Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

AMISOM oo ka Hadashay Xaaladda Jubbooyinka

$
0
0

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aden ayaa VOA u sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Soomaaliya.


Militeriga Nigeria oo guulo sheegtay

$
0
0

Militeriga dalka Nigeria ayaa sheegay inay horumar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta oo ay burburiyeen dhawr saldhig oo ay lahaayeen Boko Xaaraam.

Madaxweyne 4aad oo Jubbaland Loo Magacaabay

$
0
0

kismaayo-(Sh.M.Network)-Wararka Laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa ku soo warramaya in Salaadiin iyo Waxgarad kasoo kala Jeeda illaa 31 Beelood oo kuwa dega Jubbooyinka ah in ay Caleesamo Saareen Madaxweyne Cusub kaasi oo ay sheegeen in uu Hogaamin doono Maamul Goboleedka Jubbaland.
Madaxweynahaani Cusub ee Maanta La Magacaabay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cabdi Baalle Xuseen kaasi oo doorashadiisa kadib La hadlay Warfidiyeenada Isagoona sheegay in Marka ugu horeyso uu isku keeni doono Beelaha Wada Dega Jubbooyinka tallaabadiisa Xigtaana ay Noqon doonto sidii wada hadal uu ula furi Lahaa Madaxweynayaasha horay Loo Magacaabay iyo Xaqiijinta Amniga Gobollada Jubbooyinka.
Sikastaba ha ahaatee Madaxweynaha Cusub ee Jubbalan Maanta Loo Magacaabay ayaa waxa uu Noqonayaa Madaxweynihii 4aad ee halkaasi Loo Magacaabo tani ayaa kor isii qaadeysa Walaaca Laga qabo in Fat qalado Siyaasadeed ay Lugaha La galaan Gobollada Jubbooyinka.

Beautiful Quran An-Najm Recitation by Sh. Abdisalam Sh Ali Suufi

Su'aalo iyo jawaabo Sh. Yuusuf Axmed, Sh. C/baasid, Sh. Abu Dalxa iyo Sh. Suldan Gasle

Puntland: Kalluumeysato Iran ah oo la Xukumay

$
0
0

Maamulka Puntland ayaa maanta ganaax lacageed oo dhan 700 kun oo dollar ku riday 81 qof oo kaluumaysato reer Iran ah iyo 5 doonyood oo ay wateen oo bishii hore 23-keedii lagu qabtay xeebaha Somalia iyaga oo si sharcidarro ah u kalluumaysanaya.

Thousands of Kismayu residents protest in the streets against IGAD, Kenya and Ahmed Madobe

$
0
0

Kismayu –(Sh.M.Network) thousands of Kismayu residents today protested in the streets of Kismayu against IGAD officials, Kenya and the leader of the Raskamboni militia Ahmed Madobe.
Some of the demonstrates carried large poster with the writings “Dooni Meyno dollar qaate , dooni meyno dagaal Ooge” meaning “ We don’t want the dollar taker, we don’t want the warlord” .
The demonstrators chanted songs against IGAD, Kenya and Ahmed M. Islam (Ahmed Madobe)
The demonstrators chanted along the major highways in the city and finally camped at the hotel which the IGAD delegation stayed.
There are fears of civil war in the city as the president of the federal republic of Somalia earlier warned.
 

Musharaxa Maamulka Ximin iyo Xeeb ee Cali Amiin Sayid Axmed oo kulan la qaatay waxgaradka kala duwan ee dalka Uganda(Daawo Sawirrada)

$
0
0

Musharaxa ugu cadcad jagada madaxweynenimada maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb Mudane Cali-Amiin Sayid Axmed ayaa maanta waxa uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Shirkaas jaraa’id oo ay ka soo qeyb galeen odayaasha dhaqanka, waxgarad, nabaddoono, aqoonyahano, siyaasiyiin kala duwan, ganacsatada, dhalinyarada rag iyo dumar iyo sidoo kale jaaliyadda Ximin iyo xeeb ee ku nool dalka Uganda ayaa waxa uu musharaxu uga hadlay waxyaabo fara badan oo ay ugu horreyso waxqabadkiisa shaqo marka loo doorto jagadaas.
Musharax Cali-Amiin Sayid Axmed waxa uu sheegay in uu dhawaan tagay dalka Soomaaliya  gaar ahaan caasimadda Ximin iyo Xeeb ee Cadaado wuxuuna xusay in uu halkaasi kulamo kula soo qaatay  qeybaha kala duwan ee maamulka Ximin iyo Xeeb iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
“Waxaan booqday xarumaha muhimka ah  gaar ahaan goobaha waxbarashada, cusbitaallada, beeraha, waxaan sidoo kale tagay  qeybo ka mid ah degaannada maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay ku jirto dhulka Miyiga, dhammaan waxaan halkaas kula kulmay dadka ka shaqeeya adeegyada bulshada iyo dadweyne fara badan oo xaalado kala duwan ku nool, kuwaasoo u baahan waxqabad muuqda in loo sameeyo” ayuu yiri Mudane Cali-Amiin Sayid Axmed oo sidoo kale xusay inuu la kulmay maamullada Sport ee ka jira degaanada maamulka Ximin iyo Xeeb iyo ururada bulshada rayidka.
Waxa kale oo musharaxu sheegay in haddii xilka madaxtinimada maamulka Ximin iyo Xeeb loo dhiibo uu wax badan ka qaban doono degaannada maamulkaas isagoo xusay in maamulka hadda jira oo la doortay 2008  uu wax badan qabtay tan iyo muddadii uu jiray.
“Haddii xilka madaxtinimada maamulka Ximin iyo Xeeb aniga la ii doorto waxaan ballanqaadayaa haddii uu Alle idmo inaan wax badan qaban doono” ayuu yiri Musharax Cali-Amiin Sayid Axmed.
Waxa uu sidoo kale Mudane Cali-Amiin uu shaaca ka qaaday in uu dhawaan tagayo  caasimadda Ximin iyo Xeeb halkaasoo uu howlahiisa musharaxnimo ka sii wadi doono.
Doorashada jagada madaxweynenimada maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxa ay ku beegan tahay bisha June ee soo socota 30-keeda, iyadoo xilkaasi ay u taagan yihiin musharaxiin fara badan, inkastoo uu ugu cadcad yahay musharaxa Cali-Amiin Sayid Axmed.






khudbah Arabic 17/5/2013 Sh Umal

Caydaruus Cali-Feer: Anigu ma ihi Al-Shabaab

$
0
0

Caydaruus Cabdulle Cali-Feer oo ka mid ah 9 qof oo maxkamadda Federaalka ee Gobalka Minnesota ay xukunno kala duwan ku ridday, ayaa VOA uga waramay danbiga lagu helay iyo sanadaha lagu xukumay.

Dhageyso: Dowladda Puntland ayaa dib u Dhigtay qabsoomida xilliga doorashooyinka dowladda hoose.

$
0
0

Guddiga kmg ah doorashooyinka Puntland ayaa galabta saxaafada u aqriyay  warqad digreeto ah oo dib maalmo loogu xilligii loo qorsheeyay inay dhacaan  doorashooyinka dolayaasha deegaanka Puntland.
Warqada degreetada ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa guddigu ku sheegay in 15 bisha 7aad ee sanadkaan loo rogay  xilligii doorashooyinka  dowladda hoose halka markii hore loo balansanaa 30 bisha lixaad.
Gudoomiyaha kmg ee doorashooyinka  Puntland Maxamed Xasan Barre oo degreetada aqrinayay wariyayaasha  ayaa sheegay  dib u dhiga xilliga doorashada inay ka timid ururada siyaasada Puntland oo codsaday in waqti loogu darro.
Waa markii 2aad oo dib loo dhigo xilliga qabsoomida doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland. Waxaana arintaan xilli ay labo urur oo kamid ah ururada siyaasada Puntland isaga baxeen tartanka doorashada.
Halkaan ka dhageyso
gudoomiyaha guddiga sax
Buraannews.com- Garowe.

Dhageyso:Saddex qof oo kamid ah dadka ka shaqeysta sancada biraha Garowe ayaa dhaawacyo fududi kasoo gaareen qarax ka dhashay walxo biro ah oo ay farsameynyeen.

$
0
0

Saddex kamid ah dadka ka shaqeysta sancada biraha iyo farsamada  kabaha ayaa galabta galinkii dambe waxyeelo kasoo gaartay qarax ka dhashay qalab ka sameysan biro oo ay  ku farsameenayeen  xarun ay ku ganacsadaan oo kutaala Suuqa Inji ee bartamaha Garowe.
Saddexda qof  ayaa dhaawacooda  loo qaaday isbitaalka guud ee Garowe  halkaasi oo haatan lagu dabiibayo xaalado caafimaad, Waxaana mid kamid dadkaas qaraxu ka gooyay faraha mid kamid ah gacmihiisa .
Agaasime ku xigeenka isbitaalka guud ee Garowe  Dr C/Risaaq Jaamac Aadan oo warbaahinta Buraanews.com qadka taleefonka ugu waramay  ayaa sheegay in saddexda qof ee dhaawac ah ay  xaaladodu wanaagsan tahay.
 Halkaan ka dhageyso codka agaasime ku xigeenka.
agaasime ku xigeenka isbitaalka garowe
Buraannews.com – Garowe

Suuriya: Dowladda oo weerartay Quseyr

$
0
0

Dowladda ayaa sheegtay inay dileen toddobaatan qof magaalada Quseyr oo muhiin u ah mucaaradka inay ku xirto Dimishiq.

Iskuul laga furay Muqdisho

$
0
0

Turkiga ayaa maalgaliya mashaariic kala duwan Soomaaliya iyagoo wada dhismayaal ay ka mid yihiin iskuulo iyo isbitaalo.

Guurka Sacuudiga iyo qaxootiga Suuriya

$
0
0

Gabdhaha reer Suuriya ayaa ah gabdho aad u qurxan markii ay ka soo qaxeen dagaalka ayaa saboolnimo darteed ay reerkoodii ka iibinayaan niman ka waawayn.


Waxgarad Kasoo Horjeestay Mooshinkii Ay Wadeen Qaar Kamid Ah Xildhibaanada

$
0
0


 
Qaar ka mid ah odayaashii soo xulay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku shiray ayaa dalbaday in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ee ay wadaan qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Garaad Aadan Cilmi oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha baarlamaanka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhisida xukuumadda iyo dhammaan hay’adaha dowladda laga soo maray dhibaatooyin aan yareen,wuxuuna ku tilmaamay wax aan la qaadan karin in si fudud lagu burburiyo dowladdii ay dhisideeda dhibaatada kasoo mareen.
Odayaashii kulanka ka hadlay ayaa isku raacay ineysan xiligan Munaasab ahayn in Mooshin laguridayo xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid la horkeeno baarlamaanka soomaaliya
Dhawaanahaan ayaa waxaa soo baxayay war sheegay in qaar kamdi ah mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya ay wadeen mooshin ay kasoo horjeedaan xukumadda uu hogaamiyo saacid hasa ahaatee waxaa arinka mooshinka dubka kasoo horjeestay qaar kamdi ah mudanayaasha baarlamaanka iyo waxgaradkale
 
 

Barnaamijka Ummuuraha Mareykanka

$
0
0

Barnaamijka Ummuuraha Mareykanka waxaan todobaadkan ku soo qaadaneynaa muranka u dhaxeeya Maamulka Madaxweyne Obama iyo Ururka Tea Party ee Xisbiga Jamhuuriga.

Dawladda Masar Oo Saanad Milatari Oo Culus Ku Soo Daabulayso Somalia Iyo Difaaca Aan Gabashada Lahayn Ee Itoobiya U Muujisay Somaliland

$
0
0

Dagaalkii Niilka Oo Mar Kale U Muuqda Inuu Bilaabmo Iyo Itoobiya Oo Mar Kale Muujisay Istraatiijiyada Somaliland u leedahay Ammaankeeda
 
Addis-ababa, May, 21, 2013, (Saxanews)- Dawladda Masar ayaa la sheegay in ay hub casri ah oo culus ku caawinayso Dawladda taagta daran ee Somalia, ka dib markii dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka khafiifiyey cuno qabatayntii hubka ee saarnayd Somalia.
Sida ay baahisay Shabakada Medeshivalley.com, Dawladda Masar ayaa ku hawlan sidii ay taageero mileteri iyo saanad hub ah u siin lahayd Dawladda Somalia, iyada oo taageerada ay la xidhiidho sida ay Shakabadu sheegtay arrimo Siyaasadeed oo salka ku hayaa muranada soo noqnoqda ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee dhinaca Webiga Niil ee ka soo bilaabma Buuraleyda dalka Itoobiya.
Warku waxa uu intaasi ku daray in sababta ay  hubeyntan  ka leedahay Dawladda Masar ay tahay sidii ay Somalia uga horgeyn lahayd Dawladda Itoobiya, madaama oo tobnaan sano ay Somalia u adeegsan jirtay in ay iskaga horaysiiso colaad dhinaca Nile-ka ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, iyada oo Masar ay ku caawisay  Somalia hub culus Sanadihii 1964-kii ilaa 1977 wakhtiyadaas oo dagaalo culus dhex mareen Itoobiya iyo Somalia.
Dhinaca kale, Dawladda Itoobiya ayaa balan ku qaaday in ay Somaliland ka difaaci doonto talaabo kasta oo mileteri oo kaga timaada jaarkooda Somalia iyo weliba Kooxaha kale ee Xagjirka ah sida Al-shabaab oo kale.
Wakaalada wararka  Ethiopianreview.com oo soo xiganaysa  hadal uu Raysal wasaaraha Itoobiya ka jeediyey dhamaadkii Toddobaadkan Aqalka Baarlamaanka Itoobiya in ay Dawladda Itoobiya ay diyaar u yahay in ay Somaliland ka difaacdo cabsi kasta oo dibeda kaga timaada oo ay ku jirto Somalia iyo Kooxaha Argagixisada ee Al-shabaab ku jirto.
Raysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxa uu markii u horeysay uu u muujiyey Somaliland in ay Dawladdiisu garab taaganyahay Somaliland, isla markaana ay ka caawin doonto dhinacyada Dublamaasiyada, mileteriga iyo taageero dhaqaalahaba.
 
 hargeysa somaliland

Howlgallo Amni oo ka Socda Muqdisho

$
0
0

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, ayaa howlgallo amniga lagu sugayo ka wada degmooyinka magaalada Muqdisho.

Machadka Sheekh ee Caafimaad Xoolaha oo Lagu Wareejinayo IGADD

$
0
0

Ururka Midowga Yurub ayaa ku wareejinaya urur goboleedka IGADD maamulka Machadka Caafimaadka iyo dareyeelka xoolaha ee Sheekh, machadkaasi oo ilaa heer jaamicadeed la gaadhsiinayo barnaamijkiisa waxbarasho.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live