Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kismaayo Oo Xiisadi Ay Ka Aloosantahay Iyo Doonyo Hub Ah Oo Barre Hiiraale Uu Latagay

$
0
0


Waxaa sii xoogeysanaya xiisado colaadeed oo ka aloosmay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose tan iyo markii habeen ka hor uu halkaas gaaray Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo dooni ku gaaray Kismaayo
 
Wararku waxay sheegayaan in kulamo dhexmaray Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale kuna saabsanaa shirka ka socda Kismaayo la isku fahmi waayey, waxaana kulamadaas barbar socday diyaar garow dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan labada dhinac.
 
Sida ay sheegayaan wararku magaalada Kismaayo xeebaha ku dhow ayaa waxaa xalay gaaray saddex doonyood oo Ciidamo iyo hub u siday Col Barre Hiiraale kuwaasoo ilaalinaya guriga uu degay Barre Hiiraale iyadoo ay ku biireen ciidamo kale oo ku sugnaa Kismaayo.
 
Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa dagaal adag oo muddo dheer qaatay u soo galay la wareegida Kismaayo isagoo taageero siyaasadeed iyo mid mileteri ka haystaa ciidanka Kenya oo ah awooda ugu weyn ee maamusha Kismaayo


Justine Greening oo la kulantay Soomaalida

$
0
0

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Britain, Justine Greening ayaa sheegtay in taageerada bulshada British-ka ee Soomaalida ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay ka soo kabato labaatan sano oo dagaal ah.

30 wariyayaal oo tobabar saxaafadeed berito uga furmayo magaalada Hargeysa

$
0
0


Wakaalada wararka arimaha bini’aadamtinimada qaramada midoobay ee Ergo fadhigeeduna yahay magaalada Nayrobi ee dalka  Kenya  ayaa tobabar saxaafadeed maalinta berito u qabanaysa  ku dhawaad 30 wariyayaal ah oo ka socda idaacaddaha ku hadla afka Soomaaliga
Tobabarkaan oo ka dhacaya magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland ayaa wariyayaasha loo qabanayo waxay ka kala socdaan idaacaddaha siidaaya barnaamijka  maalinlaha ah ee Radio Ergo kaas oo lagusoo diyaariyo Nayrobi .
4 cishe uu tobabarkan socondoono ayaa wariyayaasha ka qeybgalaya waxay qaadandoonaan casharo ay kamid yihiin  fahanka qilaafaadka, Tabinta warbixinada masiibooyinka , Saxaafada iyo doorka ka hortagis ee qilaafaadka. Iyo awooda saxaafada ee abaabulka nabada.
Waxaa kale oo wariyaasha la siindoona casharo la xiriira  soo saarida barnaamijyada, mas’uuliyadda qoraayaasha iyo sharciga xigashada.
Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda warfaafinta Soomaaliland ayaa lagu wadaa inay kasoo qeyb galaan furitaanka tobabarkaan oo  iyagu ay  si rasmiya ufuridoonaan. Waxaa kale oo la shaaciyay inay tobabarkaan ka qeyb galayaan 4 wariye  oo ka socda wasaaradda warfaafinta Soomaaliland oo lagu sheegay inay tahay mid lagu muujinayo isdhexgalka  wariyayaasha Soomaaliya iyo Soomaailand.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Radio Ergo ay tobabar caynkaani oo kale u qabanayso suxufiyiin ka socda idaacaddaha siidaaya barnaamijkooda. Waxana tobabarkii ugu dambeeyay lagu qabtay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.
Buraannews.com- Hargeyso

Muxaadaro Muhiim Ah (*Al-Muraaqabah*) Li Sh Abul-Cabaas Maxamed Xafidahullaah

Wareysi: Matthew Bryden

$
0
0

Matthew Bryden Madaxa Hay'adda Cilmi Baarista ee Sahan ayaa VOAda uga waramay Qilaafka ka dhex oogan Somalia iyo Ethiopia iyo waxa uu salka ku hayo

Cumar Cabdi Rashiid: waa in Musharrixiinta Doorashada Jubba Land isu tanaasulaan Ama Dowladda ay La wareegi doonto Jubbooyinka

$
0
0

Kismaayo (sh.M.Network) Kadib markii uu isugu yeeray Shalay Gelinkii dambe Ra’isal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose Musharrixiinta Ka qeyb galaya Doorashada Madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Jubba Land ayaa waxa uu ku war Geliyay in ay isu tanaasulaan islamarkaana ay Muujiyaan degenaasho is qab qabsigana ay iska dhaafaan.
Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke waxa uu tilmaamay in haddii Muddo 6 Maal mood ah ay isu tanaasuli waayaan islamarkaana ay Ka fiirsan waayaan danta Maamul U samrunta Gobollada Jubbooyinka Laga yaabo in Talada ay gacanta u gasho dowladda Soomaaliya.
Ra’isal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid ayaa Loo Magacaabay qaban qaabiyaha Guud ee Shirka Magaalada Kismaayo iyo ololaha Doorasho ee Loogu Loolamayo Madaxtinimada Jubba Land.
Sikastaba arrinta Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka ayaa ah Weli mid Murankeeda iyo qalalaasaha ka taagan uu Cirka isku sii Shareerayo.

Qaramada Midoobay:- Dowladda Soomaaliya waa in loo madaxbaneeyaa sugidda amniga iyo go’aan gaarista arrimaha…

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa ku talisay in dowladda Soomaaliya loo madaxbaneeyo sugidda amniga dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaana la meelmariyo 6-da tiir ee dowladdu ay u dejisay in lagu soo celiyo amniga dalka Soomaaliya, waxaana sidaasi u sheegay xubnaha Golaha Ammaaanka, wakiilka siyaasadda u qaabilsan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Jeffrey Feltman kaas oo sheegay inay lagama maarmaan tahay in la hirgaliyo qorshaha dowlada Soomaaliya sida uu yiri.
Jeffrey Feltman ayaa sheegay iney haboontahay in Golaha Ammaanku uu taageero, isla markaasna uu meel mariyo  6-tiir ee dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay u dejisay soo celinta amniga Soomaaliya iyo dhisida maamul goboleedyada dalka oo ah xalka keliya ee looga bixi karo khilaafaadka dalka Soomaaliya ka jiray 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Mr. Jeffrey wuxuuna intaas ku daray in howlgalka AMISOM uu guuleystay isla markaasna uu gaaray heerkii looga baahnaa, balse wuxuuna hoosta ka xariiqay inay lama huraan ay tahay in la maalgaliyo ciidan ay u dhamaystiran yihiin tabarkiisa iyo hubkiisu oo ay Soomaaliya yeelato si ay meesha uga baxdo ku tiirsanaanta ciidamada Shisheeye ee dalka jooga, Jeffrey Feltman ayaa ka dalbaday Golaha ammaanka in la bedelo qorshihii hore ee qaramada midoobay ay ku maamuli jirtay siyaasada Soomaaliya ee UNPOS  ee fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi,isla markaana dowlada Soomaaliya loo madax banneeyo sugida amniga dalkeeda.
Si kasta oo ay ahaataba hadalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo faragelin xoogan lagu hayo dowlad kasta oo Soomaaliya oo loo soo dhiso, waxaana xusid mudan in dowladihii ku meel gaarka ahaa ee dalka soo maray ay inta badan ka shidaal qaadan jireen xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobe UNPOS ee uu madaxda ka ahaa Augustina Mahiga kaas oo saamayn badan ku lahaa go’aamada ku aaddan arrimaha dalka Soomaaliya.

Shirkii Kismaayo ee maamul u sameynta Jubbooyinka oo la soo gabagabeeyay, laguna wado in…

$
0
0

Wararka aynu ka helayno magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in shirkii magaalada Kismaayo uga socday odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ujeeddadiisu ay aheyd in laga arrinsado sida ugu wanaagsan ee loo soo xulayo ergada dooraneysa Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa shalay la soo gabagabeeyay.
Shirkaas oo sida la sheegay ay ka qeybgaleen in ka badan 50-hogaamiye dhaqameed, ayaa wuxuu ka dhacayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana xiritaankii kulankaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga farsamada ee shirka maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Cabdiqani Cabdi Jaamac, kaas oo warbaahinta u sheegay in tallaabada ku xigta shirkii shalay soo dhammaaday ay tahay soo xulidda 500 oo xubnood oo dooran doonta madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Nabaddoon Kuushiye Cabdi Nuurow iyo Suldaan Cumar Ciise Barre oo ka tirsan odayaasha uu shirka u soo dhammaaday ayaa iyaguna sheegay inay muhiimad gaar ah leedahay in laga wada shaqeeyo sidii ay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo u yeelan lahaayeen maamul, waxayna dowladda ka codsadeen inay taageerto maamulka la qorsheynayo dhismihiisa, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqo Madaxweynaha maamulka Jubbland oo uu hadda ka taaganyahay khilaaf xoogan.


Uhuru Kenyatta:- Ujeedada aan u galay Soomaaliya waa inaan ka qeybqaadano amni ku soo dabaalidda Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in danta ay Kenya ka leedahay Soomaaliya ay tahay sidii ay ugu soo celin lahayd ammaankii  iyo deggenaashiyihii  kadib in ka badan 20-sano oo colaado ay ka jireen dalka Soomaaliya, Kenyatta wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya aysan dani ugu jirin Soomaali oo keliya, balse ay dani ugu jirto gobolka oo dhan, wuxuuna hadalkan sheegay ka dib markii uu khamiistii lasoo dhaafay kulan la yeeshay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma la yeeshay Khamiistii lasoo dhaafay.
Sidoo kale Kenyatta wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay ku shaqeeyaan magaca Midowga Afrika ee AMISOM, dantoodana ay tahay inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dib u soo celinta nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, isla markaasna ay ku gacan-siiyaan la dagaalanka Xarakada Al-shabaab iyo sidii ay dowladda ula wareegi laheyd gobolada dalka oo dhan.
“Waxaan xaqiijinayaa in Kenya ay u taagan tahay diyaarna u tahay inay ka caawiso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda sidii ay nabad dalkooda uga dhalin lahaayeen, beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay taageero siiyaan dadaalka uu gobolku wado” ayuu yiri Kenyatta, Maxweynaha Kenya wuxuu hadalkiisa ku sheegay in dowlddiisu ay si buuxda u taageersan tahay qorshah IGAD ee horumarinta Soomaaliya. Isagoo xusay in deggenaasho kusoo celinta dalka bariga Afrika ku yaalla ay dani weyn ugu jirto dalalka gobolka ku yaalla oo dhan.
“Ciidamada Kenya waxay sii wadi doonaan howsha ay qaybta ka yihiin ee AMISOM, waxayna qaybtooda ka qaadanayaan howsha socota ee nabad ku soo celinta Soomaaliya,” ayuu si fudud u yiri. Isagoo hadalkiisa raaciyay: “Qorshaha nabadeed ee Soomaaliya waa mid uu dejiyay ururka Midowga Afrika, Kenyana waxay sii wadaysaa ballanqaadkeedii ahaa inay qaybteeda ka qaadan doonto howshan”.

Dowladda Mareydkanka oo sheegtay inay dowladda ku gacansiineyso la wareegista gobolada Waqooyi iyo…

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa waxay ka hadashay markii ugu horeysay wadahadaladii dalka Turkiga ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka la baxday Somaliland, waxayna sheegtay dowladda Mareykanku inay soo dhaweynayso wadahadalkaasi iyo in heshiis dhab ah ay wadagaaraan labada dhinac.
Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu soo dhaweynayo wadahadalka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, wuxuuna warku intaasi ku darayaa in wadahadalku uu keenikaro  in dowladda Soomaaliya ay si dhab ah u maamusho gobolada dalka oo dhan.
“Mareykanku wuxuu taageero buuxda u hayaa wadahalkii dalka Turkiga ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, wadahalkaasi dowladda Soomaaliya waxa uu u saamaxayaa inay gacanta ku wada-dhigto, isla markaasna ay maamusho dhammaan gobolada dalka Soomaaliya ee koonfurta iyo waqooyiga, runtii waan soo dhaweynaynaa wax kasta oo ay ku heshiiyaan labada dhinac” ayaa lagu yiri warka.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay gacan ka geysanayso sidii ay dowladda Soomaaliya gacanta ugu wadadhigi laheyd gobolada dalka oo dhan, wuxuuna warku intaasi ku daray in shirka London uu kaalin lixaad leh ka qaadan-doonin hanaanka geedi-socodka nabadda Soomaaliya, sidaasi oo ay tahay ayaa lagu yiri warka Mareykanka wax kasta oo kaalmo ah wuu ku taageerayaa dowladda Mareykanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dilay labo wiil oo walaalo ah, dhaawacayna mid kale oo…

$
0
0

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dil u geystay labo wiil oo walaalo ah , waxayna dhaawaceen mid kale ka dib markii ay rasaas ku fureen labada wiil ee walaalaha ah iyo nin ka mid ahaa askarta dowladda oo marayey meel fariisin u ah ciidankaasi.
Sida warku sheegayo rasaasta ay fureen ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay labo wiil oo ilmo Habreed ahaa, halka mid kale oo wiilashaas midkood la dhashayna uu ku dhawacamy rasaasta ee fureen ciidanka dowladda Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafada Ex- Telifishinkii qaranka ee degmada Yaqshiid waxaana geeytay ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi saldhig ciidan ku lahaa sida ee goob joogayaaal warbaahinta u xaqiijiyeen Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaasta la huwiyey dhalinyaradan ay ka dambeysay xurguf ka dhaxeysay mid ka mid ah dhalinyarada la dilay oo ka tirsanaa ciidanka dowladda iyo sidoo kale ciidamo kale oo iyana ka tirsan isla kuwa dowladda Soomaaliya, taas oo keentay in rasaas lagu furo wiilasha dhintay.mana jirto cid si rasmi ah u xaqiijineysa in si kas ah dadkaasi loo dilay.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya dilaan dhalinyaro isla dhalatay, waxayna tiro dhowr-jeer oo hore ah sidan oo kale xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilliwaa ku dileen dhalinyaro isla dhalatay oo ay ku eedeeyeen inay ka mid ahaayeen ciidamada Xarakada AL-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo looga digay inaysan mooshin ka keenikarin wadahadaladii Soomaaliya iyo maamulka Somalilnd

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa looga digay inaysan wax mooshin ah keenaan wadahadaladii iyo heshiiskii dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaana la joojiyey oo la diiday gebi ahaanba mooshinkii horay looga keenay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla oo shir gudoominayey kulanka Baarlamanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada uga digay inay wax mooshin ah ka keenaan heshiiska iyo wadahalka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka la baxay Somaliland, wuxuuna xusay Guddoomiye ku xigeenku inaan loo baahneyn in fadqalado iyo cabad lagu noqdo wadahalka labada dhinac sida uu yiri.
“Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliyeed ee sharafta leh waxaan uga digeynaa inay wax mooshin ah ka keenaan wadahalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sababta aan u joojinay waxay tahay in Baarlamaanka uusan caqabad ku noqon wadahadalkaasi, waxaana idiin sheegayaa in mowshinkii laga keenay heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland in baarlamaanka  looga doodi-karin oo aan joojinay mar hore, wixii qaldan gudoonka Baarlamaanka ayaa saxaya, waana in sidaasi loola socdaa” ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cabdalla.
Si kasta oo ay ahaataba amarkan ka soo baxay Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr uu horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka Somaliland, waxayna ka keeneen mooshin ka dhan ah heshiiskii labada dhinac, sidoo kalena go’aankan waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maamulka Somaliland ay sheegeen in xildhibaanada mooshinka ka keenay wadahalka labada dhinac ay yihiin kuwo caqabad horseedi kara, isla markaasna aan ogoleyn gooni u goosadnimada maamulka Somaliland.

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal culus oo gudaha degmada Balcad ka dhacay

$
0
0

Degmada Balcad ee xarunta labaad gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka dhacay shalay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah Guddoomiyaha degmada Balcad, kuwaas oo muddo saacado ah uu dagaal culus ku dhexmarayey gudaha degmada Balcad.
Sida warku sheegayo dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan, waxaana dadka dhintay iyo dadka ku dhaawacmay dagaalkaasi ka mid ahaa ciidamadii dagaalka u dhaxeeyay iyo dad rayid ah, waxayna dad goob-joogayaal ah ay sheegayaan in dagaalka ay ciidamadu isku adeegsadeen hubka culus iyo kan fudud intaba, waxaana dagaalka ku dhintay inta la ogyahay dad aad u badan.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dagaalka uu ka bilowday goob ay jid gooyo u taalay ciidamada daacadda u ah Guddoomiyaha degmada Balcad, halkaas oo ay gaareen ciidamo milateri oo ku amray in jidgooyada laga qaado, taas oo keentay in dagaal culus uu dhexmaro labada dhinac.
Dagaalka ayaa markii dambe waxaa la sheegay inay soo dhexgaleen ciidamada AMISOM kuwaas oo la sheegay inay labadii dhinac ee dagaalamay kala qaaday, iyagoo la wareegay goobtii ay ku dagaalameen, waxayna warkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in dagaalkaasi ay ugu yaraan 7-ruux ku geeriyootay, halka tiro intaasi ka bandanna ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan magaalada Garoowe iyo warar sheegaya…

$
0
0

Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka socota qabanqaabada loogu jiro soo dhoweynta wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la filayo inuu booqasho ku tago halkaasi, isla markaasna uu kulamo kula qaato magaalada Garoowe maamulayaasha Puntland.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo magaalada Garoowe ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee maamulka Puntland uu ku booqdo tan iyo markii uu xilka Madaxweynenimada qabtay, wuxuuna magaalada Garoowe uu kula kulmi doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo xukuumaddiisa, isagoo kala hadli-doono xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyo sidii ay labada dhinac ugu wada shaqeyn lahaayeen dhinaca ammaanka iyo arrimo kale.
Sida warku sheegayo inta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaasi joogo ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo ay ka wadahadli doonaan sida la sheegay arrimo badan oo dhinaca Federaalisimka, arrimaha Jubbooyinka oo maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ay ku kala aragti duwan yihiin iyo qodobo kale.
Maamulka Puntland ayaa saluugsan siyaasadda dowladda Federaalka ee ku aadan dhismaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka, waxayna Puntland ay dhowr jeer ku eedeysay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso dhismaha maamulka Jubbaland, halka dhinaca kale ay dowladdu ku eedeynayaan dadka ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ee shirka ka soo horjeeda in dowladdu ay waxba ka qaban la dahay shirkaasi oo ay sheegayaan in uu yahay mid kooxo gaar ahi ay wataan oo aan loo dhameyn
Warku wuxuu intaa ku darayaa in wafdiga Madaxweynaha ay magaalada Garoowe ku sugnaan doonaan ilaa maalinta Isniinta kadibna dib ugu laaban doonaan Muqdisho.waxaana xusid mudan in Bishii Maarso ee aynu soo dhaafnay  uu magaalada Garoowe booqday Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan halkaas oo ay ku gaareen heshiis qodobo  badan ka kooban.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Garowe kuso wajahan.

$
0
0


M/weynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa maanta oo (Axad ah) in uu yimaado magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

M/weynaha iyo waftigiisa ayaan wali la shaacin sababta rasmiga ah ee imaatinkoodu uu salka ku hayo, hase ahaatee waxay kulan la yeelan doonaan M/weynaha Puntland sida ay noo xaqiijiyeen qaybo ka mid ah mas’uuliyiinta Puntland.

Safarka M/weynaha dawladda federaalku uu yimid Puntland, ayaa ah mid aan horay loo sii shaacin, mana cadda wakhtiga joogitaankiisa Puntland uu qaadan doono.

Haatan magaalada Garowe waxaa ka socda diyaar garaw ballaaran oo ku aaddan soo dhaweynta M/weynaha iyo waftigiisa, waxaana imaatinka M/weyne Xassan Sh. Maxamuud ee Puntland uu noqonayaa markii ugu horraysay ee uu cagaha soo dhigo deegaannada Puntland tan iyo markii la doortay bartihimii sannadkii hore ee 2012-ka.

Buraannews.com- Garowe.


Muxaadaro-Muhiim Ah ((*Al-Jannah*)) Li Sheekh Abul-Cabaas Maxamed Xafidahullaah

An Awakening East African Movement in Minneapolis’ Municipal Elections

$
0
0

Abdi Warsame, a visionary leader breaks the glass-ceiling barrier and eclipses his incumbent Lillegren in Ward 6.
By Abdulqudus Donyale
I have lived in Minneapolis since I was 7 years old, and for the first time in my life I have never felt more at home despite owning a housing property and the fact that my kids were all born in Minneapolis. There was always this inherent thought in the back of my mind, which prescribed me to a pre-destined utopia (Somalia) that was compatible with my identity. So I developed a distant relationship to a place, of which my only contact had been a deep sense of love and imagination.
This relationship of joy and sorrow had prompted me to take action in the past several years. I had co-founded a public radio in the Northeastern Somali region of Sanaag (Somali Public Radio). I felt as if it was my duty to try to impact the desperation and the disorder of the powerless, but part of me was in search for a sense of belonging and a place to call home. For the first time in 18 years, the familiar colorful high-rises in Cedar Riverside and the Philips Community Center (former Boys & Girls Club) where I’ve had my first swimming lessons as a child felt like home.
I participated in the campaign efforts of the City of Minneapolis’ municipal elections, which had witnessed a new milestone of huge voter turnouts in Ward 6 since the last national election. The voter turnouts marked the growing diversity of the city, according to the Star Tribune. On Saturday, April 27th, The Democratic-Farmer-Labor Party’s (DFL) Ward Convention endorsed Abdi Warsame, the state’s first DFL-endorsed candidate of East African descent.
Warsame, a young community activist, took on incumbent Robert Lillegren and won the DFL endorsement. The news brought on much excitement to the East African community in Minneapolis. Both local and international media outlets arrived at the campaign headquarter packed with a crowd of some 200 well-wishers including friends, families and community organizers.
“The impossibility has turned to a possibility,” Warsame told the crowd in Cedar Riverside neighborhood after a young girl in bright Hijab presented the U.S flag for the pledge of allegiance and a local teenager sang the national anthem.
Candidate’s Background
Abdi Warsame is a community leader and nonprofit organization Director in Minneapolis. Warsame played a key role in the re-districting process, which created the new Ward 6. Mr. Warsame was born in Somalia and grew up in the United Kingdom where he had studied and attained a BSc in Business and a Master’s Degree in International Business. He moved to Minneapolis in 2006, shortly landing a job in the financial sector.
“From the outset, I was mesmerized by the sheer beauty of the city and warmth of its people,” Mr. Warsame told residents of Seward neighborhood, reflecting on his first encounter with the twin cities.
He is currently the Board Chair of the Cedar Riverside- Neighborhood Revitalization Program (CR-NRP) as well as the Executive Director of the Riverside Plaza Tenants Association (RPTA). “My transition into the non-profit world stems from my passion to working for my community and impacting ordinary people’s lives,” stated Mr. Warsame at a community meeting in Cedar Riverside.
Changing the Political Map
A city redistricting map proposal was submitted to the Minneapolis Charter Commission on January of 2012 by Citizens Committee for Fair Redistricting, a group representing East Africans. The group was seeking a political map that was reflective of Minneapolis’s growing diversity. “If there was proportional representation on the Minneapolis City Council, five of the 13 wards would be represented by people from the minority population,” said Abdi Warsame who signed the proposal letter on behalf of the Citizens Committee
Mr. Warsame was the founder and a spokesperson for the Citizen’s Committee for Fair Redistricting, which took part in the redistricting process that aimed to create a more equitable and representative political map of Minneapolis, which would in turn create better opportunities for all residents of the City. The Citizen’s Committee lobbying was a historic success and today’s current map of the City including Wards 6 and 9 are a testament to their hard work.
Campaign Highlights
The movement surpasses a specific agenda or a political platform. Its core proposition is not only to break barriers and change perceptions but also to lead to natural growth of a common goodwill—collective perception and understanding of local issues and options for improvement.
“This campaign is about transforming our community from isolation into awareness and active participation,” says Mohamed Jama, founder of the Cedar Riverside Youth Council and a campaign organizer.
There was an extraordinary show of support and energy as early as a year away from the DFL caucus night. Volunteers went hard at work pounding the pavement, hosting neighborhood forums and phone banking for Abdi Warsame’s DFL endorsement efforts.
This is a grand movement with multiple themes and layers. “To me it’s about my kids and creating a success story for them,” says Deqa Aden, a campaign volunteer.
And so to me it’s as interior, intimate effort on my part, to understand this movement and to find my place in it, which converges to a broader communal dialogue, a dialogue in which I am professionally engaged in, one that will shape our lives and the lives of our children for many years to come.
 
The Historic DFL Endorsement
 
Hundreds of delegates gathered in Ward 6 convention at Saint Mary’s University on Saturday April 27th, 2013. History was made as delegates elected the first East African for DFL endorsement with an overwhelming majority. The crowd erupted in cheers and waved American flags when Abdi Warsame stepped up to the podium to address the delegates. He touched on his platform in a summarized speech and drew inspiration from quoting the great Irish thinker George Bernard Shaw who said“You see things; and you say “Why?” But I dream things that never were; and I say “Why not?”
 
Despite what this endorsement means, hundreds from diverse communities came together, embracing the candidate’s unique life experience. It served them as a source of inspiration and as a tool to bridge communities.

Abdulqudus N. Salah (Donyale)
Abdulqudus N. Donyale is a co-founder of Somali Public Radio and a campaign organizer for Abdi Warsame
He can be reached @
abdisalah7@gmail.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Somali:-Persident Hassan Sheikh Mahamud Visits Punland Aheed Of Ladan Conforence

$
0
0

H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Republic of Somalia, was warmly welcomed in Garowe today by the President of Puntland, H.E. Dr Abdirahman Sheikh Mahamud Farole, and his Ministers, as he began a short working visit.
President Hassan is visiting Puntland ahead of the London Conference to discuss a wide range of issues and brief President Farole on the deliverables of the Conference.
The visit is part of a tour of all the regions of Somalia.
The President said: “I am committed to continue the dialogue and political outreach to all communities in Somalia as we continue to achieve our goal of a federal Somalia at peace with itself and our neighbours.
“I congratulate Puntland on the process underway to deliver the first democratic multiparty local elections in June.
“The London Conference on 7th May will be focused on our plans for national unity, security sector reform, judicial development and the establishment of effective public finance management systems, and how the wider international community can support us.
“The London Conference is for all of Somalia and all Somalis will benefit from its outcomes.”

Somaliland:-Foreign Minister Submits letter to the UN Security Council Asks Special Status

$
0
0

By Yusuf M Hasan
NEW YORK (Somaliland) – As the visiting head of Somaliland President Ahmed Mahmud Silanyo prepares to meet with citizens of his country living in the USA at Chantilly, Virginia, his foreign minister has submitted a letter to the UN Security Council.
In his  letter, the Somaliland foreign minister Dr Mohamed Abdilahi Omar says his country disputes the right of Somalia to establish any “exclusive economic zone” off its coastline; it urges the UN system not to put its Hargeisa offices under a structure based in Mogadishu.
In the Security Council on April 25, UN Department of Political Affairs chief Jeffrey Feltman said the UN welcomes Somalia and Somaliland talking.
Below are the full excerpts of the letter
 
H.E. Mr. Eugène Richard Gasana President of the UN Security Council
Permanent Representative of the Republic of Rwanda to the UN
Your Excellency,
1 April 2013
On 22 March 2013, the Government of the Republic of Somaliland had the honour to welcome to Hargeisa the UN’s Technical Assessment Mission (TAM), which was mandated by UN Security Council Resolution 2093 (2013) to consider the implementation of a new UN Mission in the region. I wish to summarize for the benefit of the members of the Security Council the points that my government raised with the UN team.
The past year has been a critical one for the transition in Somalia. My government hopes that under the new leadership that has taken shape in Somalia, our neighbours will see a return to effective governance, and the re-­‐establishment of peace and stability. At the same time, we urge the international community to continue to support my country, Somaliland, which remains a bulwark of peace and stability in the Horn of Africa. As a flourishing democracy that has engaged in an extensive process of national reconciliation, we also believe that our experience can be of value to our neighbors as they embark on critical state building and peacebuilding tasks.
To ensure that the UN’s future engagement in the region is both effective and efficient, it must be guided by the reality that Somaliland is separate from Somalia and has followed a quite different course during the past 21 years since our people re-­‐asserted the independence that we achieved from the United Kingdom in 1960 as part of the decolonization process. Any UN presence in Somaliland must therefore have specifically tailored priorities and strategies, and must make its decisions regarding our development partnership without prejudice to the politics or interests of the federated regions of Somalia. The UN must respect its stated guiding principle of “do no harm” and make sure that none of its interventions in Somaliland and Somalia undermine the capacity of the Somaliland government to function in the service of the citizens who have democratically endorsed its authority.
In this regard, while we welcome the TAM’s assurances of a robust UN presence in Hargeisa headed by a senior official, we believe it would be wrong for the UN’s presence in Somaliland to be subsumed under a management structure based in Mogadishu, as is apparently being proposed. The government in Mogadishu is not in a position to advise the UN on Somaliland’s development needs and priorities—any UN activities should therefore be managed from Somaliland by the permanent team already envisioned for our country. Not only would this allow Somaliland to benefit directly from the UN’s expertise, it would also enable more UN staff to experience at first-­‐ hand Somaliland’s effective approach to peace-­‐building and democracy— knowledge that is also integral to building sustainable governance in neighbouring Somalia. I would add that my government’s ability to protect the security and safety of our citizens and international visitors, including UN staff, is well established.
At the London Conference on Somalia in February 2012, the participants recognized the need for the international community to support a dialogue between Somaliland and the TFG or its successor in order to clarify their future relations. That decision was endorsed by the Istanbul II Conference on 1 June 2012. A first, historic round of talks took place at Chevening House in the UK later that month, and President Silanyo subsequently met President Sheikh Sharif in Dubai on 28 June to ratify what was agreed.
My government believes strongly that this dialogue should resume as soon as practicable and should retain its unique character as a process conducted between governments. The dialogue is very important for the future stability of the Horn of Africa and the wellbeing of its people. In the longer term, it offers the prospect of Somaliland and Somalia reaching agreement about Somaliland’s status. But in the near term, the dialogue is an opportunity for us to talk to Somalia about issues of practical concern, such as cooperation on terrorism, piracy, extremism, serious crime, illegal fishing and the dumping of toxic waste at sea, as well as a wide range of economic issues, the resolution of which will benefit both our peoples. We call on the UN, and the wider international community to support the early resumption of the dialogue.
I wish to reiterate, however, that given our people’s decision to re-­‐assert our independence in 1991, it is unacceptable to Somaliland that the new draft Somalia constitution purports to lay claim to our territory. Somaliland emphatically rejects any such claim. For the same reason, we oppose, and will not recognize, any attempt by the Government of Somalia to declare an Exclusive Economic Zone (EEZ) which purports to include the waters adjacent to the coast of Somaliland. The Government of Somaliland reserves the right to declare and enforce its own 200-­‐nautical mile EEZ, and to exercise jurisdiction and sovereign rights within the EEZ in accordance with the 1982 UN Convention on the Law of the Sea.
Meanwhile, I can confirm that Somaliland will continue to play a significant role in the international community’s efforts to maintain peace and security on the Horn of Africa. As an independent and integral force in the fight against piracy, Somaliland will continue to work with UNODC, the EU and the International Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia to develop institutions and policing capabilities for the prevention, prosecution and punishment of acts of piracy up to international standards of human rights. To this end, Somaliland has concluded a bilateral agreement with the Government of the Seychelles over the transfer of convicted pirate prisoners, and changed its own laws to allow it to receive such prisoners. In addition, Somaliland cooperates directly and works jointly with the Governments of the US, UK and Ethiopia, amongst others, in the fight against terrorism, and on the promotion of regional stability. The rapidly changing political dynamics of the region will only increase the burden faced by the Somaliland government in these areas in the near term, meaning that continued international support for safeguarding and strengthening government in Somaliland should remain the objective of the UN and the broader international community.
The Somaliland people are grateful for the contribution made by the UN and donor governments to humanitarian and development assistance in our country over the years. We will continue to contribute to international efforts to build a more peaceful Horn of Africa, including by cooperating with the new Government in Somalia in areas of mutual concern. Such positive engagement will only succeed if the UN and the wider international community acknowledge our unique status and help us to consolidate our achievements. The original Somali state failed because it ignored the interests and wishes of all of its peoples. It would not be in anyone’s interests, including those of the government in Mogadishu, to repeat the errors of the past by repudiating the reality of Somaliland’s unique status and the reality on the ground, which would only serve to lessen the chances of establishing peace and stability across our region.
Please accept, Your Excellency, the assurances of my highest consideration.
Dr Mohamed A Omar

Daawo:-Cusbitaalka Guud Ee Badhan Ayaa Lasoo Gaarsiiyey Gaari Ambulance Ah Oo Ay Soo Gaarsiiyeen Maamulka Somaliland

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live