Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Weftigii Madaxweynaha Oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Madaxtooyada Dawladda Imaaraadka , Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen Iyo Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Qaabkii Loogu Soo Dhoweeyey Halkaasi

0
0

Weftigii uu Hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa waxa Saaka si heer sare ah xafiiskiisa ugu qaabilay  Wasiirka Madaxtooyada ee dawladda Imaaraadka Carabta Sheekh Mansuur Binu Saa’id, kaas oo halkaasi weftiga ugu soo dhoweeyey si milgo iyo Maamuus sare leh.
Wasiirka Madaxtooyada ee Imaaraadka Carabta Sheekh Mansuur Binu Saa’id, waxa uu si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu Hoggaaminayay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah xubnaha Weftigaasi ku wehelinaya Madaxweynaha.
Kulankan ay shalay yeesheen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirka Madaxtooyada ee Imaaraadka Carabta Sheekh Mansuur Binu Saa’id,  ayaa ka dhacay Magaaladda Caasimadda ah ee Abudabi oo ay Weftigu ku sugan yihiin.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa  waxa uu uga mahad celiyay Dawladda Imaaraadka Carabta marti-qaadka rasmiga ah ee ay u fidiyeen weftigiisa, waxaanu si qoto dheer uga waramay qodobada ay xukuumadda Somaliland danaynayso in dawladda Imaaraadka Carabtu wax kala qabto, kuwaasi oo iskugu jira mashaariic horumarineed oo la xidhiidha dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Waddooyinka, Horumarinta Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii maal-qabeenada Imaaraadka Carabtu u maal gashan lahaayeen khayraadka dihin ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu ka dalbaday dawladda Imaaraadka Carabta inay dhamaystiraan ceelashii lagu balaadhinayey nidaamka biyaha ee Magaalada Hargeysa oo ay dhuumihii biyaha soo qaadayey ku rakibaan Ceelashii laga qoday Xunbo-weyne iyo Jaleelo.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxa kale oo uu  ka codsaday Dawladda Imaaraadka  inay wax kala qabtaan dhismaha Jidka Hal-bowlaha ah ee isku xidha Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, isla markaana ay hirgeliyaan laba Cusbitaal oo casri ah oo ay hore u balan qaadeen inay ka dhisi doonaan Somaliland, isaga oo la soo qaaday Wasiirka Madaxtooyadda ee dalka Imaaraadka Carabta inay Somaliland ka taageeraan hirgelinta Dugsiyo Cariya oo lagu barto farsamada gacanta si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyaradda kala duwan ee dalka.
Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyadda ee Dawladda Imaaraadka Carabta Sheekh Mansuur Binu Saa’id oo ka hadlay kulankaasi ay yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku yimid dalkaasi, waxaanu xusay in dawladiisu ay Somaliland ka saacidi doonto horumarinta adeegyadda aasaasiga ah, Waxaanu balan qaaday inay fulin doonaan qodobadda uu madaxweynuhu hor dhigay.
Wasiirku waxa uu weftiga ka codsaday inay nashqadda dugsiyadda iyo Cisbitaalada ay u baahan yihiin ka soo eegtaan dalka Imaaraadka si looga dhiso Magaalooyinka Somaliland. Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday is afgarad, waxaanay labada dawladood isku waafaqeen inay ka wada shaqeeyaan sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka mid ah Weftiga Madaxwaynaha ee socdaalka ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka waramay sida loo soo dhaweeyay, Weftiga Madaxweynaha,  waxanuu sheegay in si fiican loo soo dhaweeyay, isla-markaana loo qaabilay sidii Madaxwayne la qiimanayo oo kale.
Afhayeenka oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Madaxwayne Siilaanyo waxa loo soo dhaweeyay Madaxwayne la qiimaynayo sidiisii, taasina waxay sharaf u tahay shacabka reer Somaliland, Madaxwaynaha iyo weftigiisu dareen farxad leh ayay kaga jawaabayaan arintaasi, Safarkana waxa uu ka mid tahay kuwo oo doonayo inuu qadiyadeena ku bandhigo oo uu ku garnaqsanayo si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah, waana taa tau u Madaxwaynuhu u yimid” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Imaatinka Imaaraadka ee Madaxwaynuhu qaranka muhiimad weyn ayay u leedahay”
 
 
HARGEYSA SOMALILAND
 


Mexico oo sharciga isgaarsiinta badashay

0
0

Congresska Mexico ayaa ansixiyay isbadal wayn oo lagu samaynayo isgaarsiinta waddanka, taasoo saamayn doonto ninka adduunka ugu taajirsan Carlos Slim.

Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?!

0
0

Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?!

Astaaq furullaah. Inaan PROF. Axmed Ismaaciil Samatar dhaho ayey ahayd. Illeyn haddii kale wuxuu dhihi doonaa: Mansabkii aan aqoontayda ku gaarana waa la ii quuri waayey! Dhanka kale, waayahan dambe haddaan hadalkaaga eray Carbeed ku jirin, waxa aad sheegtaba waa BAADIL. Haddaan XILDHIBAAN dhihi lahaana, isagaaba ka soo carooday, oo yiri kama soo fasax qaadan, waana ku soo laaban doonaa qodobkane, aqriste, bal ila qabo qormada.

Qof walba oo is weydiin jiray ama aanba is weydiinba XAGGEE SOOMAALIDA LAGA HAYSTAA? Ha ku cibra qaato hadallada Prof Samatar. Waxay soo koobayaan TIIHA lagu jiro inta uu duugan yahay iyo sida uu u daaban yahay. Waliba heerarka uu kala leeyahay iyo sida uu ugu kala daran yahay dadka uu hayo ama uu ku dhici karo.

In badan baan arkay qoraallo laga qoray ILAMA SAMATAR. Ammaan iyo dhaliilba isugu jira, oo waliba qaarkood meelo fog la gaarsiinayey. Anigu sidaa ma samayn doono, oo waxaan isku dayi doonaa, inaan soo bandhigo dood MAANGAL ah. Ma dhahayo CILMIYEYSAN, illeen CILMI asagaa PROF u ehe, oo haddaa adba PROF dood cilmiyeysan la gal, ha kugu daba gaddiyee.

Prof Samatar wuxuu ka mid yahay AQOON YAHANNO badan oo wax ku soo bartay CANSHUURTII umadda, fursadna u helay inay Waddanka gudihiisa ka shaqeeyaan. haddiise dawladdii dhacday, qof walba wixii uu galay ama gooyey la kala ogaa, oo dadkii waxay noqdeen; qof CINDIGA xirtay, oo ku jira: AFKIIBAA JUUQDA GABAY! qof CALOOL hadla, qof CAQLI hadla iyo qof CALEEMO saar hadla.

Kan AAMUSAY laga nabadgal, asna nabadgal. Illeen afkiisa eray kama soo afuufine, isna inaan lagu afuufin ku muday. Waa fara ku tiris oo waa yar yihiin ma la dhihi karaa? Hubaal, illeen afdheeridu waa aafoo dadkeennu uusan ogayne .

Kan CALOOL hadlay, waa mid ay isugu darsoontay saddax cudur, oo kala ah:

XUKUN DOON

XOOLO DOON

XIGTO DOON

Saddaxdaa oo aan u kala dhicin, marba mid ayuu ku DUKAAMAYSTAA. Micnaha hadba tii soconaysa ee suuq leh, ayuu la soo baxaa. Maalin beesha ayuu BOQOR u yahay kuna yahay. Maalin BEESO ayuu boobayaa. Maalin kalana Boorso Wasaarad ayuu bogga ku haystaa. Noloshiisii intaa ayuu ku dhammeeyey, yaa nool yaa dhintay? Xaggee la marayaa iyo xaggee loo socdaa? Midna war uma hayo.

Kan CAQLI hadla, haddii uusan naadir ahayn maba jiro baan dhihi karaa. Yaanan dadka quusin iyagaaba iskood quus u taagane, aan dhaho waa tiro yar oo yar. Heer ay ku gaarsiido in shaki kaa galo, inay jiraan ama la helayaba. Sida loo waayey ayaa wax badan oo la xiriiray loola waayey. Illeen waa qaybta wax badali lahayde.

Qaybta u dambaysa, oo ah kan CALEEMO SAAR hadla. waxaa u cad uun in xil loo dhiibo, mar walbana eegta caleemo saar iyo magac aan jirin.

Qaybtan in kasta oo kuwii hore qayb ka mid ah laga dhadhansan karo, haddana, waxaan ku kala duwi lahaa, kuwani, waxay kuwii hore ku dhaamaan waa; OGAAL iyo ARAGTI. aragti markaan ku leeyahay ha moodin sidii UL SIXIR ah inay gacanta ku hayaan wax weyn, balse, wax uunbaa u qoran una degsan.

Kuwani XILDOONNIMADA waxaa u wehlisa inaysan xayraan ahayn sida kuwii hore. Sidoo kale, waxaysan ku raadin qaabka ay ku soo marto ama lagu helo, oo midda ugu muhimsani tahay inaan BEELAYSI iyo BOOB lagu doonin, kan awood qaybsiga ee afar iyo barta, duruufta iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaase sababay, qofkaan soo maraninna uusan xil helayn, hadduusan helinna aragtiyo badan la maqnaa kara.

Arartaa ka dib, waxaan daawaday qudbo Prof. Samatar jeediyey ka dib markuu ku laabtay Maraykanka oo uu muddaba deganaa. Qudbaddaa dadka qaar waxay ku sheegeen XOG WARRAN. Dad kale, XILLI WARRAN. Dad kale, XABAD WARRAN. Dad kale, XIIQ WARRAN. Dad kale, XIS WARRAN. Dad kale, XANAAQ WARRAN. Intaa iyo inta kale ee lagu macnayn karaba, waxaan jeclaan lahaa inaan dhawr eray ka iraa.

Ugu hurrayn, Prof. Samatar wuxuu ka mid ahaa dadyow dhawr ah oo Muqdisho tagay, nasiibna u yeeshay inay ka mid noqdaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ku jiray raggii u tartamay Madaxtinimada Waddanka, kuse guuldarraystay. Markuu Maraykanka dib ugu laabtay ayaa waxaa ka soo yeeray hadallo aan sidaa u sii buurnayn, ee aqriste, bal ila fiiri.

Inta aanan kuu furin mid baan doonayaa inay kuu caddaato. Ninkii Xamar taga, ee haddana kala soo laabta dhaliil waan garan karaa, ee qofkii Xamar taga, ee kala soo laabta sidaa maxaa loo yeeli waayey? Waxay ila tahay inuu dalbanayo wax aan jirin, illeen magaalo aad ogtahay sida xaalkeedu yahay waxa laga sugaa waa inay koobnaadaan.

Prof. Samatar, wuxuu Madaxda ku dhaliilay inuusan jirin qof booqday xerayaha QAXOOTIGA ee Soomaalidu ku jirto, eek u yaaldadlka Kenya, marka isaga laga reebo. Waa qodob fiican, una baahan in la sii xoojiyo, balse, aqriste, hadalkiisa kale ila sii dhuux.

Magaalada Muqdisha wuxuu ku sheegay inay tahay xero Qaxooti tahay. Muqdisho inay hoy u noqoto Qaxootiga Soomaaliyeed, ma ceebbaa? Sow hadda nama lahayn xeryaha Qaxootiga in la booqdo ayey hayd? Maxaadan u booqan kuwa Xamarta aad sheegtay dhan walba ka deggan? Marka aad Buugga iska mashquulinaysay, maxaadan isugu mashquulin inaad dadkaa wax u qabato, wax la wadaagto ama aad wax u kordhisaba? Ma dhicin.

Magaalada Muqdisha wuxuu ku tilmaamay XASHIISH. Marka laga soo tago eraga uu adeegsaday oo aad u liita, haddana, yaa moog taa? Magaalo 22 sano dagaal sokeeye ku jirtay iyo faragalin shisheeye, miyaad ka sugaysaa inay sida Minnesota oo kale noqoto? Anigu ma garan, Profku waxa uu Xamar ka sugayey, ee ka duwan midda uu ku soo arkay? Taa wali aniga waxbaa iigu laaban. Malaha wuxuu sugayey magaalo khiyaali ah ee maankiisa ka dhex dhisan, taa la waa.

Eraga XASHIISH ee Profku adeegsaday iyo muuqaalka uu Magaalada Muqdisho ka baxshay, waxay ka liidataa, midda uu ka bixin lahaa Wiil ku dhashay UK, ee Abkiis iyo Aabayaashiis afar fac aan waligood tagin Waddanka bannaankiisa, ee mar qura la geeyey Xamar. Haddii loo sheego in Waddankan dagaallo la degeen kuma timaameen tilmaamtaa uu ku suntay Prof Samatar. Aqriste, adba isu eeg labada tusaale.

Midda aan cinwaanka qormada uga dhigay baa ah, in Porfku ka cawday in la dareen siiyey “Reer Waqooyinimo” gaar ahaan intii uu tartanka ku jiray iyo ka dibba. Balse, midda aan ka oranayo waa: Samataroow: Waligaa WAN LA WEYN ma lagu yiri?! Micnaha sida laguu yiri REER WAQOOYI baa inta KOOFUR ka timid loo yiraa WAN LA WEYN, waliba Waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Anigu DOODAA uma ihi Reer Koofur, balse, eraga uu dhibsaday Profku yaananba dhib u arag. Illeen labadaa eray baa meesha taal, mid uunbaana lagu dhihi lahaaye, waliba Prof. adiga waxaa kuu sii dheer, inaad ka soo jeeddo deeganno sheegtay inay Soomaali ka goosteen, adigu inaadan raalli ka ahayn waad sheegtay, haddana, Prof. is aamminaaddii dhammaatay.

Waxaan uga jeedaa, labadii GOOF isla degannadeyd ama BARRIN wadaagtay ayaan dabka kala qaadan, ee adoon Gabilleey tagi karin, haddii lagu yiri, xoogaa naga lug dambeedi, ma ceebbaa ku jaban? Midda kale, marka aad leedahay wax aan kala sheekaysto aan waayey, macnaheedu waxay tahay inaan lagaa diideen, ee malaha aad weysay qof aad isku aragti tihiin ama aad adigu si aan habboonayn u soo bandhigtay aragtidaada.

Midda kale, Muqdisho yaanba wax lagaa dhagaysane, ugu yaraan waa ku soo dhawaysay, ee bal magaaladii aad ku dhalatay bal intaa ka soo hel, ee aan aragno haddii wax is badalayaan iyo haddii kale. Illeen soo dhawayntaaba meel walba lagama helee.

Midda musuqmaaqusa Baarlamaanka, taa cidna caad kama saarnayn, oo waxay ahayd bannaan yaal. Adigu waxaadba gashay Baarlamaanka, ee waxaa la hayaa rag aanba galin Baarlamaanka, ayna hor istaagtay kaliya inuusan bixin laashuushkaa iyo ii dhiibta aad sheegayso. Midda kale, sawta dunidu soo bandhigtay ma ahan ceebtaa ku aaddan maaraynta maalka.

Waddanka Talyaaniga oo ku jira siddeeda Waddan ee ku hormaray dhanka Warshadaha ahna waddanka saddaxaad ee ugu dhaqaalo badan Qaaradda Yurub dhanka tirsiga Musuqmaasuqa wuxuu ka galay kaalinta 71-aad. Haddii Talyaani kaalintaa ku jiro, Soomaali oo sida ay tahay aan ognahay ilamahan inay yahay wax lagula yaabo, waase hubaal inuusan ahayn dhaqan habboon, aqriste, maxaad ka dhihi lahayd?.

Midda kale Profku markuu jagadii uu doonayey waayey ayuu sheekadii dhan ka dhigay in la qabyaaladeeyey! Waa wax caqliga ka weyn in qabyaalad uu ku wareegaysto markii la dooran waayey.

Maslax Maxamed Siyaad wuxuu Jabuuti kula tartamey Sh. Shariif oo codad aad u badan ayuu heley, doorashadii danbana codad kuwii hore ka yar ayuu helay, lagamana hayo inuu yiri waa la qabyaaladeeyey doorashada. Prof. Cadullaahi Axmed Caddow waa la mid oo labo goor ayuu ahaa ninka labaad, haddana doorashadii dambe codad badan ma helin, mana gunuunicn.

Midda dhaqanka la xiriita, Prof. magaalo 22 sano ITIXAAD DACWATU SHAARIC iyo MUXAADARO ku dhex hayey, 8 sano ALSHABAAB xoog ku haystay, dhaqanka aad ka sugee waa kee? Mid CARBEED hubaal, ee mid Soomaali ugu imaan maysid. Marka aad leedahay waxaan waayey meel lagu Baraanburayo iyo in dumarka meel ku xiran yihiin, saw ma ogid in la yiri: DUMARKA CODKOODU waa XAARAAN? Dhanka heesaha, saw ma ogid in heesaha la mamnuucay, oo la diiday in idaacadaha laga sii daayo?.

Dhanka kale, Prof waddanka sidaan uga qaxnay ayaa loogu soo qulqulayey, haddi raggaasi qaybtooda ayey qalqaalsanayeen EE uma imaan Qurbaan iyo Qaloon.

Waxaad dhaliil jeedisaba, haddaadan Madaxweyne Xasanna ku darin waad caymataa, igama ahan inaan nasteexo gaar ah u hayo Xasan, ee ugu yaraan inuusan fara jafjafan baan ka wadaa, oo uu dib u laaban doono. Mid baanse doonayaa inaan Profka weydiiyo, marka laga soo tago in wax lagaa dhagaysan waayey, maxaad ugu dhabar adaygi waysay?.

Saw ma ogid, ummad baddalkeedu inuusan sahlayn, maalin iyo dhawrna qaadanayn, sidaa awgeed, lagaaga baahnaa adooN soo niyad jabin inaad inta guntiga dhuuqsato ee marada xanjeerata aad meel walba wajiga ku diirto. Illeen adaa soo doontee, meeshaad joogtay cidna kaama soo qasbine. Hubaal inaad gaari lahayd yoolkaaga.

Dhanka shaqo la’aanta, profku wuxuu sheegay in Dhallinyaradu aysan shaqayn 70% waa qiyaas sax ah oo aan qofna diidi karin. Balse, waddanka aad ka timid ee Maraykanka ee dunida ugu dhaqaalo badan dhallinyarada aan shaqayn waa 10% Midawga Yurub 10,6% waddanka Grecia 58% Spania 55% Portogallo 36% Italia 36%. Waddamadii warshadaha lahaa iyo dhaqaalaha xooggan ayaan ka sarrayna 30% markaa ma wax nalagu cawryaa mise waa wax lagu caynsho? Prof-ka ayey u taal.

Dhanka kale, sanadkii hore Xafiiska Tirakoobka Maraynka “United States Census Bureau” ayaa soo saaray waddamada ugu saboolsan dunida, kuna sheegay: 1. Haiti 2. Guinea Equatoriale 3. Zimbabwe 4. Congo (Repubblica democratica) 5. Swaziland 7. Madagascar 9. Sierra Leone 10. São Tomé e Príncipe. Soomaaliya laguma darin, oo iyadu waxay ku jirtaa dawladaha fashilmaye.

Midda marna iga nixisay marna iga yaabisay baa ah, mar Pfofku ka hadlayey dhallaanka iyo dhimashada, ayuu sheegay in labaduba badan yihiin. Isagoo eray aan mudnayn ku sheegay ilmaha. Markaasna waa la wada qoslay. Waxa lagu qoslay ma garane, yaan daba QAAWNAAN ku soo korin? Malaha inta qososhay iyo isaga waxaa loo galin jiray XAFAAAYAD? Isma dhihin, oo haddaa maxaa dhallaanka Soomaaliyeed loogu ceebaynayaa wax aysan dambi ku lahayn, kaaga darane la soo wada maray?.

Isagoo sii wato ayuu wuxuu tusaale u soo qaatay waddamada Maraykanka iyo Yurub in dhimadu yartahay oo dadku gaaraan ilaa siddeetan sano. Halka dhankeenna dhimashadu tahay aad uga hoosayso sanad kontamaad. Taa waa sax, mase is waydiiyey Profku in waddamada uu sheegay kontan sano ka hora ay sida aan maanta nahay ahaayen dhanka dhimashada? Hadduu is weydiiyey muxuu isugu jawaabay? Isaga lee waaye.

Hadal malaha faan u ekaa faan ama tookh ayuu ku sheegay inuu uusan ka soo fasax qaadan hoggaanka Baarlamaanka. Taa oo ka dhigan inuu jabshay ballaantii iyo dhaartii uu dusha u ritay kuna damanad qaaday inuu si hufan u fulin doono. Taa ka sokow, haba qaldamee, hadduu qaladkiisii u sheegayo sidii isagoon qaladba galin saw dhib hor leh ma ahan? Kaba sii darane, haddi Profyadii sidan u dhaqmayaan, maxaad ka filan kartaa qabqablaha, mooryaanka iyo beeneelaha? Anigu ma garan.

Qudubkii Prof Samatar oo dhammaystiran mehaan hoose ka muuqso:

http://www.youtube.com/watch?v=_gGY2zZuR3I

Dhanka kale, berigii caddaanka Soomaaliya imaanayeen ayey la yaabeen Soomaalida oo Kaneecada ka shidata dhir la gubay, maadaama Kaneecadu aysan u adkaysan karin ura qiiqa, oo tiraa cudurka DUUMADA waxaa sababa KANEECADA markaa caddaanku waxay lahaayeen dadkan waa dad waalan, dibbaase laga xaqiijieyey cilmi ahaan.

Sidoo kale, ilma xambaarashada qaabka aan anagu u xambaaranno daraasado dhawaanahan la soo bandhigay ayaa lagu caddeeyey inay qayb lixaad leh ka qaadanayso qaab socodka ilmaha iyo luga toosnaantiisa, dabcan ayna ka hortagayso cudur walba oo keeni kara. Sidoo kale, cudurka FURUQ marka uu xoolaha ku dhaco, ee neefku u dhinto ayaa Soomaalidu gubi jirtay, taa oo iyana dhawaan si cilmi ah loo xajiinayey inay qayb ka tahay dabarjarka cudurka si uusan ugu faafin dad iyo duunyaba.

Uma soo qaadan tusaalooyinkan inaan leeyahay Soomaali baa cilmi daadisay, balse, wixii shalay la ahaa ma ahan in loo illoobi waxa jira iyo dadyowga kale sida ay yihiin.

Ugu dambayn. In wax qaldan yihiin lama mooga, haddana, waxaa la yiri: “Majo dhiiqo, midba maraa la siibaaye” inta hadda la gaarayba saw naruuro ma ahan aan shalay la haysan? Maxaa la isu indha tirayaa? Saw ma habboona mar walba inaan tallaabada laga dheerayn hadba tabarta la leeyahay? Miyaan marna laga gudbayn wax jira ma aha iyo waxba ma yaallaan?

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Ariana Delawari oo Muqdisho ka heesaysa

0
0

Fanaaniin adduunka ka kala timid ayaa bandhig faneed ku qabanaya Muqdisho markii ugu horaysay in kabadan labaatan sano.

Falanqeyn: Booqashada RW Saacid ee Kismaayo

0
0

Ra'iisal Wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta lagu wadaa inuu booqdo magaalada Kismayo oo ay uga sii horeeyeen wasiiro ka tirsan dawladda Somalia

Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiillada Oo Su’aalo Ka Waydiiyey Maareeyaha Wakaalada Laydhka Hargeysa Eedaha Loo Jeediyey

0
0

Maareeyaha Wakaaalada Laydhka Hargeysa Weli Axmed Aadan (Xaawo) ayaa faahfaahinka iyo warbixin  ka bixiyay Musuq maasuq la sheegay in uu ka jiray Hay,adda Korontadda Laydhka ee uu Maareeyaha ka yahay oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland md Axmed Siilaanyo uu Guddi ka soo warbixisa u saaray Wershadaasi laydhka ee Hargeysa.
 
Maareeyaha Wakaaalada Laydhka  Hargeysa Weli Axmed Aadan (Xaawo)  oo maanta Guddida joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland Wakaaladda Warbixinka horjeedinaayay waxa kale oo uu ku Eedeeyay inay Fasax khasab ah ku yidhaahdeen gal oo meesha kagaga maqnaw,waxana uu sido kale ka hadlay Kharashaadka xad dhaaf ah oo ay Dawladda ku leedahay Hay,adda Korontadda Dawladdu iyo Lacago Shidaal oo sharkado gaar loo leeyahay oo uu sharaxaadka bixiyaya Maareeyuhu sidii loogu yeeshay lacagtaasi.
Maareeyaha Wakaaalada Laydhka  Hargeysa Weli Axmed Aadan (Xaawo) oo arimahasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Wershada Laydhka waxa Xilkeeda laygu wareejiyay 19/4/2012 marka bishaasi Abril hawsheeda shaqo way socotay oo 11 Cisho ayuunbaan la sojoogay marka May ayuunbaan caadi ula wareegay shaqada,halkana waxa aan idiinku soo Gudbinaya wixii dakhligeeda aha iyado dhamaystiran,waxa laysku Eedeynayay Dayn iyo hawlo shaqo oon la qaban waayay,marka waxa aan halkan idinka codsanlaha in aad halkaas tagtaan ileen Combuterka waxa ku jirta Cadeyntii iyo Data-dii iyo Macluumaadka muhiim ah oon ubaahanahay ee,oo bilwalbana lahaanshaba igama hadhin markii hore Wershadda laydhku waxa ay dalaci jirtay 350-Milyan halka imikana aanu ka dalacaynay 950-Milyan halkan (Waraaqda) ayaadka eegaynaysa Data-deeda Sanadkii 2011, intii ka danbeysay 2012-kana waatan wixii Kharashaan dalacay iyo sidii loo isticimaalayay waxana iga hadhi jiray wax 5% ka yar “
 
Maareeyaha Wakaaaladda Laydhka Hargeysa Weli Axmed Aadan (Xaawo) mar uu ka hadlayay Lacago ay dawladda  Shirkadda Laydku ku leedahay waxa uu yidhi“Dawladda wuu ku hadhayay oo halka qabad Carqabad ayaa halka iga  haysatay waxanay ahayd halkii kharashka naga jari lahayd,maanta intii ay hawsha la wareegeen waad qiyaasi karta waxa ay Wershadda gacanta ku hayeen mudo gaadhaysa 5 Bilood ah,waa la weydiindoona in wax lagu leeyahay iyo inay Isbixisay waa halka laga soo tusaalo qaadan karo,waxa aan dawladda ku laha $681-tan Kun oo Doolar ayaan ku lahayn oonu ku soo dalacnay Dawladda anigana waxa ay igu lahayd Shirkadda Shiraaqle $156-tan kun oo Doolar oo iyaduna sidii ay u yeelatay ay idiin cadahay,Shirkadda Hass Betrolain oo iyana nagu lahayd $135-dan kun oo Doolar oo sida la haashaheeda iyo sii ay u hadhaysayna watan halka ku qoran,marka waxa aan idiin sheegaya in sheegaya in aan meesha ugu imid anigu ee aanay ahayn mid aniga igu soo hadhin”
Maareeyaha Wakaaaladda Laydhka  Hargeysa Weli Axmed Aadan (Xaawo) oo ka hadlayay Horumarka ay ku talaabsatay Shirkadda Korontadda Laydhka intii uu joogay waxa uu yidhi“Xaafad walba xafiis ayaan ka furay si aan ula tartamo adeega dadweynaha ee Shirkaddaha Bareefadka ah oon ugu jawaabayo dadweynaha Macmiisha,meeshu ha ahaato Xafiis dawladeed laakiin waa meel ganacsi oo qof kasta wuu kuu imanaya waxa uu ku odhanaya $40 doolar ayaa lagulaha ee $10-ka ha laygu lahaado marka o dhanayo qabta oo xidha ee waan ka sugaya inta uu hayana waan ka sii qaadanaya,waa halka ay imika ka laa laabatay Hay,adda Korantadu oo qofkasta Xidha oo qabta ayaa la leeyahay,anigu markii aan Meesha imid waxa Huteeladda XARAF iyo Emperial ku jiray Laydhadh Xaraf oo waxa loogu tala galay in Meesha laga saaro Laydhka Dawladda oo dadkii wax haystayna marka horeba waa la hantiyay laakiinse imika ilaa iyo intii aan Meesha imid waa la soo koobay waxa aanu laydhka gaadhsiinay Afarta koone ee dawladda.marka koley Hay,adda Korontadda Ceebayn badan ayaa loo gaystay oo waydinkii Warbaahintaba ka arkayay Wershadda Laydka oo Musuq maasuq iyo Istaba marin laga sameeyay waxaas waynagii arkaynay.
 
Weli Xaawo waxa uu intaasi raaciyay“Halmaalin inta lay yeedhay lama odhan waxaasi waa sidee iyo maxa si noqdaytoona ee sidii aan Xafiiska u joogay ayuunba lagu hirdamay meeshiiba,kolka Geel layska qaado ayaan arki jiray ee Xafiis layska qaada waa wax nagu cusub oo arin cusub ayay nagu noqotay,waxanay ahayd in sidii na loogu wareejiyay aanu ugu wareejino markii anaga Xasaanadayadii lagu tuntay ee meel
 
 

Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Go’aamisay In Dib Loo Tiriyo Codadkii Doorashadii Dalkaasi, Xilli Maanta La Filayo In La Dhaariyo Uhuru Kenyatta

0
0

Maxkamada sare ee dalka Kenya, ayaa go’aamisay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacay Dalkaasi horaantii bishan.
Fadhi ay yeelatay Maxkamadda sare ee Kenya oo maalmihii u dambeeyey ku hawlanayd dacwado iyo cabashooyin ay hor geeyeen isbahaysiga Cord ee uu hogaamiyo murashaxa ka biyo diiday natiijadii doorashada Kenya Raila Odinga, ayaa sheegtay in ay go’aan ku gaadheen in ay dib ugu noqdaan tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii dalkaasi ka dhacday ee la sheegay inuu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.
Sidoo kale, Guddiga doorashada ee Kenya, ayaa iyaguna geeyey Maxkamada codsi ay ku dalbanayaan in meesha laga saaro dacwadaha Raila Odinga, iyaga oo sheegay in eedaymahiisu aanay ahayn kuwo ku salaysan xaqiiqada.
Guddiga doorashada ee Kenya, ayaa ku dhawaaqay dhawaan natiijadii doorashada Dalka Kenya, iyaga oo sheegay inuu Uhuru Kenyatta ku guulaystay doorashadii dhacday dalkaasi, halka Raila Odinga oo ah musharrixii soo labeeyay xagga codadka ayaa labaduba sheegay inay ku qanci doonaan go’aanka ay Maxkamada sare ka gaadho dacwadaha doorashada.
Isqabqabsiga dhanka sharciga ah ayaa dib u dhigay xafladii lagu dhaarin lahaa madaxweynaha cusub ee la doortay Uhuru Kenyatta oo lagu waday inay qabsoonto 26-ka bishan.
 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar Sheegayna in uu la kulmi doono M/waynaha Somaliland oo hada ku sugan Imaaraadaka Carabta

0
0

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar Sheegayna in uu la kulmi doono M/waynaha Somaliland oo hada ku sugan Imaaraadaka Carabta

Mudaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, madaxweynaha oo mar la hadlaayay Radiyo Muqdisho ayaa sheegay madaxweynaha intii aanu dalka ka dhoofin in uu ka soo qeyb galayo shir ay yeelanayaan madaxda wadamada Jaamacada Carabta kaas oo ka dhacaya magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Sidoo kale madaxweynaha waxa uu sheegay in kulanka uu ka qeyb galayo uu ka soo jeedinayo khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya iyo hormarada ay gaadhay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mudada uu ku sugan yahay dalka Qadar uu kulamo la qaadan doono madaxda dalkaasi si loo amba qaado heshiisyo ay horay u gaadheen mas’uuliyiinta dowladaha Soomaaliya iyo Qadar.
Dhinaca kale Madaxweynaha soamaliya Xasan ayaa sheegay inuu soo mari doono dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Axmad maxamed maxamuud Siilaanyo, iyagoo ka wadahali doonaan labada dhinac kulamdii u socday ee la xidhiidhay Sidii la iskula meel dhigi lahaa Ismariwaaga Koonfurta iyo Waqooyiga waxana lafilayaa in ay dhex dhaxaadiyaan Dawlada Imaaraadka Carabta oo hadab uu joogo M/waynaha Somaliland AXMED MAXAMED SIIRANYO iyo Wafti balaadh oo uu hogaaminayay.
Source-Gebileynews


Jasiirada Cyprus Oo Laga Badbaadayey Burbur Dhaqaale Oo Ku Habsada Iyo Lacago Dayn Ah Oo Midowga Yurub Gu Yaboohay

0
0

Midowga Yurub iyo Dawladda Cyprus, ayaa gaadhay  heshiis lagu badbaadinayo dhaqaalaha dalka Cyprus oo maalmihii u dambeeyey ay soo food saareen dhibaatooyin aad u ba’an halis geliyey nidaamka dhaqaale ee dalkaasi.
 
Wada hadalo muddo dheer qaatay oo ay isku wajaheen masuuliyiinta Dawladda Cyprus iyo Wasiirada maaliyadda ee Midowga Yurub oo ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub, ayaa aakhirkii lagu guuleystay inay heshiis dhaqaale wada gaadhaan kadib wadahadalo dheer oo qarka u fuulay in dalka Cyprus isaga baxo Midowga Yurub.
Jasiirada Cyprus oo ay lasoo daristay dhaqaale xumo isla markaana xiligan u baahan in gargaar dhaqaale ay ka helaan Midowga Yurub, ayaa ogolaaday sharuudihii Midowga Yurub ku xidhay dhaqaalaha la siin doono dalkaasi.
Waddanka Cyprus ayaa si weyn uga soo horjeeday sharuudaha adag ee Midowga yurub ku xiray mucaawinada dhaqaale, iyagoo mar sheegay inay isaga baxayaan suuqa Midowga Yurub iyo isticmaalka lacagta Yuro.
Heshiiskan dhaqaale ayaa ah mid lagu badbaadinayo dhaqaalaha dalka Cyprus, balse waxaa hubaal ah in shacabka dalkaasi culeys weyn oo dhaqaale soo foodsaari doonto sanadaha soo socda.
Qodobada heshiiskan waxaa kamid ah in albaabada loo laabo Baniga 2aad ee ugu weyn dalkaasi ee Laiki Bank, halka dhamaan macaamiishiisa loo wareejiyey Bangiga (Cyprus Bank).
Sidoo kale dadka ay u taalay Bangiyadaasi lacag ka badan 100 kun oo euro in lacagtooda la hakin doono isla markaana lagu soo rogayo canshuuro xad dhaaf ah taasi oo dhico karta inay ku waayaan lacagtooda in gaadhaya 40%.
Dadka iyagu bangiyadaasi u yaaleen lacag ka yar 100 kun oo Euro, ayaan wax saameyn ah ku yeelan doonin canshuuraha la dul saarayo dadka lacagta ku kaydsaday Bangiyada dalkaasi Cyprus.
Jasiirada Cyprus ayaa waxaa lacag badan u taalay Taajiriinta dalka Ruushka iyo Serbia, kuwaasi oo dalkaasi lacagtooda dhigan jiray maadaama aan wax cashuur ah laga qaadi jirin, go’aanka Midowga Yurub uu sharuudaha ugu xidhay in cashuur la dulsaaro lacagahaasi ayaa waxaa hore si weyn uga carooday dalka Ruushka oo ku tilmaamay sharuudaasi mid lagu boobayo xoolaha u yaal muwaadiniintooda Bangiyada dalkaasi Cyprus.
 

“Benzema Waxa Haysta Kalsooni La’aan, Spain-na Waanu Ka Badi Doonaa” Ribery

0
0

Weeraryahanka xulka qaranka Faransiiska iyo Kooxda ka dhisan dalka Germany ee Beyr   ayaa sheegay in ay kalsooni daro xumo hayso Xidiga ay isku Waddanka yihiin ee u ciyaara Kooxda Real Madrid Karim Benzema, xilli ay isu diyaariyaan in ay kulan adag isku wajahaan xulka Difaacanaya Koobka Adduunka ee Spain.
 
Franck Ribery oo shalay axaddii u waramayey Barnaamijka ciyaaraha ee Telefoot, waxa uu qiray in ciyaarahanka Benzema ee ay isku xulka yihiin ay khibaradiisii soo food saartay  shaki badan, balse uu weli doonayo inuu dedaal muujiyo. “Wakhtigan xoogaa wuu yar shakisan yahay, laakiin wuu u dedaalaa xulka, waxaanu u baahan yahay taageeradayda iyo ta Kooxda” Ayuu yidhi  Franck Ribery
Franck Ribery waxa uu sheegay in ay rajaynayaan in ay ka badiyaan xulka Spain oo habeenka Salaasada ay wada ciyaari doonaan, waxaanu xusay in ay kalsoonid badan ka qabaan in ay si nwacan u ciyaaraan, isla markaana ka badin doonaan.
 
 

Halyeyga Kubadda Cagta Pele Oo Wax Lagu Farxo Ku Tilmaamay In Wiilka Uu Dhalay Xidho Funaanadii Kooxdiisii Hore Ee Santos

0
0

 
 
Halyeyga Kubada cagta ee reer Brazil Pele, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in wiilka da’da yare e uu dhalay ee lagu magacaabo Joshua uu xidho Funaanada Kooxdii uu yaraantiisii u ciyaari jiray ee Santos.
Pele ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter ku qoray in wiilka uu dhalay ee Joshua u ciyaaro Kooxda da’doodu ka yartahy 17 jira ee Kooxda Santosa ay farxad gelinayso, madaama oo uu hore Kooxdaasi ugu soo ciyaaray, waxaanu ku qoray Boggiisa “Waa Farxad weyn inuu wiilkayga Joshua uu xidho garanka ama funaanada Kooxda Kubadda cagta ee Sontos ee da’doodu ka yartahay 17 jirka.”
Halyeyga Kubada cagta ee reer Brazil Pele ayaa in ka badan 1000 u dhaliyey Kooxda Sontos wakhtiyadii uu kooxdaasi u ciyaari jiray , isaga oo si weyn loogu aqoonsan yahay inuu yahay ciyaaryahanka ugu weyn ee kooxdaasi soo maray inta taariikhda la xasuusan yahay.
“Waa wax lagu farxo in aan arko Wiilkayga oo u ciyaaraya Naadigaygii” ayuu yidhi Pele mar kale.
Pele waxa uu heshiis la saxeexday Kooxda reer  Brazil ee Santos, markii ay da’diisu ahayd 15 jirka, waxaanu noqday ciyaaryahankii ugu yaraa eek u Guuleysta Koobka Adduunka, wakhtigaas oo da’adiisu ahay 17 jir.

Tacsi Tiiraanyo Leh Marxuun C/qaadir Boorle Jaamac Awaare Oo ku Geeriyooday Bosaaso

0
0

INAA LIHAAH WAINAA LILAAH RAAJUCUUN WAXAANU TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAYNAA HADAANU NAHAY BAHDA BURAAN NEWS ALLE HA U NAXARIISTEE DADKII UU KA TAGAY MARXUUN CABDIQAADIR BOORLE JAAMAC AWAARE OO AHAA QOF KU WAYN DEEGAANADA GOBOLKA SANAAG IYO HAYLAND GOBOLKA OO DHANNA CAAN KA AHAA  WAXAANU LEENAHAY ILAAHAY JANA FARDAWSA HA KA WARAABIYO ANAGANA SAMIR IYO IIMAAN  HA NAGA KAASIIYO  AAMIIN ,AMIIN ,AMIIN
Magacyada Diraya Tacsida
maxamed cabdi nuur saalax
hooyo cibaado xaashi
faadumo cawil xaashi
samiiro xasan gaani
amiin cabdiraxmaan siciid
deeq cabdiraxmaan siciid
ifrax cabdiraxmaan siciid
axmed cabdi shire iyo xaaskiisa
muxiyadiin maxamed ciise
Pf cali ducaale cali qaayib iyo caruurtiisa
cumar ducaale cali qaayib xaaskiisa caruurtiisa
cismaan ducaale cali qaayib iyo xaaskiisa ,caruurtiisa
bile cabdi ducaale iyo xaaskiisa caruurtiisa
amina cabdi ducaale xaaskiisa caruurtiisa
shamis ducaale cali qaayib xaajigeeda iyo caruurteeda
axmed ducaale cali qaayib xaaskiisa caruurtiisa
cabdulaahi yuusuf warsame
abdi khaliif yuusuf warsame
mustafe yuusuf warsame
maxamed maxamuud siciid eenow
maxamuud xaamid
cabdiraxmaaan cabdalle
maxamuud xuubey
jaamac xuubey
axmed cumar dhonge
maxamuud cali cabdi qodob
muuse cali shabeele
xayaad siciid xasan raage
axmed cabdi shire
 
 
abdirsaaq xasan cilmi
faarax xuseen cilmi
axmed cabdi faarax gunburi
muuse cabdi faarax gunburi iyo xaaskiisa caruurtiisa
IYO DHAMAAN BAHDA BURAAN NEWS.COM

fikirka khawaarijta, sifaatkooda Iyo kooxaha ku saamoobay Part 2 By sh Umal

Muxaadaro Dhismaha Qoyska Maxaa Laga Wadaa By Sh Abuu Dhalxa

nadwo_maxaa_loodilay_sh_abdulqadir_allaha_dile_kuwidilay


Dhegayso: Maamulka iyo Shaqaalaha Xarunta DaryeelkaDarbi jiifka Hargeysa oo ka cabanaya Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada

Shabaab oo ku faanay in ay ciidamo badan oo katirsan AMISOM ay ku khaarijiyeen Sh. Hoose

0
0

Afhayeenka Ciidanka Shabaab Sh. Abuu Muscab ayaa waxa uu u sheegay saxaafada afka Shabaabka ku hadasha in weerar ay ku qaadeen Saldhig AMISOM ku leedahay Nawaaxiga deegaanka Lambar Lixdan ee shabeellada Hoose halkaas oo dagaal culus kadib ay ku dileen ilaa 10 ka mid ah Ciidamada Shisheeyaha ah ee AMISOM.
Weerarkaasi waxa uu sheegay Abuu Muscab in sidii qorshugu ahaa uu u dhacay isaga oo shaaciyay in uu dhacay dagalkaasi saqdii dhexe ee habeenkii Talaadada.
AMISOM wali kama hadlin Sheegashada Shabaab ee ah in ay 10 askari uga khaarijiyeen Sh. Hoose kadib dagaalkii habeenkii Talaadada.
Dhanka kale waxa uu sheegay afhayeenka ciidamada Shabaabka in ay qaraxyo todoba ah ay ku weerareen Kismaayo shalay kadib safarkii Saacid, isaga oo intaa kudaray in weeraradaasi ay qasaaro badan ugu geesteen kooxihii bartilmaamedu ahaa qaarkood.
Waxa uu sheegay dhamaan weeraradaasi ka dhacay Kismaayo in ay ugu tala galeen in ay ku hor istaagaan waxa uu ugu yeeray fowda uu ku sii badinayo Saacid ismari waagii markii horaba ka taagnaa magalada Kismaayo ee xarunta gobalka  J/hoose.

Faa faahin naxdin leh oo ka soo baxeysa Gabar Maseyr dartiis u haligtay Nafteda.

0
0

Dad goob joogayal ah oo ku sugan xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ay ku waramayaan in gabar Soomaaliyeed oo dhalinyara ah ay cabtay sun ,taaso keentay in gabadhaas ay geeriyooto.
Waxaa la soo warinayaa in marki ay soo iibsatay Sunta ay lagashay meel cidla ah si aan loo arkin kadibna waxaaay isticmaashay Sunti waana geeriyootay ,waxaana gabadhaas da’deeda lagu sheegay 19 sano jir,ku nooleyd xaafadda Isli ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sababaha ay gabadhaan nafteeda u haligtay ayaa dad ka deegaanka waxaa ay ku micneeyeen” in ay Maseyr dartiisa waxaan oo dhan ay u sameysay” sidoo kale gabadhaan ayaa aqalgalkeeda ama guurkeeda uu cusbaa ,iya doo ay taa jirtana u ninkeedi gabar kale guursaday taasoo keentay in gabadhaan ay geeriyoogo.
Goobta gabadhaan ay ku geeriyootay waxaa durbadiiba gaaray Ciidamada Police-ka ee dalka Kenya,waxaana halkaas ay ka kaeysteen Ninki gabadha qabay iyo ehelkeeda su’aalooyin kadibna Police-ka wey soo daayeen dad kii ay qab qabteen.
Arimahaan ayaa intabadan waxaa ay ka dhacaan dunida ,inkastoo gabdhaha maseyrka isku dilo ay badankood yihiin gabdho Somaliyed,waxaana arintan ka muragooday dad badan oo islii ku sugan.

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in la taageero Somaliya ,kadib War murtiyed ka soo baxay Shirkii Qadar.

0
0

Iyadoo dalka Qadar lagu soo gaba gabeeyay Shirki ay isugu yimaadeen Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa gaba gabada Shirkaas waxaa laga soo saaray War murtiyeed ku aadan in la taageero dalka Somaliya.
War murtiyed kas ayaa lagu taageeray sidoo kale Nabadda ay Ciidamada AMISOM ka dhaliyeen dalka Somaliya sida lagu qoray ,waxaana ay Jaamacadda Carabta ugu baaqday beesha Caalamka in lataageero dowladda Somaliya oo hadda ah dowladda ka baxday KMG nimo.
Waxaa Sidoo kale lagu muujiyay in ay taageero xooggan ay Jaamacadda Carabta u heyso dowladda Somaliya oo kamid ah Ururka Jaamacadda Carabta , iyadoona uu Shirkaas goob jog ka ahaa Madaxweynaha Somaliya oo halkaas khudbad u kaga hadlaayo xaaladda Somaliya halkaas ka jeediyay.
Sidoo kale Shirkaas ayaa waxaa looga hadlayay xaaladaha Wadamada Siiriya iyo Falastin oo iyagana kamid ah dowladaha Islaamka oo dhibaatada ay hadda ka jirto.
 

Human Rights Watch oo sheegtay in Barakacyaasha Muqdisho ay la kulmaan xadgudubyo dhanka galmada ah.

0
0

Human Rights Watch oo ah hay’adda xuquul insaanka u qaabilsan QM ayaa waxaa ay ka soo saartay In Barakacyaasho ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya ay xilligaan heysato dhibaato xooggan oo dhanka galmada ah.
“Barakacyaasha ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay marwalba lakulman xad gudubyo dhanka galmada ah oo ay kala kulmaan rage ku lebisan dharka Ciidanka dowladda” ayuu lagu yiri ka soo baxay hay’adda Human Rights Watch.
David Mepham oo ah agasimaha Xuquuqa aadanaha ee dalka Biriten aya sheegay in arintan ay ku ogaadeen Baaritaano ay Sameeyeen hay’adooda, waxaana sidoo kale David Mepham uu sheegay in horjoogayaasha kaamamkaas ay xiriir la leeyihiin raga kufsiga u geysta haweynka Barakacyaasha ah ee degan kaamamkooda.
Hadalkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan Wariye Somaliyeed lagu xiray wareysi uu la yeeshay haweney la sheegay in la kufsaday

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live