Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Waraysi: Ganacsatada Koonfur Afrika

$
0
0

Soomaalidu inta badan waxay ku howlan yihiin ganacsiyo kala duwan.


Cache of weapons stolen from Somali presidential palace

$
0
0

Mogadishu (Sh.M.Network) Shabelle Media Network has learnt from credible sources that cache of weapons were systematically being stolen from army stores inside Villa Somalia, which also houses the residence of the Somali president Hassan Shiekh Mohamud, before it was discovered last night.
Different but reliable sources, who spoke to Shabelle, say that security guards at the place seized at least 11 mortar rounds which, unnamed people were trying to smuggle out of the palace and after a quick internal investigation, it was discovered that a large of weapons were also missing from the storages of the palace and it is now believed that this kind of smuggling had been going on before it was only discovered last night.
It is now confirmed to Shabelle that a captain is now detained for the stolen weapons. Shabelle tried to contact top government officials to find more details and a top defence official told Shabelle that he could not say other than that an investigation was underway and that they are waiting the ongoing investigation before they can speak to the media.
President Hassan Shiekh Mohamud is reported to have visited the stores where the weapons were stolen and he learnt that large number of weapons was missing.
If this is confirmed officially, it will surely be both embarrassment and anxiety to the government because the only group that wants to buy weapons is the same enemy that the government is fighting and it is Al shabab.
Meanwhile it will also come up with bad implications over the recent step which the UN security has suspended the arms embargo on Somalia after the Somali government asked that so it could equip its national army.
Shabelle news desk

Galmudug Hadalkii Raysul Wasaare Saacid Waxaan Uqaadan Karnaa Mid Ay Ujeedo Siyaasadeed Laga Leeyahay

Xoola Dhaqato Caawa Lagu Dilay Deegaanka Qaydareey Ee Gobalka Mudug

$
0
0


Inta La Xaqiijiyay Hal Ruux Ayaa Geeriyooday 2kalena Way Dhaawacmeen Kadib Markii Koox Dabley ah ay weerar Ku Qaadeen Qoys reer Miyi ah oo sida lasheegay daganaa deegaanka qaydareey oo galkacyo ujirta 90KM
 
Wararka Laga Helayo Deegaanka uu Falku Ka Dhacay ayaa Sheegaya In Weerarka Ay Gaysteen Maleeshiyaad hubaysan oo xoola dhaqato ah kuwaasi oo la xaqiijiyay in ay kasoo jeedaan Deegaanka Bali bulse ee Gobalka Mudug
 
Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Isbitaalka Konfurta Galkacyo halkaasoo lagu dabiibayo xaaladooda waxaana dhaqaatiirta ay sheegeen in rasaastu ay meelo halis ah ka haleeshay dhaawacyaduna ay aad uliitaan
 
eGudoomiye kuxigeenka Gobalka mudug Ee Galmudug Axmed maxamed Cumar ayaa warbaahinta Galkacyo uxaqiijiyey in dhimashadaasi iyo dhaawaca ay jiraan isla markaana ay ka dhasheen weerar lagu soo qaaday Xoola dhaqato kunool miyiga Gobalka Mudug wuxuu kaloo sheegay in Tira Xoola ah ay malayshiyaadkii weerarka soo qaaday ay halkaasi ka dhaceen
Weerarada Dadka reer Miyiga loogu gaysanayo Deegaanadaas Ayaa soo laa laabtay mana jirto Maamulada kajira Muudg talaabo ay wax kaga qabteen arimahaas udhaxeeya Xoola dhaqatada kasoo kala jeeda hasa ahaatee waxaa jira Hadalo ay masuuliyiinta warbaahinta ka jeedinayaan oo ku aadan joojinta colaada miyiga mudug
 

Birul Waalideeyn - Sh. Bashiir Maxamed

Maxkamadda sare oo xukun burisay

$
0
0

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa jebisay xukun hore loogu riday weriye inuu waraystay haweeney sheegtay in la kufsaday.

Djibouti: Daahir A. Faarax oo la Xukumay

$
0
0

Daahir Axmed Faarax oo ahaa Afhayeenkii xisbiga mucaaradka ee ka qeyb galey doorashadii baarlamaanka ee Djibouti ayaa labo bilood oo xariga lagu xukumay

Muqdisho: Wariye Cabdicasiis Koronto oo la sii Daayey

$
0
0

Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim oo horay maxkamadi u xukuntay ayaa Maxkamadda Sare ee Somalia ay ku sii deysay racfaan ukunka lagu riday uu ka qaatay.


Madaxweynaha Killika Shanaad Oo Reer Xarshin U Soo Jeediyey Inay Dawladiisa Ixtiraamaan Si Ay Isku Fahmaan.

$
0
0

Madaxwaynaha Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa u soo jeediyey Odayaasha Iyo Madaxdhaqameedka ka soo jeeda deegaanka Xarshin inay ixtiraamaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda, taas oo uu sheegay inay horsed u noqon karto inay Dawladdiisa iyo dadka deegaankaasi is fahmaan oo ay wada shaqeeyaan, isla markaana ay soo afjarmaan shaqaaqooyinka deegaanadaasi ka dhaca ee soo noqnoqday.
Madaxweynaha Cabdi Maxamuud Cumar oo socdaal  uu maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku marayey deegaanada dhinaca xadka Somaliland soo xega oo uu ugu magic daray Socdaalka SAMA-WADE, kaas oo uu ugu talo galay inuu ugu kuur galo xaaladdaha kala duwan ee ka jhira deegaanada uu marayo, ayaa la sheegay inuu gaadhay degmada Xarshin ee Kililka shanaad  ee Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay  ay shaqaaqooyin ka dheceen.
Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta joogo Magaalada Xarshin, waxaan idiinka Mahad-celinayaa sida aad noo soo dhawayseen, anagu waxaanu u nimid Xarshin inaynu ka wada tashanno horumarka, nabad gelyada iyo maamulka Suuban”
Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, waxa uu reer Xarshimeed uga mahad-celiyay sida ay u soo dhaweeyeen “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta joogo Magaalada Xarshin, waxaan idiinka Mahad-celinayaa sida aad noo soo dhawayseen, Anagu waxaanu u nimid Xarshin inaynu ka wada tashano horumarka, nabad gelyada iyo maamulka Suuban, waxa wax la sixi karaa marka la wada hadlo ee idinkuna aad qaadataan (Gartiina) anaguna qaadano, idinkuna waa inaad dawladda ixtiraamtaan”
Weftigan Madaxweynaha Killilka shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shalay qado sharaf loogu sameeyey Magaalada Darood, halkaas oo uu uga sii gudbay Magaalada Gaashaamo oo uu socdaalkiisu ka soo laaban doono.
 
 

Xisbiga Kulmiye oo wakhti dheer dib u dhigay shirweynihii Xisbiga ee uu madaxweynuhu codsaday in dib loo dhigo

$
0
0

Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha xisbiga.
Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-
Ø Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.
Ø Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
Ø Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.
Ø Markii uu arkay go’aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, go’aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).
Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu.
 
Allaa Mahad leh
 
Xasan Siciid Yuusuf
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE

Madaxda Dawlada Suuriya Iyo Hogaamiyeyaasha Mucaaridk Ah Oo Lagu Soo Oogi Doono Damiya Dagaal.

$
0
0

Madaxda dawladda Waddanka ay dagaalada ka dhashay kacdoonka siyaasadeed hadheeyeen ee Suuriya ayaa la sheegay in lgu soo oogi doono dambiyo dagaal, isda lagu sheegay  war qoraala ah oo ka soo baxay koox ka tiran Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Ciidamada daacadda  ah Taliska dimishiq ee Bahssr Al Asad ay galeen dambiyo dagaal, iyaga oo jidh dil iyo xasuuq baahsan ka gaystay dhulka ay ku hirdamayaan kooxaha mucaaradka ah ee Waddanka Suuriya qoraalka baadhayaasha Qaramada midoobay ayaa loogu baaqay midawga yurub inay cuna qabatayn ku soo rogaan dawladda Suuriya iyo kooxaha mucaadka ah oo la sheegay in labaduba galeen danbiya dagaal,
Madaxa Maxkamadda dambiyada dagaalka ee dalka Suuriya Carla Del Ponte, ayaa sheegay in Maxkamaddu mar hore qorshaysay in cadaaladda lahor keeno shaqsiyaadka lagu tuhmayo lagu xidhiidhinayo danbiyada dagaal ee suuyira,  waxaanuu intaas ku daray in lahayo cadaymo dad shacaba oo si naxariis la’aana ah loo xasuuqay.
Dadaka ku dhintay dagaalada ka socda dalka Suuriya ayaa mudaddii 2-da sanno ahayd ee uu socday  ayaa lagu qiyaasay inay ku dhinteen ilaa 700,000 kun oo ruux iyada oo welina ay siisocdaan dagaalada udhaxeeya kooxahani iyo dawlada suuriya dhimashaduna intaas kasii badan karto.

 Hargeysa Somaliland 

Tacsi Tiiraanyo Leh Eheladdii Marxuum Maxamed Xuseen Maxamed( Sagsaag)

$
0
0

Geeriyeey gableeyaay
Gudcur iyo habaareey
Iyadoon laguu gogol
Oon gu’ba laguu tirin
Waxad soo guclaysood
Kolba guri mug weynaa
Goloftood ku heestaba
Miyaad goor xun socodeey
Maantana gab soo tidhi( Bashir Goth)
 
Dhamaan dhalinyarada magacyadoodu hoos ku xusanyihiin oo degan magaalada Jijiga  iyga oo aad uga tiiraanyeysan waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxaya ALLAH ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xuseen Maxamed( Sagsaag) oo maanta ku geeriyooday magaalada Harar.
 
1.Xuseen sh. Maxamed Yuusuf
2.  Abdiaziz  Ali Hussien
3. Abdi yahye aw Muumin
4. Abdikadir Sh. Maxamuud Colhaye
5. Ahmednuur Maxamed aw xasan Wacays
6. Maxamed Muuse Saleebaan
7. Maxamed cabdi muxumed
8. Abdirasaaq Muuse Ahmed
9. Yuusuf Ibrahim Muxumed(Balanbaad)
10. Abdirasaaq Aw Maxamuud xasan
11. Abdisalaan Daahir Xasan
12. Abdikadir Daa’uud Xuseen
13. Mukhtaar Xasan Cali(Galool)
14. Abdixaafid Cali Muxumed
15. Xasan Maxamed aw xasan wacays
16. Abshir Sh. Maxamed Yuusuf
17. Sahra Aden Osman
18. Mawliid Maxamed Muumin Kaahiye
19. Maxamed Faarax Cabdilaahi(Wajeer)
20. Cabdsialaan aw aden Asker
21. Maxamed Cumar Barkhad
22. Maxamed Saleeban Yuusuf
23. Abdishakur Sh. Cumar Sh. Muse
24. Yuusuf aw Muuse fanax
Iyo dhamaan dhalinyar badan oo aanaan magacaantooda halkan ku soo koobi Karin oo ay saxaab ahaayeen Marxuumka.
 
Xuseen Sh. Maxamed Yusuf
Jijiga, Ethiopia
 

Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Ra’iisul waasaraha cusub ee loo magacaabay Waddanka Shiinaha

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay maanta oo Axad ah magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Shiinaha, Li Keqiang isagoo u rajeeyay in si sharciga dalkaas waafaqsan uu u guto xilkiisa.

 
Xasan Sheekh  ka hadlayay Muqdisho ayaa yiri: “Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliya waxay hambalyo ku aaddan magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub u dirayaan shacabka dalka Shiinaha.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha ay yihiin laba dal oo saaxiibbo ah waxaana rajeynaynaa in xiriirkeennii soo jireenka ahaa uu dib u soo laabto sannado badan kaddib.
“Waxaanu fiirinaynaa sida ay madaxda cusub ee Shiinuhu u shaqeeyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo u rajeeyay madaxda cusub ee Shiinaha iyo shacabkooda guul iyo horumar.
Dalka Shiinaha ayaa waxaa dhawaan loo doortay madaxweyne cusub oo lagu magacaabo, Xi Jinping kaasoo soo magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub, waxayna labadoodu ballanqadeen inay isbedel ku sameyn doonaan xiriirka Shiinaha kala dhexeeya calaamka intiisa kale.
Shiinaha ayaa waxay xiriir wanaagsan la lahaayeen Soomaaliya intii aysan dhicin dowladdii milateriga ahayd, iyagoo lagu xusuusto inay dhiseen qaar ka mid ah waddooyinka Soomaaliya, garoonka kubadda cagta, Isbitaallo iyo golaha murtida iyo madadaalada Muqdisho.
Madaxweynah dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in lixda tiir ee ay dowladdu ku shaqeynayso uu ka mid yahay in lasoo celiyo xiriirkii ay Soomaaliya kala dhexeeyya dhammaan dalalka caalamka.
Source0Hol

Xisbiyada iyo Dadweynaha oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay go’aankii uu ku qaadacay Siilaanyo ka qaybgalka Shirka London

$
0
0

Xisbiyadda mucaaradka iyo dadweynaha ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey qaadacadii uu madaxweynaha Somaliland qaadacay shirka Bisha may ka dhici doona magaaladda London oo uu sheegay inay tahay shir loo qabanayo Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa madaxweynaha ku hambalyeeyey go’aannka uu ka qaatay shirkaasi London loogu qabanayo soomaaliya ee ay gadhwadeenka ka noqon doonaan Ra’isal wasaaraha Ingiriiska iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa isaguna ku tilmaamay diidmadaasi mid aan dublamaasiyadda caalamka ku habooneyn,isla markaana soo jeediyey inuu madaxweynuhu ku daayo taladii qaran ee uu hore usoo jeediyey in laga yeesho shirkaaasi.
“ Shirkii hore ee London kulankii ugu horeeyey ee aynu ka qaybgalnay waxa lagu heshiiyey 8 qodob oo 7 ka mid ahi ay ahaayeen arimo inoo dhexeeya oo aynu wada leenahay”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Cali Guray oo ka hadlayey ka qaybgalka shirkaasi, waxaanu intaas ku daray  “Ingiriiska oo khabiir ku ah arimaha Soomaalida ayey reer galbeedkii u daba-fadhiisteen arimaha Somalia, kaas oo isaguna dhabarka ka sii taabtay dalka Qadar oo uu u igmaday inuu gadh-wadeen ka noqoto shirka London, markaa wada-hadaladii aynu la yeelanaynay Somalia waxay cagta inoo saareen waddo inagu ridaysa Nidaamka Federaalka”.
“madaxwaynuhu talaabada uu qaaday waa mid maskax ah oo wanaagsan waxaanu mutaystay inaanu ku taageerno, Waxaanu leenahay halkaa ugula sii dhawoow madaxweyne oo macnaheedu yahay in gabi ahaanba wada hadaladii aynu kula jirnay Soomaaliya dib uga noqono”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cali Gurey.
“Madaxwaynuhu waxa uu hore u sheegay in shirka London tallo qaran laga yeelanayo, may dhicin talladii qaran, waxaanu leenahay xukuumadda waxa u wanaagsan inay isku duba ridato wararka ay bulshada u sheegayso, itijaah siyaasadeed oo cadna ay u jeexdo, maaha inay marna tidhaahdo shirka waa lanagu casuumay oo waanu ka qayb-galaynaa, marna ay tidhaahdo waanu qaadacnay”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Ibraahim Buubaa oo ka hadlayay hadalkii madaxweynaha ka soo yeedhay ,waxaanu intaas ku daray “xagga diblumaasiyada markaanu eegno waxaanu qabnaa qaadacaada shirkaasi ee Madaxwaynuhu ku dhawaaqay inay Somaliland dhaawacayso, Madaxwaynaha waxa looga fadhiyey hadal u dhaxeeya waanu ka qayb-galaynaa iyo kama qayb-galayno”.
Sidoo kale, wasiiru dawlaha Maaliyadda ee Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, ayaa u jawaabay afhayeenka xisbiga WADANI, waxaanu sheegay shacabka somaliland uu wakiil ka yahay madaxweynaha Somaliland oo ay dadku doortaan, isla markaana arrimaha dibadda iyo gudahaba masuul ka yahay, sidaa darteed uu madaxweynuhu cadeeyey sababta aanu uga qaybgaleen shirkaas oo uu sheegay in haddii arrimaha soomaaliya lagaga hadlayo aanay faa’ido ugu jirin Somaliland, balse haddii labadda dhinac ku wada hadlayaan uu ka qaybgali doono.
Wasiirku waxa uu sheegay in aanay ahayn in wax laga dayo meel aan waxba ku jirin, isla markaana ummadda la jahawareeriyo, wax kale oo uu wasiirku soo dhoweeyey hadalkii ka soo yeedhay xisbiga UCID ee taageeray mawqifka madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha ayaa iyaguna laba aragtiyood kala qayba, qaar soo jeediyey in shirkaasi laga qaybgalo oo madaxweynuhu shirka dhexdiisa ka dhiibto aragtidiisa, iyo qaar ku taageeray talaabadaasi uu madaxweynuhu ku qaadacay ka qaybgalka shirkaasi.
Source0 Hol

Dowladda Hoose Ee Galmudug Oo Howlo Nadaafadeed Kabiloowday Koonfurta Galkacyo

$
0
0


Howlo Nadaafadeed Oo ay Iska Kaashanayan Shacabka Iyo Maamulka Gobalka Mudug Iyo Degmada Galkacyo Ayaa Si Xowli Ah Uga Bilowday Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Goobaha Masuuliyinta Gobalka, Degmada Iyo Shacabka Galkacyo ee Galmudug ay Saaka Iskugu soo Baxeen Aruurinta Qashinka Ayaa Ahayd xeryaha Dadka Soo Barakacay iyo Wadooyinka Magaalada Iyadoo Ololaha Nadaafaded ee Maanta Lagu Soo Beegay Xili Heer kulka Gobalka Mudug uu Yahay Mid aad u Kulul Lagana Digayay Cuduro Ka Dilaaca Qashinka Dhexyaala Inta Badan Wadooyinka iyo Xeryaha ay Ku noolyihin dadka Barakacayaasha Ah ee Ku Nool Konfurta Magaalada Galkacyo.

Duqa Degmada Galkacyo ee Galmudug Bilie Bashiir Caynab Oo Saxaafada Kula Hadlay Mid ka Mid Ah Goobihii ay Maanta Ka Socotay Ololaha Nadaafadu ayaa Sheegay in ay Bilaaben Maamulka Gobalka Mudug,Kan Degmada Iyo Shacabka Galmudug Howlo Nadaafadeed Oo Iskaa wax u Qabso Ah Taa Qashinka looga Qaadayo Xeryaha Qaxootiga,Xaafadaha Magaalada Iyo Wadooyinka wuxuuna Shacabka ka codsaday In ay La Shaqeeyan Maamulka Degmada ayna Iska fogeeyaan qashinka kuna Aruuriyaan goobaha Ay Dowlada Hoose ugu Tala gashay.
Gudoomiye Kuxigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Axmed Max’ed Cumar (Axmed Shire) Oo ka Qayb galay Howlaha Aruurinta Qashinka ayaa Shacabka gobalka Ka Codsaday In ay u Istaagaan Sidii ay ula Shaqayn lahayeen Maamulka Dowlada hoose Muhiimna ay tahay in qofkasta uu ka shaqeeyo nadaafada Deegaanka .

Iyadoo la Guda galay Xiliga Kulaylaha Hadana Gobalka Mudug Wuxuu ka Mid Yahay Gobalada Dalka Kuwa uu heer Kulkoodu Sareeyo taa ayaa Ah Sababta Dhalisay in olole Balaaran Lagu Qaado Qashinka Dhex ceegaaga Magaalada Waxaana jira Digniimo Ka Imaanaya Qaar Ka Mida Saraakiisha Caafimaadka ee Galkacyo Xili La Gaarsiiyay Xaruumaha Dad uu Soo ritay Cudurka Shubanka


Mudane Baarlamaanka Ka tirsan oo ka digay in Ciidamada Dowladda Hub Loo Gacan Geliyo

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Xildhibaan Max’ed Axmed Kulan oo Ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya  oo Maanta  Lahadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kahadlay Go’aanka Qaramada Midoobay ee Xayiraadda Hubka  Looga qaaday Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in inta Hub Gacanta aan Loo gelin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay haboon tahay  in dib u dhis Lagu sameeyo islamarkaana Loo baahanyahay in dib U eegis Lagu Sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa waxaa Kaluu sheegay in Loo baahanyahay in Ciidamada Hubka Gacanta Loo gelinayo ay noqdaan Kuwa Isku dhaf ah ee Laga Kala Keenay Goobollada dalka si sare Loogu qaado Tayada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Sikastaba Ha ahaatee Hadalkani Kasoo Yeeray Mudanahani Ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Ku soo Beegmaya Xilli Dhawaan Ciidamo Ka tirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Lagu helay Iyagoo Guranaya Hub Fara badan oo yiilay Mid Ka mid ah Bakhaarada Hubka Lagu keediyo ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Somali Prime Minister: ‘’Our will is stronger and such attacks can’t derail or disrupt our mission’’

$
0
0

Mogadishu. 18-03-2013 (Shabelle) Somalia’s recovery was too far advanced for it to be derailed, His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon said today after a suicide attack killed few people in Mogadishu today.
Sending his condolences to the victims of a terrorist attack in Mogadishu, Prime Minister Shirdon said that the will of the Somali people to get their nation back on the track of peace and coexistence is solid and can not be shaken by such desperate attacks.
The suicide attack took place close to the National Theatre in the Hamarweyne district of the capital when a car bomber drove into a passenger bus. At least 10 people were killed and 15 wounded.
“Somalis will join me in sending my condolences to those who were killed or wounded in this futile attack. The truth is that daily life is more peaceful and Mogadishu is more secure than it has been for over 20 years,” the Prime Minister said. “New Somali businesses are opening almost daily as our brothers and sisters from the diaspora vote with their feet and return to Mogadishu.”
The Prime Minister noted that the enemies of peace had been driven out of the capital, were being pushed back across Somalia and were on their way out.
“These evil and misguided attempts to derail us will have no affect,” the Prime Minister said. “We have made far too much progress to regress to the bad old days. Peace, stability and business are the order of the day.”
Shabelle news desk

Wasiir Cabdi Kariin Oo Dhaawacyadii Kubooqday Isbitaalada Muqdisho

$
0
0


Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qaraxii Maantay  ka dhacay ilinka hore ee Ex-fiyoore ee dagmada X/weyne.
Mudane C/kariim ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay ku wehliyay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda waxayna u kuur galeen xaaladda caafimaad ee dadkii dhaawacyada ay soo gaareen.
Wasiirka ayaa mid mid u gacan qaaday dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanta waxa uuna ka wareystay xaaladooda caafimada sida ay haatan tahay wuxuuna usheegay in uu wanaagsanyahay dhaawiciisuna yahay mid sahlan.
Mas’uuliyiinta isbtalka Madina oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay meydka Todoba Ruux oo uu ku jiray askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo dhaawaca 17 kale.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ayaa tilmaamay in weerarkii maanta ka dhacay Afaafka hore ee xarunta Ex-fiyoore uu ahaa weerar  fool xun kaas oo loogu talagalay in lagu waxyeeleyo dadka shacabka ah, ayna cadeyn u tahay in la wiiqay awooda maleeshiyada shabaab.
Mudane C/kariim ayaa shacabka ugu baaqay in la shaqeyaan laamaha amaanka si ciidamada ay uga hortagaan weerada ay soo qorsheyeen dhagar qabayaasha shabaab

UN Special Representative on bomb attack in Mogadishu

$
0
0

Mogadishu, 18 March 2013 – The Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Dr. Augustine P. Mahiga, is shocked and saddened by today’s car bombing which occurred near Villa Somalia in the vicinity of the National Theatre in Mogadishu.
Initial reports indicate that at least seven people were killed and many more wounded by a vehicle borne improvised explosive device. There are also reports that a senior Somali security official may have been targeted in the attack.
“Today’s assault was entirely unacceptable”, said SRSG Mahiga, “Somalia has made great strides forward on the path of progress and stabilization and these cowardly terrorist attacks will only reinforce the determination of the Somali people to persevere. At this sad moment, our thoughts are with family and friends of those injured and killed,” the SRSG said.

Somali President strongly condemns today’s suicide attack

$
0
0

Mogadishu. 18-03-2013 (Shabelle) President Hassan Shiekh Mohamud has vehemently condemned a suicide attack which killed at least seven people in Mogadishu today, calling victims of the attack as martyrs.
“I am sending condolence to the families and friends of those martyrs who were killed in today’s attack’’ said the president in a statement he released after today’s attack.
“We can estimate that such horror attacks are planned and executed by Al shabab. After they were defeated militarily, they are desperate and are giving all their time to terrorize and mercilessly kill innocent civilians so we have to fight with them,, continued President Mohamud in his press release.
The president said that Somalia has already won and will continue to win against terrorists and reject them to find haven in Somalia.
Shabelle news desk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live