Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha dowlada KMG ah oo ku sugan dalka Jabuuti

$
0
0

Madaxweynaha dowlada KMG ah Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa dhigiisa Madaxwayanaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelen kulan kula qaatay iyagoo sida la sheegay isku la soo qaaday arrimo dhowr ah.

Kulankaan ayaa waxa uu ka danbayay ka dib markii Madaxwaynaha dowlada KMG iyo wafdi  uu hogaaminayo ay gaareen magaalada Jabuuti kuwaas oo ka anbabay wadanka Itoobiya.

Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Madaxwaynah Jabuuti ayaa waxaa la sheegay in ay kawadahadleen arimo farabadan oo ay ka mid ahayd xaalada wadanka Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya.

Madaxwayane Shariif ayaa waxaa la sheegayaa in ay u qorsheesantahay in uu u sii gudbo magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, ka dibna uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa looga fadhiyaa in uu soo magacaabo Raysal wasaare cusub markii uu daljka ku soo laabto, taas oo ka danbaysay ka dib markii uu iscasilay Raysal wasaarihii xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.


Sii-Hayaha xilka RW Md. Goonjeex Oo Ka Qeyb Galay Qelin-Jebin Ka Dhacday Mahadka Qamar

$
0
0

Sii-hayaha Xilka Raysal-wasaarennimada Soomaaliya, Mudane C/waaxid Cilmi
Goonjeex, iyo Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Carruurta,
Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa maanta ka qeybgalay xaflad
shahaadooyin lagu guddoonsiinayay ardey ka qalinjebisay Machadka
Horumarinta Haweenka ee Marxuumad Qamar oo ay maamusho wasaaradda
Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska.
Shahaadooyin ayaa la guddoonsiiyay 37 ardey oo dhameystay koorsooyin
kala ah 4 bilood oo barashada kumbuyuutar ah iyo 6 bilood oo lagu
baranayay maamulka iyo maareynta, iyadoo 35 ka mid ah ardeydaas ay hablo
yihiin. Waxbarashadu waxay gabdhahaas fursad u siin doontaa inay ka
shaqeeyaan xafiisyada, isla markaana ay ku-dayasho wanaagsan u noqdaan
gabdhaha kale.
Ardeyda Machadka dhigata wax lacag ah lagama qaado maadaama ay ka soo
jeedaan qoysas dhaqaalahoodu liito, waxayna isugu jiraan agoomo iyo qaar
ka yimid xeryaha dadka soo barakacay.
Marwo Fowsiya ayaa tiri:
“Maynan qiyaasi karin saameynta waxbarashadu ku yeelan doonto nolosha
ardeydan. Laakiin waxaan aragnay inay awood u leeyihiin inay ku
xoogsadaan si sharaf leh. Waxaan aaminsanahay in waxbarashadu tahay
habka ugu wanaagsan ee awood lagu siin karo gabdhaha”.
“Waa mas’uuliyad na saaran inaan gabdhaha siino waxbarasho tayo leh oo
lacag la’aan ah, taasoo ah howl weyn. Laakiin waxaa naga go’an inaan
sameyno wixii aan awoodno inkastoo ay jiraan duruufo dhaqaale.”
Sii-hayaha Raysal-wasaaraha ayaa isna yiri:
“Waxaan jecelahay inaan ka mahadceliyo howsha weyn ee ay qabatay
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska. Waxaan arkaa in
howsha aad haysaan ay isbeddel keeneyso, isla markaana ay awood-siineyso
haweenka oo beddeli kara nolosha qoysaskooda, sidoo kalena siineysa
sharaf, rajo iyo fursad.”
“Waxaan u rajeynayaa muwaadiniinta da’da yar inay shaqooyin ka helaan
dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, waxaana ku faraxsanahay
inaan ka soo qeybgalo xafladda qalinjebinta mid ka mid ah dufcooyinkii
ugu horreeyay ee Machadka Qamar”
Machadka Marxuumad Qamar
Machadka Horumarinta Haweenka ee Marxuumad Qamar waxaa la aasaasay 10kii
Diseember 2009kii, 7 maalin kaddib markii nin naftii-hallige ah uu
dilay 4 wasiir oo ay ka mid ahayd Allaha u naxariistee Qamar oo ahayd
wasiirkii caafimaadka. Ardeyda wax ka barata Machadka waxay dhan yihiin
401, kuwaasoo 92% ay gabdho yihiin. Waxyaabaha lagu barto Machadka waxaa
ka mid ah dugsi hoose, maamulka iyo maareynta, kumbuyuutar, farshaxan
iyo karinta cuntada.
Iyadoo machadku u dabbaal-degayo bisha Diseember sanadguuradiisii
koowaad, qalinjebinta ardeydan waxay marqaati u tahay waxqabadka
wasaaradda, isla markaana muujinaya awoodda ay wasaaradda u leedahay
inay ka qeybqaadato horumarka haweenka ee Soomaaliya.
Dhamaad
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho

Madaxweyne Shariif oo dalka ku soo laabtay isagoo sheegay in uu Ra'iisal wasaare tayo leh soo magacaabayo

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo indhoweydba ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dalka ku soo gurya-noqday wuxuuna isla maanta shaaca ka qaaday in uu dalka u soo magacaabayo Ra'iisal wasaare tayo leh.

Madaxweynaha oo sidoo kale ka hadlayay kulamadii heer caalami ahaa ee uu kaga qeybagalay magaalooyinka New York iyo Madrid ayaa sheegay in kulamadaas waxyaabihii Soomaalida ka quseeyay ay guul ku dhamaadeen beesha caalamkuna taageero u muujisay dowladiisa.

Shariifka ayaa laga dhowrayaa in uu soo magacaabo ra'iisal wasaare beesha Caalamka  iyo Baarlamaankaba ka gadma ka dib markii uu ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya uu shaqada uga fariistay khilaaf isaga iyo madaxweynaha soo kala dhexgalay ka dib.

halgankanet@gmail.com

Madfac haboow ah oo ku habsaday gaari nooca rakaabka qaada ah iyo dhimasho iyo dhaawac ka dhashay

$
0
0
Gaari nooca rakaabka qaada ah oo marayay wadada Warshadaha ee maagaalada Muqdisho ayaa waxaa ku habsaday madfac aan la ogeyn ilaa iyo iminka meesha uu ka soo dhacay, waxaana isla goobta ku naf waayay laba ruux halka afar kalena ay dhaawacmeen. Dadkii ka agdhowaa goobta uu madafacani kula dhácay shacabkan masaakiinta ah ayaa sheegay in gaarigu ku socday dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha waxaana gaarigaas soo gaaray burbur lixaad leh. Madaafiicda noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan lagu tilmaameen in ay ka soo dhacaan dhanka ciidamada AMISOM waloow ay iyaguna eedaas dusha uga tuuraan Alshabaabka ka soo horjeeda. halgankanet@gmail.com

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya: " Ciidamada AMISOM dhowaan waa la soo kordhinayaa"

$
0
0

Wasiirka arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya Yuusuf Dheeg ayaa sheegay in dhowaan tirada ciidamada AMISOM la kordhin doono.

Mr Dheeg oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha Soomaaliya la socdaalay ayaa ku eedeeyay dowladaha midowga Afrika iyo IGAD ee ka baaqsaday in ay fuliyaan balantii ay galeen ee aheyd in ay ciidamo nabad ilaalineed keenayaan Soomaaliya.

Si kastaba arintu ahaatee Mr. Dheeg ayaa rajo ka muujiyay in ciidamada AMISOM la soo kordhiyo si buu yiri amaanka iyo kala dambeynta dalka intiisa kaleba ha joogtee magaalada Muqdisho ay dowladu u hanato.

halgankanet@gmail.com

AMISOM oo sheegtay in Alshabaab ay dagaalyahaniin ka laayeen gaadiid dagaalna ka gubeen

$
0
0

Afhayeenka ciidamada AMISOM Bahoku oo maanta warbaahinta qaar kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadoodu ka gubeen Alshabaab sadex ka mid ah gaadiidka dagaalka.

"Alshabaab waxaan maanta ka gubnay sadex babuurtooda dagaalka ka mid ah waxaana ka dilnay dagaalyahaniin fara badan" Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Bahoku.

Goobaha ay Alshabaab uga gubeen gaadiidka dagaalka ayuu ku sheegay Bahoku Cusbitaalkii hore ee xooga iyo Kulliyadii ciidamada ee Jaale Siyaad ka dib weerar Alshabaabku goobahaas ku soo qaadeen.

Alshabaab ayaan dhankood wax jawaab ah ka bixin sheegashada AMISOM sidaas si la mid ahna ma jiraan warar madaxbanaan oo baritaageeraya sheegashadooda.

Dhanka kale duqeyn culus oo shalay ka dhacday Suuqa Bakaaraha ee lagu eedeeyay AMISOM ayuu Afhayeenku dafiray isagoo ku dooday in Madaafiic ay dhinacyada ku sugan magaalada Muqdisho wada heystaan sidaas la ajligeed aan iyaga oo kaliya lagu eedeyn karin madaafiicda ku dhacda goobaha shacabku ku badan yahay.

halgankanet@gmail.com

Suuqa Bakaaraha, tarabuunka, Taleex iyo agagaarka Cusbitaalka Digfeer oo madaafiic lagu garaacay iyo dad carruur u badan oo ku dhamaaday

$
0
0

Madaafiic si arxandaro ah maanta loogu garaacay deegaanada Taleex, Tarabuunka, Cusbitaalkii hore ee Digfeer iyo Suuqa Bakaaraha ayaa galaaftay in la ogyahay nolosha 4 Qofood halka dhaawacna uu soo gaaray 10 kale oo dhamaantood shacab ah.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan carruur uu madfac kula dhacay Dugsi ay Qur'aanka Kariimka ah ku baranayeen.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay dagaalo ciidamada AMISOM iyo Alshabaab ku dhexmaray qeybo ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Hawlwadaag, dagaaladaas oo weli aan joogsan waxaana sida la soo sheegayo la maqlayaa dhawaaqa rasaasta.

halgankanet@gmail.com  

Alshabaab oo lagu eedeeyay in aysan Gacmaha iyo Lugaha ka Jarin qof kasta oo wax xada iyo muran ka taagan xukun ka dhacay Kismaayo

$
0
0

Xoogaga Alshabaab ayaa lagu eedeeyay in aysan xukunka gacan/lug goynta ah ee xatooyada u yaal ku fulin qof kasta oo wax xada balse cidii ay doonaan uun ay gacmaha iyo lugaha ka jaraan.

Shalay oo Alshabaabku ay isugu yireen Reer Kismaayo si ay u daawadaan fulinta Xukun xatooyo ah oo uu ku kacay nin sida la sheegay ka tirsanaa Alshabaabka Kismaayo ayaa dadkii goobta isugu yimid oo dhowrayay in gacanta ugu yaraan laga jaro ninkan waxaa ka fajiciyay markii Ninkii la karbaashay ka dibna la fasaxay.

Waxaa markaas ka dib bilowday guux iyo hoos u hadal ka dhashay xukunkan maanta dhacay iyo kuwii horay u dhici jira ee Alshabaabku ay fulin jireen waxaana durbaba soo baxday su'aal oraneysa; "Wax qiima ahaan aad uga yar Qor AK-47 ah ayeey dhalinayaro Soomaaliyeed gacmahoodi iyo lugahoodi ku waayeen ee waa sidee xukunka Alshabaabku?".

Su'aashaas waxaa isku dayay in uu ka jawaabo Xasan Yacquub oo ka mid ah mas'uuliyiinta ugu sareysa Alshabaabku Kismaayo Qoriga la xadayna iska lahaa isagoo ka hadlayay arintaasna waxaa uu yiri; " Ninkaas waxaa uu xaday Hanti Guud ma ahan anigu waxaan iska leeyahay.

Isku soo wada duuboo waxaa weli taagan su'aal ah Xukunka Alshabaabku ma mid Shareecada islaamka ku qotomaa mise waa mid iyaga u gaar ah oo dhankii ay doonaan ay u dhigan karaan?

halgankanet@gmail.com


Maxaad kala socotaa raga ugu cadcad ee u taagan qabashada xilka Ra'iisal wasaarenimada? Liiska magacyadooda hoos kaga bogo

$
0
0

Ka dib markii uu meesha ka baxay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka bilowday loolanka qabashada jagadaas uu baneeyay Sharma'arke.

Marka laga soo tago xamxamta hoose waxaa hadda fagaaraha fadhiya raga ay ka midka yihiin Cabdiwaaxid Goonjeex, Siciid Jaamac Qoorsheel, Maxamad Cabdirisaaq Abuukar oo ka tirsan Xafiiska UNPOS, Cabdikariin Xasan Jaamac iyo Prof. Muxudiin Cali Yuusuf.

Ragan haatan u hardamaya in mar uun ay u yeerto "mudane ra'iisal wasaare" ayaa dhegta u raaricinaya hadalka laga sugayo Madaxweynaha ee ku aadan ku dhawaaqida xilka Ra'iisal wasaaraha aaminaadi waa halkeede qofka uu ku tijiaabinayo.

halgankanet@gmail.com

Daawo: Ilma yar oo jirkiisu ku qoran yahay aayaddo quraan ah

Sh Cumar Faruuq la waydiiyay Su'aalo Jabhadda ONLF

Dagaal ka socda Muqdisho

$
0
0

Dagaal culus ayaa ka dhacay Muqdisho, oo hubka culus iyo rasaas kaleba la isku waydaarsanayo. wuxuu dagaalku ka dhacayaa qaybo ka mid ah degmada Hodan, agagaarka Isbitaalka xoogga iyo Tarebuunka.

Dagaalka
ayaa u dhaxeeya kooxaha mucaaradka Islaamiyiinta ah ee al-Shabaab
horkacayso iyo isbahaysiga ciidamada AMISOM ay horkacayaan ee ciidamada
dowladda ku meelgaarka ah.

Xalay saqdii dhexe, ayaa sidoo kale wararku
sheegayaan in ay duqayn xoog leh iyo dagaalaba ka dhacayeen agagaarka
Isbitaalka Xoogga ee Muqdisho.

Dagaaladan, ayaa daba jooga fariisimo ay
ciidamada AMISOM dhowaan ka samaysteen isbitaalka xoogga, iyadoo ay la
socdaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku meelgaarka ah.

 

Alshabaab oo Xaashi Faarax lug iyo Gacan is-dhaaf ah uga gooyay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan

$
0
0

Maamulka Alshabaab ee gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buuloburde ayaa shalay gelinkii dambe lug iyo gacan is-dhaaf meel fagaare ah uga jaray Xaashi Faarax ka dib markii sidaas ay maxkamadoodu ku xukuntay.

Qaadiga Maxkaamada Alshabaab ee degmada Buuloburde Shiikh Makaa'iil ayaa dadkii isugu soo baxay in ay daawadaan xukunkan u sheegay in  ninkani gaadiidka dadka qaada ku dhici jiray wadooyinka gala kana baxa degmada Buuloburde sidaas darteedna lagu xukumay in la naafeeyo ka dib markii uu shaqsiyan qirtay dembigaas.

Alshabaab ayaa horay sidaan oo kale dhalinyaro badan gacmaha iyo lugaha uga jaray waxaana la sheegayaa in deegaanada ay ka taliyaan falalka dhaca ah ay aad uga yaraaden cabsi gacmo iyo luga goynta laga qabo darteed waloow xukunadan waqtiyada la fulinayo su'aalo badan laga keenay.

halgankanet@gmail.com 

Madaxweynaha Nayjeeriya; "Soomaaliya waan u direynaa ciidankeena haddii aan hubno in ay dagaal fool ka fool ah gelayaan"

$
0
0

Goodluck Jonathan, Madaxweynaha dalka Nayjeeriya oo telefishinka CNN la hadlayay ayaa sheegay in dalkiisu ciidamo nabad ilaalineed u dirayo Soomaaliya haddii ay hubaan in ay la dagaalayaan oo ay fasax u heystaan in ay la dagaalaan xoogaga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

"Ma aadi karno Soomaaliya innagoo ah nabad ilaaliyeyaal, waa in aan aadnaa Soomaaliya innga oo dhalin karna nabad, QM waa in ay bedehsaa sharciga nabad ilaalinta Soomaaliya" Sidaas waxaa ku dooday madaxweynaha Nayjeeriya.

Madaxweynaha Nayjeeriya ayaa hadalkan jeedinaya xiliga laga dhowrayay dalkiisa in ay ciidamo u diraan Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com 

Dagaaal weli ka holcaya degamada Hodon iyo shacab farabadan oo wax ku noqday

$
0
0

Dagaaladii ka socday degmada Hodon ayaa sii adkaaday kadib markii alshabaab laga qabsaday qeybo kamid ah degmada Hodon oo ey horey u joogeen.  Weerar rogaal celis ah oo ey ku qaadeen Alshabaabku agagaarka Warshadda Caanaha ayaa weli socda iyadoo dhaawacyo iyo dhimasho farabadan ka dhacayaan magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay illaa iyo 30 qof oo dhaawac ah ayaa la geeyey isbitaalka Madiina iyadoo welina qaar kale la soo daad gureynayo.

Degmada hodon gaar ahaan deegaanada ku dhow Isbitaalki hore ee Xoogga oo ay ka socdaan dagaalo culus oo u dhexeeya al shabaab iyo Ciidamada dowlada KMG ah oo ay saacidayaan AMISOM ayaa waxaa ka socda Barakac xoogan.


Qoysas fara ku tiris ah oo ku noolaa deegaanada Warshada Caanaha iyo soona key ayaa bilaabay inay isaga cararaan guryohooda si ay kaga bad baadaan madaafiicda iyo dagaalada halkaas ka socda.




Sidoo kale saaka waxaa laga barakacayaa Xaafadaha Albaraka iyo Bangaariyo oo ka tirsan degmada hodon ka dib saameynta dagaalka ka soo cusboonaaday qeybo badan oo ka mid ah Degmada hodon ee magaalada Muqdisho.


Si kastaba ha’ahaatee barakacaan cusub ee ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah oo ku haray xaafadaha maanta laga barakacyo kuwaas oo la arkayay iyagoo alaabaha laga maar maanka u ah nolosha gacmaha kuwata.



Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q.6

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q.7

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q.8

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyey Feerfeer

$
0
0

Wararka
laga helayo deegaanka Feer feer oo ku yaala dhulka ismaamulka
Soomaalida ee Itoobiya ayaa ku waramaya in ciidamo Etoobiyaan ah sacadii
la soo dhaafay soo buux dhaafiyeen deegaankaasi.


Dadka
ayaa sheegay in ciidamadaani ay yihiin kuwa ka duwan kuwii horey
magaalada Beledweyn marar badan ku soo dhowaaday, waxaana lagu waramayaa
in ciidamadaani ay aad u badan yihiin islamarkaana hub culus ay wataan.

Qaar
ka mid ah dadka ayaa sheegaya in ciidamadaani Itoobiyaanka ah ee la soo
dhoobay xadka gobalka Hiiraan uu la wadaago dalka Etoobiya ay u
muuqdaan kuwa doonaya in gudaha u soo galaan gobalkaasi Hiiraan.


ma ahan markii ugu horaysay oo ciidamo Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo gaaran nawaaxiga gobalka Hiiraan

Xasan Kulmiye Calasoow, gudoomiye ku xigeenka degmada Boondheere oo maanta uu toogtay askeri ka tiran Dowladda

$
0
0

rel="lightbox" src="http://ts3.mm.bing.net/images/thumbnail.aspx?q=270762447698&id=b0d32cf2ad04b301426455dc72d2ab70&url=http%3a%2f%2fdunidaonline.com%2fgfx%2fnews_bilder%2fa_2299.jpg" align="left" height="160" width="160" />Gudoomiye ku xigeenka degmada Boondheere, Xasan Kulmiye Calasoow ayaa sida ay baahisay idaacada madaxabanaan ee Shabelle waxaa maanta toogtay mid ka mid ah ciidamada Dowladda.

Cali Hilowle Cumar oo ka mid ah gudoomiye ku xigeenada maamulka degmada Boondheere ayaa xaqiijiyay in maanta duhurikii uu askeri ka tirsan ciidanka dolwadu dil toogasha ah u geystay Allaha u naxariistee gudoomiye ku xigeenkii labaad ee degmada Boondheere Xasan Kulmiye Calasoow.

Dilka Mr. Calasoow ayaan wax faahfaahin ah laga bixin sababta keentay balse waxay maamulka degmadu ku gaabsadeen hadalkooda in baaritaan la sameynayo ka dib dhinaca sharciga lagu kala bixi doono.

Ciidanka dowladda ayaa inta badan ku kaca falal noocaan oo kale ah waxaana sababta ku kalifeysa lagu sheegaa anshax ciidamadeedka iyo amar kala qaadashada ciidamada oo aan u qorneyn  ama haddii si kale loo dhigo jaantaa rogan oo kale u shaqeeya.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live