Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dhageyso: Waxgaradka gobolka Nugaal oo soo saaray baaq ka dhan ah Alshabaab.

$
0
0


Shir albaabada ulaabnaa oo ay  maanta isugu yimaadeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Nugaal ayaa lasoo saaray baaq looga soo horjeedo kooxda Alshabaab.
Markii uu shirkaasi dhamaaday ayaa saxaafada loo aqriyay qodobadii lagasoo saaray. Waxaana saxaafada udulmaray Cismaan Guureeye Kaarshe oo kamid ah aqoon yahadii shirkaasi ka qeyb galay
Baaq:
Annagoo ah Isimada,cuqaasha,cuimada,Aqoonyahanka,siyaasiyiinta ganacsatada,haweenka iyo dhalinyarada gobolka Nugaal ee ka soo qaybgalay shirwaynaha lagaga arinsanayo ka hortaga iyo la dagaalanka kooxda habowsan ee Al shabaab waxaan cadaynanaa in aan saxiixnay kuna heshiiney arimaha soo socda.
1-Annagoo mataleyna  qaybaha kalao  duwan ee bulshada gobolka Nugaal waxaan meel uga soo wada jeednaa ka hortagga iyo la dagaalanka kooxda  Khawaariijta ah ee Al shabaab.
2-Daggaalka lagula jiro kooxda AL shabaab waa qadiyad umadeed iyo waajib diini ah oo ay tahay in qof walbaa kaalintiisa ka qaato,sidaas darteed lama siyaasadayn karo lamina qabyaaladayn karo loomana adeegsan karo nin iska dhicin iyo nin ku xumayn.
3-In loo hawlgalo sidii soomaali loo heshiisiin lahaa Soomaaliya haday tahay qabiilooyin iyo haday tahay maamulo si aan kooxaha jaah wareersan uga dhex faa’iidaysan khilaafkooda.
4-Si kooxdaas cadowga ah looga sifeeyo gobolka Nugaal,Puntland iyo dhammaan dalka Soomaaliya waxaan diyaar la nahay naf,maal iyo maskaxba waxaana ugu baaqaynaa dadka yaga miyi iyo magaalo guda iyo dibadba inay dagaalkaas si buuxda ugu diyaar garoobaan uga qaybqaataan maskax maal iyo muruq intaba.
5-Waa in Dawladda Puntland iyo shacabku si buuxda uga wada shaqeeyaan la daggaalanka kooxdaan isla markaana ay Puntland iskaashi buuxa arimahaan kala yeelataa maamulada dalka oo dhan.
6-Daggaalka lagula jiro kooxda habowsan waa mid loogu danaynayo diinta iyo umada sidaas darteed,sidaas darteed cidna uma adeegsan karto la dagaalanka diinta  dhibaataynta umada.
7-Cidii ku lug yeelata falalka iyo danbiyada kooxda habowsan ee Al shabaab fuliso waxaa lagu qaadayaa xukunka shareecada islaamka oo aan cidana ka Eexanayn cidna u Eexanayn raali ayaana ka wada nahay xataa haday yihiin kuwa dad noogu dhow.
8- Kooxdaani umada cadow ayey u wada tahay uma aha ehel iyo sokeeye midna,sidaas darteed cidna uguma doodi karto qabiil ahaan,koox ahaan iyo si kale midna.
9-Qofkasta oo kooxdaas ah waa in xabsi lagu hubsado si isaga loo badbaadiyo umada sharkiisa looga badbaadiyo, ayna helaan cadaalad iyo maxkamad ku aadan fal danbiyeedka ay galeen.
10-Waxaan ku baaqaynaa in la qabto shir wayne heer Puntland ah si go’aamadaani u noqdaan xeer ay dhigteen dhammaan bulshada reer Puntland shacab iyo dawlad.
11-Waxaan ugu baaqaynaa maamulada Soomaaliyeed in la da dajiyo shir waynihii Soomaali uga arinsan lahayd xal u helista mushkilada kooxda Al shabaab ee ay horay u soo jeediyeen culimadu ayna aqbaleen Puntland iyo dawaladda dhexe ee Soomaaliya.
Dhawaan ayay markii culumada Alictisaam ay ku baaqeyn in bulshada  gobolka Nugaal isugu yimaadeen shirweyne looga arisnayo ka hortaga kooxda Alshahabaab.



Halkaan  ka dhageyso codka.
Cismaan Guureeye Kaarshe oo kamid ah aqoonyahanda gobolka Nugaal
Buraannews.com- Garowe


Isbeddelka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho waxaa maamuli jiray al-Shabaab haweenkana mamnuuc ayay ka ahayd inay baabuur wadaan. Laakiin hadda waxa ay awoodaan in ay baabuurta kaxeeyaan.

Wasiir Itoobiyaan ah oo la sheegay inuu u baxsaday Dalka Kenya iyo sabaabta uu u baxsaday.

$
0
0

Junedin Sado oo ah sarkaal sare iyo Wasiirkii hore ee duulista hawadada sida ay baahisay jariirada gaarka ah Ethiochanel ee  dhinaca xukuumadda u janjeedha oo xarunteedu tahay Addis Ababa, Junedin Sado oo ah sarkaal sare, Wasiirna ka noqday  duulista hawada, ayaa nabadgelyo weydiistay dawladda Kenya.
Masuulliyiinta Itoobiya waxay ku eedeeyeen haweenaydiisa, Habiba Mohamed inay taageerto argagixisada, iyadoo lacago ay ka heshay safaaradda Sucuudiga si ay ugu kharash garayso mudaharaaddo Islaamiya oo ka dhan ah dawladda.
tan iyo intii ka dambaysay xadhigga Habiba Mohamed, ayuu Junedin Sado bilaabay qoraallo uu ku difaacayo xaaskiisa, kuna dhalleeceeyay Eedda ay ku soo oogeen Xeer ilaalinta Federaalku inuu ku daabaco jariiradda Ethiochannel.
Junedin Sado, Ethiopia’s high profile official and former Minister of Civil Service has defected. According to Ethiochanel, a pro-government private newspaper based in Addis Ababa, Junedin Sado is seeking asylum in neighboring Kenya.Ethiopian authorities have charged Junedin Sado’s wife, Habiba Mohamed, with terrorism for using money from the Saudi Arabian Embassy to pay for Islamic protests against the government.In the aftermath of Habiba’s arrest, Junedin published a letter on Ethiochannel newspaper defending his wife and criticizing the federal prosecutor’s charges. Last December, Awramba Times has reported about the Ethiopian parliament’s plan to waive the immunity of Junedin Sado.
HARGEYSA SOMALILAND

Sawirro ku saabsan Kenya

$
0
0

Kenya waxa ay doorasho geleysaa 4ta Maarso.

Magacyada 12 qof oo Maxkammadda Ciidammada qalabka sida ee Puntland ku ridday Xukun dil toogasho ah

$
0
0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku ridey dad ku eedeysnaa in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo laba todobaad ka hor lagu dilay  magaalada Boosaaso, waxaanay Maxkammadu dil toogasho ku xukuntay 12 qof oo ku eedaysnaa dilka Sheekha, kuwaasoo 6 kamid ahi maxkamadda joogeen.
Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland  Cabdifataax Xaaji Aadan, ayaa sheegay inay  xukunkaasi ku direen dadkan, waxaanuu yidhi “Maxkamddu markay dhegeysatey doodda xeer ilaalinta iyo difaaca qareemada, maxkamaddu markay akhrisatay caddeymaha laga qoray eedeysaneyaasha, maxkamadda markii la horkeenay caddeymo ay bixiyeen eedeysaneyaasha qaar kamid ah…sidaas darteed maxkamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah” ayuuu yidhi Guddoomiyuhu.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Maxkamaddu muddo 30-maalmood ah racfaan kaga qaadan karaan xukunkan ku dhacay, waxaanay Magacyada 12-ka  qof ee maxkammadu xukuntay kala yihiin.
Axmed Cabdi Godane – Hoggaamiyaha Al-shabaab
Axmed Maxamed Cali (Mustaf)
Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)
Maxamed Abshir Cartan
Cabdiraxmaan Maxamed Cali
Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf
Xasan Jaamac Xasan (Surato)
Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)
Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)
Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)
Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)
HARGEYSA SOMALILAND

IGAD oo la Kulantay Guddiga Doorashada Kenya

$
0
0

Wasiirada Arrimaha Dibada ee Wadamada IGAD ayaa maanta Nairobi ku soo gabagabeeyey shir ay ka yeesheen sida ay u socoto qabanqaabada doorashada Kenya, waxa ayna shirkooda ka dib la kulmeen Guddiga Doorashada ee Kenya.

Suldaan Mahad Maxamud Xirsi Oo Dawlada Jabuuti Ku Eedeeyay Arrimaha Saylac, Komishankana Ugu Baaqay Inay Deg Deg U Buuxiyaan Booska 10-ka Xildhibaan Ee Is-casilay

$
0
0


Suldaan Mahad Maxamud Xirsi Oo Ka Mida Salaadiinta Miisaanka Weyn Ku Leh Somaliland Ayaa Shir Jaraa’id Oo Maanta Ay Maanta Salaadiin Uu Ku Jiro Ku Qabteen Hotel Xaraf Ee Magalada Hargeysa
Kaga Hadlay Arrinta Saylac, Wuxuuna Ku Eedeeyay Xukuumada Ismaaciil Cumar Geele Inay Faraha Kula Jirto Arrintan Saylac Wuxuuna Suldaanku Ugu Baaqay Inay Faraha Kala Baxaan, Sidoo Kale Wuxuu Komishanka Dorashooyinka U Soo Jeediyay Inay Si Dhakhso Leh U Soo Buuxiyaan Jagada Ay Baneeyeeen Xildhibaanada 10-ka Ee Is-casilay.
 Source-cadceed

Daawo Sawirada:Qaabkii Maanta Ufurmay Shir Siweyn Isha Loogu Haayo Kuna Hardamayaan Dowlado…

$
0
0

Ayadoo maanta oo magaalada kismaayo kafurmay shirkii loo madal sanaa in oo kafurmo halkaasi kasoo si xooli ah barqanimadii maanta kafurmay waxaana aksoo qeyb galay Ergo farabadan ee daawo qaabkii u furmay iyo madasha.

 


Daawo Sawirada:Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo Maanta kasoo muuqde Meel aan laga fileyn Kana yaabeyn shacabkii

$
0
0

Barqanimadii maanta ayaa dibed-baxyo looga soo horjeeday ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia ayaa maanta ka dhacay degaano ku yaalla gobolka Sh/hoose oo ay weli maamulaan xoogaga Al-shabaab.
Dibed-baxyadan oo ay ka qeyb galeen boqolaal qof ayaa waxaa soo qabanqaabiyey saraakiisha Al-shabaab ee gobolka Sh/hoose, iyadoo meelaha ay ka dhaceen ay ka mid yihiin degmooyinka Qoryooley, Sablaale, Toora-toorow Kurtun-waarey iyo degaano kale.

 

Daawo Safiirka Jarmalka Soomaaliya oo garan weyday calanka dalkeeda iskna ag fariisatay Calanka Midawga Yurub.

$
0
0

Safiirka dalka Jarmalka Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib markii warqadaheeda aqoonsiga uu ka dugudoomay madaxweynaha Soomaaliya ayaa goobtii saxaafada loogu sheegayay in ay masuulka ugu sareeya safaadara Jarmalka ee Soomaaliya waxa ay uga habaawday calankii dalkeeda.
Waxa ay isku aadisay Calanka Midawga Yurub taas oo qasab uga dhigtay Safiirka Midawga Yurub isna in uu fariisto kursi aan calan ku aadaneyn oo loogu tala galay in ay fariisato wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.
Daqiiqado kadib markii ay booska qaldan fadhiday Safiirka Jarmalka Soomaaliya ayaa wasiirka arimaha dibadda Soomaaliyaa waxa ay xasuusisay qaladkeeda iyada oo xilligaa kadib isku aadisay calankii ay ugu soo duushay Soomaaliya in ay ka dhex tagto

Daawo Sawirada:Kulankii ay yeesheen Golaha Wasiiradda iyo Wasiirada oo ansixyey qiimaha Canshuurta si ku meel gaar!!!

$
0
0

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixino laga dhagaystay Wasiiro ka soo noqday safaro shaqo oo ay ku tageen dalalka Suudaan iyo Ethiopia, Amniga, iyo Ansixinta Tariifo ku meel gaar ah oo lagu qaadayo canshuuraha.
Ugu horayntii Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Howlaha Guud iyo Wasiirka Khayraadka oo safar shaqo ah ku tagay dalalka Suudan iyo Ethiopia waxayna sheegeen in ay shirar la qaateen dhigooda dalalkaas ayna ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dib u dhiska, waxbarashada iyo soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.
Sidoo kale Golaha ayaa ka dooday sharciga Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya oo ay dowaldu ku tala jirto in ay dhawaan howl galiso, kadib marka loo sameeyo sharci lagu maamulo, Banigaga Horumarinta ayaa laf dhabar u ah dhiiri galinta ganacsiga iyo horumarinta dadka dan yarta ah, sida beeralayda iyo xoolo dhaqatada. Waxaa kale oo golluhu maanta ka dooday sharciga Nabad sugida iyo Booliiska iyadoo lagu heshiiyey in la meel mariyo todobaadka soo socda marka golaha wasiiradu isugu yimaadana kulankooda caadiga ah.
Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyey guulaha Ciidamada Dowladu ay ka gareen wadada isku xirta Shabeelada Hoose iyo Bay, iyadoo dhawaana la filayo in laysu furo isu socodka Gadiidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo.
Ugu danbayntii Golaha Wasiirada ayaa ansixyey qiimaha Canshuurta si ku meel gaar ah, iyagoona ka codsaday Wasaarada Maaliyadda in ay ku keento Golaha hortiisa mudo sadex bilood ah Jaangooyn dhamaystiran oo lagu qaado canshuuraha ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha.

 

Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqameedka Somaliland Oo Ka Hadlay Is Casilaadda 10-Ka Xildhibaan Ee Ka Tirsanaa Golaha Deegaanka Saylac Iyo Lug-Haya

$
0
0

Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa  ugu baaqay Xildhibaannada Golaha deegaanka ee degmada Saylac iyo Lughaya inay samraan oo ay ka noqdaan is casilaadda ay ku dhawaaqeen, iyaga oo tilmaamay inay  arinta Saylac ay ku jiraan gacmo shisheeye.
Madaxdhaqameedkan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa kala ahaa Suldaan C/raxman Cawaale Hurre (Dude), Suldan Mahad Maxmud Xirsi , Cheif Caqil Xassan Ibraahin C/laahi, Cheif Caaqil Cabdi Cali Nuur, iyo Saldiin kale, kuwaas oo dhamaan sheegay inay ka xunyihiin is casilaaddaasi ka soo yeedhay 10-ka xildhibaan ee golaha deegaanka saylac iyo lughaya ka tirsanaa.
Suldaan Cabdirxamaan Cawaale Guuleed, oo ka mid ah Salaadiin maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu maqlaynay in xildhibaanadii Saylac ee Beesha Ciise iscasileen, in dadku wax towdaa waa caadi ama gobol wax haloo towdaa ama beel wax haloo towdo, laakiin cabatinka waa in aanay gacani ku jirin, laakiin cabitaankaa waxaanu u aragnay mid gacmo kale ku jiraan, waxaanu leenahay reer Saylac doorashadu waxay ka mid ahayd tii degmooyinka kale, wixii cabitan ah in hoos loo dhigaabay ahayd, laakiin cidii cabanaysa waxaanu u soo jeedinaynaa in qaranimada Somaliland iyo wixii dasruuriyan ah loo sadqayn maayo, laakiin wixii cabitan ah waxay tahay in loo eego, soo noqnoqoshada arinta Saylac waxay la mid tahay qaranimadii Somaliland iyo doorashadii oo fashilantay, ee waxaanu leenahay wallaalayaal halagu qanco, xukuumaddana waxaanu leenahay haddii aan wixii xaqa ah la sheegin oo laga leexleexdo waxba hagaagi maayaan”
Sidoo kale Suldaan Mahad Maxamuud oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Reer Saylac, waxaan leeyahay ilmaadeerayaal samir ka qaata, kaligiin maydaan cabanayn oo dadkoo dhami way cabanayeen ee sida dadka kale uga samreen uga samra, dawladda Jabuutina waxaanu leenahay arinta Saylac faraha kala baxa, mana haboona inaad fadqalalo galisaan”
Waxa iyaguna ka hadlay halkaasi Madaxdhaqameed kale oo shirkaasi joogay, kuwaas oo ugu baaqay xildhibaannadaasi inay samraan oo ay ka noqdaan is casilaadda ay ku dhawaaqeen,
HARGEYSA SOMALILAND

Madaxweyne Siilaanyo Oo Laga Sugayo Inuu Soo Magacaabo Guddidii Uu Sheegay Inuu U Saari Doono Ka Soo Talo Bixinta 3-Da Doorasho Ee Isa Soo Gaadhay

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo khudbadii labada gole ee Baarlamaanka uu ka jeediyay 18-kii January 2013-ka ku sheegay in dalku aanu qaadi karin kala qabashada doorashooyinka golayaasha Wakiilada, Guurtida iyo Madaxtooyada ee ku kala mudaysan sanadkan 2013-ka, 2014-ka iyo 2015-ka. Waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo cadeeyay inuu guddi Qaran oo ka soo talo bixisa habka loo qabanayo doorashooyinkaasi uu soo magacaabi doono, balse aanu ilaa hadda si rasmiya u soo magacaabin guddigaasi. Iyadoo muddo kordhintii golaha Guurtidu ay u sameeyeen golaha Wakiilada horaantii bishii September 2010-kii oo ahayd laba sano iyo sideed bilood ay ku eegtahay dabayaaqada bisha March 2013. Madaxweyne Siilanyo ayaan ilaa hada la ogayn asbaabta uu usoo magacaabi la’yahay guddigaasi ka soo tala bixin lahaa go’aanka laga qaadanayo saddexda doorasho ee dalka isku soo gaadhay, oo loo baahan yahay in wakhtigan xaadirka ah go’aan rasmiya laga gaadho sida laysku waafajinayo doorashooyinka golayaasha sharci dajinta iyo Madaxweynaha, iyadoo xeerarkii lagu soo dooran lahaa xubnaha golayaasha cusub ee badali doona labada gole ee haddu aanay samaysnayn. Waxa kale oo aan ilaa hada la ogayn sida laysku waafajinayo hawsha diiwaangalinta codbixiyeyaasha u dareeri doona saddexda doorasho ee is barkan iyo muddo kordhinta golaha Wakiilada ee muddadu ka dhamaanayso loo samayn doono, taas oo sidoo kale su’aalo layska waydiinayo muddada ay qaadan doonto diiwaangalinta codbixiyeyaashu oo kharashkii lagu hirgelin lahaa miisaaniyada 2013-ka ay ku jirto, balse aan miisaaniyada lagu soo darin kharashkii lagu qaban lahaa doorashada golaha wakiilada ee xilligeedii taagan yahay. Waxa kale oo su’aalo layska waydiinaya talada laga qaadan doono in hal mar la wada qabto doorashada golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, dareenkaasi oo ah ka ugu badan ee ay qabaan dadka Axadha siyaasada doorashooyinka. Hase yeeshee waxaa laga dhursugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee uu ka qaato Madaxweyne Siilaanyo. Doorashooyinka Wakiilada, Guurtida iyo Madaxtooyada ee isa soo gaadhay sida loo kala gurayo, iyadoo mushkiladihii ka dhashay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii November 2012-kii Eeshii ay ka tagtay ay wali taagan yihiin. Waxa kale oo iyadana su’aalaha layska waydiinayaa muddo kordhinaha golayaasha xeer dajinta iyo madaxweynaha ee marxaladahan doorashooyinka isku soo beegmay ay riman yihiin intay noqon doonto.
Xisho Wargeyska Haatuf
HARGEYSA SOMALILAND

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Hadlay Xiisadaha Ka Taagan Deegaanka Salal, Kuna Taliyey Inaan Xukuumada Oo Kaliya Lagu Halaynin Xal U Helida Muranada Taagan

$
0
0

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si taxadir leh uga hadlay Xiisadaha ka taagan degmooyinka Saylac iyo Lughaya, kaas oo sheegay in loo baahan yahay inaan xukuumadda oo kaliya lagu halaynine ay xal u helida muranadaas kala hawlgalaan Axsaabta, Culimo Awdiinka, waxgaradka iyo guud ahaan cidkasta oo gacan ka gaysankarta arintaas.
Xildhibaan Qabile waxa uu ku taliyey in xal u helid arintaas loo maro wadadii ay Somaliland ku soo caano maashay, kaas oo tilmaamay in ummadda dalkani ay ku caanbaxday inay tabashooyinka dhexdooda ay si isku tanaasul ka muuqdo u dhamaystaan. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa waxa uu talaabada ay Xildhibaanadda Saylac iyo Lughaya ugu jiray beesha Ciise ay isku casileen ku tilmaamay digniin ay ka faa’idaysan karaan cadawga Somaliland, kaas oo sidoo kale Waxgaradka iyo XIldhibaanadaas is-casiley ugu baaqay inay iyaguna dhinacooda la yimaadaan tanaasul, isla markaana ay garawshiyo ka bixiyey tabashooyinka ay tirsanayaan. Xildhibaan Qabile ayaa waxa uu sidaas ku sheegay warsaxaafadeed qoraal ah oo shalay ka soo saaray Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu ku billaabay sidan:-
“Dareenka godladey mugii,
Doodaha kala tegay dartood
Arrini doojin bay rabtaa
Xaqiiqdoo lagu durkaa
Wixii dedan saari kara
Duqey u xul beey rabtaa
Iyada oon lagu degdegin
Xogtoo lagu daadegiyo
Farsamo lagu doogi karo
Farshaxan dejiyay rabtaa
Aqoon daacadeey rabtaa
Dun & xarageey rabtaa
Haduu deebaaqda yahey
Xaqoo lagu daakiriyo
Garsoorku dawuu u yahey
Markey daratada liqdaba
Dhaqanku dugsibuu u yahey
Masalo lagu diirsadoo
Dakuba wada raaci karo.
Waxaan jecelahey inaan si taxadir leh inta aqooni ii saamaxdo aan dareenkayga uga dhiibto hadii eebe idmo, arinta muranka xooga ah dhalisay ee gobolka Selel kana bilaabantey khilaafkii ka dhashey doorashadii golaha deegaanka kadib marxaladii doorashada Maayorada & ku xigeenada degmooyinka Saylac & Lughaya, waxeynu la wada soconey marxaladihii mudada yar uu soo marey khilaafka arrintani, waxa kale oo aynu lawada soconaa, maareyntii xukuumada & dedaalkeedii inaanu noqonin mid mushkiladan furdaamiya, hadaba heesbaa tidhaahda, hadaan la rogrogin ragbaan helin, arrintani lama odhan karo waxa ay gashey muran & mugdi aan laga gudbi Karin, walaac & tawaawacna dheymo uma
noqon karo, balse waxa u furan in maskaxda loo tuujiyo si xeel dheerna looga fekero sidii xal waara loogu heli lahaa loona soo afjari lahaa mushkiladan, Somaliland mushkilado tan ka waaweeyn ayaa soo marey kuwaas oo ay kaga gudubtey hab dhaqan ay sumad gaara kaga yeelatey qaarada Afrika ee ay ka midka tahey ama gobolkan ay ku taalo. Walaalayaal anigu ma amaanayo dhamaan qaababkii ay guud ahaan doorashadani u dhacdey, waxaase ila haboon in dhacdo kasta oo soo marta ay Somaliland ka barato duruus waayaha danbe ee la midabka ahka caawisa wixii xaga hore ka xumaadey si aaney mar labaad uga xumaan, Idamka ALLEH & Qadarkiisa ayey wax kastaa ku dhacaan, wixii dhacaana waxey u baahan yihiin in lagu furdaamiyo dhaqankeena, Islaamnimadeena, wadaninimadeena, Dadnimadeena, & Ummadnimadeena,  laguna xaliyo niyad mid ah, iyadoo loo xulayo cida loo tuhmayo xeel dheeri isla markaana kuf u ah in ay waajibkan gudan karto ee aaney kaliya ku koobnaan Xukuumada oo kaligeed xal laga sugo, waxa ina hor yaala waa dhaawac ku yimid dadkeenii, Dalkeenii, Danteenii, wadajirkeenii & Qaranimadeenii, sidaa awgeed waa waajib Islaamnimo & Wadaninimo in si Damqasho leh oo hilaw & Hiil Qarannimo ka muuqdo sida ugu dhakhsaha badan fadhiga aan uga kacno oo Xukuumad & hacabba uga hawl galno Raxmada RABI & Awooda EEBE innakoo Talo saaraneyna aynu Quluub mida oo wada jirta kaga hawl galno.
Hadii xubin jidhkaaga ka mid ahi ku xanuunto waxaynu ognahey in dhamaan jidhku ku qandhoonayo (xumadoonayo). Waxaan si badheedh ah oo cad ugaga digayaa dhamaan ururada siyaasada siyaasiyiinta, aqoonyahanka, Culimaa-u-diinka, haweenka, & dhalinyarada, oo ah dhuuxii Ummadani ku dhaadaneysey in aaney ugu xabag dhakowsan dhalanteed xaqiiqada ka fog in lagaga dib dhaco xal u helida arintan, maaha in loo arko wax aan la maareeyn kareyn waayo RABI SWT ayaa qur’aanka kariimka inoogu sheegey waxaanu yidhi Swt “Raxmada Eebe Kama Qancaan Ilaa Qaar Gaaloobey Mooyaane”. Arrintani ma aha hawl u taala Reer Selel & Reer Awdal oo ah dad dhiig & Dhaqanba wadaaga oo leh Taariikh soo jireena oo mida mana qabo in ay yihiin dad ku kala fogaan kara dhacdodan & mid ka weyntoonoo, Rasuulkeni Muxamed ee Suubanaa SCW wuxu Yidhi “ Fudaydiya oo Arrimaha ha cuslaynina, Isugu bushaareeya oo ha ku kala tegina”. Waxaan qoraalkaygan ku soo gunaanadayaa Arrintani Xal ayey u Baahantee Xagtin uma Baahna, ninkaan wax ku biirinayn talaabada loo qaadayo xaga kheyrka ah yuu dhufays siyaasadeed ka dhigan sida ku cad qooralada & Hadalada lagu soo gudbinayo warbaahinta. Sadexda Gole Qaran ee Xilka Culus dhabarka ku qaadey waa waajib qaran oo dulsaaran xal u helida dhacdadan & xaalad kasta oo soo wajahda dalka, umana baahna ummadani feedho guran wiiqa midnimadeeda, Jiritaankeeda, karaamadeeda, & Qarannimadeeda, cidina inoogu garaabi meyso inaynu dhegta ka huwanaano marxaladan xasaasiga ah ee dalku marayo. Waxaa sidaa si lamid ah waajib qaran furdaaminta arintani ku tahey Xisbiyada Qaran ee u tafo xaydan iney noqdaan hogaanka berrito ee qarankan, hadii aaney manta dildilaaceeda daboolin, aaney berritona dhaqidooda kalsooni ku qabi doonin Ummadani, isla markaana aaney dhaleecayntu ku ekaan doonin Xukuumada talada haysa oo kaliya, balse murkacashoda qarankan ku yimaadaa wuxuu noqon doonaa mid qaybtooda ay yeelan doonaan hadii aaney gudan waajibka kaga aadan & doorka ay ku leeyihiin Xalinta Mushkiladan”.
Xildhibaan Qabile isaga oo qormadiisan sii wata, isla markaana gaar uga hadlaya arinta iscasilaada Xildhibaanadda deegeenka Saylac iyo Lughaya,waxa uu yidhi “Waxaan is dul taagayaa arrinta is casilaada xildhibaanada degmooyinka Saylac & Lughaya, waxaan u arkaa digniin ku wajahan dareenka aan kor kaga soo Hadley ee uma arko kama dambays, iyagana waxaan leeyahey nabarka daarte’e ha durkinina taladana weynu wada leenahaye ha ka degdegina. Xukuumadana waxaan talo ugu soo jeedinayaa iney cagaha u dhigto, isla markaana daaha u furto qancinta & xal ka gaadhista tabashada deegaanadan, mid qaran & mid dhaqan key ku haboonteyba kaga hawl gasho si mug lehna gogol loogu dhigo tabashada ka taagan deegaanadaa loona xulo xeer beegti & Siyaasiyiin ku haboon qaar xil haya & kuwo aan hayn ee loo arko iney wax ka tari karaan talona ka geysan karaan dejinta xaaladan gebi dhacleysey iyadoo foojigo weyn laga yeelanayo talaabo kasta oo cadawga Soomaaliland food saaro ka soo dhigan karo waxaan qormadan kaga baxayaa heesta geela ee tidhaahda sidan soo socota: Midmideeyoo ha Mataaneeyn. Wada jirka & Midnimada qarankan Soomaaliland RABI ha Inoo Adkeeyo,
HARGEYSA SOMALILAND

Shidaalka Ku Jira Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Lagu Qiyaasay 2.7 Billyan Oo Foosto Iyo Shirkad Baadhitaanno Ka Wadda Oo Ka Hadashay

$
0
0

Shirkadda Shidaalka ee Tullow lagu magacaabo oo baadhitaanno shidaal ka wadda dhulka somalidu degto ee Itoobiya, ayaa sheegtay Natiijadii ugu horeysay ee ay ka gaadho qodis Shidaal oo laga bilaabay Gobalka Omo ee Itoobiya Ku yaalla, waxaanay shirkaddu sidaasi ku sheegtay  warbaxin ay maanta soo saartay oo ay Rajo wanaagsan kaga muujisay  in Shidaal laga helo Deegaankaas, ka dib Baadhitaan qaatay muddo 2 bilood ah.
Shirkadda ayaa warbaahinta  u sheegtay  in ay qoddeen dhul gaaraya 2600 meter oo shidaalka laga baadhayay, isla markasna rajo wanaagsan ka muujisay in laga helo Shidaal balse aanay dhilka deegaanka Somalida Itoobiya  in shidaalkaas yahay mid la suuq gayn karro iyo mid aan la suuq gayn karrin.
Shirkaddan oo  qayb ka ah Shirkadda Shidaalka ka baadhaysa Gobalka deegaanka somalida itoobiya, Guud ahaan waxaa la aaminsan yahay in Shidaalka dhulkaasi killilka shanaad  uu yahay midka ugu baddan ee la helayo waxaana Lagu Qiyaasay 2.7 Bilyan oo Boosto.
Gobalka Afdheer gaar ahaan Deegaanka Hargeelle ayay Shirkadda African Oil oo Xidhiidh la leh Tullow ka qoddaysa Shidaalka, iyada oo Dhulka Baadhitaanka Laga samayn doono ay baaxadiisu dhan tahay 50,000sq kilometres, kaas oo ay  Shirkaddu aaminsan tahay in  laga helayo Shidaalka ugu Baddan sababtoo ah arrimo la xidhiidha Istaraatijadda ay la leedahay Badda Cas Iyo Kenya oo laga helay Shidaal, Waxayna aaminsan yihin in Shidaalka uu ku goraro dhulkaasi.
HARGEYSA SOMAILAND


Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka oo maanta Furmay

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)— Munaasabad Lagu Furayay Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday Dugsiga Sare ee Jeneraal Kaahiye.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud,Guddoomiyaha Baarlamaanka Prf:Max’ed Shekh Cismaan Jawaari,iyo Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kuwaasi oo halkaa qudbado kala duwan ka jeediyay.
Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu ka hadlay arrimo farabadan isagoona ka dalbaday Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan Maslaxadda Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo Kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Jawaari oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay waxqabadka Baarlamaanka oo muddo bilooyin ah jira.

Maraykanka oo dhimaya miisaaniyada

$
0
0

Misaaniyada la dhimayo awgeed ayaa dad badan oo dowladda u shaqeeya ay shaqadooda wayn doonaan.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Puntland oo Xukun dil ah ku riday Rag Lagu edeeyay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab

$
0
0

Garoowe  (Sh.M.Network)— Dilkaan Toogashada ah ayey  Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ay ku riday labo nin oo sida la sheegay ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab.
Labad nin ee Xukunkaan dilka ah uu ku dhacay ayaa lagu kala Magacaabaa Max’ed Nuux Aadan ( Abuu Xafsa) iyo Cabdi Risaaq Xuseen Tahliil Ilka Case kuwaasi oo Muddo Seddex Bilood ka hor laga soo qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Goobta Xukunka lagula Riday Raggaani ayaa waxaa la horkeenay qalab ka sameysan walxaha qarxa oo la sheegay in raggaani lagu soo qabtay islamarkaana ay ku dhibaateyn lahaayeen Deegaanada Maamulka Puntland.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Maamulka Puntland Axmed Cabdi Bootaan ayaa warbaahinta kaga warramay halka ay u cuskadeen Xukunkaan dilka ah ee ay ku rideen labadaani nine ee lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al Shabaab isagoo tilmaamay in markii ay ku soo caddaatay dacwadda ka dhanka ah raggaani ay wajahayaan dil toogasho labadaani nin isagoo carabka ku dhuftay in xukunkooda loo cuskaday Xeerka Maamulka Puntland.
Sidoo Kale Maxkamadda ayaa waxa ay siideysay Fiidow Cali Kable oo sida la sheegay ahaa Nin gaari gacanle Muruq Maal ah oo isagana looga shakiyay ka mid noqoshada Kooxda Al Shabaab kaasi oo gaarigiisa lagu soo qabtay walxaha qarxa islamarkaana ku andacooday in uusan waxbo kala socon eedeymaha loo soo qabtay iyo walxahaasi lagu soo qabtay Gaarigiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya In Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida Puntland ay u fasaxday labadaani nin muddo dhan 30 Cisho in ay Racfaan kaga qaadan karaan Xukunka  ku dhacay.
Dhawaan ayey ahayd Markii Magaalada Boosaaso ay Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka Sida Puntland Xukun dil Ceynkaani oo kala ah ku riday inkabadan 10 Ruux iyo Haweeney kadib markii lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilkii Boosaaso loogu Geestay Allaha U Naxariistee Dr Axmed  Xaaji Cabdi Raxmaan.

REOPEN OF THE PARLIAMENT SENSION

$
0
0

Mogadisho (Sh.M.Network) Police Academy of general kahiye was today held a great function which is to reopen the a new section of parliament.
Among the guest were the president of federal government of somalia, speaker of the parliament pro: Mohamed sheikh Osman and also the prime minister Abdi farah shiirdoon said.
the president of republic of Somalia spoke so main issues which are very important and among it is a requesting the members of parliament to put the need of the government first and build back the country.
The speaker of the parliament also congratulated the work done by the parliamentarian and also urge them that they need to struggle and put the need of the country in front and meet their goals.
Shabele News Desk

Howl Gallo waxyaabaha Maanka dooriyo lagu soo qabtay oo Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Gobolka Hiiraan

$
0
0

Baladweyne (Sh.M.Network)—Howl Galladaani oo saacadihii ugu dambeeyay Ciidanka dowladda ay ka sameeyeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku soo qab qabteen Tira dad ah kuwaasi oo si dhuumaaleysiya ugu iibinayay waxyaabaha Maanka dooriya.
Illaa sagaal qof ayaa lagu soo qabtay Howl gallada ay Ciidamada Dowladda Ka sameeyeen Xaafadaha Buunda weyn iyo Kooshin ee Magaalada Baladweyne waxaana dadka lagu xiray Xarunta Saldhigga Booliska Magaalada halkaasi oo lagu baarayo.
Saraakiil Ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo meel Fagaaro ah ku soo bandhigay dadkaan la soo qab qabtay ayaa sheegay in dadkaani ay si sharci darro ah Magaalada ugu iibanayeen waxyaabaha Maanka dooriya iyagoona Carabka ku dhuftay in ay sii wadayaan Howl Galka ka dhanka ah dadka iibinayo waxyaabaha Maanka dooriyo.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Maalmihii  u dambeeyay waxa ay howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka islamar ahaantaana looga hortagayo waxyaabaha Anshax xumada ah  ka wadeen Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live