Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Amnesty: UN arms embargo on Somalia must stay in place

$
0
0

Mogadishu. 05-03-20013- (Shabelle) It is premature for the UN Security Council to consider lifting an arms embargo on Somalia later this week, Amnesty International said as it warned such a move could see armed groups such as al-Shabab getting its hands on even more weapons, while removing existing mechanisms of transparency and accountability.
Despite improvements in security in some areas of the country, including in Mogadishu, civilians still face a high risk of being killed or injured during outbreaks of fighting, in air strikes, mortar shelling or through the use of suicide attacks and improvised explosive devices.
“Without adequate safeguards, arms transfers may expose Somali civilians to even greater risk and worsen the humanitarian situation,” said Gemma Davies, Amnesty International’s Somalia researcher.
“For several years, the arms embargo on Somalia has been continuously violated with arms supplied to armed groups on all sides of the conflict. The flow of arms to Somalia has fuelled serious human rights abuses committed during the conflict.”
The widespread availability of arms in Mogadishu and elsewhere in Somalia continues to lead to greater insecurity for civilians.
During a recent Security Council debate on Somalia, Fowsiyo Yusuf Haji Adan, Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs Government urged both financial and military support to consolidate peace and to help hold areas recovered from the control of armed groups.
Adan also requested the lifting of the arms embargo, stating her government’s intention of putting in place “the necessary mechanisms to ensure that armaments do not fall into the wrong hands”.
Although this intention is welcome, Amnesty International believes that such mechanisms should be implemented first and that the Security Council should only proceed with the lifting of the arms embargo once they prove effective.
“Instead of lifting the embargo, it should be strengthened by incorporating strict rules granting exemptions to prevent arns from getting into the wrong hands and being used to commit human rights and humanitarian abuses.”


Askari qof Rayid ah ku dilay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network)— Barqanimadii Maanta ayaa Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya waxa uu qof rayid ah ku dilay Agagaarka Isgoyska Ex-Control Afgooye ee  Magaalada Muqdisho.
Goob Joogayaal ku sugan Goobta uu dilku ka dhacay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in uu Muran dhexmaray Askariga iyo qofka Rayidka ah taasi oo keentay in Rasaas uu Huwiyo qofkaasi Rayidka ah taasi oo keentay in uu Goobta ku Geeriyoodo.
Askariga dilka Geestay ayaa si fudud Goobta uga baxsaday waxaana daqiiqado kadib Goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo goobta ka qaaday meydka qofka Rayidka ah.
Goob Jooge ku sugnaa Goobta uu dilku ka dhacay ayaa Idaacadda Shabelle u sharraxay sida ay wax u dheceen.
Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhayay dilalka dadka Rayidka ah ee aan waxbo Galabsan balse maaha markii ugu horeysay oo Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Muqdisho uu ku dilo qof Rayid ah iyadoona ay Xusid mudantahay in dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Max’ud uu ka dhawaajiyay in Askarigii dila qof rayid ah Maxkamad la soo taagayo islamar ahaantaana la waafajin doono Shareecada Islaamka

Baarlamaanka oo kulan fashil ku soo Idlaaday ku yeeshay Golaha Shacabka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network)— Waxaa Maalintii Labaad hakad galay kulan la qorsheenayay in ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka si ay uga wada hadlaan qorshaha Xukuumadda ay soo dajisay waxyaabihii u qabsoomay boqolka Maalmood ay Jirto.
Kulanka Maanta ay isugu yimaadeen xuildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray inkayar boqol xildhibaan iyadoo waqti badan la sugayay xildhibaanno buuxiya Kooramka taasi oo dhici weysay.
Xarunta Golaha Shacabka oo ay ku sugnaayeen Tiro xildhibaanno ah ayaa waxa ay u muuqdeen kuwo ka fadhi diriraya Howl kaasi.
Markii uu qabsoomi waayay kulankaasi kadib ayaa tiro suxufiyiin ah oo gaaray Xarunta Golaha Shacabka aroortii hore ee saaka ayaa Ciidamada Ammaanka ee Xarunta Golaha Shacabka waxa ay Suxufiyiinta ku wargeliyeen in ay dibadda u baxaan si Xildhibaanada ay si hoose u wada hadlaan Muddo daqiiqado kadib ayaa Howlka Shirarka ee Xarunta Golaha Shacabka waxaa isaga soo dareeray Xildhibaanada Maanta tagay Xaruntaasi kuwaasi oo saluugsanaa sida ay wax u dheceen.
Xildhibaan Khaalid Cumar Cali iyo Xildhibaan Max’ed Cabdi Shuuriye oo lahadlay Shabelle ayaa waxa ay uga warbixiyeen warbaahinta waxyaabihii maanta uu kulanka u qabsoomi waayay.
Sikastaba kulankaani Manta qabsooomi waayay oo ay yeelan lahaayeen Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu sheegay in xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada Baarlamaanka lagala xisaabtami doono dhinaca dhaqaalaha sidoo kalena laga fiirsanaayo ka sii mid ahaanshihiisa  Xildhibaanada baarlamaanka

Qaramada Midoobay iyo Mareekanka oo ka xun Xukunka Maxkamadda Racfaanka

$
0
0

New-York (Sh.M.Network)—Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki Mon ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ay ka xunyihiin in weli Wariye Cabdi Casiis Koronto uu ku sii Jiro Xabsiga iyadoo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay Seddexdii bishaan ka qafiifisay Xukun Xariggi  horay loogu riday wariyahaasi.
Banki Mon ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan in la sii daayo Haweeneydii wariyuhu uu wareystay ee sheegtay in la kufsaday balse waxaa uu muujiyay in aysan ku faraxsaneen in weli wariyuhuu uu baaqi  ku sii ahaado Xabsiga.
Mr Mon ayaa ku baaqay in  lasii daayo wariyahaasi iyadoo la ixtiraamayo Xuriyatul qowlka iyo Saxaafadda Madaxa Banaan ee Soomaaliya ka howl Gasha.
Dhanka kale war uu Xafiiskiisa ka soo saaray Ku Xigeenka Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareekanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareekanku uu ka niyad jabsanyahay in weli uu xabsi ku sii jiro Wariye Cabdi casiis Koronto.
Dowladda Mareekanka ayaa dhankeeda iyana soo dhaweysay Go’aanka lagu sii daayay Haweeneydii dhibana ahayd ee loo soo qabtay Kiiska Wariye Koronto

QM & US oo Dhaweeyey sii Deyntii Gabadha

$
0
0

QM iyo Maraykanka ayaa soo dhaweeyey, go'aankii maxkamadda Gobalka Banaadir ee lagu sii daayey gabadhii sheegtay in ciidanka dowaddu ay kufsadeen, waxaase ay wax laga xumaado ku tilmaameen xukunkii maxkamadda ee wariyihii gabadha waraystay.

Golaha Amaanka Oo Isku Raacay In Xayiraada Hubka Laga Qaado Soomaaliya

$
0
0


Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka kooban 15 dal ayaa u codeeyey qaraar qabyo ahaa oo ay soo diyaarisey dalka Britain, waxaana Golaha Amaanku isku raacey in qaraarkaas uu yahay mid shaqeynaya muddo sanad ah.
Qaraarka cusub ee lanbarkiisu yahay 2093 ayaa dhigaya in muddo sanad ah Soomaaliya laga qaado xanibaadda hubka ee saarneyd tan iyo sanadkii 1992-dii, waxaana qaraarkani dhigayaa in hubka qaarkiis sida Miinata loo yaqaan Anti Tank oo si weyn waxyeelo u garsisa dadka rayidka ah, Hoobiyaasha, gantaalada diyaaradaha lagu soo rido, madaafiicda Hawsarka loo yaqaan, iyo kuwa goobta, waxaana hubka Soomaaliya la socon doona Qaramada Mdoobey koox ay u magacaabtey in aan lagu xadgudbin, la gadi karin lana wareejin karin.
Golaha Amaanka ayaa sidoo kale isku raacey in muddada hawlgalka AMISOM lagu darro hal sano.
Qaraarka Britain soo diyaarisey halkan ka akhriso -riix

Axkaanta salaada. Suaalo iyo jawaabo- Sh Bashiir Shiil

$
0
0


Axkaanta salaada. Suaalo iyo jawaabo- Sh Bashiir Shiil

Watch Later Axkaanta Ramadaanka.Sh Maxamed Cabdi Umalby GarweyneMedia 256 views · 14:53. Watch Later 2-4 Muxaadaro - Xijaabka iyo Dahaarada - Sheikh Xasan Ibrahim Ciiseby mohammedmursal 1,293 views · 10:56. Watch Later AXKAANTA SOONKA SH AHMED NUUR part 1by kalkaalproduction 1,910 views · 6:22. Watch Later Axkaanta Salaada - sheikh cali cilmi - 1 of 15by qadiriya 8,174 views · 14:40. Watch Later Sh C/Qani Qardhawi Axkanta Ciidaby somalinetwork2 173 views · 10:00 ...
From:
Masjid iqra Odense
Views:
1

0
ratings
Time:
19:29
More in
Education

muxaadaro: 
See video

2013-03-06 Muxaadaro- Qaab- dhismeed Umadeed-sh.Mustafa.


2 Min Codkan Will oo 14 jiir aah Macaane Qalbiga Kuraaxey

$
0
0


2 Min Codkan Will oo 14 jiir aah Macaane Qalbiga Kuraaxey

Muxaadaro Aragtidee ayuu islamka ka qabaa madaxweyne ? Sh Yusuf Ahmedby MrJamil27 49,647 views · 5:09. Watch Later Amazon Kindle Waa Maxay ? Dhinaca Diintana Sideeba Looga Faaideysan Karaaby MrJamil27 873 views · 8:34. Watch Later Waa Web Site Cusub Oo Diini Kusoo Biiraye Bulshada Soomaaliyeedby MrJamil27 1,253 views · 3:46. Watch Later soo dhaweyntii nimco yasinby oodweyne 1,504 views · 2:39. Watch Later 2 Min Codkan Will oo 14 jiir aah Macaane Qalbiga Kuraaxeyby ...
From:
Mohammed Adani
Views:
0

0
ratings
Time:
02:39
More in
People & Blogs

muxaadaro: 
See video

QM oo cunaqabateyntii hubka qaadday

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa si ku meel gaar ah cunaqabateynta hubka fudud uga qaadday dalka Soomaaliya. Cunaqabateynta Soomaaliya waxa la saaray sanadkii 1992, markaasi oo hoggaamiyayaashii dagaalka ay ku ku dagaallamayeen gacan ku heynta magaalada Muqdisho.

Tafsiirka Suuratul-Furaan 44-55 Li Sh Xasan Ibrahim Ciise Xafidahullaah

Wisconsin: Soomaali ku Dhimatay Shil Baabuur

$
0
0

Labo nin oo Soomaali ah oo waday gaari xamuul ah ayaa dhintay ka dib markii uu gaarigii kula dhacay wabiga Red Cedar ee gobolka Wisonsin ee Maraykanka

Maamulada Galmudug,Soomaaliland iyo Puntland oo ka hadlay Go’aanka Lagu laalay Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network)—Xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu meel mariyay go’aanka Mudada sanadka ah Xayiraadda hubka looga qaadayo Soomaaliya ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay Go’aankaasi Maamulada kala duwan ee ka jira gudaha dalka.
Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Soomaaliland oo lahadlay Idaacadda BBC da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu walaac Xoogan ka muujiyay in Soomaliya xilligaan laga qaado Xayiraadda dhinaca hubka ah ee saareed isagoona sheegay in haddii hubkaasi uu faraha u galo dowladda Soomaaliya  in qal qal uu ku imaanayo Ammaanka  Maamulka Soomaaliland waxaana uu ka dalbaday Qaramada Midoobay in arrintaasi si weyn looga fiirsado.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Max’ud Ceydiid Dirir ayaa isna Dhankiisa waxa uu sheegay in xilligaan aan loo baahneen in Soomaaliya laga qaado Xayiraadda dhinaca hubka ee saareed taasi oo uu sheegay in ay tahay Qatar horleh oo ku soo korortay Mandiqadda Geeska Afrika.
Max’ud Ceydiid ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay leedahay dowladda federaalka in ay yihiin Ciidamo beeleed islamarkaana aan laga soo xulin Gobollada dalka taasi oo uu tilmaamay in haddii hubkaasi uu faraha u galo ay suura galtahay in Soomaaliya ay ka dhacaan Markale dagaallo lagu hoobto.
Axmed Xasan Baasto Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug State ayaa isna waxa uu qabaa fikir ka duwan taas oo ah in Maamulkiisa uu si weyn u soo dhaweynayo Xayiraadda dhinaca Hubka ah ee laga qaaday Soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqay in Go’aankaasi uu dhabar jab ku yahay wax uu ugu yeeray Al Qaacidada ku soo duushay Soomaaliya.
Tan iyo Markii ay dowladda Mareekanka ay Si Rasmi ah u aqoonsatay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo kordhayay hinaasaha Maamul Goboleedyo ka jira gudaha dalka ay ka qaadeen aqoonsigaasi kuwaasi marba marak ka dambeysay dhaliilayay tallaabooyinka Horumarka leh ee ay horay ugu qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay billaabeyso Howl gallo lagula dagaalamayo Al Shabaab

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network)—Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada dowladda federaalka ay billaabayaan Howl Gallo lagula dagaalamayo Al Shabaab.
Cabdi Xakiin xaaji Max’ud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya  ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka go’antahay ka sifeynta Ururka Al Shabaab deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Galgaduud sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa Ahmiyadda dowladda Federaalka waxa uu ku qeexay in ay tahay ladagaalanka AL Shabaab si loo xaqiijiyo Ammaanka Gobollada dalka.
Mr Fiqi  waxa uu dhanka kale hoosta ka xariiqay in aysan Joogsan doonin dagaalada ay dowladda kula jirto Ururka Al Shabaab kaasoo dowladdu ay dooneyso in ay kaga sifeyso Gobollada dalka.
Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay ciidamada dowladda oo garab ka helaya AMISOM ay dagaal xoogan kula Jiraan Ururka Al Shabaab oo weli ku sugan qaar ka mid ah deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada dalka.

Ahlusunna oo dib u’eegis ku sameyneysa Heshiis ay la gaartay Dowladda Soomaaliya

$
0
0

Dhuusamareeb (Sh.M.Network)—Guddoomiyaha Gudiga Fulinta ee Maamulka Ahlusunna Waljamaaca Cabdi Cali Fiidow ayaa sheegay in heshiisyo ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo Maamulka Ahlusunna Waljamaaca hayeeshee qodobo ka mid kuwii  heshiiska lagu gaaray in ay horgeyn doonaan Golaha Shuurada ee Ahlusunna Waljamaaca si ay kaga soo tala bixiyaan.
Cabdi Cali Fiidow  Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ayaa soo hadal qaaday in dowladda Federaalka ay Heshiisyo dhowr ah ay meel wada dhigteen Maamulka Ahlusunna kuwaasoo qaarkood aan weli warbaahinta loosoo gudbin.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in heshiiska ay wada gaareen Maamulka Ahlusunna iyo dowladda federaalka uu horseedi doono iskaashi fiican oo dhexmaro Maamulka Ahlusunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shalay ayey ahayd Markii ay dowladda Federaalka ay heshiisyo wada gaareen iyadoo heshiisyadii lagaarayna ay qayb ka tahay in Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca lagu soo biiriyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.


Maalinta Haweenka Aduunka ee 8da Marso Oo Galmudug Laga Xusay(Sawiro)

$
0
0

 

Munaasabad Balaaran Oo ay Soo Qaban qaabiyeen Wasaarada HaweenkaGalmudug Iyo Ururada Haweenka Galmudug laguna Maamusayay Maalinta Haweenka Aduunka ayaa Lagu qabtay Hotelka Embassy ee Magaalada Galkacyo.
 Xuska Maalinta Haweenka Aduunka ee Ku aadan 8da Maarso ayaa waxa Ka Soo Qayb Galay Masuuliyinta Wasaarada Haweenka iyo ururada Haweenka Galmudug,waxaana Ugu Horayn Munaasabada Ka Hadlay Wasiir kuxigenka Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo:Saynab Cismaan Caato waxayna Ka Hadashay Muhiimada Maalinta Haweenka iyo tacadiyada Haweenka ka dhanka ah iyadoo Xustay in Haweenka Soomaliyeed ay La kulmaan Tacadiyo farabadan Balse Xiliyadan Danbe ay ay Soo Hagaagayso nolosha Dumarka Saynab ayaa Intaa Ku Dartay in Wasaarada Haweenka Galmudug aya Wado Qorshe ay ku Hormarinayso waxbarashada iyo Nolosha haweenka ayna Ka Qyb qaatan haweenku Nabada iyo horumarka Dalka Isla mrkaana ay Ku faraxsantahay Ka Qayb galka Munaasabadan Qaaliga ah ee 8da Maarso.
 Sodoo kale waxaa iyana Xaflada Ka hadashay  Gudoomiyaha Ururada Haweenka Galmudug Xabiibo Max’ud Koofurow oo ugu Horayn u mahadcelisay Dadkii soo qaban qaabiyay Munaasabadan,waxayna Si Weyn Uga Hadashay Marxaladihii ay soo mareen Haweenka Soomaliyeed iyadoo Sheegtay in ay haweenku yihiin Laf dhabarta bulshada isla Markaana ay Marka kasta La kulmaan dhibaatoyin joogtaa Marwo xabiibo ayaa intaa raacisay in ay Sameeyen Ururo Haween oo ka Shaqeeya Horumarka Haweenka iyo Sidii ay Haweenka Galmudug u Heli Lahayen Xirfado ay ku Shaqaystaan Halka Markii Hore aysan Haysan Horumar Dhinaca Waxbarashada ah taa Oo ay Ugu Wacnayd Haweenka oo lagala Dagaalamay Dhanka Waxbarashada ayay Tiri Xabiibo Koofurow Gudoomiyaha Ururada Haweenka Galmudug.
 Dhanka kale Munaasabada 8da maarso ee Maanta Ka Dhacday Hotelka Embassy ee Magaalada Galkacyo ayaa waxay Madasha ku soo bandhigeen Qaar Ka Mida Haweenkii Ka soo Qayb galay Ciyaaro iyo Sugaan Kala Duwan kuwaa Oo soo Jiitay Indhaha Dadweynihii ka Qayb galay Xaflada waxayna Dhamaan Ka turjumayeen Maalinta Haweenka Aduunka ee Ku astaysnayd 8da Maarso.
 Xuska maalinta Haweenka Aduunka  ee 8da Maarso ayaa laga Xusay inta Badan Gobalada dalka Soomaliya iyo Caalmaka  iyadoo ay Munaasabada manta ee Ka Dhacday Magaalada Galkacyo gaar ahaan Dhinaca uu ka Taliyo maamulka Galmudug Si Weyn looga Xusay Maalinta Haweebka Aduunka ee 8da Maarso.
                                                                         DAAWO SAWIRADA.

 
 

Hargeysa: Nin Caruurtiisa iyo Xaaskiisa Dilay

$
0
0

Nin madaxa looga jiro ayaa magaalada Hargeysa ku dilay xaaskiisa oo uur laheyd iyo laba caruura oo uu dhalay sida ay sheegeen maamulka guud ee Isbitaalka Hargeysa.

Munaasabadda 8 Marso oo looga dabaal Dagay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)— Xilli Maant ay Ku beegneed 8 Marso Maalinta Haweenka Adduunka islamarkaana looga dabaal dagayay dhammaan Caalamka oo idil ayaa Munaasabad Ballaaran oo loogu dabaal dagayay Maalinta Haweenka waxa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Mubaasabaddaasi oo ay ka qayb qaadanayeen qaybaha Kala duwan ee Haweenka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin Haweenka Ku jira Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Haweenku ay Socod ku mareen laga billaabo Sayidka illaa Dal Jirka Daahsoon.
Haweenkii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahayd Ruqiyo Max’ed Afrax oo iyadu ka mid ah Haweenka Ku dhaqan Gobolka Banaadir Gaar ahaan Hooyooyinka ku dhaqan Degmada Boondheere taasi oo u hambalyeysay Haweenka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan.
Xildhibaanad caasho Koos oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadashay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa dhankeeda iyana Hambalyo ballaaran u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay Joogaan iyadoo u rajeysay sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan Bash bash iyo Barwaaqo.
Sikastba Munaasabadda 8 Marso ee sanadkaan ayaa ku soo beegmeysa xilli isbedel weyn laga dareemayo dalka islamarkaana dadkii dibadaha ku maqnaa ay dib ugu soo noqdeen dalka
 

Baarlamaanka oo berri kulan dastuurka ay kaga hadlayaan ku yeelanaya Golaha Shacabka [ War Saxaafadeed]

$
0
0

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinnimada berri ah si rasmi ah u daah furaya dib u eegista ay ku sameynayaan Dastuurka Dalka kaasi oo ay horey si KMG ahaan ugu ansixiyeen ergo gaareysay 750 xubnood.
Furitaanka kulankan daah furka u ah dib u eegista Dastuurka Dalka ayaa waxaa lagu casuumay dhammaan gudiyadii madaxa banaanaa kuwaasi oo marti ku noqon doona madasha islamarkaana Xildhibaannada kalasoo qeybgali doona kulanka oo si rasmi ah u bilaaban doona 9ka subaxnimo ee maalinnimada sabtida berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 9ka bisha March 2013.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa yiri :- “dib u eegista uu Golaha Shacabku ku sameynayo Dastuurka Dalka waa mid inoogu fadhiga muhiimad weyn waayo qeybihii kala duwanaa ee Shacabka Soomaaliyeed oo aynu la kulannay intii uu xirnaa kal fadhigii Koobaad ee Baarlamaanka talooyinkii ugu badnaa ee ay soo jeediyeen waxaa ugu muhiimsanaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan dib u eegis ugu sameyno Dastuurka Dalka hadaba inaga oo fulineyna codsigii shacabka ayeynu maalinnimada berri ah si rasmi ah u daah furi doonnaa dib u eegista Dastuurka”
Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka waxa uu ku booriyey shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iney si toos ah isha ugu hayaan qaabka ay u socdaan howlaha Baarlamaanka islamarkaasina aysan shacabku hada iyo goor ka leexan iney talooyinkooda sidan oo kale toos ugusoo gudbiyaan Gudoonka Baarlamaanka ayadoo Golaha shacabkana uu had iyo goor u taaganyahay inuu sidan oo kale ugu shaqeeyo talooyinka qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka Dalka ayaa waxey socon doontaa in mudo ah waxaana mudadaasi ay socoto laga doonayaa dadweynaha Soomaaliyeed iney joogti ula socdaan qodobada uu Baarlamaanku uu had iyo goor ka doodayo si ay ugasoo dhiibtaan talooyinkooda ayadoo sidoo kalena ay jiri doonaan kulammo dhexmari doona Gudoonka Golaha Shacabka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo aragtida iyo talooyinka shacabka lagu dhageysan doono.
—-DHAMAAD——
Xafiiska Warfaafinta Gudoonka Baarlamaanka

Tarbiyada Caruurta - Sh. Keenyaawi

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live