-GALKII, KORODHKA MUSHAHARKA SHAQAALAHA / CIIDAMADA SANNADKII.
Darajada
2010
0 %
2011 100%
2012 July 30%
2013 25%
2014 25%
2015 20%
A
$70.58
$ 141.17
$ 183.52
$ 229.40
$ 286.75
$ 334.10
B
$57.63
$ 115.27
$ 149.85
$ 187.31
$ 234.14
$ 280.97
C
$44.42
$ 88.83
$ 115.48
$ 144.35
$ 180.44
$ 216.53
D
$26.00
$ 52.00
$ 67.60
$ 84.50
$ 105.63
$ 126.76
Hargeysa Somaliland

Daawo Sawirada:Ciidamada Midowga Yurub oo Amaan Balaaran Usoo Jeediyay Ciidamo Soomaali ay Tababareyn

$
0
0

Saraakiisha Midowga Yurub ee Tababarka u siineysa ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa amaan balaaran u jeediyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya, iyagoo sheegay in ciidamada ay Soomaaliya ay yihiin kuwa aad u karti iyo dadaal badan, waxaana saraakiisha sidoo kale ay sheegeen in kaalin weyn ay ka qaateen sidii Soomaaliya looga xoreyn lahaa Alshabaab.
Ciiddamadda Dowladda ayaa waxaa lagu soo tababaraa Xeradda Tababarka ee Bihanga (Bihanga Army Training Camp) oo 368 Km dhinaca Galbeed kaga toosan Caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
550 Askari ayaa halkii tababar loo qaadaa, kuwaasi oo muddo 7 bilood loo soo carbiyo Hawlgalladda Milliteriga, Anshaxa iyo Dagaalka Jabhadaynta si ay Kooxda Alshabaab uga hortagaan.
Saraakiisha ayaa sidoo kale aaminsan in Askarta ay soo tababaraan 5% ay alshabaab u goostaan, kuwaasoo Tababarka ay qaataan siiya dagaalyahanada Alshabaab.












 

Daawo Sawirada:Raisulwasaare Saacid oo kulan Gaar ah Laqaatay Agaasimayaasha Wasaaradaha ee Xukumada

$
0
0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Dowladda, isaga oo kala hadlay sidii loo dardargeli lahaa howlaha Dowladda iyo sidii isbedel cusub oo deg deg ah kuna dhisan Horumar loo sameyn lahaa.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmaamay ujeedada kulankan maanta ee Agaasimeyaasha Wasaaradaha inuu yahay mid looga baaraan degayay sidii loo gaari lahaa isbedel cusub oo muuqda, isla markaana loo dejin lahaa Istaraatiijiyad cad oo lagu horumarinayo waxqabadka Wasaaraddaha Dowladda.
“Shirkan waxaan uga gol-leenahay in aanu ku xaqiijino isbedelka cusub ee Soomaaliya ka dhacay uu gaaro faraca ugu dambeeya ee maamulka Dowliga ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in sidoo kale ay ka hadleen sidii fariin isku mid ah iyo Istaraatiijiyad cad ay ummadda ugu gudbin lahaayeen howlwadeenada Wasaaraddaha.
“Mar kasta waxaan la shiraa Wasiirada, balse waxaa kale oo aan maanta la kulmay qeybaha kale ee muhiimka u ah Nidaamka Dowladda, saacad ka hor waxaan la kulmay dhaaman madaxda kaabayaasha Dowladda, anigoo shirkeyga labaadna kula kulmay Agaasimeyaasha Wasaaraddaha” ayuu mar kale yiri R.wasaare Saacid.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in kulamada ceynkan oo kale ah ay qeyb ka qaadanayaan hirgelinta qorshayaasha cusub ee Dowladda iyo isbedelka ay bilowday inay ku talaabsato Dowladda Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

Howlgal Balweyne Laga Fuliyey Iyo Dad Badn Oo Lagu Xir Xiray

$
0
0


Ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa howlgal ay maanta ka sameeyeen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ku soo qabqabtay 25 dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin maleeshiyada al-Shabaab.
Dhallinyarada ayaa la xiray iyagoo la socday gaari ka yimid magaalada Gaalkacyo sida uu saxaafadda u sheegay taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Col: Isaaq Cali Cabdulle.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ay kaga shakisan yihiin dhallinyaradan in ay xubno ka yihiin al-Shabaab, isagoo intaas ku daray in marka ay baaritaan ku sameeyeen ay sii deyn doonaan ciddii ay ku waayaan in ay kooxdaas ku xiran tahay.
Kornayl Isaaq ayaa xusay in howlgalka dadkan lagu xiray uu daba socdo warar sirdoon oo ay heleen oo sheegayo in al-Shabaab ay dib ugu soo celin rabaan Beledweyne kooxo dagaalyahanno ah oo ay hadda ka hor u direen deegaannada Puntland.

Uganda oo ku baaqday dawlada somalia in laga taageero arimo ay ku jirto dib u dhiska ciidamada

$
0
0

Wasiirka gaashaandhiga wadanka Uganda Crispus Kiyonga oo ka hadlayay
xaflad ka dhacday xerada ciidamada Soomaalida lagu tababaro ee Bihanga
ee Uganda  ku taala ayaa waxaa uu sheegay in beesha caalamka looga
baahanyahay inay doorkeeda ka qaadato taageerada Soomaaliya sida dib u
dhiska iyo xoojinta ciidamada.
Crispus Kiyonga waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in ururka midawga
Africa ay ka shaqeeyaan xasilinta Soomaaliya caalamka intiisa kalena
looga baahan yahay inay door ka cayaaraan dib u dhiska iyo taageerada
la siiyo ciidamada dawlada.
Ururka midawga Yurub ayuu ku amaanay inay waqti badan ku bixiyaan
xoojinta ciidamada Soomaaliya si gaar ah waxaa uu carabka ugu dhuftay
tababarada ay siiyaan ciidamada dawladda.
In Soomaaliya ay u baahan tahay xoojinta ciidamada si ay awood ugu
hesho sugida amaanka ayuu sheegay inuu yahay baahida ay hadda qabto
dawlada Soomaaliya.
Midawga Yurub ayaa dalka Uganda ku tababara ciidamada dawlada
Soomaaliya waxaana midawga Yurub ay sheegeen inay illaa iyo hadda ay
tababareen illaa 3,000 oo askari oo Soomaali ah.
 
Buraannews.com-Kampala.
Reporter 1
 


Wasiirka Beeraha Puntland Oo Tagay Dhul Beereedka Gobalka Nugaal {Daawo Sawiro}

$
0
0


Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa kormeer ku tagay deegaan beereedyo hoostaga gobolka Nugaal iyadoo halkaas ay kuyaalaan beero farabadan .
Wasiirka ayaa deegaanada uu tagay waxaa kamid ahaa Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur iyo goobo kale waxana ujeedku ahaa u kuurgelida xaalada dhabta ee dhul beereedka Puntland iyo ka dhageysiga Beeraleyda cabashooyinka ay qabaaan.
Wasaarada Beeraha ayaa beeralayda u balanqaadey in tababaro loo furayo si kor loogu qaado aqoontooda la xariirita dhinaca suuq geynta Dalagyada u soo go’a iyo habka wax baarista miraha qaabka loo isticmaalo sunta beeraha lagu buufiyo ee looga hortago caya yaanka
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Daawo: Arrin Mucjiso ah oo aad uga yaabisay Caalamka Islaamka.

$
0
0

Arin Mucjiso ah ayaa waxeey ka dhacday Wadanka Sacuudi Carabiya waxaana la arkay Malaay Dawaafaya xajka oo maqlaya Codka Xujaayda Dawaafaya. Arintani  waxa ay dhacday Xajkii hore waana arin mucjiso ah.
Hada Aqristoow Muuqaalkani waxaan idiin kugu soo gudbinay ku cibro  qaadasho ee nala daawada.
HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

Cameron oo la kulmay Xasan Sheekh

$
0
0

Raiisul Wasaaraha dalkan Britain, David Cameron ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa Downing Street ee London Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Muqdisho:Dadaal Wax looga Qabanayo Sicirbararka

$
0
0

Hoos u dhac ku yimid safirka doolarka ee M. Muqdisho ayaa keenay inay cunada qutul-daruuriga uu qiimaheedu kor u kaco, dowladuna waxa ay sheegtay inay qaadi doonto talaabo ay sicirbararka ku xakameyneyso.

A meeting over rape is hosted in Mogadishu as allegations of violence against women cases increase

$
0
0

Mogadishu ( Sh.M.Network) The wife of Somali Prime Minister, Asha Haji Elmi who is also an Mp and an award winning activist for the right of women, has today organized and hosted a meeting in Mogadishu where participants have discussed how to prevent rape against women in Mogadishu today.
Prominent members of all civil society groups and religious leaders in the capital have attended this meeting.
Shiekh Nur Barud Gurhan, the spokesman of the Somali religious council who attended and addressed the gathering, welcomed the host of such important meeting by the wife of the Prime Minister madam Asha Haji Elmi and he advised such awareness meetings should be held throughout all the provinces of the country particularly the newly liberated areas of the nation where allegations of rapes are reported from.
Shikh Nur Barud, who is also one of the most prominent religious leaders in Somalia, said that any government soldier found of a crime such as raping a woman should be executed as previously ordered by Somali president Hassan Shiekh Mohamud.
Abduqadir Ga’al Abkow, who addressed the meeting on behalf of the civil society groups has called for this year 2013 should be the year to terminate rape and other crimes against women.
Madam Asha Haji Elmi, who organized and hosted the gathering finally addressed the meeting, said that it is time that rape against women should come to an end and thatshe told that she met and heard first hand account of stories of women who were themselves raped on the road linking Mogadishu to Afgoye while they were on a trip from Merka..
Elmi said that rape is an appalling crime and she said that the Somali government and the international partners need to cooperate how to prevent and stop rape abuses against women.
Asha Haji Elmi, who is an Mp beside being the wife of the Somali Prime Minister, was flanked by women bearing placards of slogans against rape during her address in today’s meeting in Mogadishu.
Shabelle News Desk




 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live