Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Saraakiil ka socota dowladda Soomaaliya oo Kismaayo gaaray iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya socdaalkiisa

0
0

Waxaa shalay gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Coll Cabaas Cali Gurey oo kamid ah Saraakiisha dowladda federaalka ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ka howlgala, Col. Cabaas ayaa waxaa ku wehelinaya Safarkiisa Abaanduulaha Ciidamadda Xogga dalka ee gobolka Gedo Nuur Xasan iyo ku xigeenka Col. Isaaq Kuusow Yarow, waxaana waftigani ay kasoo kicitimeen magaalada Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamadda dowladda.
Cabaas oo la hadlay Waajidpress markii uu gaaray degmada Kismaayo ayaa sheegay socdaalka uu ku gaaray kismaayo in uu yahay mid ay ku xoojinayaan amaanka deeganada Jubbooyinka, wuxuuna yiri ma aaminsanin shir ku sheega Jubaland ee la dhoodhoobey, wuxuna xusay Amanka degmada Kismaayo iyo degeanada kale ee Gedo marka bar bardhig la isku sameeyo in amaanka Kismaayo uu yahay mid siwayn u liita, isagoona Tibaaxay sidoo kale in ay jiraan dhibaatooyin loo gaysto dadka rayidka ah ee ku sugan Kismaayo.
Dhinaca kale mar aan wax ka waydiinay inuu ka qayb qaadanayo shirka Maamul u smaaynta deeganada Jubbooyinka ee ka soconaya Kismaayo ayuu sheegay in hadii uu shirku yahay mid ay dadka deegaanku u madax banaanyihiin ay qaybtooda ka qaadanayaan, sidoo kale habeen hore ayaa dagaal xoogan iyo weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Garoonka Kismaayo.
Dagaalka iyo weerarka madaafiicda ah oo isbarbar socday ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan xoogaga Shabaab kuwaasi oo qalqal-geliyay garoonka Kismaayo, illaa hadda si rasmi ah looma ogga khasaare ka dhashay madaafiicda lagu racaay garoonka diyaaradaha Kismaayo, laakin afhayeenka ururka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar Maax oo la hadlay VOA ayaa sheegay in weerarkaas uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay, wuxuuna intaas ku daray in ay carareen kooxda garoonka soo weerartay.


Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay waddooyinka Muqdisho ee maalintii labaad xiran iyo ujeedada loo xiray

0
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ujeedka howlgalada Ballaaran ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in howlgalada Muqdisho ka socday inay la xiriiraan xoojinta amniga caasimada Muqdisho.
C/shakuur ayaa sheegay in qodobka koowaad ee ahmiyadda dowladda Soomaaliya uu yahay amniga dalka sidaa darteedne ay wadaan dadaalo badan oo ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,wuxuuna sheegay in hawlgaladu ay soconayaan waqti uusan cayimin.
Wasiir ku xigeenka ayaa mar la weydiiyey saamaynta iyo dhibaatada  ay hawlgaladani ku yeesheen bulshada waxa ay ka yeelayaan ayuu  sheegay in dowladu ay wax kasta oo caqab ku noqonaya habsami u socodka hawlaha ganacsiga iyo adeegyada kale ee bulshada ay xal u raadineyso,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in ujeedka hawlgalku uusan ahayn in shacabka lagu dhibaateeyo balse ay dowladu dooneyso iney sugto amniga mawaadiniinta Soomaaliyeeed.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta  ayaan meesha ka saarin in dowladdu ay ka war heshay warar sheegaya in alshabaab ay dhibaato ka geysan rabaan gudaha Muqdisho,wuxuuna daboolka ka qaaday in ciidamada amaanka dowladu ay xili walba heegan u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro ay suurta gal tahay in alshabaab ay Muqdisho ka fuliyaan, wuxuuna sheegay in howlgalka uu socon doono illaa iyo inta amniga laga sugayo, dadka warka sheegaya ee leh labo maalin ayey xiranyihiin waddooyinka ay yihiin kuwo nabadda ka so horjeeda sida uu yiri.

Jeneraal Cabaas: Ammaanka Magaalada Kismaayo Faraha ayuu Ka baxay

0
0

Kismaayo (Sh.M.Network) Jeneraal Cabaas Max’ed Diiriye oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Aagga Gedo iyo Jubbooyinka oo Isaga iyo Saraakiil La socota ay Shalay Gaareen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa Sheegay in Magaalada Kismaayo ay Ka Jirto Amni darri Baahsan oo isugu Jirta dhac iyo dilal Baahsan oo Lagula dhaqaaqo dadka Shacabka ah.
Jeneraalka Cabaas Max’ed Diiriye ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Gudaheeda Habeen iyo Maalin ay Ka dheceyso Rasaas Taasina uu sheegay in ay Qal qal Gelineyso Ammaanka Ka Jira Magaalada Kismaayo.
Jeneraalka ayaa Intaasi Raaciyay in Loo baahanyahay in La Xaqiijiyo Nabad Gelyada Kismaayo isagoo Carabka ku dhuftay in Sababta Saraakiisha Dowladda ay halkaasi u tageen ay tahay in ay soo Celiyaan Nabad Gelyada Magaaladaasi Kismaayo.
Cabaas Max’ed Diiriye Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Aaga Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamo badan oo dowladda ka tirsan ay Gaareen Magaalada Kismaayo Kuwa Kalana ay wadada Ku soo Jiraan si Gacan bir ah Loogu qabto Guud ahaan Ammaanka Magaalada Kismaayo.
Ugu Dambeyn Taliyaha ayaa ugu Baaqay Maleeshiyaadka Raaskaambooni in ay Ku Gacansiiyaan Ammaanka Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo Ka digay dagaal dhiig badan uu Ku qubto oo ka qarxa Jubbooyinka

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa Ka Digay in uu dhiig Ku daato  Gobollada Jubbooyinka.
Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Ka Biya diiday qorshaha Maamul U sameynta Jubbooyinka.
Xaad ayaa waxa uu sheegay in Maamul  U sameynta Gobollada Jubbooyinka ay Xaq U Leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya Wixii Ka soo Harana waxa uu tilmaamay in ay ka qabaan Wal wal Ku aadan Fowdo Cagaha ay La galaan Gobollada Jubbooyinka.
Guddoomiyaha ayaa Hoosta Ka Xariiqay in Dalku uu Leeyahay Dowlad dhexe loogana Baahanyahay in shacabka talada ay uga dambeeyaan Dowladda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Max’ed Xasan Xaad ayaa ugu Baaqay Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dadka U Ololeenayo in Maamul aan Loo dhameen ka sameeyaan Gobollada Jubbooyinka taasi oo uu ku tilmaamay in ay ka dhalan karto dagaal dhiig badan uu kudaato sida uu hadalka u dhigay.

Burcad Badeeda oo Siidaayay Markab Laga Leeyahay dalka Denmark

0
0

Kobenhegan (Sh.M.Network) Burcad Badeed Soomaali ah ayaa Lacag Madax Furasho ku sii daayay Marab Laga leeyahay dalka Denmark.
War Ka soo Baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee dalka Denmark ayaa waxaa Lagu sheegay in Burcad Badeeda Soomaalida ay Siidaayeen Markab Laga Leeyahay Waddaankaasi oo Lagu Magacaabo MV Labroid Kaasi oo ay la socdeen Tiro shaqaala ah oo ka soo kala Jeeda Waddamada Denmark iyo Philippine.
Lahaystayaashaasi iyo Markabkoodaba ayaa La sheegay in La soo qaaday islamarkaana ay Heleen Kaalmooyin dawo ah.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Denmark oo hadlay ayaa waxa uu sheegay in Lix qof oo La socday Markabkaasi ay Iminka Xaaladdooda Wanaagsantahay isagoo intaa ku daray in dowladda Denmark ay Xaaladooda Caafimaad dib u Eegeyso wasiirka ayaa Ka gaabsaday in uu ka hadlo qaabka ay ku fududaatay sii deynta Laheystayaashaasi.
Hase ahaatee Warar Hoose ayaa sheegaya in Markabkaasi ay ka qaateen Kooxihii Burcad Badeeda ee gacanta ku hayay Lacag Madax Furasho ah.
Sikastaba Burcad Badeeda ayaa Gacanta Ku dhigay 12  kii Bisha January sanadkii 2011 Markabkaasi.

Qaraxii Boston oo 3 Qof oo kale Loo Xiray

0
0

Dowladda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigtey sadex nin oo eedeysanayaal ah oo lala xariirniyo inay ku lug-leeyihiin qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston, waxaana la horkeenay maxkamad.

Kuuriyada Waqooyi oo xirtay qof Mareykan ah

0
0

Kuuriyada waqooyi ayaa ku xukuntay qof Mareykan ah 15 sano oo shaqo adag ah, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Pyongyang.

Daawo:-Madaxwaynaha Maraykanka Obama Oo Kaqosliyey congress-Actors Iyo Dad Wayne Badan


Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo Maalintii Seddexaad Xiran

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Waxaa Maalintii Seddexaad Ciidamada Dowladda Soomaaliya U Xiran Waddooyinka Magaalada Muqdisho iyadoona ay Ka soo Yeereyso dadka Shacabka ah Cabashooyin Xoogan.
Ciidamo Ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Isugu Jira Buliis iyo Nabad Sugid ayaa Maalintii Seddexaad waxa ay Ku Gaaf  Wareegayaan Waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadani ayaa Maalintii Seddexaad waxa ay Baaritaanno Ka wadaan Waddooyinka Muqdisho.
Lama Oga Waqtiga ay Ku Egtahay Xirnaashaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho hase ahaatee Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan Shaaciyay in Waddooyinka ay U Xiranyihiin Sababo Ammaan islamarkaana Kor loogu qaadayo Nabad Gelyada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Sharciyada Caalamiga ah ayaan La tiigsaneynaa Maraakiibta Sumeeya Biyaheenna

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Lahadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Sharciga iyo Nidaamka Caalamiga ah ay La Tiigsan doonto Maraakiibta Shisheeye ee Sunta Ku daadiya Biyaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Sidoo Kale uu sheegay in Lala Xisaabtami doono Kalluumeysiga Sharci darrada ah ee Maraakiibtu Ka Sameeyaan Biyaha Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay Kala hadleen Wadamadooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud waxa uu soo hadal qaaday Shir heer Caalami ah oo Ka furmay Magaalada New-York ee dalka Mareekanka Kaasi oo Looga hadlayo Burcad badeeda iyo Sidoo Kale Kalluumeysiga Sharci darrada ah ee Ka Jira Biyaha Waddanka Soomaaliya waxaana uu tilmaamay Madaxweynaha In Video uu duubay Laga deyn doono shirkaasi Kaasi oo Looga golleeyahay in Beesha Caalamka ay Go’aan Cad ka qaadato Kalluumeysiga Sharci darrada ah iyo Burcad badeeda Ka qooleysata Biyaha Soomaaliya.
Tan iyo Markii ay Meesha Ka Baxday Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya waxaa Jiray doonyo iyo Maraakiib Laga Leeyahay dowladaha Caalamka oo Kalluumeysi Sharci darro ah Kawaday Biyaha Soomaaliya halka Wararka qaar ay sheegayeen in Biyaha Soomaaliya Lagu shubayay Sunta ka soo Harta Hubka Nukliyeerka oo dowladihii KMG ee dalka Soomaray aanu wax ka qaban hase ahaatee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wadda dadaallo dhibaatooyinkaasi ay uga hortageyso.
 

Barlamaanka oo Kulan uu Ku Hortagayo Madaxweynaha Maanta Ku Yeelanaya Muqdisho

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Lagu wadaa in ay isugu Yimaadaan Kulan uu ka qeyb Galayo Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ayaa Lagu wadaa in Maanta uu Hortago Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu Warbixin Guud uga Siiyo Xaaladda dalka uu marayo.
Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshir oo Ka Mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha uu isaga soo Codsaday in Baarlamaanka uu Horyimaado isagoo Carabka ku dhuftay in La filayo Madaxweynaha in uu ka hadlo Xaaladaha dalka uu Ku suganyahay ee isugu Jira Xagga Amniga iyo Horumarka.
Wixii Faah faahin ah oo Ku saabsan Kulankaasi Kala Soco Shabelle.net

Guddoomiyihii Degmada Deyniile oo Xilka Laga Xayuubiyay

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Kadib Wareegto Ka soo Baxday Xafiiska Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa xil Ka qaadis Loogu sameeyay Guddoomiyihii  Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Daahir Xasan Xuseen iyadoo Guddoomiye Cusub La Magacaabay.
Xarunta Maamulka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Saaka Waxaa La Filayaa in ay Ka dhacdo Munaasabad Xil Wareejin ah oo Xilka uu Kula wareegayo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Deyniile.
Daahir Xasan Xuseen oo Saaka La hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu Soo dhaweenayo Xil ka qaadista Lagu sameeyay islamarkaana uu Xilka Ku wareejinayo Guddoomiyaha Cusub oo Magaciisa lagu sheegay Xiireey Muxuyidiin.
Sikastaba Masuuliyiin Dowladda Soomaaliya Ka tirsan ayaa La Filayaa in ay Ka qeyb Galaan Munaasabad Xil Wareejin ah oo ka dhici doonta Maanta Xarunta Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo sheegay in lagama maarmaan uu yahay in loo gurmado dadka Fatahaada ay saameeysay

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo Hay’adaha samafalka iney gargaar u fidiyaan dadka ay saameynta ku yeesheen fatahaadaha wabiga Shabelle ee ku nool gobollada Dalka.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “runtii fatahaadda uu sameeyey wabiga Shabelle waa qeyb ka mid ah masiibooyinka dabiiciga ah waxaanna dareenkeeyga la qeybsanayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo shabeelooyinka oo ay si gaar ah fatahaadahan u saameeyeen”
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in looga baahanyahay dhammaanba hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gudaha dalka,kuwa caalamiga ah,dalalka Soomaaliya saaxiibada dhow la ah iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iney gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen ayadoo gurmadkaasina uu ugu horeeyo dib u dejin loo sameynayo dadkii ay fatahaaduhu guryahooda ka baabi’iyeen.
“ugu dambeyntii anigoo maskaxda ku haya sida ay dadka Soomaaliyeed xiligan oo kale oo ay masiibooyinka dabiiciga ah dhacaan isugu gargaaraan waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba ku boorinayaa umadda iney walaalahooda il gaar ah ku eegaan islamarkaana qof walba uu wixii uu heli karo la gaaro waayo maanta oo kale ma ahan markii dhibaatada la isaga aamusi lahaa” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka.
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Bakool oo ka hadlay Qorshahooda Gobolkaasi

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)  Cabdi Raxmaan Aadan Cabdi Raxmaan oo ah Sarkaal Ka tirsan Ciidamada dowladda ee Ku sugan Gobollada Bay iyo Bakool oo Lahadlay Warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in aysan Ka war qabin eedeymaha Ku aadan in Ciidamada dowladda ay dhibaato U Geysteen Dadka Shacabka ah ee Ku Nool Gobolladaasi.
Sarkaalkaan ayaa Hoosta Ka Xariiqay in arrimahaasi ay Baaritaanno ku hayaan iyo dabagal ayna soo Bandhigi doonaan Shaqsiyaadkii Lagu Helana waxa uu sheegay in Cadaaladda La Horgeyn doono.
C/Raxmaan Aadan ayaa tilmaamay dhanka kale in Ciidamada dowladda ay Ku sii siqayaan Deegaanno Hor Leh oo ay Gacanta ku hayaan Ururka AL Shabaab isagoo intaa si Raaciyay in Goor dhow ay Gacanta ku dhigi doonaan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.
Sikastaba AL Shabaab ayaa La wareegay Gacan Ku Heynta Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Roads closed for the third day running

0
0

Mogadishu (sh.M.Network) the federal government troops have closed all major roads in the city of Mogadishu for the third day running.
Members of the public are raising their concerns over transport as public service vehicles are not operating at full capacity.
Government troops consisting of military and police are operating along the roads and ordering any moving vehicle to return to where it came from or diverting them to small un tarmacked roads.
It is not known when the roads will return to normality as internal affairs minister said that the roads were closed for security reasons and ensuring of good security for the city
 


Golaha Ammaanka oo ku dhawaaqay Howl Gal Cusub oo bedeli doona Xafiiska UNPOS

0
0

New-York (Sh.M.Network) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir Loo dhanyahay ugu Codeeyay Hir Gelinta Howl Gal Cusub oo Bedeli doona Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Hadda Soomaaliya Ka shaqeeya.
Howl Galkaan Cusub oo Lagu Magacaabo United Nation Assistance Mission in Soomaaliya oo Loo soo gaabiyo UNSOM ayaa waxaa uu Fadhigiisu Noqon doonaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo uu shaqo billaabi doono 3 June ee sanadkaan.
Howl Galkaan oo Mudada ugu Horeysa Shaqeyn doona 12 Bilood ayaa Mudada uu shaqeyn doono Howlaha uu qaban doono waxaa Ka mid ah isku dubaridida Taageerada La siinayo dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo Sidoo Kale Bixin doona Caawinaad Ku aadan Nabad Gelyada dib u dhiska iyo La shaqeynta Ciidanka Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mon ayaa uga Mahad Celiyay Xafiiska UNPOS Howshii Adkeed ee Mudada 15 Ka sano ah uu Ka soo Hayay Soomaaliya isagoo ku tilmaamay in Xafiiskaasi U Jeedooyinkii Loo aasaasay La Gaaray.
6 March ayey ahayd Markii Golaha Shir Loo dhanyahay uu xayiraadda Hubka uga qaaday Soomaaliya Islamarkaana Loogu Kordhiyay Man date ka Ciidamada AMISOM ee Ka Howl Gala Soomaaliya.

Masar oo Ka qeyb Galeysa Shirka London ee loo qabanayo Soomaaliya

0
0

London (Sh.M.Network)  Safiirka dowladda Masar u fadhiya Waddanka Ingiriiska Cali Al Xafni oo La hadlayay Warbaahinta dalka Masar ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dowladda Ingiriiska ay qabaneyso Shir Looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaasi oo uu tilmaamay in ay ka qeyb galeyso dowladda Masar.
Safiirka dowladda Masar u Fadhiya Waddanka Ingiriiska ayaa sheegay in shirka diiraadda Lagu saari doono ka hortagga Xad Gudubyada Haweenka, Taba barrada Ciidamada Ammaanka iyo dib u Heshiisiinta dhinacyada Soomaalida.
Cali Al Xafni Safiirka Masar ee Ingiriiska ayaa sheegay in Shirkaan oo ay shir Guddoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron waxaana shirkaasi sidoo kale ka soo qeyb gali doona wadamada deeq Bixiyaasha iyo Bangiga Adduunka oo dhaqaalo loo weydiin doono Soomaaliya sida uu yiri Safiirka Masar ee Ingiriiska.
Safiirka ayaa intaasi sii raaciyay in dowladda Masar ay ka qeyb qaadan doonto shirkaasi islamarkaana Ajandayaasha looga hadlayo Khibradaha Masar kaga aadan ay halkaasi ka faah faahin doonto
Ugu Dambeyn Cali Al Xanfi ayaa sheegay in Masar iyo Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku diin iyo dhaqan ah sida uu hadalka u dhigay islamarkaana Soomaaliya uu yahay wadan ay iskula jiraan wadamada Carabta iyo Kuwa Afrika intaba sidaas daraadeed wax kasta oo kor Loogu qaadayo in Xal loogu Raadiyo ay ka qeyb qaadanayaan.

Golaha amaanka oo ansixiyay hawlgal cusub oo Soomaaliya laga fulinayo

0
0

Golaha amaanka ee Q,M ayaa meel mariyay qorshe looga taageerayo
dawlada Soomaaliya arrimaha amaanka, dib u dhiska iyo ka hor tagista
tacadiyada bini’aadanimada ka baxsan ee dalka ka dhaca.
Hawlgalkaan oo lagu magacaabo UNSOM si rasmi ahna uga hawlgali doona
magaalada Muqdisho ayaa ciidamada AMISOM u ogalaanaya inay nabad
illaalin adag ka sameeyaan gudaha Soomaaliya waxaana si toos ula
soconaya xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moon.
Danjiraha dawlada Ingiriiska ee Q,M Mark Lyall Grant ayaa ka sheegay
magaalada New York in goluhu isku raacay in horey loo sii qaado
dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya lagu caawiyo.
Danjire Mark Grant waxaa uu xusay in hawlgalkaan loo bixiyay UNSOM oo
hadda guluhu uu ansixiyay inuu muddo sanad ah shaqeeyo in dib loo
cusboonayn siin karo.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Q,M waxaa uu sidoo kale shaaciyay in
dhawaan Muqdisho ay imaan doonaan illaa 30 ruux oo ka shaqeyn doona
xafiiska UNSOM ee Muqdisho laga furayo 3 bisha soo socota ee June ee
sanadkaan iyagoo ka shaqeyn doona arrimo ay ka mid yihiin amaanka iyo
xaquuqda aadanaha.
Arrinta ku saabsan in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad illaalineed
ayuu safiirku sheegay inay ka fakaris ay u baahan tahay kuna xiran
tahay inta ay tilaabo ah ee ay qaadaan ciidamada amaanka Soomaaliya.
Dhawaan Q,M waxay badashay wakiilkii Q,M u qaabilsanaa arrimaha
Soomaaliya iyadoona lagu badalay danjire kale oo Ingriiska u dhashay.
Aas aasida hawlgalkaan UNSOM ee Q,M hoos tagaya waxaa ay dad
falanqeeya arrimaha siyaasadda geeska Africa ku tilmaameen mid la
doonayo in dawladnimada Soomaaliya lagu soo celinayo.
Buraannews.com- Muqdisho

Madaxweynaha Kenya Oo ka Qeyb galaya Shirka Landon

0
0

Adis-Ababa (Sh.M.Network) Madaxweynaha dalka Kenya ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya,kadib markii casuumaad uu ka helay Xafiiska guud ee laga hago Arrimaha siyaasadda Dibadda ee dowladda Britain, si uu uga qeyb galo shirkaasi.
“Waxaan Casuumaad u dirnay Madaxweynaha dalka Kenya si uu uga qeyb galo shirka Landon ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya “ ayuu sheagay sargaal ka tirsan dhinaca siyaasadda u qaabilsan Arrimaha dibadda dowlada Britain Simon Gass .
Shirkaasi looga hadlaayo arrimaha Soomaliya ayaa 7da Bisha May ka furmi doono Magaalada Landon ee xarunta dalka Britain,iyadoo ay ka soo qeyb gali doonaan wakiillo ka socdo Beesha caalamka gaar ahaan UN-ka iyo  Urur Goboleedka  IGAD .
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galayo shirkii ugu horeeyay ee heer caalami ah  tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada dalka Kenya.

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo soo bandhigay warbixinta xoriyadda saxaafadda Soomaaliya

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Ayadoo ay manta ay ku beegan tahay maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka ayaa Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa uu soo saaray warbixin uu kaga hadlaayo dhibaatada loo geystay saxaafadda Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ee 2012.
 NUSOJ waxaa ay sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay uu ahaa sanad si weyn loo dhibaateeyay saxaafadda Soomaaliya ayadoo la dilay 18 qofood oo ka shaqeeya warbaahinta dalka Soomaaliya ka howlgasha.
 Ururka NUSOJ waxaa uu intaa ku daray in 5 qof oo saxaafadda ka shaqeyso lagu dhaawacay intii ay ku guda jireen shaqada saxaafadda sanadkii lasoo dhaafay. 30 suxufi ayaa lagu xeray dalka gudahiisa ayuu ururka NUSOJ oo maanta soo badhigay warbixinta sanadlaha ah ee ururka ku sheegay.
 NUSOJ waxay eeda dusha ka saartay dowladdii KMG ahaa ee ka jirtay in aysan wax ka qabanin dhibaatada loo geysanayo saxaafadda Soomaaliya oo ay ku fiirsadeen in ay cadaalada horkeenaan kuwii ka dambeeyay dhibateyna saxaafadda Soomaaliyeed.
 Dilka ugu badan ee lo geystay suxufiyiinta waxaa uu ka dhacay magfaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Madiina sida uu ururka NUSOJ sheegay. Bisha September ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa aheyd bishii loogu dilka badnaa suxufiyiinta Soomaaliyeed.
 Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa sheegay in xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed loogu xadgudbay sanadkii lasoo dhaafay six ad dhaaf ah oo ana horey lo arkin.
 “Waxaan aragnay dil naxariis daro oo isdaba yaala oo loo geysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Kuwii geystay waxaa ay ku raaxeysanayaan dambigii ay galeen sababtoo ah ma jirto cid ciqaabeyso” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.
 NUSOJ waxaa ay sheegtay in maamulka Somaliland uu geystay inta badan xariga wariyaasha ayadoo wariyaasha la kala xiray waqtiyo kala duwan. Wariyaasha ayaa loo xiray sababta  la xiriiro warar ku saabsan siyaasadda.
 NUSOJ waxaa ay ugu baaqdnay dowladda federaalka Soomaaliya in ay u tafa xeydato sidii loo joojin lahaa dhibaatada lagu hayo saxaafadda Soomaaliya gaar ahaan dilalka ka dhanka ah suxufiyiinta, in la ciqaabo kuwii horey u geystay dilalka ka dhanka ah saxaafadda iyo in dib u eegis lagu sameeyo sharciga saxaafadda Soomaaliya oo ah mid caburinaya saxaafadda xorta ah eek a hanaqaaday dalka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live