Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada Dowlada Soomaliya oo la wareegay deegaano hor leh

$
0
0

BALCAD MEDIA: Ciidamada Dowlada Soomaliya oo garab ka helaya kuwa Amisom ayaa la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose, waxaana deegaanadaasi jirirn dagaal ka dhacay,Waxaana deegaanada ay gaareen ka mid ah Jiiro kuulow, Qardho iyo deegaano kale oo hor leh.
Saraakiisha ciidanka dowlada Soomaliya ee gobolka shabellaha Hoose, ayaa sheegay in ay deegaanadaasi, haatan wixii ka danbeeya ay noqonayaan deegaanada dowladau ka canta ku heeyso, waxana ay sheegen in wax dagaal ah uusan ka dhalan intii ay la wareegayeen.
Ciidamada dowlada ayaa todobaad yadii ugu danbeeyay waxaa ay isku balaarinayeen deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Shabellaha hoose, waxaana deegaanadaan haatan ay la wareegeen ay horay u ahaayeen deegaano aan Shabaab ku sugneeyn balse waxaa ay ahaayeen deegaana u dhaxeeya labada fariisin ee u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo ku Al Shabaab.


Rag ka tirsan Al Shabaab oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Baladweyne

$
0
0

Baladweyne (Sh.M.Netowrk)— Howlgal lagu soo qab qabtay Rag ka tirsan Al Shabaab ayaa Ciidamada dowladda waxa ay ka sameeyeen Magaalaada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan Ciidama dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo ka sameeyay Xaafadaha Magaaladaasi.
Howlgalada oo ahaa kuwo looga goleeyay xaqiijinta Amaanka Magaalada, islamar ahaantaana looga hortagayo falal Amni dari oo ka dhaca Magaalada Baladweyne, ayaa waxaa ay Ciidamada ku soo qab qabteen tiro dad ah kuwaasi oo saraakiisha Ciidanka ay ku tilmaameen in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Hiiraan Konel Isaaq Cali Cabdulle oo howlgalka kaddib la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howgalka ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo uu sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab, isagoona intaasi raaciyay in howlgalada sidaan oo kale ah ay sii wadaan tan iyo inta ay ka xaqiijinayaan Amaanka magaalada oo dhan.
“Waxaan sameynay howlgal aan ku soo qab qabanay tiro dad ah oo qaar kood ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab, waxaana ku heynaa baaritaan aan ku ogaaneyno dadkaan” sidaasi waxaa Idaacadda Shabelle u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Hiiraan Konel Isaaq Cali Cabdulle.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo ay siwada jira ah gacanta ugu hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana maalmihii u danbeeyay howlgallo kawaday ciidamada dowladda  kuwaasi oo ay ku xaqiijinyaan Amaanka Baladweyne.
Sh.M.Netowrk

Wasaarada arimaha gudaha Puntland oo xilkii ka qaaaday gudoomiyihii degmada Burtinle.

$
0
0


Wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa maanta oo isniin ah xilkii ka qaaday gudoomiyihii degmada Burtinle Faarax Maxamuud Jaamac Salwe.
Xil ka qaadistaan ayaa ka dambeeysay  kadib markii golaha deegaanka degmada Burtinle ay dhaliilo ka gudbiyeen gudoomiyaha xilka laga qaaday taasi oo ku aadaneed wada shaqeyn la’aan iyo horumarka degmada  oo hoos u dhacay.
Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/laahi Jaamac Axmed ‘Ilkojiir” oo gaarey degmada Gaarey ayaa markii uu dhageystay eedeeymaha xildhibaanada golayaasha deegaanka Burtinle wuxuu xilkii si rasmiya uga qaaday gudoomiyihii degmada Burtinle.
Xilka qaadista kadib waxaa  isuguna xilkii iska casilay gudoomiye ku xigeenkii degmada Burtinle.
Wasiirka arimaha  Puntland Ilkojiir ayaa  golaha deegaanka Burtinle  u sheegay in hal maalin gudaheed laga rabo inay kusoo doortaan  gudoomiyaha cusub ee golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa.
Isbadalka maamul ee degmada Burtinle ayaa marar badan muran uu ka yimid, mana ahan markii ugu horeysay oo gudoomiye Burtinle xilka looga qaado eedeymaha golayaasha deegaanka.
Buraannews.com- Garowe

Dhageyso: Puntland oo shaacisay sababihii loo joojiyay shidaalkii ka imaan jiray Yemen.

$
0
0


Madaxwaynaha puntland  C/Raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay shidaalkii Yemen uga imaan jiray puntland in loo joojiyay kadib markii la ogaaday in hub iyo aaladaha qarxa lagu soo dhex qariyo doonyaha shidaalka kasoo dajiya xeebta Bosaso..
Madaxweynaha Puntland ayaa  sheegay  Alqaacidada ku sugan  dalka Yemen inay   ay si fudud  qaraxyo  iyo hub ugusoo qariyaan doonyaha shidaalka kasoo dajiya  xeebaha gobolka Bari, Waxaana  uu sheegay inay  hayaan cadeyno rasmiya sida ninkii Yemeniga ahaa ee lagu qabtay xeebta Xaabo ee gobolka Bari isagoo hubsida markii dambena laguna xukumay dil toogasho.
Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay  arintaan in  ay ku  lug  leeyihiin Somaali iyo ajaanib u shaqeysa argixisada caalmiga ah ee dalka Yemen.
Madaxweyne Faroole waxuu sheegay in dambi loo haysto shaakhsiyaadkii shidaalku ugasoo dhoofi jiray  dalka Yemen, Isagoo sheegay in dacwadooda loo gudbiyano golaha amaanka qaramada midoobay.
Hadalka madaxweyanha Puntland wuxuu kusoo beegmayaa, Iyadoo dhawaan darawaliinta gaaadiidka Bosaso ay ka  canbanayeen go’aankii dowladda Puntland ku mamnucday shidaalka ka imaan jiray dalka Yemen.
Halkaan ka dhageyso codka madaxweynaha Puntland:
Madaxweynaha Dawlada Puntland
Buraannews.com- Garowe

Xog ku saabsan sababta keentay joojinta Shidaalka Puntland

$
0
0

BALCAD MEDIA: Punt land ayaa dhawaan joojisay in Ganacsatada Puntland ay shidaal ka keensadaan dalka Yaman, waxaana Ganacsatadu ay qeylo dhaan ka muujiyeen joojinta shidaalkii ay ka keensan jireen dalka Yemen, iyagoo ku eedeeyay Maamulka Faroole in caqabad uu ku yahay ganacsigooda.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in sababta loo joojiyay Shidaalka ay tahay in laga hortago in Al-qaacidada Yemen in ay soo galiso gudaha Puntland, waxaana uu sheegay in Yaman Al-qaacidada ka soo gaareysa Puntland.
Sidoo kale Faroole ayaa tilmaamay in qorshahaasi uu yahay mid looga hortagayo Al-qaacida uusana aheeyn mid ganacsatada lagu cuna qabateynayo, waxaana ganacasatada uu ugu baaqay in ay ka gacan siiyaan sugida amaanka deegaanada Maamulka pun-land.

Puntland oo cambaareysay dagaalkii ka dhacay Kismaayo kuna baaqday inta la taageero maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.

$
0
0


Dowladda Puntland ee Soomaliyeed ayaa ka hadashay war ka soo baxay maanta 25 February,2013 xaalada Magaalada Kismaayo ,dagaal ka dhacay iyo weliba arinta maamul u samaynta Jubooyinka.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland   ayaa lagu  cambaareeyay dagaalkii Kismaayo ka dhacay waxayna Puntland ku gu baqaysaa dhinacyada dagaalmaya inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka iskana ilaaliyan wixii hurinaya colaad.
Puntland waxay dowladda federalka  ugu baaqdey sidii dadka deegaanka looga taageeri lahaa dhismaha maamul ku yimaada rabitaankooda.
”Waxaan ugu baaqaynaa Dowlada Fedaraalka ah inay ka shaqayso sidii gacan looga siin lahaa dadka degaankas inay dhistaan carqalad la’an maamul ku yimaada rabitaanka dadka si loo helo nabad iyo kala dambayn waarta”.
Puntland ayaa ugu danbeyntii baaq u jeedisey Beesha Caalamka oo ku aadan ka qaybqaadashada Dhismaha Maamulka Jubooyinka si dadka deegaanku uga badbaadaan dhibaatooyin iyo colaado hor leh.
 
Buraannews.com- Garowe

Kulan balaaran oo haatan ka socda Magaalada Kismaayo. “Warbixin”

$
0
0

BALCAD MEDIA: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo oo maanta ay gaareen wafdi ka socda dowlada oo isugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa sheegaya in haatan garoonka diyaradaha uu ka socdo kulan balaaran kaa si oo ay ka qeeyb qaadanayaan labadii dhinac ee dagaalamay iyo saraakiil ka socoto Kenya iyo wafdiga maanta gaaray, waxaana ay ka wada hadlayan arimo ah in qilafka laxaliyo iyo sidii nabad waarta looga dhaxdhigi lahaa.
Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa ah mid la adkeeyay, waxaana hawada dib ugu soo laabtay Isgaarsiintii ka jirtay oo maanta dhan hawada ka maqneeyd, waxaana ciidamo farabadan lagu daadiyay daafaha garoonka diyaaradaha oo kulanku ka socdo.
Ilaa iyo hada wax ka soo baxay ma jiraan, waxaase lafilayaa in goordhaw lasoo gabagabeyo qeeyb tiisa koobaad, wafdiga ayaa lagu wadaa in caawa uu ku hoydi magaaladaasi Kismaayo.
Kulankaasi wixii ka soo baxaa waan idiin soo kudbin doonaa.

Dad lagu eedeeyay in ay lacag ka xadeen Xafiiska Gaafoow oo CID-da lagu xiray

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Netowrk)— Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay 6-ruux oo lagu eedeeynayo Xatooyo laga geystay Xafiiska Taliyaha Laanta Sodaalka iyo Injisiyadaha Soomaaliya.
6-da ruux ee la soo qabtay ayaa lagu xiray Waaxda Danbi baarista CID-da ee Magaalada Muqdisho, waxaa la sheegay in mid kamid ah ay tahay haweeney.
3-kamid ah dadkan loo xiray Xatooyada ayaa waxaa la sheegay in ay u shaqeeyaan qeybta saadaasha hawada ee Garoonka Muqdisho, halka 3-kalana ay u shaqeeyaan Waaxda Socdaalka iyo Jisiyadaha Soomaaliya.
Waxaa lagu eedeeynayaa in ay ku lugla haayeen 130-kun oo doolar oo laga xaday Xafiiska Janaraal Gaafoow, taasi oo la sheegay in ay geysteen dad watay furayaal kuwaasi oo sidoo kalana horay u qaatay qalbka wax duuba ee loo yaqaano CCT oo xafiiska ku xirnaa.
Qaar kamid ah dadkan Xiran oo Idaacadd Shabelle la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in aysan ku luglaheen eedeeymaha loo heeysto, waxaana ay tilmaameen in ay iska bari yeeli doonaan hadii ay xabsiga ka soo baxaan.
Dadkan ayaa hada waxaa ku soconaya baaritaano ku aadan ku lug lahaan shiyahooda lacagtaasi laga xaday Xafiiska Janaraal Gaafow, iyadoo sidoo kale la sheegayo in ay jiraan xubno Airport ka shaqeynayay oo maalmo ka hor la waayay.
Sh.M.Netowrk


Daawo Sawirada:Ciidamada Huwanta oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al-Shabaab ka talinayeen

$
0
0

Wararka aan ka heleyno Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xiisad iyo dhaq dhaqaaqyo milatari oo aad u xoogan xiligan laga dareemayo Degmadaasi.
Goob joogayaal kusugan Degmada Buur Hakaba ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab inta badan ee ka baxeen Degmadaasi wallow ay jiraan Dagaalyahano yar oo wali ku harsan Degmadaasi meelo kamid ahna lagu arkayo.
Ciidaada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya oo ka baxay Deegaanka Leego oo kuyaala Xadka kala qeybiya Shabeelaha Hoose iyo Baay ayaa kaabiga ku haya Degmada Buur hakaba waxaana lasoo tabinayaa in hada u jiraan Degmadaasi qiyaastii 5-km .

 

Barakac ka socda Kismaayo iyo Hub uruursi laga dareemayo gudaha magaaladaasi

$
0
0

Kadib dagaalo Sabtidii ka dhacay magaalada Kismaayo ee Xarunta ee gobolka J/hoose waxaa xilligaasi wixii ka dambeeyey ka jiray cabsi xoogan oo shacabka soo wajahday.
Dadka barakacayaasha ah ayaa waxa la sheegay inay ubadan yihiin haween iyo carruur waxaana meesha ugu badan ee barakaca ka socdo lasoo warinayaa inay tahay Xaafada Calanleey.
Mararka qaarkood waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo dadka wadnaha ayey farta ku hayaan lagana baqanayo inay dagaalamaan maleeshiyaad kala taabacsan beelaha Absame iyo Sade.
Barakaca ayaa waxa laga dareemayaa gudaha magaalada waxaana jira meelaha qaarkood inay ka jirto xitaa inan la iska war heyn isgaarsiinta oo hawada ka maqan muddo 36-saacadoo ah.
Wararka qaar waxay sheegayaan inaysan fududeen xitaa inay barakacaan meesha la isku hor fadhiyo oo ay aad ugu dhaw yihiin magaaladana waxa dhex socda qof wata qori iyo boosh kaliya.

Faah faahin ka soo baxaysa Xog iyo lacago lagala baxay xafiiska laanta Socdaalka Somalia

$
0
0

Shabakada Buraannews  ayaa heshay xog dheeri ah oo ku aadan xatooyo habeen ka hor lagu sameeyay xafiiska taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Jeneraal Cabadulaahi Gaafoow Maxamuud oo ku yaala gudaha garoonka diyaaradaha muqdisho ee Adan Cade .
Wararka ayaa sheegaya in xafiiska laga qaaday qasnad ay ku jirtay lacag dhan 260.000 $ (labo boqol iyo lixdan kun oo doolaar-ka maraykanka) sidoo kalena waxaa lala baxay dhamaan xogihii kujiray  kumboyuutar xafiiska u yaalay taliyaha.
Inta aan la galin xafiiska taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Jeneraal Gaafoow ayaa waxaa la damiyay dhamaan kaamirooyinkii ku xirnaa gudaha xafiiska kuwaas oo duubi jiray cid kasta soo gasha xafiiska .
Dhowr ruux oo lagu tuhunsan yahay in falkaasi ku lug leeyihiin kana mida shaqaalaha garoonka shalayna lagu xiray laanta danbi barista ee CID-da ayaa wali xiran kuwaa oo la waydiinayo wax ay ka ogyihiin arintan.
Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya iyo saraakiisha Booliska oo ay isku dayday inay wax ka waydiiso Buraannews ayaa ka wada gaabsaday mana jirto wax war ah oo ka soo baxay .
 

Mudaaharaad Rabshado Wata oo ka Dhacay Jabuuti

$
0
0

Ciidamada ammaanka ee Jabuuti iyo Taageerayaasha Mucaaradka ayaa isku dhacayo rabshado wataa ay ku dhexmareen caasimadda Jabuuti.

Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Munaasibad U Qabatay Dhakhaatiir Iyo Kalkaaliyeyaal Bartay Fayo Dhawrka Oo Look Ala Dirayo Gobollada Dalka

$
0
0

Wasaaradda Xanaanadda  Xoolaha  Somaliland ayaa  Munaasibad u qabatay Dhakhaatiir iyo Kalkaaliyeyaal Jaamacadaha dalka ka soo baxay oo Bartay Aqoonta Fayo Dhawrka Hilibka iyo Xanaanadda Xoolaha, ku waasi oo  tiradoodu gaadhayso 27 Xubnood oo loo kala  diri doono 27 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Dalka qaar.
Munaasibadan lagu Sagootiyayey 27-ka Kalkaaliyayaasha ah ee loo dirayay inay ka hawl galaan Gobolada Dalka oo lagu qabtay Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa  waxa ka qayb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi aw Daahir,Wasiirka Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire,ku simaha Maayarka Hargeysa ahna Maayar Xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Caga-wayne,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Agaasimaha Wasaaradda Kaluumaysiga md Maxamed Ilkacase, Dhakhaatiir iyo Xubnaha dhakhaatiirka Kalkaaliyayaasha ah ee loo qabtay Sabootinta Munaasibadan ay Wasaaradu ugu kala dirayso 27-ka Xubnood ee dhakhaatiirta ah.
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr Cabdi aw Daahir oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Dhalinyartan iskugu jirta  Inamadda iyo Hablaha ee ka kooban 51-ka Kalkaaliyayaasha Caafimaadka ahi waxay ka mid yihiin 115 u badan dhakhaatiir iyo Kalkaaliyayaal Caafimaad oo ay Mudadii Labada Sanno ahayd ee uu dalka Hugaaminayay Madaxweyne Axmed (Siilaanyo)la shaqaalaysiiyay Mudooyinkii 2011/2012 iyo 2013-kii dhamaantood inta halkan  fadhida weeyaan,marlabaadna dhamaantood waa dhakhaatiir ka soo baxday Dugsiyadda Xanaanadda Xoolaha ee Sheekh ,Jaamacadda Burco,Jaamacadda Suudaan,Etoobiya iyo Jaamacaddo kale oo Dibedda ah,waana Dhakhaatiir ka ugu yiri sito Dublaama Saddex Sanno ah,iyada oo ay sidaasi tahay waxa aanu u kala qaybinayna oo Dufcada 1-Aad waxa weeyaan kuwii ka soo qalin jabiyay Jaamacaddaha si ay uga shaqeeyaan Xanaanaynta Xoolaha ,halka kuwa kale ay yihiin dhakhaatiir soo qalan jabiyay 2009/2011/202-kii bartayna Aqoonta Hilibka Xoolaha  iyado Jaamacadda Nairobi   ay ku Tababartay mudo Afar Bilood ah Dugsiga Sheekh imikana waysoo qalin jabiyeen waxanay Kalkaaliyayaashaasi ka kooban yihiin 24-Xubnood oo hada u diyaar ah inay Degmooyinka Gobolka dalka ka hawlgalaan,waxana 51-ka Xubnood ka shaqo gelidoonaan Bisha March,
 
Wasiirka Qorshaynta  Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan doonaya in aan halkan ka hanbalyeeyo Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha oo iyadu ah ta Barnaamijkan isku soo duba riday gaar ahaan Wasiirka Wasaaradan oo isagu hormuudka ah Barnaamijkan,runtii dalkeena Somaliland waxa uu leeyahay khayraad badan oo uu ka mid yahay Bada,Macdanta iyo Xoolaha,runtii Khayraadkaasi kama wada faa,iidaysano oo Khayraadka Sida Bada iyo Macdanta kama faa,iidaysano inagu balse dhanka Xoolaha aad ayaynu uga faa,iidaysana oo Nolosheena oo dhan ayaaba ku xidhan Xoolahana maaha in aynu tirino uun inta aynu Talaalay ee waa in aynu tirino inta  aynu Badbaadinay Noloshooda,sida aynu qofka ugu dadaalo Noloshiisa ilaa iyo inta uu ka gaboobayo oo aynu u badbaadino,marka waa in aynu Neefka Xoolaha ahna ku dadaalo sidii aanu u siqiiri lahayn ee aynu u bad baadin lahayn,waxa aan intaasi raacinaya waa soo dhawaynaya Hawlwadeenadan Caafimaad ee dalka ka shaqo bilaabidoona”
Ugu danbeyntiina waxa waxa halkaasi Wasiirka  Xanaanada Xoolahu Guddoonsiiyay una qaybiyay Buug ka turjumaya Siyaasadda Wasaaraddu ka leedahay Xanaanadda Xoolaha iyo Daryeelka Caafimaadkooda oo si qoto dheerna uga hadlaya waxyaabo badan oo la xidhiidha Xanaanaynta Xoolaha.

Dowlada Soomaliya oo sheegtay in ay la wareegtay Buur-Hakaba

$
0
0

BALCAD MEDIA: Saraakiisha ciidanka dowlada Soomaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen degmada Buur hakaba ee gobolka Baay , iyagoona cadeeyay in ay furantahay wadada xiriirsa Gobolada Baay iyo Banaadir oo aaney inta u dhaxeeysa ku sugneeyn ciidamadii Shabaab, waxaana ay sidoo kale sheegeen in ciidamada Shabaab laga saaray Buurhakaba iyo Nawaa xigeeda, islamarkaana ay uga baxeen dagaal aan wax dhiig ah ku daadan.
Korneel Xasan Isxaaq (Baydhabo) oo kamid ah saraakiisha dowlada ee gobolka baay oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku guuleysteen weerar labada dhinac ay uga soo qaadeen degmada Buur Hakaba haatan gacanta sibuuxda ay ugu dhigeen, waxaa uu sheegay in ay faa,iido u tahay degmadaasi qabsa shadeeda shacabka iyo dowlada maadaama ay xiriiriso sida uu sheegay gobolo kala duwan, oo koofurta Soomaliya ah.
Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Shabellaha hoose ee dowlada ayaa isna sheegay in ay ka dhaqaaqeen dhanka Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu xusay in ciidamo isugu jira kuwa maamulka gobolka Shabellaha hoose iyo ciidamada meletarigaa ay ku dhaqaaqeen howlgal kaasi, waxaana uu xusay in ay gaareen xuduudka labada gobolka ee Baay iyo Shabellaha Hoose, waxaana uu xusay in ay buur hakaba gaareen.

Deg Deg Ah: Culumo Caan ah oo Dalka Jabuuti Lagu Toogtay.

$
0
0

BALCAD MEDIA:  Sida aan wararka ku geleeyno Culumadii Ugu Caansaneyd Dalka Djibouti oo xaladooda Cafimaad laga soo deyrinaayo Waxaa naloo xaqijiyey in uu Dhawac soo Gaarey labada wadaad oo mid sii bareer ah loo Toogtey.
Sida ay Ilo wareedyo aan ka heleyno qadka telefoonka ayaa Noo xaqiijiyey in Wali xaaladu ay kacsan tahay oo wali mudaharadku ka socdo Magalada Qeybo ka tirsan Sidaa Xayabley oo ilaa Hadda ay dadku sara joogaan.
Dhacadaan ayaa ku soo aaday uun Maalin Ka Dib Markii lagu dhawaaqay Natijadda doorashada In Ay ku guuleysteen Kooxda Dalka Hogaankisa Haysata ee UMP
Sidoo kale Waxaa shalay shir Jiraa’id qabtay Gubjoogayaasha Dalka uu yimid in ay kormeeraan Hanaan socoodka dooraashadda Dalka ka Dhacdey kuwaas oo ku dhawaaqay in Doorashadda Ay Aheyd Mid sii Xor ah uu dhacdeey Taas oo sii hurisay Kacdoonka Dalka ka curtay Maanta iyo qalalaasaha ka jira Dalka Djibouti ee Meel uu ku dhamman doono aan la ogeyn.
Si kastaba ha ahaatee Culumadda,aqoonyahamiinta iyo wax garadka Dalka djibouti oo loga fadhiyo Xal uu helidda Qilaafkan waba haddii Kaliye taliska Dalka ka arrimiya uu ka ogolaado in wanwan la dhex dhigo Mucaradka Iyo Dawladda sii Xal logu helo Qilaafkan oo laga yaabo in uu Dalka u Horseedo Colaad daba dheerata.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUDAAHARAADKA:

Qore Ali Musa


“Waxaanu ugu baaqayaa Xildhibaanada Iscasilay inay dib uga noqdaan Tallaabadaasi” Suldaan Ibraahin Jaamac

$
0
0

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah Salaadiinta gobolka Awdal ayaa ka hadlay is-casilaada tobankii xildhibaan ee laga soo  doortay degmooyinka Saylac iyo Lughaya, kuwaas oo uu ugu baaqay inay ka noqdaan is-casilaadaasi oo ay ka noqdaan .
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo warbaaihinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay tallaabadaasi ay qaadatay beesha ciise, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi  “Talaabadaasi maaha mid aanu soo dhaweynayno, waxaanu leenahay haddiiba ay jirto oo aanu ka dalbanaynaa inay go’aankaas dib uga noqdaan, dadkanina waa wiil iyo walaal is-dhalay oo waa dad Alle meesha ku wada uumay, iyaga ayay jirtaa inay dantooda u wada fadhiistaan xalna gaadhaan, waxaanan leenahay farogalinta halaga daayo.”
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka ee ka dhacday Dalka Jabuuti, taas oo uu ku hambalyeeyey Xisbiga talada dalkaasi ahaya guusha ay ka gaadheen Doorashadaasi, isaga oo hambalyo gaadhsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo xisbigiisa guusha ay ka gaadheen doorashooyinkii dalkaas ka qabsoomay dhawaan ee ay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka dalkaasi ku guulaysteen.
HARGEYSA SOMALILAND

Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Golaha Wakiillada Somaliland oo Sharci Darro ku tilmaamay in Masuul Xukuumadda Ka tirsani isa soo sharaxo

$
0
0

Guddoomiyaha guddiga shuruucda ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo sheegay inuu u sharraxan yahay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inay sharci-daro tahay Wasiir ama Nin Xukuumada ka tirsan inuu Xisiga Kulmiye is ka soo sharaxo ay madnuuc ka tahay, isaga oo ku dooday in Ninka doonaaya inuu isa-soo sharaxo sharciga marka la eego waa inuu inta uu xilka katago uu banaanka u soo baxaa dabadeedna isaga oo qaawan uu tartanka galo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan oo shalay Magaalada Hargeysa, ugu waramaayey Warbaahinta, waxa uu daboolka ka qaaday inuu u sharaxan yahay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Haddii Eebe idmo waxaan isu-soo sharixidoonaa Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye wakhtiga la gaadho shir waynaha. waayo waxa dhamanaaya xilligii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye madaama la dooranaayo Gole dhexe oo cusub iyo maamul cusub ka aan doonaayo inaan isu-soo sharaxo wakaas,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha guddiga shuruucda ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhiban Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.
Xildhibaanku waxa uu  arrin fool xun ku tilmaamay haddii tartanku uu qabyaalad isu-badelo, isaga oo walaac ka muujiyey haddii  reeraha lala shiro oo ay Ergada soo galaan aanu garanayn arrinta, waxaanu yidhi. “Waxa khaldan in wixii la qabyaladeeyo oo Reer lagadhigo waayo waxa lala shirayaa reero inay soo galayaan ergada iyo Golaha dhexe wali qabkaas ma garan-karno oo waa qaab yara liita. Lakiin waa la tartamayaa oo waa la is qabanayaa, waana lagu mur mayaa runtuna way imanaysaa, Nin Xukuumadda ka tirsan oo Wasiir ah inuu isa-soo sharaxo  ka madnuuc  weeye Xisbiga. Ninka doonaaya inuu isa-soo sharaxo sharciyan marka la eego waa inuu inta uu xilka kadego uu banaanka u soo baxaa dabadeedna isaga oo qaawan oo xil Xukuumadeed iyo mid Wasiirna hayn waa inuu banaanka  isa-soo taago weeye”
HARGEYSA SOMALILAND

Dacwada Wariye Koronto iyo Haweeney lala xukumay oo markle dib loo dhigay

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)— Dhageysiga Dacwada Wariye C/casiis Koronto ayaa maanta markale dib uga bilaabatay Maxkamadda Racafaanka ee gobolka Banaadir, iyadoona Maxkamadu ay maanta mar kale dib u dhigtay dhageysiga dacwadaasi ilaa maalinta Axada ah ee nasoo aadan .
Dhageysiga dacwada ayaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir waxeey kabilaatay Abaaro 11:00-kii barqanimo, waxaana Maxkamadda Racfaanka la horkeenay Wariye C/casiis Koronto iyo Haweeneyda lagu magalaabo Luul Cali Cismaan oo horay ay  labaduba xukun xarig hal sano ah ugu diray Maxkamada darajada Koowaad ee gobolka Banaadir.
Labada Dhibane ayaa xeer ilaalinta maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Banaadir waxeey ku eedeysay in ay faafiyeen Warar been abuur  ah oo ka dhan ah ciidmada dowladda Soomaaliya.
Dood dher kadib Gudoomiayha  Maxkamadda Racfaanka Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa ku dhawaaqay inuu watigu ku Dhamaaday, islamarkaana dhageysgiga dacwadaasi ay dib u furmeyso Maalinta Axada ah .
Goobta ay dacwada ka furmeysay ayaa waxaa  ku sugnaay qaar ka tirsan agaasimeyaasha warbaahinta iyo Masuuliyiin ka tirsan  Hay’adaha  u doodo Xuquuda Suxufiyiinta.
20-ka Bishaan yeey aheyd Markii kiiska wariye Koronto loo wareejiyay Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir, kadib markii Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad ay ku qanci waayeen ehelada iyo qareenada u doodayo Wariye Koronto.

Khilaaf ka dhashay doorashadii Djibouti

$
0
0

Dalka Djibouti waxaa isku dheggan oo is heysta mucaaradka iyo dowladda kadib markii khilaaf uu ka dhashay natiijada doorashadii baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday dalka. Dad badan ayaa la xirxiray oo culimo ay ku jiraan.

Maxkamadda Darajada Kowaad ee Puntland oo xukun ku riday hogaamiyaha Al Shabab

$
0
0

Garoowe (Sh.M.Network)— Maxkamada Darajada Koowaad ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah waxa ay ku riday Lixruux oo lagu eedeynayo in ay ku lugleeyihiin dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacamey oo Nin hubeysan uu ku toogtay Magaalada Garoowe.
Lixda Ruux ee ay Maxkamadda darajada Koowaad ee Puntland xukunka kuriday ayaa 5-kamid ah waxa ay xaadir ku ahaayeen madasha uu xakunka ka dhacay, waxana qofka kali ah ee xukunku uu ku dhacay isagoo maqan uu ahaa Hogaamiyaha Xarakada Al Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Dadkan la xukumay aya lagu eedeeynayaa arrimo badan oo ay ugu weyntahay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu toogtay Magaalada Garoowe, waxaana dood dheer kaddib ay Maxkamadu go’aan ku gaartay in dadkan ay ku xakumanyihiin dil toogasho ah.
Dadka laxukumay ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay howlgallo kala duwan oo ay ciidamada maamulka Puntland ka sameeyeen Magaalooyinka kala duwan oo ay ka taliyaan.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Axmed Cabdi Godane oo xukun dil ah ay ku riday la soo qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live