Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo 15 Gaadhi oo ay Hay’adda IFAD Bixisay u qaybiyey Sadex Wasaaradood

$
0
0

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ku kala  wareegay 15 gaadhi oo ay ugu deeqday Wasaaradaha Beeraha, Caafmaadka iyo Xanaanada xoolaha haayadda IFAD, kuwaas isugu jira TOYOTA Landcruser iyo Ambulance, ayaa wasaarada beeraha la siiyay 6 gaadhi, halka Wasaarada caafimaadka laga guddoonsiiyay 5 ambilaas iyo afar gaadhi oo la siiyay Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland,  iyada oo munaasibad loogu qabtay kala wareejinta baabuurtaasi wasaaradda beeraha somaliland
ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha hay’adda IFAD Sulub Cali iimaan oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibada, waxaanuu yidhi  “Gaadiidkan aanu guddoonsiinayno, waxaanu ugu tallo-galnay inay hawlahooda u fududeeyaan, Kuwaasi o kala ah Wasaarada Beeraha oo aanu ugu talo-galnay 6 TOYOTA, Wasaarada Xanaanada Xoolaha 4 TOYOTA iyo Wasaarada Caafimaadka oo aanu ugu taalo-galnay 5  ambilaas”
 
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ugu dambayntii halkaasi ka hadlay, ayaa wax waxaanu hay’adda uga mahad celiyey gaadiidkan  “Mashruucani waa mashruuc loo baahnaa oo haqabtiri doona bahiyihii aasaasiga ahaa, aad iyo aad ayaan ugu Mahad naqaynaa hay’addan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo la hada uu yidhi  “Maanta waa la helayaa gawaadhida iyo wax kasta laakiin waa in aynu ilaashanaa, maadaama oo ay jirto inaynaan ilaashan qalabka qaarkood oo ay dad masuul aan ahayn inta aynu u dhiibno ay iska kaxaystaan ay gawaadhidaasi burburaan oo aan la daryeelin, laakiin waa in aynu ilaashanaa” ayuu yidhi Saylici
Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici waxa uu xadhiga ka jaray dhisme yaal cusub oo lagu kordhiyey wasaaradda beeraha Somaliland.
HARGEYSA SOMALILAND
 


Shirka Wadatashiga Arimaha Garsoorka Soomaliya Oo Maalintii labad Soconaya Iyo Gudiyo La Magacaabay(Sawiro)

$
0
0

 

Shirweynaha Qaran ee wadatashiga garsoorka Soomaaliya oo maalintii laabad si toos ah uga socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen guddoomiyaha Baarlamanaka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha maxkamadda sare, Avv. Ceydiid Ilkaxanaf, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo dhammaan rrgada mataleysa dadka Soomaaliyeed ee shirka lagu casuumay.
Ugu horreyn, waxaa khudbad ku saabsan kaalinta Baarlamanka kaga aaddan garsoorka ka jeediyay Prof. Jawaari oo ku tilmaamay shirka muhiimad u leh aayaha garsoorka dalka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay kasoo bixi doonaan qodobbo dhaxal-gal ah oo shacbiga Soomaaliyeed ay ku heli doonaan garsoor ku dhisan cadaalad.
“Waxaa muhiimad gaar ah leh inaan dhammaanteen isla garanno in la helo garsoor madax-bannaan, sharcigana uu yahay saldhigga awoodda dowladda, sidaas darteed waxaan talo kusoo jeedinayaa in lasoo uruuriyo dhammaan shuruucdii waddanka si loo helo keyd sharci oo ay ku cad yihiin qodobbada garsoorka,” ayuu Prof. Jawaari ku yiri khudbaddii uu ka jeediyay shirka.
Sidoo kale, guddoomiyaha maxkmadda sare, Ceydiid Ilkaxanaf oo ka hadlay Kulanka ayaa xusay in garsooraha Soomaaliyeed uu u baahan yahay inuu helo amni iyo dhaqaale ku filan si uu ugu cadaalad falo ummadda.
 Wuxuu intaas ku daray in xabsiyada qaarkood ay xilligan ku jiraan dad xiran todobaad, bilooyin iyo sannado; kuwaasoo aan weli la horkeenin maxkmad loona baahan yahay in wax laga qabto.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, C/qaadir Maxamed ayaa xusay in mararka qaar ay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida soo xiraan dad aan dambi lahayn kaddibna ay iyagu xabsiyada kasii daayaan shakhsiyaadkii ay rabaan; iyagoo wax maxkmad ah soo marsiin, sidaas awgeedna ay muhiim tahay in si qoto dheer looga fiirsado awoodda uu yeelanayo garsoorka Soomaaliya.
Guddiyadan loo qaybiyay ergada ka qaybgaleysa shirweynaha ayaa loo kala xil-saaray afar qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah dhismaha hay’adaha cadaaladda, helitaanka cadaaladda iyo waxa muwaadinka Soomaaliyeed ka hortaagan inuu helo cadaalad, kaalinta ciidamada booliska iyo asluubta kaga aaddan maxaabiista ku jirta xabsiyada iyo xiriirka ay la leeyihiin muwaadiniinta, Jjinsiyadda iyo nidaamka cadaaladda iyo saameynta ay ku leeyihiin naafada iyo caruurta.
Shirweynahan Ayaa la filayaa In Maalmaha Soo Socda Si toosa looga Doodo Ajandayaasha la Islana meel dhigo Meraha Ka Soo baxa.

Guddiyo Loo qeybiyay ergada Shir weynaha Qaran ee Garsoorka

$
0
0

War-saxaafadeed.Muqdisho-02-April-2013..Shirweynaha Qaran ee wadatashiga Garsoorka Soomaaliya oo maalintii Labaad si toos ah uga socda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay Afheyeenka Golaha Shacbiga Soomaaliyeed Prof.Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Abuukaatee Ceydiid Ilkaxanaf,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Dhammaan Ergada mataleysa dadka Soomaaliyeed ee Shirka lagub casuumay.
Ugu horeyntii waxaa Khudbad ku saabsan Kaalinta Baarlamanka Soomaaliyeed kaga aaddan Garsoorka ka jeediyay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari Afheyeenka Baarlamanka oo ku tilmaamay Shirkani mid aad ugu muhiimsan aayaha Garsoorka Ummadda,isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in Shirkan ay kasoo bixi doonaan qodobbo Dhaxal gal ah oo Shacbiga Soomaaliyeed heli doonaan Garsoor cadaalad ku dhisan.
“Waxaa aad muhiim u ah inaan dhammaanteen isla garanno in Garsoorka madax bannaanyahay ,Sharcigana uu yahay saldhigga Awoodda Dowladda,sidaas darteed waxaan talo kusoo jeedinayaa in lasoo uruuriyo Dhammaan Shuruucdii wadanka si loo helo Keyd Sharci oo ay ku cadyihiin Qodobbada Garsoorka”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya intii uu ku guda jiray Khudbaddii uu ka jeedinayay Xarunta uu Shirku ka socdo.
Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Abuu kaate Ceydiid Ilkaxanaf oo ka hadlay Kulanka ayaa xusay in Garsooraha Soomaaliyeed uu u baahanyahay inuu helo Amni iyo Dhaqaale ku filan si uu cadaalad ugu sameeyo Ummadda.
Waxa uu intaasi ku daray Guddoomiyuhu in Xabsiyada qaarkood ay xilligaan ku jiraan Dad xiran Todobaad,Bilooyin iyo sanado kuwaasoo aanan weli la horkeenin maxkmad loona baahanyahay in wax laga qabto.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/qaadir Maxamed ayaa xusay in mararka qaar ay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Somalia Soo xiraan dad aan dambi laheyn kadibna ay iyagu xabsiyada kasii daayaan Shakhsiyaadka ay rabaan iyagoo wax maxkmad ah soo marsiin ,sidaas awgeedna ay muhiim tahay in si qoto dheer looga fiirsado awoodda uu yeelanayo Garsoorka Somalia.
Afarta Guddi ee loo qeybiyay ergada ka qeybgaleysa Shirweynaha ayaa loo kala xilsaaray afar qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah Dhismaha hay’adaha Caddaaladda ,Helitaanka Caddaaladda iyo Qodobbada Muwaadinka Soomaaliyeed ka hortaagan inuu helo caddaalad ,Kaalinta Ciidamada Booliska iyo Asluubta kaga aaddan Maxaabiista ku jirta Xabsiyada iyo Xiriirka ay la leeyihiin Muwaadiniinta,Jinsiyadda iyo Nidaamka cadaaladda iyo saameynta ay ku leeyihiin Naafad iyo caruurta.
Tala soo jeedinta guddiyadan ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan Maalin kadib oo lagu ballansanyahay in si saraaxad leh looga doodo.
DHAMMAAD.
MAAD.

 
Communication Office.
Muqdisho-Somalia
 

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

 
 

MUXAADARO CUSUB TAARIKHADA TATAARKA QEEBTA 9AAD SH MUSTAFA XAAJI ISMAACIIL XAFIDULLAH 31/3/2013

Muxaadaro , Fadliga Jihaadka iyo Fadliga Mujaahidiinta Dhufeyska Ku Jira

Muqdisho oo habeenkii iftiimeysa

$
0
0

Ku dhawaad laba sano markii al-Shabaab laga saaray magaalada, nolosha Muqdisho waxa ay ku soo laabaaneysaa caadi. Mid ka mid ah waxaayabaha sida weyn loo dareemayo waa dib u soo noqoshada nolosha habeenkii ee caasimada.

Tarbiyada Caruurta- Sh Kenyawi 3aad.

“Madaxtooyadu Dalka Ma Laha… Shirka Turkigana Intii Cid La Eedayn Lahaa In Talo Qaran Laga Yeesho Ayaa Muhiim Ah….Madaxda Labada Dhinacna Waxan Kula Talin Lahaa….” Abwaan Hadraawi

$
0
0

Abwaanka Caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) , ayaa ka hadlay sida uu u arko Wada hadallada la filayo inay dhawaan Dalka Turkiga uga furmaan Dawladdaha Somaliland iyo Somalia, kaas oo ay dhowaan Xukuumadda Somaliland sheegtay inay si dhakhso ah uga furmi doonaan Dalkaasi.
, waxaanu sheegay Abwaan Hadraawi uu soo dhowaynayo wada hadalladaasi.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo isaga oo jooga Magaalada Hargeysa Xalay Khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaasheegay inuu soo dhawaynayo wada hadalada u furmi doona Somaliland iyo Somalia, isaga oo xusay in loo baahanyahay in talada dalka ay wada lahaadaan Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Xukuumaddu, waxaanuu tilmaamay inaanay Madaxtooyadu gaar u lahayn dalka ee ay Uamaddu leedahay.
Abwaan Hadraawi waxa uu talo u soo jeediyey Madaxda labada dhinaca ee isku soo hor fadhiisanaya wada hadallada dalka Turkiga, kuwaas oo uu kula taliyey inay muujiyaan ixtiraam, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “In la wada hadlo waa sax oo haddii Laba Jamhuuiyadood iyo sadex la noqdaba , dadka waxa ka dhexeeya Xadhig aan go’in oo iyada oo ay qolo waliba wexeeda sidato in la wada hadlo waa muhiim, markaa Bawdo rag maalin walba mid ayaa qaawan oo sabaabo ayaa jira umadda isku xidhaya, wada hadalladaas Turkiga lala tegayona anigu (Hadraawi) kuma jiro oo waa wax hadda uun cusub oo waa gacan uur ku jirta, waana arrin ay labada dhinac iskaga soo horjeedsanayaan oo lama mala awaali karo waxa ka soo bixi doona, Laakiin waxaynu ILAAHAY ka baryeynaa inuu waxa laga hadlayaa noqdo wax macno leh oo umadda Faa’iido u leh oo aan dadka kala didin uu noqdo oo ay dadka Ajaanibka ah ee dhex dhexaadinayana Ixtiraamaan oo aanuu xadhigaasina go’ine ay qolo waliba si kalsooni leh oo Madax bannaani leh ay qolo waliba u waayo sheegato, waa in ajaanibka  dhex dhexaadinaya loo muujiyaa in qoomiyad la metelayo oo aanay dareen kale inaga qaadan oo si karaamo leh loo wada hadlaa, markaa waan soo dhowaynayaa in la wada hadlo, wada hadalkuna waa wax wanaagsan, iyada oo la wada jiro iyo iyada oo la kala maqan yahayba, waxaana khasab ka dhiga in la wada hadlo sababo yimaada, dadka tegayaana waa Madaxdii Umadda Koonfur iyo Somaliland-ba, markaa in si karaamo leh loo wada hadlo ayey ila tahay”
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo ka hadlayey  sida uu u arko in shirkaasi laga yeesho talo qaran waxa uu yidhi “In tegitaanka Wada hadalladaasi Turkiga Talo Qaran laga yeeshaa waa mid wacan ayaan u arkaa oo intii Cid la eedayn lahaa in Inta aan shirka la tegin kulan ballaadhan la qabto oo la yidhaahdo maxaynu la gole tagnaa oo dadka talo laga qaato ayaa muhiim ah, markaa aad ayey u fiican tahay in talo qaran laga yeesho marka hore shirkaas”
Abwaan Hadraawi oo ka jawaabayey Su’aan ahayd waxa uu ka odhanayo xaaladda Dalku marayo, waxa uu yidhi “Xaaladda Dalka waxaan ka odhan lahaa waa dal iska sabool ah oo aan Aqoonsi haysan oo hadana wax uun faraha ku haya oo hawlohooda iska wata  weeyaan, markaa Gobanimadan Dalka dhex taalla waa in aanay ku koobmin Madaxtooyada iyo meelo gaar ahe, Madaxtooyadu Dalka ma laha Umadda ayaa leh in lala tashado Aqoonyahan iyo waxgarad ayey leedahaye wax la waydiiyo, waa mid meesha ku jirta, markaa Xilka cid ha loo magacaabo laakiin waa in Umaddu talada wax ku leedahay oo marba wixii yimaadda Waxgaradkeeda iyo Aqoonyahanka laga qayb geliyaa, markaa waxa soo jeedin lahaa inay Madaxtooyada iyo Ummadu wax yeeshaan oo ay talo wadaag lahaadaan”    
 


Cismaan Hindi Oo Xisbiyada Mucaaridka Ah Ku Eedeeyey Inay Ka Gaabiyeen Doorkii Mucaarid Nimo Oo Ay Xukuumadda U Guulwadeeyaal U Noqdeen

$
0
0

Siyaasiga Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) ayaa Axsaabta Mucaaridka ah ee dalka ka jira ku canaantay inay yihiin qaar Xukuumadda u dhego nugul oo aan had iyo jeer codkooda ku toosin waxyaabaha Xukuumaddu ku dhaliisha leedahay ee dadku u soo doorteen inay ka toosiyaan.
Cismaan-Hindi waxa uu sidan ka sheegay mar uu Magaaladda Hargeysa kula hadlayey qaar ka mid ah saxaafadda ,ayaa waxa uu sidoo kale u soo jeediyey talooyin iyo  in loo baahan yahay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu la tashado Axsaabta Mucaaridka ah ee dalka ka jirta, Aqoon yahanka dalka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda reer Somaliland, si wada hadal kasta oo Somaliland iyo Somalia dhex mara uu u noqdo mid lagu tanaado.
Siyaasiga Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) oo arimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaan  idhi dalku waa laba qaybood oo waa Bulshadda reer Somaliland oo wada Mucaarid ah, iyo Saddex Xisbi oo Muxaafidiin ah, oo dadku maanta hadii aad suuqa tagto wax badan ayay ka sheegayaan Xukuumadda hada jirta oo in badan ayay diidan yihiin oo balan qaadyadii ayaan la fulin ayay leeyihiin,laakiin hadii aad Saddexdan Xisbi eegto KULMIYE  ka reebo isagu waaba Xusbul Xaakim ee labada kale ee Mucaarid ku sheega ahi anigu Mucaarid uma aqaano ee waa Muxaafid”
Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) mar uu ka hadlayay Xiligii Kulmiye Mucaaridka aha iyo sidii ay dawladda u dhaliili jireen waxa uu yidhi “Xiligii aanu Mucaaridka ahayn waxa aan xasuusta markii aan Xisbiga KULMIYE oo xiligaasi Mucaarid aha sidii aanu u dhiiranaan jirnay ee aanu u qaylin jirnay ee aanu wax kasta oo aan dan u ahayn aanu ugu diidi jirnay Xukuumaddii markaasi uu hogaaminayay Md Daahir Rirayaale Kaahin marka waxa aan leeyahay Dawo ayay u tahay Xukuumadda hada jirta in uu Mucaarid jiro waayo waxa uu tusaya waxa ka qaldan waanay toosinaysa Xukuumaddu ee yaanay sas ka qaadin ee waa inu Mucaarid jira dalka mida kale waxa jira mid aynu ka midaysanahay hadii ay tahay Mucaaridka  Siyaasadda dibadda ku Jaahwareersan,Madaxweynaha dalka Hogaaminaya iyo anigaynan ku la hadlay ee Cismaan hindi midaas aynu ka midaysnahayna waxa weeyaan Qadiyadda  Somaliland mana jirto cid si gaar ah Go,aan uga gaadhi karta oo Barbari ka wayn wax Go lagu qaado adeerdee”
Siyaasiga Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) isaga oo hadlkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mucaaridka waxa aan leeyahay in  la idiinma dooran in aad dawladda ka daba heestaan ee waxa  umaddu idiin dooratay in aad toosisaan Xukuumadda hada jirta,anigu waxa aan ahay Siyaasi reer Somaliland oo aan Saddexdan Xisbi ee haatan jira midna ka tirsanayn laakiin waxa aan qax u leeyahay in aan dareen kayga cabiro oon ka hadlo kolba xaaladda markaasi jirto aniga oo waliba ay Waayo arag nimada aan u leeyahay Siyaasadda Somaliland aan u lee yahay ay I siinayso in laga fiican yahay in la yooyootamo,sidaasi oo ay tahay waxa wanaagsan in aad hadii aad Mucaarid tihiin dadka idin soo doortay aad meteshaan oo hadba waxa dhabta ah ee dalka ka jira aad ka run sheegtaan isla markana aad u sheegtaan waxa ay Xukuumadda hada jirta ay ku qaldan tahay taas weeyaan waajibka idin saarani hadii aad Mucaarid tihiin weeyaan.
Cismaan Cabdilaahi Cigaal Yuusuf(Cismaan-Hindi) oo ugu dambeyntii ka hadlayay Shirka Turkiga ee la sheegay in Xukuumaddu ka qayb gelidoonto iyo Talooyin uu Madaxweynaha u soo diiyay waxa uu yidhi“Hadii Shirka Turkiga lagaga qaybgelaayo ay ka soo baxayso in Gooni iskutaaga Somaliland uu muqadas yahay aniga laftayda ayaa taageeraya cid kale iska daayo balse hadii shirkaasi wax kale daaran yahay waxa aan qaba in wax ka duwan oo kasta Masiirka umaddani ay u igmatay Dawladda uu hogaamiynaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo aanaan sinaba u aqbali doonin hadii ay taas dhinac maraan kolayna wax kasto oo ay la yimaadaana dawladdu iyada ayaa ku sharaf leh hadii ay wanaag tahay hadii kalena iyada ayaa ku ceebaysan ayaan qaba,mida kale waxa aan Madaxweynaha oon Ictiraam wayn u hayo u soo deedinlaha oo leeyahay Md Madaxweyne adiga ayay dadku kuu doorteen ina aad hogaamiso ood u soo hesho una soo dhiciso waxa ka maqan ee ay Somaliland ilaa mudadaasi dheer baadi goobayso waa Ictiraafka inaga maqane waxa aan ku leeyahay Madaxweyne wax kasta oo wanaag ah waanu kula barbar taaganahay waanan kugu taageersanahay ee sida saxda ah uga fiirso Shirarka aad ka qaybgelayso oo wax ka weydii Mucaarid wax garad Aqoonyahan iyo Bulshadda qaybaheeda kala duwan markaas ayaynu fikir midaysan ku waa jihi karna cida wax igaga xidhan yihiin ama Somalia ha noqoto ama Wadan kaleba ee taas weeyaan talada aan Madaxweynaha u soo jeedinaya”
 

Dawladda Kenya Oo Sheegtay Inay Qaar Ka Mid Ah Ciidamadeeda Ka Tirsan Amisom Ee Ku Sugan Koonfurta Somalia Kala Bixi Doonto

$
0
0

Dawladda Kenya ayaa shaacisay in qayb ka mid ah Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee ka tirsan AMISOM ay kala baxayso koonfurta Soomaaliya, ka dib markii halkaasi la geeyy Ciidamo ka socda DalkaSierra Leone.
Col. Cyrus Oguna oo ah Afhayeenka Millateriga dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadda loogu tala galay inay ka howl-galaan dhanka Koonfurta Somaalia inay ka hawl galaan oo dhan 4664 oo  dhamaan tood wada ah Ciidamada  Dalka Kenya ay kala baxayaan halkaasi mar haddii ay yimaadeen Ciidamo kale oo nabadda Ilaaliya,
Sarkaalkan u hadlay Dalka Kenya ee lagu magacaabo Cyrus Oguna oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Heshiiskii is-afgaradka ahaa ayaa wuxuu dhigayay in Kenya ay ciidamada looga baahan yahay Koonfurta Somaalia geyso, markii ay ciidamada ka socda Sierra Leone yimaadaanna ay kala baxdo tiro le’eg Ciidamada la keeno” ayuu yidhi Col. Oguna.
Ciidamadan ka socda Dalka Sierra leone ayaa la sheegay inay gaadhi doonaan Gobaladda Jubooyinka dhowaan halkaas oo ay ka socdaan kullamo lagu dhisayo Maamul Gobaleedka Jubbaland oo hadda la ansaxiyay Dastuurka, balse uu ka taaganyahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Dawladda Federaalka ah iyo Maamulka halkaasi ka jira ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

AL-JAABIRI Oo Killilka Shanaad U Tegay Inuu Xoolo Ka Dhoofiyo Iyo Saamaynta Arrintani Somaliland Ku Yeelan Karto

$
0
0

Ganacsadaha wayn ee u dhashay Dalka Sucuudiga ee Somaliland kula jira Heshiiska dhoofinta Xoolaha ee Dekedda Berbera Al-jaabiri, ayaa Magaalada Jigjiga ee Xarunta is maamulka Somalida Itoobiya u tegay sidii uu maamulkaasi ugala hadli lahaa inuu Xoolo ka dhoofsado Killilka shanaad ee Itoobiya, isaga oo kulamo la yeeshay madaxda dawlad deegaanka Somalida.
 
Aj-jaabiri, ayaa kulan uu khamiistii la yeeshay Madaxweyen ku xigenka Killilka Shanaad  ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Hogaanka Nabad gelyada C/laahi Yuusuf Weeerar (C/laahi Itoobiya), waxa uu u sheegay inuu ugaaday in Xoolaha ugu badan ee uu ka dhoofsado Somalia iyo Somaliland ay uga yimaaddaan deegaanada Killilka Shanaad ee Itoobya, isdaasi awgeedna uu go’aansaday inuu Madaxda Maamulka Killilka Shanaad kala hadlo sidii uu toos uga dhoofsan lahaa Deegaanadaasi Xoolaha nool, taas oo la sheegay inay isla qaateen isaga iyo maamulkaasi.
 
Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Deegaanka Somalida Itoobiya ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Hogaanka Nabad-gelyada C/laahi Yuusuf Weerar (C/laahi Itoobiya) oo ay wehelinayeen, Wasiirka Caafimaadka Mudane C/fataax Maxamud Xasan,Wasiirka Madaxtooyada Mudane C/casis Maxamed Cabdi iyo Masiiro kale oo ay ka mid ahaayeen wasiirka beeraha, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Maaliyada iyo Maxadaxa Wakaalada Maalgalinta, ayaa kulan kula yeeshay Al-jaabiri Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida ee Itoobiya, kulan kaas oo lagaga wada hadlay sidi uu Aj-jaabiri Xoolaha uga dhoofsan lahaa Killilka shanaad.
 
Ganacsade Al-jaabiri,  ayaa isaguna sheegay in muddo 6 Sanno ah uu oo  ka fdhoofinayey Xoolaha Nool Somalia iyo Somaliland uu ogaaday  in tirada uga badan ee Xoolaha  ay dhoodhsadaan ay ka yimaadaan deegaanka Somalida Itoobiya, sidaas dar teedna ay lagama maar maan noqotay in ay Xukuumadda deegaanka kala xaajoodo inuu si toos ah Xoolaha uga dhoofsado Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, taas oo ay soo dhoweeyeen maamulkaasi oo la isla qaatay.
 
Al-jaabiri oo Somaliland kula heshiiyey inuu Xoolaha Nool ka dhoofsan doono dekedda Berbera, ayaan la ogayn sababta uu Killilka shanaad ugu wareegay, taas oo saamayn weyn ku yeelanaysa Somaliland haddii uu Al-jaabiri billaabo inuu Xoolaha ka dhoofsado Killilka shanaad oo ah meesha ugu badan ee ay Xoolaha Dekedda Berbera ka dhoofaa ka yimaaddaan, isla markaana ay Xoolo dhaqatada ka soo jeedda Somaliland degenyihiin.
 

Madaxweynaha Killilka Shanaad Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, Jeelkana Ka Sii Daayey Maxaabiis Deegaanka Xarshin Ka Soo Jeeda

$
0
0

Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya  Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shalay Xafiiskiisa Jigjiga Ku Qaabiley Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland, waxaanay kulankaasi kaga wada hadleen Sidii la is kaga kaashan lahaa nabad gelyada iyo dhinacyada Hurumarka deegaanada dhinaca xadka Somaliland soo xiga oo uu dhowaan Madaxweynaha Maamulkaasi socdaal ku maray.
Kulankan  ayaa ugu horayn Madaxweynahu waxaa uu aad ugu mahad celiyey Suldaan Xuseen oo ku amaanay sida Suldaanku doorka balaadhan uga qaato sidii loo adkeyn lahaa nabad galyada deegaanadaasi iyo sida uu ugu howl galo sidii dadka deegaanka laanqayrtu u heli lahaa guud aahaanba wixii ay u baahan yihiin, waxana Madaxweynuhu uu dhankiisa balan qaaday in ay qayb weyn ka qaadan doonaan sidii dadka deegaankaasi la iskugu soo dhaweyn lahaa, isla markaana ay uga wada shaqayn  lahaayeen sidii ay nabad gelyo u heli lahaayeen dadku, waxaa kale oo uu intaasi Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar  ku daray in Magaalada Laanqeyrta oo hoos timaada degmada Xarshin Mashaariic lagu horumarinayo deegaankaasi ay qorshaheeda waddo dawladiisu.
Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi ayaa isna dhankiis Madaxweyne Cabdi Maxamuud uga mahadceliyey soo dhaweynta balaadhan ee uu ku qaabiley iyo Safarkii uu Madaxweynuhu ku tegay Magaaladda Laanqeyrta, waxaanu Suldaanku xusay in ay Muhiimad tahay in la iska kaashado sidii loo wada sugi lahaa amaanka DDSI ka Madaxdhaqmeed ahaana ay ka Go’antahay sidii ay qaybtooda ugu qaadan lahaayeen ilaalinta iyo sugida amaanka, waxanuu Madaxweynaha ku amaanay sidii daacadda iyo ahayd ee uu intii xilka uu hayey uu ka qabtey deegaanka Somaalida iyo isbedelada Horumarineed ee uu ka hirgaliyey, waxaanay isku af garteen sidii looga wada shaqayn lahaa ka qayb qaadashada Horumarka, nabad gelyada iyo Maamulka Suuban.
 
Dhinaca kale Madaxweynaha Killilka Shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la sheegay inuu xabsi ku yaalla Magaalada Jigjiga ka si daayey Sideed Oday oo ka  soo jeeda Deegaanka Xarshin, kuwaas oo la xidhay maalmihii ay halkaasi ka dhacayeen iska hor imaado u dhexeeyey Ciidamada Liyuu Booliska iyo dadka deegaankaasi,  iyada oo la sheegay in siddeedaadi oday oo muddo ku xidhnaa Magaalada Jigjiga shalay la soo daayey, halka ay wararku  sheegayaan inay jiraan rag kale oo ka soo jeeda deegaankaasi in iyagana la filayo in la sii daayo.
 
 

Kulankii Wadatashiga Garsoorka Soomaaliya Oo Lasoo Gaba Gabeeyay Iyo War Murtiyeed Kaso Baxay AQRI

Muxaadaro ku saabsan Facebook by Sh Saciid Faarax (Xafiduhullaah)

FPIda oo Abaal Marin Siisay Dhaliyaro Somaliyeed

$
0
0

FPIda Mareykanka ayaa Abaal Marin gudoonsiisay Urur ay leeyihiin dhalinyarada Somali-Mareykanka ah oo fadhigiisu yahay gobolka Minnesota


Siilaanyo Oo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ka Ambax-baxay Dalka Si Uga Qayb

Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland oo goor dhow lagu dilay magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Waxaa goor dhow oo caawa ah lagu dilay magaalada Gaalkacyo Isku duwihii Wasaaradda amniga ee Gobolka Mudug Axmed Maxamed Axmed.
Dilka agaasimaha ayaa waxaa geystay kooxo ku hubaysan bistoolado, kuwaasoo ku toogtay Xaafada garsoor ee magaalada Gaalkacyo
Goobtaa uu falku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamada amaanka ee Puntland, waxayna halkaasi ka bilaabeen baaritaan mana la sheegin cid ay falkaasi u qabteen.

musaa # 1

musaa # 2

vdle

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live