Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qeybta 2aad Dhaqanka Wanaagsani Waa Hormarka Ummada Abu Dalxa (Finland)


Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka badbaaday isku day dil

Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka badbaaday isku day dil...

Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka badbaaday isku day dil

Maay

Barnaamijka Arrimaha Maraykanka

0
0

Barnaamijka Arrimaha Maraykanka ee todobaadkan waxa uu ku saabsan yahay fanaaniin caana oo Mareykan ah oo booqday dalka Cuba oo aan xiriir toos ah la laheyn dalka Mareykanka, iyo xubno ka tirsan Aqalka Congress-ka oo dood ka keenay.

MUXAADARO XIGMADA LOO ABUURAY BINI AADAMKA AADAMKA SH MUSTAFA XAAJI ISMAACIIL

Shirka Kismaayo

0
0

Wuxuu ku saabsan yahay shirka la isku khilaafsan yahay ee Kismaayo.


MUXAADARO BARBAARINTA CARUURTA SH MUSTAFA XAAJI ISMAACIIL XAIFDULLAH

Dawladda Turkiga Oo Cayintay Maalinta Wada Hadalku Dhex Mari Doono Somaliland Iyo Somalia Iyo Erdogan Oo Iman Doona Madasha Wada Xajoodka

0
0

Dawladda Turkey ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wada hadalada lagu wado in waddankaas ay ku yeeshaan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia, kadib markii ay martiqaad ka heleen xukuumadda Rajeb Tayyib Erdogan.
Dublomaasi sare oo Turkey ah oo shalay u waramay wargeyska Today Zaman oo ka soo baxa dalkaas ayaa sheegay in labada wadan ee Somaliland iyo Somalia ay ku yeelaan doonaan Istanbul wejigii saddexaad ee wada hadallo lagu dhexdhexaadinayo labada dal.
Dublomaasigan oo aan magaciisa la shaacin, ayaa tibaaxay in labada madaxweyne ee Somliland iyo Somalia, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay wada hadalo fool ka fool ah ay maalinta Sabtida ee 13 bishan April uu dhex mari doono, halkaas oo ay ku dhexdhexaadin doonaan madax ka socota Dawladda Turkey. “Waxa lagu qabanayaa Turkey wajiga saddexaad ee kulanka labada hoggaamiye si loo fududeeyo wada hadalada labada dhinac. Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee labada hoggaamiye dhex mara, dawladda Turkey-na aad bay ugu faraxsan tahay inuu ka dhaco Istanbul. Turkey-gu diyaar ayuu u yahay inuu doorkiisa ka qaato habsami-u-socodka wada xaajoodka dhex maraya labada hoggaamiye. Anagu (Turkey) waxaanu u fududaynaynaa qabsoomidda kulanka halkii aanu ka dhexdhexaadin lahayn” ayuu yidhi Dublomaasigan sare ee Turkey-ga ahi.
Dublomaasigu waxa uu sheegay in labada hoggaamiye uu kulankooda ka soo qayb geli doono Ra’iisal Wasaare Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ahmet Davutoglu, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, kuwaas oo si toos ah isku soo hor fadhiisan doona.
Dublomaasigu waxa uu intaa ku daray in kadib kulankooda Istanbul ay booqan doonaan magaalada caasimadda ah ee Ankara, halkaas oo ay kulan kula yeelan doonaan masuuliyiin sare oo ka socda dawladda Turkey.
Dublomaasigan sare ayaa sheegay in booqashadii uu Bishii hore ee March uu madaxweyne Siilaanyo ku tegay Turkey y kaga wada hadleen arrimo dhawr ah oo uu ku jiro Mashaariicda ay shirkadda TIKA oo horumarinta iyo iskaashiga u qaabilsan Turkey iyo shirkado kale oo aan dawli ahayni ay ka wadaan gudaha Somaliland. “Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa ballan qaaday in la kordhiyo caawimada iyo dedaalada ay ka wadaan dhamaan gobolada Somalia oo ay ku jirto Somaliland. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay muhiimad weyn u leedahay Turkey marka la eego xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay Dawladdii Cusmaaniyiinta” ayuu yidhi dublomaasigu.
Sida uu diblomaasigan magaciisa qariyay u sheegay wargeyska Today Zaman, wasiirka Arrimaha dibedda ee Turkey, Davutoglu waxa uu ballan qaaday in uu sii wadi doono taageerada dib-u-heshiisiinta, xasiloonida iyo horumarka Somalia oo ay ku jirto Somaliland.
 
 
 HARGEYSA SOMALILAND

Suldaan Maxamed Oo Golaha Deegaanka Hargeysa Ugu Baaqay Inay Iska Ilaaliyaan Khilaaf Ka Dhashay Jagada Maayirka

0
0

 
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, ayaa Golaha deegaanka ee Hargeysa ugu baaqay inay iska ilaaliyaan khilaaf kaga yimaadda Jagada Maayirka ee uu ka baxay Alla ha u naxariistee Maayirkii Hore ee Hargeysa Eng Yuusuf  Warsame  Siciid oo shalay lagu aasay Magaalada Hargeysa, kaas oo uu sheegay inay durba maqlayaan xan suuqa ku jirta oo ku saabsan arrintaasi, isaga oo ka codsaday inay ixtiraamaan Geerida sii qoyan.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo shalay ka hadlay Madaarka Hargeysa mar uu halkaasi warbaahinta kula hadlay isaga oo tacsi u dirayey Ehelada iyo qaraabada Maayirkii Hore ee Hargeysa ee Geeriyooday, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Golaha deegaanka looga baahanyahay inaanau xilligan billaabin khilaafka ama doorashada maayirka Hargeysa oo uu sheegay inuu ka dhalan karo khilaaf.
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland  Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Qolada Golaha Deegaanka ee Cusubna waxaan leeyahay waa inaanay ku deg deign arrinta Golaha Deegaanka u taalla, waayo Khilaafaadkiinu ma wanaagsana oo caalamkuna wuu ina soo eegayaa, waxan leeyahay horta aan tacsida dhamaysanno oo Assayda ha dhigto Gabadhu, sidaas ayaan kula talinayaa, waxaan leeyahay dhamaan tiin samir iyo iimaan dhamaantiin Golaha deegaanka Hargeysa, waxaan leeyahay durba dhux dhux ayaa laga maqlayaa suuqa oo is qab qabsiguna ma wanaagsana, Maydkiina wuu qoyan yahay waar waxaad yeeshaan arrinkaas ha inagu kicinina ayaan leeyahay Xumaantiisa, inta aanu maydkaas idinka aasanayno, hadaladda suuqa soo geliaya ee la idinka maqlin ma wanaagsanee,”
HARGEYSA SOMALILAND

Machad Cusub Oo Loogu Magac Daray Akadamiyada Cilmiga Caalamiga Ee Adal Oo Boorama Laga Furay

0
0

 
 
 
 
 
 
 
Munaasibad Balaadhan oo xadhiga lagaga Jarayey xarun cusub oo la magacbaxday Akadamiyada Cilmiga Caalamaiga ee ADAL ayaa maata lagu qabtay dhismaha xaruntaasi ay ku shaqayndoonto ee magaalada Borama .
Munaasibadaasi ayaa waxa ka qayb galay gudoonka Waxbarashada Gobolka Awdal, masuuliyiinta machadkan ,qaarka mid ah maamulayaasha dugsiyada , shirkadaha isgaadhsiinta iyo dadwayne kale oo aad u farabadan


 
 

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cabdiraxmaan Tubeec oo ka mid ah aas aasayaasha machadka ADAL ayaa isaguna faahfaahinka bixiyey adeegyada waxbarasho ee mahadka waxaanu xusay in macalimiin ajnabi iyo Somaliba ay waxka dhigidoonaan machadkan
Gabagabadiina waxa halkaasi kahadlay hormuudka guud ee machadkan ADAL Ayaanle Haaruun oo sheegay in loo baahanyahay in ay ardayda iyo waalidiintuba ka faaaiidaystaan machadkan cusub oo dhulkooda loogu keenay waxbashooyinkii loo dhoofayey qaarkood

RW Saacid Wareysi Gaar ah

0
0

VOA ayaa wareysi gaar ah la yeelatay RW. Saacid, waxuuna kaga hadlay Jubooyinka, shirka Turkiga iyo xiriirka dowladda iyo dalalka deriska ah.

Sh Umal iyo Sh Idiris Su'aalo Iyo Jawwabo Aad Muhiim u Ah

SH UMAL IYO SHABAABKA 09 04 2013


IMF recognises Somalia government after 22-year break

0
0

Mogadishu  (Sh.M.Network) President Hassan Sheikh Mohamud’s government is winning approval from international donors
The International Monetary Fund has recognised the government of Somalia after a break in relations of 22 years.
The move could enable the IMF to provide technical support and policy advice to the impoverished country in the Horn of Africa.
However, the IMF will not lend money to Somalia until it clears a $352m (£230m) debt it owes to the organisation.
Somalia has been slowly rebuilding itself following two decades of civil conflict.
 ”The International Monetary Fund today recognised the federal government of Somalia, headed by President Hassan Sheikh Mohamud, paving the way for the resumption of relations after a 22-year interval,” the IMF said in a statement.
“The decision is consistent with broad international support and recognition of the Federal Government.”
Although Somalia has been an IMF member since August 1962, the years of civil war meant there was no government with which the fund could deal.
International donors have slowly been re-engaging with the Mogadishu government since President Mohamud’s election last year.
It was the first vote of its kind in the country since warlords toppled military dictator Mohamed Siad Barre in 1991.
The US officially recognised Somalia in January, acknowledging the new government’s progress towards political stability and attempts to end the insurgency by Islamist militants al-Shabab.
Although Washington never formally cut diplomatic ties with Somalia, the 1993 Black Hawk Down incident – in which 18 US servicemen died after militia fighters shot down two US military helicopters – marked the country’s descent into anarchy.

Waxgarad dowladda Ka dalbaday in Kenya ay kala hadasho in ay Fara Gelinta Ka deyso Jubbooyinka

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)  Siyaasiyiintaan iyo Waxgaradkaan Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in dowladda Kenya ay Kala hadasho Joojinta Fara Gelinta ay ku Heyso Gobollada Jubbooyinka.
Nabadoon Max’ed Ismaaciil oo ka mid ah Nabadoonada Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Soomaaliya waxa uu Ka Codsaday in Kenya ay kala hadasho in ay Faraha kala Baxdo arrimaha Jubbooyinka.
Nabadoonka ayaa Carabka ku dhuftay in Shacabka Jubbooyinka ay u afduubanyihiin Dowladda Kenya dowladda Soomaaliyana Looga baahanyahay in ay Go’aan kama dambeys ah ka gaarto arrimaha Jubbooyinka.
Sikastaba ha ahaatee Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa dhowr Jeer Dowladda Kenya ku eedeeyay in ay Colaad Ka hurineyso Gobollada Jubbooyinka ee Koofurta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Ciidanka dowladda Dhowrista Xuquuqda Aadanaha Halagu abaabiyo

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka hor hadlayay Boqolaal Ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay qeyb weyn Ka qaateen Ka bad baadinta Shacabka Abaarihii Ba’naa ee dalka Soomaray.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku Nuux nuuxsaday in Loo baahanyahay Askar daacad ah si Amni Buuxa Loo Helo isagoo Xusay in Lagama maar maan ay tahay in Baahida Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed La daboolo si ay u dhiiranaadaan.
Madaxweynaha ayaa Hoosta Ka Xariiqay in Barashada Xirfadaha Ciidanka loo baahanyahay in ay qeyb ka ahaato Xuquuqda Aadanaha.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed in ay Mideeyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya si Awood is heysata ay U Noqdaan.

C/qeybdiid: Laheystayaal ayaan Burcad badeeda Ka sii deyneynaa

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)  Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dadaal Ugu Jiraan sii deynta dad Ajnabi ah oo in Mudda ah Gacanta ugu Jiray Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida Kuwaasi oo Lagu Heysto deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo wareysi Gaar ah siinayay Idaacadda Shabelle Xarunteeda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay Ka mid yihiin Ammaanka iyo Meesha uu Gaarsiisanyahay Xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.
Mr Qeybdiid ayaa sheegay in Ammaanka Galmudug Xilligaan uu Wanaagsanyahay isagoo dhinaca kale sheegay in ay Socdaan dadaallo Lagu doonayo in Lagu sii daayo dad Ajnabi ah oo kol Hore Laga Afduubtay Deegaanada Maamulkaasi Balse Lagu hayo deegaanno kale.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay Kooxaha Burcad badeeda in kaalin Muuqata ay ka qaataan sii deynta Laheystayaashaasi.
Madaxweyne C/qeybdiid ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu wado dadaallo uu Ku gaarsiinayo qeybaha uu Ka koobanyahay Maamulka Galmudug ee Labada Gobol ee uu ku Magacaabanyahay ee kala ah Mudug iyo Galgaduud balse waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay Maamulo Hoos yimaado u Magacaawday deegaanadaasi taasi oo sababtay in hakad uu ku yimaado wada hadalladii u dhexeeyay Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca iyo Maamulka Galmudug.
Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa Ku soo Beegmaya Xilli Muddooyinkii dambe Maamulkaasi uu waday dadaallo uu Ka Xaqiijinayo Nabad Gelyada deegaanada Hoostaga Galmudug iyo Howl Gallo Lagula dagaalamayo Kooxaha Burcad badeeda ee ku sugan deegaanada Maamulkaasi.

Roobab iyo Daadad is Wata oo ka da’ay Sh/Hoose

0
0

Marka (Sh.M.Network) Roobabkaan ayaa saacadihii u dambeeyay waxa ay ka da’ayeen deegaanno Hoostaga Gobolka Sh/Hoose kaasi oo watay daadad iyo Fatahaad uu  sameeyay Wabiga Shabelle.
Wararka ka imaanaya Degmooyinka Wanlaweyn iyo Janaale ayaa waxa ay sheegayaan in Roobabkaan Xalay Saameyn weyn  ay ku Yeesheen dadka halkaasi ku nool iyadoo dadka qaarkood ay Ka bexeen Guryahooda si ay Gabaad Fiican oo ay kaga okortaan Roobka u helaan.
Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Wanlaweyn Max’ed Axmed Cali oo wareysi Siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Saameyn weyn ay Ku yeesheen Roobabkaasi.
Wararka Laga helayo Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa iyana ku soo waramaya in Fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabelle iyadoo dadka ku nool Degmadaasina ay sheegeen in Saameyn weyn uu ku yeeshay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabelle.
Guryo Wabiga Jiinkiisa dad degenaa ayaa Lagu soo waramayaa in Fatahaadda wabiga uu u soo galay Guryahooda.
Sikastaba dadka ku nool Gobolka Sh/Hoose ayaa Maal mihii dambe La daalla dhacayay Abaarro Xoogan iyadoo haatanna ay ku diirsanayaan Roobabkaasi ku hooraya dushooda.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live