Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Prime Minister and His Delegates Expected To Arrive At the Capital

0
0

Mogadishu  (Sh.M.Network) Some of the members of the parliament who were among the delegates who accompanied the prime minister of the federal republic of Somalia to Kismayu city arrived today at Aden Adde international airport.
One of the members of parliament who arrived today in morning told Shabelle media that the other members of delegates among them the prime minister and members of the cabinet were still at Kismayu and were to arrive later today at Mogadishu.
The talks between the prime minister and Members of the Raskamboni Militia ended in stalemate as most of the agendas discussed were not agreed upon.
Eye witness based in Kismayu informed Shabelle media that the prime minister and other members of the cabinet left Tawakal hotel and were heading towards the airport.
Latest news from Kismayu report that the news about failing to reach an agreement between the two sides has spread across the city and confusion can be felt at the whole atmosphere.
One parliamentarian who declined to be named as he spoke to Radio Shabelle told us that the sides failed to reach an agreement and the federal government of Somalia will hold a meeting to talk about the issue and name an administration for the region in the coming days.


Ra’isal Wasaare Saacid iyo Wafdigiisa oo dib ugu soo Laabtay Muqdisho

0
0

Muqdisho   (Sh.M.Network)   Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho waxaana uu Ra’isal Wasaaruhu Ka warbixiyay Safarkiisii uu ku tagay Magaalada Kismaayo.
Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in si weyn Loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose islamarkaana dadka Reer Kismaayo ay Muujiyeen sida ay u taageersanyihiin Dowladda Soomaaliya.
Ra’isal Wasaaraha ayaa Xusay in dhammaan dhinacyadii ay kula soo Kulmeen Kismaayo Seddexdii Cisho ay halkaasi Joogeen ay isku soo afgarteen arrimo badan oo ku aadan Kismaayo  iyo Gobollada Jubbooyinka laakiin Ra’isal Wasaaraha ayaa caddeeyay Mowqifka Xukuumadda Soomaaliya eay ka taagantahay shirka Maamul U sameynta Jubbooyinka iyo Gedo isagoo Xusay in shirkaasi qaban qaabadiisa aysan waafaqsaneen Sharciga iyo Nidaamka Dowliga.
Ra’isal Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in Kismaayo uu Ku soo arkay Ciidamada  Xoogga dalka ee Halkaa ku sugan Kuwaasi oo uu sheegay in ay Ka muuqaneyso daruuf Adag waxaana uu u Mahad Celiyay Ciidamada AMISOM ee Ka howl Gala Kismaayo isagoo sheegay in ay Ku faraxsanyihiin in ay La shaqeeyaan Maamulka KMG ah ee halkaa ka arrimiya.
Ugu Dambeyn Ra’isal Wasaaraha  ayaa waxa uu sheegay in ay Booqan doonaan Maalinta Birri Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Prime Minister and Other delegates Arrives Back at Mogadishu

0
0

Mogadishu (sh.M.Network) the prime minister of the federal republic of Somali Mr. Abdi Farah Shirdon and other members of the cabinet arrived at Aden Adde international airport from Kismayu minutes ago.
The prime minister at a media briefing said that they were welcomed nicely at Kismayu and members of the public in Kismayu showed their great support they posed for the federal government.
The prime minister praised the manner in which the different sides wanted to meet the government delegation. He however said that some of the agendas were agreed upon but others had hick ups and were not agreed upon.
He added that it was the government’s responsibility to form an administration for the two juba regions and Gedo and emphasized on the final agenda in which the two sides failed to agree which was the formation of an administration for the region.
The prime minister added that he had a meet with the government troops in the Kismayu and were ready to work with government to ensure stability in the region. He also said that he met Amisom troops and they promised the government that they will be working with the interim Administration in the region until the government formed a permanent one in the coming days.
The prime in his briefing informed the media that he will be traveling to Jowhar town in middle shabelle region early tomorrow.

Faaqidaadda: Kufsiga Barakacayaasha

0
0

Barnaamijka Faaqidaadda waxa aan todobaadkan ku eegeynaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka barakacayaasha ee Muqdisho, oo dhawaan Ha'adda HRW ay sheegtay in loo geysto kufsi, garaacis, iyo cunnada iyo hoyga oo loo diido.

Mu'tamarki Oslo Norway 29.03.2013 Jaceylka Alle Sh Yuusuf Axmed

Mid kamid ah Jilibyada Beesha marexaan oo heshiis lagashay Kooxda shabaab Xili Kismaayo la isku heesto

0
0

Wararka haatan kasoo duul dulaayo Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada baardheere ayaa sheegay in kooxda shabaab heshiis hordhac ah lagashay mid kamid ah Lafaha beesha Mareexaan darood oo halkaasi kudhaqan.
Shabaab ayaa lasheegay in heshiis hordhac ah lagashay mid kamid ah jilibyada beesha marexaan waxaana lasheegay in beeesha ku toofiiqsatay in bar bar istaagi doonto kooxda shabaab oo weli kusi harsan Gobolada qaarkood.
Jilibka shabaab lasaxiixday heshiiska aya alagu magacabaa Talxe kana tirsan jilibyada kooxda marexaan waxaana lasheeegay in beesha tageero dhanka hubka iyo dhalinyaro u balan qaaday kooxda shabab.
Ugu danbeyntii heshiiskaan ayaa kusoo beegmaayo xili beesha marexaan iska weyse hogaaminta Gobolada jubooyinka iskuna hayaan ayaga iyo mid kamid ah beelaha dago kismaayo kuna fashilmeeen Dowlada soomaaliya oo waan wana utagay maalinimadii shalay.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dowlada Canada Oo Shaaciye in Dhawaan tagi doono Muqdisho

0
0

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dowlada Canada ayaa habeenimadii xalay shaaciye in dhawaan oo tagi doono Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada muqdisho.
John Baird oo ah wasiirka Arimaha dibada ee Dalka Canada oo habeenkii xalay soomaali farabadan kula kulmay Magaalada Ottawa ee xarunta Canada ayaa sheegay in dhawaan muqdisho tagi doono waxaana oo sheegay in ay tageeri doonaan somaliya madaama haatan kasoo kobsaneyso colaadihii labaatankii sano ee hareeeyay.
Wasiirka arrimaha dibadda Kanada wuxuu sheegay in dowladdiis ay  si toos ah ula shaqeyn doonto dowladda cusub ee Soomaaliya ayna ugu talogaleen kaalmooyin fara badan maadaama ay kasoo kabanayso Soomaaliya coalado badan oo ragaadiyay.
Ugu danbeynti Muqdisho ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore soo gaarayay mas’uuliyiin sarsare oo ka socda caalamka, kuwaasoo uu ka mid ahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska William Hague, kaaliyaha arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Johhnie Carson iyo mas’uuliyiin kale.

Daawo Sawirada:Wafdi Heer wasiiro ah oo Goor dhow Gaaray Magaalada Baledweyne Una Kuur Galaayo

0
0

Wafdi heer wasiiro ah aya Goor dhow gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kuwaasi ay hogamineyso wasiirada afdi ay horkaceyso wasiirka wasaarrada hormarinta adeega bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaana kamid ah tiro wasiir ah o kamid yahay wasiirrka wasaarrada Kheraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed iyo xubno ka tirsan wasaarrada caafimaadka
Wafdigaan heerka wasiirka ayaa u kuur galaayo xaalada caafimaad ee Gobolka hiiraan ayaadoo dhawaan oo kadilacay Cudurka shuban biyoodka kuwaasi oo caruur aad u farabadan loo dhigay isbitaalada.
Xubnaha wafdiga oo kulan ballaaran kula yeeshay xarunta AMISOM ee dulleedka magaalada Baladweyne mas’uuliyiinta maamulka gobollk iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti, waxaa halkaa warbixin ku siiyay dhaqaatiirta ciidamada AMISOM ee gacanta ku heysa daweynta dadka uu soo ritay cudurka.
Dhakhatiirta ayaa wasiirrada uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray cudurka iyo markii ugu horeeysay ee lagu arkay magaalada Baladweyne, iyaga oo sheegay in baaritaan saacadihii ugu danbeeyay la sameeyay lagu ogaaday in cudurku yahay daacuun.

R


Daawo Sawirada:Raisulwasaare Saacid oo Si aan hore loo Arag Loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar

0
0

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe isaga iyo Wafdi Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan ah, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka degmada Jowhar iyo dadwayne Farabadan.

R

Maamulka Degmada Warsheekh oo sheegay in Al Shabaab ay ka sifeynayaan Degmadaasi

0
0

Warsheekh  (Sh.M.Network) Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Cali Xasan oo u Waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin Ka bixiyay Xaaladda Ammaan ee Degmadaasi.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Degmada ay Ku geedaamanyihiin Ciidamo ka tirsan Kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM kuwaasi oo uu sheegay in Goor dhow ay qorsheenayaan in ay gacanta ku dhigaan Guud ahaanba Degmadaasi.
Axmed Cali Xasan Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ayaa waxa uu Hoosta Ka xariiqay in waddooyinka soo Gala degmadaasi ay ka qooleystaan Kooxo Burcad ah oo dhibaateeya dadka Isticmaala Waddooyinkaasi isagoo Carabka ku dhuftay in Kooxaha falkaasi Geyta ay aqoon buuxa u leeyihiin oo dhawaan Tallaabo ay  ka qaadi  doonaan  sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha ayaa uga digay Kooxahaasi in ay sii wadaan dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka  ah ee ku dhaqan Degmadaasi Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ayaa dhanka kale sheegay in deeq Dhawaan ka timid Dowladda Turkiga aan La soo Gaarsiin Shacabka degmadaasi.
Axmed Cali Xasan Guddoomiyaha Degmada Warsheekh  ayaa sidoo kale ugu baaqay Hey’adaha Samafalka ee deeqda bixiya iyo Dowladda Soomaaliya in Gurmad deg deg ah Lala soo gaaro Degmadaasi.
Sikastaba ha ahaatee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay tahay Degmo ay Labada Dhinac Ka Joogaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Garab Ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab Taasi oo saameyn ba’an ku yeelatay Nolosha Shacabka ku dhaqan Degmada Warsheekh.

Maxkamadda: Uhuru waa Madaxweynaha Kenya

0
0

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa go'aamisay in Uhuru Kenyatta uu si sax ah ugu guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Kenya,iyadoo diiday dacwadda racfaanka Raila Odinga ee uu ku sheegay in doorashada lagu shubtay.

HRW: Xadgudubyo loo gaysto barakacayaasha

0
0

Hay'adda u dooda xuquuqda aadnaha ee Human Rights Watch, ayaa ugu baaqaysa dowladda cusub ee Soomaliya inay wax ka qabato xadgubyo ay sheegayso in lagu la kaco dadka ku barakacay dalka gudihiisa

Wasiirada Haweenka Oo Kormeertay Qaar kamida Xeryaha Barakacayaasha ee Konfurta Galkacyo

0
0

 

Xeryaha ay Ku noolyihin Dadka Barakacayaasha Ah ee ku yaala k/magaalada Galkacyo ayaa waxaa Maanta Kormeer ku tagatay Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Galmudug Marwo Faadumo Cadi Wehliye oo ay La Socdeen kuxigenkeeda Saynab cismaan Caato, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Yurub Muxuyadiin Sh.Cali.
 
Booqashada Wasiirada Ayaa Salka ku haysa Sidii ay ugu kuur gali lahayd Xaalada Nololeed ee haweenka ku Jira Xeryaha Qaxootiga ee ku yaala K/galkacyo Halkaa oo ay ku noolyihiin Haween farabadan iyo Caruur kuwaa Oo Qaar Ka mida ay Haysato Xaalad Nolo Xumo waxayna Wasiiradu waraysiyo la yeelatay Haweenka ku Dhaqan xeryaha Barakacayaasha iyagoo kaga Warbixiyay Sida ay tahay Xaaladooda.
 
Faadumo Cabdi Wehliye Wasirka Haweenka Iyo Arimaha Qoyska ayaa ugu horayn u Balan qaaday Haweenka Barakacayaasha Ah in ay Xafiis u Samayn doonto Dhamaan haweenka Galmudug Si ay Halkaa ugu Soo gudbiyaan Dhibaatooyinka la Soo darsa iyadoo Intaa Ku dartay in Xafiiskaa Ay u Soo Mari doonaan Dhamaan Gargaarka Iyo Tababarada ay Bixiyaan Hay,adaha Samafalka.
 
Kaamamka ay noolyihiin Dadka Soo Barakacay ee Ay Wasaarada haweenku booqatay Maanta Ayaa waxa Ka Mid Ahaa kaamamka Hiiraan,Calanley iyo xerya kale Oo Dhamaan Ay ku Jiraan dadKa ka Soo Barakacay koonfurta Soomaliya iyo Qaar ku barakacay gudaha Gobalka Mudug waxayna Soo Dhaweeyen Booqashada Wasiirada haweenka Galmudug oo ay Uga mahad Celiyen Sida wanaagsan ee ay Iskugu Xil Qaantay in ay Aragto walaalaheda Dhibaataysan.
 
Drs.Fowsiyo Axmed Kaarshe oo ah Madaxa MCH ku Yaalaha Kaamka Calanley ayaa Warbixisay Xaalka Caafimaad iyo Nabadgalyo ee Kaamkaasi waxayna Sheegtay in ay jiraan Hoy la,aan haysata Qar tirsan dadka ku nool Xerada Calanley kadib roobabkii Lixaadka lahaa ee ka da,ay magaalada taasina ay Sababtay in ay Hoy beelaan Dad isugu Jira Waayeel iyo caruur u nugul Qabawga Balse ay Haystaan Adeegyo Yar yar oo Caafimaad iyadoo Intaa Ku dartay In Xiligan Kaamka Amaankisu Wanaagsanyahay.
 
Dadka ku jira Xeryaha Barakacayaasha ayaa Ah kuwa ay haysato Xaalado Nololeed oo adag Marka loo eego dhinaca Tacadiyada ay la kulmaan haweenka ku Dhaqan Kaamamka iyo hoy la,aan ka jirta Xeryaha Qaar iyadoo Mararka qaar Ay Ka Dhacdo kaamamka Tacadiyo la Xariira Kufsi iyo jir Dil ay la Kulmaan Haweenka ku Jira xeryaha Qaxootiga,hase yeeshee booqashada Faadumo Cabdi Wehliye ayaa Noqonaysa Wasiiradii ugu horaysay ee ka Socota Wasaarada haweenka Galmudug ee Kormeer ku Samaysa Xeryaha Barakacayaasha ee Ku yaala Galmudug Tan iyo markii La Magacaabay.
DAAWO SAWIRADA.

 

Tahriibayaal Soomaali ah oo Gaaray Lamduusa

0
0

Lamduusa  (Sh.M.Network) Tahriibayaal Soomaali ah ayaa Lagu soo waramayaa in ay Galeen Jasiiradda Lambaduusa kuwaasi oo La socday Dooni siday Tahriibayaal Waddamo kala duwan Ka soo Jeeda.
Sida Mid ka mid ah Tahriibayaashaasi uu Idaacadda Shabelle u Xaqiijiyay illaa 4 ka mid ah Tahriibayaashaasi ayaa Geeriyooday kadib markii intii ay dhex ku jireen ay la qallibmtay doonida ay saaraayeen oo aan La shaacin Jinsiyaddooda walow Dowladda Talyaaniga dhimashada ay ku sheegtay illaa 2 qof.
Tahriibayaashaani ayaa Lambaduusa Gaaray Saakay sida Ninkaasi ka tirsan Tahriibayaashaasi uu Shabellle u Xaqiijiyay.
Tahriibayaal u Badan Soomaali ayaa Markasta Ku safra biya u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga kuwaasi oo dhibaatooyiin  kala Kulma Mararka qaar Safarkaasi Halista ah

Ciidamada Liyuu Booliska oo Sadex Gaadhi oo u rarnaa Xoolo dhaqatada Hawdka ka kaxaystay Degmada Rabaso iyo Maayirka Sallaxlay oo ka hadlay

0
0

Maayirka Degmada Sallaxlay Maxamed Ibraahin Xandulle, ayaa ka hadlay Sadex Gaadhi oo ah nooca Xamuulka qaada oo u rarnaa dadka Xoolo dhaqatada ah ee Deegaanada Hawdka ee ismaamulka Somalida Itoobiya oo ay Todobaadkii la soo dhaafay Ciidamada Liyuu Booliska ee gaarka u ah Maamulka Killilka shanaad ay ka kaxaysteen Degaanka Rabaso.
Maxamed Ibraahin Xandulle, ayaa waxa uu sheegay inay Baabuurtaasi lahaayeen dad ka soo jeeda deegaanka Sallaxlay oo ay rar u sideen dadka dega deegaanada Hawdka ee Xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo uu sheegay inay  illaa hadda ku xidhan yihiin Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Somalida Itoobiya, isla markaana aan dadkii lahaa alaabooyinka ay sideen looga dejinin oo lagu kaxaystay.
Maayirka Degmada Sallaxlay Maxamed Ibraahin Xandulle oo Xalay Khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay sadexdii nin  ee Baabuurtaasi lahaa ka soo baxsadeen oo ay yimaadeen Somaliland, ka dibna ay dib ugu noqdeen baabuurtoodii oo iyagiina lala xidhay oo ay jigjiga ku wada xidhanyihiin.
Maxamed Ibraahin Xandulle waxa uu sheegay qaar ka mid ah raga baabuurtaasi lahaa magacyadooda oo kala ahaa, Geeddi Caana-nuug iyo Mukhtaar Wadaad-yare, halka uu ninka gaadhiga sadexaad lahaa uu sheegay inaanuu weli magiciisa helin.
Maayirka Sallaxlay Maxamed Ibraahin Xandulle isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Sadex Gaadhi oo raran ayey Ciidamada Liyuu Boolisku ka kaxaysteen Todobaadkii hore deegaanka Rabaso, kuwaas oo u rarnaa dadka deegaankaas, waxaana la geeyey Magaalada Jigjiga oo ay ku xidhan yihiin, markaa lagama dejinin rarkii ay sideen , markaa Baabuurtaas waxa lagu haystaa waxay la galeen lambarka Somaliland oo ka dalka Itoobiya may sidan, raggii lahaana way ka soo baxsadeen markii hore, laakiin markii dambe way ku noqdeen oo waa la xidhay, waxaanay ku xidhanyihiin illaa hadda Jigjiga”


TOP NEW MUXAADARO COMMAN REASONS DIVORCE AMONG YOUNG COUPLES SH SAID RAAGE XAFIDULLAH 30/3/2013

Subulahanews

MUXAADARO CUSUB HADAFKA QOFKA MUSLIMKA LOO ABUURAY SHEEKH SACIID

muxaadaro caruurta qaybta 2aad

Sawirro Soomaaliya

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live