Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Warqad ku Socotey Obama oo laga Shakiyey

$
0
0

Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa sheegey inay qabteen warqad ku socotey Madaxweyne Barack Obama oo ay ku jireen waxyaabo laga shakiyey.


(Daawo Wasirrada) Shir Maanta Ka Dhacay Jigjiga Kor u Qaadida Bilicda Magaalada Jigjiga

“Maxaynu Ka Soo Faa’iidnay Shirkii Turkiga” Qalinkii: Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)

$
0
0

Dhammaan akhrstayaasha sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan waxaan filayaa ayaamahan dambe waxaa inagu cusub oo aad loo faalaynayay waxyaabaha ka socday ama shirkii TURKIGA waxaynu la socona in aduunyada waagii beryaba ay ka dhacaan dhacdooyin faro badan oo kala duwan aduunyaduna wararka way wada ogyihiin oo calamkiiba wuxuu noqday GLOBAL VILLAGE dadka qaar haddii aad la sheekaysato waxaaba ku soo yaraaday adduunkii berigii hore weynaa.
Waxaana fududeeya teknolajiyada caalamka halka ay marayso oo si fudud la isaga war hayo la isuna maqli karo la isuna arki karo meeshaad la isna gaadhi karo kolba sidii ay qofka ugu fududahay beri dhawse waxaa la gaadhayaa inaan adduunkuba fiiso isu qaadan oo qof walba laga war hayo dhaqdhaqaaqiisa iyo cinwaankiisa oo buuxa qofna baxsan karin taasina waxay noqonaysaa qof wal iyo awoodiisa kharash ee uu ku baxayo.
Hadaba, waxaas oo dhan qaarad walba wax baa ka khuseeya wadan walba wax baa ka khuseeya qof walba wax baa ka khuseeya ,aynu teena u soo daadegno waxaa todobaadkii tegay inaga khuseeya caalamka shirkii dawlada Turkigu u qabatay Soomaaliya iyo Somaliland.Taas ayuu ku saabsan yahay waxaan u qoray aragtidan soo socota waa laga yaaba inaan khaldanaan karo laakiin waa sida ay iila muuqatay.
Waxa dhab ah in dad badani ay dhinacyo badan ka eegaan aragtidooda inkastoo ay jiraan dad iyagu had iyo goor (negative ah) indho taban ku eega oo dhinac kale u kaca yeelkood waa abuur ILAAHAY intase caafimaad qabta wey isu fududeeyaan aragtida waana ay rog-rogaan waana la isla qaataa marka dambe wixii macquul ah kama caqli fiicni dadka kamana aqoon badni laakiin waxaa jira haddii meel lagu wada dhegaysto idaacad ama BBC -da oo berigii hore idaacada qudha ee aynu ku kalsoon nahay marka ay ka baxdo waxaa lagu murmi jiray warkii ay sheegtay oo nin ba si u odhan jiray ama sidii uu jecel yahay. Ka soo deg qodobada shirka ka soo baxay oo siyaabo faro badan loo akhriyay.
Marka hore waxaynu soo qaadnayna shirka yaa inooga qayb galay waa labadii xisbi ee mucaaradka ahaa ee la doortay iyo xukuumadii iyo xisbigeedii talada dalka hayay waxaynu odhan karnaa Somaliland waa loo dhamaa cidii aynu dooranay shaki ma laha.
Intaas marka laga yimaado waxaan filayaa inaanay jirin cid gaar ah oo la eedeynayaa mar haddii muxaafid iyo mucaarad aan loo kala hadhin waa laga yaaba inay jiraan dad u madaxbanaan siyaasadooda oo aan midna taageerin,hadana inta kale ayaa ka badan ee u kala qaybsan sadexda xisbi tallo iyo tilmaanna waa la siin karaa, mid kalana aan daaha ka rogo waxaynu ognahay inaanay lahayn tallada u dambeysa ee rabitaanka shacbka ,taas markay gaadho waxaa dastuurku farayaa iyo caqliguba inay talada ku soo celiyaan shacbkii lahaa. Taas waa marka la gaadho ha joogto,maxaa ka horeeya wada hadal, in la wada hadlo xaq weeye aynu wada hadalaana waa aynu heshiino.
Aynu heshiino waa maxay ma in dib loo midoobaa mise in la kala tagaa? waa innagu wax aynu u macnaysanaynaa aan heshiino waa ina kala kaxeeya ,hada haddii la kala tago macnaheedu ma weynu coloonay oo dagaal baa inaga dhexeeyaa maaha waxaa la noqonay laba dal oo walaalo ah oo qolo waliba shacabkeeda korsata oo horumarisa oo wax la wada qabsado waa ba ay ka wanaagsanaanaysaa haddii laysku jiro waayo waxay dantu ku jirta sidii loo kala badbaadi lahaa.
Hadaba haddii aan u soo dego qodobada qofba meel ula kacay bal aniguna markayga aan faruurta qabsado.Kow heshiiska waxaa uu ka kooban yahay todoba qodob kii horena todoba qodob .
todobaalay baaba ina baratay sidii Cali faruur ee uu yidhi inta dhawr jeer geel la soo dhacay ayuu helay mar walba sagaal neef oo geel ah, markaasu yidhi sagaalay baaba i baratay.
Waayahay qodobka u horeeya waa akhrideen in la sii wado wada hadalada
ka labaad in wixii lagu heshiiyay London iyo Dubai sideedii loo qaato hada garo todobada qodob waxaa ugu muhiimsana in loo wada hadlo laba dal oo siman waa qodobkii aynu u riyaaqnay waxba lagama bedelin miyaanay guul labaad ahayn. Halkaa weynu ku hamblyaynaynaa xukuumada iyo mucaaradkba wey ku guulaysteen inay sidoodii ahaadaan heshiisyadii hore.
Warqadanna wey ku xusan yihiin inay sidaas tahay ,maxaa hadhay aynu soo qaadano qodobka ka hadlaya nabadgelyada waa inoo dan waana faa’iidada ugu jirta dalalka reer galbeedka ah waayo macnaha ugu weyn ee meesha ku jiraa waxaa weeye nabdgelyadooda oo ku fushanayaaan danhooda gaarka ah ee ay inaga leeyihiin in aynu ka wada shaqayno mana diidi karno.
Waayo waa inay cid waliba ka dhex aragtaa danteeda inagana waa inoo dan in cadwga Soomaaliya inagaga imanaya iska ogaano iyaguna sidoo kale ,laaxin laga jari maayo.
Guusha kale ee inoo soo hoyatay waa maxay ee laga yaabo inaan la dhaadin shuruudii ahayd inaynaan la xaajoon cid Somaliland ka tirsan oo xil ka haysa Soomaaliya meeday Marwo Fawsiya Wasiirkii khaarajiga Soomaaliya ma is weydiisay muxuu u saxeexay Wasiirka Arrimaha guduhu. u fiirsada hoos u eega wax waa guul inoo soo hoyatay .Ta kale yaa warqada wada saxeexay? ma waxa aynu saxeexnay wax la inoo soo qoray mise wax laga wada hadlay haba lagu murmee ilayn meel lagu wada hadlayo muran wuu imanyaaye’.
maxaa ku qoran halka hoose laba dawladood iyo labadoodii Wasiir iyo dawlad weyn oo goob joog ka ahayd ayaa wada saxeexay kumaynaan saxeexin dawlad maamul hoosad ah la socda intaas oo dhan waynu ognahay inaanay weli ina aqoonsan.
Waan badiyay qodobka lagu murmay waa qodobka afraad muxuu leeyahy IN LA DHIIRIGELIYO IN LA SII WADO CAAWIMADA SOMALILAND oo kooban Ok, yaa wax laga saxeexay ee guusha leh iyaga oo ku mahadsan waa Soomaaliya si fiican ayay u aqbaleen yay ku socota warqadu ee caawimada laga rabaa . Ma Soomaliya mise caalamka, weynu garanaynaa waa caalamka qodobkaasina innaga ayuu ina anfacay waayo markii hore maxaa la ina siin jiray HUMANATERIAN AID waa nafta ku qabta oo waliba ay dawlada Soomaaliya inaga daba qaylin jirtay maxaa wax loo siiyay waraaqo dacwad ah ayay inaga qori jireen.
maxa shirka ay uga qayb galeen ilayn waxay u haystaan inay dusha inaga qabaane’, maantase waxaynu u madax banaanahay wixii caalamku ina siinayo shirki aynu ka qayb gelayno inaga oo heshiis ah isku salaamayna goobaha la isku arko wey ku mahdsan yihiin arintaas waxay og yihiin waxa aynu u sheeganayno ee aynu ka rabno warqadaasi waa markhaati cad oo loo kala diray caalamka oo dhan cid kasta oo ina caawin karta waa inay xafiis kasta oo Somaliland ah taala wasiir kasta oo dhoofayaana qaata tusaa cidii aynu wax ka rabno iyadoo hore loogu diray illaa jimciyada qurumaha iyo hayaadaheeduba . Intaas waxaan ku soo koobaya intii aan ka fahamay oo cid jeclaysi iyo xaglin toona waayo waaba loo dhamaa shirka mucaaradkana qaylo kama yeedhin .
Si kastaba ha ahaate arrintu waxay ku dambaynaysaa ha dhawaato ha dheeraatee tallada shacabka ayaa iska leh waxaanay ku dambaynaysaa REFURUNDOM oo shacbka mar labaad wax la weydiiyo iyado NUUR IYO NAALEEYABA LOO DHAN YAHAY.
Aaden Axmed Cilmi “Dhoolayare”
connect.elmi@gmail.com
Oslo, Norway
hargeysa somaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo la sheegay inay u amba bexeen Caynabo oo shalay shaqaaqo ka dhacday

$
0
0

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur iyo wefti Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira oo uu hogaaminayo ayaa maanta u baxay dhinaca magaaladda Caynaba, halkaas oo ay shalay ka dhacday shaqaaqo sababtay in uu ku geeriyooday Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar, taliye ku-xigeenkii xabsiga magaaladaasina ku dhaawacmay.
 
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa xalay mar uu shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ku tilmaamay inuu weerarka Jeelka lagu qaaday ahaa dhacdo Fool xun oo aan laga fiirsan isla markaana ay fuliyeen dad aan ka fikirin khasaarihii ka dhashay iyo raga ay la baxayeen waxa ay ku xidhnaayeen isagoo ku tilmaamay in xadhigoodu ahaa muran dhul oo laba beelood isku hayeen sababo amaankooda la xidhiidha oo kali ahna loo xidhay.
 

Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo wax laga xumaado ku tilmaamay falkii shalay ka dhacay Caynaba

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Caynaba ee dablayda hubaysan ku qaaday Jeelka Magaaladaasi.
Kusimaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid dhaawacaya degenaanshiyaha iyo amaanka wadanka  “Falkaa aadbaan uga tacsiyadeynayaa  shacbiga Somaliland waanan  cambaareynayaa, cidii ku dhimatayna  waxaan leeyahay  ILLAHAY naxariistii Janada ha ka waraabiyo, dadkii ay ka dhinteena samir iyo Iiman haka siiyo, falkaasi wuxuu ahaa mid fool xun oo aan sumcadda reer Somaliland u wanaagsanayn, waana meel ka dhac in koox dablay ahi soo weerarto Xabsigii dhamaa ee Magaalada ee dadka lagu xidhayay”.ayuu yidhi isagoo la hadlay Warbaahinta Dawlada., Waxaan leeyahay dadkii falkaa geystay Ilaahay u toobad keena, xukuumadduna waxay ku dedalaysaa inay sharciga horkeento dadkii ka dambeeyay “.
 
Hargfeysa Somaliland

Ciidamo Ammaanka Hiiraan Suga oo La diyaariyay

$
0
0

Baladweyne  (Sh.M.Network)  Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Dhawaan Gobolkaasi ay Ka Howl Gali doonaan Ciidamo si gaar ah u Xaqiijiya Ammaanka Gobolkaasi.
Guddoomiye Ku Xigeenka dhinaca Ammaanka ee Gobolka Hiiraan Max’ed Ibraahim C/Kariin oo Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho isagoo Ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxa uu Faah faahin ka bixiyay qorshayaal Lagu Xaqiijinayo Ammaanka Magaalada Baladweyne iyo Guud ahaanba Gobolka Hiiraan oo wax Looga qabanayo Ammaankaasi kaasi oo ay wadaan Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Dowladda ee Gobolkaasi.
Max’ed Ibraahim C/Kariin waxa uu intaasi kudaray in La diyaariyay Ciidamo Gaar ah oo Taba bar ugu soo Idlaaday Gobolka Hiiraan kuwaasi oo ay U soo Gaba Gabeeyeen Ciidanka AMISOM Gaar ahaan Kuwa Jabuuti ee Ku sugan Magaalada Baladweyne.
Shalay ayey ahayd Markii Guddoomiye Ku Xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka hiiraan uu Gaaray Magaalada Baladweyne Kaasi oo waxgarad halkaasi kusoo dhaweeyay u sheegay in dhawaan isbedel laga Dareemi doono Ammaanka Gobolka.

Siyaasi Dalbaday in Soomaalida arrimaheeda iyadu xalisato

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network) Siyaasiga Cilmi Faarax Wabi oo Xilal Kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii KMG ahaa ee isaga dambeeyay Talada dalka ayaa Kadalbaday Soomaalida in aayahooda is Madax banaan ay iyagu uga Tashadaan.
Cimi Faarax Webi oo Lahadlayay Warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka isagoona Saldhiga uga dhigay in taasi ay Ka dambeyso Kadib Markii La isku qabsaday qodobo dhowr ah oo ku aadan Dastuurka iyo waxa uu ka qabo Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka.
Siyaasiga Cilmi  Faarax  Webi ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Soomaaliya aysan Lahayn Maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta Siyaasiyiinta haddii ay isku qabtaan Qodobo Ka tirsan Dastuurka .
Siyaasiga ayaa dhinaca Kale si kulul U weeraray wadamada Deriska oo uu ku eedeeyay in ay Ku Milmeen siyaasadda Dalka Soomaaliya isagoo uga digay in ay Faraha kala baxaan Siyaasadda dalka Soomaaliya oo quseysa Soomaalida.
Sikastaba Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya Shir ay ka qeyb galayaan inkabadan 850 Ergo kaasi oo La doonayo in Maamul Loogu sameeyo Gobollada Jubbooyinka.

Ganacsato dowladda Ka dalbaday in Dhul uu Ka Boobay Gobornatooraha Gobolka Banaadir Loo soo Celiyo

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network) Ganacsatadani oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegay in ay yihiin Guddiyo Ganacsatadii Hore ee Bacadlaha Degmada X/Weyne Sameysteen oo Tan iyo dowladdii Dhexe soo shaqeenayay islamarkaana u soo Joogay Marxalidihii Kala duwanaa ee uu soo Maray iyagoo shaca ka qaaday in inkabadan 900 oo Ganacsatada Bacadlahaasi ah ay Maanta Banaanada seeg seeg wax ay ugu yeereen Yihiin oo aanu heysan Meelo ay ku ganacsadaan Markii Xarumahoodii Xoog iyo Maquunin Loo adeegsaday ee Lacago sharci darro ah Lagu Kireenayo.
Xasan Nuur Sabriye oo ka mid ah Ganacsatadaasi oo Lahadlay Warbaahinta ayaa sharaxaad dheer Ka bixiyay Maraxalidihii Bacadlaha uu soo Maray iyo Haatan Marxaladda uu ku sugan yahay isagoo Carabka ku dhuftay in Loo baahanyahay in dowladda Soomaaliya ay Xaqooda u soo dhiciso islamarkaana Hantidooda Maguurtada ah loo soo celiyo.
Dhanka kale Max’ed Xool Wardheere oo ka mid ah Ganacsatadaasi kana hadlay Kulanka ayaa beeniyay Guddi La sheegay in ay ka tirsan yihiin Ganacsatada Bacadlaha kuwaasi oo iibinaya sida La sheegay Bacadlaha Degmada X/Weyne.
Ugu dambeyn Ganacsatadaani ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan in dad Boosaskooda iyo dhul ay Malkiyad ahaan u leeyihiin uu ku iibinayo Lacago 2000 oo dollar ah taasi oo uu ku tilmaamay Musuq Maasuq iyo ku tagri fal awooda dowladda Soomaaliyeed.


Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Kulan ay yeesheen Maanta ku Meel-mariyay Sharciga la dagaalanka Argagaxisada

$
0
0


 
Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdihso waxay ku meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisada, sidoo kalena waxay kaga hadleen kulankooda ammaanka.
Shirka golaha wasiirrada ayaa waxaa guddoominayay ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana looga hadlay qodobbo badan oo muhiim ahaa, iyadoo warbixinno laga dhageystay ra’iisul wasaaraha iyo xubnihii la galay safarro uu kusoo maray dalalka ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan qaarkood.
Intaas kaddib waxaa laga hadlay arrimaha ammaanka dalka, iyadoo halkaas laga sheegay in wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka iyo wasaaradda gaashaandhigga ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga gaar ahaan midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
“Golaha wasiirrada xukuuumadda Soomaaliya, waxay kulankooda maanta ku meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisada, kaasoo wax weyn ka bedeli doona xaaladda ammaan ee Muqdisho iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Ibraahim Isaaq Yaroow oo la hadlay wariyeyaasha kulanka kaddib.
Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho, isagoo sheegay in go’aannada lagu gaaray shirkii maanta ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah.  
Sidoo kale, kulanka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay dib u habeyn lagu sameeyo sharciga shaqaalaha dibadda iyo shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, waxayaabihii shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa in dib loosoo nooleeyo bankiga ganacsiga Soomaaliya si looga faa’iideysto maadaama uusan muddo dheer shaqeyn.
Source-Hol

Olo Ola Iskaa Wax Uqabsa Ah Oo Ka Bilaawday Galkacyo

$
0
0


Dowladda Hoose ee galkacyo oo kaa shanaysa Qaybaha Bulshada ayaa biloowday olo ola nadaafadeed oo looga gol leeyahay in lagu hagaajiyo wadooyinka Waqooyiga Galkacyo oo roobabkii dhawaan ka da’ay Gobalka Mudug ay dhigeen biyo aad ufara badan
Wada laamiga ah ee marta Bartmaha Galkacyo ayaa saakay laga bilaabay olo ola qashinka looga qaadayo iyadoo lagu arkayay haween farabadan oo wata Badeelo Iskoobayaal ay ku qaadayaan qashinka iyo Gawaarida Dowladda Hoose ee Galkacyo
Howshaan ola olaha Nadaafadda ayaa ah kuwa looga gol leeyahay hagaajinta Jidadka Galkacyo iyadoo Maamulka Degmada Galkacyo ay horay ubalan qaadeen soocelinta Bilicda Magaalada
Qaar kamid ah Haweenkii maantay ku howlanaa Nadaafadda Galkacyo ayaa warbaahinta waxa ay usheegeen in ay udiyaarsanyihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Naadifinta Magaalada oo biyuhu ay ku reebeen raadad wasaqeed isla markaana ay si iskaa wax uqabsa ah ay ugu shaqaynayaan diyaarna uyihiin waqti walba oo loo baahdo
Wixii ka dambeeyay markii ay roobabkii Gu’ga ahaa ay ka de’een Galkacyo waa markii ugu horeysay oo Olo ola nadaafadeed laga bilaabo iyadoo Dowladda Hoose ay sheegtay in aysan jirin wax kaalma ah oo ay kaheleen Hay’adaha Gobalka Kusugan
 

Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan La qaatay Ra’isal Wasaaraha Ingiriiska

$
0
0

London (Sh.M.Network) Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa La Kulmay Ra’isal Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron kaasi oo ay Kawada hadleen arrimo badan oo ku aadan Shirka Bisha May La filayo in uu ka furmo London.
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland oo Ku sugan Magaalada London ee Caasimadda Waddanka Ingiriiska ayaa halkaasi kulan Kula qaatay Ra’isal Wasaaraha dowladda Ingiriiska David Cameron Xilli dhawaan ay Soomaaliland Shaacisay in aysan Ka qeyb gali doonin Shirka London oo ay sheegtay in uusan waxba Soomaaliland ka quseyn ee Lacago Loogu Uruurinayo Soomaaliya.
Inkastoo Shirka Cameron iyo Siilaanyo ay wada qaateen uu ahaa Mid Al Baabada uu U Xirnaa ayaa hadana Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo waxa Warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii ay kawada hadleen isagoo Carabka ku dhuftay in Ingiiriiska uu Daneenayo in Soomaaliland ay Ka qeyb gasho Shirkaasi balse iyagu ay ka soo Fiirsanayaan Sida uu hadalka u dhigay.
Sikastaba Bisha May ee Soo aadan ayaa La filayaa in shir Looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu Ka Furmo Magaalada London ee Caasimadda Waddanka Ingiriiska.

Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

Laba diyaaradood oo mid ka mid ah laga leeyahay dalka Gambia tan kalena ay ahayd diyaaradaha taakuleeya ciidamada AMISOM ayaa shil ku galay garoonka Muqdisho. Labadan diyaaradood ayaa baalasha isku dhuftay, mana jirto cid wax ku noqotay.

Ciidamo Labisan Dareeska Dowladda oo dad Rayid ah Ku dhacay Deegaanno ka tirsan Sh/Hoose

$
0
0

Muqdisho  (Sh.M.Network) Ciidamo Ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhac u Geystay Gaari ay Saaraayeen dad Rayid ah oo Marayay inta u Dhexeysa  Degmada Afgooye iyo Deegaanka Lambar 50 Sida Idaacadda Shabelle ay U Xaqiijiyeen Darawalkii Gaariga dhaca Loo Geystay iyo qaar ka mid ah Rakaabka Gaarigaasi.
C/Laahi Max’ed Max’ud (  Max’ed Qaliirow ) oo ah Darawalka Gaarigaasi ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyay Sida ay Wax u dheceen, isagoo sheegay in Rag Hubeysan oo Kulabisan Dhar Shibil ah ay ka qaateen dhammaan Mobiladii ay wateen dadkaasi Rakaabka ahaa wuxuuna intaasi kudaray in dhacdadaasi Kadib ay Goobta soo Gaareen Ciidamo Kulabisan Dareeska Milatariga islamarkaana ay u sheegeen in ay dhac U Geysteen 6 Nin oo Goobta ka ag dhawaa hase Yeeshee Ciidamada Milatariga iyo Lixdii Ninba ay Horay isku Raaceen.
Sidoo Kale Mid ka mid ah Rakaabkaasi oo ahayd Haweeney ayaa Shabelle u Xaqiijiyay in Raggaasi ay isku Dayeen in ay Kufsadaan  islamarkaana ay ula dhaqaaqeen Duurka Balse Dhiiga oo U Joogay Darteed ay Ka bad baaday Falkaasi Kufsiga ah.
Dhinaca Kale Darawalka gaarigaasi ayaa sheegay in Gaari Ka Horeeyay ay Kooxo Hubeysan ay U Geysteen dhac iyagoona Rasaas ooda kaga qaaday Rakaabkii saaraa Gaarigaasi waxaana Ku dhimatay Labo Ruux oo Ka mid ahaa dadkii Ku safrayay inta u dhexeysa  Afgooye iyo Lambar Konton.

Dowladda oo safiir u magacawday London

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa safiirka Soomaaliya ee UK u magacawday Maxamed Cabdullaahi Cali Sanbalolshe oo horey mar wasiir uga ahaa dowladdii KMG ee Soomaaliya. Waa safiirkii ugu horreeyay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.

Mo Faarax oo ordaya London marathon

$
0
0

Cayaaryahanka orodka dhexe Mo Faarax ayaa sheegay inuu ordi doono Orodka Marathonka ee London oo dhacaya maalinta Axadda, laakiin Mo Faarax, ma dhameysan doono orodka Marathon-ka oo dhan.


General Galaal: It is hard to prevent Alshabab terror activities

$
0
0

Mogadishu (sh.M.Network) general Mohamed Nur Galaal who is a former military commander who served the Siad Bare regime yesterday said that it was not an easy task to defeat Alshabab militia.
At a media briefing, former general addressed the issue of rising insecurity in Mogadishu and the removal of arms embargo in the country.
He said that Alshabab was responsible for these terror activities in the region. The eradication of Alshabab needs all security agencies in the capital to share information and work together as a unit.
He said that if this happened, the security in capital will improve.
On the other side, while he was talking about the removal of arms embargo in the country, he said that this will not bring any major changes because the arms which are allowed in the country is similar to those the government is possessing currently.
Finally, Mr. Galaal said good relationship between members of the public and security officials was a basic requirement for a safe city and called both sides to unite and work together.
 
 

Dad Toogasho Lagu Dilay Magaalada Gaarise Ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya

$
0
0


Koox hubaysan ayaa xalay sagaal qof toogasho ugu dilay magaalada Gaarisa ee xarunta u ah gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.
Ragga hubaysan ayaa weeraray Hotel Kwa Chege oo ku yaalla waddada Masjidka Jameeca, waxayna ku fureen rasaas iyagoo adegsanayay qoriga AK47.
Lix qof ayaa isla goobta ku geeriyootay, halka saddex kalena ay mar dambe dhaawacyadii gaaray u geeriyoodeen.
Wargayska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayaa saraakiisha bilayska ka soo xigtay in raggii hubaysnaa oo aan la aqoonsan ay goobta durba ka baxsadeen.
Ciidamada bilayska ayaa illaa xalay waday howlgallo lagu baadi-goobayo dambiileyaashii weerarka gasytay.
Ammaanka magaalada Gaarisa ayaa sii xumaanayay tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya, si ay u baacsadaan maleeshiyada al-Shabaab.

Falanqeyn: Ragga Lagu Tuhmayo Qaraxa Boston

$
0
0

Waxa Xaley la diley mid ka mid ah laba nin oo lagu tuhumey in ay ka dambeeyeen Qaraxyadii Isniintii ka dhaceyOrodkii Maratoonka ee magaalada Boston, Iyadoo kii labaadna uu baxsadey, laakiin lagu daba jiro.

Daawo Jidkii Bartamaha Magaaladda Boorama oo dib loo bilaabay

Faaqidaadda: Weerarkii Xarunta Garsoorka Somalia

$
0
0

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka, waxa aan ku eegeynaa weerarkii dhawaan loo geystay xaruntii Garsoorka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 30 qof waxaana ku dhaawacmay 58 qof oo kale.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live