Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xukuumadda Oo Sheegtay In Ay Qaybteeda Ka Filayo Deeqaha Loogu Yaboohay Somalia, Waddamada Caalamka Oo Taageeray Heshiiskii Ankara

0
0

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in deeqihii malaayiinta dollar ahaa ee Somalia loogu yaboohay Shirkii London ku soo geba geboobay ay rajaynayso in ay ka hesho qaybteeda, sida lagu heshiiyey Shirkii Ankara ee Somaliland iyo Somalia
Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar  oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ka filayo in Deeqaha Beesha Caalamku ugu yaboohday in ay qaybteeda ka hesho sidii Shirkii sanadkii hore ka dhacay  Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar , waxa kale oo soo dhaweeyey qodob ka mid ah war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii London ee arrimaha Somalia, kaas oo soo dhaweynayey qodobadii ka soo baxay Shirkii Ankara ee wada hadalada Somaliland iyo Somalia, waxaanu yidhi “Waxaanu soo dhaweynaynaa Xukuumadda ahaan qodobkii afraad ee ka soo baxay Shirkii London ee arrimaha Somalia, kaas oo Waddamadii Beesha Caalamka ee ka soo qayb galay ay ku soo dhawaynayeen qodobadii ka soo baxay Shirkii Ankara ee dhex maray Somaliland iyo Somalia bishii April, waxaanan u arkaa qodobadkaasi mid muhiim u ah Somaliland oo dalalkii ka soo qayb galay oo 50 dawladood kor u dhaafayey I taageerayeen wada hadaladaasi iyo in ay sii socdaan, iyaga oo Somaliland iyo Somalia ka wada hadlay xidhiidhkooda Mustaqbalka iyo sidii looga midho dhalin lahaa in ay Somaliland iyo Somalia ay noqdaan laba dal oo jaar ah oo nabad ku wada nool, markaa arrintaasi waanu soo dhawaynaynaa Xukuumadda ahaan.”
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo aanu weydiinay in Deeqaha lacageed ee malaayiinta Dollar gaadhaya ee Dalalkii ka qayb galay Shirkii London ugu yabooheen Somalia in Somaliland qaybteeda ka helayso, madaama heshiiskii Turkiga ee Somaliland iyo Somalia dhigayey in Deeqaha Beesha Caalamka la wadaago, wuxuu ku jawaabay Wasiirku “Sida uu dhigayey qodobka Afraad ee Heshiiskii Ankara waxa uu ahaa in labada dhinac (Somaliland iyo Somalia)  ay wadaagaan deeqaha caalamka laga helo, gaar ahaan kuwa ay Somalia hesho  aanay ku jirin kuwa Somaliland tooska loo siiyo, markaa waxaanu ka rajaynaynaa sidii Shirkii hore ee London ee sanadkii hore Somaliland ay u soo gaadhay Deeqihii Beesha Calaamka in  imika Deeqaha Somalia loogu yaboohay in qaybta horumarinta Somaliland inteeda ka hesho.”
Dhinaca kale, Waddamada Beesha Calamka ee ka qayb galay Shirkii arrimaha Somalia ee London lagu soo geba gebeeyey shalay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ku dhex maray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.
Shirkan oo ay marti gelisay Dawladda Ingiriiska oo maalin ka socday Magaalada London, isla markaana ay ka qayb galeen in ka badan Madaxda ka socotay in ka badan 50 dawladood oo lagaga hadlayey arrimaha Somalia, ayaa war-murtiyeedkii laga soo saaray waxa ku jiray qodob ay sheegeen Waddamada ka soo qayb galay in ay ku soo dhaweynayaan wada hadaladii Somaliland iyo Somalia u dhex maray dalka Turkiga, iyaga oo xusay in ay wada hadaladaasi ahaayeen qaar ay labada dhinac ku cadaynayaan xidhiidhkooda Mustaqbalka.
Qodobka ku jiray War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkii arrimaha Somalia eek u saabsanaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia. Waxa uu u dhignaa sidan “Waxaanu soo dhaweynaynaa wada hadaladii dhex maray Dawladda Federalka Somalia iyo Dawladda Somaliland ee ka dhacay Ankara bishii April, si ay u cadeeyaan Xidhiidhkooda Mustaqbalka, kaas oo ka soo bilaabmay kulankii Chevening bishii  June 2012.”
Sidoo kale, Qodobkan waxa lagu sii yidhi “Waxaanu soo dhawaynaynaa qodobadii ka soo baxay Shirkii Ankara. Waxa kale oo aan bogaadinaynaa doorkii fududaynta ahaa ee Dawladda Turkigu ka qaaday  wada hadaladii Somaliland iyo Somalia.”
Shirkan Arrimaha Somalia ee lagu soo gunaanaday Magaalada London ee Xarunta Boqortooyada Ingiriiska, ayaa waxa ka qayb galay in ka badan 50 dawladood, iyada oo marti gelinta Shirkaasi ay lahayd Dawladda Ingiriisku, waxaana Shirgudoominayey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cemaron.
Somaliland ayaa  Shirkan loogu soo casuumay, iyada oo si cad u diiday, ka dib markii ay sheegtay in aanay dani ugu jirin shacabka Somaliland, isla markaana uu Shirkaasi gaar u yahay Somalia.
 
HARGEYSA SOMALILAND
 
haregeysa somaliland


War-saxaafadeed: “15-ka Bishan waxaanu wasaarad ahaan Qabanaynaa shir Lagaga arrinsanayo sida aynu ku heli karno fure dal oo gaar ah, Lambarka cusub ee 063 ma aha mid aynu la wadaagno Xamar” W/Boosaha somaliland

0
0

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mudane Xasan Cumar Hoorri, ayaa galabta soo saaray war-saxaafadeed uu ku sharxayo fureyaasha cusub ee ay soo kordhisay shirkadda TELESOM.
War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-
“Shalay, 8dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay lambaradeedii ku soo kordhisay Tirsiga 063 taas oo keentay in la isweydiiyo lambarka cusub inkastoo shirkaddu in muddo ah dadweynaha ku wacyigelinaysay isbedelkan soo kordhay.
Haddaba waxaa Wasaaradda xaq loogu leeyahay in ay bulshada u iftiimayso lambarkan soo kordhay iyo in ay dadweynaha ka wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka.
Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM waxaa uu lamabar 06 u qondeeyay telifoonada mobilka ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062 halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateen Telesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.
Ilaa hadda dalkennna waxaa laga isticmaala furaha dal (country Code) 252 kaas oo aan la wadaagno Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa innoo kala soocan furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka ku qeexaynaa lambarka cusub ee 063 inuu gaar u yahay dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland. Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray lambarada dalka.
Haddaba iyada oo isla arrinkan ay hore warbaahinta uga la hadleen Wasiirka iyo madaxda Waaradda Boosaha & Isgaadhsiinta, mar labaad, waxaan halka ka cadeynaynaa in wasaaraddu oggolaatay adeegsiga lambarka 063 islamarkaana in aanu waxba u dhimmayn qarannimada Somaaliland taasoo dhammaanteen aan u wada taagan nahay difaaceeda iyo horumarinteeda.
Wasaaraddu waxay hore farta ugu godday adeegsiga furaha dal (252) ee ilaa hadda aan la wadaagno Somaaliya kasoo haddii aanu si dhakhso ah looga xadhig furan, dhowaan, keeni doona innaga xidhaan xukuumadda Somaaliya ama in ay innagu cashuuraan.
Sidaa darteed, waxay wasaaraddu hore ugu baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud, 10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15ka May si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh mudnaanta kowaad ee dalka. Allaa Mahad Leh.”
 
hargeysa somaliland

Shirkadda Telesom Oo Ka Hadashay Fureyaal Cusub Oo Ay Ku Soo Kordhiyeen Lambarada Mobile-Ka

0
0

Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la jaan-qaadaysa nidaamka caalamiga ah.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska suuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-
“Shirkadda Telesom oo la aasaasay sannadkii 2002, waa shirkad saamilay ah oo ay ku wax ku leeyihiin kun iyo dhowr boqol oo qof oo muwaadiniin Somaliland ah.
Shirkaddu muddadii ay jirtay waxa ay samaysay dedaalo badan oo keenay in ay isbeddesho nolosha bulshada, iyada oo keentay adeegyo teknoolajiyadadeed oo wax weyn ka beddelay kaabayaasha dhaqaalaha waddanka, nabadgelyada, horumarinta, tacliinta, caafimaadka, isku xidhka bulshada miyiga iyo magaalada iyo guud ahaan isku xidhka wadanka iyo caalamka.
Muddadii Telesom jirtay waxa ay soo kordhisay qalab casri ah, si ay u daboosho baahida macaamiisheeda iyo wadankaba; taasi oo keentay in sannadkii 2006 la ballaadhiyo furayaashii shirkaddu isticmaali jirtay oo lagu kordhiyay lambarka ‘4’ kana dhigtay toddoba god, halkii ay ka ahaayeen lix god.
Qalab kasta oo shirkaddu ay keento iyo ballaadhinta shabakada shirkaddu waxay u baahan yihiin furayaal cusub oo noqonaya halbeegga ama ciwaan uu qalabkaasi ku shaqeynayo si uu ula jaanqaado nidaamka Caalamiga ah (International Telecommunication Union Recommendations).
Si waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee ITU-ga, labadii sannadood ee u dambeeyay waxa qorshaha furayaashooda wax ku kordhiyay 11 wadan oo kala ah Mauritania, Swaziland, Sychelles, Georgia, Azerbaijan, Togo, Sint Maarten, South Sudan, Djibouti, Gabon, Sacuudi Carabiya. Telesom Somaliland waxay ka mid noqonaysaa kuwaasi.
Dhammaan isbeddelada ay shirkadda Telesom samaysay waa kuwo waafaqsan xeerarka Somaliland iyo oggolaanshaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, iyada oo sidoo kale, si dhow ula shaqeynaysa shirkadaha telefoonada Caalamiga ah ee wadamada adduunka ee ka tirsan ururka Caalamiga ah ee Shirkadaha Moobilada ee GSMA.
Isbeddelkan u dambeeyay waxay shirkaddu si toos ah oggolaansho uga heshay Wasaaradda Boosaha & Isgaadhsiinta Somaliland.
Iyada oo ay weli jirto in dhammaan Shirkadaha ka hawlgala Somaliland iyo Soomaaliya ay weli isticmaalaan furihii +252 ee guud, baadhitaan badan kadib iyo xidhiidh aanu la sameynay shirkadaha waaweyn ee telefoonada soo tebiya (carriers) waxa noo caddaatay in dhammaan furayaashii ka dambeeyay +252 la isticmaalay oo ay diwaagashadeen shirkadaha Isgaadhsiintu. Sidaas darteed, furaha keliya ee moobilka Telesom u bannanaaday waxa uu noqday 63.”
 
HARGESYA SOMALILAND

Wasiirka Waxbarashada Oo Furtay Fasallo Shirkadda Dahabshiil U Hirgelisay Jaamacadda Hargeysa

0
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa xadhigga ka jartay dhisme fasallo waxbarasho ah oo Jaamacadda Hargeysa ay u dhistay shirkadda Dahabshiil Group.
Dhismahan oo ka kooban afar fasal ardaydu wax ku baran doonto iyo xafiis maamul oo loo dhisay qaab heersare oo jaamacadeed ah, waxa madal kooban oo xadhigga lagaga jaray ka qaybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, masuuliyiin ka tirsan shirkadda Dahabshiil oo ay ka mid yihiin Maareeyaha xawaaladaha iyo sarrifka lacagaha iyo madaxda xafiiska xidhiidhka dadweynaha.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dhismahani wax wayn ka qaban doono baahiyaha jaamacadda, isagoo uga mahadceliyey shirkadda Dahabshiil taageerada faraha badan ee ay bixiso, waxaannu ka rajeeyey inay shirkaddu sii wadi doonto gacansiinta jaamacadda.
Maareeyaha Guud ee Xawaaldaha iyo Sarrifka Dahabshiil Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa sheegay in dhismahan shirkadoodu hirgelisay uu ahaa baahi ka timi jaamacadda oo ay ardayda wax ka barata ay ku yaraadeen fasallada waxbarashadu.
Isagoo ka warramayey kaalinta shirkadda Dahabshiil ka qaadato dhinaca waxbarashada waxa uu yidhi, “Sharaf bay u tahay shirkadda Dahabshiil inay mar walba ka qaybqaadato taageerada meelaha danta guud ee bulshada wax u qabanaysa, gaar ahaan waxbarashada si aqoonta dhallinyaradeena iyo ta dalkeennuba u dhisanto, mana aha jaamacadda Hargeysa tii kowaad ee aannu wax u qabanno ee jaamacadaha kale ee Boorama, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo dhammaantood dhismayaal iyo taageerooyin kale ayaanu u qabanay. Waxaan xasuustaa jaamacadda Hargeysa markii la xaadhxaadhayey si loo bilaabo shirkadda Dahabshiil waxay ahayd tii qaybta ugu badan ka qaadatay.”
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa ku ammaantay shirkadda Dahabshiil waxqabadka uu dalka geliyo oo ay ku tilmaantay wax mug leh oo muuqda.
“Aad baan ugu mahadnaqayaa shirkadda Dahabshiil oo runtii wax mug leh u qabta ummadda reer Somaliland, gaar ahaan meelaha danta guud ah sida cusbitaallada, dugsiyada iyo jaamacadaha waxbarashada iyo meelo badan oo kale, waana wax lagu daydo. Maaha oo keliya taageerada ee xataa meelaha Dahabshiil dhisanayso waa wax tayo leh oo aad arkayso in lacag badani gashay iyo maagelini, waxaannu qofku muwaadin ku noqdaa marka uu hantidiisa huro oo uu dhaqaale intaa le’eg geliyo dalkiisa, markaad eegto meelo ay Hargeysa ka mid tahay waxaad arkaysaa meelo Dahabshiil ku bixiyey lacag malaayiin ah, markaa waxaad dareemaysaa inuu aaminsan yahay dhulkiisa, qofkuna waxa uu muwaadin noqdaa oo uu meeshiisa yeeshaa markuu cashuurtana bixiyo ee uu dhaqaale geliyo ee maaha waan ku dhashay.”
Waxa kale oo ay uga mahadcelisay shirkadda caawimada uu ka gaysto horumarinta waxbarashada dalka, iyadoo xustay in inta badan meel kasta oo dalka ah ay ku aragtay dhismayaal dugsiyo waxbarasho oo Dahabshiil maalgeliyey.
“Dhismahan cusub ee jaamacadda Hargeysa oo baahi badan loo qabayna waanu ka guddoonay Dahabshiil, waxaannu Ilaahay ka baryeynaa in ardayda ka aflaxdaa noqdaan kuwa sidaa Dahabshiil iyo si ka wanaagsan waddanka ugu shaqeeya,” ayey hadalkeeda ku soo gebogabaysay Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Ugu dambayntii Wasiirku waxay si rasmi ah u furtay dhismahaasi oo noqonaya kii afraad ee shirkadda Dahabshiil u hirgeliso Jaamacadda Hargeysa muddooyinkii u dambeeyey.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Xisbiga Ucid Oo Cambaareyey Diiwaangelin Qarsoodi Ah Oo Ay Sheegeen Inay Wado Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland

0
0

Xisga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa ku Eedeeyaya inay Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Arimaha Gudduhu sameynayso Diwaangelin Qarsoodi ah,iyadoo sida ay sheegeen diwaangelintaasi qarsoodiga ahi ay in mudo ahba hoos ahaan u socotay”
Xisga Cadaaladda iyo daryeelka ee UCID  ayaa sidan ku sheegay War-saxaafaddeed ay soo saareen waxana lagu sheegay Warsaxaafaddeedkaasi in diwaangelin kasta oo aanu Xisbigooda Mucaaridka ahi goobjoog ka ahayn ama laga talo gelin ay u aqoonsan yihiin inu yahay mid Xaaraan ah isla markaana aanay aqoonsandoonin,waxanay sidoo kale sheegeen in Xisbiga UCID uu ugu baaqayo  dhamaan Guddiga Doorashooyinka ,Xukuumada,Golayaasha,shacabka reer Somaliland  gudaha iyo dibadaba, Madaxdhaqameedyada, Ururada Bulshada ,waxgaradka iyo Mucaaridka kaleba  in si deg deg ah ay ugu howlgalaan sidii loo  dedejin lahaa Diwaan gelin loo dhan yahay oo dalka ka qabsoonta Warsaxaafadeedkaasi Xisbiga Ucid soo saaray oo dhamaystirani waxa uu u qorna sidan”
Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan  uga soo gudbino Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu la socodsiinaynaa Shacabka reer Somaliland iyo dhamaan inta kale ee danaysa horumarka iyo wanaaga Somaliland  arimahan hoos ku qoran :-
?>Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Xafiiska Arimaha Gudaha ee Xisbiga UCID,waxay  cadeynayaan in Wasaarada Arimaha Gudaha  Somaliland  ay qorshaynayso in ay samayso Diiwaan gelin Qarsoodi ah,taas oo ay si hoose u waday Wasaaradu in mudo ah.
Sida wararkani cadeynayaan Diiwaan gelintan  qarsoodiga ah ee ay Xukuumadu wado,waxaa loogu tala galay in hadhow loo isticmaalo,Diiwaangelin Doorashooyinka lagu galo, xukuumadu ay ku doodo,in aan dhaqaale loo haynin Diiwaan gelin kale.
?Warar si hoose uga soo baxay xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland,waxay cadeeyeen in aanay Xukuumadu ,haba yaraatee doonaynin in la sameeyo Diwaangelin  rasmi ah,oo Doorashooyinka lagu galo,ilaa haddana aanay jirin wax  talaabo ah oo loo qaaday sidii  Diiwaangelinta loo samayn lahaa.?Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland ,wuxuu si cad Golaha Wakiilada  uga hor sheegay in Wasaarada arimaha Gudaha ay wado Diwaan gelin u gaar ah,xeer u fasaxaya uu jiro,balse arintu intaa ka sii qoto dheertahay.
Haddaba  Xafiiska Arimaha Gudaha ee xisbiga UCID,markuu arkay arimaha kor ku xusan,baadhis dheerna ku sameeyey arimahaas Diiwaangelinta ,waxaa u cadaatay, xaqiiqsaday in ay jiraan dano gaar oo ay Xukuumadu ka leedahay Diwaan gelinta ay wada Wasaradeeda Arimaha Gudaha,ka dibna waxaanu cadeynaynaa :-
1.     In Xisbiga UCID uu si buuxda u qaadacayo Diiwaan gelin kasta oo aan laga talo gelin Xisbi ahaan,Diiwaangelin kasta oo aanu Xisbiga UCID goob joogayaal ku lahayna ,wuxuu u arkaa in ay  xaaran  tahay,mana aqoonsan doono”
2:Xisbiga UCID ,wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Guddiga Doorashooyinka ,Xukuumada,Golayaasha,shacabka reer Somaliland  gudaha iyo dibadaba, Madaxdhaqameedyada, Ururada Bulshada ,waxgaradka iyo Mucaaridka kaleba  in si deg deg ah ay ugu howlgalaan sidii loo  dedejin lahaa Diwaan gelin loo dhan yahay oo dalka ka qabsoonta”
3.     Xukuumada ,gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha waxaanu uga digaynaa in ay sii wado  Diiwaangelinta qarsoodiga ah ee ay wado,taas oo aanu u aragno in  ay tahay Diiwaangelin loo  adeegsanayo dano gaar ah”
4.     Shacabka reer Somaliland way ka wada dheregsan yihiin,dhibaatooyinkii ka dhashay Doorashadii ugu horeysay ee ay qabato Xukuumada hadda jirtaa,welina aan wax xal ah loo helin.Haddaba waxaanu qabnaa Xisbi ahaan in Diwaangelintaa qarsoodiga ah ee ay wado Xukuumadu ,gaar ahaan  Wasarada Arimaha Gudaha Somaliland in ay ka dhalan karaan dhibaatooyin  cusub,oo aan dalka iyo dadka midna dani ugu jirin,sidaa darteed waxaa haboon in la joojiyo,oo aan la sii wadin ilaa laga wada tashado mucaarid iyo muxaafidba.
ALLAA                   MAHAD                 LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada  Xisbiga UCID
 
 
hargeysa somaliland

NEW SU'AALO IYO JAWAABO OO AAD QAYIM AH SH MAXAMED CABDI UMAL

Mu'tamar Holland 2013 Khudbadi Jimacaha Sh Maxamed Idris

Dhageyso: Banaanbaxyo lagu taageerayey hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde muuse oo ka dhacay Bossaso iyo Qardho

0
0


Isku soo bixitaan kooban oo lagu soo dhaweynayay hadalkii M/weynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalooyink Bossaso iyo Qardho, kuwaasi oo la tilmaamayo in aysan wadan wax rabashado ah.
Dadka isku soo baxa dhigayey ayaa ku dhawaaqayey hadalo ay ku taageerayeen Cadde Muuse iyo mawqifkiisii ku saabsanaa xaaladda Puntland iyo hannaanka axsaabta ee lagu talo jiray in Puntland laga hirgaliyo.
Mararka qaar dadku waxay ku dhawaaqayeen hadalo caro ku jirtay oo ay ku saluugayaan sida xilligaan wax u socdaan, waxaana meelaha qaar lagu arkayey ciidamo bilays ah oo amniga sugayey si aan rabashi u curan.
Waxaa kale dadka banaanbaxay ku dhawaaqayeen hadalo ay kagasoo horjeedaan mushaar la’anta ciidanka Puntland kuna taageerayeen.
Halkaan ka dhageyso codka mid kamid bananaxayaashau.
Clipka Caato Banaanbax
Buraannews.com- Bosaso
 


Shirkadda DNO International Oo Is Barbar Dhigtay Somaliland Oo Sahamin Shidaal Ay Ka Samaynayso Iyo Gobolka Kurdistan Ee Ciraaq Oo Ay Ka Heshay

0
0

Shirkadda Sahaminta Shidaalka ee ka diiwaan gashan dalka Norway ee DNO  International oo dhawaan Xukuumadda Somaliland heshiis kula saxeextay dalka Maraykanka, ayaa si bar bar dhig ku samaysay  Jamhuuriyadda Somaliland oo ay sanadka dambe ka bilaabi doonto sahmin dhinaca Shidaalka ah iyo gobolka  Kurdistan ee dalka Ciraaq, halkaas oo sahamin ay ku sameeyeen ku guuleysteen, isla markaana ay heleen Saliid.
Madaxa hawl-gallada Shirkadda DNO  International Magne Normann oo u waramayey Wargeyska The National ka soo baxa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay om Shirkadooda DNO  International ay waayo aragnimo u leedahay in ay ka shaqayso xaalada kasta oo adag iyo Dalalka aan la aqoonsanayn ee kaabayaashooda aasaasiga ah liitaan, Sida Gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq iyo Somaliland oo uu xusay in ay wax badan iska shabahaan Gobolkaasi.
Magne Normann, oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Hawlgalka Kurdistan halis looma arko, laakiin, 2004, markii aanu bilownay waxuu ahaa dal aan kaabayaal lahayn sahamin shidaal lahayn,” ayuu yidhi Mr Normann.
Madaxa hawl-gallada Shirkadda DNO  International Magne Normann, waxa uu ka dhawaajiyey in Marka laga yimaaddo heshiiska ay Somaliland la gashay, ay  shirkaddoodu  sidoo kale ogolaanshiyo ka haysataa Sahamin Shidaal oo ay samaynayso dalka Tuniisiya.
Madaxa hawl-gallada Shirkadda DNO, waxa uu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, waxaanu yidhi  “Kurdistan, ma jirin bangi lacagaha qalaad (dollar) bixiya, xataa ma jirin khad telefoon caalami ah laga dirsado. Somaliland meelo badan ayey iska shaabahaan, sida kaabayaal kooban, waa inaan keensanaa dhamaan qalabka aan u baahan nahay, sidii aanu ka samaynay Kurdistan sannadkii 2004.”
Magne Normann waxa uu sheegay in ay ka faa’idaysan doonaan baadhitaannada Shidaalka ee hore looga sameeyey Somaliland, “U adeegsiga qalab casri ah baadhitaanadii hore looga sameeyey, wax weyn ayey naga caawin doonaan,”
Dhinaca kale, Shirkadda Genel Energy oo iyadu sahimin ka waday Somaliland, gaar ahaan Gobolka Saraar

Madaxweynaha Somalia Oo Sheegay In Xuduudihii Gumaysiga Ee 1960-Kii Ay Soomaalidu Qaadacday, Saylac Ilaa Raasmaaboonina Mid Yihiin

0
0

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay Somaliland 50- sanno kahor qaadacday Xuduudihii uu sameeyey isticmaalkii ee kala ahaa Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaanu sheegay inaanay hadda waxba ka jirin oo wahtigaasi la qaadacay.
 
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay goob ay su’aalo kuwaydiinayeen Qurba joogta Somalida ah ee ku nool Ingiriiska, ayaa waxa kale oo uu sheegay inaanay Xukuumaddiisu diyaar u ahayn Gala go’a Somalia oo ay ka shaqayn doonaan midnimada somalila.
 
Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayey Su’aal ay waydiisay gabadh dhalasho ahaan ka soo jeedda Gobolada Bariga Somaliland, ayaa waxa uu ku jawaabay “Sool,  Sanaag iyo Cayn  Somaliyada maantu way ka badantahay oo in Somaliland iyo loo kala hadlayo, anaga wax na kala Saaraya oo na kala geynayaa ma jiraan,  waxa la inagu qaybiyaa ee tadku cuskadaan waxay tahay, xagna Ingiriiskii ayaa gumaysan jiray xagna Talyaanigii,  taasna Somalia iyada oo mid ah konton sanno ka hor waxay sheegtay inaanay aqoonsanayn Xuduudihi isticmaalkii,  markaa Goboladaas Sool, Sanaag iyo Cayn waxay ka mid yihiin dalka, dhalinyarada joogtana”
 
 
Madaxweynaha Somaliland Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watay “Waxaan didiin sheegayaa anagu diyaar uma nihin inaanu fadhiisanno meel kala go’a Somalia ah, laakiin waxaabu diyaar u nahay inaanu fadhiisaanno meel kasta oo mid nimada Somalia ka imanayso”
 
Sidoo kale Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay Somalia mid keliya tahay min Raaskaambooni illaa Saylac “ Somalia waa mid min Raaskaambooni illaa Saylac”
 
Hadalkan Madxweynaha Somalia, ayaa ku soo beegmaya xilli ay labada dal ee Somaliland iyo Somalia kala saxeexdeen dhowaan heshiis ay labada dhinac isla qaateen, kaas oo qodob ka mid ah uu nuxurkiisu ahaa in labada dhinacba ay iska  ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee wax yeeli kara sii socodhada wada hadaladdada labada dhinac,
 
 hargeysa somaliland

Mu'tamar Holland 09.05.2013Dadku Say Ukala Duwanaanayaan Malinta Qiyaamaha Sh. Cabdibaasid

Mu'tamar Holland 09.05.2013Dadku Say Ukala Duwanaanayaan Malinta Qiyaamaha Sh. Cabdibaasid

Xildhibaan Shaadh Oo Boqor Buurmadow Ku Eedeeyay Inuu Xaalad Abuur Wado

0
0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Cismaan (shaadh) oo ka mida Mudanayaasha  Golaha Guurtida Somaliland ayaa difaacay siyaasada Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ee ku Aadan Sahanimanta iyo Qodida shiidaalka ee Gobolada Bariga Somaliland. Waxa kale oo uu ka jawaabay dhaliilo Boqor Buur madaw shalay u soo jeediyay Xukumada Madaxwayne Siillaanyo
 
Xildhibaanku Cabdiraxmaan Xaaji  Cismaan (Shaadh), ayaa sidan ku sheegay mar uu shalay la hadlayay qaarka mid ah Warbaahinta Muxaliga ah ,waxaanu  sheegay inuu ka mid yahay dadka deegaanka Shidaalka laga qodayo ee Gobolada Bariga Somaliland u dhashay isla markaana aanay dadka deegaankaasi wax dhiba tirsanahayn,Isagoo sheegay in dadka ka soo hor jeeda qodista shidaalku yihiin kuwo Somaliland horumarkeeda diidan,waxanu ku tilmaamay Boqor Cismaan Buurmadaw inu yahay mid aan hadalkiisa u meel dayin oo waxa uu rababa iska sheega”
Xildhibaanku Cabdiraxmaan Xaaji Cismaan (Shaadh)  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Waxa weeye In badan ayaa madaxwaynuhu u dhaga nuglaaday dadkiisa iyo Somaliland, inuu maruun khayraad soo saaro oo ay noqoto calaamad wanaagsan oo uu horseedo. Mujaahidku(Silaanyo), Wuxuu diyaar u yahay inuu Dalkiisa wax ka soo saaro, oo aan is tus ka ahayn iyo aad aduun ka heshid toona ee uu doonayo mustaqbal fiican oo Somaliland inuu dhiso. Haddii meeshaa Ilaahay inooga soo saaro shidaal Somaliland ayuu u soo saarayaa oo uu anfacayaa Shidaalku. Anigu waxaan ahay Dadka u dhashay meesha laga soo saarayo Shidaalka Awoowgaybaaba ku Aasan Kaamka ay fadhiisinka ka dhigteen.Anaa geeyay Gaalada lixda Kaamba” ayuu yidhi Xildhibaan Shaadh.
ildhibaanku Cabdiraxmaan X Cismaan (Shaadh) oo ku eedeeyay Boqor Cismaan Buurmadaw inu yahay shaqshi Fidmo wada ahi waxa uu yidhi”Boqor cismaan waxaan leeyahay waxaad caadaysatay in aad maalin walba sheegto wax aan jirin  oo aanad u meeel dayin ,waxaan ku leeyahay Cimaadaaada hayso yaan kaa dhicine boqol jeerbay dhulka kaaga dhacdee ,maalin waliba  waxaad mushaakilad iyo carqalad galisa Somaliland, maaha Somaliland cade muuse iyo cabdilaahi yuusuf ,Somaliland iyadaa wax noqtay mujaahid madaxweyne siilaanyana wax u dhiibatay ,boqor mar walba in aad iska hadashanaa waa kugu meel ka dhac”
 HARGEYSA SOMALILAND

Mu'tamarkii 6aad Holland: Samaha oo Dadka la Dhaxdhigo - Sh. Suldaan Gasle

Mu'tamarkii 6aad Holland: Darsiga Salaada - Sh. Yusuf Axmed


Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Oo Madaxweynaha Ku Amaantay Go’aankii Uu Ka Qaaday Shirkii London

0
0

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga taladda dalka  haya ee KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa amaan balaadhan u soo jeedisay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxayna ku amaantay go’aankii uu ka gaadhay Shirkii London, waxayna sidoo kale sheegtay in Shacabka reer Somaliland aanay marnaba dib ula midoobi doonin Somalia.
Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, oo Wargeyska Saxansaxo u waramaysay, ayaa sidoo kale Bulshada reer Somaliland ugu baaqday inay si wanaagsan uga qeybtaan Xuska 18-may, ee fooda inagu soo haysa,waxayna tidhi iyada oo arimahaas ka hadlaysa “Jamhuuriyada Somaliland waxa soo amaray Afar Madaxweyne oo kala ah ALLE ha u wada naxariiste Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha hadda taladda dalka haya ee Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), inta badan waxa ay dadka qaar yidhaahdaan Somalia ayey inoo wadaan, balse waxaas waxba kama jiraan, cid Bulshada reer Somaliland Somalia geyn karta ma jirto, dadka reer Somaliland waa dad wanaagsan oo qaaliya oo iyagu dalkooda iyo dantooda hore go’aan uga gaadhay”.
 
Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, iyada oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxa ay tidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa uu diiday oo uu fahmay Shirqool lala damacsanaa Somaliland, aad iyo aadna waan ugu amaanay Shirkii London ee uu qaadacay, waxaan kale oo aan aad ugu amaanay safarkii shaqo ee qiimaha badna ee uu ku tagay Turkiga,Ingiriiska iyo Mareykanka”.
Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga taladda dalka  haya ee KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, iyada oo hadalkeedii sii wadata waxa ay tidhi “Waa inaynu aad iskugu diyaarina Xuska 18-may, oo aynu aad u xusna, Beesha Caalamkana aynu tusna iyaynu nahay dalka iyo dad jira, oo hanaan Siyaasadeed oo aad u wanaagsan sameeystay”.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Siyaasi Ka Soo Jeeda Bariga Sanaag Ah Oo Ka Digay Dhaqdhaqaayo Ay Maamulka Puntland Ka Wadaan Deegaanadaas

0
0

Prof: Axmed Maxamuud Nuur, oo ka mid ah Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolka Sanaag Beri, isla markaana ka mid Madaxda Sare ee Xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE, ayaa ka digay dhaq dhaqaaqyo Siyaasadeed oo ay Puntland ka waddo Xuduudaha Somaliland ee Gobolka Sanaag,waxaanu Xukuumadda iyo Bulshada ku dhaqan Deegaanka Sanaag Beri ka codsaday inay la socdaan xaaladaha Siyaasadeed ee ka muuqda Puntland.
 
Prof: Axmed Maxamuud Nuur, oo Shalay Wargeyska Saxansaxo ugu waramaayey Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horeyn hadalkiisii waxa uu ku bilaabay “Haddii aanu nahay Xukuumadda iyo Xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE, indho gaar ah ayaanu ku hayna xaaladaha ka socda Puntland, waxaana ognahay inay soo wadaan Golayaasha Deegaanka sida uu caddeyey Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse, taasi oo uu sheegay in Faroole uu kala daray Barlamaankiisi una kala diray Degmooyinka, Magaalooyinka, Gobolada iyo Tuulooyinka si ay uga soo diiwaangeliyaan Xisbiyada iyo Ururada ay tuurta ku sitaan”.
Prof: Axmed Maxamuud Nuur, oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan Bulshada ku dhaqan Deegaanada Sanaag Beri uga digay inay ka feejignaadan oo ka taxadiraan  dhaq dhaqaaqyadaas Siyaasadeed oo khatar u keeni kara, iyo firaaq laga helo, goobihii ay fadhiyeen Ciidamadaas gadooday, oo ay is hor fadhiyeen Alshabaabka, iyada oo ilo xogogaal ahi sheegayaan in Ciidamada Puntland goobihii ay ka kaceen ay ku soo turkeen Ciidamada Alshabaab, taas oo dhab ahaan keeni kara amaan daro, marka waxaan ka codsaday oo aan ugu baaqay Bulshada ku dhaqan halkaas in wixii khatar ku keeni kara amaan daro ay la soo socodsiiyaan Dawladdooda oo mar walba heegan u ah, hoo iyo hiilbana la garab taagan”.
Prof: Axmed Maxamuud Nuur, mar uu ka hadlaayey Xuksa 18-may ee fooda inagu soo haysa ayaa yidhi “Waxa fooda inagu soo haysa Maalintii uu dalkeenu madax baaninada qaatay ee Xuska 18-may, waxaana guud ahaan bulshada reer Somaliland ka codsanayaa inay si weyn oo aad u balaadhan u xusaan, haddii ay noqoto dalka gudihiisa iyo dabadiidaba”.
HARGEYSA SOMALILAND

Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Gaadhay Booramana Xadhigana Ka Jaray Waddo Cusub Mid Kalena Dhagax Dhigay

0
0

Wefti  wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay ku weheliyaan wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mud. Maxamuud Bare Garaad iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mud. Cakuse, ayaa shalay gaadhay magaalada boorama ee gobolka Awdal, waxaana halkaasi loogu soo dhoweeyey si ballaadhan..
Badhasaabka Gobolka Awdal Mud. Cabdoo Axmed Aayar oo faah faahin ka bixiyey ujeedada wafdiga kua soo dhaweeyay gobolka Awdal, ayaa  waxa uu yidhi “ Wasiir ku soo dhawaada gobolka Awdal, waan idin soo dhawaynaynaa, waxana ay tahay wafdigan ujeedada uu u yimid Boorama inuu dhagax dhig yo xadhig ka jaris ku sameeyo wadoda isku xidha Boorama iyo Dila, waana maalin taariikhi ah oo ku suntanaan doonta bilawgii dhamaytirka jidka laamiga ah ee isku xidha labadan degmo”
Wasiir Xirsi ayaa waxa uu xadhiga ka jaray Jidka isku xidha Boorama iyo Dila 3km oo kamid ah, waxana uu isla halkaasi dhagax dhigay 5km oo kale oo jidkaasi dhamaystiri doonta, waxan halkaasi warbixin ku siiyay Maareeyaha hayada SRA ee Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan waxana uu yidhi “ Mudane Wasiir jidkan aad xadhiga ka jaraysaa waa 3km oo ay xukuumadu maal galisay taasi oo ay fulisay hayada Asarda, waxana ay noqonayaa mid wax badan ka tartay baahidii jidadka ee gobolka Awdal, sidoo kale wadadan aad dhagax dhigtay waa 5km oo kale oo dhamaystir u noqonaysta jidka Dila ilaa Borama oo ay baahi badan u qabeen dadka ku nool gobolkani inay helaan”
Wasiirka Madaxtooyada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Alxamdulilaah eebe ayaa nagu simay inaan jidkan dhamaytirkiisa maanta dhagax dhigno, waxa aan ku rajo waynahay inuu dhamaan doono, waxana an sheegayaa hashu intan oo kaliya ma aha oo dhamaan mayso balse waxa nooyaala wax qabad badan oo u baahan inaan hiigsano oo ay umadu naga sugayso, isla markaana qayb ka ah waxyaabihii aan balan qaadnay, anaga oo marwalba ku xisaabtamayna tamarta xukuumada hadana waan dadaalaynaa waxqabadkuna waa astaanta xukuumada uu maanta hormuudka u yahay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Qaraxyo ka dhacay Turkiga

0
0

Ugu yaraan afartan qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay Reyhanli oo ku taala xuduuda Turki iyo Suuriya.

“Sanduuqa Somaliland Development Fund waxa samayntiisa iska kaashaday Ingiriiska iyo Denmark, Lacagta ay go’aansadeen in ay ku shubaan afartii sanadoodba waa ilaa $52-milyan oo dollar”Wasiirka Qorshaynta Somaliland

0
0

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu wargeyska Waaheen qoray cadadkiisii Khamiistii doraad, kaasi oo uu sheegay in sanduuqa loogu tallo galay in Somaliland loogu shubo kaalmada dibada ay dawlada Britian ku dartay dhaqaalihii ay ugu yaboohday dawlada Soomaaliya.
Dr. Sacad Cali Shirre, oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN ayaa sheegay in aanay wax iska bedelay jirin sanduuqaasi lacagtii ku jirtay iyo siyaasadii loogu tallo galay midna, waxaanu wargeyska Waaheen ee warkaasi qoray u soo jeediyay in uu ka fiirsado qorista wararka noocaasi ah isla markaana ay ahayd ka hor inta aanay warkaasi baahin ay wax ka waydiiyaan cida ay arrintaasi khusayso.
Waxaanu yidhi “Warka uu wargeyskaasi qoray waa mid aanay waxba ka jirin, lacagtaa qadarkeedii iyo siyaasadeedii midna wax iska bedelay oo ilaa hada la noo sheegay ma jirto, wax walba sidii markii hore loogu talo galay ayay u socdaan, Wararka caynkaas ah in la qoraa ma wanaagsana, waayo wareer ayay dadka ku beerayaan, marka ay warbaahintu wax ka qorayaan arrimaha noocaas oo kale ah waa in cida ay khusayso ay waydiiyaan ee ma aha in ay wax iska abuuraan oo ay umadda jahawareeriyaan”.
Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, waxa kale oo uu sheegay in sanduuqaasi oo magaciisa la yidhaado Somaliland Development Fund ay samayntiisa iska kaashadeen dawladaha Britian iyo Denmark isla markaana ay afartii sanadoodba ugu talo galeen in ay ku shubaan lacag gaadhaysa ilaa $52 milyan oo doolarka maraykanka ah “sanduuqa magaciisa waxa la yidhaahdaa Somaliland Development Fund, waxaana samayntiisa iska kaashaday dawladaha Ingiriisa iyo Denmark, lacagta ay go’aansadeen in ay ku shubaan marka la isku geeyo waa ilaa $52-milyan oo dollar afarta sanadood ee soo socda oo uu sanadkani ku jiro” ayuu yidhi Wasiirku.
Dr. Sacad Cali Shirre waxa kale oo uu intaasi raaciyay in isaga iyo wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyada ay magaalada Addis ababa kula kulmeen masuuliyiin ka kala socday dawlada Britian iyo Denmark iyo hay’ada la yidhaahdo DFID isla markaana ay halkaasi ku kala saareen shan shirkadood oo u tartamay in ay maamulaan sanduuqa Somaliland Development Fund isla markaana ay ku guulaysatay hay’ad dalka Ingiriiska laga leeyahay.
Wasiirku isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “muddo hada laga joogo Saddex todobaad oo ahayd bishii ina dhaaftay 16-keedii iyo 17-keedii ayaa aniga iyo wasiiru dawlaha maaliyada Cadaani aanu tagnay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo aanu kula kulanay koox ka socotay labada dawladood ee Britian iyo Denmark, gabadh ka socotay safaarada Denish-ka iyo qolo kale oo ka socotay hay’ada la yidhaahdo DFID , waxaanu halkaa ku kala saarnay shan shirkadood oo u soo tartamay in ay sanduuqa maamulaan, mid ayaanu ka dooranay shirkadahaasi, jimcihii ina dhaafay ayaa la ogaysiiyay cidii heshay iyo cidii waydayba, waxaana ku guulaysatay in ay maamusho sanduuqa Somaliland Development Fund shirkad dalka Ingiriis laga leeyahay, waxaanay xafiis ku leedahay magaalada Nayroobi, halkan (Hargaysa) xafiis ayay ka samaysan doonaan”.
Wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shirre, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “qorshuhu waxa weeyi in lala kulmi doono shirkadaasi, kolay muddo ayay ku qaadanaysaa in ay xafiisyadooda iyo shaqaalahooda ay samaystaan, markaa inta ay hawlahooda dhamaysanayaan ee ay is habaynayaan, ayaynu diyaarin doonaa waxyaabaha inoogu mudan, laba nin oo khubaro ah oo arrintaa inagala shaqeeya ayaa imika Hargaysa jooga, waxaanay inagala sahqaynayaan sidii aynu u qeexi lahayn baahideenu way badan tahaye meelaha ay baahida ugu wayni inaga hayso sida ay wax inoogu kala mudan yihiin ayay inagala shaqayn doonaan. habkaa imika socdaa marka uu dhamaado waxaynu ku talo jirnaa in afarta shay ee inoogu mudani ay soo baxaan, afartaa waxyaabood ee inoogu mudan ee inoo soo baxa ayaa dabadeedna mashaariic laga diyaarinayaa, mashaariicdaasi ayaana loo qadimayaa sanduuqa sidii looga maal gelin lahaa, waxaa laga yaabaa mudada aynu ku diyaar garoobayno ama aynu ku gaadhayno derejada ah in aynu mashaariic qadino ay inagu qaadato ilaa lix bilood, in ay ka yaraatana waa laga yaabaa”.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live