Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Obama: Waan u Gurmaneynaa Oklahoma

$
0
0

Madaxeynaha Maraykanka Barack Obama ayaa goor dhowayd ka hadlay masiibada ka dhacday gobolka Oklahoma halkaasi oo ay ku dhinteen ugu 24 qof, kadib dabaylo ku dhuftay magaalada Moore oo u dhow Oklahoma City.


Halkan ka akhri khudbadii Madaxweyne Xigeenka Somaliland jeediyey 18-may

$
0
0

Bismilaahi
 Allaahu Akbar,
Allaahu Akbar, Allaahu Akbar
ASALAAMU CALAYKUM WA-RAXMATULAAHI WA-BARAKAATUHU
Salaan iyo nabad galyo iyo naxariisi korkiina ha ahaato, Ilaahayna waxan idiinka baryayaa inuu idinku gallado  cimri dheer iyo caafimaad,  oo aynu sannadkan sannadkiisa iyo sannad walba ku ciidno guul, farxad iyo rayn-rayn. Sama ku waara, walaalahayga Reer Somaliland, meel kasta oo ad joogtiinba.
Marwooyin iyo mudanayaal, masuuliyiin iyo muwaadiniin, carruur iyo cirroole,  salaantaas iyo ducadaas kadib,  waxan idiinku mahad celinaynaa sida sharafta badan, qiimaha badan, iyo bilicda badan ee ad noo qaabisheen ugana soo qayb gasheen xafladdan qiimaha badan ee 18-ka May.
(2).    Hordhac: Safaradii UK
Walaalayaal, waa markii labaad ee an idinku soo booqdo dalkan boqortooyada qadiimiga ah ee Britain, iyada oo ay  booqashadani tahay mid ka baaxad weyn, kana miisaan culus  booqashadii hore.
Doorkii hore ee an halkan idiinku imidday, waxan ahaa Musharrax madaxweyne ku xigeen oo ka sharraxnaa  Xisbi mucaarad ah, maantana ah muxaafid. Si kale haddii an u dhigo, shalay waxan ahaa musharrax mucaarad qaran, maantana waxan ahay madaxweyne ku xigeen qaran. Taasina waa guulaha iyo gobnimada  diimuqraaddiyadeed ee geyigeenan dahabka ahi  uu ku  caano maalo. Waxan sidaa daraadeed idin leeyahay, Somaliland ha Guulaysato, ha guulaysato, ha gulaysato..!
Haddii an waxyar idiinka sii faah-faahiyo, hadalkaas hore ee ku saabsanaa labadaas safar ee UK.
Doorkii hore (25/01/09), kaliday ayaa kasoo degay Heathrow Airport, waxa laygu qaabilay heer xisbi, waxan u socday ujeeddo xisbi,  waxan ka qayb galay xaflad xisbi, waxan dalkii kula noqday talo  iyo tabaabulshe xisbi.  Muxaafid iyo mucaaradna dadku iima wada sinnayn, oo waxa i habeen  xigay  muwaadiniinta Somaliland ee  mucaaradka ah Doorkan maanta ah ee labaadna, kaliday kama soo deign Airportka,  waxan idiin immidday aniga oo ah madaxweyne ku xigeen qaran, oo hogaaminaya wafti qaran. Waxa laygu qaabilay heer qaran, waxan u socdaa ujeedo qaran,  waxan u imidday xaflad qaran. Muxaafid iyo mucaaradna  dhamaan mujtamaca Somaliland meel kasta oo ay joogaanba waxan u ahay madaxweyne ku xigeenkoodii , oo dhammaantood waa dadkaygii an jeclaa,  waanay  ii wada siman yihiin. Waxan rajaynayaa inaan dalkii kula noqdo midnimo qaran..Insha Allah..
(3).    Guulaha Somaliland
Hadaba haddii aynu wax iska weyddiino geedi socodka  guulaha  ay gaadhay Somaliland. Waxad jawaabaha ka dhex heli karaysiin farqiga u dhexeeya labadaydaas booqasho. Waxan is leeyahay  inay halkaas idiinka muuqanayso   in Somaliland tahay dal la wada leeyahay, in Somaliland tahay dal loo wada siman yahay, in Somaliland tahay dal nin waliba calafkiisa ka qaadi karo, kuna qab weynaan karo.
Ninkii shalay mucaarad ahaa, maanta wuxu noqon karaa muxaafid, ka maanta muxaafidka ahina, berri wuxu noqon karaa mucaarad. Laguma kala dudo Somaliland, layskumana dilo Somaliland, lagumana kala dareero Somaliland. Waxa mucaarad iyo muxaafidba loo yahay  waa horumarka Somaliland, ee ma aha hagardaamada iyo hadimada Somaliland. Somaliland waxay cagta saartay dhabadii xaqa ahayd, horaybay u socotaa, soo noqona mayso.
4        Waxqabadka Xukumada Iyo Dhaliilaha Jira
Walaalayaal, Maxaa wali qabsoomay  intii xukmadani jirtay, haddii Su?aali ka taagan tahay?, waxay taasi jawaabteedu tahay, xukumaddeena wali  saddex sanadood uma wada buuxsamin, hadana wax qabadkeedu wuxu ka muuqdaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Halhays hore ayaa ahaan jiray,  Horumarka la gaadhay, Hargeysaad ka garataa..! . Hargeysa marka an leehay, waxan uga jeedaa Somaliland oo dhan.
(a)  . Dhaliyarada Somaliland.
Maanta qof kasta oo reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba  ku nool waxa u furmay indhaha, oo wuxu ogyahay  inuu dalkiisa wax u qaban karo, dadkiisana wax la qaybsan karo. Dardar iyo dhiirri galin badan ayaanu siinnaa dhalinyarada Somaliland, oo waxad ogtihiin maanta inay ka dhex muuqdaan saaxadda siyaasadeed. Tusaale, golihii degaanada ee duqaytidu hogaamin jirtay, waxa hogaamiya dhalinyaro.
Waxan xarunta madaxtooyada ku marti qaadnaa ardayda wax ka barata  Iskuulada dalka, oo an tusnaa inay yihiin hogaankii mustaqbalka. Waxan furnay ururo siyaasaded, doorashooyinkii degaanadana waynu hir galinay, kuwa kalana inaan qabano way noo qorshaysantahay.  Dee marka dadkii indhaha loo furo waxa imanaya damac. Damacaasina wuxu keenayaa dhaliil iyo canaan badan, taasina anagu uma aragno cadho iyo xumaan, waxanse u aragnaa guul iyo libin noo soo hoyatay, oo inaan xawaaraha sii kordhino ayuunbaa lanaga sugayaa.
Dabcan, dhaliilo way jiraan, oo meel kasta oo adduunka ah oo maamul iyo dawladi jirtaba, waxyaabo badan oo lagu dhaliili karo ama lagu canaanan karo ayaa jira. Dalkan ad joogtiin ee qadiimiga ahba, guuxu aadbuu u badan yahay, iskaba dhaaf dalkeena oo wali haysan ictiraaf  adduunyo iyo kobcin dhaqaale oo buuran toona.  Balse, in dhalilahaas la dhagasyto, oo aad la dhuuxo, isla mar ahaantaana si dhumuc weyn wax looga qabto, waxay ka mid tahay ujeedooyinka  ay adduunyada diimuqraadiga ahi u samaysateen axsaab qaran oo mucaarad ah iyo ururo bulsho oo ka madax bannaan dawladda.
Haddii walaalaheen qaarkood ay na leeyihiin, xukumadani iyadoo saddex sanadood jirta, hadana dhaliisheedu aad bay u badan tahay, oo xukumadihii hore way ka dhaliil badan tahay. Waxan taasi kaga jawaabi lahaa,  dhaliisha badani waxay ka dhalataa, wax qabadka badan, oo faraska waxa usha loogu jiidaa ha kordhiyo xawaaraha.
(b)   . Doorashadii golaha Degaanada
Haddii an woxoogaa is dul taago dhaliisha ugu badan ee nagu soo noq-noqonaysa, waxay tahay xurguftii ka dhalatay doorashooyinkii golaha degaanada ee dhawan dalka ka qabsoomay. Xurguftaas oo degaanada intooda badan lagu heshiiyay, halkaasi oo xildhibaanadii la doortay ay dhammaantood si wada jir waajibaadkoodii qaran ee loo doortay u wadaan.
Nasiib darro degaanada qaarkood, gaar ahaan degmadii aniguba an ku dhashay kana so jeeday, ee xundhurtaydu taallay ee Saylac waxad moodaa in xurguftaasi an wali lasoo xakamayn, inkasta oo an ku rajo weynahay inay guul iyo is af-garad ku dhammaan doonto. Dadka Reer saylac ee walaalaha ahna waxan ugu baaqi lahaa inay midnimadooda iyo wadajirkooda adkeeyaan si ay usoo celiyaan xaddaaradii qadiimiga ahayd ee Saylac.
Aalaaba dhaliilaha iyo canaanta ummada u dhaxeeyi ma aha kuwo kaliya  ku kooban xukummadda iyo shacbiga, ama mucaaradka iyo muxaafidka, ama xitaa shacbiga dhexdoodaba. Anaguba xukumad ahaan dhexdayada waanu is dhaliilnaa, laakiin isma dhibsano, ee dhinac isu mid ah ayaan uga soo wada jeednaa inaan gudano waajibaadkayaga qaran ee dhabarka noo saaran. Idinkuna taasi ka shidaal qaata.
Xaqiiqatan, waxan aaminsanahay inaynu ka waxqabad badanahay xukumadihii hore, ee dalka soo maray, Ilaahay ayaana mahadaas iska leh iyo Ummmadda Somaliland oo mudan abaal gudkeeda. Haddii an kaftamo, waxan is leeyahay, waxa lanagu haystaaba waa waxqabadka badan, ee ma aha waxqabasho la?aan.
(c). Baaqa Qurba Joogta iyo Qooys Joogta
Ka xukumad ahaan,  inaan dadkayaga ku nidhaahno wax walba waan idiin qabanaynaaye , anaga uun naga dhur suga, oo ha dhaq-dhaqaaqina. Waxa nagala qurux badan inaan ku nidhaahno, wixii ad jeceshihiin inaad qabsatiin idinku noola yimaada, oo qabsada, anaguna wixii xaggayaga idinkaga xidhan, intii itaalkayaga ah waan idinla qabanaynaa
Qurba joog iyo qooys joogba, waxan mar walba ugu baaqaynaa in Somaliland tahay dalkeena Aabo (Our Father Land Of Somaliland), oo ay ina sugayso. Waxan idin leenahay, ha is odhanina waa inaad sugtiin Somaliland, laakiin fahamsanaada in Somaliland idinka idin sugayso.  Dalkeena Aabo, wuu inna sugayaa dhammaanteen. Is weydiintuna waxay tahay, nin la sugayoow, maxaad sugi?.
(5).    Xuska 18-ka May
Intaa ka skow, haddii an u soo noqdo munaasibada qaaliga ah ee an caawa idinkala soo qayb galay, oo ah sannad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay markii aynu qaranimadeenii iyo gobanimadeenii dib ula soo noqonay.  Waxay ii tahay sharaf iyo farxad balladhan oo an lasoo koobi karin in markii ugu horraysay intii Somaliland jirtay an xuska 18-ka May, kaga qayb galo qurbaha, waliba aniga oo matalaya qarankii ay maalintaasi u curatay.  Malaha waxa iga farxad badan ayaan is odhan karaa qofka isaga ay maanta u tahay markii ugu horraysay ee xafaldan uu kaga qayb galo dalka gudihiisa, isaga oo 21-kii sanadood ee ugu danbeeyay qurbaha joogay  oo xuskan kaga qayb gali jiray qurbaha.
Qurba joogta Somaliland, waa tiir dhexaadka ay ku taagan tahay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa daraadeed,  inaan idinla  wadaago farxadda munaasabadan qaaliga ah, oo halka ad joogtiin idiinku imaado, waxay ii tahay hadyadda ugu sharafta badan ee sannadkan 2013.
Waxan filayaa inaad ka dheragsantihiin taariikhda maalintani leedahay iyo sobabaha keenayba. Waxanse jeclahay oo xusid mudan inaynu xusuusino dadka reer Somaliland,oo qaarkood maalintani siyaabo kala duwan uga hadlaan. In maalintani ay tahay maalin Qaran balse aanay ahayn maalin qabiil ayaan rabaa inay dadkaasi ogaadaan.
Sobabta ay u tahay maalin qaran waxa weeyi, ummaddii ku noolayd gobolada Woqooyi ayaa tashaday, isu yimiday kuna heshiiyay inay xornimadoodii dib ula soo noqdaan, oo maalintaas ku suntaan. Iyagoo xor ah oo qaran ah ayay dadka woqooyigu markoodii horeba ku biireen koonfur soomaaliya, hadana iyaga oo xor ah oo qaran ah ayay dib ula soo noqdeen, oo ka goosteen walaalahoodii Koonfur.
Hal qabiil kalidii ma goosan, kalidiina calanka ma qaadan, kalidiina maalintan ma dooran, kalidiina dawlad ma noqon. Haddii ay taasi jirto, aniga oo ah C/Raxmaan Saylici ma noqon kareen madaxweynaha dalka. Sidoo kale Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Ma ahaadeen madxweynihii Somaliland ee hore. Sidaas iyo si la mid ahna Mudane C/Raxmaan Aw-Cali Faarax ma noqdeen Madxaeyne ku xigeenkii naga sii sii wada horreeyay ee Somaliland.
Beel kasta oo ka tirsan dalka Somaliland, way u tirsan tahay dalkan Somaliland, hogaankana way qaban karaan, Lawyacaddo ilaa Laascaanood, waa loo siman yahay waana la wada leeyahay Somaliland. Sidaa daraadeed 18-ka May, waa maalin weyn, oo ah astaan qaran. U sarakaca 18ka May, sacabkana u tuma. 18-ka May ha waarto, Somaliland ha noolaato, idinkuna noolaada.
Waxan hadalka kaga baxayaa, oo halhayskeenu yahay, Wanaaga dhisaha, Xumaan dhaafaha, wixii dhacayaba dhankiisa hayaha, wadaniga dhabta ah Alloow dhawr, Somaliland Alloow dhawr.
Sidaa Iyo Nabad iyo Caano Iyo Somaliland Guul, Somaliand ha noolaato.
 
 

Xukuumadda Oo Saxaafadda Ku Bogaadisay Doorkii ay ka qaateen Xuskii 22 guurada Somalilan

$
0
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C/Rashiid Jibriil Yuusuf, ayaa saxaafadda dalka iyo ta caalamiga ahba ku bogaadiyay sidii ay u weyneeyeen munaasibadii 22-guurada ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland.
 
Agaasimaha Guud waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu galabta soo saaray oo u dhignaa sidan:-
 
“Wasaaradda Warfaafinta, Dhanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay dhammaan bahda Saxaafadda Maxaliga  uga mahad celinaysaa kaalintii Tognayd  iyo Hanaankii Hufnaa  ee ay u tabisay Munaasibadii  22 guuraddii  ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax-banaanida Somaliland ee 18-kii May oo shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ay u damaashaadayeen maalmihii la soo dhaafay.
Wasaaradda Warfaafintu waxay ku bogaadinaysaa  warbaahinta dalka qeybaheeda kala duwan sida Idaacada, Telefishanada SLNTV, Horn Cable TV,Somaliland Space Chanal, Bulsho TV, Wargeysyadda iyo Mareegaha Internet-ka sida  xilkasnimada ah ee ay u weyneeyeen munaasibadihii 22 Guurada ka soo wareegtay Madax-banaanida Somaliland, waxaanay qaateen doorkii iyo kaalintii laga filayay ee waddanimo iyo dal jacayl dhab ah.
Sidaas si la mid ah waxaanu ammaanaynaa sida Warbaahinta caalamiga ahi ay uga qeyb qaadatay munaasibaddii 18-ka May. Waxa si weyn quluubta qaranka Somaliland soo jiitay warbixinihii Telefishanka caalamiga ah ee AL-JAZIIRA sii daayay  oo  uu si qoto-dheer ugaga taariikheeyay munaasibadii iyo sooyaalkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay.
Waxa kale oo iyana aan u mahad celinayaa  Telefishanadda UNIVERSAL toos u baahinayay xafladihii lagu xusayay 22-guurada madax-banaanida Somaliland iyo Somali Chanal oo barnaamij dheer oo qiimo leh ka sameeyay munaasibadan. waxaanay si mug leh caalamka ugu bandhigeen jawigii ay u dhaceen xafladihii dabaal-dega qaranka Somaliland.
 
Waxaanu wasaarad ahaan shacbiga iyo qaranka Somaliland sanadkan sanadkiisa kale ILAAHAY  ka baryaynaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo iyo barwaaqo.”
 

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Midawga Yurub U Qabilsan Somaliland Iyo Somalia, Iyo Waxyaabihii Ay Ka Wada Hadleen

$
0
0

daxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Maxamed C/laahi Cumar, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Wakiilaka Somaliland iyo Somalia u qaabilsan Midawga Yurub oo lagu magacaabo mecal Douso, kaas oo shalay dalka soo gaadhay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar iyo Wakiilka Somaliland iyo Somalia u qaabilsan Midawga Yurub Mr Mecal oo markii uu kulankaasi soo dhamaaday Saxaafadda la hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabii ay labada dhinac kaga wada hadleen kulankaasi iyo u jeedada weftigani uu u yimid Dalka.
Dr Maxamed C/laahi Cumar oo ugu horrayn ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidhi “Waxa manta (shalay) noo yimid wefti ka socda Midawga Yurub oo uu hogaaminayo Sarkaalka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo lagu magacaabo Mekal douso, waxaananu ka wada hadalnay xidhiidhka ka dhexeeya Midawga Yurub iyo Dawladda Somaliland, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay barnaamij cusub oo la magic baxay New deal oo ay bilaabeen Midawga Yurub, kaas oo uu u isticmaali doono mucaawimooyinka iyo taakulooyinka uu siiyo dalal badal oo afrikaan ah, taas oo ah dhaqaalo ahaan, siyaasad ahaa iyo arrimo kale oo uu Ururka Midawga Yurub ka caawiyo Afrika, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay mabaadiida guud ee ay Somaliland ku wada shaqaynayaan, waxaanu ku farax sannaahay inuu Ururka Midawga Yurub sidii hore u ahayd ay Somaliland si toos ah ula shaqaynayaan, sida ay dalalka kale ee Yurubba noola shaqeeyaan, iyada oo wixii mucaawino ah ee nala siinayo ay ku dhisnaan doonaan qorshaha qaran ee uu dalkani leeyahay iyo bartilmaameedka ay Somaliland leedahay, dhamaan arrimahaas si wanaagsan ayaanu iskula afgarannay, waxaananu sii wadi doonaan wada hadallada noocan oo kale ah ee looga golleeyahay iskaashiga Dawladda iyo shacabka reer Somaliland, Caawimadooduna waxay ku baysgaraysnaan doontaa baahida Somaliland oo si toos ah ay noo siin doonaan”
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu intaas ku daray “Mucaawimada Somaliland ay beesha Caalamka ka heshaa waxay ahayd mid si toos ah loo siiyo, imikana waxba iskama bedelin, waxaanu ku faraxsannahay in EU-da oo ah ta Caawimada ugu weyn siisa Somaliland inay si toos ah u siin doonaan Somaliland, waxaana lagu shubi doonaa caawimadaas Sanduuqa ay Somaliland Samaysatay, weftiganna ma aha diyaaradda ay ku yimaadeen kuwii Qaramada Midoobay oo waxa weeyaan mid ay iyagu leeyhiin, arrinta Hawada Somaliland-na waa mid aanay cidna kala gorgor tamanaynin oo ay Somaliland illaa 1994-kii ay si toos ah hawadeeda u maamulanaysay, waana arrin ay Dawladda Somalia ku degdegtay, waana xafiiska ka tirsan qaramada midoobay, imikana waxaanu u sheegaynaa inaanu diyaar u nahay wada hadal, go’aankaasina waxaa uu ahaa Go’aan aan laga qayb gelinin Somaliland oo sidaas ayaanu u joojinay duulimaadyada Diyaaradaha Qaramada Midoobay, waxaanuu ahaa go’aan meel ka dhac ku ah Somaliland”
Dhinaca kale Wakiilka Somaliland iyo Somalia u Qaabilsan Midawga Yurub Mr Mecal oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa sheegay inuu aad ugu farax sanyahay sida uu Madaxweynuhu u qaabilay ee uu ugu soo dhoweeyey Dalka, isaga oo sheegay inay Madaxweynaha ka wada hadleen xidhiidhka labada dhinac, Mucaawinooyinka ay Somaliland siiyaan iyo Barnaamij Cusub oo uu sheegay inay billaabeen oo lagu magacaabo New Deal, waxaanuu tilmaamay inay si wanaagsan isku afgarteen oo uu kulankaasi ugu soo dhamaatay is fahan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la sheegay inuu Cafis U Fidiyey Dadkii Lagu Xukumay Weerarkii Lagu Qaaday Xeradii Ciidanka Ee Bariga Hargeysa

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa la sheegay inuu cafis siidayn ah u fidiyey ragii lagu xukumay dhacdadii sannadkii hore ka dhacday bariga Hargeysa ee lagu weerary Ciidanka qaranka ee degen Xerada Soodaanta, kuwaas oo weeraray xeradaasi.
Ragan cafiska lagu sii daayey oo laba jeer  ay xukunno kala duwan  ku kala rideen  Maxakamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qaranka oo iyadu ku riday markii hore Xukuno dil iyo xabsi daa’in ah, balse ay  taasi oo ay muddo ka dib wax ka bedel ku samaysay  Maxkamadda Ciidanka ee darajada 2-aad, taas oo  xukun u dhexeeya 5 sanno ilaa 25 sanno ku riday dhowaan.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada Xukuumadda iyo Odayaasha ay isku beesha yihiin raggan la cafiyey, balse sida aanu ka helnay ilo xogogaal ah,  ayaa sheegay in Raggan oo ay Tiradoodu dhamayd 22 nin, ayaa sannadkii hore weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taalla bariga Magaalada Hargysa, halkaas oo uu ka dhacay iska hor imaad sabaabay dhimasho iyo dhaawac, ka dibna ragaasi la soo qabtay oo la xidhay, isla markaana lagu riday xukun deg deg ahaa, ayaa waxa illaa inti ay xidhnaayeen waan waan ka waday dhinaca xukuumadda Odayaal iyo madax dhaqameed ay isku beel yihiin, kuwaas oo la sheegay inay ka heshiiyeen raggii weerarkaasi ku dhintay ee ciidanka qaranka ka tirsanaa reerihii ay ka soo jeedeen oo ay mag kala qaateen.
Cafiskan uu Madaxweynuhu u fidiyey raggan, ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii ay odayaasha labada dhinac ee ay ka soo kala jeedeen ragga ku dhintay weerarkaasi iyo ragga xidhaan ay wada xaajood muddo qaatay isku afgarteen oo ay ka heshiiyeen, isla markaana ay Madaxweynaha u tageen iyaga oo w
a uu Madaxweynuhu ku cafiyey oo lagu sii dayn doono raggaasi
ada socda oo ay ka codsadeen in loo sii daayo raggaasi, sidaasn.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay Xeerka Saxaafadda ee Golaha Wakiilada Horyaalla.

$
0
0

Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukusse), ayaa ka hadlay Xeerka Saxaafadda ee Golaha Wakiilada Horyaalla, waxaanuu arrintaasi kaga hadlay maanta mar uu Tababar uu soo qaban qaabiyay Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka oo sadex maalmood ah ka socday Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa oo lagu kala saxeexday xeerka anshaxa saxaafadda, waxa uu tallooyin u soo jeediyay qeybaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bini’aadmigu haddii uu dabar waayo sida awrka ayuu lumayaa, bini’aadmiguna waa inuu dabar yeeshaa waa in iimaankiisa iyo caqiidadiisa, dhaqankiisa iyo damiirkiisu xidhaa. Saxaafad xor ahi waxay u baahan tahay bulsho xor ah, bulsho xor ahina waa meel ay kala dambayni jirto, waana meel aan qorigu tallinaynin, waana meel aan la kala xoog weynayn, Meesha sharcigu sareeyo ayay ka dhex shaqayn karaysaa saxaafadda xorta ahi,Iyadu markaa inay taas ilaaliso oo xoojiso ayaa looga baahan yahay si ay u abuurato deegaankii ay ka dhex shaqayn lahayd. Meel qorigu taliyo makarafoonkan iyo rikoodhkan yar ee aad sidataan kama shaqeeyo,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Warfaafintu, Markaa waxay ila tahay Saxaafadda ayay sharciga dani ugu jirtaa ee waa inaynu innagu ilaashano. Annagu xukuumad ahaan waxaanu idiin balan qaadaynaa intiina halkan iskugu timid (Saxaafadda) haddii aad isku timaadaan oo aad xeerka anshaxa (Code of Conduct) samaysataan, waanu idinla saxeexaynaaye’ dhinacayaga (Xukuumadda) wuu ka fulayaaye ee dhinaciina ha ka fulo. Isaga uun baanu idinku xukumaynaa ee berito yuu qadhaadhaanin oo hadhowto yaynaan ku murmin.imka wuu macaan yahaye’ berina ha macaanaado. Sharciga ka maarmi maynu ee aynu ilaashano, Meel bilaa sharci ah kuma noolaanayno oo waa xaaraam calayk, qofkii moodaya meel bilaa sharci ah inuu ku noolaado ka yeeli mayno, wax inoo dhaxeeya oo idinka (saxaafadda) iyo bulashadana u dhaxeeya ayaa khasab ah inuu jiro”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Mid Ka Mid Ah Xildhibaanadii Beesha Ciise Uga Soo Baxay Saylac Oo Hore Isku-Casiley Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Noqday Go’aankiisii

$
0
0

Xildhibaan Siciid Muuse Ibraahim oo ka mid ahaa 7-dii Mudane Degmadda Saylac uga soo baxay beesha Ciise ee iyagu hore iskaga casiley xubinada golahaas ayaa ku dhawaaqay inuu ka noqday go’aankiisaas hore, kaas oo xusay ka dib markii uu la tashaday bulshadii soo dooratey inuu go’aankaas qaatey, isla markaana uu la xidhiidhay Maamulka degmadaas oo iyaguna ka aqbalay dib u soo noqoshadiisa. Xildhibaan Siciid Muuse oo isagu ka soo baxay Ururkii doorashadda deegaanka ku hadhay ee Xaqsoor ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Wargeyska Haatuf  khadka telefoonka kula xidhiidhay isaga oo degmadda Saylac ku sugan, kaas oo sabab uga dhigay go’aankiisaas wada-tashi uu arintaas kala sameeyey bulshadii soo dooratey, kaas oo xaqiijiyey inuu waajibaadkii loo doortey u bilaabi doon sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana tilmaamay inuu rajaynayo in Xildhibaanada kale ee ay isku beesha yihiina ay qaataan go’aankiisaas oo kale. Sidoo kale Duqa degmadda Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo aanu Xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay, waxna kaga waydiinay arimahaas ayaa Haatuf u xaqiijiyey inay arintaasi jirto oo uu Xildhibaan Siciid Muuse Ibraahim uu soo gaadhsiiyey go’aankiisaas dambe, isla markaana ay ka aqbaleen inuu dib ula midoobo golihii uu ka tirsanaa.
Maayarka Saylac Xuseen Iidle waxa uu sheegay inuu Xildhibaan Siciid ka mid ahaa Xildhibaanadii dhaarta Distuuriga ah maray, markii danbena is-casiley, kaas oo tibaaxay inuu rajaynayo in Xildhibaanadda kale ee ka maqan golahoodu inay maraan jidka Xildhibaan Siciid Muuse oo uu ku tilmaamay inuu qaatey go’aan geesi-nimo leh. Xuseen Iidle waxa kale oo ka hadlay qaabkii deegaanka Saylac looga xusay Munaasibadii 18-kii May, kaas oo ku dooday inay xuskii iyo debaal-degii ugu waynaa ee ubid ka dhaca deegaankaas inay sanadkan ka qabteen Magaaladda Saylac. Ugu horayna Xildhibaan Siciid Muuse oo ka hadlaya go’aankiisa cusub, waxa uu si kooban u yidhi “Waa run warkaasi oo waan ka noqday go’aankii aan hore iskugu casiley, waxaanan go’aankaas qaatey markii aan la tashaday dadkii i soo doortey, isla markaana waxaan xidhiidh la sameeyey maamulka degmadda Saylac oo aan u gudbiyey arintaas run ahaantiina way iga aqbaleen golaha deegaanka Saylac inaan soo noqdo, sida ugu dhakhsaha badana waan u hawl-galayaa Insha Allaah”. Xildhibaan Siciid Muuse isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaan hore uga mid ahaa Xildhibaanadii dhaartey ee dheertii Distuuriga ahayd hore u fuliyey, isla markaana imika dib ayaan uga noqday go’aankii is-casilaadayda, waxaanan rajaynayaa inay Xildhibaanada kale ee aanu isku beesha nahayna ay qaadan doonaan go’aankaas oo kale oo ay iyagu dib golaha ugu soo noqon doonaan oo ay u gudan doonaan waajibaadkii loo doortey”.
Dhinaca kale Duqa Degmadda Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo aanu wax ka waydiinay aragtiisa la xidhiidha soo noqoshada Xildhibaankaas iyo waxa guud ahaan ka jira go’aanka Xildhibaankaasi, waxa uu yidhi “Waanu ku faraxsanahay oo waanu soo dhawaynaynaa Xildhibaankaas dib golaha ugu soo noqday, run ahaantiina aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, waxaananu rajaynaynaa in Xildhibaanadda kale ee Walaalahayo ah ee hore u iclaamiyey inay iska casileen golaha deegaanka degmadda Saylac inay dib noogu soo noqdaan Insha Allaah. Waxaanay arkeen Saaxiibadayo sida ay hawshu u socoto oo inta hadhay ay hawshii loo doortey ay u waddo markaa aad ayaanu ugu faraxsanahay inay si bilaa turxaan ah noogu soo noqdaan Walaalahayaga Xildhibaanadda aanu isku nahay”. Xuseen Iidle Barkhadle mar la waydiiyey inay Xildhibaankaas golle ahaan iyagu xidhiidh la sameeyeen iyo in kale, waxa uu yidhi “May anagu wax xidhiidh ah oo aanu la samaynay ma jirto, Xildhibaankan saaxiibkayo-na marka horeba wuu gaabsaday oo waxa uu ahaa nin fahansan sababta loo doortey, isla markaana beel ahaan ayuun buu isagu marka horena u diidanaa inuu golaha ka mid noqdo oo kumuu jirin Xildhibaanadii iyagu Ethiopia tagay oo waxaabu ka mid ahaa Xildhibaanadii loo dhaariyey golaha ee dhaartii ku waajibka ahayd maray, waxaanu iska fadhiyey meeshii laga soo doortey, qolada kale laakiin meelo badan ayey mareen oo Hargeysa iyo Boorama iyo meelo kaleba way soo mareen oo xataa Wasiirka Arrimaha Gudahana way u tageen iyaga oo uu hogaaminayo Badhasaabka gobolka Salal laakiin nasiib wanaag hadana waxba iskamay badalin oo wixii la isla qaatey waxay ku xidheen oo ay yidhaahdeen waxbaa naga maqan iyaga oo shuruud uga dhigaya arintooda odayaasha ku xidhan Magaaladda Boorama, si kasta oo ay tahayna waxaan filayaa iyagu qudhoodu ma sii dheera oo way soo socdaan”. Isaga oo hadalkiisa sii wate Maayarku isla markaana ka hadlaya rajada ay ka qabaan inay soo noqdaan Xildhibaanada kale ee golahooda ka maqan, waxa uu yidhi “Waxa la yidhaahdaa sida la ogyahay hal nin oo kaliya oo fal-dambiyeed ku eedaysan mooyaane Xildhibaanadda kale oo dhami waa u diyaar inay soo noqdaan, waxaananu arintaas rajo ka qabnaa 100% waayo cadh-ceed sacabka laguma qarin karo oo qofkastaa xaqiiqada wuu  ogaanaya, Xidlhibaankan soo noqdayna markaanu waraysanay waxa uu nagu yidhi waxaan go’aankan qaatey markii aan la soo tashaday dadkii i soo doortey ilayn Ciise wayne imuu soo wada dooranin anigee waxaanu isku qancinay inaan shaqadii ku noqdo oo aan waajibaadkii la ii doortey soo guto, run ahaantiina waanu ku faraxsanahay go’aankaas geesi-nimada leh ee uu qaatey Xildhibaankaasi”. Duqa Saylac Xuseen Iidle mar aanu waydiinay Xildhibaankaas uu carabka ku dhuftay ee la laayahay fal-dambiyeedka uu ku eedaysan yahay, waxa uu yidhi “Xildhibaankaas waxa lagu eedeeyey dilkii ka dhacay Xariirad oo waa la laayahay oo Ciidamada Bilayska iyo Maxkamaduba way raadinayaan, markaa Xildhibaankaas dhacdadaasi lala xidhiidhinayo mooyaane inta kale oo dhami way joogaan oo waanu wada xidhiidhnaa, isla markaana aad ayaanu u kaftanaa, isla markaana Magaaladda ayey nala joogaan”.isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Waxay ii sheegeen oo ay shuruud uga dhigeen soo noqoshadooda arinta Xariirad, waxaanay yidhaahdeen ilaa inta qiil loo helayo dhacdadii Xariirad ee Odayaasha u xidhan la soo daynayo ayaanu yar eegaynaa ayey yidhaahdeen”. Xuseen Iidle Barkhadle mar uu ka hadlayey Xuskii 18-ka May iyo sidii looga xusay deegaanka Saylac, waxa uu yidhi “Alxamdulilaah aad ayaanu ugu faraxsanahay shucuubta ay muujiyeen guud ahaan bulshadda Somaliland oo dhami ee ay ku wayneeyeen maalinta Qaranimadooda. Waxaan filayaa inaad kala socoteen shaashada sidii aanu u xusnay 18-kii May, waxaanan qabaa anigu inaan wali sidii doorkan oo kale looga xusin degmadda Saylac, run ahaantiina meelo badan ayaa nalaga soo tahniyadeeyey sida aanu u xusnay maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May, gobol ahaan hadii aanu eegnana waxaan isleeyahay Saylac ama numberka 2-aad ayaanu noqonaynaa ama ka 3-aad sida aanu u xusnay 18-kii May. Waxaanay qorshahayagu ahaa inaanu Caalamka tusno sida ay bulshaddayada uga go’an tahay gooni-isku taaga Somaliland ee aanu marnaba gorgortanka u galaynin, dabaal-degii sanad-guuradii 22-aad ee Somaliland ee Saylac waxa uu xaqiiqdii ahaa dhacdo aan looga baranin in ilaa heerkaas loo xuso oo loo wayneeyo, waanan uga mahad celinayaa cidkasta oo dareenkeeda ku muujisay xuska 18-ka May”. Isaga oo hadalkiisa sii wata Maayar Xuseen isla markaana ka hadlaya waxyaabaha u qabsoomay mudadii golahooda cusub, waxa uu yidhi “Xaga Waxbqabadka hadii aan waxyar ka taa-taabto,waxa ka muuqda degmadda Saylac waxqabad 100% ah oo aanan halkan ku soo koobi karaynin, waxaanan jeclahay inaanu arintaas u dayno dadka aan maamulkayaga ahayn ee meelaha kale ka yimid ama bulshada rayidka ah ka mid ah oo xaqiiqatan ka markhaati ah ilaa heerka uu gaadhsiisan yahay waxqabadka mudadii aanu joognay aanu ku talaabsanay. Hadiise aan waxyar ka taataabto waxa gabo-gabo ku dhaw dayr 120mtr ah oo aanu xarunta dawladda hoose ee Saylac aanu ku soo wareejinay, isla markaana Madarasad dugsi quraan ayaanu ka hirgalinay meesha la yidhaahdo Toqoshi ayaa iyaduna gabo-gabo ku dhaw, isla markaana waxa aanu nadiifinay Degmada dhamaanteed oo qashin aan waligii laga gurin ayaanu ka idlaynay oo aanu ka nadiifinay, waxa kale oo jira waxqabadyo kale oo badan oo iyaguna dhawaan la hirgalin-doono Insha Allaah. Waxaan xasuustaa oo aan hal-hays u lahaan jiray wakhtigii ololaha oo aan odhan jiray ‘Hooyo waliba waxay leedahay caano ku filan ilmaheeda, degmo walbana waxay leedahay dhaqaale ku filan horumarkeeda, markaa inkasta oo aanay degmooyinku isku itaal ahayn hadana degmooyinku, hadana degmo kasta intii itaalkeeda ah wax way qabsankartaa, isla markaana anagu intii awoodayadu saamaxdo waanu samaynaynaa”. Xuseen Iidle mar uu ka hadlayey Mashruuc waddo 22 Km ah oo ay dhawaan ka hirgalinayaan Degmadda Saylac, waxa uu yidhi “Maadaama oo ay Magaaladda Saylac go’doon ahaan jirtay waxaanu qorshaynay inaanu is kaashano anaga iyo hay’adda Horumarinta Wadooyinka ee Road Development Authority iyo Hay’adda USAID inaanu dhawaan bilawno Waddo Jid cade ah oo 22 Km ah oo Magaaladda dhinaca Waqooyi uga baxda. Markaa Mashruucaas xaga talooyinka waxa gacan ka gaysanaysa hay’adda wadooyinka inoo qaabilsan waxaan iyadna aan arinta ka maqnayn sida aan soo sheegay Hay’adda USAID oo noo keentey lacag qadarkeedu dhan yahay $90,000 laakiin lacagtu intaas aad ayey uga badan tahay, waxaanan jecelnahay isla marka aanu bilawno jidkaas inaanu u bandhigno cidkasta oo Ehlu-khayr ah oo ka qaybqaadanaysa dhismaha jidkaas oo ah runtii mid aad u mihiim ah”.

Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Aan Hadal Hayn Samaynta Shuruucdii Lagu Soo Dooran Lahaa Iyo Xeer Hoosaadkii Ay Ku Wada Shaqayn

$
0
0

Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland oo aan hadal hayn samaynta shuruucdii lagu soo dooran lahaa iyo xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen ayaan ilaa hada lahayn xeer hoosaad ay ku wada shaqeeyaan, taas oo dhawr jeer oo ay guddiyo u saareen labada gole curinta xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen ay ku guldaraysteen. Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland wakiilada iyo guurtida oo ah golayaasha xeer dajinta ayaan ilaa hada la ogayn asbaabta ay uga indho qarsanayaan samaynta xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen, kaas oo distoorka qarankuna dhigayo in labada gole ay samaystaan xeer hoosaad ay ku wada shaqeeyaan. Dhinaca kale labada gole ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale ku guldaraystay inay sameeyaan xeerarkii doorashooyinkooda oo ilaa hada aanay samaysnayn shurucdii lagu soo dooran lahaa  golayaasha cusub ee badali lahaa, arrintaas oo keentay muddo kordhinaha  sanadaha badan ee golayaashooda xeer dajintu ay ku tanaadeen shuruucdaasi maqan, oo caqabad ku noqday  qabsoomida doorashooyinkii golayaasha xeer dajinta oo markii labaaad dibu dhac ku yimid.Golaha guurtida oo horaantii bishii April 2013-ka muddo kordhin laba sanadood iyo dheeraad ah qalinka ugu duugay markii labaad golaha wakiilada ayaan ajandahooda kalfadhiga 50aad aan meelna kaga soo darin sidi shuruucda qabyada ah ee doorashooyinkooda loogu hawl gali lahaa, taasoo wakhtigan xaadirka ah aanay labada gle aanay hadal haynba samaynta xeerarkii lagu soo dooran lahaa golayaashii badali lahaa, taas oo u muuqata inay labada gole dajinta shuruucda ay ka door bidaan in muddo kordhin uun ay ku jiraan.
 
HARGEYSA SOMALILAND


Duufaanta Tornado Oo Cagta Marisay Magaalada Oklahama Ee USA Iyo Khasaaraha Dhimasho

$
0
0

Duufaan xoog leh ayaa ku dhufatay magaalada Oklahoma, duufaantaasi oo ah nooca Tornado loo yaqaan ayaa burbur baaxadleh u geysatay guryaha iyo gaadiidka magaaladaasi, taas oo ugu yaraan 90 qof ay ku dhinteen duufaantan oo goobaha ay burburisay ay ku jiray iskuul-hoose oo ay ku dhinteen 21 caruur ah.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalada Oklahoma si gurmad loogu fidiyo dadka khasaaruhu kasoo gaadhay duufaantan oo si kadis ah shalay gelinkii dambe ku habsatay magaalada Oklahoma oo kamid ah goobaha dalka Maraykanka oo ay inta badan ka dhacaan duufaanta loo yaqaan Twister ama Tornado.
Shacabka ayaa heystay digniin 16 daqiiqo ah ka hor intaan duufaanta soo cago dhigan magaalada Oklahoma, taasi oo keentay in dad badan fursad u waayeen inay u baxsadaan goobaha guryaha hoostooda ah oo ay kaga dhuuntaan duufaantan xooga badan.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Madaxdhaqameedka Beesha Ciise Oo Badhasaabka Gobolka Awdal ku eedeeyey inaanuu gaadhsiinin raashinkii muwaanimada ahaa meelihii loogu talo galay

$
0
0

Caaqil Bayle Xasan Diiriye oo ka mid ah cuqaasha gobolka Selel ayaa sheegay in raashinki mucaawinada ahaa ee dawlada Turkigu ay dhawaan keentay Somaliland aan gebi ahaanba la soo gaadhsiinin deegaano badan oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal, kaasoo ku eedeeyay arrintaasi inay masuul ka yihiin badhasaabka gobolka Awdal iyo maamulka degmada Lughaya.
Caaqil Bayle Xasan oo shalay khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Haatuf isagoo ku sugan degmada Lughaya, ayaa sidoo kale sheegay in cabashadaasi oo ay usoo gudbiyeen madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha gudaha ay dhagaha ka furaysteen, isagoo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ugu baaqay inuu jawaab degdega ka bixiyo arrimahaasi.
Caaqil Bayle isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Raashinkaa nagu maanu arag marka laga soo bilaabo laan-xabaala, Karuure, beeyo kulul, damasha, deegaanadaas oo ka mid ah degmada Lughaya wax la soo gaadhsiiyay ma jiraan, waxaanu ku eedaynaynaa arrintaasi badhasaabka gobolka Awdal, maamulka degmada Lughaya, haday tahay madaxweyne ku xigeenka iyo haday tahay wasiirka arrimaha gudaha, arrimahaasna waanu u sheegnay dhagaha ayaanay ka furaysteen, wasiirka arrimaha gudahana waxaanu ugu baaqaynaa inuu jawaab degdega naga soo siiyo deeqda laga qadiyay deegaanadaasi”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Nin lagu dilay xaafadda Woolich ee London

$
0
0

Nin ayaa lagu dilay faas, laba kalena waxaa lagu toogtay xaafadda Woolwich ee Koofurta Barri ee London. Dowladda Britain ayaa lagu soo waramay in ay weerarkaa u tixgalineyso weerar agagixiso.

Cudurada Dhimirka Ku Dhaca Dr Cabduqadir Maxamud

Haweeneyda Dhowrsoon Sh Maxamed Idiris Shirkii

Shaydaanka iyo Cadawtinimadiisa - Sh. Dr. Cali Maxamed Saalax

Tafsiiraka Quraanka Surat Al Fajr Ilaa Al-Ghashiya By Sh Bashiir Maxamed Bashir


Kooxo hubaysan Ayaa Maantay Nin Rayid Ah Kudilay Xaafadda Horumar Ee Magaalaa Gaalkacyo

$
0
0


Kooxaha hubaysan ayaa lagu waramayaa in marxuumka ay kudilay gurigiisa oo kuyaal xaafadda horumar ee waqooyiga magaalada gaalkacyo iyadoo dilkana uu ka dhacay aaga salshiga miir
Marxuumka ladilay ayaa magiciisa lagu soo koobay faaruqo waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in laba dhalin yaro ah ay gudaha ugaleen hoyga uu daganaa marxuumka halkaasoo ay rasaas kaga dhifteen madaxa
Mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa diiday ayaa sheegay in dilka marxuumka loo malaynayo in muran la xiriira dhul oo ay isku haysteen qaar kamid ah eheladiisa ay ka dambeysay hasa ahaatee macadda warkaasi waxaana jira in dadka qaar ay dikiisa kusheegeen in uu salka kuhayo aano qabiil
Iyadoo dilku uu dhacay goor maalin ah isla markaana goobta ay ka agdhawaayeen ciidamo katirsan buliiska puntland hasayeeshee majirin cid laga qabtay kooxihii dilka marxuum faaruqo gaystay

Xubnaha Baarlamaanka Ee Ka Madaxbanaan Saddexda Xisbi Qaran, Halka Ay Ku Biirayaan Iyo Halka Ay Aqalabiyadoodu Ka Soo Jeedo

$
0
0

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee ka madaxbanaan saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Wadani oo aqalabiyadoodu ay ka soo jeedaan mudanayaashii laga soo doortay xisbigii Udub ee saaxada ka baxay, ayaa la sheegay inay ku biirayaan xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.
Xildhibaanada golaha wakiilada ee aan iyagu xisbina ka tirsanayn oo taradooda guud tahay 19 xubnood oo 17 ka mid ahi  ay ka mid yihiin xubnihii xisbigii Udub ee burburay, ayaa mudane ka tirsan kooxdaasi oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo ayaa Haatuf u sheegay in xubnahooda Baarlamaanka een xisbina ka tirsanayni ay badankoodu go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga Wadani, taas oo ilo wareedyadu intaas ku darayaan in bilihii u dambeeyay kulano hoose u socdeen madaxda xisbiga mucaaridka Wadani iyo xildhibaano ka tirsan xubnahaasi ka madaxbanaan xisbiyada.
Dhinaca kale waxay wararku intaas ku darayaan inay jiraan xildhibaano ilaa hada ku adkaysanaya inaanay ku biirin xilligan xisbiyada qaranka, balse ilo wareedyadu tibaaxeen in xilliga ay soo dhawaadaan doorashooyinka wakiilada iyo madaxtooyada ay damacsan yihiin inay ku biiraan saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid eek u tartami doona doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada ee lagu wado in hal mar la wada qabto badhtamaha sanadka 2015-ka.
 
HARGEYSA SOMALILAND

DOOD - Sh. Umal Oo Yiri: Sh. Xassaan Wuxuu Qabaa Masaa'il Aan Looga Horeynin

DOOD - Sh. Umal Oo Yiri: Sh. Xassaan Wuxuu Banaystay Dhiiga Muslimiinta Cumuuman & Dhiiga Culumada

DOOD Sh. Umal Oo Yiri- Sh. Xassaan Wuxuu Gaalaysiiyay Jabhadii Soomaali Galbeed

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live