Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Natiijada Wada Hadalladii Xaqsoor Iyo Xukuumadda Oo Weli Laalan, Go’aanka Loo Dhegtaagayo Iyo Dareenka Masuuliyiinta Ururkaasi Ka Bixiyeen

$
0
0

Wada hadalladdii u dhexeeyey Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor ee ku hadhay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo oo in muddo ah soo socday, ayaan weli ka soo bixin wax natiijo ah oo labada dhinaca isku raaceen.
Kulamadan u dhexeeya Ururka Xaqsoor iyo Xukuumadda oo bilihii u dambeeyey ka socday Magaalada Hargeysa, ayaa waxa labada dhinaca u kala metelaya Guddiyo ay soo xuleen Xukuumadda iyo Ururka Xaqsoor, kuwaas oo gorfeeyey tabashada ururkaasi ee ka dhalatay doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee dalka sanadkiii hore.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ka hadlaya wada hadalladan halka ay marayaan iyo natiijada kulamadoodii, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Saxansaxo, waxa weli la sugayaan qabsoomida kulankii u dambeeyey ee go’aanka lagaga gaadhi lahaa kulamadaasi soo taxnaa muddada.
Guddoomiyihii Ololaha Urur siyaasadeedkii Xaqsoor Eng Kayse Yuusuf oo aanu wax ka weydiinay xalay  halka ay marayaan wada hadalladaasi, ayaa sheegay in wada hadaladaasi ay jiitamayaan, isla markaana aan weli wax natiijo ah lagaga  gaadhin.
Eng. Kayse Yuusuf  oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Raggu waa inuu wax ku heshiiyaa ama ku kala tagaa, laakiin ma wanaagsana inay wada hadalladu jiitamaan oo waa laga qurux badanyahay, waxaanay arrintu ku xidhantahay  dhinaca xukuumadda oo war laga sugayaa” ayuu yidhi Eng Kayse Yuusuf oo ka mid ah Masuuliyiintii sare ee ururkii Xaqsoor oo ahaa Guddoomiyihii Ololaha Ururkaasi oo khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo.
Wada hadalladdan u socda Xukuumadda iyo Ururkii Xaqsoor oo asalka ku yahay sidii xal looga gaadhi lahaa tabashada Ururkaasi ka muujiyey doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka eek al hore dalka ka dhacay, ayaa lagu wadaa in ay labada dhinaca ka soo saaraan geba gebadooda qodobada lagu dawaynayo tabashada Ururkaasi tabanayo.
Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo ka mid ahaa Ururaddii Siyaasadda ee aan ku guuleysan in ay ka mid noqdaan sadexda Xisbi qaran, ayaa si weyn uga biyo diiday doorashadii Deegaanka ee dalka ka dhacday sanadkii hore.
 
 HARGEYSA SOMALILAND


Xukuumadda Somaliland Oo Cabasho Ka Muujisay Gaabis Ay Sheegtay Inuu Ku Yimid Hawlaha Hay’adda Qaramada Midoobay Qaarkood

$
0
0

Xukuumadda Somaliland, ayaa cabasho weyn ka muujisay gaabis iyo isbedel ku yimid Hay’addaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ka hawl galka qaarkood.
Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, isaga oo ku sii jeeda dalka Kenya, ayaa sheegay in ujeeddadiisa Kenya ay tahay sidii uu halkaasi kulamo ugula soo yeelan lahaa Madaxda sare ee Hay’addaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu xusay inuu kala hadlayo gaabis ku yimid hawlaha ay ka wadaan Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo warbaahinta kul hadlay qolka nasashada ee Madaarka Berbera, ayaa mar la weydiiyey sida uu u arko wada shaqaynta Somaliland iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxa uu yidhi “Marka Loo eego xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Dawladda Somaliland iyo ha’yaddaha Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa wuu wanaagsan yahay, hase yeeshee waxa imika jira oo soo baxaya oo aanu arkaynaa meelo u baahan in la hagaajiyo.”
Wasiirka Khaarajiga waxa uu tilmaamay inay qarramadda midoobay uga fadhiyaan inay dhawraan baratakoolka loo wada shaqeeyo, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ha’yaddaha qaranku waxay ka cabanayaan Ha’yado ka mid ah jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo wada shaqayntii ay la lahaayeen dalka uu gaabis iyo isbedel ka jiro meelaha qaarkood. Waxaanu jecelahay in aanu qarramadda midoobay arrintaasi kala hadalno oo aanu ugu baaqno in loo baahan yahay in arrimahaasi dib loo eego. Somaliland muddo dheer ayay la macaamilaysay Ha’yaddaha qarramadda midoobay, waxaanay jiray baratakoolo iyo hab lagu shaqeeyo oo ka dhaxeeyey labadooda. Waxaanu doonaynaa in baratakoolkaasi la dhawro oo aan lagu xad-gudbin.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mucaawinadda ay bixiso jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaana waa in aanay waxyeelo u geysan qaranimadda iyo xoriyadda Somaliland. Waanu ognahay inaanay Somaliland qarramadda midoobay ku lahayn kursi, laakiin xurmo iyo sharaf baa ka dhaxaysay muddo dheer. Waxaanu doonaynaa in dawladda Somaliland lagala tashado isbedeladda ku imanaya jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Tusaale ahaan arrintii maamulka hawadda waxaanu u aragnaa iyadoo aan Somaliland lagala tashan xafiiska UNDP ee qarrammadda Midoobay uu si baal-marsan nidaamka dawliga ah iyo nidaamkii aanu hore ugu wada shaqayn jirnay inuu maamulka hawadda ku wareejiyay dawladda Soomaaliya ee Muqdisho.
 
 

HARGEYSA SOMALILAND

General Ka Tirsan Ciidamada Uganda Oo Magangelyo Siyaasadeed Weydiistay Britain

$
0
0

Gen. David Sejusa (Tinyefuza) oo ka mid ah saraakiisha u sareysa ee dalka Uganda ayaa la sheegay inuu dawladda Britain weydiistay Magangelyo Siyaasadeed, kadib markii uu ka cabsaday in hoos ahaan loo khaarajiyo. Generaalkan oo madax ka ahaa Sirdoonka Milateriga dalka Uganda oo hadda ku sugan Magaalada London ee cariga Ingiriiska, ayaa lagu eedeynayaa in uu ka danbeeyey qorshe la sheegay in ay maleegayeen Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Mousavine iyo qaar ka mid ah saraakiishiisa Sirdoonka u qaabilsani, kaas oo la doonayo sida la sheegay in lagu khaarajiyo ragga ka soo hor jeeda Madaxweyne Mousavini, qorshahan oo  dhawaan ay daabacday Jariidad ka soo baxda dalka Uganda oo lagu magacaabo daily Monitor, taas oo xarumaheedii gudaha dalkaas ay la wareegeen Ciidamada Uganda. Saraakiil ka tirsan Hay,adaha  sirdoonka Uganda, ayaa la sheegay inay London u tageen sidii ay dawladda Ingiriiska ugala hadli lahaayeen Generalkan ka baxsaday, kaas oo ay wararku sheegeen in dawladda Britain ay siisay magangelyo siyaasadeed. Xogta lagu eedeynayo in uu bixiyey General David Sejuse ee ay Jariidada Daily Monitor daabacday todobaadkii hore, ayaa la sheegay in uu yahay Qorshe  lagu tilmaamay mid uu Madaxweyne Musafeni ku doonayo in uu xukunka dalkaasi ka dhaxlo Wiilkiisa oo xilligan la sheegay in saameyn weyn ku leeyahay arimaha Ciidamada dalka Uganda, kadib markii dhawaan loo dalcsiiyey derajada General.
Gen. David Sejusa ayaa sirtan la sheegay inuu u gudbiyey Jariirada Daily Monitor, jariiradaasi ayaa iyada hadda la xidhay waxaana xarunteedii  Kambala la wareegay todobaadkan Ciidamada Amniga ee dalka Uganda.
Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni oo lagu magacaabo  Muhoozi Kainerugaba, ayaa  sanadkii hore loo dalacsiiyey derajada  Brigadier General , waxaanu madax ka yahay  Taliyaha ciidamada Khaaska ah ee illaaliya Madaxweyne Musefeni iyo goobaha shidaalka laga qodayo ee dalka Uganda, kaas oo  sanadihii la soo dhaafay  tababaro Milateri ku soo qaatay qaar ka mid ah  Kulliyadaha MIlitariga ugu caansan ee  dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka  Sida Kulliyadda Sand hurst ee dalka Ingiriiska iyo Fort Leavenworth oo ku taal dalka Maraykanka. Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Uganda ayaa u muuqda in uu aabihii Musefeni  u qorsheynayo in uu xilka Madaxweynaha dalkaasi uu ka dhaxlo, taas oo la sheegay in dadka arintaasi ka soo hor jeeda oo uu ka mid yahay  Generalkan hadda baxsaday iyo rag kale oo dalkaasi xilal sare ka soo qabtay hoos ahaan looga takhaluso. Jaraa’idka dalka Ugandha ayaa horey wax badan uga qoray wiilkan uu dhalay Musefeni iyo xilalka loo magacaabay iyo awoodihiisa dhinaca Militariga. Inkasta oo Madaxweyne Musefeni  uu sheego in uu dalkaasi ka hirgeliyey nidaamka Xisbiyada badan isla markaana uu si madax banana oo dimoraadi ah uu xilka kaga tegi doono, haddana waxay dad badan oo reer Uganda ahi aaminsan yihiin in uu Wiilkiisa da,da yar u carbinayo in uu noqdo ninka isaga beddeli doona.
 
Gen. David Sejusa ayaa ka mid ahaa raggii wax ka  dhisay Jabhadii uu hogaamin jirey Yuweri Musefeni ee uu xukunka dalkaasi ku qabsaday muddo ka badan 26 Sano ka hor, waxaana  lagu tilmaamaa  inuu ahaa Generaalada faro ku tiriska ah ee aan ka baqin inay runta u sheegaan Madaxweynaha Uganda.
Sirta la sheegay inuu bixiyey Gen. David Sejusa ayaa ah in uu jiro Qorshe ay ciidamada Militariga u diyaarinayaan dilal qorsheysan oo lagaga takhalusayo Qaar kamid ah Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni.
 
 
HARGEYSA SOMALILAND

DOORKA HOOYADA: WAA QALINKII CABDULLAAHI CABDI FAARAX (SUJUUD)

$
0
0

DOORKA HOOYADA

 

Qofkasta waxaa dhalay Aabe iyo Hooyo waxaana hubaala in qofkastaa jecelyahay Aabihiis iyo Hooyadiis, waxaana hubaala in labada waalid xaqkuguleeyihiin, meesha aan kaduulayno ama aan ku dhaadanayno ” نقطة الانطلاق ” ama starting point waa diinteena ee wadaniyad iyo qowmiyad midna kama hadlayno.

Xaqa 1aad ibnu adamka waxaa kuleh Allah Xaqa 2aadna waxaa iska leh labada waalid. Ilaahay aayado badan ayuu uga hadlay xaqa labada waalid sidoo kale axaadiith waxana kamida.

(وقضى ربك ألا تعبدوا إلا إياه وبالوالدين إحسانا إما يبلغن عندك الكبر أحدهما أو كلاهما فلا تقل لهما أف ولا تنهرهما وقل لهما قولا كريما واخفض لهما جناح الذل من الرحمة وقل رب ارحمهما كما ربياني صغيرا } Axaadiitha Nabiga CSWS waxaa kamida

(ألا أنبئكم بأكبر الكبائر ثلاثاً، قالوا: بلى يا رسول الله، قال: الإشراك بالله وعقوق الوالدين، وجلس وكان متكئاً فقال: ألا وقول الزور)

Waxaajira aayado iyo axaadiith si gooniya u muujinaya in hooyadu leedahay xuquuq dheeraada oo ay aabaha uga

duwantahay Waxaa kamida. (ووصينا الإنسان بوالديه إحساناً حملته أمه كرهاً ووضعته كرهاً وحمله وفصاله ثلاثون شهراً)

أبي هريرةرضي الله عنه قال : "جاء رجلٌ إلى رسول الله -صلى الله عليه وسلم- فقال عن

: يا رسول الله، من أحق الناس بحسن صحابتي

،(أبوك)قال: قال: ثم من؟ قال: (أمك) ، قال: ثم من؟ قال(أمك) ، قال: ثم من؟ قال(أمك)، قال:

Hadii aan isku dayo inaan sharaxo aayadahaas iyo axaadiisthtaa waxaa dheeranaya qoraalka waana lugu caajisayaa aqrintiisa sidaas darteed sideeda ayaan udhaafayaa.

 

AAN USOO DAADEGO DULUCDII WARKAYGA.

 

Hadaan waxyar ka ogaanay ogaanay doorka labada waalid waxaan doonayaa inaan halkaan su,aalo idinku waydiiyo.

Aabe waan ku abtirsanaa oo magaciisa ayaan qaadanaa diin ahaan waa sax, Aabe iyo hooyo waxay kadhasheen laba qabiil oo siman labadaas qabiil waxay si siman xaq noogu leeyihiin inaan labadaba xiriirino oo xaq dhowrno oo asxaan u falno, maxaa keenay in aan magaca qabiilka aabe kaliya wax ku xiriirino, qabiil ahaan si indha,la,aana ugu difaacno gar darro kasta hakujiree, dartiis denbi ugalno, dartiis cadaab loo galo hadii aan ilaahay cafin?

 

Halka qabiilkii hooyo kadhalatay aan cidina qiimayn, xaqiisii lugu tunto, ay caadi iska noqoto wiil kaqayb qaadanaa weerar iyo dhib loo gaysanayo reerkii hooyadiis kadhalatay, ayadoo ay muuqato in ay usiman yihiin labadii qabiil ee aabe iyo hooyo kadhasheen? waxaan nahay Muslim Alxamdulillah Nabiguna CSWS asagoo asxaabta iyo dadka kadanbeeya lahadlaya wuxuuyiri.

لهم ذمة ورحما,إنكم ستفتحون أرضا يذكر فيها القيراط. فاستوصوا بأهلها خيرا. فإن

Culumadu waxay noosheegeen in Nabi Ismaaciil hooyadiis ay eheed reer masar, Nabiguna CSWS wuxuu ahaa faracii Nabi ismaaciil sidaas darteed ayaa nabigu uxiriirinayey reer Masar waadna qiyaasi kartaan inta qarni ee u dhexeysey Nabigeena CSWS iyo Nabi Ismaaciil.

Hadaba hadaan nahay dadka diintaas sheeganaya maxaa keenay in Hooyo qabiilkeeda aan wax qadarina lasiin? miyaan qabiilka hooyo dhammaantiis uusan ahayn Abti, Habaryar, Ayeeyo iyo Awoowe.

Hadii aabahaa iyo Hooyadaa aysan jufa hoose isla ahayn ( yacni hadaan hooyadaa eedo kuu ahayn ama aabahaa abti kuu ahayn) oo aabe iyo Hooyo ka kala yimaadeen laba qabiil oo kala fog, dadka somaliyeed malaga helikaraa qof garanaya magaca awoowaha 5aad, 4aad 3aad ee hooyadiis? Hooyo ma mudantahay in ilaa heertaas laqiimatiro ? hadaadtiraa anigu hooyaday waan qiimeeyaa waana jeclahhay waan kaa rumaysanayaa lakin waxaan kuleeyahay jacaylka aad hooyadaa u qabto adoon hooyadeed qiimayn muxuu yahay ? sikale hadaan kuugu sheego waxaad dilaysaa hooyadaa walaalkeed sideed iigu sheegi kartaa inaad hooyadaa jeceshahay ? dhanka kale hooyadaa waxay leedahay qabiil ay ku faanto oo reer hebel layiraa adiguna reerkaas waad laysaa sideed iigu sheegee inaad hooyadaa jeceshahay ?

 

Su,aal kale, inta badan qabiilada Somalidu waxay sameeyaan Alla bari oo waalidkoodii dhintay ay uu duceeyaan, hooyadu waa kamid waalidka dhintay mudnaanteedana sikooban waan u sheegnay, marka alla bariga la samaynayo waxaa sameeya qabiil reer hebel layiraa, waana qabiilka aabaha aad ayey u yyaryihiin dadka alla bariga lasamaysta abtiyaal, xitaa hadii abtiyaal aad lasamayso alla bari ayaga ruuxoodu waa qabiilkii hooyo lakin waxay u ducaynayaan awoowgood aabe dhalay.

Waxaa waajib ah in Hooyo loo duceeyo laga soo bilaabo Xaawa, intii muslim eheed ilaa Hooyadaa, (sax) sideed ugu ducaynee waxaadanba garanayn magacii 3aad ee hooyadaa ee maxaad uducaysaa ayeeyadii 3aad ama kasii horaysay.?

 

In Hooyo sidaan loo gooyo miyeysan qaraaba goysnimo ahayn ? qofkii qaraabadiisa gooya miyaan Allah udhaaran inuu cadaabayo ?

فَهَلْ عَسَيْتُمْ إِن تَوَلَّيْتُمْ أَن تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَتُقَطِّعُوا أَرْحَامَكُمْ أُوْلَئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فَأَصَمَّهُمْ وَأَعْمَى أَبْصَارَهُمْ

 

iyo Hadalkii Nabiga CSW

 

فعن النبي صلى الله عليه وسلم قال: « إن الله خلق الخلق حتى إذا فرغ من خلقه قالت الرحم هذا مقام العائذ بك من القطيعة قال نعم أما ترضين أن أصل من وصلك واقطع من قطعك قالت بلى يا رب قال فهو لك»

Haday noo cadaatay in aan qaraabadii iyo riximkii goynay ma idiin muuqataa in ciqaabta iyo dhibka xalka loo waayey ee Somali haystaa uu nooga yimid riximkii iyo qaraabadii oon goynay ?

 

Walaal hadii ay jiraan wax aan isku feker kanahay arimahaan aan kahadlay fadlan e mail iisoo dir.

Mahadsanid

 

Cabdullahi Cabdi Faarax ( Sujuud )

sujuud2004@hotmail.com

 

Diyaarad aan la wadin oo ku dhacday Soomaaliya

$
0
0

Al-Shabaab, ayaa sheegtay in deegaanka Buulo-Mareer oo ay iyadu ay maamusho ay ku soo dhacday diyaarad nooca meesha fog laga hago oo Maryakanku leeyahay.

Bandow Ka hir Galay Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe

$
0
0

Jowhar-(Sh.M.Network)-Howl Galladani ayaa ciidamada dowladda Soomaliya waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Jowhar ee xaruunta gobolka shabeeleda dhexe sida dad ku nool Magaaladaasi ay u sheegeen idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdihso.
Howl gallada ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa biloowday shalay gelinkii dambe waxeyna socdeen illaa xalay iyadoo la tilmaamayo in ciidamada ay howl galladaasi  ku soo qab qabteen dad aad u tira badan oo ay ku eedeeyeen in falal ka dhan ah ammaanka Magaalada jowhar ay wadeen sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka shabeelaha dhexe
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle oo la hadlay idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howl gallada ay Ciidamada ka sameynayaan xaafado ka tirsan Magalada jowhar isagoona sheegay in howl galladaasi lagu soo qab qabtay dad uu ku sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Marka laga soo tago Howl gallada Ciidamada dowladda ay ka sameeynayaan Magaalada Jowhar ee xaruunta Gobolka Sh/dhexe waxaa sidoo kale Magaaladaasi Maamulka Gobolka uu kusoo ragoy bandow xilliga habenkii ah oo ka billaabanayo 5 ta galabnimo sida dad ku nool Magaaladaasi ay idaacadda Shabelle u sheegeen.

Faah faahinno ka soo baxayo Dagaal Culus oo ka dhacay deegaanno hoostaga Sh/hoose

$
0
0

Marka-(Sh.M.Network)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaallo Khasaaro Geystay oo shalay Gelinkii dambe ka dhacay inta u dhexeysa Wanlaweyn iyo Yaaq bari weyne ee Gobolka Sh/Hoose kaasi oo La sheegay in uu u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.
Inta La Xaqiijiyay kudhawaad 11 Ruux ayaa ku geeriyootay kadib dagaallo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab kaasi oo ka dhacay inta u dhexeysa Wanlaweyn iyo Yaaq Bari Weyne ee Gobolka Sh/Hoose.
Xiriiro Kala duwan oo aynu La sameynay qaar ka mid ah Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM waxa ay sheegeen in dagaalku uu dhacay hase ahaatee dagaalkaasi uu ku bilowday kadib markii Rag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay wadada u galeen Gaadiid Kolonyo ahaa oo Ciidanka AMISOM ay saarnaayeen waxaana dagaal qaraar oo halkaasi ka qarxay lagu dilay in kabadan 10 qof iyadoo mid ka mid ah Gaadiidka AMISOM halkaasi lagu gubay.
Afhayeenka Ciidanka AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud oo Shabelle ay La Xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo dagaalkaasi balse waxa uu qiray in dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawac geystay uu halkaasi ka dhacay.
Maaha Markii ugu horeysay oo dagaal khasaaro geystay uu deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ku dhex maro Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo is kaabaya iyo dhanka kale Ururka Al Shabaab.

Xog Haye Ban Ki Mon oo ka hadlay Arrimaha Ka taagan Jubbooyinka

$
0
0

Ykohama-(Sh.M.Network)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mon ayaa ku baaqay in dadka degan Jubbooyinka dib u dajin loo sameeyo isagoo dhinaca kale sheegay in loo baahanyahay in la dar dar geliyo Howlaha Nabadeed ee Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay Shirkii Gaarka ahaa ee ka dhacay dalka Japan gaar ahaan Magaalada Ykohama ee Looga hadlayay arrimaha Soomaaliya Xog haye Ban Ki Mon ayaa waxa uu ka hadlay dhowr arrimood oo Muhiim u ah Xal u helista Soomaaliya.
Ban Ki Mon oo qodobada uu ka hadlay ay ku jirtay arrinta Magaalada dekeda leh ee Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in Kismaayo Sanadkii la soo dhaafay laga Xoreeyay Al Shabaab waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in wada Xaajood loo furo dadka degan Gobollada Jubbooyinka si loo Helo Nabad gelyo iyo Mabda’ la isku waafaqsanyahay oo dadkaasi ay hoos dugsadaan.
Ugu Dambeyn Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban ki Mon ayaa Carabka ku adkeeyay in Loo baahanyahay in Laga shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa Nabad Gelyada taas oo uu sheegay in ay abuuri karto bey’ad Nabadeed oo u soo jiidi karta Soomaaliya Maal galiyeyaasha iyo dadka u ololeeya Dimuqraadiyada kuwaasi oo ay ka faa’ideysan Karaan Shacabka Soomaaliyeed.


Xildhibaanno ku baaqay in dowladda ay fara geliso Khilaaf ka taagan Gobolka Hiiraan

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)Xilli Is qab qabsi u dhexeeya Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka ay Maalmihii u dambeeyay ka tagneed Gobolka Hiiraan ayaa qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay dowladda ka dalbadeen in ay wax ka qabato Khilaafka ka jira Gobolka Hiiraan.
Xildhibaan Max’ed Xasan Ibraahim Qoone oo La hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in haddii uu Khilaaf jiro aysan u rooneen dowladda iyo Shacabka intaba.
Xildhibaanka ayaa Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Odayaasha ay u wanaagsantahay in ay wada hadal wax ku dhameeyaan sidoo kalana dowladda Federaalka Soomaaliya laga doonayo in ay doonto odayaasha oo ay xil iska saarto waxyaabaha ay ka cabanayaan.
Mudane Max’ed Xasan Ibraahim Qoone ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan ay ka cabanayaan Maamulka Meesha ka jira iyo sida wax loogu soo Magacaabay Gobolkaasi.
Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu imaanayaa Xilli Odayaasha dhaqanka ka soo Jeeda Gobolka Hiiraan kulamo ay ku yeesheen Gobolkaasi ay ku eedeeyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka in ay ka shaqeyneyso kala qeybsanaanta dadka ka soo Jeeda Gobolkaasi.

Japan oo Lacago Malaayiin ah ugu deeqday dowladda Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Kadib Shir Gaar ah oo ka dhacay Magaalada Dekedda leh ee Ykohama ee dalka Japan kaasi oo ay wada shir Guddoominayeen Ra’isal Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Max’ud ayaa Ra’isal Wasaaraha dalka Japan waxa uu shirkaasi kaga dhawaaqay in dowladdiisa ay Soomaaliya ugu deeqeyso Lacag dhan 55.4 Million oo dollarka Mareekanka ah si looga caawiyo Soomaaliya dib u dhiska iyo Tayeenta Ciidankeeda qalabka Sida.
Shinzo Abe Ra’isal Wasaaraha Waddanka Japan ayaa intaasi waxa uu kudaray in loo baahanyahay in qaaradda Afrika iyo dowladda Japan Xiriirkii soo Jireenka ahaa ee ka dhexeeyay dib loo soo nooleeyo Maadaama uu sheegay in dowladdiisa ay quud dareyneyso in Maal gashi ay ku sameysato Wadamadda Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Shinzo Abe ayaa shaaca ka qaaday in kaliya aanu ku ekeen deeqdaan Lacageed kaalinta dowladdiisa kaga aadan wax ka qabashada xaaladaha Soomaaliya ee ay qorsheyneyso in Mashaariic iyo Lacago kale ay guddoonsiiso Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud oo ka hadlay deeqdaasi Lacageed ee Japan ay ugu tala gashay Soomaaliya ayaa uga Mahad Celiyay taageerada Muuqata ee Xukuumadda Tokyo ay siineyso waddanka Soomaaliya.

Dilalka Loo geysto Soomaalida Ku nool Koofur Afrika oo sii kordhaya

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Dilalka Loo geysto Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa la sheegay in ay sii kordhayaan.
Muddooyinkii dambe ayaa dalka Koofur Afrika waxaa ku sii kordhayay dhibaatooyinka loo geysto dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku heysta Mehradaha Ganacsi.
Magaalooyinka lagu dhibaateeyo Soomaalida Ku ganacsada waddanka Koofur Afrika ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Porto Elizabeth halkaasi oo inta badan dadka Soomaalida ah ay degenyihiin kuwaasi oo had iyo Goor dhibaato kala kulma Burcada Koofur Afrikaanka ah.
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa dalkaasi galay 22 ki sano ee bur burka uu ku jiray dalka kuwaasi oo halkaasi ka abuurtay shaqooyin si weyn u soo jiitay bulshada dalkaasi hase ahaatee ay ka hortimid Mushkilad dhanka Burcadda Madowga ah ee dilal  iyo dhac markasta ay kala kulmaan.

Curfew imposed in Jowhar town

$
0
0

Jowhar-(Sh.M.Network)-security operations are underway in Jowhar town, conducted by federal government troops.
Residents of the town told Shabelle media station that thorough security operations started yesterday evening and are still underway.
It is reported that many people suspected to be members of Alshabab have been arrested during the operations and are now being interrogated by the police.
Deputy Governor of the lower Shabelle region Yusuf Abdi Abdulle told Shabelle radio that they have arrested several members of Alshabab militia during the operation.
The administration has not yet announced when the state of emergency will be removed.
 

Dhageyso: Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida ganacsade si weyn looga yaqaanay Puntland

$
0
0


Madaxweynaha dowladda Puntland C/raxmaan Shikh Maxamed Faroole ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid allaha u naxariistee ganacsade Xaaji Maxamed Haruuse oo ku geeriyooday dalka Cumaan oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay gudaha Puntland.
Madaxweynuhu waxuu marxuumka dhintay ku tilmmaatay shakhsi magac ku lahaa ganacsiga iyo  horumark Puntland.
Allaha uraxmadee marxuumka waxaa uu ku dhintay magaalada Salalah ee Dalka Cumaan. ma jirin xanuun haayay mudooyinkaan dambe sida ay sheegeen dad kamid ah ehelkiisa. Waxaana uu ku dhintay si kadis ah.
Waxaa uu ku dhintay marxuumku isagoo jira  da’da 68 sideed jir .
Dhageyso tacida madaxweynaha Puntland.
tacsi2
Buraannews.com- Garowe.

Faahfaahin kasoo baxaysa safarka Madaxweynaha PL ee Kenya

$
0
0


Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa ku sugan maalinkii sadexaad magaalada Nairobi ee xarunta Kenya oo kulamo kula leeyahay diblumaasiyiin ka kala socda  Afrika ,Yurub iyo USA ka socda.
Kaaliyaha xoghayaha madaxweynaha Puntland Yuusuf Maxamuud Xasan oo la hadlay  warbaahinta ayaa  faahfaahin ka bixiyay qodobada ay ka wada hadleen madaxweyne Farole iyo diblumaasiyiinta dalalka daneeya Somalia.
”Amaanka ,arimaha doorashooyinka Puntland iyo guud ahaan xaaladaha Somalia ayaanu ka wada hadalnay” Ayuu yiri Yuusuf.
Dowladda Kenya oo gacan wayn ka gaysata siyaasada Somalia oo ciidamo ka joogan gudaha dalka islamarkaasina martigelisey boqolaal kun oo qaxooti Somali ah tan iyo burburkii ayuu ku sheegay Yuusuf mid lagama maarmaan noqotay inay iska arkaan xaaladaha dalka iyo gobolka guud ahaan.
Dhiibaatada dhaqaalaha ee dalka ka taagan ,mawqifka ay Puntland ka taagantahay iyo qaabkii loo maareyn lahaa Shilinka Somaliga qiima dhaca ku yimid ayaa qayb ka ahayd ajandihii Puntland ay la hortagtay Beesha Caalamka.
Ugu danbeyntii ayuu xusay kaaliyaha madaxweynaha Yuusuf Maxamuud Xasan in dhowaan u anbabixi doonaan dalalka kale oo ay casumaad ka heleen oo gobolka ku yaal iyo weliba qaar ka mida Khaliijka Carbeed.
Safarka madaxweynaha Puntland uu ku jogo dalka Kenya ayaa kadib lagu wadaa inuu dibada ugasii ambo baxo oo uu gaaro qaar kamid ah wadamada reer Galbeed.
Halkaan ka dhageyso kalaiyaha madaxweynaha
Yuusuf_Maxamuud_Xasan_Kaaliyaha_Madaxwaynaha_Puntland_FarooleGarowe_Radio – Copy
Buraannews.com- Garowe
 
 
 
Buraannews.com

Heavy battles in the lower Shabelle region as efforts to wipe out Alshabab continues.

$
0
0

Marka-(Sh.M.Network)- heavy fightings occurred at some towns in the lower Shabelle region.
The war erupted between Wanlaweyn and Eastern Yaag. Federal government troops aided by AMISOM troops jointly fought the militia group.
Alshabab retaliated fiercely and a heavy war broke up. Almost 11 people have been confirmed dead and similar numbers of injuries are reported.
An AMISOM Vehicle has been burnt to ashes during the fighting.
The war is believed to have erupted after Alshabab attacked an AMISOM envoy heading to some towns in the lower Shabelle region.
This is not the first incident for such wars to break up between Alshabab and AMISOM troops as the militia group frequently attacks AMISOM envoys at the roads leading to the region.
The spokesman of the AMISOM troops has not yet addressed or released any statement about the heavy engagements with Alshabab.
 
 
 


Augustine Mahiga:- Dowladda Soomaaliya waa inaysan isku haleyn ciidanka AMISOM, waayo way baxayaan, waana in…

$
0
0

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augsutine Mahiga oo xilka ka degaya berri oo Isniinta oo ay bishani ku begantahay 3-da June ayaa wareysigiisii ugu dambeeyay inta uu xilka hayo waxa uu siiyey  shalay idaacadda VOA-da, wuxuuna kaga hadlay maraxladihii Soomaaliya ay soo martay intii uu xilka hayey, wuxuuna sheegay in marxalado kala duwan uu soo maray, isagoo sheegay intii uu xilkan hayey uu ku guuleystay sida uu yiri in dalka laga saaro KMG, lana sameeyo dastuur isla markaasna la soo doortay dowlada hadda jirta.
Mahiga wuxuu dardaaran u jeediyay dowlada Soomaaliya maamulayaasheeda kaas oo ku aadan inaysan isku haleyn sii joogitaanka ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya, loona baahanyahay in dib u dhisto ciidamo Soomaaliyeed oo hanan kara ammaanka iyo xasiloonida dalka, waayo ciidamada AMISOM way baxayaan mar ay ahaataba, wuxuuna yiri “Dowladda waxaan u sheegayaa inay tababaro siiso, isla markaana ay qalabeyso ciidanka xoogga dalka Soomaaliya si aysan Soomaaliya u tabin marka ay baxaan ciidanka AMISOM ee hadda dalka ku sugan”.
Augustina Mahiga ayaa sheegay inaan muddo loo qaban karin xilliga rasmiga ah ee ciidanka AMISOM ay ka baxayaan dalka Soomaaliya, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay lagama maarmaantahay in dowladda Soomaaliya ay dedaal dheer u gasho sidii ay u dhisi laheyd ciidanka qalabka-sida ee Soomaaliya si ay u hantaan sugidda amniga dalka AMISOM-na ay ugala wareegaan haolaha ay hadda dalka ka hayaan.
Mahiga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay inay ka faa’iideysato mudada ay dalka joogaan askarta AMISOM, isla markaasna ay si buuxda u qalabeysaa ciidankeeda maadaama aysan AMISOM waligeed dalka joogeen sida uu hadalka u dhigay, sidoo kale Mahiga ayaa ka hadlay doorkii uu ka ciyaaray kala guurka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhammeynta xilligii kala guurka iyo xallinta khilaafaadka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inuu kaalin weyn ka qaatay sidii KMG-nimada looga bixi lahaa.
Danjire Mahiga iyo xafiiskii uu madaxda ka ahaa ee UNPOS waxaa bedeli doona xafiiska United Nations Somalia Mission {UNSOM} oo uu madax ka noqon doono Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska, Mahiga waxaa soo magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon bishii June 09-keedii sanadkii 2010-kii, waxaana ay shaqadu kaga egtahay 03-da bishan Juun oo ku beegan berri oo Isniin ah.

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Hargeysa iyo maamulka Somaliland oo ka hadlay

$
0
0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu Guddi heer sare ah u saaray soo dhaweynta Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan iska casilay Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo lagu wado inuu magaalada Hargeysa tago maanta oo ah Axad, waxaana socdaalkiisa Hargeysa ka hadlay maamulka Somaliland oo sheegay inay soo dhaweyn heer sare ah u sameynayaan xildhibaanka is casilay ee u soo guryo noqday dadkiisa sida ay yiraahdeen.
Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka baddaha ee Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan {Geel-jire} oo ka mid ah Guddiga ay xukuumadda Siilaanyo u saartay qabanqaabada soo dhaweynta Prof. Samatar ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in maanta oo axad ah uu magaalada Hargeysa ka degayo Prof. Samatar, wuxuuna wasiirku intaasi ku daray inay jiraan Guddi aqoonyahano ah oo sidoo kale isku xilsaaray soo dhaweynta aqoonyahankan dhawaan ka baxay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu xil ka qaban doono maamulka Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
“Prof. Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu imanayaa maanta Axad ah, wuxuunu ka soo degaya garoonka diyaaradaha ee Berbera 180-km u jirta magaalada Hargeysa, xukumadduna waxay ugu talagashay inay u soo dhaweyso hab maamuus sare leh, maadaama ay xukuumaddu casuuntay” ayuu yiri wasiirku oo warfidiyeenka Somaliland la hadlay, wuxuuna intaasi ku daray “Waxaa jira boorar uu ka muuqdo Prof. Samatar oo lagu dhajiyey magaalada Hargeysa, kuwaas oo loogu talagalay in lagu muujiyo soo dhaweyntiisa”.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan ka soo jeeda deegaanada Somaliland mudana ku noolaa dalka Maraykanka, balse muddo dheer ka soo horjeeday gooni isku taagga Somaliland una ololeyn jiray in Soomaaliya ay mid ahaato oo aan la kala jarin ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu tago Somaliland ka dib markii uu dhawaan iska casilay Baarlamaanka Soomaaliya oo uu xubin ka ahaa, wuxuuna beeniyay inuu jiro xiriir dhexmaray isaga iyo maamulka Somaliland uuna xil ka qaban rabo halkaasi, waxaana xusid mudan in Samatar markii uu ku guuldareystay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya sanadkii hore uu sheegay in dadka reer Waqooyi aan loo ogoleyn inay xil Madaxweyne qabtaan, xilkaasina ay isku koobeen sida uu yiri Hawiye iyo daarood oo kaliya.

Faroole:- Jubbaland wax walba ayaan ku taageeri doonaa, dowlada Soomaaliyana caalamka ayaan ku dacweynay, kumana farxi doonto

$
0
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu qabtay kulan baraalan oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, isla markaana dhanka kale lagu taageerayay maamulka Jubbaland ee madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha Axmed Madoobe ee Kenya ayaa waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo sheegay inuu si weyn utaageersan yahay maamulka Jubbaland waxaana uu tilmaamay inay soo dhaweynayaan maamulada kale ee Soomaaliya laga dhisi doono waxaase uu aad ugu celceliyay in wax walbo oo ay awoodaan ay uhiri-doonaan maamulka uu hogaamiyo Axmed madoobe iyo hirgelintiisa .
“Maamulka laga dhisay Jubbooyinka waa mid aad inoo farxad gelinaya haddii aanu nahay Putland, waana ku qanacsanahay in maamulkaas uu noqdo mid lamaane la ah maamulka puntland ” ayuu yiri Faroole  oo dhanka kale tilmaamay in qodob dastuuri ah ay tahay maamul goboleedyada, isagoo yiri markale “Dhamaan maamul goboleedyada dastuurka ayaa xusaya qaabka loo dhisayo Jubbaland-na sharuucda waa uhogaansantay, marka waa in loogu hambalyeeyaa howsha ay hayaan”.
C/raxmaan Faroole ayaa ugu yeereay dowladda Soomaaliya inay aqoonsato maamulka Jubbaland, wax walabana lagu xaliyo qaab wadahadal ah haddii kale dowlada ay ku fashilmi doonto arrimaha Jubooyinka sida uu yiri.
“Arrinta dowladda ee Jubbaland waa inay soo dhaweystaan shacabkooda, aqoonsadaan maamulka ay dhisteen, waxaa wax laga xumaado ah in dowladdu ay si gaar ah udiido maamulka Jubbaland”ayuu yiri Dr Faroole oo sidoo kale sheegay in Safiirada wadamada caalamka uu kala hadlay arrinta Jubbaland haatana ay ku dhow yihiin in aqoonsi caalami ah la helo sida uu uyiri.
Arimaha kale ee uu soo hadal qaaday madaxweyne faroole waxaa kamid ahaa doorkii uu maamulka puntland  kulahaa ka bixitaanka KMG iyo soo dhisitaanka dowlada haatan jirta, waxaana uu sheegay in Puntland ay lafdhabar u ahayd in Soomaaliya ay kusoo dhacdo saaxada siyaasada ee saxda ah, Madaxweyne Faroole ayaa dhanka kale dowlada Soomaaliya ku eedeyay in isbadal badan ay ku sameysay qaar ka mid ah qodobada dastuurka isagoona qeexay in imaashiyahiisa Nairobi ay ka mid tahay ugudbinta beesha caalamka arimahaasi isagoona ku hanjabay in dowlada aysan ku farxi doonin caqabadaha ka dhalan karaa haddii dastuurka wax laga badalo iyadoo aysan Putland ka warqabin.
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo labadii maalin ee lasoo dhaafay kusugnaa Nairobi ayaa dhinaca kale sheegay in uu madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan looga hadlayo arrimaha dastuurka iyo xal u helista arrimaha Jubbooyinka maalinta Arbacada kula qaadan doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.wuxuuna intaasi ku daray in uu madaxweynaha ku boorin doono in aan la gacmagacmeyn dastuurka ummadda Soomaaliyeed u dagsan ee lagu soo doortay dowladda haatan dhisan.
C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa dhinaca kale si weyn ugu ammaanay jaaliyadda Puntland ee ku nool Kenya kaalinta ay ka qaateen horumarka weyn ee ka socda deegaanada Punt-land, wuxuuna ka codsaday in aysan ka daalin wax u qabashada dadkooda, Madaxweynaha Puntland, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu ku kalsoon yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka gudbayaan xaaladihii adkaa ee mudada labaaanka sano ahaa ka jiray Soomaaliya, uuna ku rajo weyn yahay in caddaalad iyo amni buuxa ay ka hirgalaan guud ahaan Soomaaliya.

QaramadMidoobay oo dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay dib u habeyn ku sameyso garsoorka iyo…

$
0
0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon oo ka qeybgalaya shirka Ticad ee horumartinta qaaradda Afrika oo ka socda magaalada Yokolohama ee dalka Jabaan ayaa ku booriyey beesha caalamka inay xoojiyaan qorshaha nabad raadinta Soomaaliya, si loo abuuro deegaan soo jiita dalxiisayaasha iyo dimuqraadiyad ka dhalata Soomaaliya sida uu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in loo baahanyahay in la xoojiyo awoodda shacabka si ay uga qeybqaataan dib u dhiska dalkooda, sidoo kalena dowladda Soomaaliya lagala shaqeeyo sidii ay ammaanka u sugi laheyd.
Mr. Moon wuxuu sheegay in loo baahanyahay in marka hore laga shaqeeyo nabadda dalka Soomaaliya iyo arrimaha dib u hishiisiinta shacabka Soomaaliyeed si buu yiri ay u sahlanaato maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya, wuxuuna xusay in beesha caalamka xilligan ay daneynayso inay ka shaqeyo xasilinta amaanka dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhinacyada Soomaalida laga doonayo ka shaqeynta amaanka dalkooda.
“Soomaaliya dhinacyo badan ayey taageero uga baahantahay, marka waa in xoog badan la geliyaa dedajinta nabadeynta Soomaaliya, si ay u soo jiidato indhaha maalgashadayaasha caalamka, loona helo dhul nabad oo maalgashi lagu sameyn karo” ayuu ka yiri Banko Moon shirka dalka Jabaan.
Mar uu ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Kismaayo ayuu sheegay inay tahay mid u baahan wadahadal dhexmara dadka deegaannadaas ku nool si loo xoojiyo wada-noolaasho dhexmarta iyo in laga hirgeliyo sharciga iyo kala dambeynta, wuxuuna yiri “Dib u habeynta garsoorka, hagaajinta kaabayaasha bulshada iyo xoojinta awoodda dadweynaha, iyadoo tababaro la siinayo waa arrimaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya u baahantahay maanta, Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa kaalmada ay siiso Soomaaliya si loo xaqiijiyo dhaqaalaha bulshada iyo tiirarka siyaasadda si loo helo deegaan ku haboon bulaalidda ganacsiga, lana soo afjaro colaadaha si ay dadku awood ugu yeeshaan inay kobciyaan noloshooda”.
Dhinaca kale Ra’isul wasaaraha Jabaan Shinzo Abe oo isna shirka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in xeebaha Soomaaliya laga ciribtiro burcad badeeda si dalka uu noqdo mid hela xasillooni iyo degaansho horumar leh, wuxuuna yiri “Waxaan ku talinayaa in si dhaqso ah loo horumariyo nolosha shacabka Soomaaliyeed iyadoo loo marayo tababaro, sida dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo dib u dhiska kaabayaasha bulshada”.
Ugu dambeytii Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo isaguna hadal ka jeediyay shirka ayaa ugu baaqay qurbo-joogta Soomaaliya inay dib ugu laabtaan dalkooda, ayna ka qeybqataan dib u dhiska dalkooda, isagoo xusay in dowladda Kenya, dowladda Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay qeyb ka qaadanayaan sidii qoxootiga Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa dalkooda.

Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

$
0
0

Yokohama, 02 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta kula kulmay Yokohama Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM Nick Kay oo maalinta berry ah booqanaya Muqdisho si uu howshiisa cusub u bilaabo, arrimaha amniga, iyo sidii QM ay kaalin hoggaamineed uga qaadan laheyd dib-u-dhiska dalka.
Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa ammaanay dadaalka iyo horumarka Soomaaliya waxuuna sheegay in QM ay kaalmo buuxda la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna uga mahadceliyey Madaxweynaha saxiixii ay Soomaaliya saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga hubka Sunta ah. XG ee QM ayaa sheegay in Ergeyga cusub ee Soomaaliya ka howlgalaya laga bilaabo berri inuu la imaan doono isbedel buuxa oo dhammaan hay’adaha QM ay u soo guuri doonaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa isagana u mahadceliyey XG ee QM Ban Ki-Moon doorka weyn ee QM iyo sida Dowladda Soomaaliya loogala tashaday magacaabista mas’uuliyiinta sar sare ee QM ee ka howlgalaya Soomaaliya. Madaxwweynaha ayaa sheegey in dowladdu ay diyaarisay qorsheyaashii xasilinta dalka oo uu sheegey inay muhiim tahay in Dowladdu ay dejiso sharciyaddii lagu dhisi lahaa maamulada dalka si loo helo maamul wanaag sal sharciyadeedna leh kaasoo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ka codsaday QM inay door fiican ka qaadato sidii Soomaaliya hay’adaheeda dib loogu dhisi lahaa oo loo heli lahaa hay’ado tayeysan oo u adeega danaha shacabka Soomaaliyeed.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live