Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Taliyihii Emigration Ka iyo dad La Xirraa oo Xabsiga Laga sii daayay

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) Taliyaha Emigration Ka Air-Portka Muqdisho Max’ud Cabdi cadoow oo Loo Yaqaanno dhabareey iyo dad La Xirraa oo ay ka mid yihiin Daa’uud Cabdi Cadaawe iyo Fartuun C/qaadir Diinle ayaa Maanta la Xaqiijiyay in Laga soo daayay Xabsi ay Ku Jireen.
Taliyaha Emigration Ka Air-Portka Dhabareey oo dhawaan La Xiray ayaa La sheegay in Maanta Maxkamadda darajada Koowaad ay sii deysay Kadib Markii Maxkamaddu ay Xukuntay in Lacag dhan 110 kun oo dollar oo Laga dhacay Xafiiska Emegration ka dib Loo Celiyo.
Max’ud Cabdi Cadoow Taliyaha Emigration ka iyo Daa’ud Cabdi Cadaawe iyo Fartuun C/qaadir Diinle ayaa Maanta si Rasmi ah Loo sii daayay waxaana  Daa’uud Cabdi Cadaawe iyo Fartuun C/qaadir diinle  ay Xirraayeen Muddo dhan 84 Cisho Halka Max’ud Cabdi Cadow Taliyaha Emigration ka uu Xirraa ku dhawaad Muddo 10 Cisho ah.
Si kastaba Xabsiga dadkaan ayaa Ka dambeysay Kadib Markii Laga Xaday Emigration ka Lacag dhan 110 Kun oo dollarka Mareekanka ah taasi oo La doonayay in Lagu dayac Tiro Xafiiska Emigration Ka Magaalada Muqdisho ee ku yaalla Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.


Dhismaha maamulka Jubaland

0
0

Waxaa jira warar iska hor imanaya oo ku saabsan doorasho madaxtinimo oo la sheegay inay maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, iyadoo sida muuqata labo kooxood oo loollamaya ay mid waliba sheeganayso inay madaxweyne doorteen.

Ka Digtoonaanta Cadaabka Alle SWC.Qeebti 3aad Sh Abul-Cabaas Maxamed

Denmark: No forced returns to ‘volatile’ situation in Somalia

0
0

Forcibly returning people to a volatile security situation in Somalia would violate international law, Amnesty International said as the Danish Refugee Board is due to consider returning five Somali asylum seekers.
 
The Danish hearings on Thursday and Friday come after at least two other European states – Norway and the Netherlands – have already ended suspensions on forcibly returning people to the Somali capital Mogadishu.
 
The Dutch and Norwegian decisions – in December 2012 and February 2013, respectively – cited improved security in the capital as the reason for the change.
 
But the European Court of Human Rights and Dutch courts have suspended the deportation of four Somali nationals from the Netherlands since then, while the security situation remains poor in Mogadishu, and extremely dire in other parts of Somalia.
 
“Though there have been improvements in the security situation in Mogadishu, it remains fragile and volatile,” said Sarah Jackson, Deputy Africa Programme Director at Amnesty International.
 
“Somali government control and influence remain weak, and outside the capital in large parts of central and southern Somalia, the armed group al-Shabab maintains de facto control amid what is still an extremely volatile security situation. This is simply not a safe or sustainable situation to forcibly return people to and doing so would violate international law.”

Loolanka Madaxtinimada Iyo Hantida Iyo Saameynta Uu Ku Leeyahay Dhibaatada Soomaaliya

Somaliland Oo Qoraal Cabsho ah U Dirtay Xog-Hayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Mon

0
0

Somaliland ayaa u dirtay qoraal garnaqsi ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon. Waxaaney ay ku caddeynaysay qoraalka badheedhaheeda shirarka caalamiga , marxaladihii Somaliland soo martey iyo mowqifkeeda arrimaha goboleed iyo caalamka, waxa ku saxeexnaa wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdullaahi Cumar.
Waxaanuu u dhignaa sidan:-
“ Waxa aan dareemayaa inay waajibtay in aan caddeeyo labadaba waxa laga yaabo inay tahay isfaham la’aanta ku saabsan mowqifka Somaliland marka la eego dadaallada caalamiga ah ee dib u dhiska Soomaaliya, iyo sida oo kale go’aankii dawladeyda ee ahaa in aanay ka qaybgalin shirkaasi caalamiga ah, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda u taageeraysaa dadaalada dib u dhiska iyo dejinta jaarkeeda Soomaaliya. Waxa danta qaranka Somaliland ku jirtaa iyada oo ay noqoto Soomaaliya mid leh amni iyo nabadgelyo oo awoodaysa inay la dagaalanto argagixisada iyo xag jirnimada, ka hortagta masiibooyinka, isla markaana tirtirta budhcad badeednimada, Sidaa darteed, waxa Somaliland ka qaybgashay shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London 2012. Annaga oo aan qayb ka ahayn wefdigii Soomaaliya, balse ku soconna taayada aan leenahay, waxaanu Madaxweynahayagu ka jeediyay khudbad shirkaasi isaga oo ah Madaxweynaha Somaliland, Wada hadalladani marka ay hore u sii socdaana, waxa aan rajaynaynaa inay labadayada dawladood ku heshiin karaan tallaabooyin la taaban karo oo ku wajahan arrimaha labada dhinac walaacinaya ee ay ka mid yihiin xag jirnimada, budhcad badeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah, qashin qubka, iyo dembiyada kale ee culus. Waxa aan rajaynaynaa in uu wada xaajoodku sida oo kale u keeni karo geedi-socodka nabadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya oo uu diirka ka caddeeyo xidhiidhkooda mustaqbal. Dawladdaydu waxa ay soo dhaweynaysaa ku lug lahaanshaha QM iyo dawladaha xubnaha ka ah sidii ay u fududayn lahaayeen, isla markaana u abuuri lahaayeen jawi raaligeliya wada hadallada, sidaas oo aan gaadhsiinay wefdigii farsamo ee QM markii ay dhawaan ku yimaadeen booqashada Hargeysa”
Qoraaku waxa kale oo uu ka warramayaa taariikhda Somaliland, marxaladihii ay soo martey iyo sida ay aakhirkii dib ugu dhalatey,“Dawladda Somaliland ma aha wax ka soo baxay qabiil keliya ama dano kooxeed. Waase mid sharci ah oo metalaysa dadkii ahaa maxmiyaddii Ingiriiska (British Somaliland Protectorate) ee ka helay xorriyadda 26 Juun 1960 ka hor intaanay iskood ula midoobin shan cisho ka dib Soomaalidii Talyaanigii gumeysan jirey. Kadib soddon sannadood oo lagu hadimeeyay gacmo adag oo ay ku haysay dawladdii dhexe ee Muqdisho, waxa dhacay dagaal sokeeye, waxaana la xasuuqay 50,000 oo ahaa shacib aan waxba galabsan, waxaanay dadka Somaliland dib ula soo noqdeen xorriyadooda 1991. Toban sanno ka dib aftidii la qabtay oo ay qayb ka wada ahaayeen gobollada iyo beelaha Somaliland oo dhami, waxa ay shacbigu ugu codeeyeen aqlabiyad ballaadhan oo ay dib ugu xaqiijiyeen madaxbanaanida dalka, kuna ansixiyeen dastuur qaran oo u siiyay awood dawladdayada xukunka dalka, Tiraba shan doorasho oo u dhacay si dimuqraadi iyo maangal ah ayaan qabsanay oo tan iyo markaana sii caddeeyay sharciyaddani, waxaana dalkani ka abuurmay dhismaha hay’adihii dawladeed oo hawl adag oo lagu guuleystey lagu gaadhay.
Qoraalku waxa uu intaa ku darey; “Marka aan ballanqaadayno in aan sii wadeyno taageerada dadaalada wada jirka ah ee Soomaaliya iyo dawladaha kale kula tacaalayaan wixii handidaya nabadgelyada goboleed iyo amni, waxa aan sidaa u yeelaynaa oo keliya asaasiyan in aanay Somaliland ka ahayn qayb qaab dhismeedka dawladda Federaalka ee hadda wada hadallada u dhexeeyaa ka socdaan gobollada Soomaaliya, Waxa aan si aad ah u jecelahay in aan ku soo dhaweeyo ku xigeenka xoghayaha guud Eliasson iyo wakiilada kale ee QM inay soo booqdaan Hargeysa si ay indhahooda ugu arkaan oo ay markhaati uga noqdaan horumarka jira, waxa kale oo ay fursad siinaysaa in laga wada hadlo sidii ay Qaramada Midoobay iyo dawladda Somaliland u wada shaqeyn lahaayeen, una taageeri lahaayeen dadaalada lagu xasilinayo, laguna horumarinayo gobolka.”
 

Dhegayso: G/Gobolka Hargeysa Jeeni-yare”Haddii uu Axmed Karaasha Yimaaddo Madaxweynaha ayaan ka cdsanayaa inuu Gursigaysa u dhiibo oo uu igu bedelo”

Somaliland Oo Adkaysay Amaanka Dalka, Ciidamada Oo Heegan La Geliyey Iyo Taliyaha Boolika Oo Ka Hadlay Soona Bandhigay Telefoono Lagala Soo Xidhiidhi Doono

0
0

Somaliland ayaa dakaysay guud ahaanba amaanka dalka xilli Beri oo sabti ah loo dabaal degi doono asnnad guurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland dib ula soo noqtay Madax bannaanideeda oo ku beedan 18-ka bishan May ee aynu ku jirno, waxaana la xidhau dhamaan Xudduudaha ay Somaliland la wadaagto waddamada ay jaarka la tahay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo guuto C/laahi Fadal Iimaan ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Booliska Somaliland ay u diyaar garoobeen xuska 18-ka May, waxana uu tilmaamay in ay heegan buuxa galiyeen Ciidanka Booliska sidii ay si nabadgelyo ah ugu qabsoomi lahayd xuska maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka may.
Sareeyo guuto C/laahi Fadal Iimaan oo maanta warbaahinta u waramay ayaa sheegay inay adkeeyeen amaanka gobolada dalka oo dhan si aanay dalka u soo galin cadawga Somaliland, waxana uu tilmaamay inay xoojiyeen baadhista xuduudaha dalka laga soo galayo oo dhan si looga hor tago wixii dhib ku keeni kara ammaanka dalka ee khal khalinaya Xuska 18-may.
Taliyuhu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan cadaynayaa in ciidanka booliska Somaliland u si wayn oo culus ugu diyaar garoobay isaga oo markaa koowaad la kaashanaya Ilaahay, marka labaadna dadweynihiisa reer Somaliland la kaashanaya, ciidanka booliska wax ala aasaasay 1993 ilaa intaa maalinba maalinta ka danbaysa waxbaa u soo kordhayay, haday dhinac kasta tahay, waxaanu samanay tilifoono online oo dadweynuhu la soo xidhiidhi doonaan, wasaarada u gudbinay oo loo faafin doono, xaalada amniga aad iyo aad dhamaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland, diyaar buu ciidanku u yahay waxaanan leeyahay Ilaahay ha nagu gaadhsiiyo nabad qab, nabad qab ha noogu dhameeyo si aad iyo aada anagoo bulshada Somaliland la kaashanayna ayaan ugu diyaar garownay baryahan u danbeeyayna magaalooyinka waaweyn waa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa. Ciidanka booliska waxa ka mid ah gaaf wareega oo la kordhiyay, waxa ka mida baadhista oo la adkeeyay, dhamaan waxay ku amran yihiin ciidanka booliska Somaliland in heeganka heegan ugu sareeya la siiyay oo sii xoojiyaan gobol kasta haday madaarada tahay, haday tahay dekeda, haday tahayd hulka iyo meel kasta oo cadawga Somaliland ka soo gali karo iyo gudo iyo dibadba aad iyo aad baan ugu rajo waynahay in Ilaahay guul inoogu dhameeyo”.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto- Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inay ilaaliyaan nabad-gelyadda dalka maalinta Sabtida ee loo dabaal degayo sanad-guurada 22-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, waxaanuu u soo bandhigay lambarada Telefoono dadweynuhu Booliska kala soo xidhiidhi doonaan, haddii ay arkaan wax cabsi ah oo la xidhiidha dhinaca ammaanka.
Taliyaha oo Arrintaasi ka Hadlaya waxa uu yidhi  “Sidaad la socotaan waxa fooda innagu soo haysa sannad-guuradii 22aad ee Qaranimada JSL oo ku beegan maalinta Sabtida ee 18 May 2013.
1. Marka hore waxaan idin la socodsiinayaa in nabadgelyada guud ee dalku wanaagsan tahay.
2. Waxaan idiin sheegayaa maadaama lagu jiro dabaal-dega 18 May in Ciidanka Booliska JSL dhammaan gobolada dalka uu heegan buuxa ku jiro (Full Alert) iyagoo kaashanaya Hay’adaha Amniga ee wada shaqayntu ka dhaxayso iyo dhammaan Ciidamada kala duwan ee qalabka sida, waxaana idin la socodsiinayaa in dadweynaha Reer Somaliland oo gacan weyn oo buuxda ka siiya Ciidanka Booliska ilaalinta nabadgelyada wax kasta oo dareen ka galena soo gaadhsiiya Ciidanka Booliska, waxaan halkan uga soo jeedinayaa mahad balaadhan, waxaanan ka codsanayaa inay sii laban-laabaan maadaama lagu jiro 18-ka May, Waxa kale oo aan dadweynaha Reer Somaliland la socodsiinayaa in goobaha ay Ciidamada Qalabka sida ka dhaqaaqi doonaan iyo Ururada Bulshadu ay tusi doonaan Ciidanka Nabadgelyada ilaalinaya goobaha loogu talo-galay inay dadweynuhu ka daawadaan, waxa kale oo jira shaashado waddooyinka dhinacooda ku yaala oo si toos ah looga daawan doono. Waxaan Bulshada Reer Somaliland si mug leh uga codsanaynaa inay baraha loo cayimay ay ku ekaadaan, waxa kale oo la xadidi doonaa dhaqdhaqaaqa Gaadiidka dhammaan dalka JSL inta dabaal-degu socdo. Taas oo Ciidanka Boolisku uga dan leeyahay adkaynta Nabadgelyada, waxaana Ciidanka Boolisku diyaariyay Tilifoono Landline ah oo lagala soo xidhiidho doono oo Online ah, kuwaas oo kala ah:
Shirkada Telesom
520175
520257
Shirkada Somtel
7923169
7923170
Telephone-nadaas oo dadweynuhu wax kasta oo ay la kulmkaan la soo socodsiin doonaan.”
 
 HARGEYSA SOMALILAND


Wasiirka gudaha oo ku gacan-sayray doorashooyinka Kismaayo

0
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ugu baaqday ciidmada doowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo kuwa AMISOM in ay dhex-dhexaad ka noqdaan xiisadaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay magaalada Kismaayo ee caasimadda gobolka Jubadda Hoose.

Baarlamaanka Oo Maantay Ansixiyey Qodobo Muhiim Ah Iyo Miisaaniyadda Dalka

0
0


Xildhibaanada golaha baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta baarlamaanka waxa ay dood dheer kaddib ku  ansixiyey  ajandayaashii ay ka doodeen oo kala ahaa ka mid noqoshada baarlamaanada caalamka iyo miisaaniyad sanadeed ay kal hore soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.
Xoghayaha Gudiga Maaliyadda ee baarlammaanka fedralka ah ee Soomaaliya xildhibaan Cismaan Xaaji Cali, ayaa ka hor inta aysan xildhibaanada ansixin miinaasiyaadda, waxa uu xildhibaanada  ka hor akhriyey xisaab xirka saddaxdii bil ee ugu dambeysay sanadkii tagay ee 2012da,  wuxuuna sheegay in ay jiraan dhaliillo ku aadan qaabka loo maareeyey miisaaniyaddaas, sidaa darteedna uu goluhu ka doonayo  Wasaaradda Maaliyadda inay keento caddaymo looga qanci karo oo ku aadan qaabka loo maamulay.
Wasiirka wasaaradda maalliyadda iyo qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan oo kulanka ka qayb galay, ayaa waxa uu baarlammaanka ka hor-sheegay inay wasaaraddu dhawaan horkeeni doonto golaha baarlamaanka dhammaan heshiisyadii ay wasaaraddu la saxiixatay caalamka, ayna hawlaha wasaaradda u socdaan si wanaagsan.
Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa cod gacan taag ah waxa ay  ku ansixiyeen xeerka ka mid noqoshada baarlamaannada caalamka, kaas oo horay loogu qaybiyey qoraalkiisa.
Kulanka maanta oo ahaa kalfadhiga 2aa ee baarlammaanka, fadhigiisii 24aad uuna  shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa xildhibaannadu waxa ay xukuumadda kaga dalbadeen in ay soo gudbiso sharciyada laga sugayey.

Qarax Qasaaro Dhaliyay Oo Baydhabo Kadhacay Iyo Maamulka Baydhabo Oo Ka Aamusay

0
0


Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in goordhow gudaha magaalada uu ka dhacay Qarax xooggan oo aan lagaran nuuca uu ahaa
Wararka laga helayo baydhabo ayaa sheegay in Qaraxa uu uu ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Baydho oo Fariisin ay ku leeyihiin ciidamadda Madaniga ee dowlada Soomaaliya.
Ilaa iyo Iminka ma jiraan cid ka hadashay Qaraxa walow xiriir aan la samaynay Maamulka Magaalada ay sheegeen dib inay kasoo gudbin nuuca qaraxa uu ahaa iyo khasaaraha uu gaystay hasa yeeshee dadka deegaanka oo aan laxiriirnay ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan balse aysan cadayn karin tida ku wax yeeloowday qaraxaasi

Somaliland oo mamnuucday duulimaadyada UN-ka

0
0

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo saartay amar ay ku joojineyso duulimaadyada Qaramada Midoobay ee Somaliland.

MUXAADARO CUSUB DIINTU WAA NASEEXO SH MAXAMED CABDI UMAL XAFIDUHULA 25.12.2011 - YouTube2.flv

Soomaaliya oo la wareegaysa maamulka hawada dalka

0
0

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Boostada,iyo Gaadiidka dowladda Federaalka Soomaaliya mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho heshiis kula saxiixday hay'adeeda ICAO ee Qaramada Midoobay.

Saraakiil Kasocota Hay’adda Shaqaalaha Aduunka Ee ILO Iyo Madaxweyne Qaybdiid Oo Ku Kulmay Galkacyo

0
0


Saraakiil kasocota Hayada shaqaalaha aduunka ee looyaqaano International Labour organization (ILO) ayaa maanta madaxtoodaya Galmudug kula kulmay madaxweynaha Dawlada Galmudug iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada
Kulankaas oo lagu falaaqeeyey sida hey’ada ILO, ayadoo lashaqeeyneysa mamulka deeganka ay u abuuri laheeyd shaqooyin  ka noqon karta hormarinta noloosha dadka deegaanka. Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya Hay’adda shaqaalaha Adduunka (ILO), Hay’adda Cunnada Adduunka (FAO) iyo Terre Solidali(TS), ayagoo maal galin ka helay Midowga yurub(European Union).
ILO ayaa sanadkaan waxay ka bilaabaysa maashaariic hormarineed oo lagu dayactirayo waddooyin ku yaal magaalada gaalkacyo, dhinaceeda Koonfur ee uu ka arrimayo maamulka galmudug.
Waddooyinkaan ayaa waxay yihiin halbowlayaasha dhaqaale ee isku xira Magaalada Galkaio iyo ganacsigeeda. Sidoo kale, waxay ILO caawin doonta Degmada Galkaio (dhinaceeda Koonfureed) dhismayaal Suuq oo hooy u noqon doona Xirfadlayaasha Magaala oo aan haysan Baro lagu yaqaan. ILO ayaa waxay ka qayb qaadanaysaa hormarinta tayada shaqaalaha degmada ayadoo xooga saaraysa waaxyaha hawlaha guud iyo soo iibista (Procurement Unit)
 
Dhinaca kale, hay’adda ILO ee qaramada midoobay waxay lashaqayn doonta Ganacsata ayadoo kala shaqayn doonta samaynta iskaashatooyin iyo golayaal ka qayb qaata hormarinta dhaqaalaha maxiliga.


Wasiirka Madaxtooyadda Oo Ka Hadlay Dib U Habeynta Waddada Halbowlaha Ee Caasimada

0
0

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ay Weheliyaan Xoghayaha Dawladda Hoose Mawliid Cabdilaahi Waris iyo Maayar Cigeenka Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) ayaa maalintii shalay kormeer shaqo ku soo maray waddada Jidka Halbawlaha  ah ee hormarta Madaxtooyada oo ay dawladda hoose dibu habayn ballaadhan ku samaynayso.
Wasiirka Madaxtooyadda   Xirsi Cali Xaaji  Xasan oo ay weheliyaan Xoghayaha Dawladda Hoose, maayarka iyo Maayar Xigeenka  Caasimadda Hargeysa, xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa kormeer gaaban  oo indho indhayn ah ku soo maray madaarka Caasimada Hargeysa oo isagana sidoo kale laga wado dubu habayn halkaas  oo aan in muddo ahba laga samayn wax duulimaadyo ah.
Wasiirka wasaaradda madaxtooyada  Xirsi cali Xaaji Xasan  oo lug ka soo bilaabay madaxtooyada dalka, ayaa socod-lugeedkiisa ku ekeeyey goobta taallada (Kaaraha) ahi ku taallo oo uu ka fuulay baabuurkiisa oo gaadhsiiyey madaarka Cigaal International Airport oo uu soo maray.
Munaasibad kooban  oo ay masuuliyiinta dawladda Hoose kaga xog warramayeen hawlaha ay ka wadaan  waddada halbawlaha ah ee madaxtooyada hormarta oo hab cusub loo dhisayo, ayaa lagu qabtay  Agagaarka Taaladda (Kaaraha),iyadoo ay halkaa ka hadleen   masuuliyiinta Dawladda Hoose oo iyagu gacanta ku haya waddadan iyadoo wasiir Xirsina ku hambalyeeyey hawshaas ay  dawladda hoose ku ballaadhinayso waddada Halbawlaha u ah qaranka.
Xog-hayaha Dawladda Hoose Mawliid Waris oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Dawlad hoose ahaan fulinayaan diyaarna u yihiin wax kasta ooh ore loogu marinayo Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada, “ Dawlad Hoose ahaan waxa naga go’an inaanu fulino oo kor u qaadno dhamaanba waxyaabaha horumarka adeegyada Bulshada kor u qaadaya, sidoo waxan horumarkan uga mahad naqayaa Madaxtooyada oo aan leeyahay Himiladaadii iyo tii Dawladduba waa ay hirgashay, waxana ay arrintani kaw ka tahay horumarka ay xukuumaddu gacanta ku hayso oo si aad ah loogu riyaaqay.” Ayuu yidhi Xog-hayaha Dawladda Hoose Mawliid Waris.
Wasiirka Madaxtooyadda Somalialnd  Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi“Waxanu maanta Taaganahay waddadii halbowlaha u ahayd magaalada oo dibu habayn lagu samaynayo, waana maalin dhamaanba xukuumaddu ay nadaafad iyo qurxin ku hawlan tahay maadaama maalintii qaranku foodda inagu soo hayso,waxanu si aad ah u taageeraynaa dawladda hoose  dhamaanba hawlaha shaqo ee ay caasimadda ka waddo, awooddeena dhaqaale inta ay inoo saamaxdo waa inaynu ku dhiirranaa oo wax wada qabsi gacmaha isku qabsanaa annagoo rajaynayna in horumarkan maanta aynu gacanta ku haynaa uu sii socdo oo midho dhalo, Haddii aynu xooggeena isku kaashanana waxa aynu dhisan karnaa waxyaabo farabdan oo maanta inala culus”
Wasiirka Madaxtooyadda  Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu intaasi raaciyay “Aynu waddankeena aamino oo dhisano waayo Biyo gacantaadaa lagaga dhergaa meesha lagu hodmaana waa waddankaaga oo kaliya.”
HARGEYSA SOMALILAND

Guddoomiyaha Ururka Nafaqo Oo Sheegay Inay Qeyb Libaax Leh Ka Qaadan Doona Xuska 18-May

0
0

Guddoomiyaha Ururka Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo ayaa Maxamuud Xasan Cali (Gurey), ayaa sheegay in Ururkoodu qeyb libaax leh ka qaadan doono Xuska 22-guurada 18-may oo Bari ku beegan, waxaanu bulshada reer Somaliland ugu baaqaya inay si weyn u xusaan oo ay muujiyaan wadaniyadooda.
Guddoomiyaha Ururka Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo ayaa Maxamuud Xasan Cali (Gurey),  oo Shalay Wargeyska Saxansaxo u waramya ayaa yidhi “Dadka reer Somaliland waa dad runtii wanaagsan oo dalkooda iyo dadkooda jecel, xaqiiqdiina dalkooda iyo Madax banaanidooda halgan dheer iyo dhibaato badan u soo maraya,waxaana hadda laga jooga Madax banaanidii iyo Xoriyadiid Somaliland 22-sano, marka inaynu si weyn u xusno oo aynu u qiimeyno ayaa inagu waajib ah, gaar ahaan haddii aanu anagu nahay Ururka Hilibka ee Nafaqo waxaan diyaar u nahay in aanu si weyn uga qeyb qaadano oo qeyb libaax leh ka qaadano Xuska 18-may.
Dhinaca kale waxaan mahadnaqay aad iyo aad u balaadhan u soo jeedinay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaana ku amaanay sida qiimaha leh ee uu dalka ugu shaqeeyo”.
 HARGEYSA SOMALILAND

Saxafiyiinta Galmudug oo tababar Gaalkacyo loogu soo xiray.(Sawiro)

0
0

Saxafiyiinta Galmudug ee ayaa manta magaalada Gaalkacyo loogu soo
gabagabeeyay tababay ay u qabatay hay’adda Relief International.
Tababarkan oo mudo labo bari ah ka socday Hotel Embasy ee Magaalada
Gaalkacyo ayaa wuxuu ku saabsanaa horumarinta saxaafada waxaa
bixinayay khuburo dhinaca saxaafada ah iyo hawlwadeenada Hay’adda
Releif International ee Mashruuca Media-yaha.
Kulankan oo ay ka qaybgaleen saxafiyiin farabadan oo ka socotay
warbaahinta Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa furitaankiisii
ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Maxamud Axmed
(Baasto), Guddoomye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug
Axmed Shire, Xildhibaan Cilmi Kulan Geedi oo ka mid xildhibaanada
Baarlamaanka ee Galmudug ahna khabiir dhinaca Saxaafada ah iyo xubno
kaloo farabadan.
Tababarkan oo loogu magic daray Media Development Workshop ayaa intii
uu socday waxaa lagu soo bandhigay duruus iyo dodo la xiriirta
Warbaahinta, siyaabaha ay u shaqayso, Horumarka ay samaysay
mudooyinkii ugu dambeeyay, Mabaadiida Asaasiga ah ee
Saxaafada, Saxafiga Wanaagsan iyo waxa laga doonayo, Xoriyada
Saxaafada, Saxaafada iyo Technologiyada, Qaybaha Saxaafada, Caqabadaha
Saxaafada horyaala iyo mawduucyo kaloo farabadan.
Mudadii labada maalmood ahayd ee uu shirkan socday waxay ka
qaybgalayaashu iswaydaarsadeen aqoontooda iyo afkaartooda mawduucyada
xirfadoodan Saxaafada ku salaysan.
Inkastoo uusan ahayn Tababarkii ugu horeeyay ee hay’adda relief
International ka fuliso deegaanada Galmudug, hanadana sida ay
Masuuliyiinta hay’addu sheegeen wuxuu qayb ka yahay Mashruuca
MEDIA-yaha ee hay’addu ay ku horumarinayso Saxaafada Puntland iyo
Galmudug.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug axmed Shire
oo shirkan ka hadlay ayaa aad ugu dhiirigaliyay saxafiyiintan shaqada
ay bulshada u ahayaan, wuxuuna tusaaleeyay sidii ay u shaqayn jirtay
Saxaafadii bari-samaadkii iyo Erey bixinta ay isticmaali jirtay.
Guddoomiye ku xigeenku wuxuu u soo jeediyay dhalinyaradan in ay
shaqadooda ku dabakhaan aqoontii ay faa’idaysteen mudadii uu
tababarkani socday, wuxuuna u sheegay in ay yihiin kuwa bulshada ku
haga wada wanaagsan ee horumarka leh.
Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Galmudug mudane Axmed Maxamuud Axmed
(Baasto) oo kulan furitaankiisii iyo gabagabadiisiiba hadalo ka
jeediyay ayaa ugu horayn u mahad celiyay hay’adda Relief International
kuna amaanay dadaalka dhiiran ee ay uga qaybqaadanayso horumarinta
Saxaafada Galmudug.

 

Faaqidaadda: Xiisadda ka Aloosan Kismaayo

0
0

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxaan ku eegeynaa marxaladda cusub ee ay gashay xaaladda gobalada Jubbooyinka iyo maamulada kala duwan ee todobaadkan lagaga dhawaaqay Kismaayo.

Aarmaanta oo u warramay BBC Somali

0
0

Heesaaga caanka ah ee Soomaaliyeed Aarmaanta ayaa BBC uga warramay heesihiisa iyo waxa uu ka xusuusto fanka Soomaaliya xilligii nabadda.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live