Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xog Culus: Mucaaradnimo ka dhan ah Dowlada Cusub oo ka socona Magaalada Nairobi. “Aqriso Xogtan”

$
0
0

BALCAD MEDIA: Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iminka waxa uu wadaa dadaallo uu ku hagal daacinayo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulan ay soo qaban qaabiyeen Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ayna ka soo qayb galeen Siyaasiyiin , waxgarad,aqoonyahanno iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaankii hore ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay isku dayo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwa gurracan ee uu wado Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Masuuliyiinta ayaa qudbadahooda inta badan waxa ay ku sheegeen in wax ay ku sheegeen Shirqoollo Maleegan ay abaabulayaan koox uu horkacayo Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaasi oo kala ah.
1: Shariif Xasan Sheekh Aadan
2: Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe
3: Max’ed Ibraahim Xaabsade
4: Aadan Saran soor
5: Cali Khaliif Galeyr
6:prof: Samatar
7: Gaandi
8: Cali Max’ed Geedi
9: Axmed Max’ed Islaam Madoobe
10: Cumar cabdi rashiid
Guddoomiyaha Ururka Shalinyarad Soomaaliyeed Cabdi Risaaq Cali Aadan ayaa waxa uu sheegay in beesha Caalamka ay ka codsadeen saxiiixayaashii Road Map ka labo ka mid ah oo kala ah shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Faroole ay caqabad ku yihiin geeddi socodka Nabadda Soomaaliya iyagoo sheegay in howshaan uu la wado Augustine Mahiga taasna waxaa walaac ka muujiyay shacabka soomaaliyeed.
Xoghayaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Xaawo cabdi Cali oo iyana Mahadasha ka hadashay ayaa sheegtay in maanta wixii ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin isku dayadaasi Gurracan iyadoo beesha caalamkana ka codsatay in shariif Xasan isboolarska lagu daro dowladda soomaaliayana ka codsatay in Baarlamaanka xasaaanaddiisa laga qaado waxaana xusad mudan in xubno ka badan 160 xubnood oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ay sheegeen in shariif xasan hadduu baarlamaanka ku sii jiro aan soomaaliya aan wax natiijo ah laga gaareen.
Xildhibaanada fikirkaasi qaba waxa ay kala ahaayeen Xildhibaan saleebaan Xildhibaan Xasan keynaan iyo Xildhibaanno kale oo aad u badan.


Shirka wadamada Islaamka oo soo gaba gaboobay

$
0
0

Qaahira ( Sh.M.Network) Shirkii dowladaha Islaamka uga socday Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa soo gaba gaboobay iyadoona ay ka soo bexeen go’aanno iyo qodobo wax  ku ool u’ah arimaha dunida Islaamka.
Shirkaan  ayaa intiisa badan lagu Gorfeeyay Xaaladaha dalal ay ka mid yihiin Syria,Maali,Falastiin iyo Somaaliya iyadoo wadamada ka qayb galay shirkaasi ay isku afgarteen in si isku mid ah meel looga soo wada jeesto arrimaha dalalkaasi.
Madaxweynaha dalka Masar oo ka hadlay Gaba gabadii shirkaasi ayaa wxaa uu sheegay in la qaban doono shir afar gesood ah oo ay ka soo qayb galayaan wadamaa Sacuudiga,Masar,Iran iyo Turkiga kaasi oo looga hadli doono arrimaha Syria isagoo dhinaca kale sheegay in soomaaliya oo soo kabsaneysa lagacan qabto.
Si kastaba dalalka Islaamka ayaa isku afgartay in waddanka Soomaaliya looga faa’iideeyo Fursaddaan Taariikhiga ah ee soo martay ee loogu soo celinayo ammaanka iyo kala dambeynta dalka

Dowladda oo billaabeysa Canshuuraadka shaqaalaha dowladda

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta kula hadlayay Maagalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay bilaabeyso lacagaha Canshuuraha ah ee laga Jaro shaqaalaha dowladda.
Mr Ciilmooge ayaa Xusay in Canshuurta laga qaadayo shaqaalaha dowladda ay tahay lacago ay u Isticmaaleyso dowladdu in ay ku taaba geliso adeegyada guud ee dowladdu bulshada u heyso.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in erey bixin fiican ay u sameeyeen dhisidda Maamul Goboleedyada dalka islamarkaana meesha ay ka bixeyso wixii la oran jiray Maamul u sameynta ee la keenay Maamul sameysashada Gobollada dalka.
Tani ayaa qayb ka noqoneyso tallaabooyinka huro u socodka ah ee  dowladdu ay ku sii tallaabsaneyso oo ay  ugu diyaar tahay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka alowsan guud ahaan dalka

Ithopia iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya

$
0
0

Adis-Ababa ( Sh.M.Network) Dowladda ingiriika ayaa dhigeeda Ithopia waxa ay kala hadashay arrimaha Soomaaliya.
Masuul ka tirsan waaxda wasaaradda arimaha dibada  u qaabilsan Arrimaha Afrika ayaa  wasiirka arrimaha dibadda Ithopiya kulan ay ku qaateen Magaalada Adis-aba ee dalka Ithopia waxa ay kaga wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee  ka jira gudaha dalka.
Wasiirka arrimaha dibadda Ithopia oo kulankooda ka dib la hadlayay Warfidiyeenka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in uu hordhigay Sarkaalkaasi ka tirsan dowladda Ingiriiska go’aannadii ka  quseeyay Soomaaliya Shir Madaxeedkii Midowga Afrika kuwaas oo uu sheegay in uu soo dhaweeyay.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha Taageera Soomaaliya iyadoo sanadkaan gudihiisa ay qaban qaabineyso shirweyne ay u qabato Soomaaliya

Kulamo looga hadlayay Maamul u sameynta Gobolka Hiiraan oo ka dhacay Baladweyne

$
0
0

Baladweyne ( Sh.M.Network) Kulamadaani oo ahaa kuwa looga doodayay Maamul u sameynta Gobolkaasi Hiiraan ayaa waxa ay ka dheceen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Kulamadani ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro,Xildhibaanno iyo qaybaha kala duwn ee Bulshada waxaana dadka shacabka ah ay halkaasi ka dhiibanayeen fikradahooda.
Xildhibaan Mahad Max’ed Salaad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ugu Muhiimsanaa ee looga hadlay kulamadaasi isagoo sheegay in ay ahaayeen xog Uruurin ku saabsan Sidii Maamul ku meel gaar ah ay u sameysan lahaayeen bulshada ku dhaqan Gobolkaasi Hiiraan.
Xildhibaanka ayaa Xusay in Maamulka haatan ee gobolkaasi ay Jiraan dhaliilo loo jeedinayo bulshaduna ay dalbanayaan in isbedel lagu sameyo Maamulkaasi.
Sikastaba ka qayb galayaashii kulamadaasi ayaa isku raacay in maamul KMG ah oo lixda bilood soo socota uu Gobolku yeesho Loo sameeyo Gobolka Hiiraan

Ciidanka Nabad galyada wadooyinka Gaalkacyo oo jirdil u geystay xildhibaan katirsan Barlamaanka Puntland.

$
0
0


Ciidanka amniga wadooyinka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta jirdil xoogan u geystay xildhibaan C/Qaadir Faarax Bootaan oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka Puntland.
Jirdilka loo gestay xildhibaanka ayaa yimid kadib markii sida wararku ay sheegayaan uu xildhibaan Bootaan ka biyo diiday bixinta canshuraha saddex bilood laha ah ee laga qaado gaadiidka gaarka loo leeyahay.
Ciidanka falka jirdilka u geystay xildhibaan ayaa iguna la sheegay in aysan wax aqoon u lahayn xildhibaanka, Iyagoona u qaatay inuu yahay qof shacab ah oo ka amar diiday ciidanka.
Goobta xildhibaanka lagu jirdilay ayaa waxa ay ahayd bartamaha magaalada Gaalkacyo, Waxaana markii dame xildhibaanka ka waday goobta dad ehelkiisa ka tirsan.
Xildhibaan C/Qaadir Faarax Botaan wuxuu kamid yahay xildhibaanada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Mudug, Waxaana halkaasi uu ujooga fasax ahaan kadib markii uu dhawaan xirmay fadhigii 29aad ee barlamaanka Puntland.
Buraannews.com- Gaalkacyo
Reporter 4

Martida: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

$
0
0

Martida: Gudoomiyaha Gobolka Banadir Mohamud Ahmed Nuur Tarsan waxa uu ka hadli doonaa xaalada guud ee gobolka iyo soo laabashada qurba joogta.

Waraysi injineer Suhuura iyo shaqadeeda

$
0
0

Eng Suhuur Muuse Qaasim waxay imika u shaqeysaa hay'adda Qaramada Midoobay ee UN habitat oo dhinaca dhismayaasha.


Dhageyso: Maamulka Galmudug oo sheegay inay adag tahay sii daynta dad lagu haysto koonfurta gobolka Mudug.

$
0
0


Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay adag tahay suurta galnimada in xoriyaddooda ay si fudud ugu helaan dhawr qof oo muddo ka badan 2 bil u afduuban maleeshiyo ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo.
Taliyaha ciidanka maamulka Galmudug Xasan Faarax Kaarshe oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in dadkaasi afduuban ay gacanta ku hayaan ehelada nin Puntland ay ku eedaysay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab ayna soo bandhigtay hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay tilmaamtay inay ku qabteen ninkaasi.
Galmudug ayaa dhawr jeer ku celcelisay inuusan ninkaas wax luga ku lahayn Al-shabaab uuna ahaa ganacsade danbi laawe ah , Waxayna Puntland ugu baaqday inay ninkaas la soo daayo haddii danbiyada loo haysto ay ku cad yihiina lagu maxkamadaeeyo deegaanka lagu qabtay ee Gaalkacyo.
Dowladda Puntland ayaa dhankeeda horey u sheegtay in sharciga la horgeenayo ninkaasi ay ku sheegtay inuu katirsan ururka Alshabaab oo xilli sii horeeyay lagu qabtay magaalada Gaaklacyo.
Dhinaca kale ehelada eedeesanaha gacanta ugu jira Puntland ayaa ku baaqey in loosoo siidaayo.
Warbaahinta Buraannnews.com oo ay xiriir lasoo sameeyeen dad badan oo ku sugan miyiga koonfurta ayaa Puntland waxa ay ugu baaqeeyn in si naxariisleh usoo daayaan ninkaasi ku xiran xabsiga magaalada Garowe.
Taliyaha cidanka Galmudug Xasan Faarax Kaarshe
Buraannews.com- Gaalkacyo
Reporter 1

Farsamada Casriga ah & Doorka Africa

$
0
0

Jaamacadda Oxford ee Britain ayaa waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay sida ay Africa uga faa'ideysato Farsamada Casriga ah. Maamulaha Guud ee Shirkada Dahabshiil ayaa VOAda uga waramay

Guddi Baarlamaan oo Dalbaday Siideynta Weriyaha

$
0
0

Guddiga xuquuqda aadanaha ee baarlamaanka ayaa ka horyimid xukunka xabsiga ah ee maxkamaddu ku ridday gabadha sheegtay in la kufsaday iyo weriyaha wareystay, waxayna dalbeen in si deg-deg ah loo sii daayo.

Tunisia: Banaanbaxyo lagu taageerayo dowladda

$
0
0

RaiisalWasaaraha Tunisia, Hamadi Jebali ayaa ka digay inuu iscasili doono hadii aan la aqbalin inuu kala diro dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta si rasmi ah u furay kulan looga hadlayo xeerka Isgaarsiinta iyo Warbaahinta

$
0
0


 
 
 
 
 
 
 
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan looga doodayo xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo gadiidka, waxaana kasoo qayb-galay bahda saxaafadda, isgaariisnta iyo khuburo ka socota caalamka.
Xeerkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii shuruuc loogu samayn lahaa isgaarsiinta ka howlgasha dalka sida: shirkadaha telefoonnada, internetka iyo sidoo kale warbaahinta qaybaheeda kala duwan oo in ka badan mudo 22-sano ah aan loo sameyn shuruuc cayimaysa xuquuqdooda shaqo iyo qaabkii dowladda canshuurta uga qaadi lahayd.
Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Cilmooge Xirsi oo hadalka furay ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay kulanka isagoo yiri: “Kulankan wuxuu soconaya labo maalmood, waxaana looga doodayaa xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta, dowladduna waxay qiraysaa in muddo dheer aad kusoo shaqeyseen dhibaatooyinka, iyadoo la ogyahay kaalinta ay isgaarsiinta iyo warbaahinta ka qaadatay horumarinta bulshada muddadii aan ku jirnay burburka iyo dowlad la’aanta.
Isagoo hadalkiisa ku daray in dib-u-dhiska dalka ay shirkadaha isgaarsiintu ka qateen kaalin mug leh. Wuxuuna dhanka kale sheegay inay khaldameen waxyaalo badan mudadii aan ku jirnay dowlad la’aanta.

“Waxaa khaldamay in la kala garto waxa dadku gaarka u leeyihiin iyo waxa dadka ka dhaxeeya, waxaa la jabiyay xeerarkii u yaallay caalamka iyadoo la isticmaalay Mowjado ay waddamo kale leeyihiin, waxaa lagu xad-gudbay xuquudii muwaadinka iyadoo lagu khasbay inuu qaato saddex telefoon, si uu shirkad kasta u isticmaalo telefoonkeeda, waxaa isku marmay fiilooyinkii taleefoonada iyo kuwii korornta ee waddooyinka dhinacyadoda la sugay, si loo saxo dhammaan khaladaadkaas waxaa dowladdu soo diyaarisay xeerkan oo la rabo inaad taladiina kusoo biirisaan kaddibna loo gudbiyo wasiirrada si looga ansixiyo ugu dambayna la horgeeyo baarlamaanka si looga dhigo harci sharci lagu dhaqo isgaarsiinta iyo warbaahinta dalka,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.
Ra’iisul Wasaare Saacid oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa u mahad-celiyay kaalinta muuqata oo ay shirkadaha isgaarsiintu kasoo qaateen horumarinta dalka.
“Waxaan u mahad-celinayaa kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay shirkadaha isgaarsiintu kasoo qaateen hurumarka dalka muddadii dheerayd ee aan ku jirnay colaadaha iyo dowlad la’aanta. Waxaan la dhayal-san karin sida ay u taageeraan adeegyada bulshada oo ay ka midka yihiin, isbitaallada, waxbarashada, masaajidada iyo iyagoo taageero dhaqaale u fidiya dadka marka abaaruhu soo wajahaan. Waxaa kaloo muhiim ah in la xuso heerka ay shirkaduhu gaarsiiyeen dalkeena oo aanay dowladi ka jirin ama nidaam adag lahayn muddo ku dhow 22-sano inuu noqdo dal ku hormaray isgaarsiinta iyo aaladda internetka, taasoo Soomaaliya ka dhigtay inay safka hore kaga jirto dalalka Afrika ee ku hormaray isgaarsiinta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdu ay diyaarisay nidaamkii looga qaadi lahaa canshuuraha shirkadaha isgaarsiinta, taasoo wax weyn kusoo kodhin doona dhaqaalaha dalka, dowladduna waxay ballan-qaadaysaa in canshuuraadkaas lagu hormariyo adeegyada kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in warbaahinta –madaxa-bannaan ee dalka ka jirta ay si mas’uuliyadi ku jirto u gutaan shaqadooda; ayna ku dadaalaan sidii fariin ka turjumaysa horumarka ay ugu dugbin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

Askari ka tirsan Booliiska Somaliland oo ku Dhaawacmay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Itoobiya xilli habeen ah

$
0
0

laba askari oo ka mid ah booliska Somaliland ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen ciidanka Milatariga Itoobiya gaadhi anbad ah oo u talaabay dhinaca Itoobiya ee koonfurta magaalo xuduudka Wajaale.
Labadan askari ooka tirsana ciidamadda kastamka Wajaale kuwaas ilaalinayey gaadiidka kontorobaanka sidda, ayaa u talaabay dhinaca xuduudda Itoobiya abaaro afartii subaxnimo ee saaka, waxaanay u galeen ciidanka milatariga Itoobiya ee xuduudda ilaaliya, waxaana rasaas ku fureen gaadhigii booliska Somaliland ka dibna waxay saddex askari oo gaadhiga saarnaa ugu jaaabeen rasaas kale, waxaanay askartii Somaliland oo dhaawac ahi ka baxsadeen ciidankii, haseyeeshee ciidanku waxa uu la wareegay gaadhigii booliska oo la sheegay in rasaas xoogan ku taallay.
Labaddan askari ee dhaawac ah ayaa magacyadoodda la kala yidhaa Xuseen Daahir oo ah Dirawalkii gaadhiga oo ay Xabddii fadhiisatay jillibka hoostiisa, halka askariga kale Cabdirashiid Maxamed Muxumed ay kaga dhacday bawdadda, waxaana saaka la keenay cisbitaalka magaaladda Gabiley oo lagu dawaynayo, inkastoo dhaawacoogu fudud yahay.
Taliyaha laanta socdaalka Wajaale Cabdirashiid Axmed Xasan iyo Taliyaha Sirdoonka Jaamac Cabdi Yuusuf oo goobta uu shilkani ka dhacay booqday ayaa sheegay in masaafo 150 Mitir ay gudaha u galeen xuduudda Itoobiya, isla markaana ay gaadhigii ay hayaan ciidanka Itoobiya, kana wada hadlayaan sidii loo sii-deyn lahaa gaadhigaasi.
Wariye ku sugan magaalada Wajaale oo aan khadka Telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in gaadhigan boolisku uu ahaa mid ka hawlgalla kastamka Wajaale oo ay saarnayeen saddex askari waxaanay si kadis ah u talaabay dhinaca itoobiya taas oo keentay inuu gallo saldhiga ciidan oo goobta degan, taasoo ay ku fureen rasaasta balse askarigii aan dhaawacu soo gaadhin uu badbaadiyey labaddii dhaawaca ahaa una soo gurguurteen dhinaca xadka Somaliland, halkaasi oo laga soo qaaday.
Si kastaba ha ahaatee, ciidanka Itoobiya iyo kuwa Somaliland ayaa ka wada shaqeeyaa amniga xuduudda udhexeeya, iyagoo qollo waliba dhinaceedda wixii usoo gudba gacanta ku dhigga, waxaana dhawaan gaadhi ciidanka Itoobiya ahi usoo gudbay dhinaca Somaliland, kuwaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Somaliland ka dibna markii ciidankii Itoobiya lala xidhiidhay si nabadgalyo ugu celiyeen dhinaca Itoobiya.
Source-Hol

Kooxo hubeysan oo weeraray Matoorro dabka dhaliya oo Shirkadda GOLIS ay ku leedahay Magaalada Boosaaso

$
0
0

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray matoorro kuwa dabka dhaliya ah oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee GOLIS, kuwaasoo dabka siiya magaalada Boosaaso, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo uu geystay weerarkaas.
Goobjoogayaal ku sugan Boosaaso ayaa sheegay inay kusoo argagaxeen hugunka gantaalladii lagu weeraray goobtaas, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.
“Saddex baasuuke ayaa lagu weeraray matoorrada oo ahaa kuwa dabka siiya magaalada, waxaana intaas kaddib billowday iska-horimaad toos ah oo dhexmaray ilaaladii matoorradaas iyo kooxihii hubeysnaa inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge magaciisa aan sheegin oo la hadlay warbaahinta.
Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay ay dhalliyara kasoo horjeeda maamulka Faroole dibadbax ka dhigeen degmadaas, kaasoo ay ku dalbanayeen in la doorto maamul aan ahayn midka hadda shaqeynaya oo ay ku tilmaameen mid si khasab ah awoodda ku haysta.
Ma jirto cid sheegatay weerarka, balse warar hoose ee Boosaaso ka jira ayaa waxay sheegayaan in weerarkan uu yahay mid ka dhashay muran salka ku haya dowladda Puntland oo u dhexeeya mas’uuliyiin sar-sare  oo magacooda aan la sheegin.
Shirkadda GOLIS ayaa ah shirkadda ugu weyn ee taleefoonnada ka qaataan dadka ku nool Puntland, sidoo kalena bixisa korontada Boosaaso, iyadoo aysan mas’uuliyiinta shirkadda ka hadlin weerarkii xalay lagu qaaday qaybta dabka bixisa ee shirkaddooda.
Dowladda Puntland ayaan iyaduna ka hadlin weerarkaas, iyadoo xaaladdu ay saakay mid deggen, waxayna shacabka Boosaaso ku tilmaameen weerarkii xalay mid aad u cuslaa oo argagax badan ku beeray.
Source-Jol


Kala soo xiriir BBC Somali

$
0
0

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxaad kala soo xiriiri kartaa telefoonada iyo emailada ku qoran halka.

Wareysi madaxa Hiiraan online

$
0
0

Madaxa shabakadda Hiiraan online, Axmed Cilmi Guure ayaa BBC uga warramay taariikhda iyo qaab ay u shaqeyso shabakaddiisa.

Abuu-Muscab “Daggaal Xoogan ayaan xiligaan Waja heeynaa”

$
0
0

BALCAD MEDIA:   Afayeenka xarakada Al-Shabaab u qaabilsan Dhanka dhinaca Howlgalada ayaa sheegay in xaraga alshabaab ay haatan wajaheyso dagaal dhinacyo badan, Shiikh abuu Muscab ayaa tilmaamy Dagaalkaas ay diyaariyeen Qorshihii looga hor tagi lahaa.
Shiikh Abuu Muscab ayaa xusay in dagaalkooda uu leeyahay Hadaf ilaa ay ka gaarayaana ay sii wadayaan, waxaana uu tilmaamay in ciidamada Dowlada loo adeegsaday ladagaalanka Xarakada alshabaab islamarkaana ay garab siinayaan Dowlado kale ayna doonayaan in weerar kastaa ay iska cabin doonaan.
Abuu Muscab ayaa Sidoo kale sheegay in dagaalku sii socondoono inta hadaf kooda ay ka gaarayaan, waxaana uu ciidamada dowlada sheegay in ay dhibaateeynayaan shacabka sida uu hadalka uu u dhigay, waxaana uu sheegay in falwalbaa oo ay ku kacaan ay iyaguna Jawaab ka bixindoonan.
Hadalka abuu muscab ayaa imaanaya xili Xarakada AL-Shabaab ay sii xoogeysanayaan dagaalka ay waja heeyso, waxaana haatan ka maqan magaalooyin muhiim ah oo ay horay u maamuli jireen.

Gudiga Farsamada Maamul u sameeynta Jubooyinka oo ku baaqay in la taageero

$
0
0

BALCAD MEDIA: Gudoomiyaha Gudiga Farsamada maamul u sameeynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa sheegay in ay rajeey nayaan 23 bishaan si rasmi ah ugu furmo shirka maamul u sameeynta Gobolada Gedo iyo Jubooyinka, Kaa oo sababa Maamul buuxa oo la dhiso oona loogu magacdarayo Jubaland.
Macalin Maxamed ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qorshahaan la taageero waxaana uu xusay in shirka dhawaan furmaya ay ka soo qeeyb qaadanayaan Odayaal iyo waxgarad iyagoona ka ga soo qeeyb qaadan doona Hab deegaameysi ah Deegaanada Maamulkana Loo sameynayana ay quseyso.
Sidoo kale gudoomiyaha  ayaa ku baaqay in Siyaasiyiinta qaar ay joojiyaan wararka qaldan ee ay ka tabinayaan Magaalada Kismaayo, waxaana uu ugu baaqay in ay dadkaa ay yimadan Kismaayo si xaqiiqda ay u ogaadaan, waxaana uu sheegay in hada shirka looga yeeri doono cidwalba oo ay quseeyso maamul loo sameeyo Gobolada Jubooyina iyo Gedo.
Waxaa maalmihii danbe isi soo tarayey eedeymaha iyo dhaliilaha loo jeedinayo Maamul goboleedka Loo dhisayo Gobolada Jubooyinka iyo gedo qaabka dhismihiisu u socdo, waxana laga dhursugaya 23 bishaan in si rasmi ah uu u furmo shirka maamulkaas lagu sameeynayo Natii jada ka soo baxda.

TACSI TIIRAANYO LEH INNAA LILLAAH WA INNAA ILATHI RAAJICUUN

$
0
0

Waxa maanta ku geeriyooday magaalaga Toronto, Canada Alle ha u naxariistee Xaaji Maxamed Axmed Cabdi Cawl oo ku magac dheeraa Xaaji Bood.
Ilaahay waxa aan uga baryeynaa inuu Xaaji Bood u naxariisto oo janatul fardowsa maqaam sare ka geeyo. Nin islaam ah oo ahlul khayr ah oo dadka oo dhanna u wanaagsan ayuu ahaa. Qofka ahlu khayra ka ahina waa ahlu janna. Ilaahay dembigiisa ha dhaafo, qabriga ha u nuuriyo oo ha u waasiciyo macal nabiyiin, wa siddiiqiin fil janna insha Allaah.
Axmed, Aniisa, Maxamuud, Xasan, Xuseen iyo Reer bood oo dhan, iyo dhammaan eheladii, qarabaadii iyo asxaabtii badneyd ee Xaajigana waxaan leennahay Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo.
Aamiin Allaahu ma Aammmiin
 
Cabdulqaadir Ibraahim Saalax
Axmed Jaamac Gacmadheere
Mursal Warsame Xagar
Caamir Cabdi Jiisoow
Cabdisalaam Cagmadhige
Axmednaasie Ibraahim Saalax
Cabiraxmaan Mursal
Cabdicaziiz Mursal
Jaamac Cabdulgaadir
Nuux Muuse Guuleed
Fawzi Hiraabgale
Cabdicasiis Xaaji Ibraahim
Ismaaciil Dabaraani
Cabdirisaaq Maxamuud Casayr
c/salaan jaamac burkud
axmed saalax burkud
c/llaahi mursal warsame
c/risaaq mursal warsame
abdirisaaq xasan cilmi
c/khadar faarax warsame
axmed cabdi faarax gunburi
c/rashiid cali garaad
muuse cabdi faarax gunburi
maxamuud c/rashiid cali garaad
cali shire c/rashiid cali garaad
c/fataax c/rashiid cali garaad
amiin cabiraxmaan siciid galaydh
c/khaliif yuusuf warsame
cabdi xarigle
xasan tima cade
axmed shire faarax wayne
maxamed bushunbuur
 
 
 
 
dhammaan bahda reer maakhir ee Ohio
iyo Bahda Buraan news
 
 

Abdulkadir I Salah
Tel. 202 4769068
aksalah@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live