Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ururada Qareenadda Somaliland Oo Canbaareeyey Qaraxii Lala Beegsaday Bahda Qareenadda Muqdisho, Guddiyana Doortay

0
0

Dalladda ay ku midoobeen Ururada Qareenadda Somaliland ee SOLLA,  ayaa Canbaaraysay  qaraxii dhawaanlala beegsaday qareenadda Muqdisho,tacsina u dirtay dhamaan Eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen qareenadaasi ku waxyeeloobay qaraxa lala beegsaday.
Dalladda bahweynta  Qareenadda Somaliland ee SOLLA waxa ay hoosta ka  xariiqeen inay ay ka xun yihiin  in xubnaha ka mid ah bahda cadaaladda iyo qareenadda oo ay waxbadan wadaagaani  ee qaraxaasi ku dhintay ay yihiin qaar iyaga ka Cadaalad ahaan ka baxay.
Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, ayaa waxa ay sidaasi ka shegeen mar ay maanta kulan Guddida Fulinta ee Dalladaasi ku yeesheen xaruntooda Magaalada Hargeysa, kulankaas oo ay  ku magacaabeen saddex Guddi oo loo kala xilsaaray Dhaqaalaha, ka Ololeynta qodobo ku jira Xeerka Qareenada iyo Guddida daba-galka, iyada oo sidoo kalena Hay’adda UNDB ay  halkaasi ku guddoonsiisay ururka Qareenadda Somaliland Gaadhi noociisu yahay Landcruiser oo ay ugu deeqday .
Guddoomiyaha Ururka qareenadda Somaliland  ee SOLLA Foosi Sheekh Yoonis oo ugu horeyntii ka hadlayay qaraxii loo gaystay bahda Cadaaladda iyo qareenadda Muqdisho waxa uu yidhi “Waxanu aanu halkan ka Canbaaraynayna  cidii ka danbeysay qaraxii la la beegsaday bahda cadaaladda ee muqdisho oo ay ku dhinteen qareemo ka mid ah bahda cadaaladda aad iyo aad ayaanu uga xunahay waayo waxa ay ahaayeen xubno ka mid ah bahda cadaaladda oo naga baxay waxaanu ilaahay uga baryayna qareenadda in ku dhintay qaraxaas in ilaahay janadii ka waraabiyo eheladoodiina samirka siiyo aad iyo aad na waanu uga xunaahay oo u canbaareynayna”
Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Ururkaasi Maxamed Maxamuud Xaashi  ayaa  faahfaahin ka bixiyay  guddiyo ka kooban saddex Guddi oo loo kala xilsaaray Dhaqaalaha, ka Ololeynta qodobo ku jira Xeerka Qareenada iyo Guddida daba-galka waxanu yidhi “Maanta (shalay) waxa kulankoodii ugu horeeyay yeeshay xubnaha Guddida fulinta ee Ururka Qareenada Sola, kulankaasoo ajandihiisu ahaa afar qodob iyo mid kale oo ka dhashay soo jeedeymihii xubnaha oo lagu daray , waxaana qodobadu ahaayeen Xisaab celintii shirweynihii ururka, magacaabista Gudi hoosaasyada si qaab dhismeedka ururka loo dhiso, magacaabida guddi ka ololeysa xeerka Qareenada iyo xadidaada qaadhaanka loo Uruuriyo qareenad”
Xoghaye Maxamed Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Shirkaasi wuu noo qabsoomay, waxaana lagu ansixiyay afartaa qodob ee ajanduhu ahaa iyo qodobka kale ee lagu daray, iyadoo lagu magacaabay saddex Guddi oo kala ah Guddida Dhaqaalaha ee  ururka, Guddida ka Ololeynaysa Xeerarka iyo Guddida daba galka, waxa kale oo la sameeyay guddi qiimeyn iyo daba-gal  ah, saddexdaa qodob ayaa laga soo saaray, lana ansixiyay, sidaasaana shaqadii ururku ku bilaabantay”
Dhinaca kale  Hay’adda UNDP, ayaa halkaasi  ku guddoonsiisay Xafiiska ururka Qareenaddda Somaliland ee SOLLA Gaadhi noociisu yahay Landcruiser oo ay ku hawl geli doonaan Maamulka qareenadda Somaliland ee SOLLA, waxaana ka guddoomay Gaadhigaasi Guddoomiyaha Ururka Qareenada SOLLA Foosi Sheekh Yoonis, isaga oo uga mahad celiyey Hay’adda UNDP,  gaadhigan ay ugu deeqday, waxaana ku wareejiyey Gaadhigaasi Sarkaal ka socday Hay’adda UNDP, kaas oo sheegay inay ugu talo galeen gaadhigaasi inay Qareenadu ku hawl galaan oo ay shaqadooda ku qabsadaan.
 HARGEYSA SOMALILAND


Madaxweynaha Puntland oo ka Hadlay Deeqaha Turkiga

0
0

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dawladda Turkigu ayna fulin ballanqaadyo ay Puntland u qaadday.

Wariye lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
0

Maxamed Ibraahim Raage oo ah wariye ka tirsanaa Radio Muqdisho iyo Telefishanka Qaranka ee dawladda Somalia ayaa maanta lagu dilay degmada Dharkeynley

Ciidamada Somalia oo Qabsaday Garasweyn

0
0

Ciidanka ayaa iska caabin la'aan galay deegaanka Garasweyn oo qiyaastii 50km dhinaca galbeed ka xiga degmadda Xuddur ee gobolka Bakool

Xog:-Hoose Madaxweynaha maamulka khaatumo Cabdi Nuur cilmi Biindhe Sababaha Keenay In Muqdhiso Laga Soo Fujin Waayo

0
0

Madaxweynaha maamulka khaatumo Cabdi Nuur cilmi Biindhe oo ku sugnaa beryihii u danbeeyey caasimada  muqdisho  ayaa dib ugu soo laabtay magaalada qadiimiga ah ee taleex  maqnaasha madaxwaynaha ayaa waxaa loo macneeyey siyaabo kala duwan dadka qaar baa waxa ay u macneeyeen i madaxwaynuhu uu ka dorbiday xilka loo magacaabay inuu dawlada dhexe xil ka raadsado maadaama ay dawlad cusub oo an hayn ku meel gaad wadanka ka dhalatay inuu noqon lahaa madaxwayne maamul goboleed oo sadex  madaxwayne leh,
 
halka dadka qaarna u macneeyeen in ay sababta uu muqdisho uga soo ruqaansan waayey madaxwaynhu ay tahay beeshiisa oo aan madaxwaynaha uba diyaarin gaadiid lagu ilaaliyo iyo ciidan waardiyeeya hadii uuba xilka la wareego maadaama ragii ka horeeyey ay beelahoodu ciidan iyo hub lagu waar diyeeyaba u diyaariyeen oo ay awalba ragaasi hubaysnaayeen maamulkuna uusan wali wax u gaara uusan lahayn hab beeleed loo qaynsaday beelwalba hubkeeda ay iyad gaar uleedahay sababtaas ayaa loo badinayaa in mr cabdi nuur biindhe uu wadnaha  soo siin waayey inuu xilkaas la wareego oo uu mudaba uga gabaneyey  maadaama uusanb haysan tikniko ugaara iyo ciidamo khaas u ah oo beeshiisa ah  hada waxa loo badinayaa inay garwaaqsadeen beeshiisu oo ay ciidan iyo gaadiid dagaalba u eebsheen madaxwayhana kuna booriyeen inuu xilka madaxwaynaha khaatumo la wareego oo hada uu ku baashaalayo mr idho sheel oo tikniko badan oo beeshiisu leedaday ku baashaalaya taleex.

More news from Bakol Fighting

0
0

Hudur (sh.M.Network) more news from the heavy fighting in Bakol region report that the government troops have gained an upper hand in the fighting against Alshabab.
The fighting which broke up yesterday evening and lasted until last night is reported to have cooled for now.
The head of Hudur town which is the Headquarter of Bakol region Mr. Mohamed Maalim confirmed with Shabelle radio that the government troops have gained an upper hand in fighting between the two sides and claimed victory.
However Mr. Ma’alim did not tell us about there causalities his troops has suffered.
Mr. Ma’alim continued that they are advancing to other Alshabab strongholds in the region and will continue with their pursuit of the outlawed group.
Alshabab has not released any statement about the news for now.

Statement by the EU Special Envoy to Somalia on the killing of seniorjournalist Mohamed Ibrahim Rageh

0
0

22/04/2013 The EU Special Envoy to Somalia, Michele Cervone d’Urso,  condemns the brutal assassination of Mohamed Ibrahim Rageh, senior journalist and reporter of Radio Mogadishu and Somali National Television (SNTV), on 21 April in Mogadishu. He expresses his sincere condolences to the family, colleagues and friends of Mohamed Ibrahim Rageh.
Rage is the fourth journalist to be killed in Somalia this year. It follows a macabre series of targeted attacks against media workers over the last two years and it sadly shows that Somalia remains one of the most dangerous countries for journalists to operate in. The EU Special Envoy calls upon the Government of Somalia to take immediate action to improve security of media workers and to operationalise the announced Task Force on the investigation of the killings of journalists and bring the perpetrators to justice.
In carrying out their task in informing the Somali public, journalists are actively participating in the building of a free and democratic Somali society. Failure to protect media workers puts at risk the freedom of expression, one of the fundamental Human Rights, and therefore impedes Somalia’s reconstruction. The European Union stands ready to support the Government of Somalia in guaranteeing the safety of journalists and addressing press freedom violations as a whole. END

Galmudug Oo Puntland Kala Wareegtay Nin Afduub Loogu Haystay Garoowe

0
0


Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Maantay ka dhacay munaasabad Ay Maamulada Puntladn Iyo Galmudug kula kala wareegayeen  nin kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo oo mudooyinkii ugu danbeeyay lugu haystay Duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.
Ninka Galmudug lagu wareejinayey ayaa waxaa Magaalada Garoowe ka keenay Gudoomiyaha G/ Nugaal Cabdi Xirsi Cali qarjab iyo sidoo kale saraakiil ciidan oo ka yimid Magaalada Garoowe, iyadoona ninkaan dhalinyaradaa ay siwada jira Galmudug ugu wareejiyeen Masuuliyiinta Puntland ee Gobolka Mudug iyo Masuuliyiintii uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Qarjab.
Gudoomiye Kuxigeenka Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur oo hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay isla markaana uu soo dhawaynayo da daalka ay masuuliyiinta puntland ugaleen sidii loo sii dayn lahaa ninkii ay afduubteen kooxo hubaysan oo kasoo jeeda puntladn
Gudoomiyaha G/ Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ku baaqay in la joojiyo afduubyada in  aan lasii wadin uguna baaqay labada dhinac in laga wada shaqeeyo amaanka guud ee Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug iyo deeegaanada kale.
Masuuliyiinta Galmudug ayaa iyaguna bogaadiyay ninkaan maanta lugu soo wareejiyay iyagoona sheegay inay dhankooda ku hawlanyihiin sii daynta dad kasoo jeeda Puntland oo Koonfurta Gaalkacyo iyo deegaano miyiya afduub loogu haysto
Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee Maanta xoriyadiisa dib u helay luguna magacaabi jiray Cabdulaahi Cabduqaadir ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay ayna jirin wax dhibaataa uu qabo.


“Dalna weli nama uu aqoonsan hase yeeshee waanu la macaamilnaa adduunka, Iskaashi Buuxa ayaanu caalamka kala leenahay la dagaalanka Argagixisada iyo Budhcad badeeda” Madaxweyne Siilaanyo

0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo u warramay Idaacadda BBC-da qaybteeda Af Ingiriisiga isaga ooku sugan dalka Marykanka, ayaa waxa uu ka hadlay qaabkii ay u dheceen wada hadalladii Somalia dhex maray, isaga oo xusayinay u wada hadleen sidii laba dal oo siman.
Madaxweyne axmed Siilaanyo oo arrimahaasika hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu u wada hadalay Hoggaamiyaha Soomaaliya annagoo kala ah laba dal oo kala madax-banaan. Waxaanan ku heshiinay inaanu sii wadno wada hadalada. Waxa kale oo aanu ku heshiinay inaanu iska kaashano, kana wada shaqayno arrimo faro badan, Taasi waa waxa ay doonayaan, sidoo kale Somaliland-na waxay doonaysaa oo ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya, waxaanay xoriyadeeda heshay iyadoo dal madax banaan ah”
Axmed Siilaanyo oo ka hadlayey madax banaanida Somaliland iyo isda ay ku heshay waxa uu yidhi “Waxaanay muddo dheer u soo halgamaysay una soo dagaalantay inay mar labaad xoriyadeedii hesho, Dalna wali nama uu aqoonsan hase yeeshee waanu la macaamilnaa adduunka, waanan sugaynaa oo aanu haysanaynaa madax-banaanidayda illaa inta aanu aqoonsi ka helayno beesha caalamka, Somaliland way la dagaalantaa Argagixisadda iyo budhcad badeedaba, Waxaana xabsiyadayada ku jira kooxo badan oo la xidhiidha Argagixisadda iyo budhcad badeedaba. Waxaanu beesha caalamka kala leenahay la dagaalanka Argagixisadda iyo budhcad badeedaba iskaashi buuxa.”ayuu yidhi siilaanyo
HARGEYSA SOMALILAND

Faysal Cali Waraabe Oo Kulamo Diri-Dhaba Iyo Jig-Jiga Kula Yeeshay Madaxwaynaha Kililka 5-Aad Ee Ethiopia,& Ugaaska Beesha Ciise Iyo Nuxurka Qodobaday Ka Wada-Hadleen

0
0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo todobaadkan ku sugnaa Dalka Ethiopia ayaa la sheegay inuu Magaaladda Diri-dhaba kulan kula yeeshay Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin, kaas oo uu kala hadlay inuu gacan ka gaysto siddii loo soo afjari lahaa khilaafka iyo tabashada beeshiisa ee ka taagan Saylac ee sababay in xildhibaano degmadaas ka tirsani ay is-casilaan. Sida ay Ilo wareedo looga qaateen ahi Wargeyska Haatuf u sheegeen Madaxwayne Siilaanyo ayaa Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ka codsaday inuu Ergo ka galo arinta tabashada beesha Saylac oo wali taagan, kaas oo isaguna dhiniciisa markii uu ka soo noqday Magaalada Ankara ee uu kaga qaybgalay Wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia si toos ah uga soo dagay dalka Ethiopia, isla markaana halkaas kulamo mihiim ah kula yeeshay Ugaaska Beesha Ciise. Ilaa iyo hada tafaasiil dheeraad ah lagama hayo kulanka Magaalada Diri-dhaba ku dhexmaray Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, balse sida ay ilo wareedadaasi xuseen kulankaas ayaa ku dhamaaday qaab is-afgarad ah, isla markaana labada dhinac ayaa sida la sheegay u balamay kulamo kale oo ay iskugu yimaadaan.
Dhinaca kale Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Xuseen ayaa shalay Magaaladda Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia kulan kula yeeshay Madaxwaynaha Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iiley), kaas oo sida ay xogo laga helay kulankaasi tibaaxayaan ay ka wada hadleen xiisadaha mudooyinkii ugu danbeeyey ka taagnaa deegaanada Xarshin iyo Gaashaamo ee Kililka 5-aad, kuwaas oo sida la sheegay uu Faysal Cali Waraabe ka codsaday Madaxwaynaha inuu ku dedaalo isku soo dhawaynta beelaha wada dega Kililka Shanaad.
Mar aanu isku daynay inaanu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe wax ka waydiino kulamada la sheegay inuu Jigjiga iyo Diri-dhaba kula yeeshay Madaxwaynaha Kililka Shanaad Cabdi Iiley iyo Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin ayaanay noo suurta galin, balse Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu maanta Duhurka soo gaadho Caasimadda Hargeysa.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Beelaha Hawiye Oo Soo Dhaweeyey Wada-hadaladii S/land Iyo Somalia Ku Dhexmaray Turkiga

0
0

Gudoomiyaha golaha odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa soo dhaweeyey wada-hadaladii 13-kii bishan ku dhex maray dawladaha Somaliland iyo Somalia dalka Turkiga ee laga soo saaray Warmurtiyeedka.
Maxamed Xasan Xaad, gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu khadka telefoonka uu kula yeeshay Wargeyska Haatuf, isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waxaanu yidhi “Hadaanu nahay golaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye waxaan soo dhawaynaynaa taageersanahayna wada-hadaladii dhexmaray dawlada fadaraalka Somalia iyo dawlada Somaliland madaxdooda iyo go’aanadii shirkaas ka soo baxay ee ka dhacay dalka Turkiga”. Gudoomiyaha odayaasha beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad ayaaa intaasi ku daray inuu aaminsan yahay in wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay fursad qaali ya ay u tahay labada shacab ee Muqdisho iyo Hargeysa ku wada nool oo ah buu yidhi dad walaalo ah. Waxa kale oo Xaad uu tilmaamay in wada hadaladan haatan bilaabmay ay fursad u tahay inay wada-hadlaan labada gole dhaqan ee saladiinta iyo boqorada ee ku kala sugan labada dal, waxaanu sheegay in oday dhaqameedyadu ay tiir dhexaad u yihiin bulshada oo ay yihiin cida shacabka wax u sheegi karta ay tahay odayaasha dhaqanka, isla markaana ay filayaan inay wadahadaladani ay horseedo Somaliland iyo Somalia sidii odayaal dhaqameedyadeeduna ay u wada hadli lahaayeen. Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Haweiye, Maxamed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay inuu dhamaaday wakhtigii xayndaabka dadka la kala dhex dhigayey, isla markaana aanay khasab ahayn in xaga siyaasada laga midaysnaado oo dadka maanta labada dal xukumayaa ay u bislaadeen wixii danahoodu ku jiro inay ka wada hadlaan Muqdisho iyo Hargaysa dadka ku noolina ay yihiin dad walaalo ah oo aan loo kala turtumayn. “Waxaan aaminsanahay in uu dhamaaday wakhtigii labada shacab loo kala sheekayn jiray inuu wacyigii haatan isbedelay oo dadkii bisladeen maanta dadku ay yihiin shacab aan been lookala sheegi Karin ama aan is aqoon meesha way ka baxday wadahadalkaa maanta bilaabmayna waxa uu astaan u yahay dadku xaga siyaasada waxay doonaana hakala aaminsanaadaane, hadana dadku inay yihiin labada shacab oo dadkooduna walaalo ah oo xal ka gaadhi kara waxa bulshadu ay horumar ku gaadhi karto”. ayuu yidhi gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Siyaasiga Cali Waran-cade oo ka hadlay Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo iyo Kulamdii uula yeeshay Raysal Wasaaraha Ingiriiska

0
0

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Cali waran cadde oo uu ku taageeray madaxweyne siilaanyo, waxa uu u dhignaa sidan
“TAAGEERO IYO BOGAADIN
Waxaa runtii mudan in taageero iyo bogaadin loo muujiyo mowqifka uu ka qaatay madaxweynaha somaliland Mudane, Ahmed mahamed mahamuud siilaanyo shirka somalia loogu qabanayo dalka ingiriiska.
Shirkaasi oo somaliland u aragtay in uu ka qaybgalkiisu waxyeelo iyo karaamo darro ku yahay qadiyadda gooni isu taaga somaliland.
Sidaa awgeed waxaan Madaxweynaha Somaliland ku amaanaya in uu ku adkeystay Mowqifkiisii hore ee uu ku qaadacay shirka London oo loo arkay in aanay wax dan ihi ugu jirin somaliland wax yeelo mooyaane, sidaa darteed waxaan qabaa in go’aankani u Muujinayo dowladda ingiriiska ee Xoriyadeena ina siisay lixdankii, sida ay inooga go’an tahay dib ula soo noqoshada xoriyadii aynu tuuray lixdankii.
Isla markaana ay Madaxweynaha dalka iyo dadka reer somalilandba uu qaraarkani u soo hoynayo Karaamo iyo qadarin uu siiyo caalamku somaliland.
Sidoo kale waxaanu u soo jeedineynaa Ra’iisal wasaaraha Dalka Ingiriiska iyo Boqortooyadda Ingiriiskaba, in Xalka xasilooni iyo horumar ka dhasha geeska Africa gaar ahaan Somaliland iyo Somalia. Laga raadiyo Ictiraafka Somaliland oo si dhaqsi ah loo ictiraafo dalkii hore loo odhan jiray British Somaliland Protectorate. Oo aan filayo Danaha Ingiriisku ka raadinayo Midowga Somaliland iyo Somalia, oo ah mid aan suuragal ahayn. In ay uga qiimo badnaan doonto haddii Ingiriisku si dhaqsi ah u ictiraafo Somaliland ,
Isla markaana waxaan u soo jeedineynaa Ra’iisal wasaaraha ingiriiska in uu ku qanciyo Madaxda Somalia marka ay London yimaadaan bisha soo socota, in ay iska dhaafaan geed sarre waabka oo ay u soo jeestaan in ay raacdaan dantooda , Somalilandna ay ictiraafaan, si loo xalin karo halaaga iyo dagaalada foosha xun ee ka dhex socda ummadda reer Somalia ee walaalaha ah ee maalin walba dhiigoodu daadanayo gees kasta ha ka soo jeedeene.
Iyadoo aan hubno In ummadda reer Somaliland ay waxbadan ka qaban karaan darxumada taala somaliya, Haddii caalamku si dhaqsi ah u ictiraafo Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
HALDOOR, ALI MAHAMED WARANADE
HARGEISA SOMALILAND
 
HARGEYSA SOMALILAND

Wasiirka Difaaca Oo Su’aalihii Maantay Ay Baarlamaanka Waydiin Qaar Meel Uwaayay

0
0


Wasiirka difaaca Dowladda Somaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo maantay su’aalo laga waydiiyay howlaha amniga iyo ciidamda ayaa waxaa ku adkaaday ka jawaabista qaar kamdi ah Su’aalaha
Wasiirka ayaa waayay wax uu kaga jawaabo Su’aal ahayd Hub lagala baxay Baqaar kuyaal Xarunta Maxadtooyada waxa uu sheegay in uusan wax jawaab ah uhayn maadaama hubkaasi uusan asaga ku ogayn
 
Su’aalaha Wasiirka la waydiinaya ayaa aad u’adkaa waxaana maanta sidookale kujiray waxa uu udhisi la yahay Maxkamadihii  ciidamadda XDS waxa uu sheegay in ay jiraan caqabado loo dhisi la yahay isla markaana ay hada wadaan sidii loo howl galin lahaa
 
Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaabay qorshaha wasaaradda difaaca dalka ee uga aadan agoonta ciidamadii Geeriyooda waxa uuna xusay in ay  isku xaquuq yihiin askariga nool, kan dhintay iyo kan dhaawaca ah.
Ugu dambeyntii waxaa kulanka soo xiray guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiiq Cusmaan “Jawaari” waxa uuna sheegay in muhiim ay tahay wadashaqeynta hay’adaha dowladda.
Mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa maalintii Saddexaad waxa ay su’aalo weydiinayeen golaha wasiirada Soomaaliya oo uu ugu horeeyay R/wasaaraha dalka Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Khudbad Ka Jeediyey Machadka Atlantic Council (USA) Ee Ku Yaala Magaalada Washington.

0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo, ayaa khudbad maanta ka jeediyey machadka caalamiga ah ee lagu gorfeeyo siyaasadda iyo arrimaha ijtimaaciga ah ee la yidhaahdo Atlantic Council (USA) oo ku yaala magaalada Washington ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan Somaliland iyo xidhidhka ay la leedahay dalalka kale.
Weftigan Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo oo ay ka midyihiin,Wasiirrada Arrimaha dibadda, Madaxtooyadda, Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, Wasiirul dawlaha Maaliyadda, Safiirka Somaliland u fadhiya Maraykanka iyo Marwada koowaad ee Somaliland, ayaa waxa shalay gaadhay dalka Maraykanka oo lagu marti qaaday, ka dibna uu maanta halkaasi khudbad ka jeediyey.
 
Nuxurka Khudbaddii madaxweyne Siilaanyo uu ka jeediyey machadka caalamiga ah ee lagu gorfeeyo siyaasadda iyo arrimaha ijtimaaciga ah ee la yidhaahdo Atlantic Council (USA) oo ku yaala magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa waxa uu yidhi “Somaliland waxay xornimadeedii ka qaadatay Ingiriiska 26-kii bishii June 1960-kii, waxaanay shan maalmood ka dib la midowday Soomaaliya, iyadoo xiligaasi raadinaysay shantii Soomaaliyeed. Dawladii cusbayd ee Soomaaliya waxay bilowday in mansabadii sar-sare ee jaan-goynta hogaaminta ka maanacday dadkii reer Somaliland, waxaanay taasi horseeday in shacbiga Somaliland ay candhuuftooda markiiba dib uga liqaan midowgii ay la galeen Soomaaliya, Markii ay burburtay dawladii Soomaaliya 1991-kii waxay shacbiga Somaliland go’aansadeen inay xoriyadooda kala soo noqdaan Soomaaliya, Waxa Somaliland ay madax-banaani iyo dawladnimadeeda gaarka ah ay haysteen muddo 22 sanadood ah, waxaana 18-ka Bisha May ee fooda inagu soo haysa buuxsamaysa 22 guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, Somaliland waxay abuurtay xasilooni, dawlad shaqaynaysa iyo qaran dimuqraadi ah. Waxaanu qabsanay afar doorasho oo madax-banaan. Bilo ka hor waxa aanu qabanay doorashadii Goleyaasha deegaanka oo muddo toban sanadood ah muddo dhaafay. Illaa 400 oo murashax ayaa u tartamay Boqol iyo dheeraad kursi oo goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka dalka, Boqolaal ka midaa kooxaha budhcad badeeda ayaa ku xidhan xabsiyadayada, waxaanan xidhidh bada iyo beriga ah la leenahay Yurub iyo Maraykankaba, Dadkayagu waxa uu Aaminsan yahay in la gaadhay xiligii beesha caalamku aqoonsan lahayd Somaliland. Ictiraafka Somaliland waxa uu door fir-fircoon ka qaadan karaa mustaqbal wanaagsan oo ka tis-qaada Geeska Afrika”
HARGEYSA SOMALILAND

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka IMF

0
0

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxa ay ka qeybgaleen shirka sanad walba ee dalalka xubnaha ka ah hey'addaha lacagta adduunka ee IMF.


Puntland oo Qabatay Doomo laga Leeyahay Iran

0
0

Ciidamada Ilaalada Badda ee Maamulka Puntland, ayaa gacanta ku dhigay 5 doonyood oo laga leeyahay dalka Iran oo si sharci darro ah uga kaluumeysanayey biyaha badda ee Puntland.

Shabaab oo Degmada Baardheere ku Xiray Haween

0
0

 

Kooxda al-Shabaab ayaa Talaadii Shalay xabsiga u taxaabtay labo dumar ah oo la sheegay inay ka mid yihiin ganacsatada degmada Baardheere ee gobolka Gedo Kuwaa oo la sheegay in ay Ka ganacsanayeen Tuubakada.
Al-Shabaab ayaa ku eedeysay labada haween inay jebiyeen amar horey ay u soo saartay oo mamnuucayay beeridda iyo ka ganacsiga tubaakada.
Goob-jooge  ku sugan Degmada Baardheere  ayaa Saxaafada  u sheegay inuu rumeysan yahay in xukun karbaash ah lagu fulin doono haweenka xiran, kaddibna la sii deyn doono.
Kooxda al-Shabaab ayaa deegaannada ku jira gacanteeda waxay ka mamnuucday in la beerto ama laga ganacsado tubaakada iyo Dhamaan wax yaabaha loo yaqaan maandooriyaha

Qar Ka Mida Suxufiyinta Ka Howlgala Galmudug oo Tababar uga Furmay Konfurta Galkacyo

0
0

 

Suxufiyiinta Ka Howlgala Deegaanada Galmudug ayaa Maanta waxaa Siminaar ku aadan kor qaadista Tayada Saxaafada uga furmay Magaalada Galkacyo waxaana Siminaarkan Soo Qaban qaabisay Ururka  MPHDO waxaana Lagu baranayay Sharciyada Saxaafada iyo Sidii ay Wariyayaashu u horumarin lahayeen Xirfadooda.
Kulan Aqoon is waydaarsiga Ahaa ayaa waxaa furitaanka Ka Soo Qayb galay Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Soomaliya Mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi),Agaasimaha Warbaahinta Qaranka C/raxmaan Alcadaala, Masuuliyinta Gobalka ee Maamulka Galmudug iyo Suxufiyiinta Galmudug.
Furitaankii Siminaarka Ayaa waxaa Ka hadlay Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Soomaliya C/raxmaan Yuusuf Alcadaala wuxuuna Suxufiyiinta Kula Dar daarmay in ay Ka qayb qaatan Xasiloonida Dalka oo ay Ka Fogaadaan Wararka Abuuri kara Colaadaha iyo Isku Dhaca ayna wax kasta oo ay Tabinayaan hubiyaan meesha Wanaagsana ay Ka galaan.
Waxaa Isna Kulanka Ka Hadlay Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug Uweys Cali Siciid oo Sheegay in uu ku Faraxsanyahay Isku Imaatinka Suxufiyiinta iyo Masuuliyinta Warfaafinta Soomaliya iyo in Maanta loo furo aqoon kororsi wuxuuna u Mahad celiyay Hay,ada MPHDO oo Iyadu Qabatay Siminaarka wuxuuna Ku tilmaamay mid wax wanaagsan u qabanaysa Shacabka Galmudug Maadama Saxaafadu tahay meesha umada wax looga Sheego.
Kulanka Aqoon is waydarsiga ahaa ayaa waxaa Ka qayb galay Suxufiin ka Badan ilaa 40suxufi oo Ka howlgala Deegaano Kala Duwan oo Ka tirsan Galmudug waxayna Macalimiinti Casharada Bixinayay soo bandhigeen Habka Saxaafadu uga qayb qadan karto Dajinta xiisadaha waxaana Madasha La isku Waydarsaday Doodo ku aadan aqoonta Shuruucda Saxaafada.

Khilaafka Shirka Kismaayo oo Sii Xoogeystay

0
0

Kismaayo (Sh.M.Network) Shirkii Ka socday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ee Maamulka Loogu dhisayay Gobollada Jubbooyinka ayaa isku Bedelay Mid Khilaafkiisa iyo Murankiisa uu Xoogeysto Kadib Markii Labo Beelood Ergo halkaasi Ka Joogtay ay isaga Bexeen Shirka kuwaaso oo Ku qanci waayay Masuuliyiin kala duwan oo dhawaan Loo Magacaabay Guddiyada Farsamada iyo Guddiyada kale ee sii Amba qaadaya Shirkaasi.
Dhawaan Waxaa la sheegay in Loo Magacaabaya Shaqsi Magaciisa Lagu soo Gaabiyay C/qani Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Shirka Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka waxaana sidoo kale La Magacaabay Macallin Max’ud oo Laga Dhigay Guddoomiyaha Shirka halka Gebi ahaanba Abaabulka iyo habsami u socodka Shirka Loo Magacaabay Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) kuwaasi oo dhammaan La sheegay in ay isku Heyb yihiin.
Beelo Ku sugnaa Madasha Shirka ayaa ku qanci waayay qaabka ay wax u socdaan kuwaasi oo ay Ka mid yihiin Beelaha kala Cawrmala iyo Beesha Biimaal iyagoo Gebi ahaan isaga Baxay Shirkaasi.
Maanta ayaa La sheegay in Saraakiisha Kenya ee Ku sugan Kismaayo in ay isugu Yeereen Ergooyinka Shirka isaga baxay si ay ugu qanciyaan in ay shirka sii wataan ka qeyb galkiisa Lamana shaacin waxyaabaha ay isla Gaareen.
Ugu dambeyn Nabadoon Max’ed Ismaaciil oo ka mid ah Waxgaradka ka soo Jeeda Jubbooyinka ayaa ugu Baaqay Dowladda Soomaaliya in si deg deg ah ay Maamul ugu soo dhisto Gobollada Jubbooyinka haddii kale ay Xaaladda Faraha ka sii bexeyso.

Madaxwaynaha Somaliland oo Maanta Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill Kula Kulmay Senator (SAWIRRO)

0
0

 
madaxwaynaha somaliland oo ku gudo jira kulnaka uu la yeelanayo madaxda marayknaka, ayaa maanta waxa uu aqalka baarlamaanka ee capitol hill kula kulmay senator
 
Senator  Jeff Flake oo ka mid ah gudida golaha senet-ka u qaabilsan arrimaha afrika , Sentor jef flake waxa uu madaxwaynaha uga mahd celiyay booqashdiisa u ku soo booqday xafiiskiisa, dhianca kalena madaxwayne siilaanyo ayaa u sentorka u gudbiyay qoraal uu ku faafaahinayo horumarka somaliland gaadhay iyo waxyaabaha u baahan in wax la gala qabto somalialnd,
Dhinaca kale sentor-ku waxa uu somaliland ku aamany hor-umarka baladhan eeay samaysay ee dhinacyada nabadgelyada, Dimuquraadiyada, iyo degenaansha geeska isaga oo kula dardaarmay in ay Somaliland dedaalkeedaa halkaasi ka sii wadaan beesha caalamkana waxa uu kula dardaarmay in ay Somaliland wax lagala qabto, dedaalka ay ku jirto ee dedaalkaa ay ku jirto ee dedaalka iyo dimuquraadiya.

HARGEYSA SOMALILAND
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live