Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Jeneraal Caanood: Gacanta ayaan ku soo dhignay Ciidamadii ka dambeeyay dagaalkii Balcad

$
0
0

Muqdishu (sh.M.Network) Taliyaha Gaaska Koowaad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gacanta Lagu dhigay Askar ka dambeysay isku dhacyo degmada Balcad Ku dhexmaray Ciidamo Kawada Tirsan dowladda Soomaaliya isagoona Carabka ku dhuftay in Askartaasi Maxkamad La saarayo Sharcigana Lagu qaadayo.
Jeneraalka ayaa Xusay in Isku dhaca uu Dhexmaray Ciidamada Ammaanka Degmada Balcad iyo Ciidamo Mila tari ah oo ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya isku dhacaasi oo Geystay Khasaaro Isugu Jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa soo hadal qaaday in Guddi Loo saaray isku dhaca dhexmaray Ciidamo Ka wada Tirsan dowladda kuwaasi oo baaritaanno ku sameynaya sababihii keenay Isku dhaca dhexmaray Ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya.
Maalin ka hor waxaa degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ku dagaalamay Ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya dagaalkaasi oo sababay Khasaaro isugu Jirta dhimasho iyo dhawaac.


Faroole : Dastuuri ayey ahayd in Puntland ay Goob Joog u ahaato Wada hadalladii dowladda iyo Maamulka Soomaaliland

$
0
0

Garoowe (sh.M.Network) Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Max’ud Faroole Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Munaasabad Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb Galay oo ka dhacday Madaxtooyada Cusub ee Puntland ee Magaalada Garoowe waxa uu ku baaqay in La Maxkamadeeyo qab qablayaal dagaal oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo dumiyay qaar ka mid ah Dowladihii kala duwanaa ee soo maray dalka sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in Loo baahanyahay in Cadaaladda La horgeeyo Dagaal Oogayaal sida uu shegay qaarkood ay ku dambeeyaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana wax ka dumiyay dowladdii kacaanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Wada hadalkii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ee ka dhacay dalka Turkiga isagoo tilmaamay in dastuuri ay ahayd in Puntland ay Goob Joog u ahaato Wada hadalladaasi.
Faroole ayaa qudbadiisa dhinaca kale kaga hadlay Nidaamka Federaaliisimka iyo sida uu u arko Maamul Goboleedyada Laga sameynayo waddanka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneyso qeyb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo iyagoo Mideysan Maamul dhisanaya.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole waxa uu sheegay in Puntland Kaligeed ay Noolaan Karto dadka kalana ay La noolaan karto sida uu hadalka u dhigay Maadaama uu sheegay in Puntland Marin Muhim ah ay ku taallo waxaana uu intaasi sii raaciyay in Loo baahanyahay in dowladda Federaalka Somaaliya ay dhameystirto dastuurka qabyada ah Kheyraadka dalkana si siman loo qeyb sado islamarkaana Loo Baahanyahay in Maamulka Puntland Laga gacansiiyo La dagaalanka Burcad badeeda iyo Argigixisada sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Ajandaha Shirka London

$
0
0

Garoowe (Sh.M.Network) Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlayay Munaasabad si Heer saraa Loo soo agaasimay oo Xalay ka dhacday Xarunta Cusub ee Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe ayaa faah faahin ka bixiyay shirka la filayo 7 May in uu Ka furmo Magaalada London ee waddanka Ingiriiska.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad dheer oo dhincyo badan taabaneyso Ka Jeediyay Munaasabaddaasi oo Boqolaal Kala duwan Oo dadweyna ah ay ku sugnaayeen ayaa soo hadal qaaday shirka La filayo May 7 deeda in uu Ka furmo Magaalada London ee dalka Ingiriiska isagoo sharraxaad Kooban ka siiyay Marti sharaftii ku sugneed Munaasabaddaasi ka dheceysay Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday dadaallo Horumarineed oo arrimaha Gudaha iyo arriumaha dibadda intabada dowladda Soomaaliya ay ka sameysay.
Xasan Sheekh Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya waxa uu Kaluu ka hadlay Xayiraadda Hubka ee Dhawaan sida KMG ah ay uga qaadeen dalka.
“ Haddii Xayiraadda Hubka Nalaga qaaday ee aan hub keensaneyno Maaha waxaan u doonaneyno qabiil Soomaaliyeed,Maaha Gobol Gaar ah ee waxa aan isaga dhicineynaa Cadowga Soomaaliyeed ee aad aragteen Naxariis darradiisa” Sidaasi waxaa Yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha soomaaliya ayaa waxa uu soo hadal qaaday Cilaaqaadka dowladda Soomaaliya kala dhexeeya Puntland ee ku aadan La dagaalanka Argigixisada iyo Weliba Ladagaalanka Burcad badeeda isagoo sidoo kale ka hadlay arrinta Federaaliisimka oo si qota dheer ay uga hadleen Madaxda Puntland isagoo shaaca ka qaaday in dhammaan arrimahaasi ay iskaashi buuxa ka leeyihiin Maamul Goboleedka Puntland.

Guddoonka Sare ee Baarlamaanka oo ku eedeeyay Koox diimeedyada ka jira dalka in ay Ku tunteen X/Insaanka

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Koox Diimeedyada Ka Jira dalka ay ku Tunteen Xuquuqul Insaanka.
Isagoo Ka Hadlayay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Dr Jeylaani Nuur Iikar Shir wada tashi ah oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Loogana hadlayay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ayaa waxa uu sheegay in 20 kii sano ee dalka ay Ka Jirtay dowlad La’aanta si weyn Loogu Tuntay Xuquuqda Bulshada Soomaaliyeed , Tacadiyo Fara bandanna ay dalka ka dheceen.
Dr Jeylaani Nuur Iikar ayaa Hoosta Ka Xariiqay in dalka ay Ka dillaaceen Koox diimeedyo dadka ugu soo Gambada Shareecada Islaamka kuwaasi oo uu sheegay in Xad Gudubyo Beni aadminimo Ka bax ah ay ugu Geestaan dadka shacabka sida Gowrac Xaq darra ah oo dadka Masaakiinta ah Nafsaddooda Lagu dhaafsiiyo taasi oo uu sheegay in Gebi ahaanba ay Ka Hor imaaneyso Shareecada Islaamka iyo Gebi ahaanba Xeerarka Caalamiga ah ee U dagsan Xuquuqda Aadanaha.
Sikastaba Tan iyo Bur burkii dowladdii Dhexe ee Soomaaliy ayaa dalka waxaa ku sii Kordhayay dhibaatooyinka ka dhanka ah Xuquuqul Insaanka  ee ka dhaca qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Mudane Ka digay dhibaato ka dhalata Fatahaadda Wabiga Shabelle

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshir oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Lana hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Fatahaado uu Wabiga Shabelle ka sameeyay Deegaanno iyo Degmooyin Ka tirsan Labada Gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dad Badan Guryahooda ay Ka Bara Keceen Kadib Markii ay Biyo qaadeen Guryihii ay Degenaayeen waxaana uu sheegay in dowladda Looga baahanyahay in dadkeeda ay difaacdo.
Mudanaha ayaa sidoo Kale Tilmaamay in dadka La dajiyo Xeryo islamarkaana Lagu quudiyo Laguna Gaarsiiyo Dawooyin iyo Weliba Raashin wuxuuna tilmaamay in haddii ay sii Baahaan Fatahaado Laga yaabo in Cudur uu dillaaco Cudurkaasina uu saameyn weyn Ku Reebi Karo dadka iyo duunyada ku dhaqan Gobolladaasi.
Xildhibaanka ayaa Ugu dambeyn ugu Baaqay dowladda Soomaaliya in Gurmad Deg deg ah loo sameeyo dadkaasi haddii Kale ay dhibaatooyin kala kulmi karaan Fatahaadahaasi.

Ban appoints British diplomat as new UN envoy for Somalia

$
0
0

 Secretary-General Ban Ki-moon has appointed Nicholas Kay, a diplomat from the United Kingdom, as his new Special Representative for Somalia, it was announced today.
Mr. Kay succeeds Augustine Mahiga of Tanzania, who has served as Special Representative and head of the UN Political Office for Somalia (UNPOS) for the last three years and will complete his assignment on 3 June 2013.
In the announcement of the new appointment, the Secretary-General paid tribute to Mr. Mahiga’s “exemplary leadership” in helping to steer the conclusion of Somalia’s eight-year political transition in the summer of 2012.
“The Secretary-General recalls with deep appreciation the fact that Mr. Mahiga’s contributions had laid the foundation on which the Federal Government of Somalia, with the help of the international community, can now further engage on peacebuilding and the consolidation of security and development initiatives in the country.”
Mr. Kay is currently the Africa Director at the UK Foreign and Commonwealth Office. Prior to this, he served as Ambassador to the Democratic Republic of the Congo (DRC) and Sudan from 2007 to 2010 and 2010 to 2012, respectively.
He was also the UK’s Regional Coordinator for Southern Afghanistan and Head of the Provincial Reconstruction Team for Helmand Province from 2006 to 2007. His career also includes diplomatic stints in Spain and Cuba, as well as 14 years of work as an English teacher in a number of countries.
As the Secretary-General’s Special Representative in Somalia, Mr. Kay will be responsible for leading UN efforts to assist the country’s leaders and citizens to build peace, political stability and a hopeful future after decades of conflict.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dhisidda Maamul Goboleedyada Bulshada Lagala tashanayo

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhisida Maamullada dalka Lagala Tashan doono Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Max’ud oo Booqasho Hal Maalin ah ku tagay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ku saabsan dowlad Wanaaga iyo Sidii Dowladda Soomaaliya ay Ku tiigsan Lahayd Yoolkeeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Hoosta ka Xariiqay in dhisidda Maamul Goboleedyada dalka in ay tahay Waajib dastuuri ah Balse waxa uu Ku Nuux nuuxsaday in dhisidda Maamul Goboleedyada Lagala tashan doono Maamullada haatan jira qaarkood , qeybaha Kala duwan ee Bulshada Ku nool Bobollada  Maamullada loo sameynayo isagoona Carabka ku dhuftay in dhisidda Maamul Goboleedyada dastuurka dalka La waafajin doono.
Prof: Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in dowladdiisa ay tahay Mid Ka shaqeyneysa dib U heshiisiinta iyo Isu Keenida Shacabka Soomaaliyeed ee Kala Irdoobay intii dalka uu bur bursanaa.

Ban oo diblumaasi British ah u Magacaabay Ergayaga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

$
0
0

New-York (Sh.M.Network) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Xilkii uu Haayay ka qaaday Ambasador Augustine Mahiga islamarkaana Soo Magacaabay Ergay Cusub oo Soomaaliya Wakiil uga Noqon doona Qaramada Midoobay.
Nicholas Kay oo ah Diblumaasi u dhashay Waddanka Ingiriiska si dhowna ula Socda arrimaha Soomaaliya ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mon waxa uu Ku dhawaaqay in uu Noqon doono Ninka bedeli doona Danjire Mahiga oo u dhashay Waddanka Tanzania Kaasi oo Muddo Seddex sano ah Hoggaaminayay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaana Shaqadiisa ay ku egtahay 3 Bisha June ee soo socota.
Mr Ban Ki Mon ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray waxa uu si weyn ugu Amaanay Howshii wacneed oo uu sheegay Mahiga in uu ka soo qabtay Soomaaliya intuu Xafiiskaasi Maamulayay Gaar ahaan Doorkii uu ka qaatay soo idleynta Xilligii KMG ahaa ee Mudada 8 sano ah uu dalku ku soo jiray.
Ergaygaan Cusub ee Loo Magacaabay Xafiiska Siyaasadda Soomaaliya ee Nicholas Kay La yiraahdo ayaa hadda Agaasimaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xafiiska Barwaaqa sooranka Afrika dowladda Ingiriiska waxaana Ninkaan uu Ambasador uu ka  soo Noqday Wamada Congo , Afganistan iyo Spain oo intaba Wakiil uga Noqday dowladda Ingiriiska.


President Hassan Sheikh to consult members of the public

$
0
0

Mogadishu (sh.M.Network) the president of the federal republic of Somalia has announced that he will consult the head of Punt Land state on the formation of new Administrations in the country.
The president who made a recent visit to the capital of Punt Land state addressed good governance will be the pillar the government will rely on.
The president underlined the importance of coming up with new administrations in some regions and added that it was compulsory constitutionally to form administrations for regions that did not have one. He also added that he will consult some of the existing administrations before he names the administration of any region. Other bodies to be consulted will include the people living in the regions who will make the final say on the new administrations.
Prof. Hassan Sheikh finally said that his government will play part in the reconciliation process of the Somali communities who were affected by the civil war for the past 21 years.

Xukuumadda Soomaaliya oo Ka walaacsan Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku Nool dalka Yaman

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)  Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Shukuur Cali Mire oo Saxaafadda La hadlay kadib kulan Saacado badan qaatay oo Golaha Wasiirada shalay ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay Ka walaacsantahay Xaaladda Nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku Nool dalka Yaman.
Cabdi Shakuur Cali Mire Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xusay in Guddi Ka Socda Xukuumadda Soomaaliya oo tagay dalka Yaman ay soo Kormeeereen Xeryaha ay ku Jiraan qaxootiga Soomaaliyeed Kuwaasi oo sheegay in daruufo Kala duwan ay dalka Yaman ku heysato qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool  dalkaasi.
Dalka Yaman ayaa Ka mid ah Waddamo Marti Geliyay Kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah Kuwaasi oo Ka Cararay colaadaha Muddo 20 sano Kabadan Ka holcayay Gudaha Soomaaliya

Faah Faahinno Ka soo baxaya dagaallo Xalay Ka dhacay Magaalada Kismaayo

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo Baxayo dagaallo Sababay Khasaaro oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada  Hoose.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxa ay ku warramayaan in xalay dagaallo ay Ka dheceen Garoonka Magaalada Kismaayo Nawaaxigiisa halkaasi oo ay ku dagaalameen Kooxo Ka tirsan Ururka AL Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo Garab Ka helaya Ciidamada Kenya.
Dagaaladii Xalay dhacay Waxey Biloowdeen Kadib Markii ay Kooxo Ka tirsan Ururka Al Shabaab Weerareen Fariisimo Ciidamada dowladda ay Ku Leeyihiin agagaaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Dagaalkaan ayaa waxa uu Ku Bilowday Kadib Markii Madaafiic Lagu Garaacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo isagoo Markii dambana isku gediyay Mid Ka fool ka fool ah.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu Geystay Khasaaro isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaartay Dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi balse Lama Xaqiijin Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka Xilliga oo Habeen ahayd aawgeed.
Goobihii Lagu dagaalamay ayaa Lagu soo warramayaa in Saaka ay Ka socdaan Howl Gallo Xoogan iyadoo Xaaladana La tilmaamayo in ay Degentahay Waxaana Kooxihii xalay Weerarka ku qaaday Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya la soo sheegayaa in isla Xalayba halkaasi ay isaga bexeen.

Taliska Ciidamada Bay iyo Bakool oo Ka Hadlay Qorshahooda Ku wajahan Al Shabaab

$
0
0

Beydhabo (Sh.M.Network) Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobollada Bay iyo Bakool Korneel Xasan Beydhabo oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Ka hadlay qorshaha Ciidamada dowladda ee Gobolladaasi Ku sugan.
Taliyaha ayaa tilmaamay in qorshohooda ugu Weyn uu Yahay sidii Al Shabaab ay Kaga Cirib Tiri Lahaayeen Gobollada Bay iyo Bakool Meelkasta oo ay Kaga sugan yihiin isagoo Xusay in haatan Ururka Al Shabaab aysan Lahayn awood ay kaga Hortagaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayna Billaabeen in Tuulooyinka ay isku Uruursadaan iyagoo Koox  Koox U soconaya si ugu Yaraan Ciidamada dowladda ay ugu Geestaan Weerar dhabba Gal ah.
Xasan Beydhabo Taliyaha Ciidamada dowladda ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa dhanka Kale Kahadlay sida ay Ku howl Galayaan Ciidamada Ka socda Midowga Afrika ee halkaasi Gaaray wuxuuna Carabka ku dhuftay in weli Ciidamadaasi aysan Howl Gal Billaabin oo ay  weli Ku jiraan in ay Degaan Xarumihii Fariisimo Milatari u Noqon Lahaa.
Sikastaba ha ahaatee Gobollada Bay iyo Bakool waxaa Ku dagaalamaya Ciidamada Dowladda oo ay taageerayaan Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Ethiopia iyo Ururka AL Shabaab

Somalia Government fears for its refugees in Yemen

$
0
0

Mogadishu (sh.M.Network) federal government’s assistant minister for information Abdi Shakur Ali Mire who addressed the media after attending a closed indoor meeting between members of the cabinet informed shabelle media that the government fears for the current situation of Somali refugees in Yemen.
Abdi Shakur Ali Mire who is the assistant minister for information stated that a committee from the Somali government visited the camps in Yemen and came back with reports that the refugees lived in poor conditions compared to other camps in the East Africa.
Yemen is among the many countries hosting thousands of Somali refugees who fled the civil war in the past 21 years.

 

Dowladda Turkiga oo dib U dhis Ku sameyneysa Xarunta Golaha Shacabka

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Kadib Kulan dalka Turkiga ay Ku yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga dowladda Turkiga waxa ay ballan qaaday in ay dib u dhis Ku sameyneyso Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Max’ed Cumar Max’ud oo Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isagoo u Warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in La isku Afgartay In dowladda Turkiga ay dib U dayactir Ku sameyso Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho Muddo Halsano ah.
Sidoo Kale Xildhibaan Max’ed Cumar Max’ud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Mudada halka sano ah oo dhismuha uu Ku soconayo Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho Baarlamaanka ay ku shiri doonaan Xarun Kaloo KMG ah.
Dowladda Turkiga ayaa Mashaariic Kala duwan ka Fulineysa dalka Soomaaliya iyadoona ay Xusid Mudantahay in ay Horay u Ballan qaaday in ay dib u dhis Ku sameyneyso Xarunta ay Ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Reports of Kismayu fighting

$
0
0

Mogadishu (sh.M.Network) news from Kismayu, the capital of the lower Juba have informed shabelle media that a heavy engagement between Alshabab media and the Kenyan troops allied with Somali federal government troops broke up near the Kismayu airport.
The fighting broke up when members of Alshabab launched an assault at the bases of government troops near the airport.
 The alshabab militia launch propelled grenade attacks at the bases and the government soldiers were caught unaware. They in turn retaliated back and moments later they got back up from the Kenyan troops who had a base nearby.
The fighting which a confrontation one was lasted for hours and reports suggest that there were heavy casualties of death and injuries but the exact number is still not known.
Recent reports indicate that a thorough operation is underway targeting the culprits who were behind the incident. There is no fighting for now as the city has returned to calm.


Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo ku dhintay goobtii lagu tooganayey 13-kii dhalinyaro ee ay Puntland ku eedaysay…

$
0
0

Ciidamada maamulka Puntland ayaa shalay duleedka magaalada Boosaaso ku toogtay 13-qof o ay ku jirtay haweenay, kuwaas oo ay Putland sheegtay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab qaarkoodna lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii dhamamadkii sanadkii 2011-kii loogu geystay Boosaaso Dr. Axmed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa culumada Puntland.
Dhallinyarada la toogtay ayaa qaarkood waxay maxkamadda ciidamadu ku riday xukuno dil ah, iyadoo kuwa kalena la sheegay inaan wax xukuno ah lagu ridin, waxanaa goobta ay toogasho ka dhacday ku sugnaa saraakiil ka tisran kuwa ciidamada Puntland, warbaahinta ayaa loo diiday inay goobta tagaan, waxaana ammaanka goobta sugayey ciidamo ka tirsan kuwa milateriga iyo kuwa badda Puntland, iyadoo toogashadu ay ku dhacday si saf-mar ah, waxaana sidoo kale maxaabiistaasi markii la tooganayey ku dhintay askari ka tirsanaa ciidanka Puntland ee toogashada wax ka fulinayey.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Puntland C/kariin Xasan Firdhiye oo ka hadlay dilka ayaa dhinaca kale sheegay in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ku dhintay goobta ay toogashadu ka dhacday, ka dib markii ay ku dhacday rasaas ka mid ah kuwii lagu dilayey 13-ka qof ee la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen, sidoo kale wasiirka amaanka Puntland ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland uu goobtii lagu tooganayey dhalinyada la dilay ku geeriyooday ka dib markii sida uu wasiirku sheegay ay xabad ka mid kuwii lagu ridayey dhalinyada la dilayey ay ku dhacday, isagoo xusay in sarkaalkaasi uu dhaawacmay,kadibna isbitaalka loola cararay balse uu dhex ku geeriyooday.
 
Dhinaca kale dad qariyey magacyadooda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka la dilay habeen hore lagala baxay xabsiga magaalada Boosaaso shalayna si saf-balaaran ah loogu toogtay duleedka magaalada Boosaaso, waxaana uu dilkan noqonayaa kii ugu ugu horeeyay noociisa oo laga fuliyo Puntland.
Ma jiraan sawiro laga qaaday dadka la dilay, marka laga reebo sawiro laga qaaday dadka lagu helay inay dileen Dr. Sheekh Axmed C/raxmaan xilligii ay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ay xukunka ku riday 27-kii Feberaayo sanadkan, lamana oga inay dadkii ay wada xukuntay maxkamaddu la toogtay iyo in kale.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in dadka shalay la toogtay ay u badan yihiin dad ka soo jeeda deegaanada Puntland, isagoo xusay in 8 ka mid ah dadka la dilay ay ka soo jeedaan deegaanada Puntland, halka inta kalena ay ka soo jeedaan gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi la geliyey xalay heegan buuxa,waxaana sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in heeganka la geliyey ciidamada Puntland ay u jeedadiisu tahay in laga hortago falal amaanka ka dhan ah oo sida uu yiri ay Al-shabaab ka geysan karto deeganada Puntland, isagoo xusay in la soo saaray amar ka soo baxay maamulka Puntland kaas oo sida uu sheegay amar ku bixinaya in la toogto qofkasta oo sida uu sheegay ay maxmadaha Puntland dil ku xukumaan noocii uu doono ha ahaadeene.

Xildhibaanada Kenya oo dowladda dalkooda ka codsaday inay furto xadka ay la wadaagaan Soomaaliya

$
0
0

Qaar ka mid Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Soomaalida ee  Waqooyi bari dalka Kenya ayaa ugu baaqay dowladda cusub ee dalka Kenya inay furto xuduudda u dhexaysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya si uu dib ugu soo noqdo ganacsigii u dhaxeeyay labada dhinac, isla markaasna dadka reer Kenya ay uga faa’idaan ganacsiga uga yimaada Soomaaliya.
Xildhibaanka cusub ee degmada Dhadhaab Maxmed Ducaale ayaa Wargeyska The Star cadadkiisa shalay u sheegay inuu ku dedaalayo sidii loo furi lahaa xuduuda u dhaxeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya si loo helo buu yiri isku socod rasmi ah, isla markaasina ay uga gudbaan qaxootiga doonaya inay dalka Soomaaliya dib ugu laabtaan.
“Xuduuda waxaa la xiray ka dib markii Al-qaacida iyo Al-shabaab isku dayeen inay qasaan dalka Kenya, balse hadda waxaan ognahay in khatartaas yaraaneyso, sidaas darteed dowladda Kenya waxaan ka codsanyaa inay dedejiso furtaanka xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto, isla markaasna dowladda Soomaaliya ay ka gacansiiso sugidda amniga gudaha dalkeeda” ayuu hadalkiisa ku yiri Xildhibaanka Ducaale.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xiritaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya sidoo kale ganacsiga uu saameyn weyn ku yeeshay, iyadoo haatan la waayey dalka Kenya Sonkor iyo qalab dhisme oo si raqiis ah uga imaan jiray dhinaca Soomaaliya, kuwaas oo la geyn jiray guud ahaan gobolka W/bari ee dalka Kenya.
Hadalka Xildhibaan Maxamed Ducaale ayaa ku soo beegmaya ka dib markii dhawaan howlgalo ciidan oo xoog badan laga fuliyey degmada Gaarisa oo marar kala duwan lagu beegsaday ciidamada iyo dadka shacabka Kenyanka, iyadoo howlagaladii ugu dambeeyey lagu qabtay dad farbadan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

AL Shabaab iyo Puntland oo Hanjabaadyo Kulul Hawada Isu Mariyay

$
0
0

Boosaaso (Sh.M.Network) Kadib Markii Shalay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Lagu Toogtay illaa 13 qof oo La Tuhunsanyahay in ay Ka tirsanaayeen Dagaalyahannada AL Shabaab ee Falalka Amni darri ka Geysta Deegaanada Puntland ayaa Al Shabaab war ay soo saareen waxa ay Ku sheegeen in Weeraro Argigixiso ay Ka fulin doonaan deegaanada Maamulka Puntland.
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage ( Cali Dheere ) oo Shir Saxaafadeeda Warbaahinta u qabtay ayaa Beeniyay in dadka La dilay ay ka tirsanaayeen Ururka AL Shabaab sida uu hadalka u dhigay waxaana uu Carabka ku adkeeyay in AL Shabaab ay Kaalin Muuqata ka qaadan doonaan sidii Loogu aar Gudi Lahaa dadkaasi ay Laayeen Ciidamada Ammaanka Puntland isagoo Hoosta ka Xariiqay in Maal maha soo socda AL Shabaab ay Ka fulin doonaan Deegaanada Maamulka Puntland Howl Gal Loogu aar gudayo dad uu sheegay in ay Xasuuqeen Ciidamada Puntland.
Afhayeenka Al Shabaab ayaa waxa uu sheegay In ay Beegsan doonaan Kuwii dadka Xukunka Ku fuliyay , Kuwii Ku Marqaati Furay iyo Kuwii soo Basaasay sida uu hadalka u yiri kuwaasi oo uu sheegay in Maal maha Soo aadan ay Ku dhibaateyn doonaan Deegaanada Maamulka Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Max’ud Ceydiid Dirir oo isna Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Puntland ay Gacan bir ah ku qaban doonto Ammaanka Deegaanada iyo Degmooyinka ay Maamusho waxaana uu tilmaamay in Laga hortagayo Kooxaha Ku howlan Falalka Amni darri ee Ka jira deegaanada Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland waxaa Sidoo kale uu sheegay in ay Toogan doonaan Cid kasta oo Ku Howlan qal qal Gelinta Amniga ee ka tirsan Argigixisada AL Shabaab.
Max’ud Ceydiid Dirir ayaa Sidoo Kale Shabelle u sheegay in Ciddii Ka tirsan Al Shabaab ee Hubka dhigto isuna Soo dhiibta Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland La Cafin doono.
Shalay ayaa Magaalada Boosaaso waxaa Lagu Toogtay 13 qof oo Midi Haweeneey tahay kuwaasi Oo Saraakiisha Ammaanka Puntland ay ku sheegeen in  ay qeyb ka ahaayeen Kooxaha Falalka Amni darri ka wada deegaanada Puntland.

Somaliland oo sheegtay in Cali Khaliif Galeryd iyo Axmed Ismaciil Samatar ay Hargeysa ku soo dhaweynayso

$
0
0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee mucaaradka maamulka somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegay inuu taageersanyahay inaan Somaliland ka qeybgelin shirka Soomaalida loogu qabanayo dalka Ingiriiska, waxaanu uu Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu u sheegay in haddii maanta la isu keenayo Soomaaliya in cidda keliya ee isu keeni kartaa ay tahay Somaliland.
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay sida uu u arko in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan iska casilay xilkii xildhaannimo uu booqasho ku tago magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yiri “Waa muwaadin reer Somaliland ah, waxa uu soo taabtay waxa aan Xamar kaga maqanahay, waanan soo dhawynayaa, sidaas  si la mid ah ayaan ka yeelaynaa Cali Khaliif Galeyr oo waa aan soo dhaweynaa haddii uu yimaado, balse dhibta heysata Cali ayaa waxay tahay isagoo ay wax kale ugu lamaanyihiin, haddii uu Prof. Samatar Hargaysa ka soo dego oo ay xukuumaddu ka gaabiso, annaga ayaa caleemo qoyan ku soo dhawynayna”.
Mar uu ka hadlayey sida uu u arko iscasilaadii uu xubinimadii Baarlamaanka iska casilay Prof. Samatar ayaa waxa uu sheegay in Mr. Samatar markii hore uu sirnaa, balse markii dambe uu arkay xaqiiqada Xamar taala iyo dadka madax halkaasi ka noqon kara inay yihiin dad ka soo jeeda koonfurta oo keliya iyo dad ay wataan dadka reer Koonfureedka oo aan marnaba dadka reer Somaliland loo ogoleyn inay xilal culus ka qabtaan sida uu Samatarba hora u sheegay in Madaxweyne iyo Ra’isul wasaare ay Soomaaliya ka noqdaan oo kaliya Hawiye iyo Daarood iyo ciddii ay iyaga wataan ee u nacamleysa.
Dhanka kale Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in haddii ay Soomaali isu imaaneyso ay yihiin kuwa isku keenikara siyaasiyiinta reer Somaliland sida uu yiri, balse uusan isu keeni karin Madaxweynaha Soomaaliya “Haday maanta Soomaaliya isu imanayso annagaa keeni karna, Xasanoow Madaxweynaha Soomaaliya waxba adigu ma keeni kartid, cid kale oo dowladaada ka tirsanna ma keeni-karo oo aan Somaliland ka aheyn” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.

Al-shabaab maxay ka tiri maxaabiistii ay Puntland Boosaaso ku toogteen

$
0
0

Xarakada Al-shabaab ayaa si kulul uga hadashay 13-kii dhalinyaro oo ay shalay xukunka dilka ah lagula fuliyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ka dib markii Maxkamadda Boosaaso dadkaasi ku xukuntay in la dilo markii lagu helay dembiyo kala duwan oo u badnaa dilal iyo qarxayo ee ka fuliyeen deegaano ka mid ah Puntland.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage {Cali Dheere} ayaa uga horeyn ka tacsiyeeyay dadkii shalay la toogtay eheladii iyo qarabadii ay ka tageen isagoo ugu baaqay ehelada dadkaasi inaye samraan, isla markaasna Xarakadu ay dhawaan u aargudi-doonto, waxa uuna Ilaah uga baryey in badal qeyrqaba uu siiyo dadkaasi uu xusay in gardaro loo laayey.
Sheekh Cali Dheere oo xalay shir jaraa’id u qabtay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in xasuuqii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso lana laayey dad aan wax dembi ah gelin kuwaas oo uu xusay in qaarkood ka soo jeedaan Boosaaso, halka kuwa kalena laga soo qabtay goobo kale, ayna ahaayeen dad qaarkood arday ahaayeen qaar kalena ay ku jireen howlo ganacsi oo aysan wax lug ah ku laheyn dembiyada lagu soo eedeeyay sida uu hadalka u yiri afhayeenku.
Afhayeenka Al-shabaab ayaa toogashadii shalay lagu fuliyay 12-nin iyo haweenay ku sheegay mid la mid ah xasuuq uu sheegay in horey Xamar uu uga dhacay lana laayey dhalinyaro xabsiyada dowladda ku xirnaa oo uu sheegay in eheladooda lacago la weediistay markii laga waayey dadkaasi la laayey, tii shalay ka dhacay Boosaaso ka dhacdayna taasi mid la mid ah ku tilmaamay afhayeenka Xarakada Al-shabaab.
Sheekh Cali dheere waxaa kale oo uu sheegay in dhacdadii shalay dhacday oo kale haddii laga aamuso ay ka dhacayaan magaalooyin kale, sida Baydhabo iyo Kismaayo, isagoo xusay haddii shacabka reer Boosaaso dilka dhacay oo kale ee fiirsadaan aysanna ka hadlin iyagana in sidaas oo kale loo geli doono lana fiirsan doono, wuxuuna intaasi ku daray inay aad uga murgoonayaan dadka la laayey, caruurta la agoontoomeeyayna kuwana rajo laga dhigay ay diyaar u yihiin in dadka u aaraan, ayna ka aargudi doonaan cid kasta oo gacan ka geysatay in dadkaasi la dilo.
“Cid kasta oo qeyb ka qaadatay dadkii shalah la toogtay, kuwa jaajuusay, kuwa amray kuwii marqaatiga ka noqday iyo cid kasta oo arrintaasi lug ku laheyd waan ka aar gudandoonaa, kamana hari doono dadkii shalay sida gardarada ah lagu laayey dhiigooda ma ilaawi doono habeen iyo maalin waan ku jiifan doonaa sidii aan ugu aargudi laheyn dadkaasi, eheladoodana waan tusi-doonaa inay u aargudeen wiilashooda iyo gabadhooda” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live