Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirkii Cashuuraha Itoobiya Iyo Masuuliyiin Kale Oo La Sheegay In Loo Xidhay Eedo Musuqmaasuq

$
0
0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay xabsiga dhigtay Wasiirka Canshuuraha u qaabilsan Dowladdaasi oo lagu magacaabo Melaku Fenta iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaraddiisa oo lagu eedeeyey arrimo musuqmaasuq
Afhayeen u hadlay Xukumadda Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Shimeles Kemal, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa xaqiijiyey xadhiga wasiirka, waxaanuu sheegay inay wadaan baadhitaano la xidhiidha arrimaha musuq maasuqa ee lagu eedeeyey.
Warbaahinta Dalka Itoobiya ee ku hadasha afka Xukumadda Dalkaasi, ayaa sheegtay in xadhiga Masuuliyiin tani uu yahay mid la xidhiidha musuq-maasuq baahsan oo lagu eedeeyey.
Wasiirka Cashuuraha Itoobiya ee la xidhay Melaku Fenta, ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Xisbiga talada dalkaasi haya ee EPRDF, isla markaana uu ka  mid yahay Masuuliyiinta ugu saraysa dalka Itoobiya, waxaana lala xidhay 11 ka mid ah Masuuliyiinta Canshuuraha Iyo Ganacsadayaal.
 
HARGEYSA SOMALILAND


Somalia, the first lady on violence against women “Without institutions or rights here are the origins”

$
0
0

Asha Haji Elmi is the wife of Abdi Farah Shirdon, current Prime Minister of the Federal Republic of Somalia and in August 2012 she herself Somali Federal Member of Parliament, one of the few MPs of the transition period (2004-2009) to be re-elected. “We have sensitized the religious authorities, civil society involved. First there was silence, women raped
 Source: SHUKRI SAID from la republica newspaper

Somalia, civil war, violence against women, women, Asha Haji Elmi, Abdi Farah Shirdon, Association Migrating, Migrating Association.
 
Shabbelle Media Network (ROME) – Asha Haji Elmi was born in Somalia in 1962 where she graduated from the Somali National University in Mogadishu. She e also holds a Master’s degree in business administration from the International University of the United States. And ‘the wife of Abdi Farah Shirdon, current Prime Minister of the Federal Republic of Somalia in August 2012 and is herself Somali Federal Member of Parliament, one of the few MPs of the transition period (2004-2009) to be re-elected. She’was the founder of the Association for the salvation of Women and Children (SSWC) in 1992, at the height of the civil war, and in 2000 promoted the Sixth Clan Association, movement for the promotion of Somali women in the political life of the country. It has also committed to the banning of female genital mutilation, a practice widespread in Somalia. She is currently working in Somalia against sexual violence against women and held a discussion on the topic during the London conference on Somalia in which, for Italy, was attended by the Minister of Foreign Affairs, Emma Bonino.
What was the most difficult to make the civil rights activist in Somalia at the time of the warlords?
It was not easy for anyone to live under the warlords in Mogadishu. The city was divided between the clan and it was hard to even move. From one area to another, even more difficult was the struggle for the affirmation of civil rights in those conditions, but we never gave up pursuing what we believed and we still believe.
How many women are raped in Somalia?
It ‘an unknown number, they lack reliable statistics, but it’s still an impressive number.
Who are the men who rape women in Somalia? They are men in uniform?
The violence has deep roots in the civil war which lasted twenty-two. With the collapse of the institutions has fallen in two decades without rules or rights.
What are the means to combat violence against women as a weapon of war?
We have launched a campaign without precedent. We started from the most prominent figures in society, from the mosques. We have involved civil society to 360 degrees. Before there was total silence
it was a taboo. The raped women were hiding. Instead we have involved first of all men, the religious, the notables to make them aware of the seriousness of the problem and we have made it clear to the girls who have no guilt and no shame. Do not be ashamed to report because the shame falls on their rapists. Currently we are pushing even more. We have promoted the creation of songs against violence against women and there is even a ringtone for mobile phones that plays one of these music.
What do they need women raped?
They need care, social work, and psychological support. Those who remain single and unmarried mothers must also have an economic subsidy.
What do you ask the international community and what you got from the London Conference on Somalia?
First of all, we turned to the Somalis. Somalis are facing their own problems first, and also that of violence against women. So far we have obtained the help of the local community that has given us the funds to finance the campaign to raise awareness that we are pursuing. The response was amazing and people have shown great interest and appreciation for giving us the problem with the consent and support economic strength to continue. Ask the international community to strengthen the institutions, security, justice and the construction of a state that gives the ability to protect the most vulnerable. Without these conditions will not be possible to state with effective human rights and the people who commit these crimes go unpunished.
Is she wants to make an appeal to Italian institutions?
Italy was close to Somalia during the civil war. The friendship between the two peoples is indelible and I’m sure that will grow much more, now that Somalia has found that unity of purpose and try to get out of the abyss into which it had fallen. Extremely encouraging for the solution of the problems of whose commitment to human rights is known around the world. Though I have already made to the Italian authority appeal to continue to support Somalia in its efforts for peace and reconstruction. But it is you that I appeal especially to the struggle for women’s rights which will increasingly take a central position in the international debate. Without respect for women and their body every other battle for human rights will be fading out.
What is your wish for the future?
That as soon as may be held in Mogadishu, an international pacification of Somalia at the Italian Foreign Ministry there is now Emma Bonino, whose history  and reconstruction. But it is you that I appeal especially to the struggle for women’s rights will increasingly take a central position in the international debate. Without respect for women and their body every other battle for human rights fades.
 

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya, Jeneneraal Saacid oo si Rasmi ah ula Wareegay Xilkiisa (SAWIRRO

$
0
0

 
Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Somalia Jen. C/kariin Daahir Siciid (Saacid) oo toddobaad ka hor loo magacaabay xilkan ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilkiisa, waxaana xafladdii lagu wareejinayay xilka ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiya maxkamadda sare, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf iyo wasiirka arrimaha guddaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.
“Hoggaanka cusub ee aanu u magacownay ciidamada difaaca iyo ammaanka dalku wuxuu qayb weyn ka yahay dadaalka aan ugu jirno sugidda amniga iyo isbedelka cusub ee aan ku doonaynno inaan si buuxda ugu xasilinno dalka,” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday dugsiga tababarka booliiska ee Jen. Kaahiye loona yaqaano (Scuola Polizia).
Jen. Sharif Shiikhunaa Maye ayaa labo sano ahaa taliyaha ciidanka booliiska, waxaana lagu amaanay inuu qeyb weyn ka qaatay dib-u-dhiska ciidanka oo muddadii uu taliyaha ahaa saddex jibaaray tirada ciidanka booliiska Somalia. Taliyaha oo munaasabaddii maanta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay qorshe sare loogu qaadayo tayada iyo tirada ciidanka si loo gaarsiiyo howlaha ciidanka dalka oo dhan.

“Waxaan soo dhaweynayaa taliyaha cusub ee ciidanka booliiska, waxaana u rajeynayaa in Illaahay u fududeeyo xilka weyn ee uu qaaday. Waxaan kula dar-daarmayaa inuu u hawlgallo kordhinta tirada ciidanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayadooda,” ayuu yiri Jen. Maye oo ku amaanay ciidanka sida ay naftooda ugu huraan sugidda ammaanka dalka iyo difaaca xuquuda shacbiga Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mahad gooni ah u soo jeediyay taliyihii hore ee booliiska Jen. Shariif Shiikhuna isagoo ku ammaanay wada-shaqeyntii ay lahaayeen lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxayna ra’iisal wasaaraha iyowasiirku goobtaas billad Sharaf ku guddoonsiiyeen Jen. Maye.

 
 
Source-Hol

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada Somaliland oo Shaacisay In ay iyadu Ogolaatay Lambarrada cusub ee Telesom

$
0
0

Wsaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa sheegtay inay ogolaatay lambaradda fureyaasha cusub ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay Mobile-keeda gacanta.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Mudane Xasan Cumar Hoorri, ayaa sharaxaad ka bixiyey fureyaasha cusub ee ay soo kordhisay shirkadda TELESOM.
“08-dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay lambaradeedii ku soo kordhisay Tirsiga 063 taas oo keentay in la isweydiiyo lambarka cusub inkastoo shirkaddu in muddo ah dadweynaha ku wacyigelinaysay isbedelkan soo kordhay”ayaalagu yidhi war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay agaaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo boosaha Somaliland Xasan Cumar Hoori, waxaanu intaas ku daray. “Haddaba waxaa Wasaaradda xaq loogu leeyahay in ay bulshada u iftiimayso lambarkan soo kordhay iyo in ay dadweynaha ka wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka. Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM waxaa uu lamabar 06 u qondeeyay telifoonada mobilka ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062 halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateen Telesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.
Illaa hadda dalkennna waxaa laga isticmaala furaha dal (country Code) 252 kaas oo aan la wadaagno Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa innoo kala soocan furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka ku qeexaynaa lambarka cusub ee 063 inuu gaar u yahay dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland. Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray lambarada dalka.
Haddaba iyadoo isla arrinkan ay hore warbaahinta uga la hadleen wasiirka iyo madaxda wasaaradda, mar labaad waxaan halka ka caddeynaynaa in wasaaraddu oggolaatay adeegsiga lambarada cusub ee 063, isla markaana aanu waxba u dhimmayn Qarannimada Somaliland, taasoo dhammaanteen aanu wada taagan nahay difaaceeda iyo horumarinteeda.
Isagoo hadalka sii wata ayuu yiri: “Wasaaraddu waxay hore ugu baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud, 10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15ka May si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh mudnaanta kowaad ee dalka. Allaa Mahad Leh.”
Source-Hol

Abuukaate C/risaaq Nuux Xasan “Dastuurka Loo Sameeyay Maamulka Jubaland Waa Sharci darro”

$
0
0

Abuukaate C/risaaq Nuux Xasan oo ka mid ah Abuukaateyaasha Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dastuurka dhawaan loo Sameeyay maamul goboleedka Jubaland, iyo sida la’isku waafajinkaro dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kan Maamulka Jubaland.
Abuukaate C/risaaq Nuux Xasan ayaa sheegay in dastuurka maamulka Jubaland ay ku jiraan qodobo ka horimaanyo dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya ee la ansixiyay 1-dii Bisha August 2012-kii, Wuxuuna Abuukaatuhu qodobadaasi ku sheegay sida tan.
1-in Dastuurka Jubland uu dhigayo in Madaxweynaha mamulka Jubaland ay soo dooranayaan Ergo ka kooban 500 oo Xubnood aysan dooraneyn Baarlamaanka Jubaland.
2-In dastuurka Jubaland uu ka hor imaanayo qodobka 4aad ee dhigayo sareenta dastuurka uu ku sheegay abuukaatuhu shareecada Islaamka.
Abuukaate C/risaaq Nuux Xasan ayaa qodobadaasi ku sheegay inay yihin kuwo ka horimaanyo dastuurka dowladda dederaalka Somaaliya, loona baahan yahay in la waafajiyo dastuurka dalka, isagoo inataasi ku daray in wax kasta ee ka horimaanyo dastuurka dalka uu yahay mid sharci daro ah.
Ugu dambeytii Abuukaataha ayaa sheegay in odayaashii ansixiyay dastuurka Jubaland ay galeen qiyaano qaran, islamarkaana ay ku xad gudbeen shacabkii ay matalayeen.
 
 
 
 

AMISOM troops remove some illegal road blocks at Shabelle region

$
0
0

Marka (Sh.M.Network) AMISOM troops removed some of the illegal road blocks that operated at the lower Shabelle region of Somalia.
The residents of Shabelle region complained of rising insecurity and increased number of illegal road blocks that terrorized motorists who operated along the region.
The AMISOM troops accompanied by officials from the lower Shabelle region today managed to remove road blocks along the road that connects Marka and Afgoye town.
Officials from AMISOM, the administration of the region and federal government troops are currently holding a meeting to discuss the tackling of insecurity in the region. The AMISOM troops have secured some of the roads in the region and motorists have welcomed the operation.
 
 

Madaxweynaha Galmudug oo Ka digay Khilaaf soo kala dhex gala Baarlamaanka

$
0
0

Gaalkacyo (Sh.M.Network) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Maanta Saxaafadda Kula Hadlayay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa uu Ka hadlay arrimo Fara badan oo ay Ka mid yihiin Shirar Muddooyinkii dambe Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi uu Kula soo qaatay Madaxda Ugu Sareysa dowladda Somaaliya iyo Sidoo Kale qaar Ka tirsan Hay’adaha Samafalka kuwaasi oo dhamaantood uu sheegay in uu Kala hadlayay sidii Maamulka Galmudug Loo Taageeri Lahaa.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Ka digay kala qeyb sanaan Ku timaada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maadaama sida uu hadalka u dhigay ay Socdaan Shirar kala duwan oo sida uu sheegay  Culees ku ah Dowladda Dhexe ee Soomaaliya Gaar ahaan Caqabad Ku ah Madaxda ugu Sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa dhanka kale Soo dhaweeyay qodobadii ka soo Baxay Shirkii dhawaan Ku soo Idlaaday Magaalada London ee Caasimadda waddanka Ingiriiska isagoo sheegay in  Kamaamul ahaan ay soo dhaweenayaan.
Hadalka Ka soo Yeeray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeyb diid ayaa Ku soo Beegmaya Xilli Safar uu Muddooyinkii dambe uu uga Maqnaa Deegaanada Maamulkaasi.

Tahriibayaal Soomaali ah oo Lagu Bad baadiyay Biyaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga

$
0
0

Rome (Sh.M.Network) Wararka Ka imaanaya Badda U dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga ayaa ku soo warramaya in Tahriibayaal Soomaali ah oo Ka Ambabaxay Xeebta Liibiya kuna sii Jeeday Dalka Talyaaniga iyadoo ay La qallibmi Rabtay Doonta ay Saaraayeen Laga bad baadiyay.
Ciidamada Badda Dowladda Talyaaniga ayaa La sheegay in ay Bad baadiyeen Tahriibayaashaasi Soomaalida ah Xilli ay La qallibmi Rabtay Doonida ay Saaraayeen.
Tahriibayaashaan ayaa waxa ay qeylo dhaan U Direen Markab Nuuca dagaalka ah oo ay Leedahay dowladda Talyaaniga kaasi oo ay Ka dalbadeen in si Deg Deg ah uu ugu soo Gurmado.
Saraakiisha Talyaaniga ayaa waxa ay sheegeen in Tahriibayaashaan oo aad u fara badnaa ay Bad baadiyeen Haatanna La Geeyay Xeebta waddanka Talyaaniga.


Howl Gal dad badan Lagu soo qabtay oo Laga sameeyay Garoowe

$
0
0

Garoowe (Sh.M.Network) Taliyaha qeybta Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cabdi Raxmaan Xaaji Xasan oo Isagu Shir Jara’id Ku qabtay Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa Ka Warbixiyay Howl Gallo uu Ku tilmaamay in Ammaanka Lagu Xaqiijinayo kuwaasi oo 24 kii saac ee La soo dhaafay Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ay Ka sameeyeen Magaalada Garoowe iyo Deegaanada Ku Xeeran.
C/Raxmaan Xaaji Abshir Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa Shaaca ka qaaday in ay Gacanta Ku soo dhigeen dad uu sheegay in ay Hub Sharci darro ah ku dhex siteen Magaalada Garoowe isagoo Mar Kale Ku Celiyay in Gacanta Lagu soo dhigi doono Cid Kasta oo Hub Sharci darro ah ku dhex sita Gobolka Nugaal.
Sikastaba Ha ahaatee Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in Gacanta Lagu soo dhigay Askari Ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo uu sheegay In Fal dil ah uu U Geystay Haweeney Ka mid ahayd Hablaha qaadka Ku iibiya Magaalada Garoowe kaasi oo uu sheegay in dhawaan Sharciga La Horgeyn doono.
Arrimahaan ayaa Ku soo Beegmaya Markii Muddo 24 Saac kadib Ciidamada Ammaanka Maamulka Puntland ay Sii Xoojiyeen Howl Gallo ay Ku tilmaameen in Ammaanka Lagu Xaqiijinayo inkastoo aysan ahayn Markii Ugu Horeysay oo Howl gal Ceynkaan oo Kale ay Ka sameeyaan Ciidanka Ammaanka Maamulka Puntland Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulkaasi.

Mu'tamarkii 2013 Holland: Axkaamta Soonka - Sh. Cabdibaasid

Wicitaanka: Maxamuud Maxamed Culusow

$
0
0

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Guddoomiyihii hore ee bangigii dhexe ee Somalia M. M. Culusow, waxana uu barnaamijku ku saabsan yahay arrimaha maaliyadda ee Somalia

Dib-u-dhaca Dayactirka Gegida Dayuuradaha Hargeysa

$
0
0

Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegey in dib u habeynta garoonka diyaaradaha ee Hargeysa sidii loogu talagaley ay u socoto.

Garowe: Xeerka Saxaafadda oo laga Dooday

$
0
0

Magaalada Garowe waxaa lagu soo gabagabeeyey kulan wadatashi ah oo dib u loogu eegayey xeerka saxaafadda Puntland, kaasoo ay u dhammeyd Saxaafadda gobolku

Kenya: Ciidamo u Gurmanaya Dirirta Raamo

$
0
0

Degaanka Mandera ee gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya waxaa ku sii qulqulaya ciidamada milateriga iyo booliska si ay hubka uga dhigaan maliishiyad maxalli ah iyo kuwo ajaanib ah oo ka qeyb qaatey dagaal halkaasi ka dhacay.

Maktabadda Pasila Library oo uu ka furmay carwo buugeedkii sanadlaha ahaa ee Bandhigga buugaagta Soomaalida, Somali Book Fair

$
0
0

Image preview

Bandhig buugeedkii 9aad oo maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Waxaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland carwo buugeedkii sanadkii 9aad. Kulankan waa bandhigga ugu weyn uguna fac weyn ee ka dhaca qaaradda Europe. Bandhiggan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya shirkadda daabacaadda buugaagta ee Scansom Publishers & maktabadda magaalada Helsinki.

Sanadkan waxaa qeyb libaax ka qaatay barnaamijkan furitaankiisa qoreyaasha Soomaalida hormuudka u ah lagana soo casuumay dalal kala duwan. Qoreyaasha ka soo qeybgalay sanadkan waxaa ka mid ah:-

1. Prof. Cabdalla Cumar Mansoor ahna khabiir ku takhasusay cilmiga afafka.
2. Dr. C/salaan Xaaji Max'ed
3. Dr. C/qaadir Cali Boolaay
4. Dr. Max'ed Sheikh Xassan Nuur
5. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhban"
6. Macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan.
                         
Bandhiggan waxaa furtay maamulaha guud ee maktabadda Helisinki oo gacmo furan & bogaadin ku soo dhaweysay dhammaan dadweynihii ka soo qeybgalay barnaamijkan isla markaana si gaar ah ugu mahadcelisay, qoreyaashii ka kala yimid dalal kala duwan sida qaaradda waqooyiga America & dalalka Midowga Yurub.
          
       
Sidoo kale waxaa isna hadal soo dhaweyn & mahadnaq ballaaran ka jeediyay goobtaasi Xildhibaan C/raxmaan Max'ud Cali "JIIMI" oo mudane laga soo doortay deegaanka Espoo, ahna qabanqaabiyeyaasha joogtada ah ee barnaamijkan.

       
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in kulankani ay gacan ka geysteen ururrada kala ah:-
     
      
Finland - Somalia association, Helina Ruatavaara Museum & Pasila Islamic Centre, Masaajidyada kala ah Itakuskus.

Qoraaga Max'ed Sheikh Xassan oo ka hadlaayay xiritaanka kulanka maalinta 1aad ayaa carabaabay in sanadka soo socda uu ku beegan yahay sanadguuradii 10aad ee carwo buugeedka lagu daryeelo laguna kobciyo illaalinta Afka, Dhaqanka & Taariikhda Soomaalida, wuxuuna hadalkiisa ku soo gebagabeeyay in xuska sanadguurada 10aad noqon doonto munaasabaddii ugu meel ka ka baxsan Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna gacan weyn ka geystaan xuskaasi.

Kulankan ka socda Helsinki wuxuu soo gabagaboobayaa maalinta berrito ee Sabtida, bandhiggan qeybtiisa 2aad waxaa lagu qaban doonaa maalinta Axadda taariikhduna tahay 12ka bisha May, 2013 magaalada TURKU. Ka soo qeybgal wacan


Dadku Say Ukala Duwanaanayaan Malinta Qiyaamaha Sh. Cabdibaasid.muxaadaro mpg

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Fiirsanayso Tallaabadii Ay Ka Qaadi Lahayd Faysal Cali Waraabe Soona Faqday Xidhiidh Ay Tilmaantay Inuu Ullaa Maxkamadihii La Lahaa

$
0
0

Xuikuumadda Somaliland, ayaa shaca ka qaaday inay ka fiirsanayso tallaabadii ay ka qaadi lahayd  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo dhowaanh Gulan kooni ah Magaalada  Berminham ee waddanka Ingiriiska kula yeeshay  Madaxweynaha Dalka Somaliland Xasan Sheekh  Maxamuud  iyo Wasiirka Arrimaha dibedda Foosiya Xaaji Yuusuf.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), ayaa shalay si adag u naqdiyay kulankii habeenkii Sabtidii uu Magaaladda Birmingham kula yeeshay Madaxweynaha Somaalia iyo Wasiirkiisa Arrimaha dibadda Somalia.
Wasiirku waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe inuu ummadda reer Somaliland u cadeeyay inuu u socdo Somalia, Waxa kale oo uu tilmaamay in Guddoomiyaha UCID uu xidhiidh iyo gacan saar la lahaa Somalia illaa Wakhtigii Maxkamadihii, islaamiga ahaa haysteen Koonfurta Somalia.
Md. Abiib Diiriye waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu naqdiyay siyaasadda Guddoomiyaha UCID, waxaanu shacbiga ugu baaqay inay qiimeeyaan masuulkii u xiiraya iyo kii hool-hoolaya.
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay kulankii dhex Maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu yidhi “Sidaad la socotaan website-yadda waxaad ku arkayseen Faysal Cali Waraabe oo la cashaynayay madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa khaarajiga runtii arrintaasi layaab ayay Somaliland ku noqotay shacab iyo xukuumadba, mahadho ayay noqotay oo dadkii jahwareer ayay ku riday , waayo Faysal ma aha nin caadi ah waa gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ee UCID waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxaweynaha u raacday Turkiga ee wadahadalada aanu Soomaaliya la galaynay ayuu ka mid ahaa, markaa dadkii isagoo taa og waxa wax lala yaabay noqotay inuu hadana halkan ka fudkudiyay, go’aan baa la soo wada qaatay shirkii London waynu diidnay inaynu ka qayb galno sababtuna waxay ahayd madaxaweynaha Soomaaliya ayaa shir gudoominayay go’aan baa la soo qaatay, Faysal go’ankaa wuu la soo qaatay ka mid buu ahaa cida go’aankaa qaadatey”
Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Dadku arrintaas qof sida uu doono ayuu u turjumanayay qaar Faysal ku tilmaamayay khaa’inul waddan laakuin, anagu odhan mayno, waxaan leenahay Faysal maadaama uu gudidaas ka mid ahaa maadaama aanu (mandate) u haysan, waxa xilka umaddu saaran yahay oo (mandate) haysta madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu albaab walba oo danta qaranku ku jirto garaaco oo waliba waxaynu ognahay marka arrimahan oo kale uu kala tashado golayaasha qaranka”.
“Faysal guddoomiyihii xisbi mucaacida ah inuu halka tago oo uu hor fadhiisto raggii aynu is haynay ee aynu diidanayn, arrintaasi la yaab bay ku noqotay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Faysal wad kawar-haysaan in badan ayay afkiisa ka soo baxaday shir qaran hala qabto, waxaan leenahay waxa uu u ham iyo dig lahaa halkan (Soomaaliya) ayay ahayd, waxa igu maqaalo ah jaraa’idka oo qaarkood arrintaa wax ka waydiiyeen inuu dafiray arrintaasina arrin la dafiri karo ma aha, Faysal ninkii ugu fogaa ayuu ahaa dawlada Somaliya ayaanu odhan jirnee isagu waxa uu odhan jiray walawayn, waxa maanta isbedalay iyo halka Faysal tagay iyo sida uu yahay jawaabteeda dadka ayaa ka jawaabi doona, baroortu orgiga ka weyn,”ayuu yidhi Md. Abiib Diiriye.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu ku dooday in Guddoomiyaha UCID u socdo dhinaca Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu waxaan aaminsan nahay in Faysal xagaa (Soomaaliya) uu u socdo. Dadkuna way ogaadeen, dadka isagaa qaranimada dalka leh anagu (xukuumada) adeegayaal ayaanu u nahay in shacabku ka hadlo oo uu soo jeedo oo shacabku ka u xiiraya iyo ka hool-hoolaya kala ogaado waa lagama maarmaan, Markii Turkiga la tagay ayay Faysal nin isa salaameen markaas ayuu ninkii ku yidhi ma igaranaysaa ?, markaas ayuu Faysal yidhi maya. Ninkiina wuxuu ku yidhi waxaan ahay ninkii Sh. Shariif idin xidhiidhin jiray ee aad la soo hadli jirtay ee idiin dhaxeyn jiray, markaa Faysal waligii daahir kamuu ahayn Soomaaliya oo illaa maxaakiimtii ayuu xidhiidh la lahaa, taas ayaaba marag ma doon ah runtii”
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Abiib Nuur Diiriye oo la waydiiyey dallaabada ay ka qaadi doonaan Faysal Cali Waraabe, waxa uu ku Jawaabay “tallaabada aanu faysal cali waraabe ka qaadi doono waanu is waydiinaynaa , dadkana waanu u soo sheegi  doonaa”
Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay kulankii Guddoomiyaha xisbiga UCID London kula yeeshay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden.
 
Wasiir Xirsi oo Shabakada Wararka Ee Somaliland Tody maanta waydiisay sida uu u arko kulanka Guddoomiye Faysal la yeeshay Madaxwaynaha Somaliya, ayaa sheegay inuu arinkaasi cambaaraynayo, maadaama buu yidhi mowqifka dawladda Somaliland yahay inaan cidna gaarkeeda ula kulmi Karin madaxda Somaliya oo aan ka ahayn dawladda oo uu sheegay in fasax loo siiyay.
 
Wasii Xirsi oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Anigu arinkaasi waan ka soo horjeedaa, mowqifka Somaliland-na waxa weeyaan inaan Somaliya qofna gaarkiisa ula kulmi Karin oo aanay dawladda oo fasax loo siiyay inay la kulanto, kalana kulmi karto wadahadalada oo kaliya, Markaa waxaanu leenahay cid kasta oo gaarkeeda iyo danaheeda ula kulanta waanu ka soo horjeednaa oo waanu dhaleecaynaa”
 
 
 
hargeysa somaliland
 

Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Xogo Dheeraad Ah Oo Kulankii Uu La Yeeshay Madaxweynaha Somalia Ay Kaga Wada Hadleen

$
0
0

Guddoomiyaha Xisgia Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa soo faqay warar dheerad ah oo dhex maray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dhowaan ku kulmeen Dalka Ingiriiska, taas oo uu hore u sheegay inay isa salaameen oo kelya, bal;se hadda sheegay inay wada hadleen.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay la hadlay Idaacadda BBC-da, ayaa waxa uu sheegay inay ka wada hadleen shirkii Somalida ee London lagu qabtay Todobadii bisha, taas  oo uu sheegay inay  ku qoslayeen markii sawirka laga qaaday, waxaanuu u jawaabay Wasiirka warfaafinta Somaliland Abiib Tima-cad oo eedo u jeediyey.
Eng Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anaga waanu isa salaanay oo salaantuna waa caadi, markaa laba xafladood oo ay labada jaaliyadood ee UCID iyo kuwa Somalia, ayaa huteel  Xaflad ku wada lahaa oo magaalada wada jooga oo saaxiibo ah, markaa ayey yidhaahdeen labada madax ha isa salaamaan oo ha is arkaan, markaa sidaas ayaanu isku aragnay, markaa waan baxay oo waan soo salaamay, waana dad ay wax iga dhexeeyaan oo qadiyad iyo saaxiibtinimo inaga dhexayso, Salaantuna waa waajib, markaa Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia markii ay Jabuuti u tageen xuskii afka Somaliga way isku arkeen oo way isa salaameen”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa kale oo uu intaas ku daray “Waxaanu ahayn laba nin oo Somali ah oo madax ah, marka la wada hadlayo, ayaa la yidhaahdaa yaad matalaysay, laakiin waxani waa salaam, dee aniga oo Faysal Cali Waraabe ah ayaan Salaamay, anigu dan gaar ah ma yeesho, anigu wakhtigayga waxa aan ku qaatay danta guud, sheekh Shariifna waxaan u sheegayey inaanuu dadka reer Somaliland ku soo dari wada hadallada oo waakii ka reebay,  waxaan filayaa inanta reer Somaliland ee aan ag fadhiyey, laakiin  Xasan sheekh  Maxamuud inaanu mustaqbalka wada kulannop ayaa laga yaabaa, waxaanuna ka wada hadalnay waxa uu ahaa”
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay isaga oo hadalkiisa sii wata “Waxaanu ku idhi Shirkiinii ka warrama, markaas ayey yidhaahdeen wuu wanaagsanaa idinka ayuunbaa naga maqnaa, markaas ayaan ku idhi malaha hadaanu  idiin iman lahayn cirka ayaad mari lahaydeen oo waad duuli lahaydeen, taas ayaa lagu qoslay oo sawirka markaas ayaa la qaaday, waxaanan tusayey Muqdisho iyo Hargeysa inay mar walba wada hadli karaan oo ay dad wada dhashay yihiin, waxan leeyahay Wasaiirka Burco ayuu mudaharaad ka socdaa oo Xariirad ayaa idiin baahan, haddii aan la kulmay Madaxweynaha Somalia sumcaddii maan dumine, burco hagaaji oo Xariirad Hagaaji Mushkiladaha ina hoos yaala xaliya faysal Cali Waraabe looga baqi maayo inuu Somaliland bur buriyo”
 
HARGEYSA SOMALILAND
 
 
 
 

Dilkiii Xusayn ibnu Cali Qaybtii 1aad

UK iyo US oo cadaadis saaraya Suuriya

$
0
0

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Britain ay ku heshiiyeen in la kordhiyo cadaadiska saaran maamulka Suuriya si loo aqbalo mustaqbal aanu ku jirin Madaxweyne Bashar al-Asad.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live