Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dawladda Australia Oo Dadkeeda Uga Digtay Inay U Safraan Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Kuwa Joogaana Ka Baxaan Sheegtayna In Afduub Qorshaysan Ay Kooxaha Argagixisadu Ka Qorshaynayaan Hargeysa

$
0
0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Australia ayaa qoraal ay ku shaacisay boggooda internetka waxay ku sheegeen in muwaadiniinta Danishka ahi ay ka fogaadaan inay u safraan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.
Qoraalka oo dhawr sadar ka koobna ayaa waxay wasaaradda arrimaha dibadda Australia ku tidhi sidani “Digniintani waxaa la daabacay 24 January 2013 ilaa maantana ismay bedelin, xogtani waxay ka koobantahay arrin cusub oo la xidhiidha digniin loo dirayo dadka Australianka ah oo la xidhiidha ammaankooda iyo nabadgelyadooda, xog la hellay badhtamaha bisha january ee sannadkani oo la xidhiidha dhinaca aragixisada ayaa waxay iftiiminaysa in kooxaha xagjirka ahi qorshaynayaan afduubyo loo gaysto dadka ajaanibka ah ee ku sugan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu idiinka digayna inaad u safartaan qayb kasta oo ka mid ah Soomaaliya oo ay ka jirta khataro kooxo hubaysan oo doonaya inay u gaystaan afduubyo, falal argagixiso,  iyo weliba danbiyo aad u khatar ah oo ka dhan ah dadka ajaanibka ah” ayaa lagu yidhi warbixintani lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda dalka Australia
Qoraalkani ayaa ku soo beegmaya iyadoo todobaadkii hore wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriisku ay sidani oo kale ugu sheegtay dadkeeda inay ka baxaan Somaliland taasi oo ka cadhaysiisay xukuumadda Somaliland oo iyagu sheegay inaanay jirin wax amaan darro ah oo ka jira Somaliland, taasi oo keentay in wefdi ka kooban wasiirka arrimaha dibadda iyo madaxa sirdoonka Somaliland ay safar ugu kicitimaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia si ay ugala xaajoodaan arrintani diblomaasiyiinta Britishka ah iyo weliba haayadaha sirdoonka dalka Ethiopia
Sidoo kale ayaa digniin tan la mid ah waxaa shaaciyey wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ireland.
Warka wasaaradda arrimaha dalka Australia halkani guji oo ka akhriso
Saource-Habeegnews


Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain oo London ku kulmay (SAWIRRO

$
0
0


 
 
 
 
 
Waxaa magaalada London, gaar ahaan xafiiska ra’iisal Wasaaraha Britain ee Number 10 ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron.
 
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Britain ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Britain, sidoo kalena waxay isla soo qaateen xaaladda dalka Soomaaliya kaddib dhismihii dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa waxay kulankan si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha ammaanka Soomaaliya oo dowladda Federaalka muhiimadda koowaad ay siineyso iyo sida ay Dowladda Britain gacan uga geysan karto arrimaha Amniga. Sidoo kalena waxay kulankan iskula soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka bisha May ka dhici doona London, kaasi oo ay dowladaha Britain iyo Soomaaliya ay shir guddoomin doonaan.
 
Ra’iisal Wasaaraha Britain David Cameron ayaa intii uu socday kulanka waxaa uu caddeeyay in uu  si diirran u soo dhaweynayo  qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya dooneyso in ay ku shaqeyso, isla markaana ay dadka iyo dalka ku samatabixiso, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay Soomaaliya la garab taagan yihiin taageero dhinacyo kala duwan leh.
 
Sidoo kalena Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dowladda Britain uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya u fidiso, wuxuuna caddeeyay in dadka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin abaalka ay u gashay dowladda Britain.
Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud loogu soo dhaweeyay
10 Downing Street si ka duwan sidii loo soo dhaweyn jiray madaxdii Soomaalida waayo Ra’iisal Wasaare David Cameron wuxuu u soo baxay dibadda si la mid ah sida uu u soo dhaweeyo madaxda kale ee Caalamka, kaddibna wey is-gacan-qaadeen, iyagoo u gudbay halkii loo asteeyay in uu  kulanka ka dhaco, halkaasi oo ay yaalleen labada calan ee labada dal Soomaaliya iyo Britain.
Madaxweynaha Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa 10 Downing Street horay u booqday xilligii Xukuumaddii Gordon Brown, inkastoo maamuuska ay kala duwanaayeen sida ay u kala duwan yihiin dowladaha ay kala metelayeen labada madaxweyne. Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda u dhisan Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa mid kasbaneysa aqoonsiga dowladnimo ee beesha Caalamka.
 
Dowladda Britain ayaa waxay ka mid ah dowladaha waa weyn ee taageerada siisa Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ay Dowladda Britain London ku qabatay horraantii sanadkii hore  shir caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, halka bisha May ee soo socotana ay qorsheyneyso in ay shir kale ku qabato London, kaasi oo lagu taageeri doono Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Xasan Maxamuud ayaa hadal ka jeedin doona Daarta Chatham House, halkaasi oo ay doodo isku weydaarsadeen siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kulankan lagu casuumay.
 
Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada London ayaa wuxuu la kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain iyo Hay’adda kaalmada ee UK. Sidoo kalena  wuxuu la hadlay Soomaalida ku nool UK, isagoo sidoo kalena aqoonyahanno kala qeybgalay Dood-wadaag uu soo qabanqaabiyay TV-ga Universal.
Ka hor intii uusan madaxweynaha tegin Magaalada London ee dalka Britain, wuxuu horay u soo maray Magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uu ku tegay casuumaad uu ka helay Midowga Yurub. Madaxweynaha intii uu ku sugnaa xarunta Midowga Yurub waxaa uu la kulmay madaxda sare ee Midowga Yurub oo si weyn u soo dhaweeyay waaga cusub ee baryay dadka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu horay u booqday dalka Mareykanka, halkaasi oo uu sidoo kale ku tegay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Mareykanka oo uu  la kulmay madaxdeeda sare.
Source-Hol

Nin Xaaskiisa oo 10 Ciyaal ah u heysay ku toogtay Gobolka Mudug.

$
0
0

Nin si weyn looga Yaqan Deeganka Bacaadweyn ee Gobalka Mudug Magaciisana lagu Sheegay Neegar Maxamed Aadan Gurey ayaa Maanta Xaaskiisa ku Toogtay Gurigeeda kaddib Markii ay ku Murmeen Dhanka Qosyka.
Haweenayda la Dilay oo aysan inoo suragelin inaan Mageecada helno ayaa la sheegay in Neegar ay u Haysay 10 caruur ah oo Midka ugu Yar uu jiray 1 Bil oo ay ahayd Umul.
Si dhab ah looma Sheegin waxa Muranka dhaliyay Laakin Dadka deeganka ayaa Raad Raac u sheegay in Ninka dilka Gaystay uu ahaa Darawal Isla Markaana uu ka Baxsaday Goobta Markii uu Dilka Gaystay.
Dadka Deeganka iyo Guud ahaan Gobalka Mudug ayaa walaac ka Muujiyay Markii ay Maqleen arrintan Iyadoo arrinta Naxdinta Keentay ay ahayd Haweenayda oo ka Tagtay Caruur isku Nuug Nuug ah.
Ma ahan markii ugu Horaysay oo arrin Ceenkan ay ka dhacdo Guud ahan Dalka laakin dad badan ayaa aminsan in ay sababan Waayaha iyo Wakhtiga iyo Midda labaad oo ah Ragga Muqadaradka isticmaala oo Dabeecad ahaan ka Duwan Dadka aan Cunin ee Xaladooda ay Caadiga tahay.
iidle Macalin Cumar
Burtinle

Qaabka ay Howlgalada u Fuliyaan Alshabaab oo La Qarxiyay. “Video”

$
0
0

Waxaa Si Fudud nagu soo Gaaray SIR in Mudo ah Ka Qarsanayd Shacabka Soomaaliyeed Kadib Markii Awooda Alshabaab Ay sii Wiiqan Tay Ayaa Waxaa Si Fudud u soo Shaacbaxay Qoshii Alshabaab Ay Ku Dagaal Galin Jirtay Dhalinyarada Soomaaliyeed.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO:

XOG: Dowlada oo wada in ay Xil u Magacaawdo in Dalka Iibsaday.

$
0
0

 Ilaga lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay shabakadda Caasimada Online in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay damacsan tahay in ay xil u magacowdo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horrey xilal uga soo qabtay dowladihii ku-meel-gaarka ee soo maray dalka.
Arrintan oo maalmahan suuqa ku jirtay waxa ay si rasmi ah u soo shaacbaxday markii la arkay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ku jira wafdi madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminaayo ee ku sugan magaalada London.
Illaa hadda si rasmi ah looma ogga xilka loo magacaabi doono wasiirkii hore ee xiririka iskaashiga calaamiga.
Laakin waxa la lee yahay waxaa uu noqon doonaa danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Yurub iyo Britain.
Waxa kaloo la sheegayaa in loo magacaabi doono ninka ugu sareeya ee qaban qaabin doona shirka bisha May ka dhacaya London, kaasoo madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Britain ay isla qaban doonaan.
Waxa uu ka mid ah musharrixiintii isku soo taagay xilka madaxweynaha bishii September sannadkii hore.
Waxa uu tan iyo markii uu ku guul dareestay xilkaas ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Cabdi Raxmaan Cabdi Shukuur Warsame oo siyaasadda soo galay markii midowgii maxkamadaha islaamiga dabayaaqadii 2006  ay burbureen isla markaana ay magangalyo ka raadsadeen dalka Eretria.
Si kastaba waxa u weyn ee lagu xusuusto ayaa ah taariikhdii madow oo uu dhaxlay markii uu ka mid noqday koox wasiiro iyo xildhibaano ah oo Dowladda Kenya u saxiixay inay qaadato qeyb ka mid badda dalka Somalia.
Inkasta oo heshiiskaasi markii dambe ay nasaqee Baarlamankii KMG ahaa ee dalka iyo Qaramada Midoobe, haddana weli Kenya dhul badeedkii ay kula wareegtay saxiixaasi weli ayadaa heysata oo ka billowday inay shidaal ka sahmiso.

Banaanbax looga soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay dalka Ingiriiska iyo Madaxweynaha oo ka hadlay

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeediyay machadka cilmi-baarista ee Chatham House ee magaalada London ee dalka Ingiriiska,  iyadoo intii uu hadalkiisa socday ay dadweyne Soomaaliyeed dibadbax ka horsameeyeen xaruntaas, kuwaas oo Madaxweynaha ka soo horjeeday.
Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin barakacayaasha gudaha, qaxootiga ku nool dalalka deriska ah, arrinta dasturka iyo federaalka, xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo weliba dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed soo maray labaatankii sano ee ay jireen colaadaha.
“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray in ka badan 20-sano oo sharci la’aan ah taas oo ay shacabka Soomaaliyeed ka dhaxleen dhibaatooyin nololeed iyo mid dhaqaale oo badan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in dalku uu hadda ku socdo wadadii uu kaga bixi lahaa dhibaatooyinkaasi.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay waxbarashada, isagoo sheegay in inta badan caruurta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool aysan heysan waxbarasho, balse ay dowladdu waddo qorshayaal ay caruurtaas ay ku heli lahaayeen waxbarasho dhameystiran, ayaa waxa uu yiri “Caruurta Soomaaliyeed 25% ayaa iskuulada aada, 75% ka mid ahna way iska ciyaaraan oo ma heystaan waxbarasho, taasina waxay caddeyn u tahay dhibaatada dhinaca waxbarashada ah ee heysta ubadka Soomalaiyeed”.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu khudbaddiisa ku soo hadalqaaday Al-shabaab, ayaa sheegay inuu jiro xiriir adag oo ka dhaxeeya Al-shabaab iyo kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria, balse aysan ogeyn wax xiriir ah oo ka dhaxeeya kooxda Maali ka dagaalameysa iyo Al-shabaab.
“Colaadihii ka dhacay Soomaaliya waxay sababeen inay dhashaan kooxo uu ku tilmaamay  argagaxiso ah, sida Al-shabaab iyo burcad badeeda oo dhibaatooyin badan laga dhaxlay, sidoo kale colaaduhu waxay saameyn adag ku yeesheen dad badan oo Soomaaliyeed noloshooda” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Mar uu ka hadlay dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku sugan dalalka deriska ah ayuu sheegay in dowladdu ay qorshayaal u dejisay ayna dhawaan maareyn doonto dadkaas, isagoo ka hadlayey cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya ayuu ku celiyay dalabkiisii ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabteynta si ay dib ugu dhiso ciidamada qalabka sida, si ay ula wareegaan awoodda guud ee dalka.
Dadweynihii dhageysanayay hadalada Madaxweynaha ayaa su’aalo dhowr su’aalood weydiiyey, kuwaas oo ku saabsanaa xaaladda dalka, iyadoo uu ka jawaabay Madaxweynuhu dhammaan su’aalihii la weydiiyay, sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay inay gaarsiiyaan dalka oo dhan habka federaalka ah, taasina ay ka horeyso in dastuurka isbedel lagu sameeyo si habka federaalka dalka loogu baahiyo.
Dhanka kale mudaaharaad looga soo horjeedo Madaxweynaha ayaa isla xilligaas ka dhacay illinka hore ee xarunta Chatham House, waxaana ay ku dhawaaqayeen dadka dibadbaxa sameynayey in Madaxweynuhu uu talada dalka isku koobay.
C/rashiid Maxamed Daahir oo ka mid ah qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxan ayaa sheegay u sheegay BBC-da in mudaaharaadkooda uu yahay mid ay ku muujinayaan sida ay uga welwelsan yihiin habka uu Madaxweynuhu wax ku maamulayo, isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu la wareegay awooddii maamul ee Ra’isul wasaaraha sida uu yiri.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dibadbaxa lagu sameeyay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko dad Soomaailyeed oo muujinaya cabashada ay qabaan, balse wuxuu xusay in isaga iyo Ra’isul wasaraha ay ku heshiiyeen inay si wadajir ah u shaqeeyaan, isagoo xusay inaysan jirin cid ku shaqeysa awood uusan dastuurku u ogoleyn.

Dowladda Mareykanka oo muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka soo baxaan Somaliland iyo wasiir ka tirsan maamulkaasi oo ka jawaabay

$
0
0

War qoraal ah oo ay soo saartay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalka Kenya lagu sheegay inay heleen warar lagu kalsoonyahay oo ah khatar soo dhow oo ka dhan ah dadka reer galbeedka ah oo ay ku jiraan dadka u dhashay Mareykanka ee ka shaqeynaya ama booqanaya deegaanada maamulka Somaliland.
Warka waxaa lagu sheegay in la xusuusinayo dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ah ee Somaliland joogta ama ka fakaraya inay u safraan qeyb ka mid ah Soomaaliya in wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay kula talineyso muwaadiniinta Mareykanka inay iska ilaaliyaan dhammaan safarada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Somaliland, waxaana lagu yiri warka “Dadka Mareykanka ah ee hadda Soomaaliya ku sugan waxay safaaradda Nairobi ku boorineysaa inay dib eegaan qorshahooda ammaanka qof ahaaneed, inay la socdaan waxyaabaha hareerahooda ka dhacaya oo ay ku jiraan waxyaabaha dalka gudihiisa ka dhacaya iyo inay la socdaan wararka warbaahinta gudaha si joogto ah”.
Dhinaca kale maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadalka shalay ka soo yeeray dowladda Mareykanka waxaana wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland C/llaahi Maxamed Cumar uu sheegay in hadalka Mareykanku aanu aheyn mid dareen cusub ku beeraya, isagoo sheegay in hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ay go’aansadeen inay shaqadooda ku sii wataan Somaliland, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku inay wadahadal ka gaareen dowladda Ingiriiska dhawaqii ka soo yeeray ee cabsida ay ka muujiyeen qataro soo foodsaara muwaadiniinteeda, isagoo sheegay wasiirku in dowladda Ingiriisku ay bedeshay fikirkeedii hore ee ay shaacisay, isla markaasna laga dheehan karo websit-ka wasaarada arrrimaha dibada Ingiriiska.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Hargeysa isagoo ku siijeeda  dalka Ingiirska oo casuumaad ka helay, wuxauuna sheegay inuu magaalada London uu wadahalo kula yeelanayo madaxda dalkaasi oo kula hadlayo arrimihii ugu dambeeyay ee Somaliland iyo guud ahaan xaaladda geeska Afrika oo ay ku jirto arrinka Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu xiray deegaano ka tirsan maamulka Somaliland

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gabiley ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay shalay halkaasi ku xireen xildhibaan Jaamac Axmed Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo beryihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Gabiley oo uu ka soo jeedo.
Xildhibaanka ayaa gurigiisa waxaa kala baxay ciidamo lagu tilmaamay booliska Somaliland kuwaas oo ku xiray saldhigga Gabiley balse shalay duhurkii baabuur ugu qaaday dhanka magaalada Hargeysa halkaas oo uu haatan xildhibaanku ku xiranyahay sida ay sheegeen saraakiishu.
Sida warku sheegayo Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamuud ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Berbera isagoo muddo todobaad ah ku sugnaa Gabiley ka dib markii uu ka tagay magaalada Muqdisho oo haatan Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku jiraan fasaxoodii sanadlaha ahaa si ay qoysaskooda u soo booqdaan.
Maamulka Somaliland ayaa horey u soo saaray xeer sheegaya in siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta xilalka ka qabta dowladda Soomaaliya aysan imaan karin deegaanada maamulka uu ka taliyo, taas oo keentay in siyaasiyiin fara badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha deegaanada Somaliland oo qoysaskooda ay ku noolyihiin magaalooyinka Somaliland inay is arki-waayaan, kii tagana xabsi la dhigo sida haatanba ku dhacday xildhibaan Jaamac.


Ra’isal Wasaare Saacid:hanalgu gacansiiyo Ka hortagga dhibaatooyinka ku hor gudan X/insaanka

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network) Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka hadlayay dowrka Xukuumaddiisa ee ku aadan in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka baxsan Xuquuqda aadanaha ee loo geesto Haweenka Soomaaliyeed iyo Saxafiyiinta oo iyagu ugu Nugul Caqabadaha Jira ayaa waxa uu sheegay in Guddi Madax banana oo ay Xukuumaddiisu u saartay arrimahaasi ay ku kalsoontahay in ay dabagalaan arrimahaasi ayna wax Cad u soo Gudbiyaan dowladda si ay go’aano fula uga qaadato.
Ra’isal Wasaaraha ayaa dhanka kale ka codsaday Beesha Caaamka in gacan lagu siiyo wax ka qabashada arrimahaasi iyo in wada shaqeyn ay u Muujiyaan si ka hortag Caalami ah arrimahaani Loogu helo.
Mr Saacid ayaa ku Nuux nuuxsaday in si dhab ah ay uga Go’antahay wax ka qabashada caqabadaha ka taagan dalka ee ay  ugu Horeeyaan dilalka Suxufiyiinta iyo Kufsiga lagula dhaqaaqo Haweenka Soomaaliyeed isagoo ka codsaday Shacabka in ay ka qaataan kaalintooda kaga aadan ka hortagga arrimahaasi.
Shalay ayey ahayd Markii Ra’isal Wasaaruhu uu ku dhawaaqay Gudddi Madaxbanaan oo ka shaqeeya ka hortagga dhibaato kasta oo Ku horgudban in Muwaadinka Soomaaliyeed uu Helo Xuquuqdiisa

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibiya oo digniin culus u dirtay Tahriibayaasha Soomaalida

$
0
0

Tripoli  ( Sh.M.Network) Safaaradda Soomaaliya ee dalka Libiya ayaa waxa ay Digniin culus u dirtay Tahriibayaasha Soomaalida ah ee ka amba baxa dalka Liibiya
Cabdi Qani Max’ed Waceys Safiirka Soomaaliya ee waddanka Liibiya oo la hadlay warbaahinta ayaaa sheegay in Safaaraddu aaney Masuul Ka ahayn ciddii ay Askarta Liibiya gacanta ku dhigaan iyadoo qorsheyneysa Tahriib iyo arrimo kale.
Mr Waceys ayaa Ku nuux nuuxsaday in Dowladda Liiibiya ay u soo Gudbisay in aysan u dulqaadan doonin dadka ka tahriiba dalkaasi ayna la xisaabtami doonto islamarkaana ay tallaabo adag ka qaadi doonto isagoo uga digay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku kadsoomaan.
Tahriibayaasha Soomaalida ayaa Marin ka dhigta Waddankaasi liibiya si ay uga sii gudbaan dalalka Yurub oo uu ugu Horeeyo dalka Talyaaniga meelaha ay tagaan inkastoo inta badan ay dhibaatooyin kala kulmaan biyaha ay ku safraan ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya

Xukuumada Somalia oo Ganacsatada u Balan Qaaday…

$
0
0

Balcad Media: Xukumada oo Ganacsatada ubalan qaaday dhul ay ku Ganacsadaan hadii ay dalkooda maal Gashi iyo Gacasi ka abuuranayaan
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka dhawajiyay hadalkaan xili uu kulan laqaadanayay Qurbajooga Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in qofwalba oo Soomaali ah ee doonaya dhul uu maal gashi ku sameeyo lasiinayo siyuu dhalkiisa hooyo maal Gashi faa,iido leh kaga sameeysto.
Waxa uu sheegay Wasiirka in qofkii sameysanaayo Ganacsi waaweyn sida Warshado uu ubalan qaaday dhul balaaran oo kufilan sida uu sheegay.
sidoo kale waxuu kahadlay ujedka kadambeeya maal Gashiga in dhaqaalaha wadanka uu kobac kuyimaado sidoo kalena shaqo ay helaan dhalinyaro baagamuudaa dowladune ay maalgashi siin doonto cid maal gashata dalka sida uu hadalka udhigay.
hadalkan Wasiirka uu sheegay ayaa ku soo aadaya xili  Qurbajoog badan ay dalka ku soo laabanayaan iyadoo kororka dhanka dhaqaalaha aay soo hagaageyso.

Deg Deg: Wafdi uu Hogaaminayo Ra’isal Wasaare Saacid oo Gaaray Baladweyn

$
0
0

Baladweyne ( Sh.M.Network) Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa waxa ay Gaareen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ra’isal Wasaaraha ayaa Safarkiisa waxaa Ku wehliya Xubno ka tirsna Golihiisa Xukuumadda waxaan Siweyn Loogu soo dhaweeyay Wafdiga Ra’isal Wasaaraha Garoonka U Gaas Khaliifa ee Magaalada Baladweyne.
Ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa si weyn Loo xoojiyay iyadoo lagu arkayo Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi Ciidamo aad  u badan oo Isugu Jira AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee Gobolkaasi.
Ra’isal Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa La filayaa in  kulamo halkaasi ay kula soo qaataan Masuuliyiinta Maamulka dowladda ee Gobolkaasi,Saraakiisha Labada dhinac ee dowladda iyo AMISOM iyo Qayabaha Bulshada Gobolkaasi.
 Wixii Faah faahina kala soco Shabelle.net

Daawo Sawirada booqashada Ra’isal Wasaaraha ee Baladweyne

Madaxweyne Hassan Sheekh oo ka dagay Masar. “Warbixin”

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maal mahaan safar ku soo marayay Dalalka Ingiriiska  iyo Mareykanka ayaa gaaray Dalka Masar halkaas oo uu kaga qeyb qaadanayo Shirka Ururka Islaamka.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya masuliyiin ay kamid yihiin Wasiirada Arimaha dibada ahne Ra,isul Wasaare ku xigeen sidoo kale waxaa ku wehliya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo xubno kale.
Shirka Madaxda Islaamka ee maanta ka furmayo Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa waxaa lagu wadaa in lagu falanqeyo Arimaha Islaamka iyadoo hugaamiyaal Islaam  ah aay Shirkaas kaqeyb yihiin.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lafilayaa inuu halkaas ka jeediyo khudbad uu kaga hadlaayo arimaha Soomaaliya

Ra’isul Wasaare Saacid oo Gaaray Baledweyne. “Daawo Sawiro”

$
0
0

Balcad Media: Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Ra’iisul wasaare Saacid iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif waxaa ka dejisay diyaarad gaar ah oo saakay ka qaaday magaalada Muqdisho, waxaana ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, xubnaha maamulka gobolka, odayaal iyo waxgarad iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xubno ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka gaashaandhiga, Wasiirka Kheyraadka dalka, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa haatan kulamo la leh Saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo maamulka Gobolka, iyadoo marka uu soo dhamaado uu kulan la qaadanayo qeybaha bulshada, waxgaradka, odayaasha iyo haweenka reer Hiiraan.
Ammaanka magaalada Beledweyn iyo daafaheeda ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo socdaalkan uu yahay kii labaad oo Ra’iisul Wasaare Soomaaliyed ku tago halkaas tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray horaantii sanadkii hore ayaa waxaa booqday Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Gaas.
Booqashada Ra’iisul Wasaare iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ku tageen Beledweyn ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Xukuumada ay wado dadaalo ay maamulo KMG ah ugu sameyso Gobolada iyo degmooyinka Al-Shabaab laga saaray, si loogu gudbo maamul ay soo doortaan dadka deegaanka.

 

 

 

 

 


Golaha Salaaddiinta Soomaaliyeed oo Guddoon cusub yeeshay kaddib markii ay doorasho ka dhacday Muqdisho [

$
0
0


 
 
 
 
 
Xaflad ballaaran oo lagu caleemo saarayay guddoon cusub oo uu yeesho golaha salaaddiinta, dib u heshiisiinta iyo wacyi-gelinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta looga dhawaaqay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho.
Xafladan lagu soo bandhigayay golaha salaadiinta ee Somalia Assembly  Sultans Reconciliation & Awerning (SASRA) ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin aad u tira badan oo isugu jira boqorro, salaaddiin, nabaddoono, xildhibaanno iyo siyaasiyiin caalami ah sida xubno ka socday dalka Iiraan iyo urur goboleedka IGAD  si ay goobjoog ugu ahaadaan caleema saarka mas’uuliyiinta golaha salaaddiinta, dib u heshiisiinta iyo wacyi-gelinta Soomaaliyeed.
Guddiga qaban-qaabada oo in badan ku howlnaa dhismaha golaha iyo isku keenista salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa dadkii kulanka kasoo qayb-galay waxaa kusoo dhaweeyay Kamaal Salaad Xasan oo ah guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada isagoo yiri: “Waxaan idinkaga mahad-celineynaa aqbilaadiina oo aad soo xaadirteen xafladan caleemo saarka guddoomiyaha golaha salaadiinta Soomaaliyeed oo loo doortay inuu hoggaamiyo golahan, Inj. Faarax Cabdi Guure.”
Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur oo goobta ka hadlay ayaa yore: “Golaha salaadiinta Soomaaliyeed ma ahan mid shaqsiyad ku saleysan iyo qabiil gaar ah; waxaana guddoomiye u doorannay inuu na hoggaamiyo boqorkan aqoon leh, deeqsina ah.”

Xafladdan oo aan loo kala harin dhanka oday dhaqmeedyada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen kuwii soo dhisay baarlamaanka Soomaaliyeed, iyadoo dadkii ka hadlay uu ka mid ahaa Suladaan Eekow oo isaguna yiri: “Waxaan helnay madax-bannaani markii aan soo dhisnay dowladda rasmiga ah, taageerada Obama iyo tan caalamka waxaan ku helnay markii dowladdu ay iska tuurtay awood-qaybsigii ku saleysnaa 4.5 halka haweenkana loo dhiibay xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka. golahanna waxaan guddoomiye ugu doorrannay boqor Inj. Faarax.”
Ugaas Xuseen Jilicow oo ka hadlay garab istaagga golaha salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay boqorka la doortay inuu kusoo dhawaado xilka loo doortay, sidoo kalena aan loo baahnayn inuu wixii horay loo soo maray aanu dib u eegin.
Sidoo kale, Jamaal Xaaji Axmed Ibraahim oo ka socday IGAD ayaa hadallo meelo badan taabanayay ka hadlay sida dib u heshiisiinta, nabaddeynta iyo taageeridda geeddi socodka nabadda, isagoo sheegay in IGAD ay taageerto cid walba oo wadda dib u heshiisiinta iyo nabadeyn.
Ugu dambeyn, waxaa ka hadlay kulanka boqorka la caleemo saaray, ayaa codsaday inaysan keligiis ku deyn howsha baaxadda weyn ee loo igmaday iyo hoggaanka loo doortay.
Waa markii ugu horreysay oo ay ku midoobeen salaaddiinta Soomaaliyeed meelna isugu yimaadaan iyagoo dooranaya  hoggaan ay raalli isaga yihiin. Xiritaanka xafladda waxaa Aayado Qur’aanka Kariimka ah kusoo xiray Sheekh u dhashay dalka Iiraan oo xafladda kasoo qaybgalay.

SourceSource-
Source-Hol

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Somaliland Iyo Maareeyihii Hore Ee Hay’adda Waddooytinka Oo Xabsiga Laga Sii Daayey, Ka Dib Markii Ay Gac Isku Qaadeen

$
0
0

Taliyihii Hore ee Ciidanka Sirdoonka Somaliland Xuseen Xasan Guuleed (Xuseen Kiiniyaati) iyo Maareeyihii Hore ee Haayadda Wadooyinka Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan, ayaa maanta laga sii daayey saldhiga Daloodho eemagaalada hargeysa oo Xalay lagu xidhay, ka dib markii ay isku fara saareen Habeen hore cawayskii Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Labadan Masuul, ayaa la sheegay inay isku gacan saareen arin shaqsiyadeed oo ka dhexaysay, taas oo aan ilaa hadda la ogaanin, isla markaana aanuu mid koodna ka hadal waxa ay tahay, iyada oo ay wararka qaar sheegayaan in gacan ka hadlkoodu uu ka dhashay xurguf dhex martay  wakhtigii dawladdii Daahir Rayaale ay talada Haysay, in kasta oo aan si rasmi ah loo ogayn in khilaafka dhex yaallaa uu arintaasi la xidhiidho iyo in kale.
Taliyihii Hore ee Ciidanka Sirdoonka Somaliland Xuseen Xasan Guuleed (Xuseen Kiiniyaati) iyo Maareeyihii Hore ee Haayadda Wadooyinka Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan, Ayaa maanta abaaro Duhurkii laga sii daayey Saldhigii lagu xidhay habeen hore cawayskii, kuwaas oo in xidhnaa saacado badan, waxaanay wararku sheegayaan in labadan masuul ay waan waan ka dhex wadaan dad masuuliyiin ah iyo Madaxdhaqameed, kuwaas oo ku hawlan sidii ay u kala maslixi lahaayeen labadan masuul ee ay gacmaha isugu saari lahaayeen, iyada oo la sheegay inay arrinta waan waantaasi hadda meel wanaagsan marayso oo lagu guulaystay in xabsiga laga sii daayo.
Ma jiraan warar rasmi ah oo laga helayo labadan masuul eek ala ah Taliyihii Hore ee Ciidanka Sirdoonka Somaliland Xuseen Xasan Guuleed (Xuseen Kiiniyaati) iyo Maareeyihii Hore ee Haayadda Wadooyinka Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan, kaas oo si dhab ah u qeexaya sababta keentay inay isku gacan qaadaan oo ay isku dhex feedhaan huteelada.
 
 HARGEYSA SOMALILAND

Shacabka Ceelbuur oo ka Cabanaya Dhaqamada Cusub ee Alshabaab.

$
0
0

BALCAD MEDIA: Waxaa sii xoogaysanaya dhibaatooyinka ay ku hayaan kooxda Alshabaab Degaanada ay kaga harsan yihiin gobolada dalka,gaar ahaan degaanada Ceelbuur, Ceelgaras,Dac & meelo kale oo badan.
Waxaana maalinimadii shalay ka dhacay degaanadaasi dhacdo xanuun badan, waxaana halkaas gowrac loogu gaystay marxuum la oran jiray Abdi Maxamud Abtidoon ( Haaraa) oo da,diisa lagu sheegay 38 jir waxaana lagu eedeyey inuu basaas u ahaa Ururka Ahlusuna-waljamaca.
Waxaana soo baxaya inuu gaaray magaalada dhuusamareb si uu daawo uga soo iibsado, dadka degaanka ayaa xiligan aad uga argagaxsan dhacdadaan kuna tilmaamay arin naxdin leh. Ninka tacadigan loogaystay ayaa shegayaa inuu qabay xanuunka TB-da mudooyinkii ugu danbeeyeyna uu ahaa shaqsi aan awood badan lahayn kuna koobna oo keliya isdawayn iyo isla tacaalid.
Bulshada kudhaqan degaanada kuxeeran ceelbur ayaa mudooyinkan waxay ladaalaa dhacayaan tacdiyada kaga imaanaya kooxdan , waxaana bishii decenbar-janaayo kudhimatay degaanadas dad gaaraya 36 ruux oo iskugu jira kuwo keli-keli loodilay & qaar wadar ahaan loodilay sida dad lagu xasuuqay tuulada Dac oo aan kafogayn magaalada ceelbuur,iyagoona xiligaas kujiray damaashad aroos, waxaana kamid ahaa tacdiyadaas midloogaystay Ugaaska Beesha Maxmud Hiraab Ug.Iise Mohamed Arab oo xabsiga ladhigay isga iyo duqow kale iyagoona aan waxdanbi ah gelin.
Waxaana xiligaan gebagebo maraya dulqaadka dadka degan degaanadaas waxaana suurogal ah in xiliyada inagu soo foolka leh kadilaacaan dagaaloudhexeeya Alshabaab & Bulshada kudhaqan degaanadas,waxayna ahayd horaantii 2006 markii ay ciidamo aan dadkadegaanku raali ka ahayn ay tagaan halkaas ,iyadoo xiligaasna ay kuhawlgelayeen magacii maxkamadaha islaamiga ah.
Caaqilka Beesha duduble Jaamac Rooble Sabriye ayaa sadex todobaad kahor kuhanjabay inay beesha duduble dagaal aan gambasholahayn kuqaadi doonto kooxda Alshabab waxaana laga dhursugayaa sida ay arimhu noqdaan maalmaha inagu soo foolka leh.

Top News: Labo Wariye oo Caan ah oo isaga tagay Shaqada Universal.

$
0
0

BALCAD MEDIA: Labo Wariye oo Laf dhabar u ahaa Tv-ga Universal oo la xaqiijiyay in Shaqada isaga tageyn kadib Murun xoogan oo dhex maray ayaga iyo Milkiilaha Tv-ga Universal.
Labada Wariye ee kala ah Abdiqaadir Mahamed Cashar “Nadaara” Iyo Ridwaan Xaaji Abdiweli oo la sheegay in ay isaga tagaan shaqada Tv-ga kadib Muran soo kala dhex galay ayaga Iyo Eng Ahmed Abuubakar oo leh Tv-ga Universal.
Sababaha ugu weyn ee Qilaafkaan keentay ayaa waxaa lasheegayaa in aysalka ku heyso kabeen sheegida Muuqaalkii Booqashadda Madaxweynaha ee Studioga TV-ga balse ay runtu ahayd in TVgu uusan lahayn Wax istuudiyo ah balse uu ahaa mid laga soo kireeyay qolyo Hindi ah.
Dhanka kale waxaa arintani ka xanaaqay Wariyayaal badan oo ka shaqeeya Tv-ga Universal oo wax lagu xumaaday ku tilmaamay in Studio aan Tv-ga Universal la heyn in la yiraahdo Madaxweynaha Somalia ayaa soo booqday waana Arinta dhalisay Khilaafka Xoogan.
Si kastaba ha ahaatee Arintani ayaa saameyn weyn ku yeelan doonto shaqo ka tagista labadaan Wariye ee caanka ah balse ma’ahan markii ugu horeeysay ee uu Nadaaro ka tagaya Shaqadaan mar sii horeeysay ayuu shaqadaan ka tagay Wariye Nadaara balse dib ayuu ugu soo laabtay.
Waxii Faah Faahin ah Dib kala Soco Balcad.com

Dhacdo tii Ugu Naxdinta & Yaabka Badneeyd oo Muqdisho ka dhacday.

$
0
0

BALCAD MEDIA: Inta badan dhacdooyinka ugu yaabka ee Soomaalida ka dhex dhaca waa kuwa Qurbaha ku qabsada , tani waxa ay qeyb ka tahay dhacdooyinka maalin walba ka dhex dhaca Daafaha dunida.
Akhriste ku sugan Dalka Soomaaliya ayaa fariintani inoosoo diray iyadoona ka yaabisay Dadka deegaanka waana qiso dhab oo Maalmo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Internetka oo kamid ah Meelaha ugu badan ee Lamaanayaashu kuwada haasaan ayeey labadani Lamaane oo lagu kala magacaabo Yahxe Cali iyo Fahma iska barteen mudo iyagoo ku wada haasaawayay ayaa Nasiib wanaag waxaa dhacday in labadani lamaane oo ku kala nool wadamo kala fog Sida Soomaaliya iyo Suudaan codsadeen ineey is arkaan.
Yaxye oo Sudan ku nool waxa uu sameeyey barashadiisa inuu wajiga ka dadbado gabadha una diro Sawirka Saaxiibkiis oo ay shirko yihiin wada shaqeystaana, Mudo sanado ah markii ay labadani lamaane wada socdeen waxaa dhacday in gabadhu ay Jaceyl uqaado wiilka.
Marnaba kama aysan shakin in sawirka wiilkani yahay mid aan waxba ka jirin si dhab ah ayeey qalbiga uga jeclaatay sawirka , waxay labadani lamaane ku heshiiyeey guur iyagoona nasiib wanaag labada qoys is baray oo is xariirshay si gabadha looga doonto reerkooda.
Gabadha qoyska oo laga hubiyey wiilka guursan doona ayaa maalin maalmaha kamid ah iyadoo guriga lawada joogo la weydiiyey Qaab dhismeedka wiilka soo doonan raba oo ay jeceshahay.
Nasiib wanaag gabadhu waxay durbaba boorsada kala soo baxday Sawirka mudadii barashada loosoo diray oo ay si dhab ah qalbiga uga jeclaatay , Cida oo ku raacay Quruxda wiilkani sawiran bal ahaa sawirka Yaxye Saaxiibkiis oo ishii aragtaa jeclaanayso , ahna Nin buuran muruq leh cad kana mid ah Dhalinta dhoola cadeyska badan.
Heshiis kadib gabadhii waa lasoo doontay oo waa la isa siiyey oo waxay noqdeen kuwa is qaba iyagoo kala fog , Guurkiisa yaxye waxaa ku baxay hanti aad ufara badan , marnaba kama uusan fakarin in wajiga la aaminay oo la jeclaaday yahay kii saaxiibkiis marnaba ma uusan soo hadal qaadin gabadhiina way iska aamintay oo kama aysan shakin mar hadiiba uu guursaday.
Mudo kadib waxaa dhacday in Yaxye saaxiibkiis iskaga haajiro Sudan tagana dalkii hooyo maadaama ay nabad ka dhacday Mudo labo bil ah markii uu joogay wiilka Soomaaliya waxaa uu codsaday lacago dheeraad ah in la sii deymiyo si uu howlihiisa ugu furdaamisto Soomaaliya wax ka abuuro.
Yaxye oo ku adkeeyey kana dhiidhiyey inuu siiyo wax qarash ah ayaa si lama filaan ah waxaa u dhacday in Yaxye Saaxiibkiis waco gabadha una sheego inuu Dalkii si kadis ah uyimid doonayana ineey is arkaan iyadoon qoyska la ogeysiin.
Isla maalintiiba waa la balamay waxaana la isku arkay Isgooys kamid ah meelaha Baabuurta lagu sugto ee magaalada muqdisho , si xariiftinimo ah ayaa loo wada sheekeystay gabadhuna kama aysan shakin ninka waana kii ay jecleede si farxad ku dheehantahay ayeey usoo dhaweysay waqtina way wada qaateen
Waxa uuna ka codsaday mudo Asbuuc ah ineeysan qoyska usheegin xaalado jiro awgood Cinwaankiisana laga xaday maadaama ay isa soo dagaaleen wiil ay wada shaqeynayeen ee Dalka Sudan waa sida uu yiriye.
Losoco Qeybta Xigta Sheekadan oo ah Dhacdo Ugub ah oo Maalmo kahor dhacday , Sidee lagu kala saaray Labada nin , Gabadhuna sideey ku aamini doontaa Muuqaalka Cusub ee Yaxye maadaama uu sawirkan wiilkani ku qaraabtay, Cida gabadha oo horay u aragtay wiilkaan Sideey ku aamini doonaan Muuqaalka runta ah ee Yaxye.
Dhacdooyinkaas iyo kuwa kale oo badan Lasoco Qeybta xigta ee Sheekadan:
Akhriste Fikirkaaga nooga warbixin sideey kula tahay Mase isleedahay horay qof kale ayeey ugu dhacday , Fikirkaaga waa xor fadlan soo gudbi.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live