Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shirkadda Hass Petroleum Oo Ku Dhowaaqday Inay Keentay Dalka Shidaal Jaban

0
0

Shirkadda Hass Petroleum oo ka mid ah shirkada ugu waaweyn ee dalka keena shidaalka, ayaa shaaca ka qaaday inay dalka keentay shidaal qiimihiisu ka jaban yahay qiimihii hore ee la qaylinayey, ka dib markii sida ay shirkaddu sheegtay ay dalka soo gaadheen maraakiib ay shirkaddu leedahay oo sida shidaal aad u qiimo badan oo ka jaban qiimihii hore.
Maareeyaha Guud ee  Shirkadda Hass Petroleum ee Somaliland Mr. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa shaaca ka qaaqay inay qiimihii hore ee shidaal ee ay ka qaylinayeen gaadiidlayda reer Somaliland jebiyeen oo ay dalka keeneen shidaal qiimihiisu ka jaban yahay sidii hore, kaas oo uu sheegay maareeyuhu inay hoos u dhigeen halkii foosto illaa 15 Doolarka Maraykanka ah.
Maareeyaha shirkadda Hass Petroleum Mr. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo xalay khadka telefoonka ugu qarramay Shakadda Buraannews.com iyo wargeyska Saxansaxo, ayaa isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Waa tii uu qiimaha shidaalku aad u qaali garoobay muddooyinkii ugu dambeeyey Somaliland, waxaanay gaadhay inay dadku aad u qayliyaan oo ay xataa basasku yidhaahdeen waanu joojinaynaa shaqada, waa tii ay xataa shirkadahayaga shidaalka la is waydiinayey sabaabta, markaa annu (Shirkadda Hass) waxaanu ballan qaaday inaanu qiimaha shidaalka jebin doonno oo tii ayaanu ka dhabaynay oo balntii ayaanu ka soo baxnay, qimaha shidaalkuna waxa uu gaadhay ilaa Boqol iyo shan iyo sagaashan Dollar Foostadii ($195)”
Maareeye Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed  oo hadalalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Sidaas awgeed Shirkadda Hass Petroleum waxay hoos u dhigtay qiimaha shidaalka oo waxaanu ka dhignay foostadii $180 Dollar, taas oo ah inaanu hoos u dhignay qiimihii hore 15$ Dollar waaxan wax lagu farxo, waxaananu sidaas u samaynay anaga oo eegayna danta dalka iyo dadka, waayo waxaybu nahay dal yar oo soo koraya, markaa waxa ay shirkadda Hass Petroleum dalka keentay shidaal qiimihiisu jaban yahay oo aad u wanaagsan oo aan hore dalka loo keenin sida aanu qabno, waxaanay shirkaddu keentay oo soo gaadhay dekedda Berbera maraakiib shirkadda u sida shidaal oo sabaabay inuu qiimaha shidaalka ee shirkadda Hass noqodo mid ka jaban sidii hore sidaas ayaanu dadweynaha la socodsiinaynaa ugu bushaaraynaynaa”
HARGEYSA SOMALILAND


Maayirkii Hore Ee Burco Oo La Sheegay Inuu Muqdisho Ka Degay

0
0

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Somalia, ayaa sheegay in Maayir ku xigeenkii hore ee degmada Burco Axmed Cabdi Falaay uu ka degay magaalada Muqdisho todobadkii tegay, kaas oo si qarsoodi ah ugu baxay halkaasi
Maayir ku xigeenkii hore  ee Magaalada Burco Axmed Cabdi Falay ayaa waxa uu ka mid ahaa siyasiyiinta sheega inay muqadas tahay mid nimada iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland mar kasta, iyada oo aan illaa hadda la ogayn ujeeda uu cabdi falaay u tegay halkaasi iyo sabaabta ku kelliftay, iyada oo ay wararka qaar tibaaxayaan in la filayo in xil looga dhiibao dawladda federaalka ah ee Somalia.
Maayirkii hore ee Magaalada Burco Axmed Cabdi Falaay, ayaa ku biiray siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Somaliland ooh ore u tegay halkaasi, kuwaas oo qar ka mid ahi ay Dawladda Federaalka ah ka hayaan Xilal culus, halka aan qaarna ilaa hadda wax xil ah
loo dhiibin.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Sheekh Aadan Siiro Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Dadkeeda La Tashato, Hadii Kale Ay Ku Wax La’dahay

0
0

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro),oo ka mid ah Culimada reer Somaliland gaar ahaan Culimadda reer hargeysa ayaa ku baaqay in la dhowro wixii shacabka reer Somaliland ku heshiiyeen, isaga oo sidoo kalena soo jeediyey in xukuumaddu la tashato dadkeeda.
Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro)waxa uu arimahan kaga hadlay  khudbadiisii Jimcaha kaga hadlayay arimahaasi waxa uu yidhi“Inaad tidhaahdo wixii aynu ku heshiinay kaligaybaan go’aan ka gaadhayaa, waxa ka wanaagsan inaad tidhaahdo aynu ka wada tashano, wixii hanti ah ee inaga dhexeeyay inaad kaligaa ku tasarufto, waxa ka wanaagsan inaad tidhaahdo sideebaynu ugu heshiinaa, arin marka uu yimaado inaad umaddaada u bandhigto ayaa ka khayr badan si aanu u sii badan tuhunka awal horeba saarnaa ay go’aankaa qaataan”
Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud,(Aadan Siiro)“Nin ka mid ahaa ayimadii Muslimiinta ayaa la waydiiyay “Waa Maxay doonista wax dumisaa”, waa shay aad iskaga kafto buu yidhi adiga oo aan sabab keenin, macnaheedu waxa weeyaan arinka oo aad isku ururiso”
Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud,(Aadan Siiro) waxa uu ugu danbeyntii ku baaqay in Taladda dalka wax layska waydiiyo oon gooni loo maroorsan waxanu yidhi “Damaca aynu ka hadlaynaa waa isbabadalada maanta Somaliland ka socda ee ku urursan tiro kooban, wadaad iyo mid kale oo aqoonle ayaan waxba la waydiinayn, waar talada umadda wax hala iska waydiiyo, waar wixii lagu heshiiyey hala ilaaliyo, waar dadkii wax idinla sameeyay wata oo khilaafka yareeya, haddii aad sidaasi yeeli waydaan hadii kale karis xun iyaduna ku wax la’, marka umaddu ku karaamayso iyadoo lagaa aqoon badan yahay, lagaa karti badan yahay, lagaaga hawl badan yahay haddana aad tidhaahdo wixiiba aniga ha igu soo ururaan dhibaatadeeda ayay leedahay”
 HARGEYSA SOMALILAND

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga Ah Ee ICC Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Dacwadda Madaxweynaha Cusub Ee Kenya Uhuru Kenyata

0
0

Maxkamadda dambiyada caalamka (ICC) ayaa sheegtay inay sii wadayso dacwadda loo haysto madaxweyaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku eedeysan inuu ku lug lahaa rabshado 2007-dii ka dhacay dalkaas, kaddib markii lagu murmay doorashadii madaxnimo ee xilligaas dhacday,
Xeer-ilaaliyaha ICC-da Fatou Bensouda ayaa sheegtay in dacwadda loo haysto Kenyatta ay sii socon doonto, balse ma aysan sheegin xilliga lagu la qaadi doono, waxaanuu yidhi “Kama noqon doonno sii wadista eedeymaha loo haysto Kenyatta,” ayay tiri Bensouda, iyadoo intaa ku dartay in hadal uusan ka taagnayn sii socodka dacwadda, balse uu markii horeba muran ka taganaa xilliga dacwadda la qaadi doono, taasna go’aan laga gaari doono.
Madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Rutto iyo Weriye Joshua Arap Sang ayaa lagu soo eedeeyay inay galeen dambiyo ka dhan bani’aadamnimada, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen rabshado ka dhacay Kenya oo ay ku dhinteen in ka badan kun qof.
Sidoo kale, Bensouda ayaa waxay xuukumadda Kenya ku eedeysay inaysa si wanaagsan ugula shaqeyn sidii eedeymahan loo xaqiijin lahaa, iyadoo xustay inay jiraan cabsi-gelin lagu hayo markhaatiyaashii la maxkamadda hor imaan lahaa, waxaanuu yidhi “Kenya waa xaaladdii ugu dhibka badnayd ee uu xafiiskeenu ka shaqeeyo,” ayay tiri xeer ilaaliyaha maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, oo intaas ku dartay in dacwadahan ay sii socon doonaan.
Qareennada u doodaya Kenyatta ayaa Isniintii dadaal u galay sdii ay ICC-da uga laaban lahayd dacwadda, kaddib markii ICC-du si risami ah u joojisay dacwad loo haystay madaxii hore ee shaqaalaha dalka Kenya Francis, waxaanuu Uhuru sheegay markii uu ku jiray tartanka doorashada madaxnimo ee dalka Kenya inuu is-difaaci doono, uuna howlaha dalka Kenya sii wadi doono haddii xilka madaxnimo loo doorto.
 
HARGEYSA SOMALILAND

khudbah Arabic 22/3/2013 Sh Umal

Aadan Madoobe oo cadeeyay sababaha ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya uga baxayaan.

0
0

Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolada Baay iyo Bakool, gaar ahaan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolka Bakool iyo waxa sababay bixitaanka.
 
Mudane Aadan Madoobe ayaa waxa uu xaqiijiyay in saraakiisha hogaamisa ciidamada Ethiopiaya ay isla soo qaadeen arinta bixitaanka kadibna ay xaqiijiyeen in qarash la’aan ay u baxayaan maadaama iyaga hay’ad  ka taageerta joogitaankooda Soomaaliya aysan jirin xilligii ay horay u soo qoondeesteenna uu dhamaaday.
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay ka shaqeyso sidii mar kale loola soo wareegi lahaa gobolka Bakool, caasimadiisa oo ay Al-shabaab gacanta ku hayaan hadda.
Wuxuu talo ku soo jeediyay Shiikh Aadan Madoobe in ciidamada dawaladda iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM loo diro gobolka Bakool si amaankiisa loo xaqiijiyo loogana saaro Al-shabaab.
Hadalka Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmaya xilli todobaad ka hor magaalada Xudur ee gobolka Bakool ay ka baxeen ciidankii Itoobiya ee amaanka degmadaasi sugayay, waxaana ka bixitaanka Itoobiya kaddib gacan ku heynta magaalada la wareegay Alshabaab oo wadaad iyo Dhalinyaraba ku gowracay.

Marko oo xaaladeedu qatar tahay maanta

0
0

Magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh. Hoose ayaa kala xiran maanta kadib markii shalay ay halkaasi ku hardameen ciidamo dowlada meleterigeeda kamid ah hasa yeeshee qaab qabiil u abaabulnaa.
Goob jooge ku nool Marka ayaa yiri, “Iskuulaadkii waa xiranyihiin. Waxaa ishor fadhiya ciidankii Shalay hardamay. Magalada ayaa labada dhinac uga kal suganyihiin kooxaha dagaalamay. wax furan majiraan cabsi ayaa jirta. Dadaal lagu kla qaadayo ciidamada ayaa isna socda”.
Waxa uu intaa ku daray in Goobaha caafimaadka ay xiranyihiin inkasta oo qofkii xanuunsanaya xitaa uusan banaanka u bixi Karin maadaama magaaladu ay u egtahay meel bandow saaranyahay.
Shalay ayaa Marko waxaa ku hardamay laba qeybood oo Meleteriga katirasn hasa yeeshee u abaabulnaa qaab qabiil, iyada oo dowladu xaqiijisay in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen saraakiil ciidan.

M/weynaha Kenya oo sheegay inuusan willi dhamaan hawlgalka ay Soomaaliya ka wadaan.

0
0


M/weynaha wadanka Kenya ee xilka kasii dagaya Mwai Kibaki oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay ayaa sheegay in hawsha ay ciidamada Kenya u soo galeen Soomaaliya aysan willi dhamaan sida uu yiri.
Mwai Kibaki waxaa uu sheegay in ciidamada Kenya ay Sooaaliya u yimaadeen labo arrimood oo uu ku sheegay inay ka la  yihiin bad badinta amaanka Kenya iyo caawinta dawlada Soomaaliya.
In hawsha ay tahay mid willi aan dhamaan oo socot ayuu sheegay ka sheegay munaasabadii Nairobi loogu qabtay.
Dawlada badali doonta ayuu ubu baaqay Kibaki inay halkeweda kasii wado  dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabab ee Soomaaliya ka socda.
“Waxaan u shgeeyaa madaxda iga dambeysa in willi hawshu dhamaan oo ay socoto waana inaad kala shaqeysaan Midawga Africa iyo beesha caalamka” ayuu yiri M/weynaha xilka ka dagaya ee Kenya.
Sidoo kale madaxda badali doonta ayuu ugu baaqay inay dawlada Soomaaliya kala shaqeeyaan dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.
Ciidamada Kenya ayaa qeybo kamid ah gobolada koofureed ee Soomaliya ku sugan iyagoo qeyb ka ah hawlgalka midawga Africa ee AMISOM


Sheekh Cabdilaahi Cismaan iyo Baseerah Training Centre London

Boris Berezovsky oo geeriyooday

0
0

Boris Berezovsky oo ahaa ganacsade Ruush ah oo ka soo horjeeday madaxweyne Putin ayaa ku geeriyooday gurigiisa London.

Mucaaradka oo u dhow Bangui

0
0

Mucaaradka ayaa sheegay inay doonayaan inay gaaraan madaxtooyada markii ay galaan magaalo madaxda Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ee Bangui.

Shiinaha iyo Ruushka oo saxiixay heshiis

0
0

Madaxweynaha cusub ee Shiinaha Xi Jingping ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku maraya Ruushka iyo Afrika isagoo saxiixaya heshiisyo.

Muxaadaro raadka macaasida by Sh Maxamed kaariye

Muxaadaro Muhiim Ah (Adaabu-Macallaah) Li Sh Maxamed Cumar Dirir Xafidahullaah

Isbarbardhigga Soomaalida Sweden iyo Kuwa Maraykanka

0
0

Jaamacadda Lund ee dalka Sweden ayaa qortay warbixin ay ku sharxayso in Soomaalida Maraykanku ay ka shaqo helis iyo galaangal badan yihiin kuwa ku nool Sweden


Maayir Ku Xigeenkii Hore Ee Burco Oo Isaga Oo Jooga Muqdisho Ka Warraamay Ujeedada Uu Somalia U Tegay

0
0

Maayir ku xigeenkii hore ee Magaalada Burco Axmed Cabdi Falaay oo dhowaan ka degay magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Somalia, ayaa isaga oo ku sugan magaaladaasi ka hadlay ujeedada uu u tegay dalka Somalia, waxaanuu sheegay inuu halkaasi u tegay hawlo ganacsi, isaga oo sheegay inay midnimada iyo qadiyadda Somaliland dhiniciisa ka tahay lama taabtaan oo aanuu is bedelin.
Axmed Cabdi Falaay, waxa kale oo uu sheegay inuu hawlahaasi ganacsi ay ka midyihiin hawlaha ganacsi ee adduunka oo kale oo aanay xuduud lahayn, sidaasi awgeedna aanuu socdaalka Muqdisho uu ku tegay aanuu wax saamqayn ah ku yeelan doonin marka uu yimaado Somaliland.
Maayir Xigeenkii Hore ee Magaalada Burco oo l ahadlay warbaahinta isaga oo jooga magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan  halkaas u tegay waa hawlo ganacsi oo ma aha wax shaqo ku leh siyaasad, jiritaanka iyo madax bannaanida Somaliland waa muqadas, cidda waxaas qoraysaana waa cid aan waxba war u haynin, aniguna waxaan muqdisho u tegay waa hawlo ganacsi oo ii khaas ah, waxaan rabaa inaanu muddo kooban illaa sadex cisho ah ku soo laabto, waxaana igu wehelinaya socdaalka dad kale oo ganacsato ah oo aanu wada ganacsanno ilaa intii aan xilka hayey, wax ka jiraana ma jiraan in aan xil u doontay Somalia”
Axmed Cabid Fallaay waxa kale oo uu intaas raaciyey isaga oo hadalkiisa sii watay “Wax ka jiraa ma jiraan ayaan leeyahay waxyaabaha ay warbaahintu iga qoreen oo waxaan u tegay Muqdisho hawlo ganacsi, Somaliland Nimaduna waa lama taabtaan muqadas ah, waxaan soo laaban doonaa muddo laba cidho ka bacdi ah, waxa saamayn ah oo ay arrintan socdaalka aan ku tegay muqdishona ma jiro oo waxa ay ganacsatadu tegi karaan caalamka oo ay hawlohooda ganacsi ka wadan karaan, markaas kuwaas ayuunbaan la mid ahay”
Hargeysa Office

Maalinta Qaaxada Aduunka Oo Galkacyo Laga Xusay

0
0


 
Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug maanta laga xusay maalinta ka hortaga Qaaxada adduunka oo ku beegan 24 bishan March.
Hoolka shirarka ee Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta ka hor taga cudurka qaaxada adduunka oo ku asteysan 24 March.
Munaasabada ka dhacday Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Maamulka Degmada Madaxda isbitaalka guud ee Gobolka Mudug, Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Gaalkacyo.
inkastoo munaasibadu ay ahayd mid looga hadlayey maalinka qaaxada aduunka iyo dhibatada qaaxada ay leedahay ahaa hadana waxaa xaunta qaaxada ee galkacyo lagu soo banadhigay dad qaba xanuunka tiibayda oo adeeg dawo oo lacaga al’aan ah ka hela isbitaalka galkacyo
Duqa Degmada Galkacyo Axmed Cali salaad ayaa sheegay in Muddo kahor Cudurka Qaaxada dadka soomaalida ay ka aaminsanaayeen Cudur halis ah hasa ahaatee hada ay ogaadeen in dawayntiisa aytahay mid fudud waxaana dadka qaba xanuunkna qaaxada usheegaynaa in ay yimaadeen goobaha caafimaadka isla markaana ay dawa ka qaataan
 

Xi Jingping oo booqanaya Tanzania

0
0

Madaxweynaha cusub ee Shiinaha ayaa booqashadii ugu horaysay ku maraya Tanzania kadibna ka qaybgalaya shir ka dhacaya Koonfur Afrika.

Dalalka Israel Iyo Turkiga Oo Dib U Soo Noqday Iyo Labada Raysal Wasaare Oo Si Toos Ah U Xidhiidhay Muddo Dheer Ka Dib

0
0

Wakhti  uu booqasho ku tagayay Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Dalka Isreal Iyo Ismaamulka Falastiin ayaa la sheegay in Raysal wasaaraha Israil Benjamin Netenyahu u uu xidhiidh toos ah oo khadka Telefoonka ah kula hadlay Raysal wasaaraha Turkiga Deyib Erdogan, kaas oo uu kala hadlay xidhiidhka labada dhinac ee hakadka ku jiray loo xallin lahaa.
Dawladaha Israail iyo Turkiga, ayaa  ka wadda hadlay  Xidhiidhkii labadda dal ee muddada kala maqnaa, waxaana uu Raysal Wasaaraha Isreal uu si rasmi ah uga raali geliyey weerarkii ay Ciidamada Isra’iil ku qaadeen maraakiiba Turkigu uu lahaa oo cunto u waday marinka Gaza ee Falastiiniyiinta sanadkii 2010-kii.
Raysal Wasaaraha Yuhuudda Bentamin Netenyahu, ayaa Weerarkaasi uu ka raali geliyey Dayib Rajab Urdugan, weerarkaas  oo ay ciidamada Isra’iil ku qaadeen maraakiibta cuntada u waday dhulka Falastiiniyiinta ee la go’adoomiyey ee Gaza wakhtigaasi,kaas oo ay ku dhinten 9 qof oo saarnaa maraakiibtaasi oo u badnaa dad Turkiga u dhashay.
Xidhiidhka labada dal ayaa weerarkaasi ka dib ahaa mid xidhmay guud ahaabna, iyada oo ay labada dhinac kala qaateen safaaradihii ay lahaayeen ee u yaallay dalaalkooda, waxaanay  tani muujinaysaa inay muddo dheer ka bacdi ay labadaasi dal uu xidhiidhkoodii soo noqonayo.
 
HARGEYSA OFFICE

Madaxweyne Faroole oo Soo Dhaweeyay Shirka Maamul U sameynta Jubbooyinka

0
0

Garoowe (Sh.M.Networ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo Maanta Ka qayb Galayay Kulan aan caadi ahayn oo ay Yeesheen Golaha Wakiilada Maamulkaasi Puntland ayaa qudbad uu Ka jeediyay Halkaasi waxa uu ku soo hadal qaaday arrinta Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka.
Madaxweyne Faroole ayaa Shacabka Jubbooyinka ugu Baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii Maamul ay u dhanyihiin ay u sameysan Lahaayeen islamarkaana ay uga Fogaan Lahaayeen Fara Gelinta Lagu Hayo sida uu hadalka u dhigay.
Cabdi Raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale sheegay in aan Loo baahneen Khilaaf Xilligaan ee La doonayo in Dadka Dega Jubbooyinka ay Ka tashadaan aayahooda.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa Ku soo Beegmaya Xilli Khilaaf aad u Xoogan uu Hareeyay qabsoomida Shirka Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live