Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dowlada Soomaaliya oo go’aan kaqaada la’ maamulada leesku garbinayo oo abaabulkoodu oo sida xawaaraha leh ku socdo.

$
0
0

Dowlada Federalaka Soomaaliya oo iyadu leh go’aan ka gaarida aayaha iyo masiirka Soomaaliya, maadaama ay u taagantahay astaantii qaranimo ayaa iyadu xilligaan waxa ay si aan laga filaneyn uga gaabsatay ka hadalka maamulada leesku garab wado ee laga doonayo in laga dhiso koofurta Soomaaliya.
Wax kasta oo dunida laga qabto meel loola laabto ayeey leeyihiin, gudaha Soomaaliyana wax kasta oo maamul iyo maareyn ku saabsan waxaa lagama maarmaan ah in dowlada Soomaaliya ay lug ku leedahay iyada oo aan laga boodeyn in deegaan waliba shacabkiisu uu doorashada hogaankooda ay leeyihiin maadaama dalku uu qaatay habka Federalizm-ka oo ah hab deegaan waliba uu u madax banaanyahy soo xulashada kooxdii hogaamin laheyd ee isku xiri laheyd iyaga iyo dowlada Dhexe.
Sidaas oo ay tahay waxaa jira xeerar gaar ahaaneed oo iyana khuseeya habka maamul u sameynta gobalada iyo jideynta inta gobal ee isku raaci karta in ay sameysato maamulla u gaar ah, arintaas oo madaxweynaha Soomaaliya uu horay uga hadlay oo uu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya soo saari doono habka loo sameynayo maamuladaasi iyo shuruudaha laga doonayo in ay soo buuxiyaan.
Intaa marka aan uga gudubno gogol xaarka qormadeenna, xilligaan waxaa koofurta Soomaaliya kajira arin qatarteeda leh oo hadii aan laga hor tegin dhalin karta colaad dhiig badan ku daato maadaama laba maamul oo iska soo horjeedda u gogol xaaridooda ay kasocoto Kismaayo iyo Baydhabo.
Hadii aan kuhor maro Kismaayo, waxaa ka socda maamul u sameynta gobalada jubooyinka iyo Gedo oo ladoonayo in loogu dhawaaqo maamulka Jubaland oo uu hormuud u yahay Axmed Madoobe oo taageero dhan waliba leh ku heesta dowlada Kenya oo shakiba uga jiro in ay jirto dowlad Soomaaliyeed oo madax banaan xuduudna lawadaagta.
Inkasta oo maamulkaasi ugulfintiisa aysan kamideysneyn dadyowga gobaladaasi dega oo ay jiraan shirar isdaba joog ah oo lagu mucaaradsanyahay oo maalin waliba ka dhaca gudaha iyo dibada dalka, hadana kooxaha abaabulaya waxa ay sheegeen in 23-ka bishaan uu ka furmayo Kismaayo kulan weynaha ladoonayo in maamulkaasi lagu dhiso.
Kooxaha mucaaradsan oo uu ugu weynyahay maamulka gobalka Gedo, ayaa waxa ay ka digeen in maamulkasi lagu degdego sameyntiisa, iyaga oo isla markaana ku baaqay in dowlada Soomaaliyeed talada wax laga siiyo si ay u saxdo waxyaabaha qaladka ah.
Owlaba Owlaa kaweyn, Imana aabahood, ee Jubooyinka iyo Gedo hadii maamul ay ku midoobaan ladoonayay in lagu sameeyo Kismaayo rag aysan u cuntamin sedax gobal iyo wax lamid ah oo uu hor boodayo Xildhiban Hore Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa waxa ay sheegeen in ay ku qabanayaan Baydhabo kulan maamul loogu sameynayo lix gobal oo ay kamid Jubooyinka, Gedo, Baay, Bakool, iyo Sh.hoose arintaasi oo iyanaa jahawarer kale ah.
Jahawarerka ugu badan ee ay dhalineyso arintaasi ayaa waxa ay tahay in raga maamulka Jubaland doonaya ee iyagu isdiidan in ay maqleen arintiina waaba laga tala baxay oo gobalada aad dooneysiin in aad maamul u sameysaan waxa ay hoos tegayaan maamul Baydhabo saaldhigiisu yahay.
Arintaas oo cid waliba ka dheregsantahay hadii aan wax laga qaban oo aan laga gaarin cawaaqibta ka’imaan karta oo ah uun in lees fara saaro oo lugta lala galo wax badan oo labaajin kari lahaa hadii laraaco wadada saxda ah ee dowladu ay u leedahay fara gelinta arintaasi.
Inkasta oo dowladu sheego in ay ku qanacsantahay in dadku ay soo dhistaan maamuladooda, hadana ilaa iyo xilligaan lagama hayo war cad oo ay ku muujineyso in labada maamul ee is dhinac ordaya in ay qaldanyihiin, in mid qaldanyahay, iyo in ay wada saxanyihiin, iyada oo dadka qaar ay sheegaan in maamulka Baydhabo dowladu la socoto oo ay ku hagardameynesyo kan Kismaayo howshiisu kasocoto, iyada oo dadyow kalana ay ku doodayaan in dowladu layaabantahay sida wax u socdaan oo mid kasta oo ay gardarro ku tilmaamto uu mucaaradid kala hor imaan karo oo ay ku sugeyso halkeeda marka ay soo kala dacwoodaan oo xalin ay u baahdaan.

W/Q Wariye Saadaq Yuusuf Maxamed.
E-mail: saadaqym@hotmail.com


Daawo Sawirada:Wariyaasha Magaalada Muqdisho oo maanta siweyn Oga xanaaqay Muqaal ay arkeyn

$
0
0

Maanta ayaa maxkamada racfaanka waxaa ka bilawday dhageysiga dacwada ka dhanka ah Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) iyo hooyo Soomaaliyeed oo ay ku tacadiyeen xubna katirsan Police-ka Soomaaliyeed.
Dhageysiga oo maanta bilaawday ayaa waxa uu socday saacado iyada oo ugu danbeynna gudoomiyaha maxkamada racfaanka uu ku dhawaaqay in dhageysiga dacwada maanta ay intaa ku egtahay leesuguna soo laaban doono Arbacada soo socota oo ah maalinta 27-aad ee bishaan.
Intii ay socotay dhageysiga dacwada ayaa xeer ilaaliyaha qaranka oo ah ninka dacwada kusoo oogay Cabdi Casiis iyo hooyada Soomaaliyeed ayaa waxa uu soo bandhigi waayay cadeyma muujinaya innaba hala ekaatee wax uu denbi kumudan karo Cabdi Casiis iyo wali gabadha dulmanaha ee iyana xukunku kula dhacay.
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
Muqdisho-Somalia

Dacwadda Oscar oo gashay maalin labaad

$
0
0

Maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika oo ay dacwadda Oscar Pistorius ka socoto ayaa waxaa loo sheegay in la maqlay xabbado dhacaya iyo qaylo qof dumar ah iyo Xabado kale oo ka dhacayay guriga ninka Naafada ah.

Daawo Sawirada:Wasiir Kaalmooy oo Khartuum kula Shiray wasiirra dhowr ah oo katirsan xukuumada Khartoum.

$
0
0

Wasiirka howlaha guud ee xukuumada Soomaaliya Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa Maanta kulamo la qaatay Madaxda Wasaarado katirxasn xukuumada Khartoum.
Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo Xiligan ku sugan Magaalada Khartoum ee caasimada Dalka Sudan waxa uu kulanka ugu muhiimsan la qaaatay masuuliyiin ka socotay Wasaarada Dhismaha Guud ee Dalka Sudan.
Wasiirka ayaa inta Kulankaas ay ku jireen waxa ay ka wada hadleen labada dhinac Isdhaafsiga Khibrada iyo Khubarada ku Taqasusay Dhanka Dib u dhiska Dalka.

Daawo: Haweeneey Caalamka ka yaabsatay. “Maxeey Sameeysay”..

$
0
0

BALCAD MEDIA:  Haweeney lagu magacaabo Jessica Cox waxay dhalatay iyadoo aan laheyn gacmo, waxay awoodaa iney lugaheeda ku wato Diyaarad, Baabuur, waxayna ku garaacdaa lugaheeda piano-nada.
Mrs Jessica Cox waxey u safartay dunida dhan iyadoo qudbado u jeedisay dadka caalamka,waxeyna ka hadashay hamigeeda iyo waliba in qof kastaa uu gaari karo waxuu doono dunida haduu dadaalo.
Waxey bishaan booqatay dalka Ethiopia iyadoo caawinaad u fidisay xaquuqda dadka naafada ah, kuna boorisay dadka naafada ah in ay hami u yeeshaan wixii ay jecel yihiin.
Jessica Cox oo ku nool gobolka Arizona. waxay sanadkii 2012-kii guursatay Patrick oo ah ciyaaryan hore oo ciyaarta Taekwondo ah, taasoo u sahashay iney jeclaato, ciyaartana Taekwondo.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO: 

Xog Hoose: “Maxaa ka Dhacay Xarunta Madaxtoyada Villa Somalia”

$
0
0

BALCAD MEDIA:  Qormo Siyaasadeed ku Saabsan Khilaafka Cusub ee soo shaax baxay ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta si yaabo kala duwan ula kulmay madaxda hey’adda gargaarka dalka Maraykanka Dr. Rajiv Shah oo Muqdisho booqasho maanta ku yimid.
Ugu horeyn Madaxa USAID waxaa markii horre la kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha madaxtooyadda Faarax Macalin.
Kulankaas oo qaatay dhowr saacadood ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dr. Shaah.
Kulankaas waxaa looga dhawaaqay lacago hor leh oo dowladda Maraykanka siineyso Soomaaliya taasoo lagu horrumarinaayo arrimaha aasaasiga ah sida wax-barashadda, caafimaadka iyo beeraha.
Markii uu kulankaas dhammaaday waxaa saxaafadda loo sheegay in ay iska xaadiriyaan xarunta Villa Somalia, halkaasoo madaxweynaha uu ku qabanaayo shir jaraa’id.
“Wariyaasha waa ay iska xaadiriyaan Villa Somalia oo uu ku jiro shir muhiim ah,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha.
Nin kale oo ka shaqeeya xafiiska madaxweynaha ayaa yiri “ Maanta mala rabo miyaa shaqo maa aadaan Villa Somalia oo shir muhiim ah uu ka jiro”
Waxa ay umuuqatay hadalkaas in la baabiyo shirka jaraa’id ee ra’iisal wasaaraha iyo madaxa hey’adda gargaarka Maraykanka oo iyana kulan gaar ah ku yeeshay mid kamid ah xafiisyada AMISOM ee Xallane.
Ka hor inta uusan dhicin kulanka waxaa wariyaasha loo sheegay in uu jiro khilaaf ballaaran oo ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.
Khilaafkan ayaa soo billowday dabayaaqadii bishii hore, markaas oo labada nin ay isku dhaceen, laakin maanta waxaa si buuxda u cadaatay in uu jiro is-maandhaaf ka dhex-jira labada nin, taasoo suuragal ka dhigeysa in labadooda uu mid daaqada uga baxo.
Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha hadda islama hadlaan oo xittaa isma salaamaan sida ay lee yihiin saraakiil ku dhow xafiiska labada masuul., waxaana arrintaas ay keentay in ay labo garab u kala jabeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiiradda xukuumadda yey kala taageersan yihiin?
 
Sida uu u sheegay sarkaal ka tirsan dowladda, wasiiradda xukuumadda waxaa ay la kala safteen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, taasna wax ay soo shaacbaxday markii madaxweynaha uu ra’iisal wasaaraha ka codsaday in uu xafiiska ka ceyriyo wasiirka maaliyadda, taasna waxaa
gaashanka u daruuray ra’iisal wasaaraha.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku hanjabay haddii hal wasiir shaqada laga ceyriyo in uu xafiiska baneen doono.
Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Kariin Xuseen Guuleed waa gacanta midig isla markaana uu kutashdo madaxweynaha.
Wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisal wasaare ku xigeen waxa ay la jirtaa ra’iisal wasaaraha madaxweynaha ayaa iyada wasiiro kale ku kacsan.
Dhawaan waxa ay isaga iyo wasiirka maaliyada ka qaybgaleen aaska loo sameeyay Sheekh Cabduqaadir Gacmeen oo dhawaan kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Ra’iisal wasaaraha safarka wasiirka ma uusan la socon, loomana sheegin, waxaa diray wasiirka madaxweynaha.
Maalintaas uu baxay ayaa ra’iisal wasaaraha wuxuu wasiirka ka codsaday in uu tago beerta nabadda oo ay dhaceysay banaanbax lagu taageerayo dowladda.
Wasiirka ayaa ra’iisal wasaaraha ku yiri “Waxaan ku suganahay Garowe madaxweynaha ayaana ii diray marka ma joogi Muqdisho”
Ra’iisal wasaaraha waxaa la sheegayaa in uu billaabay in madaxweynaha la xisaabtamo, isla markaana uu shaqadiisa u madax baneeyo.
Horrey ayaa ra’iisal wasaaraha waxaa loogu sheegay in shaqadiisa badanaa uu qabto madaxweynaha taasna ay tahay mid cadaalad daro ah.
Haddii khilaafkan muuqda ee ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha si rasmi ah u shaacbaxo wuxuu keeni karaa in beesha caalamka oo caawisa Soomaaliya ay ka niyad jabot wax yaabaha la sheegay.

Doorashooyinka Baarlamaanka Djibouti

$
0
0

Dadka reer Djibouti ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan baarlamaan cusub oo dalkaasi xilka hayndoono shanta sano ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya oo lagu casuumay Shir Caalami ah oo ka dhici doona Tokyo, Japan

$
0
0

Muqdisho (Sh.M. Network)— Dowladda Japan ayaa ku marti qaaday dowladda Soomaaliya shir Caalami ah oo looga hadlayo Hormarinta Africa oo ay dowladaasi soo qaban qaabiso.
Safiirka cusub ee Japan u soo Magacaawday dalka Soomaaliya oo shalay warqadihiisii Aqoonsiga laga gudoomay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u keenay warqada casuumaad ee ku aadan ka qeybgalka shirkaasi.
Ambassador Atoshisa Takata ayaa sheegay in shirka TIKAD (Tokyo International Conference for African Development) oo ah shir caalami ah oo looga hadlayo hormarinta  qaarada Africa uu bishan June 1-3 ka dhaci doono Magaalata Tokyo ee caasimada dalka Jaban.
Danjiraha Japan ee Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Shirkani uu yahay kii shanaad ee la qabto tan iyo Markii la asaasay TIKAD oo ah shir ay ugu talagashay dowladda Japan hormarinta qaaradan Africa.
Atoshisa Takata ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Japan ay ka go’antahay sii wadida wada shaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in hormarka Soomaaliya ka jira uu soo jiidanayo indhaha dowladaha caalamka.
Shirkan caalamiga ah ee TIKAD ayaa la soo bilaabay sanadii 1993dii, waxaana la qabtaa shanti sanaba mar, iyadoo hadii uu ka qeybgalo Madaxweyne Xasan Sheekh Shirkaasi Caalamiga ha uu noqonayo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka socda ee ka qeybgala shirkaasi.
Sh.M.Network 


Xasan Sheekh: In Kabadan 20-dal ayaaa Soomaaliya u soo Magacaabatay safiiro, Sababta

$
0
0

Muqdisho (Sh.M. Network)—  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadamada Safiirada iyo ergayda u soo dirsanaya Soomaaliya ay sii kordhayaan islamarkaana taasi ay ugu wacantahay Amaanka iyo xasiloonida lagaarayo.
Hadab Aqriso Labo Warsaxaafadeed oo laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka cusub ay dowladda Japan u soo magaacwday Soomaaliya.
Kadib markii uu ka gudoomay waraqadaha shaqadda ayuu Madaxweynaha sheegay in dowladda Japan ay ka mid tahay dowladdaha Soomaaliya toos ula xariira. Japan ayaa waxaa ay Soomaaliya ku bixisay ilaa qarash dhan $200milyan si Soomaaliya nabadda dib loogu soo celiyo.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha sheegay in dalal gaaraya 20dal ay Soomaaliya u soo magacabeen Safiiro, kuwa kalena ay soo magacaabi doonaan. Taasna waxa keenay horumarka xagga amniga ay ka gaareen dhamaan ciidamadda qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Warsaxaafadeedka Kale
(Muqdisho,Soomaaliya ,Febraayo,21 ,2013)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay madaxa USAID mudane Rajiv Shah.
Waxaa qeyb ka ahaa shirka, Safiirka Maraykanka Mudane Ambassador James Swan iyo Wasiirul dowlahha Madaxtooyadda Soomaaliya Mudane Farax Sh. Cabdulqaadir.
Kulankaan ayaa wuxuu imanayaa muddo afar asbuuc ay kasoo wareegtay kadib markii uu Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud booqday Aqalka Cad ee Maraykanka. Kulankan ayaa wuxuu mujinayaa xiriirka cusub u dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.
Madaxweynaha, ku war-geliyay masuulka ka socday dowladda Maraykanka in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in laga caawiyo dhinacyo badan, sida waxbarashadda iyo caafimaadka oo qeyb ka ah lixda tiir siyaasadeed ee dowladda.
Labo maalin ka hor waxaa magaaladda Muqdisho soo booqday Congressman Keith Ellison oo ka socday dowladda Maraykanka.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu yiri “waan soo dhaweynayaa xiriirka iyo saaxibtinimadda waana ugu mahadcelinayaa go’aanka dowladda Maraykanka ay qaadatay ee ku aadan Soomaaliya”

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Sh.M.Network 

AMISOM: Kuma Niyad Jabeyno Qaraxyada iyo weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan Somalia

$
0
0

Muqdisho (Sh.M. Network)—  Taliska Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin howgalkooda qaraxyada iyo weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in wax saameyn ah aanu AMISOM ku yeelan doonin qaraxyada iyo weerarada mararka qaar Al Shabaab ay ka geysanayaan goobaha ay dowladdu gacanta ku heyso.
Korneel Cali Aadan ayaa waxa uu intaasi ku daray in saraakiisha AMISOM ay canbaareeyeen qaraxii ka dhacay Xeebta Liido ee Magaaalada Muqdisho, kaasi oo uu sheegay in ay geysteen Xarakada Al Shabaab, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in dhib waxaan ay aheyn aysan u heyn Umadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka AMISOM ayaa si dhiiran u sheegay in Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM aysan ka niyad jabeen howlgalka ay kawadaan Soomaaliya, kaasi oo ay ku doonayaan in ay ku nabadeeyay dhaam Soomaaliya oo hada qeybo kamid ah ay Al Shabaab ka taliyaan.
Howgalka Midowga Africa ee AMISOM oo hada ay qeyb ka yihiin dhawr dowladood ayaa horay u balan qaaday in ay Soomaaliya ay ku soo celinayaan Nabadii iyo Kala danbeyntii la weysanaa muddo 21-sano ah.
Sh.M.Network 

Saraakiil Ciidamada dowlada ah oo loo heysto in ay Maxaabiis sii daayeen

$
0
0

Muqdisho (Sh.M. Network)— Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo siidaayay Maxaabiis ay gacanta ku hayaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda oo haatan xabsiga ku jira, kuwaasi oo loo heysto danbiyo la xiriira in xabiyada ay ka siidaayay Maxaabiis.
Janaraal Muungaab ayaa tilmaamay in saraakiishan qaarkood xukun lagu riday, halka qaar kalana ay sugayaan in cadaalada la horgeeyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in hada kaddib sarkaalkii lagu helo in uu siidaayay Maxbuus ama uu soo qaban waaya danbiile ka tirsan Ciidankiisa isaga uu mas’uuliyadaasi qaadanayo.
Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in Askarigii isaga oo Adeesanaya Hub kufsi geysta sharciga la horkeenayo, islamarkaana la toogan doono.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu ugu baaqay Ciidamada Xooga Dalka in ay dhawraan sharciga, islamarkaana ay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara in ay galaan  dhacaan danbiyo ay ku muteysan karaan dil toogasho ah ama ciqaab kale.
Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaali, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay dil toogasho ah ku fulisay 3-Askari oo midkood uu Sarkaal ahaa.
Sh.M.Network 

Dhageyso Danjiraha Japan oo Shir ku casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh

$
0
0

Halkan Ka Dhageyso Danjira Japan ee Somaliya Atoshisa Takata

Hay’adda Gargaarka Maraykanka USAID oo $20-Miliyan ugu deeqday Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (Sh.M. Network)—  Dowladda Maraykanka ayaa 20-Milyan oo Doolar ugu deeqday Soomaaliya, kaddib booqasho uu shalay kuyimid Magaalada Muqdisho Madaxada Hay’adda Gargaarka dalkaasi ee USAID.
Markii shalay u Muqdisho soo gaaray Rajiv Shah oo ah Maamulaha Hay’adda USAID ayaa waxaa uu ku dhawaaqay 20-Milyan oo Doolar oo dheeraad ah oo loogu talagalay in wax loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Rajiv Shah oo ka hadlayay shir saxaafadeed ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya oo uu shalay la kulmay ayaa u cadeeyay Madaxweynaha in Maraykanka uu la cagtaan ugu talagalay in wax looga qabto Adeegyada Aasaasiga ah ee dalka si shacbka ay u helaan daryeel caafimaad, Biyo iyo Cuno kufilan.
“Waxaan maanta markale ku dhawaaqayaa 20-Milyan oo doolar oo dheeraad ah taasi oo wax looga qaban doono adeeyada aasaasiga ah, beeraha iyo hormarinta dalka” sidaasi waxaa sheegay  Rajiv Shah Madaxa Hay’adda USAID.
Dhank kale Rajiv Shah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay xoojinta waxbarashada dalka isagoo codsaday in dowladdu ay ku da daasho sidii ay hal Manhaj ugu sameyn laheyd dalka oo dhan.
Sh.M.Network 

Dhageyso: Maamulka Khaatumo state oo ku eedeeyay Somaliland in ay gabaad siiso kooxo xagjiriin ah.

$
0
0


Agaasimaha Arimaha gudaha Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheikh Cumar Xasan ayaa ku Eedeyey Maamulka Somaliland inay  gabaad siiyaan Kooxo xag jiriin ah oo xiriir dhow laleh garabka Alshabaab ee ka dagaalama buuraleyda  Galgala ee gobolka Bari.
Agaasimaha Arimaha Maamulka Khaatumo waxuu sheegay in dowladdaha dariska la ah Somaliland iyo kuwa kaleba  ay shegeen in xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay ku jiraan dad xag jiriin ah  hase ahaatee aan weli wax la iska weydiin.
Agaasimuhu waxaa kale uu sheegay inuu  xaqiiqo yahay  hadalkii dhawaan kasoo baxay dowladda Britain ee ku aadanaa khataraha amni xumo ee lagu  sheegay Somaliland.
Waa markii ugu horeysay mas’uul ka tirsan Khaatuma uu hadalkaasi ka sheego warbaahinta.
 Halkaan ka dhageyso codka agaaismaha :

Agaasimaha Ariamaha Gudaha
Buraannews.com- Garowe

Cod bixinta doorashooyinka barlamaanka dalka Jabuti oo bilowday.

$
0
0


Shacabka Weynaha Jamhuuriayda dalka Jabuti ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta doorshooyinka  barlamaaanka dalkaasi.
Codbixinta doorashada  ayaa shacabka dalka Jabuti  ku dooranayaan  65 kursi , Waxaana  ka qaybgalaya 190 Xisbi oo mucaarad ah kuwaas oo xilka haydoona haddii ay ku guulaystaan muddada 5sano ee soo socota.
Madaxweynaha jabuuriayada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay oo olalaha doorashooyinkaan  wuxuu qolyaha mucaaradka ku eedeyey in ay wadaan Qalal ka dhan ah  amaanka wadanka Jabuti.
Mucaaradka dalka Jabuti ayaa horey u sheegay in ay  horumar la doonayaan dalka Jabuti   ayna  sheegeen in xukuumada haatan jirta ay si xoog ah ugu fadhido kursiga madaxtinimo ee dalka Jabuti.
Halkaan ka dhageyso madaxweynaha Jabuti.
Madaxweynaha Jabuuti
Buraannews.com- DJibuti


Maamulka Degmada Wanlaweyn oo codsaday in Lageeyo Degaankooda Ciidamo Kufilan Amaanka

$
0
0

Iyadoo shalay Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose la geeyay ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa maamulka Degmada Wanlaweyn wuxuu sheegay inaysan ku filneyn ciidanka halkaasi la geeyay.
Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn Xaaji Isxaaq oo sheegay in ciidanka la geeyay Degmada Wanlaweyn aysan dabooli karin baahida dhanka ammaanka ee ka taagan Degmadaasi. 
Wuxuu sheegay in masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ay ciidan gaaraya 70-askari oo Booliis ah geeyeen Wanlaweyn taasi oo uu ku tilmaamay inay aad uyar yihiin.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidankaasi ay ku howlgalaan kaliya hal gaari oo midka booliiska ah.
Degmada Wanlaweyn oo ay ku sugan yihiin ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaan in muddo ah la geyn ciidan booliis oo ka shaqeeya ammaanka gudaha Magaalada.

Cabdulaahi Cabdi Xaashi
MUqdisho-Somalia

Xiriirka K/Cagta oo kawar bixiyay Tababar ay bixineyso FIFA oo lasiinaayo Garsoorayaasha Soomaaliya

$
0
0

Iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso tababarka sanadlaha ah ee (FIFA MA course) laguna wado in uu horaanta bisha soo socota ka furmo dalka Jabuuti ayaa madaxa xafiiska wax barashada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed oo xarunta SFF maanta war saxaafadeed kasoo saaray waxaa uu sharaxaaad ka bixiyay jadwalka tababarka.
Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu dadaalk aad u xoog badan ku bixiyay sidii tababarkani meel mar u noqon lahaa maadaama tababarka noocan oo kale ah dal kasta laga rabo in uu sanadkiiba mar qabsadao halka FIFA ay bixiso qalabka oo keliya, Soomalaiyana ay usii dheer tahay safarka Jabuuti arrintaas oo xiriirku dhabarka u dhigtay. Tababarkan garsooreyaasha Soomaaliya la siinayo ayaa sida uu madaxa wabarashadu sheegay Jabuuti ka dhici doona inta u dheyxedysa 3-7 bisha March ee inasoo aadan.
“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta gaar ahaana xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab wuxuu sameeyay wax kasta oo suuragal uga dhigi karay Soomaaliya in ayka faa’iideysato tababarka noocan oo kale ah oo sida aan ka warqabno dalal badan oo Afrikaan ahi ay qabsankari waayeen”ayuu madaxa xafiiska waxbarshada xiriirku ku sheegay war saxaafadeedkiisii maanta oo Sabti ah.
“Waxaan aad ugu mahad celineynaa ururka FIFA taageeradiisa aan dhamaadka lahayn ee uu siiyay Soomaaliya taas oo ka hortagtay in kubada cagta Soomaaliya ay burburto muddo ka badan 20 sanadood oo daganaasho la’aan baahsan. Nidaam darro iyo dowlad la’aan ay dalka ka jireen”ayuu Mr.Cali Maxamed Axmed ku yiri war saxaafadeedkiisii maanta.
War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in tababarkaas uu bixin doono Macalinka FIFA ee la yiraahdo Lim Kee Chong oo uu kaalayo Boubakar Hanashi oo isna ah macalin dhinaca jirka ah halka Axmed El Shenawi oo ka socda xafiiska horumarinta garsoorka FIFA ee Ku yaala magaalada Qaahira uu isna maamulka FIFA ku matali doono goobta tababarka oo socon doona muddo 5 maalmood ah.
Dhinaca kale guddoomiyaha gudidga garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cusmaan Jaamac Diraac ayaa sheegay in tababarka ay ka qeyb geli doonaan 28 garsoore oo ka kala asocda gobalada dalka oo dhan, sida Somaliland, Puntland, Galmudug iyo koofurta Soomaaliya.
Wuxuu intaa raaciyay Mr Diraac in madaxda xiriirka kubada cagta, garsooreyaasha tababarka qaadanaya iyo macalimiinta ka socota FIFA ay magaalada Jabuuti gaari doonaan 1-da bisha Maarso halka tababarkuna furmi doono 3-da bisha.
By Shafi’i Mohyaddin Abokar

Maxkmada Gobolka Banaadir oo Xukuno kale duwan Kuriday eedeysanayaal Farabadan Kuna eedeysan…

$
0
0

Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday rag eedeesanayaal ah kuwaasi oo maanta kasoo muuqday maxkamada.
Dadkaan oo tiradooda ay gaareyso 20-ruux ayaa Guddoomiyaha maxkamada Gobalka Banaadir wuxuu sheegay inay muteesteen xukuno kala duwan. 
Dadka maanta la xukumay ayaa tiradooda waxa ay gaareysa 7-kuwaasi oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan halka sidoo kale 5- la fasaxay kadib markii dambe lagu waayay halka sidoo kale 8-kalena dib loo dhigay dacwadooda.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukunka isaga oo sheegay in dadka la xukumay ay ku eedeesnaayeen dambiyo kala duwan oo kala ah dhac iyo sidoo kale waxyaabo kale.
Xukunada dadkaan lagu riday ayaa waxaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 8,9-ilaa afar sano oo xukuno kala duwan ah.
Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa fulisa xukuno kala duwan dadka lagu helo kiisaska kufsiga iyo sidoo kale dhaca.

Cabdulaahi Cabdi Xaashi
muqdisho-Somalia

Raysul wasaare ku xigeenka Turkiga oo maanta Booqashadii Labaad Oga Bilaabatay Caasimada Muqdisho

$
0
0

Raysul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdağ iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Raysul wasaare ku xigeenka waxaa Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Saleebaan.
Wafdiga Bozdağ waxaa ka mid ah wasiirka horumarinta Cevdet Yilmaz, waxaana lagu wadaa inay la kulmaan madaxweynaha iyo raysul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo sidoo kale ka qeyb-gali doona xaflado lagu dhagax dhigayo masaajid, iskuul iyo xarun agoonta lagu daryeelo.
Turkiga ayaa mashaariic horumarineed ka wada dalka Soomaaliya, waana dalkii ugu horreeyay ee safaarad ka furtay Muqdisho tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, halka shirkadda Turkish Airlines ay duullimaadyo caalami ah ka billowday Soomaaliya.
Waa markii labaad ee raysul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdağ uu booqasho ku tago Soomaaliya, isagoo bishii July ee sanadkii la soo dhaafay booqasho tan la mid ah ku tagay magaalada Muqdisho.
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
Muqdisho-Somalia

Dhageyso: Puntland oo xustay aas aaskii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

$
0
0


Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 43-aad ee kasoo wareegaratay xilligii la aas aasay  ciidanka alsuubta Somaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Asluubta Puntland ee Garowe
Waxaa munaasabadaasi  ka qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen. C/Samad Cali Shirre Puntland, Taliye ciidanka asluubta Puntland Sareeyo guuto Cali Nuur Cumar , Wasiiro iyo wakiilo  ka socday Hay’addaha UNPD iyo UNODC.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/Samad Cali Shirre oo qudbad ka jeediyay  munaasabada ayaa amaanay wax qabadka ciidanka asluubta Puntland , Waxaana uu balan qaaday in dowladda Puntland ay daryeelayso xabsiyada Puntlan ee waafaqsan Asluubta.
Taliyaha ciidanka asluubta Puntland sareeyo guuto  Cali Nuur Cumar  ayaa  sheegay ciidanka asluubta Soomaaliyeed in  ay leeyihiin taariikh xusid mudan oo lama ilaawaan ah.
Isagoo sidoo kale taliyuhu ka hadlayay ciidanka asluubta Puntland ayuu sheegay in la aas aasay sanadkii 1998, Waxaana uu sheegay in ay gacanta ku hayaan xabsiyada Puntland.
Wasiirka Cadaalada, diinta iyo arimaha dhaqan celinta Puntland  C/Qaliiif Sh. Xasan Khaliif Ajaayo oo kamid ahaa wasiiradii  ka qeyb galay munaasabada aas aaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed  Puntland  ayaa  ugu baaqay ganacsatada Puntland  inay  caawiyaan maxaabiista ku jirta  Xabsiyada Puntland, Waxaana uu sheegay   dowladda Puntland inaysan kaligeed  ku filnayn daryeelka maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntlland.
Sanad guurada aas aaskii ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale maanta laga xusayaa meelo kala duwan oo kmaid ah Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso codka madaxweyne ku xigeenka
Madaxweyne ku xigeenka Puntland sax
Buraanews.com-Garowe

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live