Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maamulka Galmudug oo ku gacan seyray dalab uga yimid dowladda Soomaaliya

0
0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ku gacan seyray  dalab uu u gudbiyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kadib kulan ku dhex maray magaalada Gaalkacyo.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dalbaday maamulka Galmudug inay ku biiraan maamul kale si ay u buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay maamul gobolleedyada dalka, taasoo ay Galmudug ku gacan-sayrtay.
Cabdi Qaybdiid waxa uu sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen mas’uuliyiintii ka socday dowaldda Soomaaliya, balse kulankii ay la yeesheen uu guuldarro ku dhammaaday.
Wuxuu  Qaybdiid sheegay in deegaanada uu maamulkooda ka taliyo uu ka kooban yahay laba gobol oo kala ah Mudug iyo Galmudug, sidaa darteedna ay isku arkaan inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.
“Inagu diyaar ayaan u nahay in laga wadahadlo arrintan, waxaana sidoo kale diyaar u nahay inaan maamul la wadaagno ciddii diyaar u ah sida Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunna Waljmaaca,” ayuu yiri Jen. Cabdi Qaybdiid oo intaa ku daray in maamulka Galmudug uu ka mid ahaa maamulladii saxiixay heshiiskii Roadmap ee looga baxay xilligii KMG ahaa ayna aad uga xun yihiin in xilligan loo arko inuusan ahay maamul goboleed buuxiyay shuruudihii maamul gobolleedyada looga baahnaa.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khilaafkan cusub ee uu shaaca ka qaaday Jen. Cabdi Qaybdiid, iyadoo maamulkan oo dhisan muddo afar sano ah ay noqonayso markii ugu horeysay oo la sheegay inuusan ahayn maamul goboleed dhameystiran.


Dowladda Uganda oo sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u soo direyso dalka Soomaaliya iyo muran ka taagan arrintaasi

0
0

Guddiga difaaca dalka Uganda ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo Bolis ah oo loogu talo galay in loo diro dalka Soomaaliya, ayna amar ka sugayaan madaxda ciidamadooda.
Rebecca Kadaga oo u hadlay Guddiga Difaaaca amniga dalka Uganda ayaa sheegay inay isweydiinayaan caqabadaha hor istaagi kara in ciidamo Boliis oo qalabkooda u dhameystiran yahay loo diro Soomaaliya si ay kaga qeyb qaataan sugidda amniga Soomaaliya oo iminka dagaalo ay ka jiraan.
Jen. Kahiyura oo ah madaxa ciidamada Boliiska dalka Uganda ayaa isna sheegay in madaxda dalkiisu ay ka aamusan yihiin u daadgureynta Ciidamo Boliis ah oo loo dirayo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in la horgeyn doono arrintan Baarlamaanka si ay u ansixiyaan in ciidamo Boliis ee Uganda ka socda loo diro Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Boliiska Uganda ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday in qorshaha uu yahay in ciidamo Boolis ah oo gaaraya 140 askari loo diro Soomaaliya, balse wuxuu shardi kaga dhigay inay ogolaadaan Baarlamaanka dalkaasi oo qaraarkaasi la horgeyn doono.
Dhinaca kale Baarlamaanka Uganda ayaa dood ka keenay, kuna haysta dowladda dalkaasi ciidamadaasi Booliska ah ee la qorsheeyay in la geeyo Soomaaliya, sidoo kalena hadal ka keenay kuwo horey loo geeyay Soomaaliya
Sida uu dhigayo Dastuurka dalka Uganda, dowladdu waa inay ruqso ka heshaa Baarlamaanka kahor inta aysan ciidamo Boolis ah ama kuwa milatariga ah u dirin meel banaanka ka ah ciidda Uganda.
Mudanayaasha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa dowladda ku haysta inay ku tumatay sharciga iyo qawaaniinka dalka u yaala, markii ay ogolaansho la’aan ciidamo Boolis ah u direen Soomaaliya.
Arrinta ah in ciidamo Boolis ah la geeyay Soomaaliya, wuxuu Baarlamaanka Uganda ka war helay maalmo kahor markii ay soo baxday cabashooyin ka soo yeeraaya hogaamiyeyaasha cutubka Booliska Uganda ee Soomaaliya ku sugan, kuwaas oo ka cabanaya lacago laga jaray iyo mushaaraadka iyo gunooyinka oo kasoo daaha.

Ceelal Shidaal oo laga helay degaanno ka tirsan Somaliland

0
0

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Maamulka Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in Shirkadda baarta Shidaalka ee Genel Energy Plc (GENL) ee Xarunteeda tahay magaaladda London ay dhameystirtay howlo sahmin ah oo ay ku sameysay dhul cabirkiisu dhan yahay 4,000-km, oo ku yaala dhulka ay maamulaan Somaliland ee Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in Khariidada sahanka ay muujineyso in la arkay dhul baaxad leh oo laga qodi karo Shidaal, wuxuuna intaa ku daray inaysan Shirkadda hawsha wadda ee Genel Energy Plc (GENL) weli soo bandhigin xogta ay ka uruuriyeen sahminta Shidaalka ee Somaliland.
“Taasi micnaheeda ma aha inuu Shidaal halkaasi ceegaago. weli farri kama qodna oo hawlo badan ayaa dhiman, Sahminta qodista horumar badan ayaa ka muuqda, waxay u eg tahay in la ballanqaadi karo soo saarka Shidaalka” ayuu yiri Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Maamulka Somaliland oo intaa ku daray inaysan arrintaasi ahayn mala awaal oo ay xaqiiq tahay inuu Shidaal ku jiro Somaliland oo ku fiican Ganacsiga.
Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu carrabka ku dhuftay in Ceelka Shidaalka ugu horreeya la qodi doono bartamaha sannadka soo socda ee 2014, isagoo xusay inay Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo hoos tagata Shirkadda Genel Energy Plc (GENL) ka hawl gashay shan goobood oo laga baarayo Shidaalka Somaliland.
Afhayeenka Shirkadda Genel Energy Plc (GENL), Patrick D’Ancona oo ka hadlay magaalada London ayaa ka gaabsaday inuu wax war ah ka bixiyo arrinta la xiriirta Shidaalka Somaliland.
Maamulka Somaliland oo aan weli aqoonsi caalami u helin Gooni-isku-taagooda ayaa waxa ay wadaxaajood kula jirtaa shirkaddo shidaal oo caalami ah inkastoo aan magacyada Shirkadahaasi aan la shaacinin.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Xukuumaddii KMG oo isagoo Kasoo Kabsaday Dhawaac uu qabay Ku soo Laabtay Muqdisho

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Ra’isal Wasaare Ku Xigeenkii ahaana Wasiirkii Warfaafinta Xukuumaddii KMG Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo dhaawac kasoo gaaray Weerar lagula qaaday Dhuusamareeb kula Xanuunsanayay dalka Mareekanka ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoo bad qaba
Ra’isal Wasaare Ku xigeen ahaana Wasiirkii Warfaafinta Xukuumaddii Nuur Cadde Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo  Lahadlay Warfidiyeenada ayaa shaaca ka qaaday  in Muddo sanad ah uu ku Maqnaa dalka Mareekanka daryeel Caafimaad dartiis isagoo tibaaxay in uu aad usoo dhaweynayo ku soo noqoshadiisa dalka .
Mudane Axmed Cabdi Salaan Xaajan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho Masuuliyiin kala duwan  oo ay Kamid ahaayeen Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlusunna Waljamaaca Cabdi Cali Fiidow,Madaxweynaha Jubba Land Max’ud Cali Shire ,Max’ud Cabdullahi Wehliye ( Waqaa) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Hore ee KMG , Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Fuuruuq Cismaan ayaa waxa ay kahadleen Dareenkooda Ku aadan soo Laabashada Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumaddii KMG ee Soomaaliya.
Soo Laabashada Wasiirkii Warfaafinta Axmed Cabdi Salaan ayaa Waxa ay ku soo beegmeysaa Xilli uu ka soo Kabsaday Dhaawac Ka soo Gaaray Qarax Lagula eegtay Masuuliyiin uu isagu Ka mid ahaa Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud

Gabar Maseyr dartiisa arrin laga naxo kula kacday aabaheed

0
0

Gabar Soomaaliyeed ayaa magaalada Hargeysa sun ku cabsiisay aabaheed kadibna wuxuu aabihii u geeriyooday suntiila siiyay
Gabadhan ayaa waxaa la sheegey in ay si daran uga maseyrtay ninkeeda oo ay ku tuhuntay in uu Naag kale la qabo kadib markii uu ninkeeda oo ahaa Nin safar badan oo ka maqnaado in badan, hinaase ayayna meel ay isla geyso weysay.
Buuq iyo jahwareer ku dhashay gabadhii kadib ayaa waxa ay go’aansatay in ay ninkeedda siiso Sunta wax disha, si ay uga baxdo jahawareerka uu baday Maseyrka, laakiin waxaa la sheegay  in inta uusan imaanin ninkeeda uu u soo galay aabaheed kadibna iyadoo hilmaantay Garaafo ay ku diyaarisay cabitaan Sumeysan oo ay ninkeeda ugu talo gashay  ayay u keentay  aabaheed, waxayna uga shubtay hal Koob, Odayguna  wuu daalanaaye  koobkii ayuu ka laacay.
Kadib Odaygii waxaa daqiiqado kadib isagoo u sheekeynaya gabadhiisa ku soo booday xanuun markaas ayay ogaatay gabadhii in ay aabaheed siisay biyo sumeysan, isla markiiba way qeylo dhaamisay,waxaana isu soo baxay dadkii deriska ahaa muddo daqiiqado ah kadibna odaygii wuu geeriyooday.
Gabadha ayaa waxay qiratay in ay iyada gacanteeda ku dishay aabaheed, arrintaasoo ka  yaabisay dadka reer Hargeysa gaar ahaan inta maqashay.
Arrimaha noocaan oo kale oo ah kuwo ku cusub dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa haddana waxay noqdeen kuwo waayadii ugu dambeeyay ku soo badanaayay dalka Soomaaliyeed iyadoona ay waqtiyadii ugu dambeeyeyna ay aad iyo aad u bateen.

Madaxweyne Faroole Oo Guddi Umagacaabay Dhaqaalaha Iyo Isbedelka Sarifka Lacagta

0
0


Madaxweynaha  Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Faroole ayaa digrooto ka soo
baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay guddi daraasayn iyo talo bixin ka
samaysa arrimaha dhaqaalaha guud ahaan iyo saamaynta uu ku yeeshay qiima kororka
Shilinka oo muddo socday.
Guddiga daraasaynta iyo talo bixinta
dhaqaalaha,isbedelka qiimaha lacagaha iyo maciishada ee madaxweynuhu magacaabay
ayaa iskugu jira haya’daha dawladda Puntland & qaybaha bulshada
.
Xubnahan oo ka kooban Sagaal xubnood ayaa waxaa gudoomiye u noqon doona
wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame waxayna
ka yihiin.
Mr,Cabdi Ibraahim Warsame wasirku xigeenka Maaliyadda
Gudoomiye
Xildhabaan Maxamed Cali Guuleed xildhibaan
Xubin
MR,Xirsi Maxamuud Cadaysay gudoomiyaha Bangiga Xubin
Prof,
Maxamed Siciid Samatar Jaamacadda PSU Xubin
Prof,Cabdulaahi Faarax Axmed
Jaamacadda EAU Xubin
Mr,Siciid Xuseen Ciid Rugta Ganacsiga
Xubin
Mr,Liibaan Maxamed Yuusuf Rugta Ganacsiga Xubin
Shiikh
CabdulQani Maxamed Qorane Xubin
Nimco Axmed Maxamed Bulshda Rayid ka ah
Xubin
Magacaabista guddigan uu magacaabay madaxweynaha Puntland ayaa ku
soo aadaysa xilli toddobaadkan uu hoos dhac ku yimid sarifka Lacagta
doollarka,wallow dib sarifka doollarku uu halkiisii ugu noqday.

Wasiirka Maaliyadda oo Ka Hadlay Sicir Bararka

0
0

Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka ayaa ka hadlay sababta keentay Sicir barar saameeyay nolosha dadweynaha

Siilaanyo: Kama Qayb galayno Shirka London

0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in Somaliland aanay ka qayb gali doonin Shirka London.


Faaqidaadda iyo Maamul u Samaynta Jubbooyinka

0
0

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa uu ku saabsanyahay muranka la xiriira maamul u samaynta Jubbooyinka.

Khudbada Jimcah Sh. Umal 15 3 2013

Dad Rayid Ah Oo Ku Dhintay Shalambood Kadib Qarax Kadhacay Suuqa Degmadaasi

0
0


Labo qof ayaa ku dhimatay saddex kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii bam-gacmeed lagu tuuray suuqa deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellaha hoose.
Dadka dhintay ayaa la sheegay in uu ku jiro askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ku sugnaa suuqa.
Saddexda qof ee ku dhaawacmay bam-gacmeedka ayaa loo qaaday magaalada Marka si loogu soo daweeyo.
Ma jiro hadal ka soo baxay maamulka dowladda Soomaaliya ee deegaanka Shalaanbood, laakiin dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in bam-gacmeedka lagu tuuray ciidamada dowladda oo marayay suuqa Shalaanbood

Weftigii Uu Hogaaminayey Madaxweyna Axmed Siilaanyo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana War Bixiyey Waxyaabihii Uga Soo Qabsoomay Turkiga (sawirro)

0
0

Sawirro
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maalmihii u dambeeyay isaga wefti uu hogaaminayaa marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen dawladda Turkiga ugu maqnaa ayaa dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha Somaliland oo ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ayaa waxa ku soo dhoweeyey Madax uu hor kacayey Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/rmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Xubno ka mid ah Golaha Wasiirda, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Qaranka qaarkood, Xildhibaanno, Salaadiin iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan,
Weftigan Madaxweynaha ayaa waxa ku wehelinayey Xubno ay ka kid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Marwada Madaxweynaha Aamina Xaaji Maxmuud Jirde.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo, ayaa markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa waxa uu saxaafadda kula hadlay Qolka Nasashada ee Madaarka Hargeysa, waxaanuu tafaasiil ka bixiyey  ujeedadii safarka ay ku tageen Turkiga iyo masuuliyiinta ay la kulmeen isaga iyo weftigiisu, waxaanuu yidhi “Waan ku farax inaan  aniga iyo weftigii aan hogaaminayey aanu dalka ku soo laabanno anaga oo nanad qabna, waxaanu safar ugu amba baxnay shan cisho  qaatay Dalka Turkiga,  kaas oo ahaa mid  tariikhi ah oo waxay ahayd markii ugu horraysay ee uu Madaxweyne Somaliland ahi socdaal ku tago dalka Turkiga, Madaxda Dalkaas intooda Badan waanu aragnay, kuwaas  oo ay ka mid ahaayeen Raysal Wasaare xigeenka Dalka Turkiga, Wasiirka Macdanta  iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalkaas”

Bayaan Kasoo Baxay Culima’Udiinka Ahlusuna Waljamaaca Ee Galmudug

0
0


Bayaan Kasoo Baxay Culima’udiinka Galmudug                           Date:15/03/20133
Anagoo ah Culima’udiinka Galmudug waxaan bayaan uga hadleynaa laba qodob oo kala ah dhibaatooyinka kajira Gobalka Mudug iyo aragtidii Raysul wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanayd Galmudug.
Qodobka 1aad:Markii aan aragnay dhibaatooyinka badan ee kajira Gobalka Mudug oo ay kamdi yihiin Dilalka Xaqdarada ah ee lagula kaco Dadka aan waxba Galabsan,Afduubka baahsan ee kajira Gobalka Mudug iyo Dhac Dadka Musaafirka ah,
Dhibaatooyinkaas oo dhamaantood kasoo horjeeda Diinta Islaamka.Bini’aadanimada.Darisnimada wanaagsan iyo xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya dadka muslimiinta ah gaar ahaan dadka kunoo Gobalka Mudug.sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa qodobadaan soo socda.
1:In lajoojiyo falaakaas kasoo horjeeda wada daganaanshaha dadka walaalaha ah.
2:In xoriyadooda lasiiyo dhamaan Dadka afduubka xaqdarada ah loogu haysto lagana shaqeeyo si aysan mardambe u dhicin.
3:Maamulada Deegaanadaas waxaa ugu baaqaynaa in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isku soo dhawaanshaha dadka walaalaha ah kana fogaadaan waxakasta oo wax udhibi kara nabadda iyo wadanoolaanshaha.
4:Bulshada Galmudug waa in ay ka shaqeeyaan nabadda deegaanadooda taasna waxaay ku imaankartaa in ay la shaqeeyaan Dowlad Gobaleedka Galmudug.
Qodobka 2aad:Culimada Ahlusuna waxay u’arkaan aragtidii Raysulwasaaraha Soomaaliya ee ku aadan Galmudug in aysan ahayn mid ku haboon bulshada Galmudug Cadaalad usmaynta deegaanada ay ku kala noolyihiin ummadda Soomaaliyeed iyo midnimada Soomaaliya oo dhan.
Ayada oo la ogyahay in Galmuudg ay kamidtahay saxiixayaashii dhisay wax kadhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna bulshada Caalamku aqoonsanayd Dowlad Gobaleedka Galmudug intii aan ladhisin Dowladda Federaalka.
Sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo Dowladda Soomaaliya in ay ka gaaraan arimahaas heshiis wax ku oll ahuna cuntama bulshada Galmudug ayada oo la’ilaalinaayo cadaaladda iyo sinaanta bulshada soomaaliyeed lagana fogaado aragti keeni karta eex iyo caddaalad darro
Bayaankaan Waxaa Soosaaray Culimada Hoos Ku Xusan
 
1:Sheq Axmed Sheq Yuusuf Ilkadahab
2:Sheq C/laahi Maxamed Kulmiye
3:Sheq Xuseen Sheq Axmed Ow Cali
4:Macalin Dheere Xasan Jimcaale
5:Sheq Cumar Xasan Wadaad
6:Sheq Muxudiin Yuusuf Barre
7:Sheq Claahi Aadan Dulyar
8 :Sheq C/manaan Sheq Maxamed Cusumaan
9:Sheq Cali Xuseen Guure
Wabilaahi Towfiiq
 
 

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Tabashada Beesha Ciise, Eedo Loo Jeediyey Qaar Ka Mid Ah Xukuumaddiisa Iyo Shirka Ingiriisku Qabanayo

0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ka hadlay Arrinta deegaanada Saylac iyo Lughaya ee ay beesha Ciise Xildhibaanadii uga soo baxay Deegaanadaasi iskaga casileen, taas oo uu sheegay inay tahay mid ay xukuumaddu ogtahay.
Madaxweynaha Somaliland oo maanta ka hadlayey Madaarka Hargeysa markii uu ka soo laabtay Safarkii uu ku tegay dalka Turkiga, ayaa waxa kale oo uu sheegay inaanay Somaliland haba yaraatee ka qayb geli doonin shirka ay Dawladda Ingiriisku u qabanayso Somalida bisha May.
Axmed Siillaanyo oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Ayaan darro Raysal Wasaarihii wakhtigii ugu dambeeyey ee aanu kulmi lahayn ayuu xanuun ku soo booday oo xaalad deg deg ah ayaa dhacday, markaa maanaan kulmin, laakiin waxaanu la kulannay madaxdii kale oo dhan oo  xataa waxaanu aragnay weftiyo kale oo aan kulannay, kuwaas oo aanu kala hadalnay xaaladda dalka iyo waxyaabaha ay Somaliland ku sugan tahay, Xidhiidhka inaga dhexeeya iyo waxyaaba ay inala qaban karaan,  waxaana jiray wefti wasiiro ahaa oo nooga sii horeeyey, waxayaabaha aanu kala hadalnay Dawladda Turkiga waxaa ka mid ahaa oo ugu muhiimsanaa, dhinacyada  biyaha, Waxbarashad iyo baahiyaha aasaasiga ah,  waxaananu rajaynaynaa inay si dhakhso ah  wax inooga iman doonaan oo ay ina soo caawin doonaan, waxaanu ka wada hadalnay sidii aynu u xoojin lahayn xidhiidhka labada dal iyo inaynu halkaa ka furan karno safaarad iyo  cid inoo ilaalisa daneheena iyo maslaxadda labada dal, waxaanu rajaynaynaa inuu safarkaasi noqon doono mid midho dhala oo wax badan oo faa’iido ah dalkeena iyo dadkeena u soo hooya”
Madaxweynaha Somaliland  oo ka jawaabayey Su’aal ahayd  xidhiidh la sheegay inay xukuumadiisu la leedahay Argasgixisada, waxa uu ku jawaabay “Wax aan waxba ka jirin weeyaan oo madaxda dalka Turkigu ma qabaan inaanu Al-shabaab leenahay xidhiidh, nalamanay soo qaadin inaanu Al-shabaab waxidh ah leenahay, wax xidhiidh ah oo ay Somaliland xidhiidh leeyihiinna ma jirto, Somaliland iyada ayaa u dagaalanta Madax banaanideeda, iyada ayaa la dagaalanta Budhcad badeedda iyo Argagixisadaba iyada ayey qaar badan u xidhan yihiin, wax ay Wargeysayada Turkigu qoreenna maanaan arag”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayey Shirka Ingiriisku u qabanayo somalida waxa uu yidhi “Wax alaale wax naga soo gaadhay Qadar ma jiraan oo ay Somaliland kala soo xidhiidhay,  wada hadallada Somaliland iyo Somalia waxay ahaayeen qaar muddo socday oo meelo badan ayaa laga soo hadal qaadaa,  laakiin wakhtigan xaadirka ah wax wada  hadal ah oo noo socdaa ma jiro, Kaas ingiriiska ayaa ugu dhowaa oo waxaanu nidhi mid Somalia loo qabanayo ayuu ahaa oo danta Somalia ah oo Marti qaad iyaga loo sameeyey ayuu ahaa, markaa Somaliland kama qayb gelayso  oo shaqo kuma lihin, haddii ay wax yiomaadaanna markeeda ayaa laga wada tashan doonaa”
Madaxweyne Axmed Maxzamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la waydiiyey waxa uu kala socdo arinta Saylac waxa uu yidhi “Arimaha Galbeed anigu dalka waan ka maqnaa oo waxa sii joogay Madaxweyne Xigeenka, Dawladduna way ka war haysaa  inay halkaas dhibaatooyin ka taagnaayeen, waxaana la isku dayayaa in sida ugu dhow ee nabad gelyo lagu helayo ay isku af gartaan dawladda iyo shacabkuba, iyada oo aan sharcigii iyo natiijadii ka soo baxday Doorashada daawaynteeda mooyaane aanay jirin doorasho lagu noqonayaa, sida ay dimuqraadiyaddu ina fartayna  cidii doorasho ku heshay ayuunbaa sharci ah mar walba”
 

Halkan ka dhegayso Codka Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya socdaalkiisii iyo shirka Ingiriiska


Wasiiru Dowlaha Qorshaynta Puntland Oo Saxaafadda Kula Hadlay Galkacyo

0
0


Wasiiru dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamigaa ee Puntland mudane Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa Maanta Shir Jaraa’id uu kuqabtay gudaha Magaalada Gaalkacyo waxa uu kawarbixiyay Socdaal shaqo oo uu ku tagay Dalka Suudaan halkaas oo uu kaga qayb galay Shir Caalami ah.
Wasiirudawlaha Wasaarada qorshaynta iyo Iskaashiga Xiriirka Caalamiga ayaa sheegay in socdaalkii ay suudaanku tageen uu ahaa ka qaybgalka shir caali ah oo ka dhacay Suudaan kaas oo looga hadalayay ladagaalanka Saboonimada iyadoona uu sheegay in ay Safarkiisa kuweheliyeen Masuuliyiin ka socotay dhanka Ganacsatada Puntland.
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sheegay in Shirkaas ay ka qaybgaleen Madax ka kala socotay Dawlada Federaalka Soomaaliya Puntland iyo Soomaaliland iyadoona shirku soconayay sadex Casho kaas oo ay bixinayeen khobaro dhanka dhaqalahaa.

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in dhawaan lacago Cusub ay Keeneyso dalka

0
0

Johannesburg  (Sh.M.Network) Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda FS Mahdi Maxamuud Cali ayaa caawa ku booqday 21 diblomaasi oo Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ka tirsan hotel-ka Protea Hatfield ee caasimadda South Africa ee Pretoria, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Madaxa kooxda diblomaasiyiinta Cawaale Calli Kullane iyo kuxigeenkiisa Cabduqaadir Suufi Maxamed (Muriidi Golf) waxaana uu wasiirku ku booriyay inay ka faa’ideystaan tababarka diblomaasiyadeed ee uga soconaya dugsia caalamiga ee Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee dowladda South Africa.
Wasiiru dowlaha oo booqashadiisa diblomaasiyiinta Soomaalida uu ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee wadanka South Africa Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi ayaa waxa uu bogaadiyay howlaha kala duwan ee Safaaradda ay u qabato bulshada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka South Africa iyo dadaalada wax ku oolka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay ku dooneyso tayeynta diblomaasiyiinta iyo dardar gelinta xiriirka dibadda.
Mar uu wasiiru dowlaha ka hadlayay arrimaha amniga iyo sarifka lacagaha qalaad , ayaa waxa uu yiri “ dowladdu waxa ay heysaa xogta dhabta ah ee dadka ku lugta leh inay ku cayaaraan sarifka suuqa iyo sicirka badeecadaha kala duwan , waxaa naga go’aan ah inaan dhowaan ku faafino wadanka lacago cusub oo shilin Soomaali ,iyadoo la horumarinayo shaqada bankiga dhexe ee la socodka isbadalada suuqa , waxaana taa barbar socon doona ciidamo cusub oo guur guura oo heegan ah oo ka wada howlgali doona xaafadaha kala duwan ee caasimadda Muqdisho, si ay u xakameeyaan  hubka sharci darada ah iyo weerarada cabsi gelinta ah”.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda FS Mahdi Maxamuud Cali oo South Africa uga qeybgalay kulan ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah wadamada Africa ee u gudbaya hanaanka dimoqraadiyadda iyo doorashada xorta ah ayaa waxa uu amaanay Saraakiisha Taliska Xoogga dalka Soomaaliya ee uu saameeyay go’aanka xil ka qaasita , isagoo cadeeyay in dowladdu ay ilaalin doonto , ayna daryeeli doonto saraakiishaasi iyo kuwa kale ee u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
 

Hub Laga Xaday Bakhaarro Kuyaallo Madaxtooyada Soomaaliya

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Warar ay Heshay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Xaqiijinayaan in Hub Lagala Baxay Bakhaaro Kuyaalla Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu degenyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud.
Dhinacyo Kala duwan oo aan La xiriirnay ayaa waxa ay Xaqiijinayaan in Xalay laqabtay illaa 11 Rasaasta Hoobiyaasha ah oo lagala baxayay Bakhaar  ku yaalla Madaxtooyada hase yeeshee intaasi Markii ay Xalay dhacday kadib Baaritaanno lasameeyay waxa lagu ogaaday in hub fara badan uu ka maqanyahay Bakhaarada Madaxtooyada oo Muddo aan La’ogeyn halkaasi  laga qaadan Jiray Hubkaasi.
Wararku ayaa waxa ay sheegayaan in arrintaasi iminka uu u Xiranyahay Nin Kabtan ah oo Magaciisa Lagu soo koobay Cabdi Fitaax.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Max’ud ayaa lasheegay in Maanta uu Kormeeray Bakhaaradaasi Hubka uu Yaallo ee Madaxtooyada dhexdeeda ah islamarkaana uu soo Xaqiijiyay in hub Fara badan uu halkaasi Ka maqanyahay.
Isku day Xiriir aan Lasameynay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdi qaadir  ayeysan noo suura Gelin in aan qadka ku haleelno si aan wax uga weydiinno hubkaasi la sheegay in lagala baxay Bahkaarka ku yaalla Madaxtooyada  balse haddii arrintaan ay dhabowdo ee ku aadan in hub lagala baxay Madaxtooyada ayaa waxaa Xusid Mudan in aaney jirin Ciid hub iibsata oo aan ahayn Ururka Al Shabaab oo dowladda Dagaalka kula Jira.
Arrintaan ayaa keeni karta Saameyn Xoogan Maadaama Soomaaliya dhawaan Loo Fasaxay in Laga qaado Xayiraadda Hubka ee saareed iyadoo dhinaca kalana ay adkaan doonto  Ciddii Masuul ka noqon lahayd haddii hub ay Soomaaliya hesho Maadaama  Madaxtooyadii dalka hub Laga Xadayo.

Sawirro: Soomaalida ku ganacsatada jidadka Cape Town

0
0

Sawirro: Soomaalida ku ganacsata waddooyinka Cape Town.

Natiijooyinka horyaalka Ingriiska

0
0

Waxaa meel xiisa badan maraya tartanka horyaalka kubbadda cagta ee dalka Ingiriiska iyadoo Manchester United u muuqata inay sanadkan goor hore ku guulaysan doonto koobka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live