Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Deg deg:Qarax Xoogan oo Goor dhow la la Eegtay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya

$
0
0

Sida ay sheegayan dadweyne kudhaqan Inta udhaxeeyso Degaanada Yaaq bari weyne iyo Leego ayaa soo sheegaya in halkaasi oo Goor dhow kadhacay qarax xoogan la la eegtay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa lasheegay in oo ahaa nuuca dhulka lagu aaso kasoo lasheegay in lala eegtay Ciidamo kolonbyo ah oo halkaasi kasameeyay howl galo xoogan ay dadka ku qab qabnayeen.
Lama oga khasaaraha rasmiga ay kadhashay waxaana wraraka qaar sheegayan in khasaaro xoogan soo gaartay Ciidamo katirsan kuwa dowlada oo halkaasi ku safraayay.
Ugu danbeyntii waxa weli war ksoo bixin dhinacyada shabaab iyo Dowlada SOomaaliya kuna aadan qaraxaasi wallow lasheegay in Ciidamada halkaasi kafureyn rasaas aad u Farabadan ayadoo cirka u ridayaan.
Wixii kusoo kordha wararkeyna danbe hadu Rabi Idmo
Cabdulaahi Cabdi Xaashi


Daawo Sawirada:Raisulwasaare David Cameroon oo hindiya Kula Kulmay Atoorayaal Caanka ah Caalamka

$
0
0

Jilaaga Bollywoodka Aamir Khan ayaa shalay kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha United Kingdom David Cameron magaalada Delhi ee dalka India, waxaana David iyo Aamir kulan la qaadteen Ardayda jaamacada Delhi.

 

Daawo Sawirada:Madaxweynaha Barcelona oo la kulmay Madaxweynaha dalka Falastiin xili ay jireen..

$
0
0

Wadahadaladii Nabadeed ee ay ka dhexwaday kooxda Barcelona Falastine iyo Yahuuda ayaa meel Fiican maraya kadib Markiii Madaxweynaha Barcelona Sandro Rosell  uu la kulmay Madaxweynayaasha Falastine iyo Yahuuda.
Barcelona ayaa rabta iney qeyb ka noqoto dhex dhaxaadinta Yahuuda iyo Falastiin iyagoo raba iney sameeyaan ciyaartoyda labada dhinac isdhex gal si bulshada Naceebka iskuhaya iyo maamuladooda ay isugu soo dhawaadaan.

 

Daawo Sawirada:Wadooyin Muhiim ah oo kuyaala Magaalada Muqdisho oo saakay inta badan la Xiray

$
0
0

Waxaa Maanta xiray qaar kamid ah Wadooyinka ugu Muhiimsan Magaalada Muqdisho iyadoona inta badan wadooyinkaasi la dhigay Ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Booliis ,Nabad Sugid iyo Milatari.
Xiritaanka Wadooyinka ayaa sabab looga dhigay R/Wasaare kuxigeenka Dalka Turkiga oo saakay Magaalada Muqdisho soo gaaray iyadoona maanta amaanka Magaalada si aad ah loo adeeeyay.
Wadooynka Maanta la xiray oo ah kuwa aad muhim u ah mashquulkoodana badnaa ayaa waxaa kamid ah Isgooska KM-4 ,Laamiga Garoonka Aadan Cadde kasoo baxa, Laamiga Tarbuunka ,Wadada Maka Al –mukara.
Dadka ayaa si caadi ah wadoonka qaar loogu ogolaanayaa in ee socod ku maraan halka gawaarida dadka Shacabka ah loo diiday in ee maraan Wadooyinka maanta xiran.

 

Madaxweynaha oo Muqdsiho kula kulmay wafdi ka socday Turiga

$
0
0

BALCAD MEDIA: Wafdi uu horkacayo ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Turka Bekir Bozdag iyo wasiirka hormarinta dalka turkiga o maanta magaalada muqdisho soogaaray ayaa lakulmay madaxweynaha jamuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, iyo ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumada ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaliya, wasiirka ganacsiga iyo agaasimaha madaxtooyada.
Kulankooda ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay taageerada dowlada Turkiga ee dhinaca mashaariicda iyo amniga ee Soomaliya in ay balaarineyso iyo arimo kale.
Markii uu soo idlaaday kulankaasi oo saxaafad dibada ka joog ka aheeyd ayaa waxaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada lahadlay ra,isul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo Madaxweynaha Soomaliya.
Madaxweynaha Soomaliya Xassan Shiikh ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay kaga mahad celinayaan taageerada ay siiyaan Soomaliya, waxaana uu uga mahad celiya booqashada wafdigaan Soomaliya imaaday, waxaana madaxweynahu uu sheegay in dowlada Turkiga ay ubalan qaadeen balaarinta adeegyada ay kawadaan Soomaliya.
Sidoo kale ra’isul wasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in aay Soomaliya aad ugu faraxsan yihiin imaatinkooda iyo qaabka loo soo dhaweeyay, waxaana uu tilmaamy in ay kawada hadleen sidii dowlada Turiga iyo Soomaliya loo sii balaarin lahaa xiriir kooda.

Natiijada Doorashadii barlamaanka Jabuuti oo la shaaciyay iyo Xisbiga Madaxweyne Geelle oo..

$
0
0

Natiijadii Doorashadii Baarlamaanka ee shalay ka dhacday Dalka Jabuuti ayaa saaka si ku meel gaadh ah loogu dhawaaqay, kadib markii ay soo wada xeroodeen sanaadiiqdii Codka lagu dhiibtay.
Isbahaysiga Xisbiyada Aqlabiyada talada Dalka haya ee UMP ayaa ku guulaystay Kuraasta Baarlamaanka 49%, halka Isbahaysiga Axsaabta Mucaaradka ah ee USN ay ka heleen 47%, iyadoo ay 3% heleen Xisbiyada kale ee Mucaaradka ah ee PPU.
Natiijadan waxa si ku meel gaadh ah saaka ugu dhawaaqay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Jabuuti Xasan Dharaar Hufane oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jabuuti.
Af-hayeenka Isbahaysiga Mucaaradka USN Daahir Axmed Faarax oo Natiijadaasi kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay Isbahaysiga Xukuumaddu ku shubatay Doorashadii isagoo sheegay inaanay ku qanacsanayn Natiijadaasi Hordhaca ah.
Natiijadda Rasmiga aha ayaa la filayaa inay qaadato maalmo kooban maadaama  Hay’adaha Dastuuriga ah loo gudbinayo ku dhawaaqisteeda
 

Cabsida laga qabo rabashado Kenya ka dhaca xiliga doorashada oo korortay iyo Warqado digniin ah oo la daadiyay

$
0
0

10 Maalin oo kaliya ayaa ka hartay xiliga loo asteeyay in ay dhacdo doorashada guud ee dalka Kenya taas oo dadka soo xasuusinaysa doorashadii ugu danbaysay ee 2007-dii Kenya ka dhacday.
Ku dhawaad  Musharax ayaa utaagan xilka madaxweynaha Kenya waxaana ku jira shaqsi Soomaali ah, Ra’isul Wasaaraha Kenya iyo Siyaasiyiin kale oo qaarkood dacwadooda ay taalo Maxkamada danbiyada dagaalka ee Heeg.
Waxaa dalka Kenya laga sameeyay wacyi gelin badan oo ku aadan in laga feejignaado rabshado lamid ah kuwii dhacay doorashadii lasoo dhaafay.
Hase ahaatee dhawaqa ruux kasta oo kaaga sheekeeya doorashada Kenya laga filayo waxuu leeyahay xaaladu masahlana waxaana dadka ay qabaan dareen ka xoogan kii ka dhacay sanadkii 2007-dii.
Arinta xamaasadda leh ayaa ah in qaar kamid ah magaalooyinka waa weyn ee Kenya lagu daadiyay warqado digniin ah taas oo muujinaysa in rabshado laga cabsi qabo.
Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa baaritaano ku haya warqado ay ku qornaayeen waxyaabo naceyb iyo kicin dhalin kara oo dhawaan lagu daadiyey magaalada Kisumo ee gudaha kenya.
Taliyaha guud ee booliska kenya Devid Kimaayu ayaa sheegay in booliska ay imminka baarayaan goobtii lagu daabacay iyo cidda daabacday warqadahan naceybka lagu fidinayo ee Kisumu laga helay.
Mr. Kimaayu ayaa digniin adag u jeediyey cid walba oo isku dayda inay rabshado kiciso ama kicin iyo cabsi abuurta gudaha dalka Kenya.
Taliyaha guud ee booliska Kenya Devid Kimayu ayaa u xaqiijiyey kenyaanka in dowladda ay ciidamo ammaan oo gaar ah u dirtay goobaha laga cabsi qabo inay rabshado iyo qalalaaso ka dhacaan xilliga doorashada.
Dadka Kenyanka ah ayaa waxaa ku weyn qabiilka iyadoona doorashadana ay saameyn ku leedahay qabiilkaas, gaar ahaan marka laga hadlayo Musharaxiinta xilka madaxweynaha oo qaab qabiil ah isku taageera.
Doorashadan ayaa waxaa ay muujinaysaa cod aruurin la sameeyay in Uhuru Kenyatta oo dacwadiisa ay Heeg taal iyo Raila Odinga ay yihiin kuwa ku hardami doona gobollada waa weyn ee Kenya.
Dadka Soomaalida ah ee Kenya kunool ayaa ilgooni ah ku haya doorashadan iyadoo ay ka cabsi qabaan waxa ay yeelayaan hadii rabshado ay dhacaan.
 

Ciidanka asluubta Soomaaliya oo udabaaldagay 43-sanoguuradii kasoo wareegatay aas-aaskooda

$
0
0

Munaasabadani oo lagu maamusaye 43-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka Xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka difaaca dalka Wasirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamulka Gobalka Banaadir.Kusimaha taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed ahna taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Sareeyo Guute Xuseen Xasan Ismaan oo hadal halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ciidamada asluubta ay yihiin ciidanka ugu muhiimsan dalka Soomaaliya.
Sareeyo Guute Xuseen Xasan Ismaan ayaa ka sheekeeyay taariiqihii soo maray ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo marxalada iminka ay marayaan.
Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Abyan Nuur oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay yihiin abaabiyaha shacabka.
Wuxuu sheegay in iminka Xukuumadda Soomaaliya ay ku dadaalayso sidii dib udhis ballaaran loogu sameyn lahaa ciidanka maadaama burburkii dalka soo maray uu saameeyay.
Ciidanka asluubta Soomaaliya oo la aas-aasay xilligii gumeestahii ayaa waxaa loogu yeeri jiray askar Gaalshire balse xilligii Dowladii kacaanka 1970 -2-22 ayaa si toos ah loogu bixiyay magaca asluubta waxaana uu si toos ah uga mid noqday ciidanka qalabka sida ee DOwladda Soomaaliya iyadoo loo aqoonsaday inuu yahay ciidanka saddexaad ee qaranka.


Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dalka dib ugu soo noqday kana warbixiyay safaradiisa…

$
0
0

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahan dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday isagoo faah-faahin ka bixiyay kulamo uu lasoo qaatay madax ka tirsan Dowladda Ethiopia.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiinta dalka Ethiopia ay isku afgarteen sidii loo horumarin lahaa habka federaaliisamka.Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiinta dalka Ethiopia ay sidoo kale isla garteen sidii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta dhanka ammaanka ee Gobalka.Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay safar uu ku tagay ismaamulka Soomaalida ee kilinka Shanaad isaga oo sheegay inuu booqday Jaamacada Jig-jiga oo arday Soomaaliyeed ay wax ka bartaan.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in safar uu ku tagay dalka Kenya halkaasi oo ay kuwada kulmeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya oo ay kawada hadleen arimo dhowr ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa safarkaan uu kasoo noqday maanta wuxuu yahay safarkii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa uu uga baxo tan iyo markii lasoo doortay.

Mareykanka Ma Ukun Baa Turkigana Ma Xadiid baa!! “Maxaa loo yiri Ku meel Gaar Waan ka Baxney”

$
0
0

War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii baan ka baxney,Beerka Caaro Idiin Goysey “Qayladaan waxay ka soo yeertey Nin Odey ah oo aan si wanaagsan isku naqaan da’diisana aan ku qiyaasey 70 Sanno” markaas baan ku irir” Adeer maanta war waa weyn baa kaa baxaya ee Sidee wax u jiraan ” Inta ii soo dhawaadey oo uu soo jiitey Kursi ayuu yiri” Adeer aad baan kuugu baahnaa” markaas baan iri” Soo dhawow “waxaan u raaciyey ‘ Adeer Koob Kafee ah ku Dhufo” si Kal iyo Laab ah ayuu iiga Gudoomey,,waxaana Weydiiyey “Adeer maxaa ka wadaa oo aad u tiri” War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii waan ka baxney “inta si hoose iigu soo dhawaaadey ayuu yiri “Hadde Maalmahaan waad maqleysey” In Madaxdii sare ee Dowlada in Saraakiil Darajadooda hooseysa in ay Garoonka Diyaaradaha ay ku qaabilayeen ” markaas baan iri ” Adeer maxaa ka Macno ah haddii Garoonka Diyaaradaha wax ku qaabilaan” Odeygii inta Xanaaqey buu yiri.

“Horta Garoonka Diyaaradaha Ma Madaxtooyaa mise waa Garoon Diyaaradeed ” markaas baan uga Jawaabey ” Haa Waa Garoon Diyaaradeed ‘ Markaasuu yri “In Madaxdii Sare ee Dowlada iyagoo dudaya oo is Garabinaya ay Saraakiil hooseysa ay halkaa ku qaabilaan ma Dow baa “Markaas baan iir haddii Dantooda ku jirto waa tagayaan” Aad buu ii kuurey oo i yri” markii uu imaanayey Raiisul Wasaaraha Turkiga ee uu tagayey Madaxtooyada iyadoo Xaalada intaan ka xun tahay , waxay ahayd Fariin ku soctey Madaxdeenna Ujeedkuna waxaa uu ahaa in uu iyaga dhiirageliyo si aysan hoos isugu dhigin oo ay noqdaan kuwa loo baahan yahay marka Casharkaas meel bay iska dhigeen in maanta farta loogu yeero waa mid aanan marnaba ka sugeyn Madaxdeena”waxa uu i weydiiyey Su’aal ahayd ‘ Maxaa loo sameeyey Madaxtooyada oo ah Astaanka Qaran uu leeyahay”waxaan ku iri ” Adeer waa runtaa Madaxtopoyada Waa Astaanka Qaranka waxaana loo Unkey in lagu qaabilo Madaxda Imaaneysa islamarkaana laga Maamulo Wadanka oo dhan” waxaa uu yri ‘ Sidaa baa u garaneysaa ‘
Ninkii odeyga ahaa waxaa uu ii galey Qiso dheer waxaa u yiri “Mareykanka weligii Caddow buu nagu ahaa waagii aan qaadaney Xoriyada oo Qaranka oo Markaas Afar jirsadey ayaa waxaa Dalka uu dagaal la galey Dowladii Itoobiya waa 1964 tii Waagaas Ciidankeena si wanaagsan uma dhisneyn Hubka aad buu ugu yaraa,Janeraal Dauud ayaa waxaauu la kulmey Wafdi ka socdey Dowlada Mareykanka oo Saraakiil u badnaa waxaa ay Dowladii Xiligaas jirtey ay weydiisatey in ay siiso Hub ay isaga dhiciyaan Itoobiya waxaa uu Wafdigii Mareykanka uu si Cad ugu sheegey Dowladaas in aysan Hub sii karin balse ay dhinaca Dibolomaasiyada uu ka Taageerayo,aad bay arrinkaas uga Caroodeen waxay Dowladii Bilowdey in ay la xirato Dowladii Ruushka oo Albaabada u furtey gaar ahaan Dhinaca Hubka , waxaana Ruushka Dowlada ku wargeliyey in ay Xitaa Ciidamo u Tababarayaan , waxaa Dalka ku soo ququley Hub noocyo kala Duwan oo ay ku jiraan Diyaarado Dagaal , markaan Xasuusteyda aan Dib u raaco waxaa uu Mareykanka uu doonayey in Itoobiya ay qabsato Soomaaliya maadaama uu u diidey in ay siiyaan Hub.
Waan gartey Ujeedada Nuxurka Warkaada maxaa ku dareysaa ayaan daba dhigey ninkii Odeyga ahaa “Markii ay Dowladii ay Burburtey 1991 dii ayuu Mareykanka soo rogaal celiyey isagoo ku Marmarsiiyoonaya in uu Gacan siinayo Dadkii Abaaraha hase yeeshee qorshahaasi waa uu buburey Mareykankii Har Cad buu ka cararey Wadankii , weli ma harin hadana waxaa uu isku dayey in uu Hubeeyo Dhaqaale ku bixiyo Qabqablayaashii Dagaalka iyagana waa la ogaa halkii ay ku dambeeyeen, waxaa Xigey in uu Dabada ka soo riixo Dowladii Itoobiya oo iyana aan lagu soo dhaweyn Ubaxyo , waxay sheekadu socoto waxaa Dhawaan maqley in Mareykanka uu aqoonsadey Dowladii Xasan Shiikh , ma Xuma Xiriirkaas waxaan Aaaminsanahay in Mareykanaka ay weli Lug u laaban tahay waayo hadii uu Dowlada Aqoosadey Maxaa ay Dubolomaasiyiintiisa ay u tagi la’ yihiin Xarunta Madaxtooyada , waxaan soo Xasuustey Waagi la dooranayey Shiikh Shariif ayaa waxaa la taliye uu ka dhigtey Haweeney Mareykan ah taasoo Muran ka dhex dhalisey siyaasiyiintii la socotey Shiikh Shariif oo qaarkood ku adkeystey in La Talintaan ay Xiligaan u Baahan yihiin yagoo iska dhaadhiciyey Murtidii ahayd “Dantaada Maslo Eey Baa loogu Seexdaa” marka waxaan u maleynayaa in Tagista Madaxda Sare ee Dowlada ee Garoonka Diyaaradaha ay tahay Midaan oo kale hase yeeshee Taa Ma Xuma laakiin waxaa ka weyn Sharafta Qaranka Soomaaliyeed,Marka Madaxdeena weli iyaga ayaa Dhulka isku Jiidayo , Xamiid Karsaayey weligii Garoon Diyaaradeed kuma Qaabilin wafdi ka socda Caalamka waxaa loogu tagaa Xarunta Madaxtooyada , mararka qaarkood waa uu ka gilgishaa Waxyaabaha ay kula kacaan Mareykanka iyo kuwa la socda” inkastoo dadka qaar ay leeyihiin waxba kuma Jabna in ay Madaxda Dowlada tagaan Garoonka Diyaaradaha oo ay halkaa ku qaabilaan wafdi ka socda Calaamka , balse inta badan Bulshada si aad ah ayey uga soo horjeedaan waayo Madax waaweyn ayaa Soomaaliya yimid Xilli Xaaladu intaan ka Culus tahay..
“Waa yaab Dooraad waxaa yimid Senator Mareykan ah oo la mid Xildhibaan Soomaaliyeed waxaa Garoonka uga tagey Madaxweynihii Soomaaliya halka uu ugu diri lahaa Xildhibaan,waxaa Xigey in Garoonka uu ka soo dego Agaasimaha Hayadda USAID oo la mid marka la fiiriyo waa Darajadiisee Agaasimaha Hayadda SOMAID,markii Madaxweynaha uu qaabiley hadana waxaa Weydaartey Raiisul Wasaarihii Soomaaliya Marka waxaa Cad in Dowlada ay kala socoto Wax Madaxweynaha uu kala hadley oo ka duwan miyuu kala hadlayaa Raiisul Wasaaraha ma garan karo? waa arrin u baahan in si qoto dheer looga hadlo , Hadii Saraakiil sidaa uu Heerkooda u Hooseeyo ay Madaxdeena ku qaabilayaan Garoonka Diyaaradaha waxay arrintu tahay in Dalka uusan nabad ahayn oo aan la isku soo haleyn karin wax ka baxsan Garoonka Diyaaradaha , sidoo kale waxay Ihaano ku tahay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada oo noqoneysa in iyana la isku haleyn karin Amaankooda, Soomaalida waxay Tiraahdaa “ Mayd maxaa u Dambeeyey Kaa la sii sido” Maanta waxaa Magaalada Muqdisho dhex Mushaaxaya waa Raiisul Wasaare Ku xigeenkii Turkiga oo Madaxdii Dalka ugu Tagey Madaxtooyada waa Su’aalee Saraakiisha Mareykanka Ma Ukun Garoonka lagu Ilaaliyaa oo jabeysa Haddii Madaxtooyada yimaadaan, Madaxda Turkigana Ma Xadiid aan Jabeyn baa oo Wadooyinka mari kara,Madaxtooyada tegi kara !! isku soo duuduuboo waxay arrintu taagan tahay oo Madaxda Dowladda aan leeyahaya Haddii Dubolmaasi ama Sarkaal Sidaa u Hooseysa ku qaabilaan Garoonka Diyaaradaha ,OBAMA-na Sow ma aha in ay ugu tagaan Markab taagan Xeebaha Badwenta Hindiya Marka Soomaalida waxay Tiraahdaa “Waa baahanahay Bakhtiga Looma Cunno”
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Xukuumadda Somalia oo ka fakareysa sida ay ka yeeli lahayd Siyaasadaha is-diidan ee Jubbooyinka.

$
0
0

Xukuumadda Somalia ayaa ka fakareysa Sidii ay ka yeeli lahayd Xaaladda Cabasho ee ka soo yeereysa Beelaha ka soo jeeda Magaaladda Kismaayo kuwaasi oo Cabasho u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradad Arimaha Gudaha iyo Amniga.
Cabashadda Dhowr Beel ee ka soo jeeda Magaaladda Kismaayo ayaa ku soo beegmeysa Xilli dib u dhac uu ku imaaday Shirkii Maamul u sameyn ee lagu balan-sanaa Maanta, iyada oo ay jiraan Khilaafyo ka dhex taagan Qabaa’ilada ka soo jeeda Jubbooyinka kasoo salka u haaya Is-faquuq.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee ka soo jeeda Jubbooyinka ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ku wargalshay in xiligaani ay mudantahay in la joojiyo maamul u sameynta Jubbooyinka, iyaga oona sheegay inay ka dhalan karto Buuq iyo isqab-qabsi qabiil
Odayaasha iyo aqoonyahaanada ka soo jeeda Dhulkaasi ee ku sugan Magaaladda Muqdisho ayaa Warqadao u gudbiyay Madaxda sar sare ee Xukuumadda iyaga oona ka cabanaaya qaabka lagu doonaayo in Maamul loogu sameeyo Jubboyinka.
Si kastaba ha ahaatee Madaxda Xukuumadda ayaa lagu wadaa inay si gaar ah uga hadlaan xalinta Maamul u sameynta Jubbooyinka iyaga oona kasoo fakiraayo sidii lagu qancin lahaa Gabi ahaan Beelaha kasoo jeeda Dhulkaasi.

Daawo Sawirada:Haween ka tirsan Ciidamadda Qaranka oo lagu tababarayo Magaaladda Beled-weyne.

$
0
0

Ciidamadda Dalka Djibouti ee Qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee fadhigoodu yahay Magaala madaxda Gobolka Hiiran ee Beled-weyne ayaa waxay tababar u fureen Haween ka tirsan Ciidamadda Qaranka Somalia (SNA).
Tababarkaasi ayaa ah kii ugu horeeyay ee si Khaas ah loogu tababaro Ciidamo Haween soocan ah, oo lagu qabto gudaha dalka Somalia.
Magaaladda Beled-weyne oo 315 KM u jirta Magaaladda Muqdisho, ayaa ah magaaladda shanaad ee ugu weyn Somalia, iyadoo Kooxda Alshabaab laga saaray Magaaladaasi bishii Septembar ee sanadkii 2011.
DAAWO SAWIRADDA:-

Kulan Xasaasi oo Goor dhow kabilowday Magaalada Kismaayo Loogana hadlaayo Dagaaladii Ruxay Magaalada

$
0
0

Kdib shir xasaasi oo haatan kasocda Garoonka magaalada kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose kasoo looga arin sanaayo Dagaalkii shalay ruxay magaaladaasi.
Kulankaan ayaa lasheegay in oo kasocda garoonka ayadoo ay ku qul qulayaan Saraakil Ciidamo farabadan iyo waliba Odayaal dhaqameyd iyo dhinacyadii shalay Dagaalamay.
Kulankaan ayaa lasheegay in looga hadlaayo qaabkii loo xalin lahaa dagaalkii shalay ayadoo lasheegay in laga wada hadlaayo sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyada iyo in dagaal danbe ookadhicin halkaasi.
Waxa si dhab ah faa faahin dheraad looga helin Kulankaasi wallow saacadaha soo socda laga sugaayo in ay aksoo baxaan Warar dheraad ah.

Prof: Jawaari oo dalka dib ugu soo laabtay, faah faahina ka bixiyay safarkiisii

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)— Guddoomaiyaha Barlamanaka Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay safarkisii.
Prof: Maxamed Sheekh Cusman Jawaari, guddoomiyaha Barlamanka Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Ethiopia iyo meelo kale.
Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya ayaa ugu horeyn sheegay in uu la kulmay Guddoomiyaha barlamanka dalka Ethiopia kaasi oo uu sheegay in ay kawad hadleen arrimo ay kamid yihiin wada shaqeyn labada barlamaan iyo adkeynta Amaanka iyol Nabada Geeska Africa.
Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in intii uu ku suganaa Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ay martiqaad ka heleen Jaamacada Addis Ababa ee halkaasi ku taala taasi oo ay wada yeesheen aqoon isweydaarsi ku aadan waxabarashada kaasi oo ay ka soo qeybgaleen quburo caalami ah iyo Arayday Soomaaliyeed oo Jaamacadaasi wax ka barta.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay booqashii uu ku tagay dhulka Ismaamulka Soomaalida gaar ahaa Magaalada Jigjiga waxana uu carabka ku dhuftay in Xildhibaanada Soomaaliyeed ay mas’uuliyad ka saarantahay Soomaaliya oo dhan.
Sh.M.Network

Waraysi Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war


Qilaaf Xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya oo Shaac baxay iyo Xaalka oo noqday in la kala dhuunto

$
0
0

In dhowaalaba shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadka waxgaradka ah waxay isla dhex marayeen xan ku aadan inuu jiro khilaaf marba marka ka sii dambeysa soo baahaya oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, khilaafkaasi oo salka ku haya loolan xagga awooda ah oo u dhaxeeya labada nin iyo kala aragti duwanaansho xoog leh oo soo kala dhex gashay mas’uuliyiintaasi ka mid ah madaxda ugu sareysa Qaranka Soomaaliya, kuwaasi oo mid walba oo labadooda ka mid ah uu doonayo in tiisa gaarka ah la qaato.
Inkastoo khilaafkaan in muddo ah la qarinayay ayaa wuxuu soo ifbaxay dhowr cisho ka hor markii uu magaalada Muqdisho soo booqday madaxa USAID ee dalkaasi Mareykanka Mr. Rajiv Shah, kaasi oo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya si kala gooni gooni ah ugula kulmay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu Mr. Shah ka gows adeygay inuu booqdo madaxtooyada Soomaaliya, sababo uu ku macneeyay amnigiisa awgeed.
Sheekada khilaafkaan waxay dibadda u soo baxday markii uu Ra’iisal Wasaaruhu yimid garoonka Aadan Cadde si uu u arko madaxa USAID ee Mareykanka oo xilligaasi garoonka ku sugnaa, ha yeeshee wakhtiga uu Ra’iisal Wasaaruhu soo gaaray madaarka Muqdisho waxaa socday shir jaraa’id oo ay wada qabanayeen Madaxweynaha iyo Mr. Rajiv Shah, balse Ra’iisal Wasaaruhu markii uu arrintaasi ogaaday waxa uu ku cararay qeybta maamulka ee Hay’adda Saadaasha hawada ee ku taala isla garoonka Aadan Cadde, halkaasi oo Ra’iisal Wasaaruhu iska fariistay ilaa uu Madaxweynuhu ka dhameysto howlihii uu garoonka u tegay.
Daqiiqado kaddib markii uu Madaxweynuhu ka soo dhaqaaqay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa mar kale waxaa Saxaafadda lagu wargeliyay inuu jiro kulan kale oo u dhaxeeya Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdigii USAID, taasi oo noqotay hal xiraale cusub, iyadoo saxafiyiin badan ay bilaabeen inay isweydiiyaan sababaha dhaliyay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u soo kala dhuuntaan, iyagoo si kala gooni gooni ah ula kala kulmaya wafdigaasi Mareykanka ka socday, iyadoo la heli karayay inay si wadajir ah u qaabilaan xubnaha uu ka koobnaa wafdigaasi.
Arrinta khilaafkaan waxay mar kale sidii dayax afar iyo tobanaad oo kale ay u soo daahirtay markii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay labaduba ku guul dareysteen inay meel qura ku wada qaabilaan, Ra’iisal Wasaare K/Xigeenka dalka Turkiga Mr. Baker Bozdag oo maalinimadii Sabtida ahayd soo booqday Muqdisho, kaasi oo isna labada mas’uul mid walba goobtii uu calaamadeystay kula kulmay, iyadoo Madaxweynaha ay isku arkeen xarunta Villa Somalia, halka Ra’iisal Wasaarahana ay ku kulmeen hoygiisa magaalada Muqdisho.
Dhacdooyinkaan ayaa waxay yihiin kuwo caddeyn u ah khilaafka u dhaxeeya Prof. Xasan iyo Dr. Saacid, waxayna arrimahaani muujinayaan inay gebi ahaanba go’day kalsoonidii iyo wada shaqeyntii u dhaxeysay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, iyadoo tani ay hubaal ka dhigeyso sida ay madaxdani u kala tagsan yihiin, xaglahooduna ay isu soo dayayaan.
Marka aad booqato fariisimada labada hoggaamiye ee Xasan iyo Saacid ama aad la kulanto taageerayaasha labadaasi mas’uul waxaa kuu soo baxaya qoto dheerida khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, iyadoo koox walba oo ka tirsan dhinacyada is haya ay kugu afuufeyso eedo iyo dhaliilo uu midba midka kale u jeedinayo, haday tahay kuwo Madaxweynaha loo jeedinayo ama kuwo Ra’iisal Wasaaraha loo jeedinayo.
Taageerayaasha Madaxweynaha oo aan qarsaneynin cambaareynta ay u jeedinayaan Ra’iisal Wasaaraha ayaa kuu sheegaya in ra’iisal Wasaaraha uu noqday la mood noqonse waa ayna haboon tahay inuu is casilo ama in xilka looga qaado mooshin ay sheegeen inay diyaarinayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, iyagoo intaasi raacinaya in Ra’iisal Wasaaraha ay ku maqan dhaqaale fara badan oo gudaha dalka yiilay, isla markaana uu si sharci darro ah isu raaciyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo Dhulka oo aan shaqaba isku lahayn, halka xoogagga daacadda u ah Ra’iisal Wasaaraha ay iyagana la cad cad yihiin eedaha ay u jeedinayaan Madaxweynaha, iyagoo kuu sheegaya in Madaxtooyada laga la’yahay inay caddeyso oo ay keento dhaqaalihii deeqaha ahaa ee dhowaan laga keenay wadamada Carabta iyo eedo kale oo ay ka mid tahay in dhaqaalihii dalka uu Madaxweynuhu ku aaday safaro aan macno badan sameyneynin iyo inuu Madaxweynuhu maroorsanayo awoodihii Ra’iisal Wasaaraha ee uu dastuurku siiyay iyo in dowladda oo idil laga wada dhigo urur diimeedka DAMUL-JADIID oo ah koox ay Madaxweynaha is af yaqaanaan iyo eedo kale.
Waa nasiib darro aad u fool xun in madaxdii sarsare ee Dowladda ay kala socdaan, isla markaana ay is barbar ordayaan, iyagoo lumiyay xiriirkii wada shaqeyn ee ka dhaxeeyay, iyadoo mid walba oo iyaga ka mid ah uu u xusul duubayo sidii uu u kororsan lahaa awoodiisa, taasi oo keeni kareysa inuu khilaafku sii xoogeysto ilaa uu ka gaaro heer aad u xun oo labada nin ay isku seegaan ama inuu midkood meesha ka baxo.
Xasan iyo Saacid lagula yaabimaayo inay luqunta is gashadaan, maxaa yeelay waxay marayaan jidkii ay horay jaalayaashoodii xilkan kaga horeeyay ay u mareen, kuwaasi oo caan ku ahaa inay isku mashquulaan halkii ay Qaranka uga adeegi lahaayeen, waxaase isweydiin mudan meeday oraahdii uu Madaxweynuhu ku faani jiray ee ahayd “Aniga, Jawaari iyo Saacid waxaan ku ballanay inaan marnaba is qabqabsanin sida dowladihii KMG ahaa oo kale”, jawaabta su’aashaasi ayaa waxay ku soo urureysaa oraahdaasi inay noqotay mid bar kuma taal ah iyo hadal siyaasadeed oo ku dhawaaqistiisii hore aan laga fiirsan.
Soomaaliya oo horay loogu imtixaamay dagaal qabiil, dhibaato hoggaamiye kooxeed iyo dirir diimeed ayaa hadda waxay u eg tahay inay ku soo laba kacleysay khilaafkii dhaqanka u ahaa Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare kasta oo Soomaaliya soo mara, kuwaasi oo is khilaafa markii ay muddo bilo ah wada shaqeeyaan, waxaana wax laga xumaado ah in tani ay dhulka ku dhufaneyso oo ay tirtireyso rajadii shacbiga Soomaaliyeed ee ku aadaneyd in la helay madax Qaran iyo Dowlad rasmi ah, mar haddii laga soo baxay xilligii KMG iyo madaxdii is qabqabsan jirtay.
Sida laga bartay khilaafyada noocaan oo kale ah waxay yeeshaan dhowr weji, waxayna marxalada hore noqoneysaa inay Xildhibaanada kala qeybsamaan iyagoo la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha is haya isla markaana Xildhibaanadu ay keenaan mooshinno iska soo horjeeda, waxaana wejigaasi xigaya inay beesha caalamka soo farageliso arrimaha Soomaaliya, iyadoo taasi haddii lagu guul darreysto ay daba taalo in ragga muruqa isku sheeganaya la isugu geeyo wadan bannaanka ah si khilaafaadkooda loo xaliyo, waxaase ayaan darro ah in khilaafka haatan taagan uu gaaro heerkaasi.
Iyadoo la sii saadaalin karin halka uu khilaafkaan salka dhigi doono ayaa hadana dad badan oo Soomaaliyeed waxay qabaan in khilaafkani uu yahay IBTILO CUSUB oo soo wajahday Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku talinayaan in labadaan mas’uul ay isu tanaasulaan isla markaana ay soo celiyaan wanaagii, ixtiraamkii iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay, si ay uga soo dhalaalaan dhaartii ay mareen ee ahayd inay si daacadnimo ah ay ugu adeegayaan dadka, diinta iyo dalka Soomaaliyeed.
Waxaa Qoray:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

Xafiiska Jeneral Gaafow oo la Jabdsaday lagana Xaday Dukumiintiyo Muhiim ah iyo lacago badan(Top Secret)

$
0
0

Xafiiska taliyaha laanta socdaalka jinsiyada soomaaliya Janaraal Cabdilaahi Gaafow maxamuud ayaa la sheegay in xalay lagu sameeyay falxatooyo ah.
Warar ay heshay Buraannews ayaa sheegaya in xalay xafiiska talitaha laanta socdaalka iyo jinsiyada oo ku dhax yaala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cade international airbort xili habeen bar ah loo gacan dhaafay .
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xafiiska laga xaday lacag tiro badan oo cadad ahaan kabadan boqol kun oo doolar sidoo kalana la qaatay xogtii ku jirtay computarada xafiiska yaalay.
 
Arintaani si weyn looma soo shaacbixin maantana meysan saameyn howshii garoonka laakiin gelinkii danbe ee maanta ayaa xarunta haya”ada danbi barista ee CID waxa looga yeeray oo lagu xiray dhowr kamid ahaa shaqaalihii garoonka ka shaqeynayay oo qaarkood xiran.
Saraakiisha socdaalka gaar ahaan taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyada hanaraal calaahi gaafow maxamuud oo aan isku deynay inaan laxiriirno nooma aysan suura galin sababo la xiriira taleefoonka oo aan laga jawaabeynin.
 
Wixii warar ah ee ku soo kordha arintani oo xogteeda ay isa soo tareysana dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.

Deg deg:Kulan Xasaasi ah oo haatan kasocda Garoonka Magaalada Kismaayo iyo Isgaarsiinta oo Maqan

$
0
0

Kulan Xasaasi ah oo haatan kasocda Garoonka Magalada kismaayo kasoo loga hadlaayo Colaada dib oga soo cosboonaatay Magaaladaasi.
Kulankaan oo albaabada u xiranyihin aya ahaatann kasocda Garoonka Magalada akismaayo ayadoo weli ay dansantahay Isgaarsiinta magaladaasi.
Waxgarad iyo Siyaasihiin saraakiil Ciidan ayaa ku qul qulaayo Garoonka waxaana lasheegay in siweyn loo adkeeye amaankiiisa waxana kulankaasi goob joog ka ah wafdi oo hogaaminaayo wasiirka arimaha Gudaha oo daqiiqado kahor gaaray Magaaladaasi.
Waxa si dhab ah loo ogeyn ujeedada kulankaasi looga hadlaayo waxaana warrak qaar shegayaa in wafdiga dowlada kulamo gooni gooni la leeyihin madaxda halkaais kudhaqan iyo sarakaiisha AMaanka.
Wixii kusoo kordha wararkeyna danbe haduu Rabi Idmo
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
Muqdisho-Somalia

Rasaas Xoogan oo haatan Dib Oga Bilaabatay Magaalada Kismaayo iyo Kala cararkii Ugu Darnaa oo haatan Socoto

$
0
0

Sida ay sheegayan wararka aan haatan kaheleyno magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolda Jubbada hoose ayaa sheegaya in rasaas xoogan haatan kadhaceyso Gudaha magaladaasi.
Rasaastaan ayaa lasheegay in si xoog leh oga socoto Gudaha magaalada ayadoo lasheegay in cabsi xoogan haatan kajittyo Gudaha magaalada.
Kala carar xoogan ayaa hatan kajira gudaha magaalada waa sida oo noo sheegay Goob jooge aalada Internedka kula soo xariiray badweyn una sheegay xaalka haatan kismaayo.
Israsaaseyntaan ayaa haatan si toos oga socda Xaafada calanley ee Magaalada kismaayo waxaana lasheegay in isku heystaan laba maleeshiyo beleed kuwaasi oo maalin kahor halkaasi ku dagaalamay.
Wixii kusoo kordha wararkeyna Danbe haduu Rabi idmo
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
Muqdisho-Somalia

Booliska Xamarweyne oo gacanta ku soo dhigay dad iyo waxyaabaha maanka dooriya

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Netowrk)— Taliska Booliska degmada Xamarweyne ayaa maanta soo bandhigay dad iyo waxyabaha maanka dooriya oo lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen degmadaasi.
Gaashaale dhexe Max’ed Daahir, Taliyaha Saldhiga Degmada Xamarweyne oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal lagula dagaaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ay saakay ka sameeyeen gudaha degmadaasi.
Taliyaha Saldhiga degmada Xamarweyne ayaa gudaha saldhiga degmadaasi warbaahinta ugu soo bandhigay Haaman iyo Jirgaano ay ka buuxaan Waxyaabaha Maanka dooriya iyo dadkii lala soo qabtay.
Gaashaale dhexe Max’ed Daahir ayaa waxa uu tilmaamay in howlgalkaasi ay saakay ka sameeyeen gudaha degmada Xamarweyn in ay ku soo qab qabteen dad iskugu jira Rag iyo Dumar oo la sheegay in ay ka ganacsanayeen qaarkoodna ay isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya.
Dhanka kale guddoomiyaha degamada Xamarweyne C/laahi Ibraahim Sahal Gardhuub oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa mahadnaq uu ujeediyay booliska degmadaasi kaddib waxa uu sheegay in maamulka degmaasi aysan marnaba u dulqaadaneyn in lagu iibiyo ama lagu isticmaalo gudaha degmadaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Booliska degmada Xamarweyne ay howlgalo ku aadan la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya ka sameeyaan gudaha degmadaasi.
Sh.M.Netowrk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live