Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Digniinna laga soo saaray fatahaad uu sameeyo wabiga Jubba iyo qax ka bilaawday deegaanada u dhaw

$
0
0

Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay ka cabsi  qabaan fatahaad uu sameeyo wabiga Jubba ee mara degmada Luuq kaddib markii uu wabigu keenay biyo aad u badan oo sababsaday roobabka curtay.
Guddoomiyaha degmada Luuq, Cabdullahi Kureedow,xaqiijiyay  in beeralayda ay wabiga ka qaateen matoorradii ay beeraha ku waraabsan jireen, kaddib markii biyaha wabiga ay kordheen, si ay uga fogaadaan Qatar soo wajahda.
Cabdullahi Kureedow ayaa waxa uu intaa kudaray in qoysas badan ay ka barakaceen degmada qeybah wabigu uu kamaro si taxadarka ay u badiyaan, waxa uuna intaa ku daray in qolyaha kale ee degmada Luuq ku noolna in ay taxadarkaasi oo kale muujiyaan.
Inta badan xilliyada roobka ayaa deegaanada qaar ay maraan wabiyada Jubaa iyo Shabeelle waxaa ay ka geestaan dhibaatooyin badan kadib marka ay ku fatahaan.


Daawo Sawirada lamaanaha ugu cajiibka badan dunida oo cunaya cashadoodii ugu horeysay kadib markii ay aqal galeen.

$
0
0

Waxaa dhawaan lasoo bandhigay  sawiro lagu  tilmaamay in ay yihiin wiil sideed jir ah oo guursaday haweeney 61 sano jirta si aad ahna ugu faraxsan in uu lanoolaado xaaskiisa
Sida uu qoray wargeys kasoo baxa dalka Ingiriiska wiilka yar ee sideed jirka ah ee lagu magacaabo, Sanel Masilela, ayaa da yaraan waxa uu ka qabo, labadiisa lugood dhulka la gaadhi waayay, habeenkii ugu horaysay ee uu xaaskiisa la qaadanayay cashadii kowaad ee ay gurigooda ku wada cunaan waxaana sawirku muujinayaa isga aoo cagahiisa kor u soo qaadaya ,maadama uu gurihgiisa dhex jooganaa aan kaba illaneyn.
Wiilkan yar ayaa toban cisho wakhti laga joogo loo guuriyay haweenay 61-Jir ah oo lagu magacaabo, Helen Habanga, taas oo leh ilaa shan carruur ah oo xilligii hooyadood wiilka yar loo guurinayay goob joog ahaa kana mid ahaa dadkii u sacab tumayay arooska cusub ayaa waxa uu sheegaay in uu wax barashadiisa sii wadayo uuna guur kale lagelayo gabar isaga ku fac ah marka uu gaaro xiliga ku haboon in uu galo guur kale .
Arooska lamaanahan ayaa xaflad wayn loogu qabtay magaalada Tshwane ee dalka Koonfur Afrika, sida dadka u ehelka ah iyo xaaskiisa lafteedu sheegtay wiilkan aadka u yar ayaa durba soo dareemaya masuuliyada qoys ee uu dusha u ritay.
 

R

20 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka Somaliya oo manta gaaray Magaalada Jowhar

$
0
0

Qaar kamid ah Wariyaasha ku sugan magaalada Jowhar  ayaa soo sheegaya in Maanta Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somaliya ay manta gaareen Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobalka Shabeelada hoose.
Xildhibaanada ayaa inta ay galin Magaalada Jowhar waxaa ay ku hakadeen deegaanka Kongo oo u dhow magaalada Jowhar ,halkaasoo ay ku soo dhaweyeen dad aad u farabadan oo ka tirsan dad ka dega Shabeelada Dhaxe.
Goor dhow ayaa xildhibaanadaas waxaa ay gaareen Magaalada Jowhar ,waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo kan Gobalka Shabeelada dhaxe ,iyadoona ay siweyn loo adkeeyay amaanka Magaalada.
Warar ka ayaa shegay in xildhibaanadan manta tagay Jowhar ay horo dhac u noqonayaan Masuuliyiinta Sar sare ee dalka oo booqon doono Gobalka Shabeelada dhaxe.
Sababaha ay xildhibaanadaas u gaareen Jowhar ayaa lagu micneeyay in ay soo indha indheeyaan xaaladda Magaalada Jowhar si ay u kormeeraan amaanka Gobalka gaar ahaan Degmada.

Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo la falayo inay goordhow dalka ku soo guryo noqdaan

$
0
0

Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa la filayaa inay goordhow soo gaadhaan Magaalada berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo ay ka soo degi doonaan madaarka magaaladaasi, ka dib markii ay soo dhamaysteen socdaal shaqo oo maalmo qaatay oo ay ku tageen Dalka Imaaraadka carabta.
 
weftigan Madaxweynah ee la filayo inay goordhow soo gaadhaan dalka ayaa waxa ku wehelinaya madaxweynah xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo marwadiisa, waxaanay marka ay berbera ka soo degaan uga soo gudbi doonaan dhinaca hargeysa ee xarunta somaliland.

Ra’isal Wasaaraha iyo Wafdigiisa oo Kulan La isku Mari La’yahay Kismaayo Kula Leh Raaskaambooni

$
0
0

Kismaayo (Sh.M.Network) Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Kulan La isku Mari la’yahay waxa uu Magaalada Kismaayo kula leeyahay Masuuliyiinta Maleeshiyaadka Raaskaambooni.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose wararkii ugu dambeeyay ee haatan Laga helayo waxa ay Ku waramayaan in kulan uu Ka socdo Hoteelka La yiraahdo Tawakal kaasi oo ay Leeyihiin Masuuliyiinta Raaskaambooni iyo Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Ururka Raaskaambooni ay soo Jeediyeen in  Masuuliyiinta Dowladda ay Ku casuumayaan Shirka Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka ee ka dhacaya Magaalada  Kismaayo islamarkaana Dowladdu ay Marti ka noqoneyso Maadaama ay ku andacoonayaan in dadka Degan Jubbooyinka iyo Gedo ay Sameysan Karaan Maamul.
Dhanka Ra’isal Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa La sheegay in iyana ay soo Jeediyeen in Maamul U sameynta Jubbooyinka Loo Madax baneeyo Dowladda Soomaaliya Iyadoo Ra’isal Wasaaraha uu Carabka ku dhuftay in Maamullo KMG ah ay u sii dhisayaan Gobolladaasi Jubbooyinka inta haatan ay ku suganyihiin Halkaasi.
Goobta ayaa La sheegay in ay ku sugnaayeen qareeno ka socday Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo Kuwaasi oo ku doodayay iyana in qodobada ku qoran Dastuurka ay yihiin Kuwa qaldan.
Saraakiil AMISOM ka tirsan ayaa Madasha Goob Joog ah ,Wakiillo Midowga Afrika ka socda ayaa ku sugan waxaana wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi aan ka heleynayo ay Tilmaamayaan in kulanka La isku Mari la’yahay

Sargaaal Eritrean ah oo kamid ah Al-shabaab oo la maxkamadeeyay.

$
0
0

Maxkamad ku taala wadanka Maraykanka ayaa xukun 9-sano ah ku riday sargaal sare oo kasoo jeda wadanka Eretria isagoona lagu soo eedeyay danbiga taagerada uu siiyey Al-shabab.
Maxamed Ibrahim Maxamed ayaa lagu magacaba muwadinkaasi swedan ayuu ku nolaa waxana laga soo qabtay gudaha wadanka Nigeria sanadii 2009-ki.
Waxa uu taba bar lasoo qaatay Al-shababka hubaysan e Somalia iyo in uu ka saaciday shirqoolo badan.
Wasarada arimaha dibada Maraykanka ayaa liiska argagexisada ku dartay Al-shababka Somalia waqti hore.

War Deg deg ah: AMISOM oo ku dhawaaqday In ciidamo kasocda Sera lone ay imaanayaan Dalka Soomaaliya.

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya  ka howl gala, Cornel Cali Homad, oo saxaafada shir ugu qabtay gudaha saldhiga ugu weyn  AMISOM ay Soomaalida kuleedahay ee Xalane ayaa waxa ay daaha karogtay in maalma kadib dalka Soomaaliya ay soo gaarayaan ciidamo kamid ah AMISOM oo ay soo direyso dowlada Searlone oo kamid ah dowladihii horay u balan qaaday in ay Soomaaliya ku caawineyso ciidamo nabad ilaalinta kashaqeeya.
Cali Xumad masheegin tirada saxda ah ee  ciidamadaasi hasa yeeshee waxa uu si aad ah ugu celceliay in laqiyaasayo 300-400 oo askari kuwaas oo lafilayo in ay kahow geli doonaan koofurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Seralone  waxa ay kamid tahay dowlada Afrikaanka ah ee horay u balan qaaday in ay dalka Soomaaliya u soo diri dooonaan ciidamo ku howl gala magaca midawga Afrika oo nabada ka shaqeeya.
Afhayeenka ayaa shirkiisa ku seegay in ciidamadaasi ay soo gaarayaan Soomaaliya bilawga bisha April ee labada maalin ay naga xigaan, waxa ayna noqonayaan dalalka Soomaaliya ay ciidamada magaca AMISOM ku holw gelaya ay ka joogaan, Djibouti, Kenya, Uganda iyo Burundi, iyada oo ay intaa dheeryihiin in dalal kale  ay u soo direen Soomaaliya ciidamo Polce ah oo iyana howl galka AMISOM  qeyb ka ah.

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Hogaamiye Nelson Mandela oo la dhigay Isbitaal kadib markii …

$
0
0

Madaxweyahii Hore Ee Dalka K/afrika Nelson Mandela Ayaa Mar Kale isbital la Dhigay Kadib Markii Xanuun Uu Dareemay ,
Warbixin kasoo baxday Xafiiska Jacop Zuma Madaxweynaha hadda talada haya ayaa waxa lagu sheegay maanta oo khamiis ah in xaalada Nelson Mandela ay tahay mid kasoo wanaagsananeysa kadib dhaqaatiirta ay sheegeen in la daweynayo.
Xanuun Dhanka Sambabada Ah Ayuu Nalsan Mandela La Tiicaya iyado markii seddexaad la dhigay Cusbitaalka si loo hubiyo halka uu marayo dhaq dhaqaaqiisa ugu dambeeyo caafimaadkiisa.
94 sano jirkaan dalka K/Africa magaca iyo maamuuska ku dhex leh waa Nelson Mandela ayaa waxa uu yahay mid la xanuunsanayaan dhamaan dadka waddankaasi udhashay oo doonaya inuu caafimaad helo.
Ehelkiisa ayaa waxay sheegayaan in Mandela waayadaan uu yara wanaagsanaa hayeeshee shalay Arbacadii mar kale si xun loo qabtay taasi oo sababtay in cusbitaal loola cararo walaw hadda ay kasoo reyneyso xaaladiisa.
Qaar Badan Oo Kamid Ah Dadka Madow Ee K/Afrika Ayaa Wadnaha Farta Ku Haya Iyago Si Aad Ah Ugu Deeyrinaya Halyayga Reer K/Afrika Nelson Mandela Xanuunka So Lab Labtay Ee Dhibka Ku Haya Waxana Ay Ku Dhawaqeen Inay U Duceeyn Donaan Una Dukan Donaan Si Uu Xanuunka Haya Ugu So Kabsada,
Nelson Mandela Ayaa markii ugu danbeysay uu dadweyne hor yimada waxay aheyd 2010 finalki xiyaraha aduunka ee koofur afrika lagu qabtay, waxana xiligas wixii ka danbeyay uu u dhexeeyay Magalada johannesburg iyo degaanka Quna oo hoygiisa ku yaala ee gobolka Easten cape iyado xaladisa ay tahay mid aan wanagsaneyn
Nelson Mandela Waa Cilmaani aan diina heysan Kirishtan iyo Islaam midna waxaase uu sheegaa Mandela inuu la dhacsan yahay dhaqamada ay sameeyaan dadka Islaamka ah isagoo sidoo kale lagu xasuusto inuu yahay shaqsi somalida aad ujecel markii xilligii Xabsiga uu ku jiro 27 sano isaga uu booqday Madaxweynhii Kacaanka Somaliyeed allaha unaxariistee Siyaad Barre.
Omar Kiyow
K/Afrika


Sir Culus oo aan kahelnay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Kuna Aadan Cida Loo Magacaabi Doono Jago Culus

$
0
0

Warar laga helay ilo wareedyo xogogaal ah iyo caddeyn qoraal ah ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Xasan Sheikh uu warqad u qoray dowladda Qatar isagoo ka talo geliyey inay tilmaanto mas’uulka loo dhiibi karo Hoggaanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.
 

Waxa ummadda Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Qarankaba lagu wargelinayaa in ay arkaan arrintan fadeexadda ah isla markaasna uu baarlamaanku wax ka qabto. Ma dhacdo adduunka in ay dowladi ay arrimaheeda amniga iyo nabadsugidda la wadaagto dowlad kale, balse waa mucjiso la soo deristay Soomaaliya.
 

Warqadda Madaxweyne Xasan Sheikh uu u qoray dowladda Qatar waxa ka soo jawaabay Madaxa Hay’adda Nabadsugidda Qatar sida ku cad warqadda lifaaqa hoos kaaga muuqda.
 

Warqadda oo ku qornayd afka Carabiga isla markaana ay tarjumaaddeeda oo af-Soomaali ay tahay sidan:

 
“Sumad: QVF/27/13 Taariikh: Dooxa, 27/03/2013
 
Mudane Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay
Salaan qiimo badan kaddib;

 
Waanu helnay warqaddaada sharafta leh iyo wixi ay xambaarsanayd ee aragtiyo iyo wadatashiyo ah, dhinaceennana waxaan mar kasta diyaar u nahay kaalmadiinna.

 
Waxaan samaynay wadatashi buuxa ee ku saabsan cidda loo dhiibi karo Madaxa Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed, waxaana ku talinaynaa in loo magacaabo Mudane Sarreeye Gaas Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed.
 

Mudane Cabdiraxmaan waa shakhsi khibrad dheer leh, wuxuuna gacan ka geysan karaa hagaajinta iskaashiga ka dhexeeya labadeenna Hay’adood ee nabadsugidda.
 

Annagoo Allaha Weyn ka baryeyna inuu ina waafajiyo towfiiqda, iyo dadaalkeenna horumarineed, iyo inay waarto saaxiibtinimadeennu;
 

Naga guddoon qiimayn iyo kalgacal;

 
Sarreeye Gaas: Hay’adda Nabadsugidda Dowladda
Axmed Bin Naasir Bin Jaasim Al Tani (SAXIIX)
Dowladda Qatar”
 

War Soomaaliyey, arrintani miyaanay ahayn khiyaano qaran ?, miyaanay dembi ahayn ? Waa nasiib darro la soo deristay dadkeenna iyo dalkeenna !!!! La arki doonee in laga damqado iyo in kale. Wixi dhiig lahaw kaca !!!

 
Gaar ahaan baarlamaanka Soomaaliyeed waxa looga fadhiyaa tallaabtii uu fadeexaddatan ka qaadi lahaa.

 
Qoraalka oo aynu helnay ayaa ku qoran Afka Carabiga halkaan hoose ka fiiri


 

Bal aqristooy adiga fakarkaaga maxaa kula gudboon ileyn shacabka arrimahaan oo kale waxba kama qaban karaan laakin waxaa nagu kalifay inaan soo bandhigno sirtaan ayaa ah waxyaabaha khaldan ee ka dhacaya wadankeena taasoo ay ugu wacan yihiin in aysan jirin madax isku kalsoon oo hanan kara talada dalka.

Dhacdo aad u Xanuun Badan oo Goor dhow kadhacday Degmada Warta Nabada Kuna aadan Wiil Laga Keenay Wadamada Qurbaha

$
0
0

Cabdalla Maxamed Siciid oo ah wiil dhalin yaro ah  oo  afar sano kahor laga keenay Dalka Ingiriiska intaana lagu hayay Muqdisho ayaa waxa uu isku dilay xarig maanta sida ay sheegeen dad ehelkiis ah.
Iskhaarijinta wiilkaan oo ka dhacday gudaha guri uu ku noolaa oo ku yaalla degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa lasheegay in ay sabab u aheyd diidma waalidkii ay u diideen in uu ku laabto dalka Ingiriiska oo dhaqan celin markii horaba looga keenay.
Goob joogayaasha ayaa waxa ay sheegeen in wiilkaani uu guriga hoosta kaxirtay kadibna uu xarig qoorta gashaday uuna iska wareejiyay Kursi uu isku dheereeyay markii uu xarigga qoorta gashanayay, halkaasi oo lagu arkay isaga oo qur baxay.
Cabdalla Maxamed Siciid oo si aad ah uga helay nolosha dalka Ingiriiska ee waalidiintiisu ay u diideen ayaa horay waxa uu isugu dayay in uu iskhaarijiyo, isaga oo midi isgeliyay inkasta oo uu kabad baaday isku daygaasi hore.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugaan Soomaali badan oo dalka dibadiisa looga soo celiyay dhaqan celin kadibna laga qaatay Baasabooradii si aysan waligood u noqon iyadaa qaarkood ay bilaabeen in ay isla hadlaan oo ay dharka tuurtaan, sababo laxariira sida ay ula xuntahay nolosha Soomaaliya.
 

Dhageyso: Urur siyaasadeedka Horcad oo ku dhawaaqey inuu u diyaar yahay xalinta qodobada lagu muran sanyahay ee doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.

$
0
0


Urur siyaasadeedka horcad oo kamid ah lixda urur ee Puntland ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan geeddi socodka dimuqraadiyada Puntland.
War-saxaafadeed
Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/03/2013 waxaa si rasmi ah uga soo baxay xafiiska ururuka Horumarka iyo Cadaalada Hor-cad ee Magaalada Garoowe Shir saxaafadeed diirada lagu saarayo Habsami socodka Nadaamaka Axsaabta Badan ee Puntland
Hadaba Nidaamka Geedi socodka Axsaabta ayaa ah mid Bilowday Sanadkii la soo dhaafay ee 2012 waxaana heshiis dhab ah lagu gaaray in nidaamkan looga guuro Nidaamkii Qabaliga ahaa ee naafeeyey deeganadeena, dhanka Horumarka iyo is Dhexgalka Bulshadeena , iyo Laxisaabtanaka cid kasta oo xil qaad ah ,
Ururka Horumarka iyo Cadaalada Hor-cad wuxu hor mood u ahaa uraradii ugu horeeyey ee laga hirgaliyo deegaanada Puntland Wuxuuna si toos ah uga damqaday xaalada wadanka ku jiro iyo qaabka qabiilka oo ah shey xun oo aan lagu horumari Karin ,
Sidaas daraaded aqoon yahano Ganacsato culimo iyo dhamaan Bulshada qeybaheeda kala duwan waxay umidoobeen inay as aasaan ururuka Horumarka iyo Cadalada Hor-cad iyagoo ay u muuqatay inay Bulshadooda ka saaraan Dhibaatada la darastay ee uu hormuudka u yahay Qabiilka,
Waxaa laga mira dhaliyey jiritaanka ururkan Hor-cad oo ah mid aan sumad hore lahayn kaasoo ay Bulshadu u aragtay in uu wax ka badali karo nidaamka Dalka ka jira ee madhalayska ah, waxaa mahad leh alihii ogolaaday in ururka Horumarka iyo Cadaalada uu noqdo ururada ugu kal soonida Badan Deeganada Puntland
Hadaba Qaabka Doorashada Puntland ay u dhici doonto ayaa ah mid ka fiirsasho Mudan waxaana si toos ah maal mahan uga socday Magaalada Garoowe shirar ay isugu yimaadeen dhamaan ururadii siyaasada Puntland, kaasoo ay ka dodayeen sida ugu haboon ee ay doorasho ku dhici karto ,
sidaas daraadeed ururuka Horumarka iyo Cadaalada Hor-cad wuxuu amin san yahay ugu horeyn inay dhacdo doorasho aan xiligeeda dib uga dhicin ,iyadoo la turxaan bixinayo qodobadan hoos ku qoran oo aan horay ugu soo gudbinay Gudiga Doorashada Puntland ,
1-Samaynta Maxkamad Dastuuri ah
2-kala Xadeynta Degmooyinkii hore iyo Kuwa cusub
3-Tirakoobka Dadka Reer Puntland
4-Diiwaan Galinta Codeeyaha
5-Sugida Amaanka Dhamaan Deegaanada ay doorashooyinku ka dhacayso
6-Samaynta Aqoosi Dadka Reer Puntland
7-Diyaarinta Shaqaale xirfad iyo karti leh ,laguna shaqaaleeyo hab furan
Process )
Qodobadan oo isugu jiray qodobo dastuuri ah iyo kuwa tiknikaal ah waxaa jawaab ka bixiyey Gudiga Doorashooyinka ku meel gaarka ee Puntland , waxayna qaab qoraal ah noogu soo gudbiyeen in dhamaan qodobadan la hir galin doono doorashada ka hor ,
Waxaa kaloo la isku afgartay in la isla turxaanbixiyo qaabka doorashada ay u dhici doonto waxaana la isla qaatay wixii aan wakhtigu noo samaxayn in aanaan isku howlin , dorosho xalaal ahna waxay ku dhici kartaa nidaamka doorashada oo aan ku kal soonaano ,laakiin hadii ay jirto is daba marin si kasta oo loo fuliyo qodobo dastuuri ah waxay noqonayaan kuwa wax kama jiraan ah ,
Waxaan halkaan ku cadaynaynaa inaanan Marnaba rali ka noqon doonin in lagu noqdo qaabkii Qabiilka , oo ay dadka qayb yar mas kaxdooda wali ka guuxeyso Shacabka Reer Puntland waxaan u balan qaadeynaa inaanaan , marna aqbali doono in wakhti kale uu ka lumo shacabka reer Puntland ,Dawlada ayaana laga doonayaa inay ka soo baxdo balan qaadkii ay u qaaday shacabka ,
Ururkii isagu u arka inuusan Bulshada dhexdeeda cod ka heli Karin mar walba wuxuu jeclaysanayaa in lagu noqdo qaabkii Qabiilka , waxan ku baraarujinaynaa shacabkayaga inaysan marnaba ogolaan in aan ku sii jirno nidaam kii dib u socodka ,
 Dhageyso codka afhayeenka Horcad

Afahyeenka horcad
Buraannews.com- Garowe

Dhageyso: Roobab dabayla wata oo xoolo badan ku laayey miyiga Burtinle.

$
0
0


In ku siman  200 ari ah iyo 2  neef oo geel ah ayaa ku la’day roobab dabeylo wata oo ka da’ay tuulooyin miyiga  oo hoos yimaada degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.
Balida ceelwayne iyo ceelqaanso oo ah halka ay xooluhu ku la’deen ayaa la sheegay inay ka da’een roobabkii ugu xooga ee ku hoora dhulka Puntland xilli roobaadkaan bilowga ah.
Mahdi  Maxamed Cali oo kamida ah dadkii xoolahooda ku waayay roobabkii dabeylaha watay ee ka d’ay dhulkaasi ayaa warbaahinta u sheegay  inay haatan  ku howlanyihiin daryeelida xoolo badan oo  waxyeelo badani kasoo gaartay roobabakii da’ay.
Xaaluf badan oo lagu sameeyay deegaankaas ayaa sababtay in roobabku ay soo jiiraan dhul badan oo laga jaray dhirtii difaaca u ahayd  dhulkaasi sida uu sheegay Mahdi.
Waa xoolihii ugu badnaa ee deegaankaasi ku la’a tan iyo  inta la xasuusto.
Halkaan ka dhageyso codka Mahdi
 Mahdi Maxmed Cali oo kamida Dadka Deegaanka Maygaagle oo hoostaga dagmada buurtinle
Buraannews.com – Burtinle.

Dhegayso: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka jawaabtay eedo ay u jeediyeen Maamulka iyo Shaqaalaha Xarunta dhaqan Celinta Darbi-jiifka Hargeysa

Madaxweyne Siillaanyo Iyo Weftigii Uu Hogaaminayey Oo Manta Soo Gaadhay Hargeysa, Ka Dib Xalay Oo Uu Berbera U Hoayday.

$
0
0

Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed MAxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo gaadhay magaalada haragesa, ka dib markii uu shalay ka soo degay madaarka magaalada berbera, isla markaana uu xalay u hoyday magaalada berbera oo uu saaka ka soo amba baxay.
Wefiga madaxweynaha ayaa waxa uu soo dhex maray badhtamaha suuga magaalada hargeysa, waxaana waddooyinka hareerohda tubnaa oo soo dhowaynayey dadweynaha ku dhaqan hargeysa, kuwaas oo salaam iyo sacab ku qaabilayey madaxweynaha .
Madaxweyne siilaanyo ayaan manta wax hadal ah bixinin maadaama uu shalay ku hadlay madaarka berbera, waxaanu shalay ka war bixiyey socdaalkii uu muddada ugu maqanaa dalka imaaraadka carabta, waxaanuu sheegay inay la kulmeen madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadleen arrimo dhawr ah.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyey In Baarlamaanka La Kala Diro Oo Lacagta Ay Qaataan Ciidamada Lagu Maalgeliyo

$
0
0

 
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID En Faysal Cali waraabe, ayaa ku taliyey in la kala diro Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda oo uu sheegay inay yihiin qaar fadhiid noqday oo aan shaqaynin.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo manta u warramayey telefishanka HCT, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay saami qaybsiga xukuumadda, isaga oo tilmaamay inaanay weftigii Madaxweynaha Somaliland aanuu la kulmin madaxda dalka Somalia.
Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa jira Guurti iyo Baarlamaan aan shaqaynin oo lacag iska qaata, markaa waa in la kala diro oo lacagtooda lagu maali geliyo Ciidamada oo lagu dhisaa”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay saami qaybsiga Xukuumadda ee Beelaha Somaliland waxaanuu yidhi“dhinaca saamiga Xukuumadda waa in bari ilaa galbeed loo qaybiyaa si dhex ah” 
 
HARGEYSA SOMALILAND


N.Korea oo ku Hanjabtay inay Weerareyso USA

$
0
0

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Wuqooyi ayaa sheegtay in hogaamiyaha dalka Kim Jong Un uu amar ku bixiyey diyaargarowga weerarro gantaalo ah oo lagu qaado saldhigyada milateri ee gobalka iyo dhulka Maraykanka.

Shirka Kismaayo oo lagu heshiin waayay

$
0
0

Wada hadaladii lagu doonayay in maamul loogo sameeyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa wax horumar ah laga sameyn waayay oo lagu kala tagay.

Diblumaasiyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda oo tababar ugu Maqnaa dibadda oo Maanta ku soo laabtay dalka

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network) Diblumaasiyiin in Muddo ah uu Tababar uga socday dalka Koofur Afrika ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabytay.
Ku dhawaad 20 diblumaasi oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo Muddooyinkii dambe uu Tababar uga socday Dalka South Africa ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Xubnahaani Ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa intii ay qaadanayeen Tababaradaasi la barayay shuruuc ku aadan diblumaasiyadda.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Injineer Axmed Aadan Barrow oo  warbaahinta kula hadlayay Gudaha Garoonka Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in diblumaasiyiintaan uu tababarka u soo gaba gaboobay ay ka howl geli doonaan Wasaaradda arrimaha dibadda isagoo intaasi ku daray in ay sii sicon doonaan  Taba baradda la siinayo shaqalaha Wasaaradda arrimaha dibadda.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa Mudada Yar ee ay Jirto waxa ay Ku tallaabsatay Horumar dhanka diblumaasiyadda Caalamiga ah.

Madaxweynaha Serra Leon: Mareekanka ayaa Ciidamadeenna Noogu daad Gureynayo Soomaaliya

$
0
0

Freetown  (Sh.M.Network)  Madaxweynaha dalka Serra Leon ayaa sheegay in Soo daad Gureynta Ciidamada dalkaasi ee Loo soo dirayo Soomaaliya ay Gacan a geysanayso Dowladda Mareekanka.
Madaxweynaha Dalka Serra Leon oo Wareysi siinayay Wargeyska Serra Express ee ka soo baxa dalkaasi ayaa waxa uu ka hadlay Ciidamada Serra Leon ee Gaaraya 850 Ka Askari ee Iyagu loo soo dirayo dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada dalkiisa ay ka soo dhalaali doonaan kaalinta kaga aadan Howl Galka AMISOM ee Soomaaliya isagoo carabka ku dhuftay in Ciidamadaasina dadaalada loogu daabulayo Soomaaliya ay kaalin weyn ka geysan doonto Dowladda Mareekanka.
Todobaadkaan Gudihiisa ayeey ahayd Markii Dowladda Serra Leon ayaa ku dhawaaqday in ay Diyaarisay Ciidamo Gaaraya 850 Askari oo ay u soo direyso Soomaaliya

NUSOJ Welcomes court Ruling.

$
0
0

Rabat (sh.M.Network) the media association of Somalia (NUSOJ) has welcomed the court ruling of a man accused of murdering a journalist based in Mogadishu.
This was after the case of two men believed to be members of Alshabab group was heard in the court. The men were accused of killing Hassan Yusuf Absuge September last year who was a journalist based in Mogadishu Somalia working for radio Maanta.
The court ruled one man to death sentence after he was found guilty of murder. The ruling was made by Judge Abdullahi Mohamed Muse.
He ruled that Adan sheikh Abdi Sheikh Hussein who was guilty of killing the journalist was to be shot dead and Abdi Hassan Duhulow who was the second suspect was release and set free after he was found innocent.
After the court verdict was heard, the media association welcomed the ruling and announced that justice has been done to console the family members of Hassan Yusuf Absuge.
The announcement of the media association of Somalia was made by Omar Faruq Osman who is currently attending a meeting in Morocco between the head of journalist in Africa
Mr. Omar also talked about the meeting between the head of journalist association of Africa and told the Shabelle the intention of their meeting.
He informed Shabelle media that this meeting was held once every three years and the most important agendas on the table were how to wipe out such cases like the one this country was facing and other difficulties journalists in Africa faced. He added that they also discussed on how to develop and spread free and fair media coverage in Africa.
Journalists in Somalia face different kind of abuses such as murder and torture.
The media association of Somalia is trying its best to tackle these problems and have addressed the issue to the international community.  Mr. Omar is spearheading the campaign worldwide.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live