Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

ARMY COURT ISSUE DEATH WARRANT

$
0
0

Garoowe (Sh.M.Network)-Two members of alshabab were issued with death warrant in an army court which is in Garowe city.
the men were given death warrant by the army court where they were named as Mohamed Nuuh Adan (Abu hafsa) and Abdirizack Hussein Tahlil (Ilka ass)
They were arrested three months ago at Galkaiyo and brought to custody.
Before the court were brought the weapons that were caught in there arm at the time of arrest and where most of the weapons were explosive of suicide bombs material.
The chief of the court,judge of the military court said that after it was found that the two men were guilty the decision was passed where by the decisions which they have taken was laid from the government and it was things that the government of Putland put in place as a law.
Also the court has freed a man whose name is Fiidow Ali Kable who is a donkey cart drive who normal finds his daily bread from the wages,the man donkey cart was found with an explosive material and then arrested but later the court founded him guilty and released him.
The court of the military also said the two men who were given death warrant can appeal further in a duration of thirty days more coming (30 days)
It is said that the court of bossaso also has announced a death warrant of ten people between men and women in a recently period.


Dhageyso: Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland oo maanta xukun dil ah ku riday labo nin oo ay ku eedaysay argigixiso.

$
0
0


Labadaan  nin oo lagu kala  magacaabo Cabdi Risaaq Xuseen Tahliil iyo Maxamed Nuux Aadan oo Puntland ay sheegtay in lagu qabtay miinooyin iyo qalabka lagu sameeyo qaraxyada  ayaa maanta maxkamada ciidamada qalabka sida gobolka Nugaal ku riday xukun dil ah.
Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida C/laahi Cilimi oo soo bandhigayay cadeeymaha ragga maxkamada la horkeenay ayaa wuxuu ku cadeeyay labada eedeesane inay si rasmiya uga tirsan yihiin  ururka Al-shabaab.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu ku marqaati gurey  labada nin inay miinooyin  iyo qalabka lagu farsameeyo qaraxyada u wadeen gobolada Waqooyi {Somaliland} kadibna ay gacanta ku dhigeen ciidanka amniga Gaalkacyo.
Qareenada difaacayay labada nin ayaa sheegay in aysan hayn  wax dambi ah oo ku cad labada nin  .Waxay intaa ay ku dareen marqaatiyaasha dambiga ku cadeeyay raggaan inay ku  hadleen hadalo kala duwan oo isburinaya.
Labada eedeesane oo iyaguna loo ogolaaday inay maxakamada ka hadlaan ayaa iska fogeeyay dambiyada lagu eedeeyay. Waxayna  sheegeen inay arintaan tahay mid iyaga loo qorsheeyay oo aysan waxba kala socon.
Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabsida ee gobolka Nugaal Axmed C/ Bootaan ayaa kadib ku dhawaaqey maxkamada inay xukun dil ah ku riday C/Risaaq Xuseen Tahliil iyo Maxamed Nuux Aadan. Waxaase uu gudoomiyuhu  sheegay in la siiyay 3o cisho oo racfaan ah dadka la xukumay.
Guduumiyuhu wuxuu sidoo kale ku dhawaaqey in maxkamadu ay  xuriyadiisa siisay Siidow Cali Kable oo ahaa ninkii gaarigacankiisa lagusoo raray boorso ay ka buuxaaan miinooyin iyo qarxaha.
Ka sokow kiiska labada waxaa maxkamada  lagusoo bandhigay miimooyin isugu jiray  ku gacanta laga tuuro, kuwa dhulka lagu aaso iyo walxe kala oo lagu farsameeyo qaraxyada.
Go’aanka lagu xukumay  raggaan ayaa sharci darro waxaa ku tilmamay maamulka Galmudug oo mid kamid ah ragga la xukumo uu iyaga kasoo jeedo.
 
 
 
 
 

 
Halkaan ka dhageyso dhamaan codadka.
Codka xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida
C.Risaaq Xuseen Tahliil
Maxamed Nuux Aadan
Sheikh siciid Axmed Faarax Qareen
Gudoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida gobolka Nugaal
Buraannews.com- Garowe
 
Buraannews.com- Garowe.
 

OPERATION WHICH WAS HELD IN HIRAAN TO STRENGTHEN FIGHT AGAINST DRUG

$
0
0

Baledweyne (Sh.M.Network) Government soldiers who conducted a security operation in the town caught hold of so many people who selling material that are very dangerous to the security of the human beings life.
Around nine people were arrested from different village in the area where now they are held in the police station and investigation are on going.
The police chief of the region said that the government are on toes to eradicate any thing that will be harmful to its citizen.
The government of the late were tightening its security in the area and today it made a step and moved forward to fight illegal things that are being conducted in the area in order to strengths our responsibility to the citizen.
Shabelle News Desk

Xildhibaan Kelideed Muddo Ka Mid Ahayd Golaha Guurtida Somaliland Oo Isu Casishay Wheel La’aanta Heshay

$
0
0

Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ka mid ahayd Golaha Guurtida Somaliland, isla markaana ahayd Xildhibaanka Kaliya ee Haween ah ah eek u jirtay Golahaasi, ayaa maanta si rasmi ah isaga casishay Xildhibaan nimadii Golahaasi ay ka ahayd, ka dib markii ay istiqaalad is casilaad ah u soo gudbisay shir guddoonka Golahaasi oo loo codeeyey lagana aqbalay.
Codsigan oo ay xildhibaanadu horkeentay fadhi ay maanta golaha guurtida Somaliland yeesheen oo uu  shir guddoominayey guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Siciid Jaamac Cali ayaa waxay golohu cod u qaadeen ansixinta codsigan xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye aasi, waxaana kal fadhigaasi fadhiyey 47 mudane, waxaana ogolaaday 45 mudane halka ay 2 mudane ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu codayn, waxaana sidaasi ku ansaxday istiqaaladdii Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye ay dhiibtay.
Xildhibaanka oo warbaahinta la hadashay ayaa  sheegtay sababta ka dambaysay iscasilaadeeda, waxaanay ku sabaabaysay in muddo 4 sanno ah oo ay golaha ku jirtay  noqotay gabadha kaliya ee golaha  ku jirta wax  haween ah, taasi oo ay ula muuqatay in ay dhib ku tahay in ay sii wado kursigaasi oo ay go’aansatay  inay xilkii iska casisho  waxaanay tidhi “Waxaana waayey bidhaantii dumarka  Muddo afar sanno ah  waxaan ku jiray golaha guurtida taasi oo aan keli ku ahaa waxaana iga soo dhacday kali nimada  waxayna ila noqtay in aan booskii baneeyo  meeshuna maaha meel loo soo gudbi karo, markii horena waan  ogaa in aanay haween kale ku jirin balse  waxaan arkay in aanay jirin wax kale oo haween ah oo ku soo fool leh golaha”
HARGEYSA SOMALILAND
 

Dawladda Itoobiya Oo Su’aalo Ka Waydiisay Safiirka Sucuudiga U Fadhiya Addis Ababa Eedo Ay Dawladdiisu U Jeedisay Itoobiya.

$
0
0

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay u yeedhay Safiirka Dalka Sucuudiga  u fadhay Magaaladda Addis Ababa ee dalaka Itoobiya, kaas oo la sheegay inay  Dowladda Itoobiya   ka dalbatay Dowladda Sacuudiga Haddal uu sheegay Isbuucii hore Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Sacuudiga Khalid bin Sultan oo kuu eedo ugu jeediyey dalkaasi inay kala hadleen.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Dina Mufti ayaa Waraysi Khaas ah oo uu siiyay TV Itoobiya ku sheegay in Xukumadda Dowladda Itoobiya waxa uu ku sheegay inay u yeedhay Safiirka Sacuudiga u Joogaa Addis Ababa, kaas oo wax laga waydiiyey Hadalka ka soo yeedhay Masuulka ka tisrsan Xukuumadda Sucuudiga ee eedeeyey, kaas  oo ahaa Wasiir ku Xigeenka Gaashaan dhigga Sucuudiga, kaas oo  Dowladda Itoobiya ku dhaliilay Biyaha Xidheenka kuna tilmaamay inuu yahay mid Siyaasadeed oo lagu naafaynayo Malaayiin Dalalka Carabt ah ku nool oo Biyaha Niilka ku tiirsan, Isagoo sheegay in Dalka Sudan Iyo Masar ay noqon doonaa meello nolol xummo ay la soo daristo oo biyo la’aan ahi.
Afhayeen u hadlay Safaaradda Sucuudiga ee Itoobiya ayaa sheegay in Haddalka ka soo yeedhay Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhiga Sacuudiga uu yahay mid gaar u ah isaga balse aanuu matalaynin Mowqifka Siyaasadeed ee Dowladda Sacuudiga, ka dib markii ay dawladda Itoobiya six un uga cadhootay oo ay su’aalo ka waydiisay safiirka Sucuudiga u fadhiya Itoobiya dalkaasi, waxaanay Xukumadda Itoobiya sheegtay inay Haddal cad ka sugayso Dowladda Sacuudiga oo la xidhiidha eedahaas ay u jeediyeen.

 
HARGEYSA SOMALILAND

Golaha Amaanka oo ku kala Aragti duwan Qaadista Xayiraada Hubka ee Saaran Soomaaliya

$
0
0

 
Golaha amaanka oo maalinta arbacada ah ka fariisan doona arinta qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana laga doodayaa in 1 sano oo kumeelgaar ah laga qaado xayiraada hubka Soomaaliya ,qaadista xayiraada hubka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn ugu ololeynaya dowlada Mareykanka oo ku qalqaalisanaysa 15 xubnood ee kale ee golaha amaanka iney meelmariyaan rabitaanka dowlada Soomaaliya ee ah in la qaado xayiraada hubka Soomaaliya.
Wadamada Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lasheegayaa iney walaac ka qabaan qaadista xayiraada hubka iyagoo ku andacoonaya in hadii la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay suurta gal tahay in hubkaasi uu u gacan galo kooxaha Islaamiyiinta sida alshabaab,wxayana tilmaameen in dowlada Soomaaliya aysan suurta gal ahayn iney xakameyso hubkaas,waxayna ku taliyeen inaan dalka Soomaaliya loo gacan galin hub casri ah sida gantaalada iyo dabaabaadka dagaalka oo ay sheegeen iney si fudud ugu gacan gali karaan kooxo ay ku sheegeen argagixiso.
Mareykanka ayaa u ololeynaya in la qaado xayiraada hubka saaran Soomaaliya si dowlada Soomaaliya ay ugu suurta gasho iney dib u dhis ku samayso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay u sugaan amniga guud ee dalka Soomaaliya oo ay ka dilaaceen Burcadbadeed iyo Islaamiyiin qatar ku noqday xasiloonida aduunka.”
Soure-BNO

Dhageyso: Reysal wasaaraha Soomaaliya oo Baarlamaanka horgeeyey waxqabadka xukuumada ee boqolka maalmood

$
0
0


Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa maanta horgeeyey golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxqabadka xukuumada ee boqolkii maalmood ee tegay.
Kulankan oo ay soo xaadireen 151 xildhibaan. Ayaa waxaa furay guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyada oo ka hor furitaanka fadhigan loo qeybiyay xubnaha Baarlamaanka hadal qoraal ku aadan waxqabadka xukuumada ee mudada boqolka maalmood ah.
Kulanka ayaa waxaa khudbo dheer ka jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada, isaga oo qeexay howlqabadka xukuumada, gaar ahaana dhinacyada. Arrimaha Gudaha, Arrimaha Debedda, Dhaqaalaha, iyo Adeegga Bulshada. asaga oo xusay in mudada kooban ee ay xukuumadu jirto inay ku talaabsatay waxqabad muuqda.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in xukuumadu hirgelisay mashaariic dib u dhis iyo horumarineed, gaar ahaana dugsiyo si lacag la’aan ah wax loogu bari doono ardayda Soomaaliyeed, wuxuuna xaqiijiyay in haatan la dhagax dhigay 10 dugsi, halka 20 kalena lagu howlan yahay in dayactir lagu bilaabo waqti dhow. qorshaha sanadka 2013 uu yahay inay waxbarasho siiyaan arday gaareysa Hal Milyan si lacag la’aan.
Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu tibaaxay in dib u hagaajin lagu sameeyey hay’addaha Dowladda, gaar ahaana Wasaaraddaha iyo ilaha dhaqaalaha, isagoo sidoo kalena xusay in Wasaaradda Maaliyaddu ay jaangooyo u sameysay qaabka canshuur uruurinta.
Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in golaha Wasiiradu ay dhameystireen sharciyo badan sida, sharciga dhismaha maamulka gobolada, sharciga Tariifooyinka, iyo sharciyo kale oo dhowaan loo soo gudbin doono Baarlamaanka.
Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay dhismaha maamulada ayaa xusay in dadyowga ku nool goboladu ay xaq u leeyihiin inay dhistaan maamul, balse loo baahan yahay oo kaliya inay waafajiyaan Dastuurka.
Intii ay socotay khudbada Ra’iisal Wasaaraha ayay xildhibaanadu sacab ku hakinayeen, iyaga oo u riyaaqayay waxqabadka xukuumada ee uu soo bandhigay Ra’iisal Wasaaraha. Waxaana gabagabadii guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari uu ku wargeliyay Guddiyada Baarlamaanku inay  soo diyaarsadaan wixii su’aalo ama aragti ah oo ay qabaa, si howl kasta Wasiirka ay khuseyso faah faahin dheeri ah looga dalbado.

Halkaan ka dhageyso codka reysal wasaaraha
Reysal wasaare Saacid
Buraannews.com- Muqdisho.

Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka oo Maanta si Rasmi ah uga Furmay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Kalfadhigiii Labaad ee Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta si toos ah uga furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo Xaadiray  illaa iyo 151 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankii maanta ayaa Ajandihiisu waxa uu ahaa in Xildhibaanada Baarlamaanku ay dhageestaan waxqabadka 100 Ka Maalmood oo ay Jirtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa Furay Guddoonka Baarlamaanka Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari kaasi oo Xildhibaanada Baarlamaanka ka dalbaday in ay si waafi ah u dhageystaan waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya oo uu ka hor aqriyay Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saacid.
Ra’isal Wasaa


Casharkaa 38 aad Suuratul Cimraan Aayadda 165-180

Casharkaa 39 aad Suuratul Cimraan Aayadda 181-189

Casharkaa 40 aad Suuratul Cimraan Aayadda 190-200

Muqdisho: Arrintii Kufsiga oo Maxkamadi Go'aan ka Gaartay

$
0
0

Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa sii deysay haweenay sheegtay in la kufsaday oo hal sano oo xarig ah ku xukuneyd

Ugu yaraan 25 ku dhimatay Pakistan

$
0
0

Qarax aad u wayn ayaa lala beegsaday mar kale dadka Shiicada ah ee Karachi toddobaad ka dib qarax ay dad badan ku dhinteen.

Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka Tirakoobka Ee Xeer No.60/2013 Oo Ay Wax Ka Bedel Ku Sameeyeen.

$
0
0

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kal fadhigoodii ay ku yeesheen Xarunta Golaha Wakiilada oo uu shir guddoominayey Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golahaasi Md. Siciid Jaamac Cali, ayaa waxay si duuduub ah  ugu ansixiyeen xeerka Tiro-koobka Dalka Xeer No. 60/2013, kaas oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Wakiiladdu dhowaan.
Kal fadhigan maanta ee Golaha Guurtidu ay yeesheen, ayaa waxa ka soo xaadiray 49 Mudane, waxaanay Golaha Guurtidu  ay wax ka bedel iyo Kaabis ku soo sameeyey Xeerkan, gaar ahaan gudida arimaha bulshada ee Golaha Guurtida, waxaanay Mudanayaashu xeerkaasi ku ansixiyeen si duuduub ah, iyaga oo habka gacan taagga ah  ugu codeeyey, waxaana ogolaaday 37 mudane, halka ay diideen 7 mudane, waxaana ka aamusay 4 mudane, iyada oo aanuu  gudoomiyahuna codaynin,  sidaasna waxaa ku ansaxay xeerka Tora Koobka Dalka (statistics) ee Xeer No,60/2013.
HARGFEYSA SOMALILAND
 

War-Saxaafadeed. SOLJA Oo Cambaaraysay Xadhiga Weriye Maxamed Aadan Dirir Oo Magaalada Caynaba Uga Soo Warraamaya Telefishanka Somalilchanely

$
0
0

War-saxaafadeed Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somaliland ee SOLJA, ayaa waxa lagu cambaareeyey Xadhiga Weriye Maxamed Aadan Dirir oo Magaalada Caynaba u fadhiya Telefishanka Somalichannel oo dhowaan lagu xidhay Magaaladaasi, kaas oo ay SOLJA sheegtay inuu yahay mi dloo maray sifo aan sharci ahayn oo bilaa waaran Maxkamadeed ah.
War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Ururka SOLJA Maxamed Rashiid, ayaa isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan.
“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu canbaaraynayaa xadhiga weriye Maxamed Aadan Dirir oo doraad 12-kii duhurnimo si sharci daro ah loogu xidhay magaalada Caynabo   isagoo aan loo marin sifihii sharcigu u jidaynayay qabashadiisa oo aan wax waaran ah maxkamdi usoo goynin
iyadoo sida uu noo cadeeyay mar aanu xalay la xidhiidhnay gudoomiyaha maxkamda caynabo lagu eedeeyay inuu jeelka caynabo xoog ku galay intuu askartii jiidhay  oo uu sawiro kasoo qaaday  nin ku eedaysnaa  kufsi isla markaana uu warkaasi ku baahiyay shabakada wararka ee caynaba news’
arintaas oo ururka SOLJA u arko  inaanay macquul ahayn in weriye aan qori sidani xoog ku gali karo jeel askari ilaalinayso  sidaa daraadeed ururka SOLJA wuxuu ka codsanayaa maamulka caynabo iyo xukuumada sare ee Somaliland inay xoriyadiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyaan hadii ama degdeg loo horkeeno  maxkamad”
 
 ALLAA MAHAD LEH M.Rashiid Muxumed Farax
Xoghayaha Guud Ee Ururka  Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA 
HARGEYSA SOMALILAND


Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weeraro dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dalka xilli ay ka socoto…

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombasa ee xarunta labaad ee dalka Kenya ayaa waxay sheegay in magaaladaasi iyo magaalooyinka Gaarisa iyo Mandheera ay siyaabo kala duwan ugu kala dhaceen weeraro khasaarooyin kala duwan geystay, iyadoo la sheegay in weerar ka dhacay magaalada Mombasa ay ku dhinteen dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidanka Kenya.
Sida warku sheegayo kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada booliska Kenya ku lahaayeen magaalada Mombasa, waxaana isku dhacaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo la sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen dad ka badan 10-ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo intaasi ka badan, iyadoo markii dambe ay goobta ka baxsadeen kooxihii weerarka ku qaaday ciidanka booliska dalka Kenya.
Mid ka mid ah dadka degan magaalada Mombasa ayaa sheegay inay maqlayeen xalay oo dhan daryanka rasaasta ay isweydaarsanayeen ciidamada amaanka magaaladaasi iyo kooxihii soo weeraray, wuxuuna yiri ruuxaasi goobjooga ah “10-ruux ayaa dhimatay tiro kale oo intaasi ka bandanna way dhaawacantay, dadka qaarkiis dhaawaca waxay ku sheegayaan 5-ruux, laakiin cid si rasmi ah u xaqiijin karta ma jirto, saraakiisha booliskuna kama aysan hadlin, waxaadna dareemaysaa in si weyn ammaanka loo adkeeyay”.
Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa iyaguna xalay weeraray gaari uu leeyahay mid ka mid ah musharaxiinta xisbiga ODM gudaha magaalada Gaarisa, waxaana rasaas ay ku fureen gaariga ku dhintay nin darawal ahaa, halka haweenay dhaqtarad aheydna ku dhaawacantay, waxaana la sheegay in weerarkaasi ka dib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo baaritaano kala duwan sameeyay, inkastoo aan la ogeyn inay dad ku qabqabteen baaritaanadaasi iyo in kale.
Dhanka kale weeraro bambaano ayaa lagu qaaday saldhig ay ku suganaayeen ciidamo Kenyaan ah oo ku yaala gudaha degmada Mandheera, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii weerarka lagu qaaday, waxaana xusid mudan in weerarka ka dib ay ciidamada afarta jiho rasaas u fureen, halka wararka qaarna ay sheegayaan in rasaasta ay fureen ciidamadu ay ku dhimatay gabar yar oo ardayad aheyd, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijineysa dhimashada gabadhaasi yar.

Dowladda Qadar oo sheegtay inay safaarad ka furaneyso Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codsaday…

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey ee  booqoshada ku joogay dalka Qadar ayaa shalay la kulmay Amiirka dalka Qadar Amiir Hamad Binu Khalifah Al-Thani, kaas oo ay uga hadleen sidii iskaashi guud oo dhan walba ah uu u dhexmari lahaa Soomaaliya iyo Qadar.
Sida warku sheegayo Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu madaxda dalka Qadar uga warbixiyey xaaladda cusub ee Soomaaliya ay ku jirto iyo muhiimadda dib u heshiisiinta iyo midnimadda Soomaliya, wuxuuna yiri “Iskaashi heer sare ah iyo in wadajir labadda dal ay u shaqeeyaan waa mid muhiimad gaar ah inoo leh, sidoo kalena lama huraan ah”, sidoo kale madaxweynuhu war uu saxaafadda siiyey ayaa waxa uu sheegay in kulanka looga qaabkii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo in deynta Soomaaliya lagu leeyahay laga laga bixiyo si ay fagaarayaasha caalamka ugu soonoqoto; waxna laga qabto sidii Soomaaliya ay uga mid noqon laheyd  hay’adaha caalamiga maaliyadda ee adduunka .
Sidoo kale Madaxweynaha iyo Amiirka Qadar ayaa waxay kulankooda ku soo qaadeen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, dib u soo celinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, iyadoo ay dowladda Qadar balanqaaday inay safaarad ka furaneyso Soomaaliya, kulankaasi ayaa waxaa dhinaca soomaaliya kaga qaybgalay wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda, Faarax Sheekh C/qaadir, safiirka Soomaaliya ee Qadar danjire Cumar Sheekh Cali Idriis, taliyaha nabadsugidda, Axmed Macallin Fiqi iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland:- Shirka London ka dhacaya ma filayo inay Somaliland ka qeybgaleyso, hadalkii Xasan Sheekhna wuxuu ahaa…

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi {Cirro} ayaa ka hadlay shirka bisha May Soomaaliya loogu qabanayo London, waxaanu sheegay inaan Somaliland aysan ka qeyb-galeyn haddii uu u gaaryahay Soomaaliya oo arrimaheeda lagaga hadlayo.
Cabdiraxmaan Cirro oo u waramay telefiishanja HCTV ayaa waxa kale oo uu sheegay in hadal ka soo yeeray Madaxwaynaha Soomaaliya oo ahaa inay madaxda Soomaaliya waraaqo is-dhaafsadeen uu yahay mid wakhtigii ka soo hormaray, isagoo sidoo kalena tilmaamay inaanu shakhsiyan ogeyn wax wadahadal ah oo u bilaabmay Somaliland iyo madaxda Soomaaliya.
C/raxmaan Cirro oo ka hadlaya wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “Somaliland iyo Soomaaliya marbay isku yimaadeen oo ay wadahadal bilaabeen, wadahadal kale oo bilaabmayna ma jiro, wadahadalkii labaadna dowadihi waday waxay qorshaynayaan xagaaga soo socda, oo weli laftiisu ma cadda, laakiin shirarka Soomaaliya u gaarka ah Somaliya ayuunbaa iska leh, shirka bisha May la iclaamiyeyna haddii arimaha Somaliya lagaga hadlayo wuxuu noqon doonaa shir Somaliya u gaar ah, Somaliland-na inay ka qayb-galayso ma filayo”.
“Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya hore ayaa loo ogolaaday, haddii labada waddan wada hadlayaana meelbuu taagnaa, meeshii ayuunbaa laga sii qaadi karaa, laakiin shir Soomaaliya u gaar ah ka qeyb-gali-mayno, mowqifka Somaliland, ka xisbigayaga iyo ka Baarlamaankuna waa sidaasi” ayuu yiri, waxaanu intaas ku daray isagoo ka hadlaya hadalkii ka soo yeeray Madaxwaynaha Soomaaliya “Inuu warkaasi jiro ilamaha aha oo wada-hadal u bilaabmay Somaliland iyo Somaliya, haddii aad tuhun ka qabtaana (saxaafada) waad ka xaqiijin doontaan, laakiin anigu ma qabbo inuu jiro wada-hadal u bilaabmay Somaliland iyo Somaliya, haddii wareegii labaad bilaabmayana wakhti ayay leedahay wayna cadaan doontaa, Madaxwaynuhuna markii uu London tagay waakii cadeeyay in arinkaa tallo qaran laga yeelanayo wakhtiga ku munaasibadka ah, wakhtiga shirka la iclaamiyeyna waa bisha May, markaa Warka Madaxwaynaha Somaliyana sax maaha, waayo dawladihii shirka qaban-qaabinayey waxay iclaamiyeen bisha May, markaa warkaasi waa war ka soo hor-maray xiligiisii”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Go’aanka Madaxwaynuhu qabbo, taladana qaran-na laga yeelanayaa waa inaan laga qayb-galin shir Somaliya u gaarka ah”.

Amnesty International oo ka digtay qatar ka dhalata Haddii Xayiraadda Hubka Laga qaado Soomaaliya

$
0
0

Nairobi  (Sh.M.Network)— Hey’adda u Dooda  Xuquuqul Insaanka ee lagu Magacaabo Amnesty International ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga digtay in xayiraadda dhinaca hubka ah lag qaado Soomaaliya.
15-ka dal ee golaha ammaanka u qaabilsan xayiraada dhinaca hubka ah ee la filayo in dowladda Soomaaliya laga qaado ayaa sheegay in ay ka barandagayaan ku dhawaad mudo sanad ah in Soomaaliya laga qaado Xayiraadda Hubka ee saran ,iyagoo sheegay in ay fasixi doonaan hubka Dowladda Somaaliya inta laga dhisayo Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Gemma Davies oo ah madaxa Hay’ada  Amnesty International ayaa xayiraadda dhinaca hubka ka saaran soomaaliya ku sababeeyay suurtagalnimad Qatar ama dhibaatooyin bini’aadanimo oo ka dhalan karto Hubkaasi.
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa cunaqataeen dhinaca hubka ah Soomaaliya ku soo rogay 1992-dii kadib markii Xukuumada dhexe ee Soomaaliya ay meesha ka baxday. 1991-dii.
Dowladda Soomaaliya ayaa golaha amaanka ka dalbaday in Xayiraadda Dhinaca hubka ah Laga Qaado Soomaaliya,si dowladda ay u hesho hub iyo Agab Militari oo ku Filan Dowladda

CPJ: Somali appellate court upholds journalist’s conviction

$
0
0

Nairobi, March 5, 2013- (Shabelle) Sunday’s decision by an appellate court in Mogadishu to uphold the conviction of a freelance Somali journalist in connection with his interview of a reported rape victim prolongs a miscarriage of justice and is a direct assault on press freedom, the Committee to Protect Journalists said today.
Judge Mohamed Hassan upheld the conviction of Abdiaziz Abdinuur and reduced his one-year prison sentence to six months, according to news reports and local journalists. Abdiaziz wasconvicted on February 5 on charges of insulting the state after his January 8 interview with a woman who claimed she had been raped by Somali forces late last year. The interview was never published. The woman was initially convicted and received the same jail term, but the court overturned the verdict today.
The appellate court judge ruled that Abdiaziz had violated Somali law and had offended the “reputation of a national institution” by not reporting to officials the account of the alleged rape victim, according to local reports and local journalists. Local journalists told CPJ it was unclear how the judge had come to the decision, since it was not illegal to conduct an interview and because no legal prerequisite existed on alerting authorities after conducting interviews.
Abdiaziz’s defense lawyer, Mohamed Mohamud, told local journalists they would not acceptthe verdict and would be filing an appeal with the Supreme Court.
“Somali leaders ask for faith in the country’s troubled judicial system, but this ruling delivers another serious blow to the credibility of the courts. When the courts convict a journalist for listening to a woman’s account of rape at the hands of government forces, they are sending a message that the government is above the law and above its own citizens,” said CPJ East Africa Consultant Tom Rhodes. “We urge the Supreme Court to open a new era of justice by overturning the conviction of Abdiaziz Abdinuur and by releasing him immediately.”
News accounts quoted Somali Prime Minister Abdi Farah Shirdon as saying he had hoped for a different outcome. “I note his sentence has been reduced from 12 months to six, but I do not believe journalists should be sent to prison for doing their job,” he said. “We must have freedom of expression, which is guaranteed in our constitution.”

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live