Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dowladdu Waxay Wadaa Qorsha Cusub Oo Amniga Muqdisho Wax Looga Qabanayo

$
0
0


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta shaaca ka qaaday qorshe uu ku sheegay inuu yahay mid ballaaran oo loogu talagalay wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho
Wasiirka oo maanta dadweynaha kala hadlay warbaahinta dawlada ayaa sheegay in dawladu ay maalmahan u fadhiday sidii ay u heli lahayd qorshe ay amaanka ku xasiliso ugana hortagto in kooxaha argagixisada ay weeraro ku qaadaan goobaha Dowladda iyo Shacabka
Toddobaadka soo socda waxay dawladu qaadi doontaa qorshe ballaaran oo amaanka wax looga qabanayo, waxaana u diyaarinay ciidankii iyo agabkii hawshaasi lagu qaban lahaa
Wasiirka oo sii fasiray qorshahan ayaa sheegay in ciidamo isugu jira kuwa nabadsugida, booliska iyo kuwa cusub loo adeegsan doono qorshahan anaanka wax looga qabanayo Wuxuuna sheegay in ciidamo cusub oo dawladu sugeysay ay yimaadeen.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in la soo celinayo nidaamkii gaadiidka booliska ee loo yaqaanay OTTO OTTO kaasoo suurtagalin jiray in si fudud booliska ugu gurmadaan goobaha ay wax ka dhacaan ama looga shakiyo.
 


Condolence To The familly Dr Omer Osman Rabi

$
0
0

Amoud Foundation: Condolences
The Amoud Foundation Board, staff, and volunteers are sending their condolences to the family of Dr. Omar Osman Rabi and to the Somali Umma at large on whose behalf he has fought so gallantly all his life
 
. Dr. Rabi was a true Somali patriot who walked the walk, willing to pay the ultimate sacrifice as he fought for the independence of his country, Djibouti. He dedicated his life to the fight for the unity, welfare, and dignities of the Somali people everywhere. May Allah (SWT) bless his soul in his final abode.
Amoud Foundation Board:
Mohamoud Farah Egal
Yussuf Adan Qalib
Abdi Dahir Aye
Bashir Muse Rabile
Halima Jama Hadi
Ibrahim Gurey

Madaxweyne Xasan Sheeq Iyo Wafdi Uu Hogaaminaayo Oo Kadagay Itoobiya

$
0
0


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa ka degay magaaladda Bahar Dar ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shirka Tana Forum oo looga hadlayo ammaanka Afrika.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehliya raysul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiiru-dowlaha aqalka madaxtooyada Faarax Sheekh Cabduqaadir.
Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga qaaradda Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa amni-daradda ka taagan qaar ka tirsan dalalka qaaradda.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo kulanka, oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka Afrika iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha amniga.
 

muxaadaro sh abu dalxa

Nala Daawo Ciidamo Soomaali ah Oo Tababar Loogu Soo Xiray wadanka Jabuuti

$
0
0

Akhristayaasheena Sharafta leh Halkaan waxaan idin kugu soo bandhigaynaa Sawiarada 200 oo askari oo tabobar ugu soo xirmay dalka Jabuuti kuwaas oo ka qaybqaadan doona Sugida amaanka iyo arimaha Dawladnimada Soomaaliya iyadoo mudooyinkii danbe ay socdeen dadaalo ladoonayo in dib loogu yagleelo Ciidankii Qaarada Africa ka noqday LIBAAXII AFRICA.
Akhriste Nalada Daawo Sawirada

Faahfaahin ku saabsan Kulankii Baarlamaanka ee Su’aalaha lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya (SAWIRRO)

$
0
0

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa 10 su’aal lagu weydiiiyay kulan maanta uu golaha baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshay Muqdisho, waxayna su’aaluhu u badnaayeen heshiisyo ay xukuumaddu la gashay dalka Turkiga kuwaasoo ku saabsan tababarka ciidamada.
Kulan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 192 mudane, iyadoo uu shir-guddoon ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad, waxanaa su’aalaha weydiiyay ra’iisul wasaaraha shan mudane oo ka mid ah xubnihii soo diyaariyay mooshinka.
Su’aalaha waxaa ka mid ahaa in xukuumadda ay caddeyso heshiisyadii ay la gashay dowladaha caalamka, gaar ahaan dowladda Turkiga, in sidoo kale la caddeeyo qorshaha IGAD ee xasilinta Soomaaliya, in ra’iisul wasaaruhu uu u sheego baarlamaanka halka ay marayaan qorshaha xukuumadda ee ku aaddan xasilinta ammaanka ee afarta sano ee soo socota iyo qaabka ay u doonayso inay u xasiliso iyo su’aallo kale.
Ra’iisul wasaaraha oo ugu horreyn ka jawaabay su’aasha ku saabsanayd in la caddeeyo heshiisyada  ay xukuumaddu la gashay dowladaha caalamka qaarkood sida Turkiga ayaa ku jawaabay: “Qoraal ahaan ayaan u dhiibnay qorshaha afarta sano ee soo socda lagu sugayo ammaanka guud ee dalka, sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha waxay soo diyaarsisay qorshaha booliska afarta sano ee soo socoto.”
 

 
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha waxaa la weydiiyay su’aal ahayd halku uu marayo qorshaha xasilinta ammaanka dalka ee afarta sano ee soo socota, wuxuuna ku jawaabay: “Muddadii aan joognay waxaan keenay laba heshiis oo ku aaddan dhanka ciidamada kaasoo aan la galnay dowladda Turkiga; waana idiin keennay; waxaana koobiga heshiiskaas u dhiibay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.”
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalo dhowr ah, iyadoo ay xildhibaannada qaarkood sheegeen inaysan ku qabancsanayn habka uu uga jawaabay ra’iisul wasaaruhu su’aalaha la weydiiyay, waxayna soo jeediyeen inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalo dhowr ah, iyadoo ay xildhibaannada qaarkood sheegeen inaysan ku qabancsanayn habka uu uga jawaabay ra’iisul wasaaruhu su’aalaha la weydiiyay, waxayna soo jeediyeen inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo.
Ugu dambeyn, waxaana kulanka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, isagoo sheegay in tani ay caddeynayso wada-shaqeynta buuxda ee u dhexeysa xukuumadda iyo Baarlamaanka, wuxuuna xusay inay lagama maarmaan tahay inay mar walba la socdana halka howlaha xukuumaddu ay marayaan si ay shacabka Soomaaliyeed ugu gudbiyaan.
Kulanka berri ayaa lagu wadaa inuu su’aalo kaga jawaabo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana tani ay qayb ka tahay qorshayaasha uu baarlamaanku ugu kuurgalayo howlaha u qabsoomay xukuumadda
 

 
Ugu dambeyn, waxaana kulanka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, isagoo sheegay in tani ay caddeynayso wada-shaqeynta buuxda ee u dhexeysa xukuumadda iyo Baarlamaanka, wuxuuna xusay inay lagama maarmaan tahay inay mar walba la socdana halka howlaha xukuumaddu ay marayaan si ay shacabka Soomaaliyeed ugu gudbiyaan.
Kulanka berri ayaa lagu wadaa inuu su’aalo kaga jawaabo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana tani ay qayb ka tahay qorshayaasha uu baarlamaanku ugu kuurgalayo howlaha u qabsoomay xukuumadda
 

 

 
 
 

Source-Hol
 
 

Madaxweynaha Somalia oo Dalka Itoobiya uga Qaybgalaya shir looga hadlayo Ammaanka Qaaradda Afrika (SAWIRRO)

$
0
0

 
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray magaalada Baxar-daar ee dalka Itoobiya ayaa uga qaybgalaya halkaas furitaanka shirka Tana Forum ee looga hadlayo ammaanka Qaaradda Afrika.

 
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga ee Qaaradda Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa amni-daradda ka taagan Qaaradda, gaar ahaan dalalka ay colaaduhu ka jiraan weli oo ay ku jirto Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu wadaa inuu qudbad ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya uu ka jeediyo shirka, kaasoo ay isugu iman doonaan madaxda dalalka Afrika iyo hay’adaha daneeyo amaanka.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa tani waxay ka dhigaysaa markii saddexada oo uu dalkaas booqdo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ammaanka uu muhiimadda koowaad kaga jiro tiirarka siyaasadeed ee ay dowladdu ku shaqeynayso, iyadoo madaxda dowladdu ay ballanqaadeen inay wax ka qaban doonaan amni-darrada ka jirta dalka, gaar ahaan Muqdisho.

 
Source-Hol

Daawo Video: Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Anbabaxay Waddanka Ingiriiska Kuna Sii Jeeda Dalka Maraykanka.


Daawo Cadceed Tv: Badhasaabka Awdal Iyo Maamulka Borama Oo Soo Kormeeray Dhismaha Jidka Isku Xidhaya Jaamcada Camuud Iyo Airport-ka Ee Loogu Magac Daray Eng. Gendo

Ra’iisal Wasaaraha hortegay Golaha Baarlamaanka, kana jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen

$
0
0

Muqdisho, April 20, 2013—-Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta hortegay kalfadhigii labaad kulankiisii 18 aad ee golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed isagoo ka jawaabay su’aalihii la xiriiray waxqabadka xukuumada ee 100 maalmood. Taasoo ay xildhibaanadu codsadeen inuu warbixin faah faahsan ka siiyo su’aalo ka yimid warbixintii wax-qabadka dawladda ee horaantii Maarso dawladdu soo gudbisay.
Kulanka maanta oo ay soo xaadireen xildhibaano gaaraya 192 xubnood, uuna shir gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Ra’iisal Wasaaraha lagu weydiiyay toban (10), su’aalood oo ku aadan waxqabadka iyo qorshaha xukuumada ayadoo la tixraacayo qoraaladii ay horey dawladu ugu soo gudbisay Baarlamaanka.
Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa si qotadheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa mudada boqolka maalmood, gaar ahaana dhismaha maamulada kumeelgaarka ah ee gobolada dalka, diyaarinta qorshaha amniga iyo xasilinta dalka ee afarta sano, meel marinta nidaamka dib u dhiska maamulka maaliyadda, horumarinta waxbarashada iyo dib u dhiska dugsiyada waxbarashada, iyo sidoo kale heshiiskii iskaashiga dhanka ciidanka ee dawladda Turkiga.
Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faah faahiyay qorshaha urur goboleedka IGAD ee dib u dejinta Soomaaliya kaasoo ay dib u eegis ku sameeyeen golaha Wasiiradu isla markaana ay waafajiyeen lixda tiir ee qorshaha guud ee dawladda. Wuxuuna xusay in qorshahani hirgelintiisa ay macne weyn ugu fadhiyo dawladda iyo bulshada Soomaaliyeed.
“Xukuumadu waxay hirgelisay in ka badan toban dugsi oo si lacag la’aan ah ardayda wax loogu bari doono” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha mar uu ka jawaabayay su’aal la xariirta dhanka waxbarashada isaga oo carabka ku dhuftay in ay jiraan dugsiyo kale oo haatan lagu wado dayactir.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa si muuqata uga jawaabay dhamaamba su’aalihii ay xildhibaanadu weydiiyeen, isaga oo u raaciyay qoraalo ka tarjumaya heshiisyada, sharciyada, guddiyada, iyo qorshayaasha kale ee ku aadan dhismaha maamulada dalka, sugidda amniga iyo xasilinta, horumarinta waxbarashada iyo hindise sharciyeedyo golaha wasiiradu horay u ansixiyeen.
Kulankan maanta ayaa ku soo idlaaday jawi degan iyo isfaham, iyadoo guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaankuna uu ku wargeliyay xildhibaanada Baarlamaanka in maalinta berri ah uu Baarlamaanka hor iman doono Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed si ay su’aalaha ay qabaan u weydiiyaan.
Waa markii labaad ee uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu hortago golaha Baarlamaanka tan iyo dhismaha xukuumadiisa.
 

Caweyska: Hiba Maxamed (Q. 4aad)

$
0
0

Barnaamijka Caweyska ee todobaadkan waxaan idinku haynaa qubanayaal xiiso leh iyo qaybtii 4aad ee wareysiga Hiba Maxamed.
Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

Tarsan oo lagu eedeeyey Boobka dhul Damanyaale ah oo ku yaal Degmada Shibis

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)— Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ayaa boob u geystay Dhul dad rayid ah ay leeyihiin oo kuyaalla degmada Shibis ee gobolka Baanidr.
Saynab Max’ed Max’ud oo kamid ah dadka milkiyada u leh dhulkaasi oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegtay in guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan uu boobay dhul Damanyaale ah oo dad ay ka mid tahay ay ku leeyihiin degmada Shibis ee gobolkan Banaadir.
Waxa ay intaasi ku dartay Saynab Max’ed Max’ud in dhulka uu ka boobay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Tarsan uu ka iibiyay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.
Dadka dhulkan milkiyadiisa leh oo dacwad ahaan ugu tagay guddoomiye Tarsan ayaa waxa uu ku wargaliyay in dhulkooda ay siiyaan ama ay ka iibiyaan Abuukar Cumar Cadaan, kaasi oo uu sheegay in halkaasi uu ka dhisayo Meherad Gancsi oo weyn oo ay shaqo ka heli doonaan.
Saynab Max’ed Max’ud ayaa tilmaamtay in nasiib daro ay tahay sida uu u dhaqmayo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana ay xustay in uu ka faa’iideysanayo xirnaanshiyaha Maxkamada gobolka oo dhawaan weeraro iyo qarayo lagu qaaday.
Haweeneydan ayaa waxa ay carabka ku dhuftay in xoghayaha gobolka C/kaafi Hilowole Cusmaan uu u geeyay Abuukar Cumar Cadaan si ay ugu saxiixdo milkiyada dhulkaasi, waxaana ay tilmaamtay in ay diiday arrinkaasi in ay sameyso, iyadoo markaa tiri “Suulasha Iga jara oo ku saxiixda si kale kuma saxiixayee”.
Saynab Max’ed Max’ud ayaa sheegtay in ay jirto hanjabaad kaga imaaneysa Maamulka gobolka Banaadir, waxayna ugu baaqday dowladda Soomaaliya , Shirci yaaqaanada iyo cid kasta oo wax ka qaban karta in ay arkaan Dukuminyadeeda islamarkaana ay ku gacan siiyaan sidii cadaalad loo helilahaa.
Ma ahan markii ugu horeysay ay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ka cawdaan in maamulka gobolka Banaadir uu boob ku hayo dhulkooda waxaana jiray dad aad u farabadan oo dhulkii ay la haayeen laga iibiyay dad kale.

Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka, Culimada Iyo Waalidiinta Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyey Tahriibka Dib U Soo Cusboonaaday Dalka

$
0
0

“Anigu Wiil Qudha Ayaan Lahaa, Wiilkiina Tahriib Ayuu Igaga Dhintay” Sahra Maxamed Jaamac
 
Hargeysa, April, 20, 2013, (Saxanews)- Tahriibka Dhalinyarada reer Somaliland ayaa sii laba kaclaayey muddooyinkii ugu danbeyey,iyada oo maalinba maalinta ka dambeysa dhalinyaro  tiro badan oo iskugu jira Hablo iyo Wiilalba ay ka baxayaan dalka, iyaga oo hiigsanaya dalalka Yurub.
Tahriibka dhalinyarada oo muddooyinkii danbe dalka aad ugu soo badanayey ayaa Xukuumadda, Culimada, Waalidka, Xisbiyada, Aqoonyahada iyo Dadweynaha ku dhaqan dalku walaac ka muujiyeen Tahriibka Dhalinyarada, iyada oo Maalinkasta Dhalinyaradu Tahriibto.
Wargeyska Saxansaxo oo qeybaha kala duwan ee Bulshada wax ka weydiiyey dhalinyarada dalka ka baxaysa iyo khatarta Tahriibka ayaa ugu horeyn  Marwo Nimco Cartan Ducaale, oo iyadu ah Xoghayaha garabka Haweenka heer Qaran ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa walaac xoogan ka muujisay Tahriibka dhalinyarada, waxayna tidhi iyada oo arimahaas ka hadlaysa “Tahriibka waa aafo dhalinyaradeena muddooyinkii dambe haystay, waxayna dhalinyaradu Tahriibka kala kulanta dhibaatooyin xad dhaaf ah oo aanay intooda badani sheegin, waxa ay kala kulmaan ciqaab iyo jidh dil xad dhaaf ah, haddii ay noqoto Hablo iyo Inamaba, waxaana hadda aad u tahriiba Hablaha oo iyagu ah cawro, diinteenu ma ogola inay Habluhu ama Haweenku kaligood socdaan, marka waa in Dhalinyarada inta hadhay la qabto oo xadka laga xiga, shaqooyina loo abuura, haddi kale dalka waa lagu soo duulaya, oo dadka soo galeetiga ah ayaa inagala wareegaya”.
Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE Marwo Xusni Maxamed Warsame, oo aanu iyana wax ka weydiinaya khatarta tahriibka ayaa tidhi “Tahriibku dhib mooye, dheef ma leh, dhalinyaraduna dhibaato xun ayey kala kulmaan, anigu Yurub waan joogay, wax alaale wax aana faa’iidey ma jirto, haddana waan iska yimid oo dalkayga ayaan xamilay, dalka wax dhaamana ma jirto, marka dhalinyarada waxaan kula talinaya in aanay tahiribin”.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex, Saalax Muxumed Idiris, oo ka hadlay dhalinyarada dalka ka tahriibaysa waxa uu yidhi “Hamigii Dhalinyaradu wax uu noqday Tahriib, marka waxa wacan in la iskaashado, oo dhalinyarada laga mashquuliyo tahriibka, laguna mashquuliyo shaqo iyo waxba walba oo ay kaga maarmi karaan khatarta Tahriibka, waxaana dhalinyarad kula talinaya in aanay u hanqal taagin dal aanay u dhalan ee ay dalkooda ka shaqeeytaan.
Guddoomiyaha Dalada Dhalinyarada ee SONYO, Mubaarig Ismaaciil Cabdi Taani oo aanu iska hadlay Tahriibka Dhalinyarada ayaa yidhi “Tahriibkii waa masiib balaadhan oo dhalinyaradeeni ku habsatay, haddii aanu nahay dalada dhalinyarad ee SONYO, aad iyo aad ayaan ugu soo horjeedna uguna xunahay Tahriibka dhalinyarada, waxaana inta badan tahriibka keenay waa shaqo la’aanta baahsan ee dhalinyaradeena haysta, marka waxa haboon in la keeno xal balaadhan oo dhalinyarada lagaga joojiyo Tahriibka”.
Wasiirka Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal  isaga oo ku sugan Magaalada Caynaba wax ka weydiinay  dhalinayarada Maalin walba dalka ka Tahriibaysa iyo doorka ay Wasaaraddiisu ku leedahay, waxa uu yidhi “Dalkii waxa laga helay Shidaal iyo Nimco, Barwaaqana uu isku badalaya dalku, marka waxa aan dhalinyarada odhan lahaa dalkiina cidna ha ku halaynina ee dalkiina jooga, ka shaqeeysta, wax ku barta, anigu maadama aanu nahay Wasaaraddii Wakiilka ka ahayd Dhalinyarada, waxa nagu balan ah in aanu dhalinyarada ku dadaalno horumarkooda, haddii ay noqoto dhinaca walba, Wadamo shisheeye ah oo aad dhalinyarooy tagaysaana wax alaale wax aad ka faa’iideeysaan ma jirto”.
Sahra Maxamed Jaamac oo iyadu ah Hooyo wiilkeedii ku dhintay Tahriib, ayaa dhalinyarada reer Somaliland kula talisay in aanay tahriibin, waxayna tidhi iyada oo arimahaas ka hadlaysa “Anigu wiil qudha ayaan lahaa, Wiilkiina Tahriib ayuu igaga dhintay, waxaana ku dhintay dalka Liibiya,marka waxaan ka codsanaya dhalinyarada doonaysa inay Tahribaan in aanay tahriibin, ee ay iska joogaan dhulkooda iyo dalkooda, oo aanay ka nixin Waalkiidkii dhalay”.
Dhinaca kale Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo aanu dhawaan khatarta Tahriibka ka wareysanay ayaa sheegay inuu Tahriibku xaaran yahay, Diinteena suuban ee Islaamkuna aanay raali ka ahayn.
Sidoo  kale waxa xusid mudan in maalin walba iyo habeen walba dhalinyaro aad u badani dalka ka tahriibiyso, kuwaas oo iskugu jira Hablo iyo Inamo, waxaana xusid mudan in Tahriibka dhalinyaradu uu qeyb libaax leh ka qaatay aalada Facebook-ga oo dhalinyaro badan oo tagtay ay dhalinyarada soo dhiirigeliyaan Facebook-ga, kuna soo dhiirigeliyaan inay soo tahriibaan.
Dhanka kale halka ay Dhalinyaradu ka tahriibiyaan waxa dalka maalin walba u soo tahriiba oo ku soo qul qula dadka soo galiteeiga ah.

Xisbiga Kumiye Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Madaxweyne Siillaanyo Ku Qaadacay Codsigii Raysal Wasaaraha Ingiriisku Ku Dalbaday Inay Timaado Shirka London

$
0
0

Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye, ayaa taageeray Go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland ku qaadacay codsigii uga yimid Raysal Wasaaraha Ingiriiska Dived Camaron ee uu kaga codsaday Somaliland inay ka soo qayb gasho Shirka Ingiriiska Bisha May loogu qaban doono Somalida, waxanuu Xisbiga Kulmiye sheegay inuu Go’aankaas uu Madaxweynuhu ka qaatay Codsigaasi uu ahaa mid geesinimo leh oo ay taageersan yihiin.
Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo maanta  shir jaraa’id  ku  qabtay  xarunta  Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay ku soo dhaweeyeen go’aanka Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ka qaatay shirka Somalia loogu qabanayo Magaalada London Bisha May ee  foodda inagu soo haysa, iyaga oo sheegay inaanay Somaliland wax dan ahi ugu jirin oo uu u gaar yahay Somalia.
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE  Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay,  ayaa waxa uu sheegay in aanay Somaliland meeli uga banaanayn shirkaasi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana  waxa uu yidhi “Sida aynu ka warqabno waxa jirtay in Safarkii Madaxweynaha Somaliland md Axmed Siilaanyo uu ku tegay in Ingiriiska uu Raysal Wasaaraha Dalkaasi ka codsaday in Somaliland ka soo qaybgasho Shirka Somalia, iyado sida Warbaahinta caalamka lagu baahayay la Cadeeyay in Shirkaasi loo qabandoono Somalia oo uu iyaga u gaar yahay oo dawladda Ingiriiskuna sheegtay in Shirkaasi Somalia loogu ururindoono dhaqaalae dib u dhis loogu sameeyo Somalia,ka dib markii Madaxweynaha laga codsaday ka soo qaybgalka Shirkaasi waxa uu u soo noqday Wada tashi Hay,addaha dawladda iyo Xisbigiisaba(Kulmiye)waana tii uu Go,aanka  soo saaray Madaxweynahu odhanaaya Somaliland Shirka kama qaybgelayso,hadana intii uu ku socday Shirkii Turkiga dawladda Ingiriisku waxa ay u soo dirtay Wasiirka u qaabilsan  arimaha afrika iyado tan danbena tahay soo jeedintii  ay codsanayeen  markii danbe hada Madaxweynahu Mawqafkeedi  ay Somaliland qaadatay ay uu sii cadeeyay”
 
Maxamed Kaahin Axmed oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi“Iyadoon nayla aqoonsan intii aynu ku dhawaaqnay Xoriyadeena 1991-kii hadana meeqaamka aynu taaganahay iyadoon nayla aqoonsan ina qaran jira inta uu leeyahay Somaliland intaba leedahay waxana taas sii dheer in nahay in Nabadgelyadeenu ka wanaagsan tahay wadamo badan oo Qaaradda afrika iyo wadamo kaleba ku yaala,kaliye waxa ay Somaliland ku adkaysanaysa in sida Madaxweynahu sheegay ee Distoorkeena ku qoran ee 97% loogu codeeyay ee ah in la ilaaliyo qaran nimada Somaliland oo ta aynu taageeraynaana u dagaal gelayno ee wax kasta ka hormarinayna  waa taas”
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE  Maxamed Kaahin Axmed  oo ka hadlayay xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Ingiriiska waxa uu yidhi“Dawladda Ingiriiska tan iyo Xiligii gumaysiga iyo ilaa hada oo aynu Xornimadeeni la sonoqonay waxa inaga dhexeeya Xidhiidh iyo Ilaaqaad fiican oo arinkan ay walaaleheena Somalia u qabanayaana waynu la barbar taaganahay oo kama xumin oo inagana ALLE inagana wax wanaagsan ha inooga soo saaro oo wixii qaran nimadeena ahna waxa aynu leenahay waa sidii oo anaguna meel kamaanaan dhicin idinkuna talo ayuunba noo soo jeediseen kolka dawladdaha caalamka iyo kuwa jaarkeenaba  Xaaladeedu waa qaran jira oo lugihiisa isku taagay oo qaran nimadiisa iyo Nabadgeliyaddiisu shaqeynayso oo taabo gashay,aduunka waxa loo dagaalama waa Nabadgelyo waxa laga dagaalayamayaana waa nabadgelyo daro Somaliland-na meelo ay inaga caawiyaan reer Yurub iyo Maraykankuba”
Guddoomiye Maxamed Kaahin    mar uu ka hadlayay arimaha amniga Somaliland iyo Ciidankeeda waxa uu yidhi “Hay,addaha Amniga ee nabadgelyada suga  hadii ay tahay Ciidanka Buliiska hadii ay tahay Ciidanka Milatariga iyo hadii ay tahay Ciidanka Sirdoonkta Qaranka waxa kaliya ee ay naga caawiyaan waxa weeyaan tababarka ay siiyaan Ciidanka Bileyska laakiin hadii ay tahay tababarkood hadii ay tahay Hubkooda iyo hadii ay tahay Mushaharkooda intaba nagama caawiyaan iyagu waanay adagtahay in wadan yar oo curdin ah sida uu uga dabaasho arimaha intaas leeg ee Nabadgelyadda  waxanu kolka soo jeedinayna inay Bulshadda Caalamku si gaar ah u eegaan arinta qaran nimadda Somaliland iyado arinta Ictiraafku tahay mid gaar ah hadana inaga(Somaliland)ayaa kaga dhaw dhanka Nabadgelyadda wadamadaasi”
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE  Maxamed Kaahin Axmed ugu danbeyntii waxa uu intaasi raaciyay“Dawladda Ingiriiska ilaa hada intii aynu Madaxweynaha kala xidhiidhay arinta Codsiga Shirka ma jirto meel aynu Siyaasiyan iskaga dhacnay ,kaliya waxa ay inaga codsadeen  Shirkan nagala soo qaybgala,naguna waxa aynu ku nidhi shirka aanu idinkala soo qaybgalo ee meeqaamka ay Somaliland ku leedahay waa maxay ileen shirka idinka(Ingiriiska)iyo Somalia ayaa wada maamulaaya,dawladda  Ingiriisku marka waxa ay  yidhaahdeen markii dhamaado aanu anba qaadno in aanu shirdanbe oonu labadiina qolo aanu iskugu yeedhayno oo aynu kaas qabano,inaguna inta aynu hogol tusaalaynay ee aynu ka cudurdaaranay ka qaybgalka shirkaasi mar hadii aanu buuxinaynin wax dhamaystiri kara Meeqaamka Somaliland ay ku yeelanaysa Shirkaasi way nagu adag tahay ka qaybgalku”
 
 
 

Akhriso Gabay uu Tiriyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo waxyaabaha uu kaga hadlay

$
0
0

Gabaygan uu Wasiir Xirsi tiriyey oo uu ugu magac-daray “DIGNIIN” ayuu ka jeediyay xalay xaflad balaadhan oo weftigii Madaxweyne Siilaanyo ay la yeesheen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan UK.
Gabaygan oo ay la dhaceen dadweynihii xafladaasi ka soo qeyb galay ayaa ah mid iskugu jiray dood, dardaaran, digniin, is difaac, duco iyo dan sheeg.
Wasiirku waxa uu gabaygan fal-celis uga dhigay siyaasiyiinta mansab doonka ah ee dadweynaha iyo isaga u kala sheekeeyay. Gabaygan digniin oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan:
Dabuubtiisa Gabay waa taan daayay waayahane’
Dibnahayga waa Taan ka jaray daramalkiisiiye’
Markase la I dalbado ayaan sangaha ugu duluulaaye’
Dambi kuma unko ee kaygu waa dux iyo iidaane’
Aan daliisho waa taan murtida deeqsi ku ahaaye’
Dacwad waxaan ka idhi dawlad iyo doorkan maanta ahe
Madaxweyne Loo doortay oo daacaadaa kacaye’
ILAAHAY ha daayee wanaag noogu daadihiye
Dilalkiyo colaadihii jiraye’ dunida aafeeyay
Dadkii wada walaaluu ka dhigay ul iyo diirkeede’
Dastuurkiyo xeerkaan qoree diinta laga dheegay
Nin u daran ninka u daacad ah, iyo kii wax duminaaya
Danaystaha iyo waa kala ogyahay daacad kii wada’e
Waxase haatan loo daynayaa way is dugsanaysaaye’
Dusha iyo korkuu naga jiraa oo daafac noo yahaye’
Shiidaal dihin markii uu islaam daawo kula qaatay
Ingiriiskan diday feejigay naga dareemeene’
Duco iyo Ammaan baan u diray darajadeediiye’
Afartaa wax la iskuma daree daal ma ka higaadshay
Dalaayad iyo sidii Maxamed Nuur Ma idin deeqsiiyay
Darwiishkii Cali iyo Salaan Darabankoodii dheh
Ma daliilshay waa tuu beyd gaab doc uga leexdaaye’
Dacwadna waxaan ka idhi ceebihii la iigu duur xulaye’
Inkastood xumaan uga digtoo waano kula daasho
Shaydaan wuxuu duufsadaa daabad noqon waaye’
Haddii shicibka deel-qaaf ka yimid lagama diireene’
Dambiga madaxdu ii geysataan daydayaay’e
Dil baa aniga la igula kaftay doobir xumadiiye’
Dumar kama fikirin xaajadii dabacu saaraaye’
Dambi oogeyaashii falaan diirad ku arkaaye’
Anigoon dakanadayda maqan doonan kari waayin
Wax badan baan dul qaatee haddii la iga dayn waayay
Sida malabka doocaan haddii la ii dudubinaayo
Doc aan uga wareegaba ficilo waan isku dayayaaye’
Deebaaq qadhaadh iyo anaa dacar magow siine’
Darandoori kay ugu dhacdoow dan iyo xeerkaaga
Afartaa wax la iskuma daree deel ma ka higaadshay
Dalaayad iyo sidii Maxamed Nuur ma idin deeqsiiyay
Darwiishkii Cali iyo Salaan daramalkoodii dheh
Ma daliilshay waa tuu beyd gaab doc uga leexdaaye’
Dacwadna waxaan ka idhi aniga iyo dun u hadalkayga
Dal ka nin u shaqeeyiyo iyo ninkii dawlad hananaaya
Dulmiga iyo xumaatada ninkii doc uga baydhaaya
Dadku maanta way neceb yihiin dunida joogaaye’
Dabka kii hulaaqshay lib iyo darajo siiyaane’
Dalqadaa wax lala doonayaa meel kalaa u darane’
Waxaan ahay darwiish heeganoo dad isla daaleene’
Markay xaajo kala daadatee dacalo dheeraato
Ama ay Daruurahaa kortee daafta iman waydo
Waxaan ahay ninkii loo diree soo dawayn kara’e
Dowliisha geelee nirgaha laga daboolaayo
Dibjirkaan waraabuhu cunayn daancad jiidlahe’
Alloow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega
Afartaa wax la iskuma daree deel ma ka higaadshay
Dalaayad iyo sidii Maxamed Nuur ma idin deeqsiiyay
Darwiishkii Cali iyo Salaan daramalkoodii dheh
Ma daliilshay waa tuu bey gaad doc uga baydhaaye’
Dacwadna waxaan ka idhi qaranka iyo dawladnimadeena
Duug ma laha taariikhduye mustaqbalkaa lagu daliilshaaye
Doraad haddii aan jibaysnaa oo shantii Soomaali orod ku doonaayay
Daluuntiyo godkii lagu ridaan daaya leeyahaye’
Dantu waa lama huraane’ haddii dunidu noo yeedhay
Dacwigii la galay xaajadii doodii laga yeeshay
Dulucda wada hadalku waxay ahayd tii naloo diraye’
Dawlado walaalaa aan noqono duul iskaashada’e
Dibin daabyadii hore hadii aan dib uga faaloodo
Dagaalkii la galay halganka iyo diiftii naga gaadhay
Dulcad iyo daroor maatadii eyda lagu daadshay
Diyaaradaha miiga ah markii la igu duqeynaayay
Dacalada Hargeysiyo Burciyo goobihii maydka lagu duugay
Dalkii wada dumay iyo daarihii madfaca lagu duqaynaayay
Duqaydiyo wadaadada markii cidiba daynaynin
Daacuflaha goblamay hooyadii du’idu yeedhaysay
Shabadihii ilmada duugayay ee kufsiga lagu dulaalaayay
Dakanihii la soo maray bulshadii diilalyadu haysay
Dadkaygu haddii uu cafiyay dakharadii iyo doogtii wada gaadhay
Daliil uma aha nacasnimo inay nabaradii dib u ilaawaane’
Dardaarankaa iga qaatoo caawaan dadyahow idin dul joogaaye’
Daa’in baa wax qeybshaye’ haddii wanaag door ah uu ina siiyay
Deganaansho iyo nabad-gelyo hadduu ina dabaal siiyay
Digasho iyo ciil-qab inagoo aan door ka dhiganaynin
Dareen wada jira iyo waxaan rabnaa inaad dedaashaane’
Dadkoo meel u wada jeeda qarankan oo daawo wada qaata
Dariiq qudha inay wada martoo daacad ku ahaato
Dastuurkiyo sharciga madaxdoo laga dambeynaayo
Difaac loo dhan yahay ayaa cududa iyo dayr wax caabiya’e
 


Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo Mareykanka gaaray, wada hadallana la leh Dowladda Mareykanka

$
0
0

 
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay gaaray Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo ay madaxweynaha iyo wafdigiisa ku tageen booqasho rasmi ah.
 
Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo wasiirro ah ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Qorsheynta, Wasiiru-dowlaha arrimaha maaliyadda, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiirka Madaxtooyada, waxayna mareynka joogi doonaan muddo todobaad ah.
 
Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in booqashada ay ku joogaan mareykanka ay mid tahay booqashooyin ay horay ugu tageen dalalka Britain iyo Turkiga, kuwaasi oo ku saabsanaa kulammo ay la qaateen madaxda waddamadaas.
 
Wasiirka waxaa uu sheegay in inta ay joogaan Mareykanka ay la kulmi doonaan madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Hay’adda USAID ee deeqaha bixisa iyagoo sidoo kale arki doona Jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalka mareykanka, gaar ahaan Washington.
 
Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Siilaanyo booqasho ku tago dalka Mareykanka tan iyo markii sanadkii 2010 xilka madaxweynenimada loo doortay.
 
Source-hol

Wariye Maxamed Ibraahim Raage Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

$
0
0


Allaha u naxariistee waxaa goor dhawayd Magaalada Muqdisho lagu dilay wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa Wariyaasha Warbaahinta Dowladda Soomaaliya
Wariye Raage ayaa kooxaha toogtay waxey ku hubeysnaayeen bastoollado waxaana ay toogteen isaga oo taagan albaabka hore ee gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.
Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka caray laakiin hay’adaha ammaanka ayaa durba sheegay iney hayaan raadad la xiriira kooxaha dilka u geystay Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raage islamarkaana lagu daba jiro kooxahaasi.
Wariye Maxamed Ibraahim Raage ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka shaqeeya Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed isagoo ka hor warbaahinta Qarankana lasoo shaqeeyey qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan
Dilaka wariyahaan ayaa kadhigaya wariyihii 4aad oo sanadkaan lagu dilo soomaaliya iyo sanadkii horana soomaaliya lagu dilay tira wariyaal ah oo gaarayay 18

Ra’iisal wasaare Saacid oo sheegay in si wanaagsan loo maamulayo dhaqallaha dalka soo gala

$
0
0

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ka go’an tahay in ay si wanaagsan u maamusho dhaqaalaha soo gala  ee laga helo beesha caalamka.
 
Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaraha ay qorshayaal cad cad ka leeyihiin maamulka dhaqallaha laga helayo beesha calaamka, isagoo intaas ku daray in dowladda looga baahan yahay in ay si wanaagsan u maamusho deeqaha laga helo caalamka.
 
”Xukuumadda waxaa ka go’an isla xisaabtan la xiriira dhaqaalaha soo gala dowladda, waxaana halkan ka xaqiijinayaa in si cad oo loo fahmi karo sida dowladdu u maamuli doonto dhaqaalahaas,” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.
 
Waxaa uu sheegay in haddii dowladda federaalka ay si wanaagsa u maamusho dhaqaalaha soo gala dalka, in ay ka caawin doonto in ay beesha caalamka ku dhiirrato kordhinta deeqaha iyo kaalmada la siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.
 
Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa horay u sheegay in si siman loo wadaagi doono dhaqaallaha ay dowladdu ka hesho beesha calaamka, xilli maamul gobolleeyda dalka qaarkood ku eedeeyeen in dowladdu in ay isku koobtay kaalmada ay bixiso beesha caalamka.
 
source-hol

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi la socday ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya uga soo qeyb-galleen shir looga hadllayay amniga qaarada Africa.
 
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xunbo ka tirsan labada golle oo ay ka mid ahaayeen oo ay ka mid ahaayeen ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
 
Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd xubnihii la socday madaxweynaha, waxaa ay si kooban ula hadashay warbaahinta oo faah faahin ka siisay socdaalkoodii Itoobiya.
 
”Dalka Itoobiya waxaan uga soo qeyb-gallnay shir ay halkaa ku lahaayeen madaxda qaarada Africa oo looga hadllayay amniga qaarada, runtii maadama aynu nahay dal ka soo kabanaya colaado iyo dagaallo mudo dheer socday, waxaa uu ahaa shir aan ka soo faa’ideysanay, madaxweynahana qudbad ayuu ka jeediyay shirka,” ayeey tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
 
Shirka ku soo dhamaday magaalada Bahar Dar ayaa ahaa shir ka qeyb-galleen madax ka soctay qaarada Africa, waxaana qudbad ka jeediyay madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud oo ku dheeraaday amniga Qaarada iyo waliba sida ay muhiim u tahay in gacan la siiyo nabad-galyada dadaalada ay ugu jirto dowladda soo celinta nabada.
source-hol

WAR DEGDEG AH: Wariye u shaqeynayay Idaacadda iyo TV-ga dowladda oo Muqdisho lagu dilay

$
0
0

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow oo caawa fiidkii ah waxay ku dileen magaalada Muqdisho Alle ha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka shaqeynayay Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka dowladda Somalia.
Wariye Raage ayaa waxaa la toogtay  isaga oo taagan albaabka hore ee gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in kooxihii toogtay ay goobta ka baxsadeen.
Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka caray laakiin hay’adaha ammaanka ayaa durba sheegay iney hayaan raadad la xiriira kooxaha dilka u geystay Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raage islamarkaana ay hada lagu daba jiro kooxahaasi.
Wariye Maxamed Ibraahim Raage ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka shaqeeya Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed isagoo ka hor warbaahinta Qarankana lasoo shaqeeyey qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live