Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo Sawiradda Ergooyin Badan Oo Ku Sii Qul-quluya Magaalada Kismaayo,Iyo Shirkii Jubooyinka Oo Si Habsamiya U Socda

$
0
0

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kusii qul qulaya ergooyinka ka qeyb galaya shirweynaha la doonayo in maamul mideysan loogu sameeyo gobollada Jubbooyinka.
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo gaaray ergooyin ka tagay magaalooyinka Gobolka Gedo iyo qeybo kale oo gobollada dalka iyo dibada ah.
Saraakiisha ku howlan maamul usamaynta Jubbooyinka ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan maamul mideysan loogu sameeyo Jubbooyinka.
Guddoomiyaha gudiga Farsamada Shirka Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo Macalin Maxamed Ibrahim ayaa sheegay inay meel wanaagsan howshu umarayso ergooyinkana ay Kismaayo soo gaarayaan.
Riix Halkan si aad udhagaysato Faah Faahinta Kulanka Kismaayo
 
 

Source-BOA


Dhegayso :Qareenkii Boqor Raabi oo sheegay in qodobka loo cuskaday Xukunka Boqorku khalad yahay.

Wasiir Xaabsade oo sheegay inay Wakaaladda Laydhka Hargeysa ka maqan tahay lacag ka badan Hal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Dollar.

$
0
0

 
Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa ka hadlay baadhitaanada uu hanti dhawrku ka wado wakaaladda laydhka ee Hargeysa, waxaanuu sheegay in ay wakaaladdaasi dayn ahaan uga maqan yihiin lacago ka badan illaa hal milyan iyo lix boqol oo ku oo dollar.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeenta Md.Axmed Cabdi Xabsade oo manta hor yimid guddida joogtada ah ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa kale oo uu ka warbixiyey shaqada wasaaraddiisa, waxanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland wax uu Wakaalada Korontada Hargeysa u magacaabay Guddi ah labba wasiir iyo labba Agaasime si ay uga soo tallo bixiyaan, marka Guddidayadii waxanu soo saarnay arrimo badan oo warshada ku salaysan, sidda in qofka danbe ee loo dhiibayaa uu ahaado qof Warbaahinta laga shaciyo oo Aqoon iyo khibradba leh, waxanuna Aragnay in ninkii hore uu meesha Kharibay, marka dadkii hore ee barigii hore la soo magacabi jiray wax ay ahayeen dad qabiil lagu keenay, marka goordhawan qabiil ayaa ku imanayey marka siddasi ayaanu ku shacina in qofkii aqoon lihi uu soo Codsado, Horta Warshada waanu badhnay badhnay Wixii dayn lagu lahaa, maglada hargeysa qof aanay dayn warshadu ku lahayni ma jirrto, waxanu helnay lacag ka badan Hal Milayn oo Doollar oo shacabka ku maqan, dhinca dawladan wax lagu leeyahay lix boqol oo kun oo dollar, runtii lacagtaasi haddii ay u soo waddo xaron lahayd wax badan ayey u qaban lahayd, lakiin dadkeni waa dad masaakiin ah oo aan iska bixin Karen, waxanu ku nidhahna kolba wax iska bixiya, Runtii Xukumada hatan jirta Mudadii Xilka ay haysay, Hal Gurri ama Dhul dawaldeed oo la iibiyey ma jirta, marka warbaahinta ayaa Mar kasta Tidhahda waxba la iibiyey lakiin anigu wax la iibiyey maanan arag.”Ayuu yidhi Xaabsade
 
HARGEYSA SOMALILAND

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Soo Magacaabo Guddigii Ka Soo Tala-Bixinta Doorashooyinka Kaabiga Soo Saaran Iyo Tibaaxaha Hordhaca Ee Ka Soo Baxaya Midayntooda

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu dhawaan soo magacaabi doono guddigii qaran ee ka soo talabixin lahaa qaabka loo qabanayo doorashooyinka golayaasha xeer dajinta iyo Madaxtooyada, oo ku kala mudaysan 2013-ka, 2014 iyo 2015-ka, kuwaas oo ilaa hada aan la ogayn qaabka loo kala qaban doono doorashooyinkaasi. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa khudbadii distooriga ahayd ee uu u jeediyay horaantii bishii January 2013-ka labada gole ee Baarlamaanka guurtida iyo wakiilada, ayaa ku sheegay in dalka ay dhiig bax ku tahay muddo saddax sanadood ah ku kala qabto doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, taas darteedna uu cadeeyay in guddi qaran oo ka soo talo bixiya go’aanka laga qaadanayo doorashooyinkaasi ku soo fool leh uu soo magacaabi doono guddi qaran. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhun-daloola, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu todobaadka soo socda si rasmiya u soo saari doono magacaabista guddi qaran ee ka soo talo bixinta habka ay suuragal u noqon karaan qabsoomida doorashooyinka oo ilaa hada su’aali ay ka taagan tahay in la midayn doono doorashooyinka Baarlamaanka oo ku mudaysan 2013-ka iyo doorashada Madaxtooyada oo ku beegan 2015-ka in la mideeyo. Dhinaca kale waxa soo baxaya tibaaxo hordhac ah oo ka soo baxaya golayaasha qaranka, kuwaas oo la sheegay in xukuumada iyo golayaasha xeer dajintu ay wataan mawqif ay ku doonayaan in doorashada golaha wakiilada iyo Madaxtooyada hal mar la wada qabto.
 
hargeysa somaliland

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo safarkii ugu horeeyay ku tagay Israa’iil isagoo booqan doona Falastiin

$
0
0

 

 
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay dalka Israa’iil tan iyo markii xilka madaxweynimo ee dalkaas loo doortay, isagoo mar labaad ku guuleystay xilkan, waxaana garoonka diyaaradaha Tel Aviv ku soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo weliba madaxweynaha dalkaas, Shimon Peres.
Obama ayaa horay u sheegay in Israa’iil aysan ahayn saaxiibka ugu weyn ee Mareykanku leeyahay, balse maanta ayuu Tel Aviv ka sheegay in Israa’iil iyo Mareykanka uu ka dhexeeyo xiriir adag. Isagoo intaas ku daray inay tahay in dhulka barakeysan ay nabaddu timaaddo.
Maalinta Khamiista ah ayaa lagu wadaa in Barakac Obama uu safar ku tago magaalada ku taalla daanta galbeed ee Ramallah halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas.
Wadahadallada uu Obama la yeelanayo hoggaamiyeyaasha Falastiin iyo Israa’iil ayaa u badnaan doona dhinaca nabadda, qalalaasaha ka socda Siiriya iyo weliba bacriminta hubka Nukliyeerka ee dalka Iiraan.
Laakiin saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay aad u yar tahay rajada laga qabo inay dib u furmaan wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.
“Indho furan ayaan ku aragnaa dhibaatooyinka jira, ma lumin doonno aragtida Isaa’iil eek u aaddan inay nabad kula noolaato dariskeeda,” ayuu yiri Obama oo si kooban ula hadlay warbaahinta.
Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka wuxuu intaas ku daray: “Mareykanka wuxuu garab taagan yahay Israa’iil, waayo waxay aasaas u tahay ammaankeenna waxayna mudan tahay inaan garab istaagno. Israa’iil waa saaxiibkeena dhabta ah, weligeedna way ahaanaysaa.”
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa u mahadceliyay Obama isagoo sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay ilaashato madax-bannaanideeda ayna iska difaacdo cadowga kusoo duulaya , ayna jawaabto hanjabaadaha kaga imaanaya dibadda.
Ururka Xamaas ayaa cambaareeyay booqashada madaxweyaha Mareykanka uu ku tagay Israa’iil, iyago ku tilmaamay booqasho lagu yaq-yaqsoodo iyagoo sheegay inaysan dhageysan doono wararka kasoo baxa Obama.
Source-Hol

Kumanaan Dad ah oo ka Barakcay Degmada Xuddur

$
0
0

Mas’uuliyiinta Gobolka Bakool ayaa sheegay in dad ka badan 3 kun oo qoys ay ka barakaceen magaalada Xuddur tan iyo maalintii Axadda markii ay halkaasi ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya.

WAR DEGDEG AH: Qarax xooggan oo ka dhacay xarun ciidamada nabadsugiddu ku leeyihiin Muqdisho

$
0
0

Saldhig ay ciidamada Nabad sugiddu ku leedahay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qarax xooggan oo aan la garan ilaa hadda waxa uu yahay.
 
Qaraxaas ayaan la ogeyn noociisa iyo cidda wax ku noqotay, wuxuuse ku soo beegmay xilli dadka ka ganacsada Suuqa Bakaaraha ay ka sii rawaxayeen suuqaas.
Ciidamada nabad sugidda ee ku sugnaa saldhigaan ayaa xabado aad u badan riday, mana la oga khasaaraha ka dhashay  rasaastaas iyo waliba cidda ka danbeysay weerarkaa, balse dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa wixii ku soo kordha qaraxaas.

Askar ka tirsan dowladda Soomaaliya oo rasaas la huwiyey

$
0
0

Xero lagu magacaabo Tolmo oo ku taala degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa weerar ku qaaday nin ku hubeysan qoriga AK.47 oo rasaas ku furay ciidamo meleteri ah oo xeradaasi saldhig ku lahaa.
Ninkaasi oo qoraga ku laafyoonayay ayaa ku soo dhawaaday ciidamada kadibna rasaas ku bilaabay isagoo dhowr  askari la haleelay rasaasta.
Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa mar dambe ninkaasi toogtay, wuxuuna ku geeriyooday isla goobtii.
Ninkaas oo ku labisnaa dharka ay caanka ku yihiin ciidamada meleteriga Soomaaliya ayaan la ogeyn in u ahaa Al-shabaab iyo askari gadooday.
Askarta weerarka lala eegtay ayaa waxaa soo gaaray qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, welina si sax ah looma oga  khasaaraha rasmiga ah ee halkaas ka dhacay.


Falanqeyn: Booqashada Obama ee Bariga Dhexe

$
0
0

Madaxweynaha Mareeykanka Barack Obama oo ku guda jira lugtii 2aad ee booqasho uu ku kala bixinayo gobolka Bariga Dhexe, ayaa tegay magaalada Ramallah ee Daanta galbeed, isagoo la kulmay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Qarax ka Dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha

$
0
0

Qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qarxiyey meel u dhaw Laanta Hay'adda Sidoonka NSA ay ku leedahay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay wararku sheegayaan in qaraxa uu ku dhintay qofkii ismiidaamiyey ayna ku dhaawacmeen 3 ruux oo kale.

Guurka sh.Kenyawi

AMISOM Reassures the Citizens of Somalia on the Security Situation in Bay and Bakool

$
0
0

Mogadishu 21 March 2013- (Shabelle) The African Union Mission in Somalia reassures the citizens of
Somalia that it is closely monitoring developments following the withdrawal of Ethiopian troops from Hudur and is working closely with the Federal Government of Somalia in their efforts to re-establish a security presence in the area.
AMISOM Force Commander General Gutti said “We strongly condemn the beheading of the
prominent cleric in Hudur by the al Qaeda affiliated al Shabaab terror group and are working
with the Somali National Security Forces to ensure that security is restored to the area as soon as possible.”
General Gutti added that “We have in place contingent measures to ensure that areas in Bay
and Bakool where AMISOM are co-located with Somali National Security Forces remain stable and secure in the event of further Ethiopian troop withdrawals. We are conducting a review of our troop deployments there and in Hiiran and remain confident that there will be sufficient coverage,”
AMISOM urges members of any armed opposition groups to lay down their arms and turn themselves over to the Federal Government of Somalia and AMISOM. Those turning themselves in will be treated fairly and in accordance with International conventions.
Shabelle news desk

UN rights expert praises Somalia for human rights progress

$
0
0

Mogadishu. 21- March- 2013 (Shabelle) The UN’s Independent Human Rights Expert on Somalia gave Somalia a vote of confidence on human rights today during a meeting with the Prime Minister in Mogadishu.
Shamsul Bari said he had made previous visits to Somalia when he had been disheartened by the human rights situation. That situation had now changed.
“My heart is much lighter and full of hope on this visit,” Mr Bari said. “I’m hopeful because the rule of law and justice are taking root. People can relate to the government. There’s a bright future ahead.”
His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon welcomed Mr Bari to Mogadishu and reiterated the government’s commitment to upholding human rights, emphasizing a number of steps it was taking.
In February, the government established an Independent Task Force on Human Rights with a limited, three-month mandate to investigate the killings of journalists and sexual violence against women. Working in close consultation with the UN’s Mr Bari, the government will adopt a Somali-owned Human Rights Road Map later this summer. It will also be announcing a new Directorate General for Human and Minority Rights and Rule of Law.
“We have laws protecting human rights and the governments political agenda will support those laws,” the Prime Minister said. “We know that the world is watching Somalia closely and we are fine with that. We will take the criticism we receive in this area constructively. We are working towards a position where there are no human rights violations in Somalia and we abide with human rights best international practice. We haven’t yet reached that point, but our direction of travel is entirely positive.”
Shabelle news desk

Sheekal Baladka Awdal Sheekh Cabdilahi sheekh Cali Jawhar oo ka waramay Deeqda Biyaha Iyo Wadada Cada ee Reer Hargeysa ka wadaan Bariga Lughaya

Madaxweyne Siilaanyo Oo Jimcaha Beri Socdaal Ku Tagi Doona Daka Imaaraadka Carabta Oo La Filayo Inuu Kulan Kula Yeesho Madaxweynaha Somaliya

$
0
0


 
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Jimcaha beri u socdaalo dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay warar xogogaala oo uu helay.
Wararka uu Geeska Afrika helay, waxay sheegayaan in socdaalka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo salka ku hayo bilowga wejiga labaad ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, oo la filayo inay maalmaha soo socda ku kulmaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna u socdaali doona dalka Imaaraadka Carabta. Si rasmi ah looma garanayo qodobada wada hadalka lagu bilaabi doono, waxase la ogyahay in kulankan muddo laga shaqaynayay.
Wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya ee ka bilaabmay dalka Ingiriiska, ayaa u muuqda inuu u soo guuray wadanka Imaaraadka Carabta, oo la ogyahay halka uu ka taaganyahay qaddiyada Somaliland.
Geesta kale, wuxuu wada hadalkani ku soo beegmayaa iyadoo ay dawladda Somaliya ka codsatay dawladda Maraykanka in xasaanad diblomaasiyadeed loo soo celiyo Maxamed Cali Samatar, oo ay maxkamad Maraykan ahi ku heshay xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland. Dawladda Somaliland ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga hadashay dalabka dawladda Somaliya iyo weliba inaanay wax tallaabo ah qaadin.
Wargeyska Geeska Afrika, ayaa horaantii bishan baahiyay inay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya, dhawaan ku kulmi doonaan dal Carbeed, oo uu Wargeysku wakhtigaas sheegay inuu noqon doono laba dal midkood, kuwaas oo kala ah Qatar iyo Imaaraadka Carabta.
Source-Cadceed-
Wargeyska Geeska Afrika


Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay inay Mustaafurinayaan Nin la sheegay inuu Faafinayay Diinta Masiixiga

$
0
0

Taliyaha ciidamadda Booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay mustafurinayaan nin ajanabi ah oo magaaladda Hargeysa ku faafinayey diinta misiixiga.
Ninkan oo la shaqaynay hay’ada UN-HABITAT ee Qaramada midoobay oo loo soo kaxaystay Injineernimo, ayaa waxa soo dacweeyey hoteelku deganaa oo xukuumada ku wargaliyey inuu ninkaasi faafinayo diinta kiristaanka, ka dibna ay ciidamadda amnigu xabsiga u taxaabeen.
“Ninkii waanu qabanay waana mastaafurinaynaa, Waxa uu noqday nin ku kacay fal lidi ku ah Diinta Islaamka”ayuu yidhi taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal, waxaanu intaas ku daray “ waxaananu la xidhiidhnay Hay’adda UN Habitat iyo Shirkadda  dhisme oo gaar loo leeyahay oo uu la shaqaynayey ,waxaanay ka bixiyeen raaligelin buuxda, Waxa ay noo sheegeen in uu Dalka u yimid tababarka Injineerada Hay’addaha UN-ka, balse markii ay ogaadeen in uu ku jiro Faafinta Diinta Masiixiga waxa ay u arkeen in aanay masuul ka noqon Karin”.
Ninkan ayaa la sheegay inuu hoteelka uu deganaa si qarsoodi ah ku daadin jiray waraaqo diinta misiiga ah si dadku akhristaan, kuwaas oo baadhitaan ka dib ogaaday , isla markaana u soo gudbiyey xukuumadda si sharciga loo horgeeyo.
Dhinaca kale, Taliyuhu wuxu sheegay inay wax ka qabteen dhallinyaro habeenno dhawayd khalkhalgalisay amniga, kuwaas oo dadka waxyeelaynayey, waxaanu xusay inuu qaarkood xidhxidheen oo sharciga la horgeyn doono, isla markaana cidii dambe ee falal amni daro ah lagu qabto xabsiga loo taxaabi doono, isagoo waalidkoodna ugu baaqay inay caruurtooda ka war hayaan.
Source-Hol

Dagaal Dhimasho Keenay oo ka Dhacay Sh/Hoose

$
0
0

Ugu yaraan hal Qof ayaa ku dhintay 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen, iska horimaad duleedka magaalada Marka ee gobalka Sh/Hoose ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo deegaanka ah.

Falanqeyn: Safarka Obama ee Bariga Dhexe

$
0
0

Madaxweyne Barack Obama ayaa Soo afjaraya socdaalkiisii ugu horeeyey ee uu ku tago wadanka Israel intii uu madaxweynaha ka ahaa dalkan Mareykanka, iyadoo la filayo inuu dib u soo nooleeyo heshiiskii nabadda ee Falastiin iyo Israel.

“Madaxweynuhu Waa Cidda Keliya Ee U Taagan Ilaalinta Sharciga Dalka U Yaalla, Cidda Awoodda U Leh Mudaynta Shirweynuhuna Waa Golaha Dhexe, Guddoomiyaha Iyo Ku Xigeenka Ayaana Ka Soo Horjeeda” Jaamac Shabeel

$
0
0

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay u jeeddada kulan habeen hore qasriga Madaxtooyada ku dhex maray Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), kaas oo uu sheegay in lagaga wada hadlayey khilaaf  dhinaca sharciga Xisbiga Kulmiye ka taagan  oo ku saabsan mudaynta shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo ay hore Hogaanka Xisbigaasi ugu cayimeen 25-ka bisha December.
Jaamac Shabeel ayaa sheegay inuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo mudayntaas hore ee Shirweynaha ku tilmaamay mid baal marsan sharciga u yaalla Xisbiga Kulmiye, isaga oo sheegay in cidda awood sharci u leh inay muddayso shirweynaha ama ay dib u dhigto ay tahay Golaha Dhexe, isla markaana loo baahanyahay in loo daayo inay ka fadhiistaan arrintaasi golaha dhexe ee Xisbigu.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo Xalay khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Koowaad Maxamed Kaahin Axmed ay ku doodayaan in ay sax tahay mudaynta ay sameeyeen Hogaanka Xisbigaasi, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlayaa “Kulanku weli wuu socdaa oo waa la isku soo noqonayaa kulan labaad labada cisho ee ugu soo horeeya, waxaananu rajaynaynaa inay arrintaasi naga soo geba gabawdo, waxaana laga wada hadlayaa dib u dhiga Shirweynaha iyo Golaha dhexe iyo cidda sharciyan awood u leh inay Cayimaan shirweynaha Xisbiga, taas ayaa la isku khilaafsan yahay, Madaxweynuhuna waxa uu ka hadlay waa soo jeedin oo shirkuna wuu socdaa oo labadaas qodob ayaa lagaga wada hadlayaa, arrintuna waxay ku salaysan tahay oo la isku khilaafsan yahay cidda awood sharci u leh inay muddayso shirweynaha Xisbiga oo ay hore hogaanka Xisbigu ugu muddeeyeen 25-ka Decembar, cidda awoodda sharci u leh inay muddayso shirweynaha Xisbigana waxa uu sharciga Xisbigu dhigayaa oo leh Golaha dhexe”
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige oo ka hadlayey cidda ka soo horjeedda aarintan madaxweynuhu usugu yeedhay hogaanka Kulmiye waxa uu yidhi “Madaxweynuhu  waa cidda keliya ee u taagan ilaalinta sharciga dalka u yaalla  ee loo doortay,  cidda ka soo horjeedda ee ku doodaysa inay muddayntaas hore ee shirweynuhu sax tahayna waxa weeyaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga, wakhti loo cayimay kulanka labaadna ma jirto oo loo ballamay”
 
 
 HARGEYSA SOMALILAND

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Socdaal Uu Madaxweyne Siillaanyo Ku Tegayo Imaraadka Carabta Berri

$
0
0

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay ujeeddada socdaal uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ku tegayo Berri Sabti Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta iyo warar sheegayey inuu halkaasi kula kulmayo Madaxda dalka Somalia, si loo sii amba qaado Wada hadaladii hakadka galay ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia.
Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xalay isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Wargeyska Saxansaxo, wax ka weydiiyey ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ee Dubia iyo warar sheegaya inuu la kulmayo Madaxda Somalia, ayaa sheegay in aanay wax kulan ah oo Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Somalia ku dhex mari doona Imaaraadka Carabta.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka hadlay ujeeddada socdaalka Madaxweynaha waxa uu yidhi “Madaxweynaha Socdaalkiisa Imaaraadku waa mid la xidhiidha dhinaca horumarka Somaliland sidii uu kula soo hadli lahaa Madaxda dalkaasi, isla markaana loo sii amba qaadi lahaa xidhiidh ay Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu hore u yeesheen, Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxa ay kala hadli doonaan Madaxda Imaaraadka sidii loo xoojin lahaa Xidhiidhka iyo cilaaqaadka Labada Waddan. Waxa kale oo uu socdaalkan Madaxweynuhu salka ku hayaa sidii ugala hadli lahaa mashaariic horumarineed oo Dawladda Imaaraadku ka wado Somaliland.”
Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo aanu weydiinay  warar ay warbaahinta qaarkood baahiyeen oo la xidhiidhay in Madaxweyne Siillaanyo Imaaraadka Carabta kula kulmi doono Madaxda Somalia, waxa uu ku jawaabay  “Ma jirto, wax kulan ah oo Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Somalia ku dhex maraya Imaaraadka Carabta, wararkaas waxaan leeyahay waa qaar aan sal iyo raadtoona lahayn.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Wada hadalada Somaliland iyo Somalia, ma jiro wakhti rasmi ah oo loo cayimay in la qabto, oo ay ka heshiiyeen Somaliland iyo Somalia. Marka wakhti loo mudeeyo waa mid ay la socon doonaan Beesha Caalamka oo laga heshiin doono goobta lagu qabanayo.”
 HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live