Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Soomaaliya oo Kulan Xasaasi laqaatay Magaaalada Muqdisho kula qaatay Matt Baugh

$
0
0

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan waxa uu kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka dowladda UK u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid aysan saxaafaddu goobjoog ka aheyn ayaa waxaa looga hadlayay arrimo u badan Amaanka, Maamul u sameynta gobolada iyo degmooyinka laga saaray Al Shabaab iyo arrimo kale.
Labada Mas’uul, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Ambassador Matt Baugh oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay in ay kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo dhameystirka Mashaariic ay dowladda Ingiriisku kawado dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in arrimihii ay ka hadleen isaga iyo safiir Matt Baugh ay isku afgarteen, islamar ahaantaana uu balanqaadaya in dowladda UK ay waxbadan ka qaban doonto balanqaadyadii aysameysay.
Ambassador Matt Baugh oo sidoo kale saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hormarka muuqda ee ay dowladda Soomaaliya sameyneyso isagoo hoosta ka xariiqay in ay ka go’antahay siiwadida taageerada ay siinayaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda oo uu tilmaamay in ay dadaal ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.
Matt Baugh ayaa farta ku fiiqay in UK ay ka rumeysay balanqaadkeedii madaama mashruuc ay maalgalineyso oo dib u dayactir wadooyin iyo Buundo loogu sameynayo uu hada ka soconayo Magaalada Balcad ee gobolka Sh/hoose.
Dowladda Ingiriiska ama UK ayaa kamid ah dowladda sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya iyadoona dhawaan ugu deeqday Soomaaliya 3-Milyan oo lacagta Bon-ka dalkaasi laga isticmaalo ah.
Cabdulaahi Cabadi Xaashi
Muqdisho-Somalia
 
 


Daawo Sawirada:Ciidamo Soomaaliyed oo tababar dibadda kusoo dhameestay una diyaar ah xureynta dalka

$
0
0

Ciidammo ka tirsan meleteriga dowladda Soomaaliya oo tababar ku soo dhameestay wadanka Uganda ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, iyada oo soo dhaweyntooda ay ka qeyb qaateen wasiirka difaaca dalka, ku xigeenadiisa, Abaanduulaha ciidamada, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo AMISOM.
Ciidamadaan maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa tiradooda lagu sheegay 500 oo askari, waxa uuna shaaciyay wasiirka difaaca dalka Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi in ciidamadan ay yihiin saraakiil, saraakiil xigeeno iyo kuwo soo bartay caafimaadka.

Daawo Sawirada;Dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowlada lana soo Bandhigay

$
0
0

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyn ee Xarunmta Gobolka Hiiraan lagu soo bandhigay rag katirsanaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dhinaca Ciidanka Dowlada Soomaaliya ee kusugan Magaalada Baladweyn.
Ragan Shabaab kaSoo goostay oo gaaraya ilaa 3-Nin ayaa lagu soo bandhigay Saldhiga Booliiska ee Magaalada Baladweyn waxaana halkaasi Warbaahinta kula hadlay faah faahina ka bixiyay ragan isku soo dhiibay Ciidanka Dowlada Taliyaha Ciidamada Booliska ee B/weyne Cali Dhuux Cabdi Mahad alle.
Taliyaha waxa uu xusay in Ragan iyaga iskood isku soo dhiibeen ayna soo dhaweenayaan cid kasta oo garata qaladaadka ee ku jiraan una sameyn doonaan dhaqan celin iyo shaqooyin noloshooda kuu maareeyaan hadii ee kasoo baxaan Kooxda Al-Shabaab.
Qaar kamid ah Raga lasoo bandhigay ee Al-Shabaab katirsanaa ayaa waxa ee sheegeen in ee kazoo baxeen Al-Shabaab kadib markii ee u dulqaadan waayeen Qaladaad ee ku arkeen Kooxdaasi.

Dhacdo Xanuun Badan oo Uur ku Taalo ah. “Aqriso Qisadaan”

$
0
0

BALCAD MEDIA: Magaca Gabadhaan Qisada ku dhacday waxaa la yiraahdaa Saciido waa gabar Somaliyeed mesha ay ku noo shay waa wadanka mareykanka gaar ahaan xafada ay somalida u badan tahay ee loo yaqano ohaya.
Hadaba Saciido oo ka sheekeeyneysa Qisadaan waxeey ku bilaawday…..
Wiilkani Qisada a dhex martay waxan iska banaray facbook waxana isku barany si hab sami ah oo dagan maha qof fudud balse jaceylka ma fahansano waa waa like caruur oo kale.
Saciido ma darento eyrada macan ee hasawaha iyo jaceylka wax yabaha kor uqada jaceylka.
Saciido aad iyo aad ayaan u jecladay waxana marqaati ka ahaa Hooyadey iyo abaheey oo xaalkeeyga dareen san balse waxaa ciil iyo calool xuma ah qof aad maalin waliba wax ushegeyso aan dareen laheyn.
Macalinkaygii iskuulka ii dhigi jiray ayaa waxuu aniga iyo ardayda na oran jiray war hee dhaha dhagax miyaad tahiin maxa idin ku dhacay oo ad ka jawabtan su alaha runtii markii arday facaa ah su aal uu ka jawbo calosha baa ku xanuun saneyso wayo Somalidu waxay tirahdaa damiin majiree ilaa qofka asiga uu wax ka aqrin wayo waana sax taas.
Saciido u geraray oo u gabyay dareen malaha miyaane mise qeeyba daremaha ayaa lagaqatay.
Waxan is lahaa nololosha ka dhigo cadowga ka du gasho waa ilmahada hoyadoode balse idareemi weysay ilmaheyga hoyadood hadeey caruur ama doqon kugu noqoto.
Allow amuuraha sahar Saciidone qalbigeda igu siitoosi.
Aqristow Saciido xalkeda wakasaa ee maxad ledihiin wiilka somaliyeed.
Gabar aad jeceshay hadey ku fahmi weyso maxad sameyn laheed?

Top News: Madaxda Alshabaab oo ka soo dhex Muuqday Hargeysa.

$
0
0

BALCAD MEDIA: Warar soo baxay ayaa sheegaya in madax ka tarsan kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia, lagu arkay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka isku magacaabay Somaliland.
Sida Ilo-Wareedyo dhowr ah oo Bacad Media la hadlay ayaa sheegaya in maalmihii dhowaa ay xubno sare oo ka tirsan madaxda Al-Shabab ay halkaasi gaarayeen.
Madaxda Alshabaab ee la sheegaya inay joogan Hargeysa waxaa ka mid ah madaxa kooxdaas Axmed Godane oo sidoo kale loo yaqaan Abu Zubeyr, oo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanadaas.
Dhanka kale Waxaa sidoo kale la carabaabay Fu’aad Shongole, oo isna reer Puntland ah iyo xubno kale oo ka mid ah dagaal yahanada sare ee kooxda.
Isku wada duub Inta badan dagaalyahanadii Shabaab ee dagaalka ka waday Muqdisho, oo kala kala yimid Somaliland, Puntland, Bay iyo Bakool iyo Jubbooyinka ayaa ku laabtay deeganadooda, markii dagaalka looga adkaaday.

Madaxweyne Faroole oo shaaciye in maanta Midowga Yurub kala hadleyn Dimuqraadiyada kajirta Puntland

$
0
0

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Masuuliyiin ka socotay EUda oo Garoowe Maanta  Soo  gaaray kana Noqday oo uu hogaaminayay Michele Cervone oo ah Ergeyga Midowga Yurub u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya ay ka wada hadleen arimo Quseeya Dimuqraadiyada Puntland iyo Dardar gelinta Doorashooyinka Dowladaha hoose oo May 2013ka la filayo in ay ka dhacaan Deegaanada Puntland kadib Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe.
“ Wada hadalkeena waxaa ugu muhiimsanaa arimaha Dimuqraadiyada Puntland iyo ka mira dhalinteeda waxaa kaloo isla soo hadal qaadnay Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Dhawaan la filayo in ay Puntland ka qabsoomaan waxayna nagala hadleen Habkii loo sugi lahaa Amniga masuuliyiinta Ururada ka diiwaansan Gudiga doorashooyinka ee u tartamaya in ay kusoo baxaan 3xisbi siyaasadeed ee Puntland hogaamin doona , Aragtida Dadweynaha ee Nidaamka Xisbiyada Badan iyo sidoo kale Xoriyatul Qawlka in la dhawro ayaanu ka wada hadalnay ayuu yiri Madaxweyne faroole.
Dr Cabdiraxmaan wuxuu kaloo xusay in ay qodobo badan isla meel dhigeen wafdiga isagoo sheegay in kulankan uu ahaan doono mid is daba jog ah Midowga Yurubna ay soo dhaweeyeen Arimaha Dimuqraadiyada ee ka socda Puntland taageerona u hayaan.
Michele Cervone  oo hogaaminayay Wafdiga ayaa sheegay dhankiisa in Hogaanka Puntland ay ka wada hadleen  adkeynta Amniga Deegaanada iyo Arimaha Dimuqraadiyeynta Waxaana sidoo kale uu u mahadceshay Dowlada Puntland iyo gudiga Doorashooyinka kadib markii ay isku taxluujiyeen sidii looga gudbi lahaa marxalada Qabiil wax ku doorashada looguna gudbi lahaa hab Dimuqraadi ah, wuxuuna sheegay in Midowga Yurub uu taageero u hayo Puntland .
6da Urur ee hada ka jira Puntland ayaa ku tartami doona 3da Xisbi ee usoo baxa hogaaminta Puntland Bisha MAY ee Sanadkan 2013ka sida lagu balansan yahay.
 

Muqdisho oo Meel habeenkii dadka ku yaraan jireen hadda buux dhaaftay Carruurtana ay kubad ku ciyaaraan

$
0
0

Waa xilli habeen ah,waxaan ku safray inta udhaxeysa Isgoyska Tarabuunka ilaa Afarta Darjiino,waxaan markii ugu horeysay caawa ku arkay leerar iftiinkooda uu aad usareeyey laguna riyaaqay.
Todobaad ka hor wadada aan caawa ku safray waxay ahayd meelaha qaarkood markii aad mareyso inad faataxada afka ku qabato mugdiga ay ahayd awgeed islamarkaana way cabsi badneyd dadkana waa la baaran jiray.
Leerarka iftiinka qoraxda nuuga kadibna daarma wixii ka dambeeya salaada Maqrib iyadoona dadka ay kaga faa’ideysanayaan ganacsiga gaari gacamada lagu iibiyo.
Waxyaabaha aan aadka ula fajacay waxay ahayd in carruur da’dooda ka hooseyso 10 jirada ay kubada cagta bartamaha laamiga ku ciyaarayeen iyagoo leerarka lagu xiray wadada hareeraheeda mahdiyey.
Mashquulka inta udhaxeysa Isgoyska Bakaaraha ilaa sanca waa mid aad usareysa ilaa 9:00 fiidnimo tan iyo afar cisho ka hor markii la tijaabiyey 40 xabo oo leerarka Solarka ku shaqeeyo ah halkaasina lagu xiray.
Iyadoo sidaa ay tahay leerar iftiimaya lagu xiray wadada Wadnaha hadana waxaa meeshii la rabay aan gaarin nadaafada,waxaad ku arkeysaa Bacaad iyo qashin bartamaha iyo hareeraha wadada yaalla.
Waa run oo way dadaaleen Kooxda Nadiifiyeyaal Wadooyinka aan ubixiyey balse bulshada utaqaano (Malaamileyda) waxaase la tilmaami karaa in wali wadada wadnaha uhabeysneyn sida Maka Al mukarama laga dhigay labo sano ka hor.
Waxaa wali qabyo ah islamarkaana aan la dhameystirin Baalayaasha wadada wadnaha maamulka gobolka Banaadir uu ku xirayo iyadoo ilaa hadda ay hir gashay Isgoyska Sanca ilaa Kan K.p.p degmada Hodan.
Muqdisho oo Iftiintay waa geed nabadeed oo mirihiisa ay curteen,waa hir caleen lahoo dadku mahdiyaan,waa nabadii bari-samaadkii waayo ujoogeena ka sheekeeyaan oo dhalinta ay arkayaan wixii dawladii hore aan soo gaarin.
W/D:Xasan Cabdullaahi

Daawo Sawirada:Mid ka Mida Wasaaradaha Dalka Soomaaliya Oo Soo bandhigtay Qorshe 1Milyan Arday wax lagu barayo.

$
0
0

Wasaarada waxbarashada iyo adeega bulshada ee xukuumada Somalia ayaa maanta soo bandhigtay qorshe waxbarasho oo sanadkan 2013-ka ay ugu talo gashay iney ka faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed ee aan heysan fursadaha waxbarasho ka dib markii ay saameyn ku yeesheen duruufaha adag ee dalka ka jiray 22-kii sano ee la soo dhaafay.
Wasiirada wasaarada horumarinta adeega bulshada Drs. Maryan Qaasim ayaa maanta qorshahaasi kaga dhowaaqday munaasabad lagu qabtay hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho taasoo ay ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada sida aqoonyano, waxgarad, culumaudiin haween, xildhibaano iyo qaar ka mid ah bahda waxbarashada iyo Jaamacadaha ka jira dalka.
Drs. Maryan Qaasim ayaa sheegtay in dhallaan gaaraya qiyaastii 4 milyan oo da’doodu ka hooseyso 18 sano jir aysan heysan waxbarshadii ay u baahnaayeen xiligan taasoo keentay bay tiri in duruufaha nololeed ee heysta qaarkood looga faaiideystay iney ka qeyb qaataan dagaaladii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay dalka.
“Wasaaradu iyadoo ka duuleysa arintaas, kana damqaneysa waxay isku duba riday qorshe waxbarasho oo balaaran kaasoo aan jecelnahay iney ka faaiideystaan arday gaareysa hal milyan oo uu kala qeybsan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxaana qorshahaas gacan naga siinaya maalgelinta ku baxeysa qaar ka mid ah heyadaha QM oo dhowaan aan kula soo kulmay Nairobi” ayey tiri wasiirada.
Sidoo kale, Drs. Maryan Qaasim ayaa intaa ku dartay in qorshahaas uu ku jiro in guud ahaan dalka laga hirgeliyo dugsiyo gaaraya 900 oo isugu jira kuwo cusub iyo dayactir lagu sameynayo kuwii horey dalka uga jiray, iyadoo xustay iney tababari doonaan macalimiin heerar kala duwan leh oo gaaraya illaa 3,000 kun si ay bilow ugu noqdaan dhaqaajinta waxbarashada dalka oo ay sheegtay iney ka qeyb qaadan karto soo celinta nabada, iyadoo tilmaantay in nus malyuun ka mid ah ardaydan ay ka iman doonaan koonfurta Somalia, halka qeyb kalena ay wadaagi doonaan gobolada bariga iyo woqooyiga Somalia.
“Anigu waxaan ahay Drs. dhinaca caafimaadka ah, waxaan wax ku soo bartay illaa heer Jaamacadeed canshuurtii shacabka laga qaadi jiray, waxaan rabaa iney caruurteena helaan taasoo kale sidaas awgeed qorshahan aanu fulineyno sanadkan waxaa uu bilow u yahay qorshe aanu rabno inaan waxbarasho aasaasi ah ugu helno afarta milyan ee aan hadda waxbarashada heysan” ayey intaa ku dartay wasiirada oo qeybaha bulshada ka dalbatay iney gacan ku siiyaan fulinta qorshahaas.
Waxaa sidoo kale goobtaas ka hadlay masuuliyiin iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshaha ee ka qeyb galay kulankaas, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyed C/kariin Salaad Gabeyre, Ganacsade Luul Maxamed Shiikh Cisman, culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Shiikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Shiikh Soomow, Gudoomiyaha dallada bulshada rayidka Soomaaliyed ee SOSCENSA C/llaahi Maxamed Shirwac iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo dhamaantood soo dhoweeyey qorshahan iyo muhiimada uu leeyahay, iyagoo balan qaaday iney garab ku siin doonaan wasiirada sidii loo fulin lahaa.
Ugu dambeyntii waxaa kulankaas ka hadlay wasiiru dowladaha wasaarada horumarinta adeega bulshada oo ka waramay qorsheyaasha wasaaarada ee sanadkan gaar ahaan waxbarashada, isagoo sheegay in dhaqaale laga helay dibeda uu noqon karo kaalmo oo kaliya, balse maalgelinta wax lagu dhaqaajinayo la doonayo inteeda badan iney ka timaada bulshada Soomaaliyeed.
Sahan ay kal hore sameeyeen heyadda QM ayey ku ogaadeen in 22-kii sano ee burburku ka jiray Somalia ay waxbarashada aasaasiga ah heleen oo kaliya %13 dhallaanka Soomaaliyed, waxaana haddii uu hirgelo qorshahan lagu xoojinayo waxbarashada dalka ee ay wado wasaarada horumarinta adeega bulshada uu noqon doonaa kii ugu weynaa burburka ka dib ee ay ka faaiideystaan dhalaanka aan waxbarashada helin.


Casharkaa 33 aad Suuratul Cimraan Aayadda 96-110

Casharkaa 32 aad Suuratul Cimraan Aayadda 81-95

Casharkaa 31 aad Suuratul Cimraan Aayadda 64-80

Casharkaa 30 aad Suuratul Cimraan Aayadda 45-63

Casharkaa 29 aad Suuratul Cimraan Aayadda 29-44

Qisadaan Cajiibka ah Weli Ma Aragtay. “Aqriso Adaa Ilmeeynayee”

$
0
0

BALCAD MEDIA:  Qisooyinka ugu cajiibka badan uguna soo jiidashada badan ee ay qoreen culumada islaamka ayaan maanta idiin soo bandhigeynaa qisadaan oo run ahaantii noqon doonta mid dareen baaxad leh kugu reebta.
Hada Aqristoow Qisadaan ayaa ah mid ku tusineeyso in ay ku noqoto tusaale wanaagsan.
Gabar aad u qurux badneed hanaan wacana ilaahey ku maneystay ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhex baxday ama uu aad uga helay nin ay meel isku arkeen, ninkii ayaana aad ula yaabay gabadhaan quruxdeeda iyo qaabka ilaahey u sameeyay.
Ninkaan ayaa isku dayay in uu gabadhan xiriir la sameeyo, si uu ula sheekeysto balse marar badan ayey ku gacan seyrtay, ayado ka diiday in uu hadal la furto, ninkii ayaa wado walba usoo maray siduu mar uun ku heli lahaa gabdhaan.
Balse adoontay ilaahey ku xiran quruxdana lagu maneystay ayaa go’aankeeda ku adkeystay ayadoo fursad dhan u diiday in uu ninkani usoo dhawaado.
Ninkii ayaa go’aansaday in uu kufsado gabadhan, oo uu xoog wax uga qaato maadaama uu xeelad ku gaari waayay hamigiisa, waxa uuna xoogay gabadhii oo aan raali ka aheyn, wax walbana qasab ayuu uga qaatay, Balse arinka la yaabka leh ee qalbigaaga dhaqaajin doona ayaa ah arinka ay gabadhani ku dhaqaaqday intii uu ninkani howshiisa watay.
Gabadhan ayaa aragtay in ninkani uu ka xoog badiyay, wax ay sameyn kartaana aysan jirin waxa ayna ku fikirtay waxa ugu dhow ee gacanteedu gaarto in ay soo qabsato, balse sheygii ugu dhawaa ayaa noqday dab shidan oo meel agteeda ah yiilay.
Waxa ayna gacmaha la gashay dabkii ayadoo gacmaheeda u bareertay in ay gubto, Ninkii ayaa howshisa dhameystay gabadhii ayuuna jirkeeda ku raaxeestay, balse markii uu ka istaagay ayuu la yaabay ficilka ay sameysay gabadhu iyo sababaha ku dhaliyay in ay is gubto, waxa uuna weydiiyay maxaa sababay?
Waxa ayna ugu jawaabtay: Markii aan arkay in aad iga awood badisay oo aanan heynin wado kale oo aan isaga kaa celiyo, waxaan go’aansaday in aan gacmaheyga gubo, si aanan u dareemin raaxo isla markaana aanan kuula raaxeysan, danbigana aanan kuula wadaagin.
Arinkan ayaa la yaab iyo dheg kafaar ku noqday ninkii, balse ficilka ay sameysay gabadhani ayaa noqday tusaale cajiib badan qalbiga qofka muslimka ahna dhaqaajiya, ayadoo ay haboon tahay in lagu cibro qaato.
W/Q: Fatah Adan (Leejo)
Wadanka Netherland

Xog Culus: Madaxweyne Hassan oo Eedeyn Kulul u Jeediyay Ra’isul Wasaare Saacid. “Maxeey Tahay”

$
0
0


BALCAD MEDIA:
 Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa la sheegay in dood iyo murran xoogan oo muujiyay khilaf cusub ay ku dhex mareen Villa Somalia, BALCAD MEDIA ayaa sidaas ogaatay.
Sida ay ay Xaqiijinayaan Ilo-xog ogaal ah, ayaa Balcad Media u sheegay in arrintan ay timid, kadib markii Madxweyne Xasan Sheikh kasoo noqday safarkiisa dibedda ee guulaha badan laga soo hooyay, isaga oo markii uu Muqdisho ku laabtay aad ugu dhaliilay ra’iisul wasaare Saacid wax qabad la’aan.

Labadaan Mas’uul ayaa Kullan labada ku dhex maray Villa Somalia oo ay ka qeyb galeen xubno ayaga ku dhow, ayuu Madaxweynaha ugu sheegay Ra’iisul wasaaraha inuu ku fashilmay siyaasaddii arrimaha gudaha kana gaabiyay, intii uu safarka ku maqnaa.
Sida xog-ogaalka u sheegayaan waxyaabaha sida aadka ah madaxweynaha ugu dhaliilay Saacid waxaa ka mid ah arrimaha Jubbooyinka, maamulada Bay iyo Hiiraan.
Madaxweynaha iyo kooxdiisa Damul Jadiid, ayaa aad isugu dayaya in dhammaan gobolladaas ay yeeshaan maamulo ayaga ay soo magacabaan, hase yeeshee waxaa sii muuqata in taasi aysan suurta galeyn.
Maamulka Jubbaland, ayaa dhismihiisa loo fariisan doonaa 24-ka bishan, halka maamulkii gobolka Bay oo dowladda federaalka ay horey u badashay dib loo soo celiyay, wax aan ka badneyn toddobad un, taasi oo madaxweynuhu u arkay fashil siyaasadeed.
Si kastaba, ra’iisul wasaare Saacid ayaa la sheegay inuu iska caabiyay dhammaan eedeymahaas, una sheegay madaxweynaha inuusan ku eedeyn karin wax isaga xittaa uusan wax ka qabin karin.
 


Askar ka tirsan dowlada oo gabar Soomaliyed Kufsi kula kacay

$
0
0

Wararka ka imaanaya Degaanla Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in mid ka mid ah gabdhaha ku dhaqan deegaankaasi, ciidamo ka tirsan dowlada ay fal kufsi ah kula dhaqaaqeen, waxaana gabadhaani ay tahay gabar aad u da,ayar oo aan wali laguursan.
Abaaha gabadha la kufsaday dhalay ayaa isna waxaa ciidamadaan ay kula kaceen fal jrdil ah waxaana haatana gabadhaasi lakufsaday loola cararay goob caafimaad si loogu dabiibo.
Gudoomiyaha Deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose Abuukar C/laahi Isxaaq oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen labo askari oo ka tirsan ciidamada meletariga dowlada oo falkaasi geeystay, waxaana uu sheegay in ay ku guuleeysteen qabashada ragaan.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in ragaan dhawaan la horgeeyn doono cadaalada, waxaana uu xusay in gabadha ay ragaan dhibaato u geeysteen, waxaana uu intaa ku daray in abaaha gabadhaan dhalay isna ay garsiiyeen jir dil xoogan.
Waa falkii ugu horeeyay ee nuucaan ah oo ka dhacay deegaanka Leego eegobolka Shabellaha Hoose tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo Amisom.

War Degdega: Dhalinyarada Reer Zaylac Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Amaanka Waxka Qabato Hadii Kale Ay Gacantooda Ku Sugi Doonaan Amaanka Dagmada Saylac

$
0
0

WarDeg Deg Ah
Kadib dagaalo hoos hoos ah iyo hanjabaad tirabadan oo ay dhalinyarada beelaha gadabuursi ee degaanka degmada Zayalac ay ka dareemeen qaar ka mida nimankii Budhcada ahaa ee dhawaanta ku kufsaday sadexda hablood oo aan ilaa haatan aanay jirin cid wax kaqabatay, sidoo kalena waxaa ay shalay bilaabeen arimo amni daro ah oo ay ku beegsanayaan dadka degaankaasi ay la daganyihiin ee Gadabuursi.
Hadaba waxaa ay maanta ku qabteen dhalinyarada Beelaha Gadabuursi ee deegaanada degmada Zaylac ee haatan ku sugan magaaladaasi shir-jaraa’id oo ka dhana xaaladaha amnidaro ee ka jira magaalada zaylac iyo guud ahaanba deegaanada ku xeeran, waxaanay shirkan jaraa’id maanta ay ugu direen xukuumada iyo masuuliyiinta degmada Zaylac ee ku sugan gobalka Salal sidii ay wax uga qabanlahaayeen arimahaasi oo u eeg inay keenaani karto colaad iyo dagaalo aan laga soo kabandoonin.
Waxaa ay gababadii dhalinyaradani ay ku wargaliyeen cidkasta oo ay khusayso amaanka guud ee dalku iyo ka degmada Zaylac hadii ay nimankaasi hubaysan ee Budhcada ah lagaga saari waayo deegaanka mudo dhan 24 saacadood inay iyaguna soo qaadan doonaan hubkooda oo ay gacantooda kaga nadiifin waayaan nimankaasi Budhcada ah ee isku dayaaya inay khalkhaliyaan deegaankooda, waxaanay intaasiku dareen in aanay habayaraatee u ogolaandoonin cidkasta oo isku dayaysa inay wax yeeleeyaan dadka iyo duunyada deegaanka Zaylac ay gacantooda ula tagi doonaan.
Sikastaba ha ahaatee shirkan jaraa’id ee ay dhalinyarada beelaha Samaroon ku qabteen degmada zaylac ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay maalmihii u danbeeyay ay ka wadeen colaado hoos hoos ah iyo kuwa muuqda qaar ka mida nimankii budhcada ahaa ee jidgooyada ka waday deegaanadaasi, gaar ahaana degmada Zaylac.
source-Cadceed

Dhimasho Muxaadaro Aad U Macaan

Daawo Sawirada:Haweeney kudhaqan Magaalada Muqdisho oo dhigtay Record Uyaalay Maryan Mursan Kana yaabisay Shacabka

$
0
0

Darawalada gaadiidka magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah ugu soo biirtay haweeney ka mid ahayd qurba-joogta Soomaaliyeed, waxaana haweeneydaasi haatan ay bilowday shaqadeeda darawalnimada, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horeysay muddo 22-sano ah oo darawal ka noqota gaadiidka BL-ka ee ka howlgala magaalada Muqdisho.


 

War Culus: Madaxweynaha Somalia oo Xil ka Qaadis Ku Sameynaya Raisul Wasaare Jagadaasna u Magacaabi Raba Ruux ka Soo Jeeda Somaliland

$
0
0

Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raisul wasaare Saacid ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaafkii ugu xooganaa kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Raisul WQasaare Saacid ka dalbaday in uu xilka iska casilo.
Kadib markii Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mud.Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo laabtay dalka Britain lana soo kulmay Raisul Wasaraha Dalkaasi David Cameron ayay ku soo wada hadleen amaba meel isla soo wada dhigeen in xilka Jagada raisul wasaarenimo loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda deegaanada Somaliland lana sameeyo (Power Sharing) Awood qaybsi.
Raisul wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron ayaa wada qorshe ah in dowlada Soomaaliya loo kala qaybiyo Koonfur iyo Waqooyi waxaana arinkasi xaqiijiyay Madaxweynaha Somaliya mar uu lahadlayay Saxafadda Muqdisho.
Hadaba go?aanka Raisul wasaare David Cameron waxaa horey u wada qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisul wasaare Saacid hayee shee Raisul wasaare Saacid ayaa ka laabtay go?aankiisii hore ee ahaa in uu kursiga u baneen doono ruux ka soo jeedo Somaliland, inkastoo isla raysal wasaare saacid  horey u sheegeen inuu Kurisiga uga kici doono wixii midnimada Somaliya dhalinaya.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya (Villa Somaliya) Madaxtooyada ayaa sheegaya in uu hareeyay buuq iyo muran ka dhex taagan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisul wasaare Saacid kaasi oo ka dambeeyay in jagada Raisul wasaaranimo loo magacaabo shaqsi Somalilander ah.
Warar kale ayaa sheegaya in xildhibaanada iyo 2 Wasiirada ee ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan xukuumada Saacid ay dalbadeen in dowlada Somalia labo loo kala qeybiyo Koonfur iyo Waqooyi taasi oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhabadeedii hayo.
Si kastaba ha ahaatee dowlada cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay dheeleysaa kaartadii ugu dambeysay isagoona doonaya in uu daaqada ka tuuro gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland isagoona sidoo kale damacsan in inta aan lagaarin shirka Somaliland iyo Somalia ay dowlada Somalia noqoto mid Koonfur iyo Waqooyi ah shirkana lagu cadeeyo in dadka Soomaaliyeed aysan marnaba kala maarmi Karin dalkana lakala goyn karin.
Barlamaanka Somaliya Ayaa ka faa idaysanaya Siyasadda cakiran ee imika ka taagan Somaliland taasoo ay Xukumada Somaliland ay kukaceen Dufaano Mucaarid ah oo kakala imanaya Gobalada Somaliland iyo Shcibka qaarkood, waxaa kaloo jira in Madaxtooyada Somaliland uu kataagan yahay murankii ugu sareeyay tasoo lagu tartamayo Hoganka 5 sano ee soosocda cidii u tartami lahayd.
 
Ugu danbayntii Xildhibanada kusugan Muqdisho ee kasoo jeeda Somaliland Ayaa waxa ay barayahan bilaabeen olole aad u baladhan taasoo ay keeneen Meshin Odhanaya in calanka Somaliya gabi ahaantiisba labadalo si ay dadka reer waqooyi u imaadaan Muqdisho waana ta ugu horaysa ay ku iman karaan in la mideeyo labadaa Gobol, sidaasna waxaa soo dhaweeyay Xildhibaano badan wallow taasi ay keentay muran aad ah.
 
Xasan Kuuriya

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live