Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Howlgalo baaritaan ah oo ka socda Muqdisho

$
0
0

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saakay howlgalo ballaaran waxa ee ka wadaan degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay waxaa lagu arkay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyagoo baaritaano saf ballaaran ah ku sameynaya xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho.
Howlgalka ayaa ah mid ilaa hadda socda goobaha uu ka socda ayaana waxaa ka mid ah degmada Hodan oo xiligan uu howlgalku ka socdo ciidamadana ay xireen in ka badan 200-ruux kuwaa oo lagu daadgureeyay Xabsiyada.
Waxaa saakay maaalada Muqdisho lagu arkayaa ciidamo badan oo dowladdaka mid ah kuwaa oo si feejigan howlgalo u wada.


President Hassan Declares new phase of Fighting against Alshabab

$
0
0

Mogadishu (sh.M.Network) the president of the federal republic of Somalia Mr. Hassan Sheikh has declared a joint fight to eliminate the Alshabab Militia after they launched several attacks in Mogadishu yesterday. This was the most dreadful attack since Alshabab moved out of the city.
 
An emergency meeting was held last night at Villa Somalia to address the issue. The meeting was chaired by the president and attended by national security officials. The president called on a joint fight against Alshabab led by Somali defense force and AMISOM troops.
After the emergency meeting, The President sent his heartfelt condolences to the victims and families of the cowardly attack on innocent Somali civil servants and civilians.
The president added that these were similar attacks to those of Al-Qaida that takes place in countries like Afghanistan and Pakistan and is spearheaded by foreigners who he termed as enemies of Somalia.
The president said this while addressing the public “what happened here is what happens in Baghdad, Kabul and also a similar incident happened at a hotel in India which is a democratic country”
He added “To the Somali people, you must bear in mind that these groups are not Muslims, they are the enemy of the Muslims, and they are the enemy of Allah because they are killing his creatures without any reason.”
“If you look back to all what they have done, It is not that they are fighting against the government or the security forces but they are in fight against every humankind- particularly the people of Somalia and the people of Mogadishu.”.
The president has requested the members of public to join hands with the government in order to clear out the remains of the group who were planning to cause more damage.
Alshabab has claimed the responsibility of the blast that claimed 27 lives majority of them being innocent civilians.
 

Hambalyo loo dirayo fannaanka xildhibaanka noqday

$
0
0

Fannaanka Soomaaliyeed ee Farxaan Muuse Cige (Farxaan Xidig) oo dhawaan loo magacaabay xildhibaan isagoo beddelay kursigii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamud Ismaaciil Barkhadleh oo ahaa xildhibaan ahaana wasiir ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa waxaa hambalyo u diray xubnaha ay ka midka yihiin:
Xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaalida Uganda Mr. Khadar,  Xuseen Ibraahim Nuur, Cabdullaahi C/qani Ibraahim, Xasan Maxamed Miisaan,  Fatxi Cabdullaahi, C/raxmaan Dalmar, C/wahaab Maxamed Warsame (Qanciye).
Magacaabista Farxaan Muuse Cige (Farxaan Xidig)  ayaa waxaa soo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno, Duqa magaalada Muqdisho, mas’uuliyin ka tirsan ururada aan dowliga ahayn, Culamaa’udiin, Siyaasiyiin iyo ganacsato.
Fanaankan Somaliyeed ee Farxaan Xidig ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda xilkaasi loo dhaariyo isla markaasna uu ka qayb qaato isbadalada sida xawliga ah uga socda Soomaaliya.
Farxaan Xiddig ayaa muddooyinkii u dambeeyay  ku sugnaa Soomaaliya, horena uga hawlanaa horumarinta caqliga iyo maaweelada dadweynaha.

Dhageyso: Puntland oo cambaaraysay weeraradii qaraxyada ee shalay ka dhacay Muqdisho.

$
0
0

Dowladda Puntland ayaa cambaareysay weeraradii ismiidaaminta iyo qaraxyada ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho , kaasi oo ay kudhinteen inka badan 20- qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen inka badan
badan 40- qof oo dhamaantood ahaa shacab iyo saraakiil katirsan Garsoorka qaranka ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegaywarsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowladda Puntland inay tacsi
ugu dareen dadkii ku dhintay weeraradii qaraxyada ee lagu qaadaymaxkamadda gobolka Banaadir.
Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Puntland qaraxyadaasi u aragto mid qeyb ka ah laynta dadka indhaha u ah bulshada.
Gaashaan wuxuu sheegay inaan la dhayalsan karin digniinaha ay bixinayaan dowladaha reer galebeedka oo ay ugu dambaysay dowladda Ingiriiska.
Dowladda Britin ayaa dhawaan ka digtay weeraro argigixiso ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho muwaadineenteeda ugu baaqday inay isagoo baxaan Muqdisho iyo deegaanada ku dhow.
Waxaana xusid mudan in qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ay ku dhinteen muwaadaniin u dhashay dalka Turkiga.
Halkaan ka dhageyso codka wasiirka.
Buraammews.com- Garowe

Ciidanka Puntland ee Aaga Galgala oo Soomaaliland ku eedeeyay inay garabsiiso ciidanka Alshabaab ee buurta ka dagaalama.

$
0
0

Saraakiisha ciidanka Puntland ee ka dagaalama aaga buuralayda Galgala ayaa Soomaaliland ku eedeeyay in ay saanad ciidan siiso ciidamada Ururka Al-shabaab ee fariisimaha ciidan ku leh dhulka buuralayda Galgala.
Warkaan waxaa maanta warbaahinta u sheegay Korneel Jaamac Siciid Warsame oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada Puntland ee aagaas.
Sahayda ay helaan ciidanka Alshabaab ayaa korneelku tilmaamay inay ka timaada dhinaca koonfurta Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in lasoo marsiiyo dhinaca Soomaaliland.
Korneel Siciid Warsame ayaa dhinaca kale beeniyey warar sheegayay in dagaal uu ku dhexmarey buuraha Golis ciidamo taabacsan Al-shabaab iyo ciidamada Puntland.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Soomaaliland lagu eedeeyo inay taageero siiso ciidanka Alshabaab ee buurta. Waxaana arintaan ay kusoo beegmaysaa xilli waayadaan dambe ay hoos u dhaceen iska hor imaadyadii ka dhici aagaas.
Buraannews.com- Bosaso

MUXAADARO CUSUB NAXARIISTI RASUULKA S.C.W SH MAXAMUUD ABUU DALXA 2013

MUXAADARO CUSUB CADAABUL QABRIGA IYO NICMADIISA SH MAXAMED CABDI UMAL XAFIDULLAH 2013

Somalia values strategic partnership with EU, Prime Minister says

$
0
0

16 April 2013 His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon today welcomed Francesca Mosca, the EU’s Director of Cooperation for Sub-Saharan Africa, to Villa Somalia to discuss the security partnership and strengthen bilateral relations.
“Our relationship is much closer than partnership,” the Prime Minister said. “We are friends and I thank you for coming to Villa Somalia.”
During wide-ranging talks, the PM updated Ms Mosca on the government’s rejection of the old “4.5 tribal system” for political representation and participation. Women’s rights and political contribution were a priority for this government.
“We recognize the role of women in our society and give them a fair share in our government: two ministers out of 10 and the first time a Deputy Prime Minister is a woman. While we are in a bad situation we never forget our obligation to the Somali women.” Human rights more broadly was a critical issue, which is why the government had launched the Independent Task Force on Human Rights to investigate sexual violence against women and the killing of journalists.
The Prime Minister briefed Ms Mosca on his successful recent Listening Tour across Somalia and his Regional Tour of East Africa. Security was at the heart of both initiatives and the government was acutely aware of the public’s priorities – which partners, such as the EU could support. Piracy was dramatically down in 2013, the Prime Minister said, stating that this was reflective of political, security and economic improvements on the land. Terrorism was a formidable international challenge that Somalia was facing with limited resources.
Somalia was calling for more direct support to the government and line ministries rather than support to NGOs, which bypassed the government and did not enhance capacity. In that light, the Prime Minister welcomed Ms Mosca’s commitment of €22m of direct support to focus on public finance management and public administration.
Ms Mosca said the EU was standing by Somalia at this critical time. “We want to be supportive and Brussels to be successful. We want to help on building the capacity of Somali security, as we already support AMISOM operations.”
Somalia was looking forward to participating in the New Deal, the Prime Minister said. This was a new framework for assistance provided to fragile states affected by conflict.
ENDS
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028


“nigu Wasiiru Dawlihii Nabadaynta Kayse Cabdi Yuusuf waxaan u arkaa nin asqoobay oo isku meeraysanaya” CJaamac Shabeel Oo Wasiirkii Is-casilay Ku Tilmaamay Nin Asqoobay

$
0
0

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga  Kulmiye Jaamac Ismaaciil  Cige (Jaamac Shabeel) ayaa ka hadlay Muddo kordhin loo sameeyey  Golaha Wakiiladda  oo Wakhtigoodii dhamaaday oo ay shalay Golaha Guurtidu muddo laba sanno ah u kordhiyeen.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo la hadlay warbaahinta, ayaa  waxa kale oo uu ka hadlay arrinta Wasiiru dawlihii Nabadaynta Gobolada Bariga Somaliland Kayse Cabdi Yuusuf oo uu sheegay inuu u arko nin asqoobay oo isku meeraysanaya.
Guddoomiyaha golaha dhexe ee  xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige(Jaamac Shabeel) oo ugu horeyn ka hadlayay Wararka sheegayay Mudo kordhinta Madaxweynaha iyo ta Golaha Wakiiladda waxa uu  yidhi “Horta cidda leh Madaxweynaha Axmed Siilaanyo Xil ayaa loo kordhinayaa waa cid iska hadashay oo deg degaysa waayo waxa ka hadhay Xilka Madaxweyaha in ka badan laba Sanadood iyo badh oo waa ilaa iyo 2015-ka wixii ka danbeeya markaas waad aragta in aanay ahayn Wakhti lagaba hadli koro Mudo kordhin Xilka Madaxweynaha ah iyo wax la mid ah waana Su,aalo xiligaas ku haboon aniguse ma garan karo cida hada arinta Xiisaha uhaysa,Muddo kordhinta baarlamaanka ayaa timid waxa aan qaba anigu arinta ina hortaala maaha taasi,balse ta ina hortaala waxa weeyaan 5-tii Sano imisa Doorasho ayaynu geli karna waxanu Caqliga caadiga ahi ku faraya in aynu 2-Doorasho oo kaliya  wax inta ka badan ma geli karno oo hadii kale waxa intaas ka badan waa la wareeridoona oo Buuqna waynu ku jiridoona meel loo dhaqaaqidoonaana ma jiridoonto,kolka waxa inoo haboon in intoo dib u eegis lagu sameeyo wixii is qaban kara Mudadaasi 5-ta Sano ah laba mar oo kaliya ah Doorasho gala,balse hadii Sanad kasta aynu doorasho galo oo imika tii baarlamaanka galo hadana Sanadka danbe tii guurtida galo hadana tii Madaxweynaha galo,Hadana tii Golaha deegaanka galo ma wax macquul ahba sanad kasta ma doorasho ayaynu ku jirna macquul mayay tahay marka waxa aan soo jeedinlaha in laba doorasho oo kaliya lagu soo ururiyo in aynu Sanad kasta gelilahayn buuq iyo qaylo.
Guddoomiye Jaamac Cismaan Cige(Jaamac Shabeel) oo ka hadlayay Aragtida ay kooxda Nabadiidka ah Khaatumo ka bixiyeen Guushii  Somaliland ka soo hoysay Shirkii Turkiga waxaanu yidhi Aniga aragtidayda wax sida u culus Khaatumo ilama aha mida kale arin cidi dheg jalaq u siinayso maaha waxa ay ka leeyihiin meelahaasi balse waxa jirta arin iyaga(Maleeshiyadda Khaatumo) la gudboon waana inay dariiqa saxda ah ee dantoodu ku jirto ay ku toosaan oo abaaraan, runtuna waxa weeyaan waxa ay doonayaan gacmahooda ayay ku jiraan taas ayuunba dhab ah oo reer Khaatumo waa sida ay isku maaweeliyaan anagu ma naqaano ee waxa ay day dayayaan waa wax iyaga dhexyaala oo gacmahooda ku jira balse nasiib daroda haysata waxa weeye wax Gacantooda ku jira ayay raadintiisa ku daaleen oo meel kale ka raadinayaan waxanay ila tahay waxa loo baahan yahay cidii ka dhaadhicinlahayd waxa ay gacantooda ku haystaan oo qofna qof kale wax uu gacantiisa ku haysto ma siin karo ileen isagaaba haysta.
Jaamac  Cismaan Cige (Jaamac Shabeel) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maxa la siiya,bal eeg waxa ay leeyihiin 5-Beelood ayaanu nahay hadii aanu reer Somaliland nahay hadana waxay ku leeyihiin Beel kaliya ayaa Somaliland doonaysa iyamay Khaldan yihiin Adeer Cid Somaliland cid kale ka leh ama kaga Xaquuq iyo Sharaf badani ma jirto Galbeed ilaa Bari Khaatumo ama qolo magac kala sheeganaysa mid koodna habeena Somaliland kama bixi karaan oo Somaliland ayaa u wada dal ah oo ay wada leeyihiin wax Somalia kaga maqanina ma jirto ee halkan ayay wax kasta ugu jiraan,waana run oo wax ayay tabanayaan cid kastana Xaq ayay u leedahay inay tabato wax laakiin Nimanka Khaatumo sheeganaaya waxa aan u soo jeedinaya Somaliland cidina idinkama Xuquuq iyo Muwaadinsana ee wax aad idinku gacmahiina ku haysataan ha ka raadinina Cid kale ee umaddina dhinac ka soo raaca ayaa leeyahay”
 
Guddoomiyaha golaha dhexe ee  xisbiga. Kulmiye Jaamac Cismaan Cige(Jaamac Shabeel) waxa uu ugu danbeyntii ka hadlay Wasiiru dawlihii Nabadeynta gobolada bari Kayse Yuusuf Cabdi waxanu yidhi “Wasiiru Dawlahii Dib u heshiisiinta ee  Goboladda Bari Kayse  waxa aan u arka arinkiisa mid yacyacood ah waayo in aad raad kaaga uun ku meeraysato maaha oo dhibaato weeyaan taasi,oo marka aad meel galayso eed go,aan qaadanayso waxa haboon inay waxaasi wax kaago,an  yihiin oonad shaki iyo labac labac ka qabin waana wadadii uu ka baydhay maaha talale meel ay gaynayso ay jirto adeer Kaysoow waan sii soconaya oo waan soo soconayaa ma jirto oo waxaas qof asqoobay ayuunbaan kaaso qaadaya anigu, waxanan ku soo jeedinlaha in aad Jaha uun yeelato haddii kale waad isku meeraysan uun waliga Hublaysku celiyaana ma jiro ileen meesha layskama Ciyaarayo oo waxa ka jirta halkan dawladnimo iyo Sharciyad shaqaynaaya”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Suldaan Xiirey Oo Ugu Baaqay Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somalia In Ay Yimaadaan Somaliland

$
0
0

 
Waxa Uu Soo Dhaweeyey Qodobadii Ka Soo Baxay Wada Hadaladii Labada Dal
 
Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa soo dhaweeyey wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ku dhexmaray Dalka Turkiga iyo qodobadii ka soo baxay, waxaanu Madaxweynaha Somaliland iyo Waftiga uu hogaaminayo ku amaanay meeqaamka ay ku tageen dalka Turkiga iyo guulaha ay ka gaadheen wada hadaladaas.
Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, ayaa sidoo kale amaan u soo jeediyey Madaxda dalka Turkiga oo uu sheegay inay dhex dhexaad ka noqdeen wada hadaladaas Somaliland iyo Somalia dhexmarey.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo shalay Wargeyska Saxansaxo u waramayey ayaa codsaday in wada hadalada Somaliland iyo Somalia dhexmari doona Saddex bilood kadib in lagu qabto Somaliland isaga oo Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia-na ka codsaday inay Somaliland yimadaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Guul iyo Sumcad ayey Somaliland u ahayd wada hadaladii ka dhacay Dalka Turkiga ee u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia, waxaana xaqiiq ahaan Somaliland magac iyo maamus u noqotay sida qiimaha leh ee dal ahaan loogu qaabilay, waxaana aad u taageeraya qodobadii ka soo baxay wada hadaladaas dhexmaray Somaliland iyo Somalia, gaar ahaan qodoboda ah in deeqaha Waxbarasho laga wada shaqeeyo, in wixii Mucaawimo ah si siman loo wada qaato, in amaanka iyo nabadgeliyada labada dal laga wada shaqeeyo, waxaana amaan balaadhan u soo jeedinaya Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), iyo Waftigiisa ee wada hadaladaas ka qeyb galay, iyo sida wacan ee ay qadiyada iyo madax banaaninada Somaliland u ilaaliyeen, waxa kale oo aan amaan balaadhan u soo jeedinaya Madaxda dalka Turkiga oo iyagu si siman u qaabilay labada dalka ee Somaliland iyo Somalia”.
Suldaan Xiiray isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa lagu balamay in wada hadalada labada dalka ay sii socdaan, oo waxa loo balamay in Saddex bilood la wada hadlo, marka anigu waxaan odhan lahaa oo aan soo jeedin lahaa in Somaliland lagu wada hadalo, maadama dalka Somaliland iyo nabad ku caano maashay, oo aanu ka jirin wax amaan daro ah, halka maanta dalka Somalia aan amaankiisa la isku halayn karin, xaqiiq ahaana waxaan dalka Somalia ugu ducayn lahaa inuu ILLAAHAY ka dhigo dal nabdoon, oo amaankiisu sugan yahay, maadama ay yihiin dad Islaam ah”.
Afhayeenka Salaadinta Somaliland Suldaan Xiiray ayaa Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia ka codsaday inay Somaliland yimaadan, waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlay “Waxaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia ugu baaqaya oo aan ka codsanaya inay yimaadan Somaliland, oo ay arkaan nabada taala iyo in wada hadalada dambe ee loo balamay ay ka dhacaan Somaliland”.
Suldaanku isaga oo hadalkiisi sii wata waxa uu yidhi “Bulshada reer Somaliland waxaan ugu baaqaya inay ilaashadan Amaankooda iyo Nabadadooda, wixii khal khal ku haya Amaankana iska qabtaan”.
 
HARGEYSA SOMALILAND
 
 
 

Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa Muqdisho kula Kulmay Wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub (SAWIRRO)

$
0
0

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Midowga Yurub ka socday oo uu hoggaaminayay agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Midowga Yurub, Francesca Mosca.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso iyo xubno ka socday Belgium. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ra’iisul wasaare Saacid iyo agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ururka Midowga Yurub, Mosca.
“Aniga iyo wadiga waxaan kawada hadalnay arrimaha dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya, xasilinta gobollada iyo horumarinta dalka iyo waliba dib-u-dhiska hay’adaha maamulka maaliyada,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Saacid, oo intas ku daray in dawladdu ay dhaqan-gelisay sidii nidaam hufan oo maaliyadeed loo sameyn lahaa, ayna ka codsadeen inay Midowga Yurub gacan ka geysto gundhigga arrintan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dhawaan ay la siixan doonaan Midowga Yurub heshiis iskaashi iyo mid horumarineed kuwaasoo loo yaqaan -Cotonou agreement, wuxuuna xusay in heshiiskan uu faa’iido u leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageeri doono horumarinta dhismaha hay’adaha dowladda iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha.
Dhanka kale, agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Midowga Yurub; Francesca Mosca ayaa ugu horreyntii ka tacsiyadeysay xasuuqii argagixisada ee 14-kii bishan ka dhacay maxkamadda gobolka Banaadir oo Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadooda.
“Wadahadalladeennu waxay ahaayeen kuwo miro-dhal ah, waxaana halkaan ka caddeynayaa in Midowga Yurub uu taageero buuxda la garab-taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayay tiri agaasimaha waxayna dhanka kale xustay inay taageero buuxda u hayaan howlgalka AMISOM kuna taageerayaan dhaqaale.
Ma ahan markii ugu horreysay oo wafdi ka socda Midowga Yurub ay yimaadaan Soomaaliya, iyadoo tan iyo sannadkii hore ay Muqdisho si isdaba-joog ah u soo gaarayeen wufuduud ka socda caalamka.
Source-Hol

WASIIR DUUR: “Qof walba ha ogaado inuu yahay Askari, Nabaddeenuna ay ku tiirsan tahay shacbiga Somaliland oo dhan

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur), ayaa maanta cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo Magaalada Boston ee dalka Maraykanka.
Sidaas waxa uu maanta ka sheegay Wasiirka arrimaha gudaha oo ah gudoomiyaha guddi dhowaan madaxweynuhu u magacaabay diyaarinta munaasibadda 18 May oo ka hadlayey qaabka ay u diyaarinayaan xuska, waxaanu sheegay inay si fiican u wadaan hawshooda, isla markaana sanadkan si weyn loogu dabaaldegi doono sanad guuradda 18 May.
Waxa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay nabadgalyadda ilaashadaan, isla markaana u diyaar garoowaan xuska sanadguurada maalinta madax banaanidda Somaliland.
“Shacbigayaga oo Nabad-gelyada tiir weyn u ah waxaanu leenahay dabaal dega iyo farxadda munaasibadda 18-ka May ha idiinla socoto taxadir iyo feejignaan, waana in qof waliba ogaado inuu masuul ka yahay Nabad-gelyada sidii ay horeba uga ahaayeen.”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Guduhu oo ka hadlaya sidii Amniga loo adkayn lahaa, waxaanu intaas ku daray “Qof waliba ha ogaado inuu yahay askari, nabadeena saldhigeeduna ay tahay mid shacbiga ku tiirsan,”.
Sidoo kale, wasiirku waxa uu cambaareeyey qaraxii ka dhacay magaaladda Muqdisho, waxaanu yidhi  “Waxaanu cambaareynaa fal kasta meel kasta oo uu adduunyada ka dhaco, kii Muqdisho ka dhacay ayaanu cambaareynaynaa, kii Magaalada Boston ee Maraykanka ka dhacay ayaanu cambaareynaynaa, taasi waxay muujinaysaa in colaada argagixisadu ay tahay runtii mid baahsan,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu,
Source-Hol

Musharaxnimada Axmed Madoobe oo lagu Murmay

$
0
0

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beel ka mid ah beelaha dega Jubbooyinka ayaa Axmed Madoobe u doortay inuu noqodo Musharaxa beesha ee doorashada madatinimada Maamulka Jubbooyinka, hase ahaatee qaar kale ayaa ka soo horjeestay.

Mucaaradka oo doonaya kursiga QM

$
0
0

Isbahaysiga Mucaaradka Suuriya ugu weyn ayaa qorsheynaya inay u dagaallamaan kursiga dalku ku leeyahay Qaramada Midoobay oo ay waddalada ku fariisato, kadib markii bishii hore ururka jaamacadda Carabta ay si rasmi ah u aqoonsadeen mucaaradka.

Soomaali lagu dilay London

$
0
0

Magaaladan London waxaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay lagu dilay tiro dhallinyaro asalkoodu Soomaali yahay. Sababta dilalkaasi weli ma cadda, waxaana baaritaanno ku haya boliiska magaaladan London oo soo qabtay qaar ka mid ah dadka lagu tuhmay.


Daawo Meeyarka Borama Oo Ka Waramay Dhismaha Guriga Martida Iyo Shirkada Dhismaha Ee Miisaan Oo Bilawday

Djabouti:::Banaanbax Rabshada Wata Oo Ay Dhigeen Haweenwaynaha Jabuuti Oo Ay Kaga Soo Horjeedaan Cabudhinta Iyo Xadhiga Loo Gaystay Culumada Iyo Siyaasiyiinta Jabuuti Oo Ka Dhacay Jabuuti

Saraakiisha Dowladda Ee Bay oo sheegay in ay La wareegeen Deegaanno Cusub

$
0
0

Beydhabo (Sh.M.Network) Wararka Naga soo Gaarayo Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxa ay Kuwaramayaan in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay La wareegeen Deegaanno Horleh oo Ka tirsan Gobolka Bay Kuwaasi oo ahaa Kuwii ugu dambeeyay ee Maal mihii dambe ay Ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopia oo iskaashanaya iyo Kuwa Ururka AL Shabaab.
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopia ayaa La sheegay in ay Ku sii siqeen deegaanno ay Ka mid tahay Degmada Ufurow ee Gobolka Bay.
Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobollada Bay iyo Bakool Korneel Xasan Beydhabo oo Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda aysan Howl Galkooda hakin doonin Maadaama uu Xusay in Maanta ay ku sii siqeen Howl galna ay Kula wareegeen Deegaanno Horleh  oo  k a tirsan Gobolka Bay.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay Ururka AL Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo Ilo Ka madax banana dowladda Soomaaliya oo Xaqiijinaya sheegashada Deegaanadaasi ay kula wareegeen dagaalka.

Ma rabin inaan argagixiye noqdo "Sheeko run ah oo uur ku taalo iyo anfariir dad badan gelisay hoos ka kala soco"

$
0
0

Axmed wuu baqayaa. Wuxuu ka soo baxsaday al shabaabka aan la jecelayn. Kuma soo laaban karo gurigiisa Finland meel kale oo uu aadaahina kama dambeyso.

Axmed horay ayuu u baxsaday isagoo ka soo baxsaday dagaaladi sokeeye ee Soomaaliya halakeeyay wuxuuna u soo baxsaday Finland isagoo 8 sano jir. Wuxuu helay ogolaanshiyaha joogitaanka wuxuuna waxbarasho ka bilaabay Helsinki.
Sida soomaali badan oo dhalinyaro ah ay qabaan oo kale Axmed uma fududaan in uu ku dhex noolaado laba dhaqan.

Axmed wuxuu Nayroobi ugu sheegay Weriye Weli Hashi sidan ;

- Markii aan da’yaraa, arrimuhu waa u shaqeyn waayeen si wannaagsan. Waalidku waxay aad isugu dayeen oo nafta agdhigeen inaan waxbarto laakiin arrintu sidii hooyo iyo aabo ay doonayeen waa noqon weysay. Kadibna waxaan u iishay inaan la socdo dhalinyaro kale.

Axmed waxaa loogu gacan-haatiyay in uu koox wacdiyayaal ah uu Soomaaliya ula socdaalo. Waxaý isaga la aheyd in Soomaaliya uu aadayo caawinta carruurta baahi la ildaran. Hadda wuxuu ka baxsanayaa argagixisada.

Kuwa wax ciidameeya waxay isu ekeysiiyaan wacdiyayaal badbaado iyo nasteexo u fidiya dhalinayarada xaaladdu ku cakiran tahay. Waxay noqon karaan dadkii ugu horeeyay ee sanado u muujiyay inay daryeelayaan da’yarka. Waxaa kale oo lagu dabaa carruurta maal.
- Abidkay ma arag dad lamid ah oo i dhegeysanaya islamarkaasna i siinaya wax kasta, Waxay ii iibiyeen dhar waxayna i siiyeen lacag badan. Sidaas waxaa ku hadaaqay Axmed

Ciidan qorayaashi u muuqday kuwa naxariis badan waxay ku guuleysteen inay hantaan kalsoonida Axmed. Markii ugu horeysay waxaa loogu gacanhaatiyay in uu wacdiyayaal u raaco safar Yurub ah oo ka bilowday Sweden, Danmark kadibna London. Axmed wuxuu dareemay in uu helay asxaab cusub. Markii ugu horeysay noloshiisa ayuu dareemay in la maqlayo.

Markii saaxibadiisi cusbaa ay aadayeen Soomaaliya si ay u caawiyaan carruur baahi la ildaran, Axmedna wuxuu ku biiray caawimaaddii. Waxay aheyd qaladkii ugu xumaa noloshiisa.

- Waxaan aadnay Soomaaliya, laakiin ma arag wax ay qeybinayeen. Markii aan Soomaaliya nimid waxaa aniga la i tusay dhalinyaro badan, waxay igu yiraahdeen ”waxa dhalinyaradaas sameeyaan ayaad adiguna sameyneysaa”.

Ahmed waxaa la geeyay xero tababareed ay ka buuxeen dhalinayaro badan oo lugaha ka katiineysay. Axmed waxaa u cadaatay in isagana lala rabo in uu argagixiye noqdo.

Sheekada Ahmed waxay tilmaameysaa sida dhabta ah ee dagaalka Soomaaliya uu u saameynayo Finland. Sidoo kale waxay sheegeysaa carada iyo argagaxa ka dhalanaya da’yarta faquuqan ee labo dhaqan ku dhexdhuntay.

Si kastoo ay ahaataba aqristoow adiga iyo barnaamijka wiilkaas uu ka sameeyay Weli Hashi, saxafiga Soomaaliyeed ee telefishinka YLE aan idiin kala baxo ee daawasho wacan.

Cinwaanka hoose guji si aad u daawado barnaamijkaas oo ay dadkii daawaday qaarkood ku sifeeyeen mid argagax, dhakafaar iyo dhabanahays dhalinaya:

http://areena.yle.fi/tv/1853304

(Daawo wasirrada) Munaasibad sagootin ah oo loo sameeyey khaliif Xiinwaal

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live